Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo guul darro la kulmay cayaartii ugu horraysay oo saaxiibtinimo ah

0
Saturday October 14, 2023 - 19:11:02 in Wararka by
  • Visits: 1357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo guul darro la kulmay cayaartii ugu horraysay oo saaxiibtinimo ah

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,
 Xulka kubbada cagta Soomaaliya ayaa guul darro 3:0 kala kulmay dhigooda kubbada cagta ee dalka Niger, taasoo ahayd cayaar saaxiibtinimo oo dhex martay.
Cayaartan ayaa ka dhacday garoonka Stade Bechir de, ee magaalada Mohammedia, oo soddon kiiloomitir u jirta magaalada Casablanca, ee dalka Morroco.

Waxay ahayd cayaar aad looga gacan sarreeyay xulka Soomaaliya, oo dhawaan tababare cusub uu shaqada la wareegay.


Soomaaliya oo aan horey uga soo muuqan jiray kulamada saaxiibtinimo ee caalamiga ah ayay u tahay dhacdo taariikhi ah.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiine ayaa guul taariikh ah ku tilmaamay ciyaaraha saaxiibatinimo oo uu Xulka Soomaaliya dheelayo markii ugu horeesay muddo dheer kaddib.

Guddoomiye Shiine wuxuu sheegay, in Soomaaliya sanadkan ay cayaarayso 4 kulan oo labo kamid ah ay yihiin cayaaro saaxiibtinimo, taas oo mid kamid ah galabta uu xulka Soomaaliya la cayaaray Niger.

Shiine wuxuu sheegay tan iyo sidii xulka Soomaaliya uu ugu guulaystay cayaarihii bariga iyo bartamaha Afrika, in ay kor usoo kacday moralka kubadda cagta Soomaaliya.
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip