HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 14-KA OKTOOBAR 2023-KA

0
Saturday October 14, 2023 - 08:26:16 in Wararka by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 14-KA OKTOOBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta laba xisbi kaliya looga dhisayo dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh M axamuud ayaa khudbadii uu jeediyey Jimcihii Dor raad qeyb ka mid ah wuxuu kaga hadlay door ashooyinka dowlad goboleedyada, kuwa fede raalka iyo nidaamka kursiga Ra’iisul Wasaaraha loogu bedelayo Madaxweyne ku xigeen, markii la gaaro sanadka 2026-ka.

Madaxweynaha ayaa ku dhee raaday sharaxaad ku saabsan sidii looga gudbi lahaa nidaamka qaba liga ah, isagoo dadka ku qanciyey heshiiskii ay ga aen golaha wadatashiga qaranka, kaas oo dhiga ya in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

"Xisbiyo qabiil dalkeenu ma qaadi karo, labada xisbi waxaan ku dooranayo inaan qaadano, in qof kasta uu ku khasbanaado inuu raaco siyaasi aan ku heyb aheyn, si meesha looga saaro isbaheys iga qabiileysan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guul-dareysatay in Madaxweynaha iyo Ra’I isul Wasaaraha ay isla dhameystaan muddo xile edkooda, isagoo sharaxay sida nidaamka madax tooyada uu meesha uga saari karo khilaaf aadkii looga bartay siyaasadda Sooma aliya.

Madaxweynaha ayaa ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, "Wax waa diidi karaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aan sanay hadaa diidan tahay qorshah aas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xal ka ku jira,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxu sheegay in dowladii ugu rooneed ay yeelatay laba ra’iisul wasaare, tan iyo 1960, taas oo ka dhigan in aysan jirin hal madaxweyne iyo ra’iisul wasaarihiisa oo muddo xileedkooda isla dhameystay.

"Dunidu waxay isku dayday inay dolwad noo dhisto, laakiin anagu wax aanaan qabsan nooma qabsoomayaan, Soomaali ayaa dowlad dhisan karta, waxaana ku gaareynaa jidka aan Dorraad heyno ee nala qaata,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in masuu liyiintii kuraasta boobtay xiligii dowladii Farmaajo ay qab aan in doorash adii oo kale aan loo laaba karin, isagoo sheegay in khasab ay tahay in sidii hore waxa laga bedelo.

Madaxweynaha ayaa ka jawaabay dood ku saabsan in madaxweynaha la soo doorto markii la qaato nidaamka hadda lagu heshiiyey uu awood badan uu yeela nayo, kaligiis taliyana uu noqon karo.

"Ma jirto cid xoog ku xukumi karta dalkaan, w aan soo aragnay in Soomaalida aan la qasbi ka rin, marka waxaan dejinay qorshe looga gudbi ka ro is qabqabsi,” ayuu yiri.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo shacab ka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Calanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyey xuska maalinta calanka Jamhuuriya dda So omaaliyeed, oo ku beegan 69 sanno ka hor markii la ya gleelay calanka oo ah astaanta ay dunidu nagu ta qaanno. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo tilmaamay muhiimada calanka uu leeyahay ay aa sheegay inuu yahay astaan ka turjumaysa jir itaanka Qarannimada dalka, midnimada iyo wadaj irka shacabka ku nool dhulka Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya, isagoona bulshada Soomaali yeed ku baraarujiyay in la xusuusto maalintan qi imaha badan ee dalkeenna uu leeyahay.

Ra’iisul wasaraha XFS oo qaabilay madax ka soctay Hey’adda Caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah ee Bill & melinda Gates Foundation Ahna madaxa guddiga la socodka cudurka badeysha Dr Chris Elias.

Kulanka qaabilaada Waxaa qayb ka ah aa Ku simaha Wasiirka Caa fimaadka ahna Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaad ka Dr Maryan Maxamd Xuseen iyo Wasiir Ku xigeenka Wasa ardda Caafimaadka Dr Maamad Xasan Maxamad sidoo kale Hay’ addaha Caalamiga ah ee taage era horm arinta Caafimaadka ee WHO, UNICEF, UNFPA,

U jeeadada Kulanka ahaa mid diiraadda lagu saaaaay siyaasadda iyo qorshay aasha muhiimka ah ee ku aadan wada sha qeynta dowladda Soo maaliya iyo Hey’adda Caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka dalka gaar ahaan tala alka dabeysha, iyo sidii loo cirib tiri lahaa iyo si doo kale tayaynta nidaamka Caafimaad ka dalka.

Xasan oo Villa Somalia ku qaabilay Firdhiye iyo arrimaha laga wada-hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa Dor raad ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hogga amiyaha SSC-Khaat umo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa madax wey naha ku wehlinayay R/Wasaaraha XJFS Xamza Cabdi Barre. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaa ladda guud ee deegaann ada SSC-Khaatumo ka dhageystay Hoggaam iye Cabdiqa adir Axmed Firdhiye.

Firdhiye ayaa madaxweynaha iyo ra’ii sul was aaraha la wadaagay aragtida, hiigs iga dadka dee gaannada SSC iyo caqaba daha nololeed ee ka dhashay dagaalka cii damada Somaliland iyo dad ka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC Khaatumo Dorraad looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noola anshaha bulsho iyo xasilloonida deegaann aadaas.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii laba ad ee madaxda sare ee Adalka ay la qaatan hoggaam iyaha SSC-Khaatumo, ayada oo kii hore lagu bal amay inay sii socdaan kulamada labada dhinac, maadaama uu ahaa wada-hadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha maamulka cusub ee SSC iyo dowladda dhexe Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale horay si gaar ah ula kulmay ra’ iisul wasa are Xamza Cabdii Bare oo ay ka wada-hadleen isla qaddiyada SSC iyo dagaalka ka socda Laascaanood.

Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda M/Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus.

Si kastaba, DFS ayaa xilligaan u muuqata mid muhiimad gaar ah siineysa shacabka SSC oo aw ood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kal ena dhaw aan sameystay maamul ay ku mide ysan yihiin.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Turkeyga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Cabdirashid Haji Abdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo wadanka Turkeyga kaga qey bgalaayey Shirka Madasha Ganacsiga ee Turke yga iyo Afrika, ayaa wuxu halkaas kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa wadankaasi Wasiirka Gan acsiga Turkeyga Mudane/ Prof. Dr. Ömer BOLAT oo ay ka wada hadleen xiriirka ganacsi iyo xooji nta iskaashiga labada dal.

Labada dhinac, waxay sidoo kale falanqeey een dhammaystirka heshiiska Iskaashi ee Ganac siga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkeyga oo loo yaqaano TEPA kaas oo maraya heer gebog abo ah sidoo kalena muh iim u ah horumarka dhaq aale ee labada wadan, waxaana ay Soomaa liya diyaar u tahay soo dhaweynta Maalgasheyaa sha, iyo in Ganacsatada labada dhinac ba ay Maa lgashiyo ka Soomaaliya iyo Turkeyga.

Madaxda Qaranka oo ka qayb galay Olale dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida

Madaxwrynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxam uud oo uu wehlinayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliua Xamse Cabdi Barre ayaa

ka qayb galay olale dhiig loogu shubayo ciidam ada qalabka sida ee dagaalka kula jira Alshab aab.

Dhiiga laga shubay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa la dhigi doona Banngiga keeyd ka, iyaga oo ay ugu deeq een Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliy eed ee xilligaan dagaal kula jira Alshab aab, oo hadda wajaha dagaal dhinac kas ta ah.

May be an image of dais and text Madaxwryn aha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Xas an Sheekh Maxam uud oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn waxa uu u hambalyeey Golaha Wasiirrada Xukuumadda, kuwaas oo dhiig ugu deeqay Ciidamada xoogga dalka.

Dhanka kale Madaxwyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa ugu baaqay shacabka Sooma aliyeed, inay ka qeyb qaataan olalahaan ee dhiigga loogu shubaayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaali yeed. Olahaan ayaa waxaa soo abaabulay dhal linyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka ah kac donka ciribtirka Khawa ariijta, ee hadda ka socda

guud ahaan dalka.


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadl ay Dagaalka XAMAAS & Israa'iil

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bana adir ahan Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimca ale Madaale ayaa Dorraad ka hadlay dagaalada u dhexeeya dagaalyahanada Xamaas ee Falastiin iyo ciidanka Israa'iil oo muddo todobaad uu ka socdo aagga magaalada Gaza.

Guddoomiye Madaale oo Muna asabad ka dhacday Muqdisho ka hadlaayay ayaa waxa uu she egay in ciidanka Israa'iil ay dhiba ato ba'an ku hayaan shacabka Falastiin, isla mar kaana Duqeyn ba'an ku burburiyeen dhism ayaa sha dadka Rayidka ee ku nool Qasa. Wuxuu inta asi kusii daray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in shacabka Soomaaliyeed looga baah an yahay inay u duceeyaan dadka Falastiiniyiinta ee dhulko oda xooga lagu haysto, ayna u muuji yaan garab istaag.

'Waxaan rabaa haddii uu Ilaah yiraahdo inaan Ila ah u barino walaalaheena reer Falastiin ee cad ow gu ku gar-darooday ee raashinkii, korontadii iyo biyihii laga gooyay ee ciqaabta adag la kulm aayo ee la duqeynaayo, la'iskuna kaashaday in Ilaahey uu ka dulqaado" ayuu yiri Duqa Muqdisho oo til maamay in Israel ay dhibaato ku hayso Qa sa. Marka laga soot ago hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee uu uga hadlay xaalada dagaal ka Israa'iil iyo Xamaas ma jiro war kale oo kasoo baxay Madaxda DFS oo ay uga hadlayaan dag aaladaasi. Si kastaba, Tan iyo Sabtidii la soo dha afay, Diyaaradaha Dagaalka Israel ayaa wax ay Duqeyn ba'an ku burburiyeen Dhismayaasha da dka Rayidka ee ku nool magaalada Qasa iyo Gu ud ahaan deegaanada Marinka Qasa

Xigasho:Radiodalsan.Com

Ciidamo Macawiisley ah oo howlgal xooggan ka sameeyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada degaanka Gobolka Shabe ella ha Hose ayaa waxaa howlgallo ay ka fuliyeen deg aano hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana hoggaaminayay ho wgall ada Guddooomiye kuxigeenkii hore ee arri maha Bulshada degmada Walanweyn iyo taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Walanweyn.

Degaannada howlgallada la ga fuliyay ayaa waxaa ay kala yihiin Dabridka, Moorgal aale, Dhinmaayooleey oo kuyaalla Galbeedka de gmada Walanweyn, halkaas oo ay ku sugnaaye en Xubno katirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koon fur Gal beed ee degmada Walanweyn ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ay ka fuliyeen degaannada hoostaga degm adaas.

Guddooomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha Bulshada degmada Walanweyn Maxamed Xaaji Muqtaar Gacma-dheere ayaa sheegay in dega annada ay howlgall ada ka fuliyeen ay ahaayeen kuwo ay Al-Shabaab ku dhibaateyn jireen dadka Shacabka ah

Dab aad u xooggan oo Xalay ka kacay Xarunta Xalane

Dab aad u xooggan ayaa Xalay ka kacay Xala ne oo ah Xarunta ugu weyn Muqdisho ay ku lee yihiin Ciidamada Midowga Afrika iyo guud ah aan ajaanibta reer Galbeedka iyo safaaradaha.

Waaxda Dab-damiska Go bolka Banaadir ayaa u gurmad ay kuwaasoo ku dhawaad 5 sa acadood ay ku qaadatay inay ku guukeystaan daminta debkaasi. Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah wiil asha waaxda Dab-damiska Gobolka Banaadir waxay gaareen xal ane maqribkii Xalay dabkana way la tacaalayeen ilaa iyo saqdii dhexe ee Xalay 11-ka oo daqiiq ado dhiman,markasoo ugu danbeyna ay ku bakhtiijiyeen.

"Alle kasokow dadaal dheer oo ay bixiyeen geesyadeena ayaan Xalay ku guuleysay daminta dab aad u xooganaa kaa oo ka dhacay gudaha xalane qeybta EUCAP”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook waaxda gurm adka xegdega ee Gobolka Banaadir.

Wasiir Alcadaala oo ku dhowaaqay in lasoo afjaray hawlgalkii sifeynta…

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaa liya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcada ala) ayaa shegay in Ciidanka Xoogga Dal ka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ay soo geba-gabeeyeen hawl galkii sifeynta, ee ay maalmahaanba ka wadeen dhulka hawdka ee deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabelelaha Dhexe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheeg ay in ciidamada ay ku guuleysteen iny male eshiyada Al Shabaab si bu uxda uga saar aan hawdka Cali Fooldheere, oo hoostag ga Degmada Mahadaay.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada Sha baab ka ay dooneysay in deegaankaasi ay ka dhibaat eeyaan HirShabelle iyo Galm udug, balse ay ciidanku Dorraad soo geba-gabeeyeen joogitaank oodii deegaankaasi.

"Meelaha kooban ee hawdka ah oo ay u arka yeen inay ku badbaadi karaan bay meeshaasi ka mid ahayd. Marin sidoo kale muhiim ah oo ay isku dayayeen Hirsha belle iyo Galmudug labadaba inay ka dhibaateeyaana way ahayd, laakiin Ilaa hay mahadiis Dorraady ayuu ciidanku ka sifeeyay dhulkaasi hawdka ah,” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in Shabaabka ay dib ugu laabteen daanta galbeed ee Webiga Shabelle, halkaas oo bartamihii bishii September ay ka soo gudbeen.

"Intoodii dhimatay ma ahee intoodii kale waxay u bxsatay dhanka galbeed ee webiga, oo ciidama duna ay u tallaabeen, si ay u sii baacsadaan mee sha ay taggaanba ay uga daba taggaan,” ayuu yiri Alcadaala oo VOA la hadlay.

Shabaabka ayaa ku dhawaad muddo afar todd obaad ah ku mintidayay, sidii ay ugu nagaan lah aayeen beeraha Ciid Ciid ka (Jimbilow) illaa dhu lka hawdka ah ee ku dhow jiinka bari ee webiga.

Shabaabka ayaa dhulkaasi u arkayay goob ku wanaagsan gabaadka, islamarka ana ay ka soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah.

W/ Maaliyadda XFS oo kulamo docee dyo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey'adaha caalamiga ah

Wasiirka Maaliyadda XF Sa Md.Biixi Imaan Ci ge oo ku sugan Magaalada Marr akesh ee Dalka Morocco ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey'adaha caalamiga ah ee ka soo qeybgalay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduu nka oo sanadaan lagu qabtay Dalka Morocco. Ug u horeyn, Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Horumarinta Afrika ee Dowladda UK Mr. Andrew Mitchell oo ay ka wadahadleen hannaanka dib-u-habeynta Maal iyadda iyo taageerada barnaamijka deyn cafinta kadib. Sidoo kale, waxa uu Wasiirku kulan gaar ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Wasaar adda Maali yadda Wadanka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Hadi AI-Hussaini oo ka mid ah dalalka deymaha ku leh Soomaaliya. Kulanka ayaa diir adda lagu saaray sidii go'aan looga gaari lahaa ar rimaha deymaha. Dhanka kale, Wasiirka Maal iyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Ciraaq Marwo Taif Sami Mohammed kulan gaar ah oo ku saab san arrimaha deyn Caginta la qaatay, maadaama ay Ciraaq ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya deynta ku leh. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shirar muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha sare ee Hey'adda Lacagta Adduunka IMF, Mudane Wasiir Biixi ayaa kulanka ugu horeeya la qaatay Agaasimaha Guud ee IMF Kristalina Georgieva, Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Asia Jihad Azouri, iyo Dr. Mahmoud Mohieldin oo Agaasime u ah Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo shirgud doomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Md.Saalax Axmed Jaamac, ayaa Dorraad guddoomiyey shir ka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaa liya iyo Midowga Yurub, taas oo diiradda lagu sa arey hor umarrada laga sameeyey arrimaha horu tabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirro ka tir san Xukuumadda federaalka ah iyo masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, ayaa lagu soo bandhi gay arrimo ay kamid yihiin siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo xasilinta; kobaca dhaqaal aha iyo arri maha bulshada. Ra'iisul Was aare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa tilmaamay sida ay uga go 'an tahay dowladda Soomaaliya ka miro-dhalinta arrimaha horutabinta leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Qusulka Soomaaliya iyo madaxda hey’adda Igaasa oo Sacuudiga ku yeeshay kulan muhiim ah

Qunsulka Guud ee Dowladda FS u fadhiya M/ Jiddah Axmed Maxamuud Diiriye ayaa kulan la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Hey’adda Igaatha oo xarunteedu tahay dalka Sacuudi Caraabiya.

Qunsulka oo ay halkaasi ku soo dhoweeyeen madax hey’addaasi Marwo Iimaan Xusen Falinba an iyo howlwadeenno kale,waxaa laga hadlay ar rimo la xiriiray xoojinta xiriirka iyo horumarina bar naam ijyada samofal ee laga fuliyo Soomaaliya.

Labada dhinac waxa ay isku afgarteen mudadii uu socday kulankaasi in la darda rgaliyo mashruucda khuseeya bin iaadanimada ee laga wado sooma aliya. Qusulka Gu ud ee Dowlad da FS u fadhiya M/Jiddah Axmed Maxa muud Diir iye ayaa ka mahadceliyay soo dho weynta loo sameeyay iyo dadaal ka ku aadan waxqabadka hey’adda Igaatha ee dhinaca Soomaaliya.

Tiradada Duqeymaha Looga Dilay Falastiin Oo La Shaaciyey

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maalintii 7baad oo xiriir ah duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacaya magaalada Gaza ee dhulka reer Fal astiin. Tiradada Duqeymaha Looga Dilay Falastiin Oo La Shaaciyey Ciiddanka Israel ayaa ka ha dlay tiro-koobka mad aafiicdii ay sida arxan-dar ada leh ugu duqeeyeen M/Qasa & guud ahaan de egaanada marinka Qa sa lixdii maalmood ee la soo dhaafay wargeyska The Washington Post wa xa uu ka soo xigtay khubaro milliteri in ay diyaara daha dagaalka Israel 6,000 oo Gantaal ku duqe eyeen M/Qasa muddo 6 maalmood oo keliya.

Ciidamada Israel ayaa duqeymaha ay ka wad aan dhulka Falastiin ku dilay dad ka badan kun qof oo shacab ah, halka kumanaan kun oo qof kal ana lagu dhaawacay duqeymaha ku socda Gaza.


Wareysi: Sheekh Bashiir oo shaaciyey go’a ano culus oo culimadu ku gaartay Nairobi

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo shir ku yeeshay M/Nairobi ee dalka Kenya, ayaa bayaan ay soo sareen ku sheegay inay u istaag ayaan dib heshiisiinta qabaa’il ka iyo xal u helidda colaadaha ka jira gobollada qaar.

Culimada shirtay ayaa baya ankooda ku sheegay inay u istaageen dardar gali nta doorka ay wadaaddada diinta ku leeyihiin arri maha dib u heshiisiinta.

Culimada ayaa sheegay in tallaabooyin badan ay qaadeen kadib markii ay kordheen dilalka ka dhasha colaadaha iyo aanooyinka qabiillada oo gaartay heer carruurta iyo arday jaamacadaha dhigta la iska dilo.

Colaadaha qabaa’illada ayaa ahaa kuwo muddo dheer kasoo jiray Soomaaliya dhexdeeda, hadd aba maxaa keenay wada addada diinta inay xillig aan ku baraaru gaan, waxaa la weydiiyey Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Idaacadda VOA.

"Culimadu waxay go’aansatay in la dhiso hey’ad ka shaqeysa dib u heshiis iinta, dhismaha hey’ adaas guddi ayaan u saarnay, waxyaabaha ay dadku isku qabsadaan oo inta badan gacan ka hadalka keena, waxaan ka samey doonaa wacyi gelin iyo talooyin dardaaran ah,” ayuu yiri.

Sheekh Bashiir oo ka mid ah culimadii shirka ka qeyb-gashay ayaa ku jawaabay in hadda ay culimadu rumeysatay in dadka Soomaaliyeed ee qabaa’ilka ah uu gacanta u galay hub badan, taasina ay sababi karto in colaaduhu sii kordhaan.

"Waxaa hadda meelo badan ka dhacaya dagaal adii qabaa’ilka Soomaalida u dhaxeeyey, mar kaan ogaanay in aanooyinkii qabiilka ay sii bad anayaan waxaan isugu imaanay in wax la iska dhaho arrintaan, si aan gacan uga gey sano jooj inta dhiigga qubanaya,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

"Waxaa soo dhordhay dhaqan aan Soomaalida looga baran, waxaa is guma adaya beelihii Soom aalida, dadka in la wacdiyo ayaa naga go’an waa na waajib na saaran, dad badan oo waxgarad ah ayaan la hadalnay, in cadaaladda la hor geeyo qofkii dhib geysta ayaan ku baraarujinay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Bashiir.

Hooyo Cunugii ay dhashay ku tuurtay Musqul Magaalada Hargeysa

Xaafada Cabeeye magaalada Hargey sa ee Maamulka Somaliland waxaa Dorraad ka dhac day arin yaabkeeda leh markii hooyo u dhalatay Dalka Itoobiya ay musqul ku riday cunug ay dhashay .

Ciidamada Dab-damiska oo lagu war geliyay ayaa dur ba markii ay goobta soo gaareen waxay musqusha ama boosa nee rada ka soo saareen cunugii saqiirka ahaa.

Cunuga wuu dhintay madaama uu waqti ku jir ey musqusha inkastoo ay isku day sameeyeen ko oxda dab-damiska ee ka howlgala Somaliland gaar ahaan Harg eysa.

Xaafada Cabeeye waxaa la sheegay in lagu yaq aan in dadka degan ay badankood Soomaali ah ayn oo ay ka kala yimideen dalal ay Itoobiya ka mid tahay.

Hooyadaan ilmaha ku tuurtay Musq usha ayaa ka soo jeeda Qowmiyada Orom ada ee Dalka Itoo biya waxaana qabtay oo gacanta ku haya booliis ka Maamulka Somaliland kuwaasoo baaritaana ku haya. Lama oga sababta ay hooyadaan Or omada cunugeeda ay gacanteeda ugu dishay balse sida caadiga ah ilmaha sharci darada ku dhasha ayaa inta badan qaabkaan ay ula dha qman hooyooyinka dhalay si ay meesha uga bax do yaa kaa dhalay ilmaha madaama aysan jawa ab u hayn.

DF Somalia iyo saaxiibada caalamka oo shir uu uga furmay Ankara + Ujeedka

Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka socda shir u dhaxeeya dowl adda Soomaaliya iyo saaxiibada caal amka, sida dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Qatar, Turkiga, iyo Imaaraadka Carabta.

Shirkaan oo noqonaya kii afaraad ee noociisa ah ee ay yeeshaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa diiradda lagu saaraya xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Dhinacyada ayaa si gaar u dul istaaga ya arri maha amniga, siyaasadda, arrimaha bini’aadann imada iyo istaraatiijiyadaha lagu gaari karo nabad iyo xasilooni ka dhalata gudaha Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaal iya oo qeyb ka ahaa shirkaan ayaa shaa ciyay "in shirka si weyn looga hadlayo dhi mista ATMIS-ka iyo dadaallada la-dagaa lanka argagixisada, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

"Iyada oo ay ka soo qeyb-galeen Qatar, UAE, UK, Turkey iyo USA, waxaa magaal ada Ankara lagu qabtay shirkii 4-aad ee Quint Soomaaliya. Hawlgallada/ Istaraatii jiyadda la-dagaalanka arga gaxisada, kala-guurka ATMIS, xasilinta, iyo shir-weynaha soo socda ee horumarinta laamaha amm aanka ee Soomaaliya ayaa ugu sarreey ay,” ayaa lagu yiri qoraalka La-taliyaha Amniga Qar anka Xuseen Sheekh Cali.

Xuseen ayaa sidoo kale ka dhawaaji yay muhiim adda uu kulankaan u leeyahay dowladda feder aalka iyo saaxiibadeeda ca alamka, oo qiray inay garab taagan yihiin.

"Quint-ku wuxuu sii ahaanayaa mid faa’iido leh oo aan looga maarmi karin dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada muhiimka ah ee amn iga caalamiga ah.”

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha arrim aha dib adda Qatar Maxamed Bin Cabd icasiis Bin-Saalax ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la taageero sidii loo aqoonsan la haa dada allada ay dowladdu ugu jirto wax ka qaba shada arrimaha ammaanka.

"Qatar waxay diyaar u tahay in ay taageerto qo rshe kasta oo wada xaajood ah oo lagu horuma rinayo amniga iyo xasilo onida Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Bin-Saalax oo adkeeyay taageer ada Qatar ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiiru-dowlaha wasaa radda arri maha dibadda dowladda Imaara adka Carabta, Sheekh Shakhbut Bin-Nahyan ayaa markale ku celiyay in dowla diisa ay ka go’an tahay inay So maliya ka taageerto amaanka, horumarinta dhaqa alaha iyo siyaasadda.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa horay u ga aray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhi nacyada iskaashiga militeriga, wuxuuna Imaar aadka xilligaan door muuqda ka qaata dhismaha ciidanka, gaar ahaan tababarada iyo kharashaad ka ku baxa, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga oo la wareegay Ruun-nirg ood iyo xogta qorshaha daga alka ee DF

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xo reynta deegaanka ayaa Dorraad oo Jimco aheyd gudaha u galay degmada Ruun-nirgood ee G/ Sh/Dhexe oo ka mid ah magaalooyinkii ay soo baneeyeen ciida mada qaranka.

Ciidanka ayaa Xalay ku hoya naya Ru un-nirgood, waxaana ciidamada qeyb ka ah kuwo deegaanka ah oo laga abaabulay Muqdisho iyo deegaanada ay degto bee sha iska leh degmadaas, kuwaas oo ku socda qorshe loo ga baaqsa nayo in mar dambe dib looga soo baxo Ruun-nirgood.

Ciidamada huwanta ah wax iska caa bbin ah kalama aysan kulmin kooxda Al-Shabaab oo si na bad ah ayey ku galeen degmada Ruun-nirgood, kadibna waxay Dorraad magaaladaas ka sam eysteen fariisimo.

Markii la xaqiijiyo amniga degmadaas, waxay saraakiishu noo sheegeen inay u sii gudbi doo naan deegaanada kale ee ka maqan gacanta dow ladda, waxaana Ruun-nirgood sii difaaci doona cii dan u badan kuwa deegaanka oo lasoo abaab ulay.

Kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay in ay san joogin dhammaan degmooyinkii ay soo ban eeyeen ciidamada dowladda, wixii ka dambeeyey markii uu dhacay weer arkii Cows-weyne, kooxda ayaa wixii mal eeshiyaad ka joogay gobollada dhexe Isu gu geysay dalka ka socda koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga sagootiyey M/Muqd isho, kuwaas oo maalmaha soo socda geli doona degmooyinka aan ku jirin gacanta dowladda ee Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

In Shabaab aysan joogin deegaanadii laga soo baxay waxaa xaqiijiyey ciidamo maalmo ka hor ka baxay Muqdisho, kuwa as oo safar dhulka ah ku tegay degmada Xarardheere.

Degmada Ceeldheer oo ugu weyn deg mo oyinkii laga soo baxay ayey sii mareen ciidamad aas, waxay joogeen maalin dhan, waxay ka fujiy een calamadii ay derbiyada ku dhejisay kooxda Al-Shabaab, waxayna uga sii gudbeen degmada Xarardheere oo ay markii hore u socdeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hogga ami naya qorshaha dagaal ee Soomaaliya looga xore ynayo argagixisada ayaa maalin ka hor ka soo laabtay safar uu dalka Eri trea ku tegay isagoo ko rmeeray ciida mada loo soo tababarayo dalka, wuxuu hadda ku soo laabtay Muqdisho, wuxuuna uga sii gudbi doonaa saldhigga uu dag aalka ka hoggaamiyo ee Dhuusamareeb.

Maalin ka hor Dhuusamareeb waxaa ka gud bay labo urur oo ciidanka Gor Gor ah, kuwaas oo Jimcihii Dorraad tegay deg mada Baxdo, ciidan kaas waxaa la shee gay inay xooji doonaan daga alka ka socda koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo Shabaab-ka jooga gobollada dhexe uu awoo diisa isugu geeyey.Xigasho:-caasimadda.nert


UK ‘oo sababo amni darteed’ u weecis ay duulimaadka shirkadda Kenya Airways

Booliska UK ayaa xaqiijiyey in duullima ad ay lee dahay shirkadda dayaaradda dayaaradaha ee Kenya Airways oo ku sii jeedday garoonka dayaa radaha ee Hea throw ee London ayaa lagu amray in ay ku degto garoonka Stansted ee waqooyiga bari ee London.

Duulimaadka Kenya Airways ee tirsigiisu ahaa KQ 100 ayaa loo leexiyey sababo amniga la xiriira Dorraadnimadii 12 Oktoobar.

Sababta leexinta waxaa lagu sheegay in ay tahay khatar amniga ku saabsan, ayadoo warbaa hinta maxalliga ahna ay werinayeen in kooxaha bambooyinka ku takhasasusay la arkayey ayagoo halkaa iu sii degdegaya.

"Waxaan wakhtigan la tacaalaynaa xaalad ka taagan garoonka Stansted. Day aarad ka timid Nairobi oo u socotay Hea throw ayaa loo leexiyey Stansted Dorraad (Khamiid 12 Oktoobar). Gar oonka weli waa uu furan yahay” ayaa lagu yiri qoraal uu booliska Essex soo dhigay barta X.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in ay jirtay khatar laga cabsi qabay oo keentay in duullimaadkaas la leexiyo.

Habeennimadii ayaa shirkadda Kenya Airways waxay soo saartay qoraal aan midkaas wax bad an uga duwanayn.

"Maamulka KQ oo la shaqaynaya maamulaya asha amniga ee xukuumadda Kenya iyo UK ayaa qaaday qiimayn ballaaran oo ku saabsan khat arta. Shaq aalaha dayaaradda saarnaa waa la wargeliyey, waxaana la qaaday dhama anba wixii talaabooyin ahaa ee la xiriiray si loo xaqiijiyo bedqabka shaqaalaheenna iyo rakaabka” ayaa lagu yiri qayb ka mid ah hadalkaas qoraalka ah.

Dayaaradda ayaa waxaa hawada kaga horte gey dayaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka ee Ingiriiska (RAF) ka dib markii degdeg loo warge liyey. Waxaa la rumaysan yahay in digniin la diray markii ay dul maraysay hawada Faransiiska.

Wasaaradda difaaca afhayeen u hadlay ayaa yiri "Dayaarado ah nooca Typhoon oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee RAF ee saldhigoodu yahay Coningsby ayaa la diray si ka hor tag ahaan ah Dorraadn si ay u baaraan dayaarad rayid oo ku soo dhawaanaysay UK”.

"Dayaaradaas nooca rayidka ah ayaa xiriir la samaynaysay shaqaalaha hagidda dayaaradaha ee dhulka jooga, waxaana lo soo galbiyey garoo nka dayaaradaha Stan sted oo si bedqab leh ay uga soo degtay”.

Flightradar24 data oo ah bar lagala socdo dha qdhaqaaqyada duullimaadyada caalamka ayaa isna sheegay in dayaar addaas oo nooceedu ahaa Boeing 787-8 Dreamliner ay ka soo duu shay magaalada Nairobi saacaddu markii ay aha yd 09:18 subaxnimo, ka dib 13 daqiiqo oo ay dib u dhacday.

Dayaaradda ayaa ku dul haadaysay jog gaaraya 17,000 oo cagood kanaalka English Channel ka hor intii aysan soo dhaadhicin ayadoo ku sii socotay dhanka waqooyi ee ku dhereran bariga xeebta Kent.

Dayaaraddu waxay sii waddaay daad egidde eda ayadoo raacday xeebta xeebta badda waqooyi ka dibna Essex, waxayna fariisatay gar oonka Stansted 4:45 gala abnimo saacadda Afri kada bari."Waxaa dhamaanteen na hareereeyey boolis. Dhamaantood waxay wateen qoryo, waxa yna xirnaayeen dares madow, waxayna na wey diinayeen aqoonsi. Kabtanka waxba ma uusan dhihin” ayey tiri haweeney dayaaradda saarnayd.

Isniintii ayaa duullimaad kale oo ay leedahay Kenya Airways, isagana kala gooshayay Nairobi iyo Heathrow London waxaa uu dalabaday gar gaar caafimaad oo degdeg ah ka dib markii mid ka mid ah rakaabka uu xanuunsaday sida ay shir ka ddu sheegtay.

"Shaqaalaha dayaaradda oo ay taag eeraye en laba dhakhtar iyo hal kalkaaliye ayaa caawiyey qofkii xanuunsanayey aya doo loo fidiyey gargaar caafimaad,kabt ankana wuxuu ku dhawaaqay in gar gaar caafimaad oo degdeg ah loo baahan yah ay isagoo la hadlayey qaybta hagidda day aarada ha” ayaa lagu yiri qoraalka shirka.

Isha:- BBC SOMALI

Xildhibaanadii uu kuraasta u soo boob ay Laf tagareen oo yeeshay kulan isaga ka dhan ah

Muqdisho Dorraad waxaa lagu wabtay kulan xasaasi ah oo inta badan Xildhib aanada baarla maanka federaalka ku me tela Koonfur Galbeed ay isugu yimaadeen, kulankaas waxaa shir gudd oomiye guddoo miyihii hore ee golaha shacabka Xildh ibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdira xmaan.

Kulankaan ayaa ima anaya iyadoo Dorraad diyaarad u socotay Bay dhaba amar ka yimid K/ Galbeed looga reebay Xildhibaan Balaag oo siday meydka walaalkiis oo geeriyooday, lana doonayey in lagu aaso maga alada Baydhaba.

Inta badan Xildhibaanada laga soo door tay K/Galbeed ayaa ka quustay inay tag aan Bay dhaba iyo deegaanada kale ee maamulkaas oo dib ay ugu laabtaan dadka ay metelaan, arrintaani waxay salka ku heysaa doorashada maamulkaas oo Mada xweyne Laftagareen uu diidan yahay in la qabto hadda, maadaama uu sameystay muddo kororsi.

Xildhibaanada Dorraad ka shiray qorsha ha Laftagareen, isaga ayaa soo siiyey kuraasta xiligii doorashada, wuxuuna ahaa hoggaamiyaha kaliya ee soo saartay xubno uu aaminsanaa inay si buu xda u taabacsan yihiin.

Hadda, Laftagareen waxaa garbihiisa baneey ey inta badan xubnihii uu kuraasta u soo boobay, waxaa ku hartay qiyaastii 10 xildhibaan oo weli wax ka maqasha, K/Galbeed waxaa laga soo do ortaa xildhibaanada ugu badan, balse xubnaha uu Laftagareen soo siiyey kuraasta intooda badan uma aysan noqon sidii uu ka rabay.

Xildhibaanada Muqdisho ku shiray waxay ga areen go’aano adag, maadaama laga hor ista agay deegaanadii laga soo doortay, waxay Xildhi baanada qaar u sheegeen Caasimada Online inay sii badi doonaan tashiyada oo kulamo kale ay qaba doonaan saacadaha soo socda, markaas ka dibna ay soo saari doonaan go’aan koo da.

Kulanka xildhibaanada wuxuu ku soo aaday xili Dorraad uu madaxweyne Xasan Sheekh shee gay in la mideynayo oo isku waqti la qabanayo doorashooyinka dalka heer federaal ilaa heer dowlad goboleed, hadalkaas ma farxad gelinayo siyaasiyiinta ka soo hor jeeda Madaxweyne Lafta gare en, kuwaas oo doonaya in doorashada ma amulkaas lagu qabto waqtigii lagu hesh iiyey oo ah bilowga sanadka soo socda iyo gabagabada sanadkaan.

Ugu yaraan labo mar ayey Dhuusama reeb ugu tageen madaxweynaha, balse kul amadii dha cay lama shaacin natiijadooda rasmiga ah, waxay isku dayeen si kasta oo Baydhaba ku tegi karaan, laakiin uma noq on, madaxweyane Xasan Sheekh oo ay u dacwoodeen wuxuu u muuqdaa nin meel iska dhigay muran doorasho oo muhiim adda sh aqadiisa uu isugu geeyey daga alka Khawaarijta.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo so cda ay si yaasiyiinta K/Galbeed kulamo xasaasi ah ku qabt aan magaalada Muqdi sho, kadibna cadeeyaan mowqifkooda doo rashada iyo safarkooda suurta geli waayey ee Baydhaba.

Kenya oo baqdin ka muujisay taageera da Al Shabaab ee Xamaas

Kenya ayaa walaac dhanka amniga ah ka mu ujisay warka ka soo yeeray Al Shabaab ee taagee rada loogu muujiyay Xoogaga Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Ciidamada Israel.

Al Shabaab ayaa saacad ihii dambe ee Arbacadii baa hisay bayaan ay ku sheege yso in Mareykanka iyo Mid owga Yurub ay si weyn u garab istaaggeen falce linta Ma amulka Israel, iyana ay garab taagan yih iin Xoogaga Xamaas.

Waaxda La dagaalanka Argagixisada ee Ken ya ayaa sheegtay in colaadda Israel iyo Xamaas ay saameynayso ammaanka caalamka.

"Colaadda u dhaxeysa Israel iyo Xama as ee Gaza waxay saamaynaysaa amma anka caalam ka.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay waax daasi.

Warka ayaa lagu sheegay in kooxaha ay ka mid tahay Al Shabaab ay xilligan ga ysan karaan weeraro, si ay ugu muujiyaan taageeradooda Xamaas.

Warka ayaa muwaadiniinta dalkaasi lo ogu ba aqay in ay feejignaadaan, isla-markaana ay boo liska ku soo wargeliyaan cid kasta oo falal arga gixisanimo ay kaga shakiyaan.

"Kooxaha argagixsada, sida Al Shaba ab wa xay qaadi karaan weeraro iyagoo midnimo u muu jinaya Xamaas. Kenyanku waa in ay feejignaada an oo ay booliska ku wargeliyaan falalka argagixis animo, si ay tallaabo uga qaadaan.” Ayaa lagu yiri warka.

Al Shabaab ayaa sanadkii 2017 ka hor timid go’aankii Madaxweynihii hore ee Mar eykanka, Donald Trump uu Magaalada Qudus (Jerusalem) ugu aqoonsaday Caas imadda Maamulka Israel.

Shabaabka ayaa 15-kii bishii January ee san adkii 2019 weerar si weyn loo soo qorsheeyay ka gaystay Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi. Weerarkan oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa xigay rag hubeys an oo gudaha u galay hotelk aasi, kana ga ystay toogasho ay dad bad badani ku dhin teen.

Shabaabka ayaa xilligaasi war ay soo saareen ku sheegay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa go’aankii uu Mareykanka Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caas imadda Israel.

Dowladda Kenya ayaa Axaddii si kulul u camba areysay weerarka Xoogaga Xamaas ee Sabtidii la beegsadeen Israel. Madaxweynaha Kenya, Will iam Ruto ayaa sheegay in Nairobi ay si buux do u garab taagan tahay dowladda iyo shacab ka Isr ael. Kenya waa dalka keliya ee dhaca Gees ka Afrika, isla-markaana

is garabtaag u muujiya Maamulka Israel


WAA KUMA NAGEEYE CALI KHALIIF, MAXAY SE DOWLADDU KA TIRI?


Nageeye

XIGASH ADA SAWIRKA,YOUTUBE

Lix iyo soddonkii saac ee u dambaysay waxaa baraha bulshada Soomaaliga qabs aday sawirka iyo magaca Nageeye, oo ah shaqsi aad loo yaqaan islam arkaas na abuuray hadalhayn weyn.

Waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay, iyo buug la sheegay in uu isa ga qoray laakiin aysan jirin si loo shaqeeyo. Wax aa sidoo kale la faafiyay sawiro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanayo Jibli iyo ma gaalooyin kale oo ku yaal jubooyinka.

Nageeye Cali Khaliif waa macallin, abwaan iyo saxafi xirfad sare lahaa, iyo qoraa. Seddexda xir fadoodba si firfircoon ayuu ugu dhex jiray. Hadd aba maxaannu ka naqaan shaqsigaas had al haynta badan ka dhex abuuray baraha bulsh ada.

Noloshii Waxbarashada Negeeye

Nageeye Cali Khaliif, sida uu isaguba sheegay, wuxuu 1992 ku dhashay degmada Darroor ee da wlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Laakiin wa xa uu ku barbaaray Somaliland, halkaas oo wax barashada aas-aasiga ah uu ku qaatay.

Wuxuu sheegay inuu waxbarashada hoose ka bilaabay magaalada Hargeysa sannadkii 2003, wuxuuna intaa ku daray in 2011 uu iskuulka ku dhameeyey isla Hargeysa.

Shaahaadada 1aad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda ayuu sheegay inuu 2014 ka qaatay jaamacadda New generation ee ku taalla maga alada Addis Ababa.

Shahaadada 2aad ee jaamacadda oo uu saxaafa dda ku bartay ayuu iyadana sheegay inuu ka qaa tay jaamacad kale oo ku taalla isla magaalada Addis Ababa, isaga oo daraaseeyay saxaafada Sooma alida, si gaar ah wargeysyada.

Nageeye oo la sawiran aqoonyahanno Soomaal iyeed XIGASHADA SAWIRKA,X/TWITTER

Qoraalka sawirka, Nageeye oo la sawiran aqoonyahan no Soomaaliyeed Suug aanta iyo dhaqanka ee Na geeye "Anigu waxaan tan iyo carruurnimadii ahaa dadka suugaanta jecel, weliba anigoo yar oo maq asha raaca. Hooyaday gabayada ay tiriso ayaan qaybi (xifdin) jiray” ayuu yiri Nageeye.

Wuxuu intaa sii raaciyey "sannadkii 2006 aye yday aabahay dhashay oo boqol iyo dheeraad jir tay oo aan suugaanteeda aad u jeclaa xilligaa ge eriyootay anigoo dugsiga hoose dhigta.

Waa markii iigu horreysay ee aan sameeyo wax gabay ah, laakin ma dareensanayn inuu gabay ya hay waxa aan tirinayo”

Wuxuu intaa ku daray inuu meel ku qoray gabay uu ayada u sameeyey, sidaana uu ku daayey ga bayada. Markii uu dugsiga sare dhameeyey ay uu sheegay in hibadiisii dhanka suugaanta ay mar 2aad soo noqotay "maadaama da’da iyo waayo aragnimadu ay korayaan”.

Sannadihii 2011, 2012 iyo 2013 ayuu sheegay in uu suugaan samayn jiray, laakinse uusan dadka tusi jirin. "Dhamaadkii 2013 ayaa Addis Ababa oo aan wax ka baran jiray waxaan isku aragnay abwaan Hadraawi. Suugaantii baan tusay. Wuxuu igu yiri ‘bulshadaa muraayad ahe bulshada hor gee. Xilligaas ayey ahayd markii iigu horreysay ee aan suugaanta bulshada la wadaago” ayuu yiri Nageeye Cali Khaliif oo taariikhdiisa uga warbixi nayey kanaalka Somali show ee Youtube. Wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in suu gaanta ay ku timaado dhaxal oo kaliya. "Waxay ku soo uruuraysaa hibo rabaani ah.NageyeXIG ASHADA SAWIRKA,X/TWITTER

Saxaafadda iyo weriyenimada

Dhowrkii sano ee u dambeys ay wuxuu Nageeye Cali Khal iif ku noolaa mag aalada Muq disho, wux uuna ahaa madaxii qaybta saxaafadda ee Jaamacad da Umadda Soo maaliy eed.

Dadka yaqaanna Nageeye Cali Khaliif waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin hal adag oo mowqif kiisa aan beddelin ee ku adkaysta.

Bishii Disembar 2018 ayaa Nageeye wuxuu ka mid ah dad tartan u galay shaqooyin BBC ka ban aanaa, laakinse ma uusan ka mid noqon dadkii shaqooyinkaas loo qaatay.

ifaftirihii laanta af-Soomaailga ee xillligaas – Ca bdullaahi Sheekh Cabdirisa aq – ayaa bartiisa Fa cebook ku soo qoray sababta aan Nageeye shaq ada loogu qaadan.

"Inta aan madaxa ka ahaa BBC News Somali, Nageeye Cali Khaliif shaqo ayuu naga soo dalb aday, waana u qalmay. Balse wuxuu diiday inuu ballan qaado inuu joojin doono soo bandhigidda fikirkiisa siyaasadeed ee ku aaddan gooni isu taa gga Somaliland. Wuxuu rabay inuu sii wato gaba yadiisa looga soo horjeeday iasgoo weriye madax banaan ah. Taasna waa ii cuntami weyday maad aama aan dhexdhexaad ahayn. Laakin waxaan u fahmay inuu yahay qof ku ad-adag waxa uu aami nsan yahay,” ayuu Cabdullaahi ku yiri qoraalkiisa.

Nageeye Cali Khaliif oo dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey aan la ogeyn meel uu ku dambe eyo ayaan ka jawaabin eedeymo loo jeedinayo.

BBCSomali waxay xiriir la sameysay maamul ka Jaamacadda Ummada, iyo dowladda Soomaa liya si ay u xaqiijiyaan, ama ay u beeniyaan arr imaha la la xiriiriyay Nageeye Cali. Labada way ka cudurdaarteen inay ka hadlaan arrimahaas.

Laakiin saraakiil ka tiran hay'addaha Amniga ee dowladda waxay sheegeen inay baaritaan ku wad daan arrinkaan, islamarkaas na ay warbixin ka soo-saari doonaan xaalka Negeeye. Waxay she egeen hay'addaha amniga in ay ogyihiin in Negee ye gurigiisa ka maqan yahay muddo shan maalin ah islamarkaas na ay hawada ka maqan yihiin te lfoonada uu adeegsan jiray, laakiin way ka gaa bsadeen inay sheegaan wax intaas ka badan. XIGASHO:-BBC

Hooyo Cunugii ay dhashay ku tuurtay Musqul Magaalada Hargeysa

Xaafada Cabeeye magaalada Hargey sa ee Ma amulka Somaliland waxaa Dorr aad ka dhacday arin yaabkee da leh markii hooyo u dhalatay Dalka Itoo biya ay musqul ku ri day cunug ay dhashay . Ciid amada Dab-damiska oo lagu war geliyay ayaa durba markii ay goobta soo gaa reen waxay musqusha ama boosanee ra da ka soo saareen cunugii saqiirka ahaa.

Cunuga wuu dhintay madaama uu waqti ku ji rey musqusha inkastoo ay isku day sameeyeen kooxda dab-damiska ee ka howlgala Somaliland gaar ahaan Harg eysa.

Xaafada Cabeeye waxaa la sheegay in lagu yaqaan in dadka degan ay badankood Soomaali ahayn oo ay ka kala yimideen dalal ay Itoobiya ka mid tahay.Hooyadaan ilmaha ku tuurtay Musq usha ayaa ka soo jeeda Qowmiyada Orom ada ee Dalka Itoobiya waxaana qabtay oo gacanta ku haya booliiska Maamulka Somaliland kuwaasoo baaritaana ku haya. Lama oga sababta ay hooya daan Oromada cunugeeda ay gacanteeda ugu di shay balse sida caadiga ah ilmaha sharci darada ku dhasha ayaa inta badan qaabkaan ay ula dha qman hooyooyinka dhalay si ay meesha uga bax do yaa kaa dhalay ilmaha madaama aysan jawa ab u hayn.

Hay’adda Human Rights Watch oo Israel ku eedeysay adeegsiga hub Kiimiko ah

Human Rights Watch oo ah Hay’ad caalami ah oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay, in isticmaalka kiimikada phosphorus ee meelaha ay dadku ku badan yihiin ay xad gudub ku tahay waa jib aadka sharciga ah si loo ga fogaado waxyeelo soo gaa rta dadka rayidka ah.

Waxay warbixinteda ku eedeysay ciidanka Isr aa’iil adeegsiga hubkan howlgaladooda Qasa iyo Lubnaan.

"Kiimikadan waxay abuurtaa kulayl aad u dar an oo gaaraya 815-degree Celsius, waxayna soo saartaa iftiin iyo Qiiq cad oo qara weyn kaas oo loo isticmaalo ujeedooyinka militariga,si loogu dhu nto howlgalada gaarka ah” ayaa lagu yiri war ay soo saartay heyadda.

Mar wax laga waydiiyay eedaymaha loo soo je ediyay, milatariga Israa’iil waxa ay sheegeen, in aanay hadda ka warqabin adeegsiga hubkaas ee Gaza.

Hubkan halista ah waa walxo kiimiko ah, oo ku jira madaafiicda, bambooyinka iyo gantaallada, ku waas oo holca marka ay la falgalaan Ogsajiinta ku jirta hawada waxayna sababtaa dhaawacyo ha lis leh iyo kuwo waqti dheer ahaan kara kuwa aan laga bogsan

Rayidka kunool Qasa oo laga dalbaday inay 24 saac uga baxaan Magaalada Gaza

Militariga Israel ayaa Jimcihii ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Magaalada Gaza, oo gaaraya in ka badan 1 milyan, inay 24 saac ugu guuraan koonfurta, xilli ay taankiyo soo dhoobtay meel u dhow Marinka Gaza.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciida mada Israel ay isku diyaari nayaan howlgal dhulka ah oo ay ku qabsanayaan magaa lada

."Hadda waa xilligii dagaalka,” waxaa sidaas Khamiistii yiri wasiirka difaaca Yoav Gallant, xilli diyaaradaha dagaalka Israel ay duq eynayaan Gaza, ayaga oo sheeg aya inay ka aar gudanayaan weerarkii ay kooxda Xamas Sabtidii tagtay ku qaaday Israel.

Militariga Israel ayaa sheegay inay ka howlgali doonaan magaalada Gaza, maal maha soo soc da, islamarkaana shacabka ay awoodi doonaan kaliya inay magaalada kusoo laabtaan marka loo sheego.

Bayaan uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiin Twitter, ayaa afhayee nka Ciidamada Israel Jonathan Conricus wuxuu ku yiri "IDF waxay ku baaqeysaa in dhammaan dadka rayidka ah laga saaro magaalada Gaza iyo guryahooda dhanka koonfureed, si ay u badbaadiyaan naftoo da, una guuraan aagga koonfureed ee waadiga Gaza, iyo webiga Gaza.”

Q/Midoobay ayaa sheegtay inaysan suurta-gal aheyn in tallaabo nooc aas ah ay dhacdo "ayada oo aysan ka dhal an cawaaqbin bani’aadannimo oo burbur leh.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip