
HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA OKTOOBAR 2023-KA
Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hada shay isba dalka Muqaal ee madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxtooyada Soomaaliya ay aa faahfaahin ka bixisay isbadal ku yimid muu qaal ka madaxweyne Xa san Sheekh oo hadal heyn badan ka dhaliyay bar aha bulshada, ka dib sawiro laga Baahiyay madaxweynaha oo muuji naayay isbadalo laga dheehan karay muuqaalka ma daxwe ynaha.
Sawirada hadal heynta badan dhaliyay ee muujina ayay isbadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah aa kuwa la xariira timaha madaxa iyo garka oo si we yn ugu baxay, kuwaas oo laga qaaday dhawaan ma ruu kormeer ku tagay xeryaha ay ku jiraan ciid amo Soomaaliyeed oo uu taba bar uga socda dalka Ere tariya. Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Ca bdiq aadir Cali Dige oo ka hadlay sawirada hadal he ynta badan dhaliyay ayaa sheegay in ay tahay masu uliy ada qaran ee saaran madaxweynaha oo ah mid
marwalba keeni karta isbadal.
"Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa ima an kara walw alka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxwey neheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, sha qada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood” ayuu yiri Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige.
Madaxweynaha Xasan Sh.Maxamuud ayaa ku su gnaa labadii bilood ee lasoo dhaafay magaal ada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka hoggaaminaayay dagaalka ka dhan ka ah koo xda Al-shabaab, taasoo la tilmaa may iney qeyb ka tahay isbadalka muqa alka madaxweynaha.
"Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Sha baab, ayuu kula noolaa, deeg aanno ka tirsan Gal mudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tag ay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan”ayuu sii Afhayen Dige. Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka in ma da xweynaha Soomaaliya uu ka tana asulay waxya abo badan oo uu heli karay sababo jira aawadeed.
"Madaxweynaha waxyaabo badan oo uu awoodo ayuusan sameynin sababo la xiriira ciidamada uu la joogo in uu noloshooda kula noolaado awgeed, goob aha uu la joogo ciidanka meelo ka qabow oo ka qu rux badan ayuu heli karaa, laakiin waxa uu tusaale u noqday xaaladda ciidamada iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, marka madaxweynaha waxyaa bo badan oo uu heli karo iyo wax loo heli karo ayuu ka tanaasulay" ayuu yiri Afhayeenka Warfaafinta Ma daxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige.
R/Wasaare Ku-xigeenka XFS oo shirgu ddoom iyey shirka Tubta Hawl gelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya & Mi/Yurub
R/Wasaare Ku-xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac, ayaa Shalay gudd oomiyey shirka Tubta Hawl gelinta Wad ajirka ah ee Soomaaliya iyo Mido wga Yur ub, taas oo diiradda lagu saa rey horumarra da laga samee yey arrimaha horutabinta u leh Xukuu madda Dan-Qaran.
Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirro ka tirs an Xukuumadda federaalka ah iyo masuuliyiin ka so cda Midowga Yur ub, ayaa lagu soo bandhigay ar ri mo ay ka mid yihiin siyaasadda loo dhan yahay, amn iga iyo xasilinta; kobaca dhaqaalaha iyo arrim aha bulshada. R/Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axm ed Jaam ac,ayaa tilmaamay sida ay uga go’an ta hay DFS ka miro-dhalinta arrimaha horutabinta leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaala ha iyo hor umarinta adeegyada bulshada.
Soomaaliya oo loo doortay shirgudd oonka Hey’adda Caafimaadka Adduunka
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soo maaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa Shalay loo doortay Shir gudoonka ku lan weynaha 70-aad ee hay’adda Caafimaadka adu unka WHO/ EMRO kaas oo ka dhacay
Mag aalada Qaahira ee dalka Masar.
Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Caafi maadka ee dawladaha ku midoobay Xafiis goboleed ka EMRO, agaasimaha Guud ee Hey’adda Caafim aadka aduunka Dr. Tedros, agaasimaha guud ee xafiis goboleedka EMRO Dr Ahm ed Almandari, Safi irka Soomaaliya ee Dalka Masar Danjire Ilyees She ekh Cu mar, madaxda Hey’adaha Qaramada mido obay ee ka shaqeeya arrimaha Caaf imaadka iyo ma rti sharaf kala duwan ayaa waxaa diirada lagu saa ray ka hortaga Cudurada faafa, talaalka Caruurta iyo daryeelka Hooyada & dhalaanka si loo helo bulsho Caafimaad qabta.
Wasiirka Caafimaadka XFS oo la wareegay hog aaminta shirka ayaa goobta ka jeed iyay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan muhiim ada ay u leedahay u diyaar garowga xaaladaha Caaf imaad ee deg dega ah iyo sidoo kale xakameynta Cudurada faafa, wasiirka ayaa ugu baaqay wadama da ku bahoobay Urur goboleedka EMRO in ay iskaa shi iyo wada shaqeyn kayeeshaan sidii loo tayeyn la haa adeegyada Caafimaad ee ay Wasa aradaha Caafimaadka bixiyaan.
Wasaaradda Caafimaadka iyo dary eelka bulsha da XFS waxaa ka go’an helitaanka Caafimaad dham aystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ah aan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaaj inta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaliya.
Madaxweyne Deni oo magacaabay Wasi irka Amniga Puntland xilli xaalka ku xun yahay
Wareegto uu Shalay soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Md.Siciid Cabdullaahi Deni ayuu ku magacaabay wasiirka cusub ee wasaara dda amniga maamulka Pun tland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa soo saa ray xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid wasiirka Amniga iyo DDRTA dowladda Puntland.
Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Deni ayaa u qordeed sida tan: Madaxweynaha D/Puntland Mar kuu ark ay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobki isa 80-aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaa radda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa mar kuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo maga caabay Guddiga adeegga tartanka Xajka
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Fedaraalka Soo maaliya Mukhta ar Rooboow Cali Man suur ayaa magaca abay gud diga qaban aya tart anka adeega Xajka sanadka soo socda ee 1445/2024.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Was iirka Aw qaafta iyo arrimaha Diinta ayaa lagu magacaabay gu ddi ka kooban sagaal xubnood oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah guddigii hore ee la kala diray.Gud digaan cusub ee la magacaabay ayaa gudd oomiye waxaa looga dhigay Ma xamed Xaaji Ibraa hin Cali, waxaana gud doomiye ku xigeenka loo mag acaa bay Cab dinuur Macalin Maxamed, iyadoo xo ghaya ha guddiga cusub ee adeegga Xajka loo maga caa bay Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Wasiir Mukhtaar Roobow Cali. Guddigaan ayaa wareegta da lagu sheegay iney ka shaqeyn doonaan tartan lagu kala saarayo shirk adaha, wakaalad aha iyo xa mlooyinka tartamaya, iyagoona soo saari doona shirkadaha ku guuleesta u adeegida xujeyda sann adka dambe ee soo socda.
Hoos ka akhriso Wareegtada Magacaabista Guddigaan oo Dhameystiran:-
Madaxa ATMIS iyo safiirada dalalka ciid amadu ka joogaan Somalia oo..
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine, ayaa kulan wadatashi ah la qaa tey safiira da dalalka ay Ciidamada ka joogaan Muq disho ee qaybta ka ah ATMIS.
Waxa ay ka wada hadleen waajibaadka ATMIS, sidii amniga dalka loogu wareejin lahaa ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo sida guusha leh ee loo soo gabag abeeyey dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah bishii June 2023.
Waxay sidoo kale dib u eegis ku samee yeen nat iijada ka soo baxday Qiimaynta Farsamada Wadajir ka ah ee u diyaar garowga bixitaanka 3,000 oo as kari ka hor codsigii DFS iyo ogolaanshihii Golaha Na badda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo aheyd "hakinta farsamo” ee Wajiga 2aad ee dhimista 3,000 oo askari ATMIS ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhi gay taa geerada ay ATMIS siiso hawlgalka ay DFS hormuu dka ka tahay ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la isla eegay shu ruudaha iyo taageerada lagama maar maanka ah ee loo baahan yahay in si hab sami leh uu u dhaco kala guurka.
KNN oo markii 6-aad ku guulaysatay warbaahinta ugu wanaagsan
Radiyo Kumiye oo ah Idaacadaha Magaalada Mu qdisho ka howlgala ahan mid madaxnanaan ayaa markii 6 aad ku guueystay kaalinta 1aad ee tartam ada loo qabatay idaacadah ka jira dalka soomaaliya iyadoo tartankaasi ay qabatay Hay’adda SomaSlibu ssiness awards Haddaba Radio Kulmiye KNN ayaa markii 6-aad ku guulaysatay warbaahinta ugu wanaagsan Dalka Soomaa liya Gaar ahaan Magaalda Muqdisho.
Munaasabada abaal mar inta oo Xalay Muqdisho lagu qabtay M/Muqdisho ayeywaxay u gu noqonay saa tii 6,aad tan iyo markii la aas aas ay idaacadaasi
Hay’adda Somali bussiness awards oo munaasabadaan qabatay waxay mas’uul iyiintoodu sheegeen in shabakadda wara rka Kulmiye ay ku guulaysatay warbaaa hinta ugu wanaagsan ka dib afti laga qaaday bulshada codeyn socotay muddo 3 bilood aha iyadoo dhinka baraha bulshada looga codeynyey tartankaa ayaa waxaa ay qeybtahore ay noqtay in ay ku soo haraan 4 idaacadooda oo iyana tartan ka dib looga qabtay kadiban ay kaalinta hore
gashay KNN Radio. Waxaana heyaddu sheegtayin ay tarmad aan qabaneysay muddo 3 sano ah.
Madaxweyne Qoorqoor iyo Wasiirka Gaasha andhigga oo u sii gudbay Cammaara
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo xubno uu hor kacayo ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii gaaray de egaanka Cammaara ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha oo ay la socdeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka G/dhigga, Cabdiqaadir Max amed Nuur (Jaamac) iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaaf inta ee Xukuumadda Federaalka, Cabdirax maan Yu usuf Cumar (Alcadaala) oo duhu rnimadii Dorraad gaaray deegaanka Bacaad weyne ee gobolkaasi ay aa uga sii gudbay dhanka Cammaara.
Cammaara iyo Bac aadweyne oo ood wa daag ah ayaa ka mid ah deegaanada gob olka ee bishii hore ee September laga saa ray maleeshiyada Al Shabaab.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Cammaara ku soo dhaweeyay masuuliyiin isugu jira Heer Fede raal, Heer Dowlad Goboleed Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha oo ka hadlayay Cammaara ayaa Xoogaga Difaaca Shaca bka ku amaanay in ay Sha lay tusaale u yihiin shacabka Soomaaliyeed, maada ama sida uu sheegay ay yihiin geesiyaal dhii gooda iyo naftoodaba u huray dalka xoreyntiisa.
"Runtii waxaan idiin sheegaynaa inaad Soomaali oo dhan Shalayy u tihiin tusaale, inaad tihiin geesiy aal dhiigooda iyo nafto oda u huray xoreynta dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa yiri "Waxaan rabaa halkan inaan mar labaad idiin kaga soo gudbiyo hambalyo iyo bogaadin aan idin kaga wado Madaxweynaha JFS, guula ha aad gaarteen iyo sida aad Khawaarij ta u wajahdeen, meel ay Soomaali joogtaba iyo mad axdeeda way idin bogaadineysaa.”
Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmud ug ayaa dadka deegaanka ku booriyay in ay ka qayb qaataan hawlgalka lagu xoreynayo deegaanada ay maleeshiy adaasi kaga harsan tahay gobolka.
"Waxaa na laga rabaa inaan Khawaa rijta dhibko oda iyo fitnadooda aan iska dulqaadno.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Madaxweynaha oo soo hadalqaaday weerarkii ism iidaaminta ee isaga iyo masuuliyiintii kale ee 15-kii bishii September lagu la eegtay deegaanka Laas-ga camey ee gobolkaasi ayaa tilmaamay in ujeedka Shabaabku uu ahaa in ay kala dhantaalaan hawlga lka dib-u-xoreynta dalka, balse ay ku hungoobeen.
Waxa uu sheegay in Shalay ay ka xoogan yihiin maalintaasi, isla-markaana aysan Shabaabku hor istaagi karin gulufka lagu qabanayo dhulka maqan.
"Waxaan Shalay ka firfircoonahay oo ka dhiiran ahay maalintii hore, dibna nooma celin kart aan, wad dada aan ku soconana nagama leexin kart aan. Dorr aad waxaan joogay Laas-gacamey, Shalay na waxa an joogaa Cammaara, waxaana idiin leen ahay waq tigiinii waa soo dhamma aday.” Ayuu yiri Madaxwey ne Qoorqoor.
Waxa uu intaasi raaciyay "Dagaalkiinu wuxuu ah aa magri xun iyo dhagar aad soo qorsheysaan, aya dana waa la idinku bartay, waana midda Shalay la idinku daba joogo. Goobtaad joogtaan iyo geedka aad gashaanba waan idinkugu soo gala ynaa, laba ayayna mid noqonaysaa, inaad geeri dhadhamisaan iyo inaad duliga, dulmiga iyo xaaraanta ka baxdaan oo kala carartaan.”
Madaxweyne Qoorqoor iyo masuul iyiinta wehline ysa ayaa gobolkaasi u tegay dardargelinta hawlgal ka militari ee Shaba abka lagaga sifeynayo bartam aha dalka.
Warar cusub oo ka soo kordhay dad aano qabiil loogu dilay gobalka Shabeelaha Dhexe
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Habeen hore lagu dilay sadax ruux oo shacab ah oo ka dhacay deegaano hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabe ellaha Dhexe.
Weerarkaan lagu dilay sadaxda ruux oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa ka dhacay inta u dhax aysa deegaa nada laba garas iyo Ceel muluq oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadalle ee gobalka Shabeellaha dhaxe.
Sadaxda qof ee Habeen hore la dilay ayaa la shee gay in dhamaantood yihiin dhalinyaro, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Abuukar Aw-Cumar, Cali Muxyidiin Cali iyo Maxamed Cali Maxa muud.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa shee gaya in dilka ragaan uu salka ku haayo arrimo la xar iira aargoosi aanooyin qabiil, waxaana xusid mudan in male eshiyaadkii dilka geystay ay isaga baxs ade en goobta.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laam aha amaanka maamulka deg mada Cadalle oo ku aadan weerarka Habeen hore lagu dilay dadkaan shacabka ah.
Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan deegaa nka Burka Diiri meed lagu soo gabagab eeyay gogol nabadeed oo lagu heshiisiin aayay beelihii ku dagaalamay dhawa an deegaanada hoostaga degmoo yinka Raa ge Ce elle iyo Cadalle ee gob olka Shabe ellaha Dhexe.
Xukunka waayeelkii loo Dilay Dhaxal aan lagu lahayn
Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yus uf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Numb er 50 beertiisa xilli habeen ah.
Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidam ada xoo gga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka maraykanka ah.
Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray ho oyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.
Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu is ticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo mar xuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxk amadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiisk aas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Daraj ada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii Febr uary ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Ax med iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah.
Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee la gu riday. Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aq bashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qar eenada Sadaxdii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn Shalay ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada 1aad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Lii baan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxk amadda Sa re ee Ciidamadda Qalabka Sida.
Jubbaland oo soo bandhigtay Rag ka tir sanaa oo Al-Shabaab u gacan geliyay Gaari uu lahaa Maamulka
Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdo onka dowlad goboleedka Jubba land ayaa Shalay soo bandhigtay Cabdifat aax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdu laahi Maxamed oo sagaalkii bishii 1aad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goos tay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaar adda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 iy agoo ula dhaqa aqay dhanka degmada Jilib ee gobo lka Jubada dhexe si ay Al-Shabaab uga iibsadaan hantida Maamulka ee lagu aaminay.
War kasoo baxay Nabadsugida Jubbal and ayaa wa xaa lagu sheegay in ka hor inta aysan ka bixin mag aalada Kismaayo ay xiriirro kala duwan la sameeye en koox ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku hagay ey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen de gmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay hadda wax walbo waxa ay ku noqo tay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga.
Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen Al-Shabaab, kaas oo ahaa in ay heli doon aan lacag dhan 20, 000$ iyo damaanad ah in ay xor nimo ku mari doonaan dhulka ay ku maamulaan Al-Shabaab, balse taasi waxba kama rumo obin oo wa xa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmart ay Al-Shabaab iyo raggan katirsanaa Maamulka Ju bbaland.
War murtiyeed lagasoo saaray shirka siyaas iyiinta mucaaradka Puntland
War murtiyeed ayaa lagasoo saaray shirkii muc aaradka Puntland uga socday magaalada Garowe, iyagoo mucaaradku isku raacay in aysan wax mud do kordhin ah ka dhici karin Puntland.
Mucaaradka Puntland waxay sharci darro ku tilm aameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, waxayna sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, laguna dhaqmi karin.
War murtiyeedka shirka mucaaradka Puntland ay aa lagu sheegay in si degdeg loo bilaabo xulista xub naha baarlamaanka, iyagoo mowqifkooda ku cadde eyay, habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto, inay tahay habkii horey loogu gali jiray doorashada ee 66-da xildhibaan.
Mucaaradka Puntland waxay ku eedeeyeen ma daxweyne Deni, inuu Puntland galiyay go’doon siya asadeed oo heer qaran ah iyo heer caalami ah. Wa xay sheegeen 2dii sano ee ugu dambeysay in maam ulku fadhiid noqday. Waxa sheegeen xiriirka xumaa day ee Puntland iyo DFS uu ku dhisnaa dano shaqsi yadeed, taasoo saam eyn ku yeelatay mashaariicdii horumar ineed ee Puntland.
Isbitaalka Somali Sudanese oo Markii 4-aad noqday Isbitaalka ugu fiican dalka
Isbitaal Takhasusiga ee Somali Sudan ese ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay abaalmarinta isbtaalka ugu fiican ee dalka kuyaalla markii afaraad (4raad) Codeeyn socotay muddo 2 bil ah oo aay Somali Bussiness Award ka aruurisay bulshada Somaliyeed laguna qiimeeynaa yey isbita alka ugu fiican, ayey bulshadu ugu aqoonsadeen isbitaalka Somali Suda nese Isbitaalka ugu weyn uguna fiican Isbitaalada gaarka loo leeyhay.
Wax yaabaha intii Codeeyntu socotay lagu qiime ynaayey Isbitaalada waxaa ka mid ahaa
1.Tayada adeega Isbitaalka
2.Dhaqaatiirta iyo Takhasusaadka ka hoowl gala
3.Qalabka caafimaadka
4: Soo buuxinta Sharuucda Cafimaadka
Munaasabad lagu bixinayay aba algudka goobta caafimaad ee ugu weyn uguna fiican Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimee yay xarumo caafimaad oo kala duwan oo ka how lgalla gobolka Banaadir.
Munaasabadda abaal-gudka Somali Bussiness Award ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Africk, iyad oona lagu abaal mariyay dhamman qaybaha kala du wan ee ganacsiga Soomaaliyeed.
Dowladda Qatar oo soo dhaweysay dad aallada Soomaaliya ay ugu jirto nabad da iyo xasiloonida
Dowladda Qatar ayaa soo dhaweysay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii loo gaari lahaa nabad, xas illooni, la dagaa llanka Alshabaab, hor umarinta xaala daha bini’aada ntinimo, dhaqaale iyo bulsho,
Xoghayaha Xafiiska Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Caalamiga, Sheikh Jassim bin Abdulrahman Al Thani, ayaa hadalkan sheegay, intii uu socday wada hadal uu la yeeshay khabiirka madaxa banaan ee xaaladda xuquuqul insaanka ee Soom aaliya, iyadoo qayb ka ahayd kalfadhiga 54-aad ee Golaha Xuquuq ul Insaanka ee Geneva.
War-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay siya asadda ee ay dejisay dowladda Soomaaliya si loola dagaallamo isbeddelka cimilada, loo yareeyo saame yntiisa, loogana hortago saameynta xun ee ay ku leedahay xuquuqda aadanaha.
Waxay sidoo kale ku dhiirigelisay dowla dda Soomaaliya inay sii waddo wadahadallada lagu xooj inayo dib-u-heshii siinta qaranka ee dalka.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowl adda Qatar ay aad u daneyneyso in Soomaaliya ay siiso taageerooyin kala duwan si ay u sii joogteyso guulihii ugu dambeeyay ee la gaaray.
Bishii June ee sanadkii hore, Doha waxay mar tigelisay shirkii saddexaad ee kooxda Quint Group on Somalia, iyadoo looga hadlay xaaladda Soomaa liya ee hadda, iyadoo ay barbar socoto sidii kor loo gu qaadi lahaa isku-xirnaanta iyo sidii loo heli lahaa xasilloonida dalka.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xaq iijiyay in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto taage erada ay siiso Sooma aliya, waxaana loogu baaqay beesha caa lamka in ay kordhiyaan taage erada bini’a adantinimo iyo kuwa horumarineed iyo sidoo kale kaalmo farsamo oo lagu xooji nayo xaaladda xuquuqul insaanka Sooma aliya.
Geesi isu xilqaammay daryeelka iyo da weeynta dadka dhimirka ka xanuunsan
Sanad walba 10ka bisha oktoober dunida oo dhan waxaa looga dabbaal de gaa maalinta caalamiga ah ee xanuunka dhimirka. Hey`adda qaramada mid oobey u qaabi lsan caafimaadka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa halku-dhigga sanad kaan u aqoon satay in xuquuq calami yahay caafim aadka dhimirka.Dr Cabd iraxman Cali Cawaale [Xabeeb ] oo dhowr xarumood oo lagu dabiibo dadka dimirka ka xauu nsan ka hir galiyay dalka isla markaana mu ddo dheer waqti iyo dadaal xoog leh ku bixinayay daweynta iyo daryeel ka dadka soomaaliyeed ee dhimirka ka xanuunsan ayaa bilan media la wada agay duruufaha adage e xilligani wajahayaan bukaa nada dhimirka ka xanuu nsan ee xaruntiisa ku nool.
"Bulshadu wey iska illoobeen daryee lka iyo dur uuf aha adag ee ay ku noolyihiin dadka qaba xanu unada dhimirka, marka xarunta la soo gaarsiiyo ka dib wax aan u sammeynaa daryeel, daweyn iyo ina an dejin no xaaladdooda” ayuu yiri Dr Xabeeb.
"Si arxan daran ayaa loo soo xir-xiraa marka ay noo keenayaan, waxaan rumm eysanahay in 170 kun ay miyaga iyo maga alooyinkaba sidaan ugu xir xiran yihiin oo aysan heysan daryeel caafimaad” ay uu raaciyay.Dhinaca kale Caa`isho Muuddeey oo ka mida gabdhaha dhalinyarada ah ee u dhaq -dhaq aaqa xanuunnada dhimirka dhinaca kalena ah dhaq tar dhimir ayaa sheegtay in haweenka si gaara loo eego marka la joogo xaaladd an, maa dama ay yihiin kuwo aad u nu gul duruufo badan oo dhinaca bulshada ahna daris la yihiin.
" Waxaa jiro marxalado badan oo qofka ku sababi ka ro in uu qaado xanunkaan, sidakufsiga,gabadha ha ddii la kufsado badanaa ceebta iyo eedeyntu waxa ay si gaara u fooshaa gabdhaha marka marw alba dhibaatoyinka dumarka soo maro saammeyn ayuu ku reebaa bada nkoodna xaaladahaas kuwo dhimir ayeey isku badalaan”
Waxaa dib loo hawlgaliyay muddo dheer ka dib isbitaalki guud ee dhimirka ee Lasereti, hase yees hee waxa jira caqa bado uu wajahayo sida uu shee gay agasi maha guud ee isbitaalka Mohamed Jacfar Cali "Isbitaalka sida aad ka arkeysaan waxaa ka mu uqda bur-bur, mana u dham meystirna dhammaa n agabkii iyo dawo oyinkii loo baahnaa ee loogu ade egi lahaa bukaannada ku jira ee dhimirka ka xanuu nsanaya, naadaafad darro iyo in isbitaalku uusan gabigiisba u diyaarsaneyn shaqadii loogu talo galay ayaa haddana usii dheer” Agaasime Jacfar ayaa sidaas yiri.
Kiin Xasan Fakat, Bilan Media ReporAter
Jarmalka oo si adag uga horyimid in ka alada bani’aadanimo laga jaro Falas tiiniyiinta
Dowladda Jarmalka ayaa si adag uga hortimid qorshaha Midowga Yurub uu ku joojinayo gargaarkii bani’aadanimo ee la siinayay Falastiiniyiinta xilligan adag.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ja rmalka, Annalena Baerbock ay aa sheegtay in joojinta gargaar ka bani’aadanimo uu gebi aha anba yahay mid khaldan.
"Gebi ahaanba waa khalad go’aanka gargaarka looga joojinayo dhulka Falastii niyiinta.” Ayay tiri An nalena Baerbock.
Waxay sheegtay inaanu mid wanaa gsan ahayn go’a anka Midowga Yurub ee lagu sheegay in ururku uu joojinayo kaalm ada bani’aadamo ee Falastiiniyiinta.
"Gurmadka bani’aadanimo waa mid muhiim u ah dadka rayidka ah, waana arrin khalad ah in kaalma daasi hadda la joojiyo.” Ayay tiri Annalena Baerbock. Waxa kaloo ay tiri "Malaayiin qof oo ay ku jiraan carruur fara-badan oo ku nool dhulka Falastiin ayaa ku tiirsan cunnada, biyaha iyo dawada aanu siino.”
Dowladaha Portugal, Spain, Ireland iyo Luxembourg ayaa qaadacay qorshaha Midowga Yurub ee lagu joojinayo deeqda lacageed ee la siiyo dadka reer Falastiin, inta ay iska dhacyadu socdaan.
Gaza waxaa ku nool in ka badan laba milyan oo qof.
Madaxweyne Biden oo sheegay inay garab taagan yihiin Israa’iil
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray "waxaan garab taa gan nahay Israel,” xilli Washington ay isku dayeyso inay yareyso xiis adda Bariga Dhexe kadib weerarkii ay Xamas qaaday.
Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Wa shington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Israel ee ku aadan weerarada jawa abta u ah waxa uu ugu yeeray "xasuuq” ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 14 Mareykan ah.
"Waqti xaadirkan, waa inaan si cad u qeexnaa: wa anu garab taaganahay Israel,” ayuu yiri, isagoo ku celceliyey: "Waan garab taagannahay Israel. Waxa an hubin doonnaa inay haysato waxa ay u baahan tahay si ay u daryeesho muwaadiniinte eda, isu difa acdo oo ay uga jawaabto weerarkan.
Ma jiro wax cudurdaar ah oo argagixis animadu leedahay.Ma jiro cudurdaar.” Biden, oo ay garab taa gan yihiin mada xweyne ku-xigeenka Kamala Harris iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhac dooyinkii Sabtida, kuwaas oo uu sheegay inay
ahaayeen "ficillo aad u xun.”
Dalkii ugu horeeyey reer galbeed ah oo ka hor yimid xasuuqa Israel ka wado Gaza
Raisul Wasaaraha Scotland Humza Yousaf ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sida bani aada mnimada ka baxsan ee ciidamada Israel u duqeynay aan shacabka Falastiin ee ku dhaqan magaalada Go’doonsan ee Gaza.
"Xaaladda Qaza waa mid aad u xun, mana aha in ciqaab wadareed lagu same eyo in ka badan laba milyan oo Falastiin iyiin ah oo ku sugan Gaza” ayuu yiri wasi irka 1aad ee Scotland Humza Yousaf.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay si siman in loola dhaqmo shacabka Israel iyo Falastiin, isagoo xusay inuu ka walaacsan yahay xaalada sodohdiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa oo ku go’doos an degaanada ay weerartay Xamaas ee Israel.
"Waxa aan u baahanahay hoggaami yeyaasha in ay sameeyaan waa inay ula dhaqmaan nolosha Isra el iyo nolosha Fal astiin si siman. Sida aan uga wal aacsanah ay soddohdayda, waxaa jiri doona dad ka tirsan bulshada Yuhuudda ee Scotland oo ka welwe lsan qoysaskooda Israa’iil,” ayuu yidhi.
Waxaa uu sheegay in Xamaas ay tahay koox yar oo aan qalmin in loo ciqaabo shacabka Falastiin oo dhan. "Ciqaabta wadajirka ah ee ragga, hawe enka iyo carruurta si fudud looma cadde eyo. Aqlabiyadda tirada badan wax shaqo ah kuma lahan Xamaas.”
Ka dib weerarkii Xamaas Israel ayaa du qeyn aan kala sooc laheyn ka wada Gaza, iyadoo ka jartay ko rontada, biyaha, cunt ada, Korontada iyo waxyabaha kale ee dar uuriga, waxaana duqeymaha Yuhuuda ku dhintay illaa hadda dad ka badan 1000 qof, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan shan kun.
Raisul Wasaaraha Scotland Humza Yousaf ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyey dalalka reer galbeedka ee Israel ku dhaleeceeya xad gudubka ay ku heyso shacabka Gaza, iyadoo madaxda reer gal beedka ay horey si buuxda taageero u gu muujiyeen Israel ka dib weerarkii Xamaas.
MARAAKIIBTA MARAYKANKA EE ISRA A'IIL TAAGEERAYA OO AY KU JIRAAN KUWO SOOMAALIYA KA HAWLGALAY
Maraakiibta hawlgalka loo diray XIGASHADA SAWIRKA,US DEFENSE DEPT
Maraykanka ayaa bariga dhexe u diray markabka dunida ugu weyn ee dayaarad aha xambaara ee la yiraahdo UUS Gerald Ford. Waxaa lagu wadaa inay dhawaan gaaraan badda Mediterranean-ka ee
Waxaa kaloo la socda raxan maraakiib ah oo iyo dayaarado, ujeedada loo dirayna waa inay gacan ka siiyaan Israa’iil oo weerar kadis ah ay Sabtidii ku soo qaadeen dagaalyahannada Xamaas sida laga soo xigtay taliska dhexe ee ciidanaka Maraykanka.
Haddaba maxaa laga yaqaan USS Gerald Ford iyo maraakiibta kale ee la socota.
USS Gerald Ford
XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEDIA
Qoraalka sawirka,
USS Gerald Ford
Markabkan waxaa loo arkaa inuu yahay kan ugu horum arsan xagga tiknoloojiy ada SS , waana kan dunida ugu weyn ee daya arada xambaara.
Dhererkiisu waa 333 mitir, joogiisana waa 76 mitir. Wuxuu ku fadhiyaa 12.8 bilyan oo Doollar.
Hawlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay sameeyaan markabkaas iyo maraakiibta la socota. Waxaa mark abka saaran 5,000 oo askari oo ciid anka badda ah.
Ujeeddadu waxay tahay inay ka jawa abaan xaalad kasta oo la soo derista sida inay ka hortag aan in hub uu soo gaaro Xamaas iyo inay isha ku hayaan dha qdha qaaqa badda.
USS Normandy
USS Normandy
XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEDIA
Markabkan wuxuu ku hubaysan yahay gantaalada cirka, kuwa dhulka, iyo kuwa gujisyada. Waxaana lo ogu magac daray dagaalkii Normandy ee xilligii dag aalkii 2aad ee dunida.
Waa markabkii laga riday tirada ugu badan ee sawa ariikhda Tomahawk ee uu rido Markab Mar aykan leeyahay.
Dagaalkii ugu horreeyey ee uu ka qayb qaatay markabkan wuxuu ahaa kii Kuwait looga saarayey ciidankii Saddaam Xuseen 1990. Xilligaas waxaa la ga riday 26 gan taal oo ah nooca Tomahawk.
1995 waxaa USS Normandy loo diray bad da Adri atic si uu u taageero hawlihii Qara mada midoobay ay wadeen Yuguslaa fiyadii hore.
Wuxuu kaloo markabkaas ka qayb galay dhoolat usyo milateri oo ka dhacay meelo kala duwan oo dunida ka tirsan.
USS Thomas Hudner
USS Thomas Hudner
XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEDIA
Markabkan waa nooca burburiyaha loo yaqaanno, wuxuuna ku fadhiyaa qiime ahaan 663 Malyan oo Doollar.SWeli kama uusan qayb qaadan wax dagaal ah, wuxuuse ka qayb galay dhooll atusyo milateri. Waxaa ku rakiban qoryaha culus ee darardoorriga u dhaca, sawiirkhda dhulka, cirka iyo badda lagula dagaallamo iyo gantaalada Tomahawk.
Waxaa sidoo kale markabkan uu sidaa gantaall ada khatarta ah ee Torpedo oo dhowr nooc ah iyo laba helicopter.USS Ramage USS Ramage
XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEDIA
Markabkan oo ay saaran yihiin 281 askari wuxuu hawlgalkiisii ugu horreeyey sam eeyey Siteembar 11 2001, markii weerarkii dayaaradaha loo adeegsaday lagu qaaday magaalada New York.
Waxay xilligaas raadaarrada ku rakiban kor iyo hoos u ilaalinayeen xeeba ha bari ee Maraykanka si aysan u dhicin weerarro kale oo argagixiso.
Xilligii ciidankii maxkamadaha islaamiga ee Soomaa liya iyo ciidankii Itoobiya ay dagaallamayeen wuxuu ahaa markab kiiugu horreeyey ee degdeg u gaaray Afr ikada bari, isagoo si dhow ula shaqayn ayey dayaaradda wax basaasta ee P-3.
Dabayaaqadii Janaayo 2010 wuxu markabkan ka qayb galay hawlgalkii baad igoobka iyo badbaada ee dayaaraddii Ethiopian Airlines eek u dhacday ba dda Mediterranean, in yar ka dib markii ay ka du ushay Beirut.
Hubka saaran wuxuu badankiis la mid yahay kan uu sido markabka USS Thomas Hudner.
USS Carney
USS Carney
XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEDIA
Markabkan wuxu hore uga mid ahaa raxanta mar aakiibta ee la socota markabka dayaaradaha xam baara ee USS George Washington.
Wuxuu markabkan qayb ka ahaa maraakiib la soco tay markabka dagaalka ee USS Wasp oo dayaarado uu siday ay 2016 weerar ku qaadeen dagaalyaha nno ka tirsan kooxda ISIS oo joogay Libya.
Xilligaas wuxuu markabkan isticmaalay qoryaha ku rakiban, isagoo caawinayey ciidanka Liibiyaanka ah ee Maraykanku taageerayey , waxaana intii hawlgal ee uu sameeyey uu riday 285 saalbo.
Nofembar 2016 waxaa lo diray Giriigga si uu qayb uga noqdo ciidanaka sugayey amaanka Madaxwey ne barack Obama oo wakhtigaas booqday Athens.
USS Roosevelt
USS Roosevelt
XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEDIA
Markabkan isagana waa mid ka mid ah nooca burburiyaha ah, waxaana loogu magac daray mada xweynihii hore ee Maraykanka Franklin D Roosevelt iyo xaaskiisa Eleanor Roosevelt.
Hawlgalkiisii aadka loo xusuusnaa wuxuu la same eyey bishii April 2006 mara akiibta dagaalka ee Ne therlands, waxayna dhexda u galeen meel biyaha Soomaaliya ka mid ah Markab jariif ah oo laga leey ahay kuuriyada koofureed, kaasoo ay burcad bad eed afduubteen.
Maraakiibtaas waxay ku khasbanaade en inay ka haraan eryashadii ay eryana yeen ka d ib markii ay burxcad badeeddu ku hanjabeen inay dilayaan shaqaalaha markabkii ay afduubka ku haysteen. awaariikhda iyo gantaallada ku raki ban waxay la mid yihiin kuwa maraakiibta kale.XIGASHO:-BBC
Q/Midoobey oo cambaareysay gacanta adag ay Israel ku wajaheyso Gaza
Q/Midoobey ayaa cambaareysay go’doo minta dhameystiran ee Maamulka Israel uu ku soo rogay Marinka Gaza, taas oo dur baba ay muuqato saam eyn teeda bani ’aadanimo. Madaxa Xuquuqul Ins aanka QM, Volker Türk ayaa wal aac xoogan ka muujiyay xaalad da adag ee Israel gelisay Gaza, oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof .Madaxa Xuquuqul In saanka Qaramada Midoobey ayaa go’doomintan ku tilmaam ay mid sharci darro ah, marka loo eego buu yiri sharciga caalamiga ah.
Waxa uu sheegay in go’ doominta adag ee la geliy ay Gaza ay khatar ku tahay nol osha dadka rayi dka ah, iyadoo ka hor istaageysa sida uu yiri agabyada laga ma maarmaanka ah ee badbaadada, waana wax mamnuuc ah buu yiri marka loo eego sharciga caal amiga ah ee bani’a adantinimada.
"Tani waxay kaga sii dareysaa xaalad da bani’aad animo ee Gaza oo markii horeba ahayd mid aad u liidato, waxayna caqabad ku tahay inay sii shaqeeya an xarumaha caafimaadka, xilligan oo ay sii kor dhayaan dhaawacyada.” Ayuu yiri Mad axa Xuqu uqul Insaanka QM
"Go’doomintan waxay noqon kartaa ciqaab wa dareed, waxaana ka digaynaa cawaaqib xumada ka dhalan karta.” Ayuu sii raaciyay Volker Türk.
Volker Türk ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay Xafi iskiisa M.Geneva ku sheegay in hawlgalka dhinaca cirka ee Ciidamada Israel ka wadaan Gaza ay sidoo kale ku bartilmaameedsadeen Xarunta Hay’adda QM ee Gargaarka & Shaqada ee Qaxootiga Falasti in iyo weliba goobo waxbarasho oo iskuulo ay ku jiraan.
"Dad rayid ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay duq aymaha Gaza.” Ayuu yiri Volker Türk oo dhanka kale Xoogaga Xamaas ugu baaqay in ay sii daayaan da dka ay afduubka u haystaan.
"Afduubka dadka rayidka ah sidoo kale waa mamnu uc, marka loo eego sharciga caalamiga ah.” Ayuu yiri Türk.
Sagaal ka mid ah Shaqaalaha Q/Mido obay ee Gaza oo duqeyn lagu dilay
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaa bilsan qax ootiga Falastiin ayaa sheegtay in sagaal ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay duqeymaha xagga cirka ah tan iyo markii ay billowday duqeynta Israa’iil ay ku hayso Qaza Sabtidii, iyadoo dhowr kalena la dilay Talaadadii Dorraad.
"Ilaalinta dadka rayidka ah ayaa muhiim ah, oo ay ku jiraan waqtiyada colaadaha,” ayay tiri Juliette To uma, agaasimaha isg aarsiinta ee hay’adda UNR WA. "Waa in loo ilaaliyo si waafaqsan shuru ucda dagaalka.” ayey intaas ku dartay.
Touma waxa uu sheegay in weerarad aasi lagu dilay shaqaalaha QM ee ku sug naa guryahooda oo ku yaala guud ahaan dhulka GazaWaxay sidoo kale sheegtay in 18 ka mid ah Isk uulada UNRWA oo isku bedelay gabbaad ay waxye elo ka soo gaartay duqe ymahaasi Sidoo kale waxaa la burburiyay bay tiri xaruntee da UNRWA ee magaalada Gaza, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhash ay.Duq eymaha aan loo meel dayin ee Israel ka wado magaalada Gaza ayaa wax aa lagu dilay dad ka ba dan 1000 qof halka kumanaan kale lagu dhaawacay
HOGGAAMIYAHA DARBIJIIFKA AHAA EE SAD DEX MADAXWEYNE IYO SHABAAB LA DIRIRAY
Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu saa meynta weynaa Soomaaliya ee xukumi jiray mid ka mid ah gobolada ugu kheyr aadka badan. Waxa uu saa meyn weyn oo ciidan iyo hogga amin ku lahaa isbaheysiga doo xada jubba, Shabeelada Hoose iyo gobolka Banaadir. Waxa uu la dagaalay saddex mad axweyne, Cabdula ahi yuusuf, Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Farmaajo, iyo kooxda Al-Shab aab, oo uu mar ka mid ahaa 'dadkii barbaariyay'.
Waa Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadd e, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dagaal ka ee loogu cabsida badnaa, laakiin lagu tilmaamo inuu yahay nin kadhaadh badan oo hadba shaati cu sub tosha. Waxa uu ka badbaaday duulaankii ay Maxkamadaha Islaamiga ah ee koonfurta iyo bartam aha Soomaaliya kaga saareen qabqablayaashii la midka ahaa, isaga oo ba ka mid noqday hoggaankii sare ee maxkamada Islaamiga ah. Waxa uu qeyb ka ahaa dagaalkii dhexmaray maxkamadaha iyo ciidam ada Itoobiya, isaga oo la shaqeeyay Shabaab kahor Inta uusan ku biirin Xisbul Islaam iyo kahor heshiiskii uu la galay dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa uu ahaa hoggaamiyehii ku dhawaaqay inay qabsanayaan Addis Ababa, eray loo arkay inay eers adeen maxkamadihii Islaamiga ahaa ee awoodda isbidayay.
Marka kale, sanadkii hore waxa uu isaga oo ciida mo wata ku dhawaaqay in aysan dowlad ka jirin Soo maaliya xilli lagu muransanaa mudada xilh eynta madaxw eyne Maxamed Farmaajo. Hoggaam iyaha xabsi guriga ku jira ee mar ahaa ninka ugu aw ood da badan xarakooyinka hubeysan, Xasan Daahir Aweys, waxa uu Indho-cadde ku tilmaamay ‘nin bur buriya koox walba oo uu qeyb ka noqdo’.
Nolosha darbi-jiifnimada iyo kabo-caseynta
Qoraalka sawirka,
Indha-cadde waxa uu soo noqdayWasiirka Gaas haandhiga Maxkamadaha iyo dowladda Soomaaliya Hooyadii waxay gee riyootay isaga oo ifka jooga bil, saddex iyo toban ci sho, aabehiina wax badan kama dan beyn oo waxaa la oofsaday In dhocadde oo saddex sanno jir ah. Indha-cadde oo ku dhashay gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas wa xaa uga bilaabatay ayeeyo iyo abbaayo-korisnimo. Laakiin waxay nolol adag u bilaabatay markii la guu rsaday walaashiis isaga oo lix jir ah, xilligaas oo u Qoryooley kasoo raacay mid ka mid ah gawaadhidi tirada yar ee ee Xamar soo aada. Waa mar ay Soo maalida xorta ah ay lix jirtahay. Waxay ahayd mag aalo uusan waxba ka aqoon, oo uusan xitaa wax badan ka maqlin. Halkii ugu horreysay ee uu gaa dhigu dhigo waxay ahayd Ceelgaabta, meel ay ku hal qabsadaan dhammaan dadka magaalada soo ga lay wixii ka horreeyay dagaalada sokeeye.
''Waxaan fiirfiiriyeey hareerahayga. Meel aan u dhaqaaqo ayaan garan waayey,'' ayuu Yuusf Indho-Cadde oo xasuusanaya xilligaas u sheegay BBC Somali. Mar dambe ayaa lagu baadigoobay dada y heyb wadaag yihiin, laakiin kuma uusan raagin xaa fadaha qaraabada, oo uu ku tilmaamay dad aan wax badan tarin.
''Meeshaas ayaan ka soo bilaabay dérbi-jiifnimo, kabo caseyn iyo ciyaal danbiil,'' ayuu yiri Indhaca dde. Waxa uu ku tilmaamay afar sano oo nolol adag ah – gaajo iyo gogol la’aan, oo qofba kan uu ka xoog weyn yahay u dilo, kana qaato waxa uu heysto. ''Mar aan muufo la cararo, iyo mar aan kabo-caseeyo oo taanada aan helo aan moos ku cuno, iyo waxaan ahaan mar aan u xamaalo oo aan danbiilaha u qa ado haweenka ganacsatada ah si aan cunto ama lac ag uga helo.''Markii dambe, howshii kabo-caseynta ayaa u noqotay shaqo fiican oo uu xoogaa dhaqaale ah ka helo kadib markii uu caawiyay nina ay qar aabo ahaayeen oo hudheel ku lahaa Muqdisho, hal kaas oo uu dadka kabaha ugu caseyn jiray.
Iibinta biyaha webiga iyo Barbaarinta Shabaab
Janaraal Indhacadde (midig) oo la fadhiya Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyihii max kamadaha Islaamiga ah ee markii dambe noqday madaxweynaha
Yusuf Indhacadde waxa uu ogsoon yahay in xanta ugu weyn ee banaanka u tala ee lagu xasuusto inay tahay arrimaha la xidhiidha ‘iibinta biyaha’. Waxa uu ku tilmaamay wax ka yaabiya, mar na uu ku qoslo sida uu warkaas ugu dhex faafay Soomaalida, isaga oo ka yaabay in ay dad badan rumeystaan. Wuxuu se isweydiiyay sida biyo webi lagu iibin karo.
Xantaas waxay shaacbaxday mudadii uu Indha cadde xukumayay gobolka qaniga ah ee Shabeel aha Hoose, isaga oo lagu tilmaamayay in dadka de egaanka uu ka iibiyo biyaha webiga ee la cabo, iyo xitaa kuwa beeraha lagu waraabsado. Warkaas se waxa uu ku tilmaamay in uu faafiyay wiil uu adeer u yahay oo weriye ahaa, kaas oo uu iskudayay in uu edbiyo. Waxa uu intaas ku daray in uusan weligiis iibin biyo webi, oo aan ba la iibin karin xitaa, laakiin waa xan shaacbaxday.
Indha-cadde oo isku tilmaamay in uu barbaari yay kooxda Al-Shabaab ee hadda ciidamada dowla dda dagaalka weyn kula jiraan, waxa uu sheegay inay ugu soo dhu unteen diinta. Se, waxa uu ku til maamay in barbaarintoodu ay tahay waxa ugu weyn ee uu ka Dorraadsan yahay noloshiisa oo dhan.
Nin weyn oo ilmeeya, jaceylka iyo xaasaska badan
Janaraal Indhacadde
Janaraal Yuusuf Indho-cadde oo isku tilmaamay in uu yahay gabyaa iyo nin heesaha curiya waa labo xaasle, laakiin waxa uu qirsan yahay in qalbiga uusan si isku mid ah u wada jeclaan karin, oo xiisaha iyo caashaqa aysan loo wada simi karin.
Wuxuu se uu sheegay in uu mid walba ka raadiyo wax u gaar ah oo ay tan kale ugu fiican tahay oo isa ga xiiso geliya, oo horseeda in uu wada jamto.
Indha-cadde oo aan weydiinay waxa uu ka fahansan yahay aragtida ay dadka ka heystaan, waxa uu she egay inay ku tilmaamaan nin ad-adag oo dhib bad an, laakiin dadka marka ay bartaan ay u sheegaan in uu yahay mid ka duwan wixii ay ka heysteen.
Waxa uu soo noqday xoghayaha difaaca ee Maxka madaha Islaamiga ah iyo Wasiirka Difaaca ee dowl addii Shariif Sheekh waxa uu qeyb ka ahaa dagaalo xoogan oo ay dad badan oo Soomaali ah ku waxyee loobeyn. Waxa uu se isku tilmaamay in uu yahay qal bi-xabxab, ooyin nugul, oo marar badan la ooyay jac eyl iyo xiiso uu u qabo xaaskiisa, iyo marar ay arrimo khilaaf ka dhex dhaceen ba, iyo arrimo murugo leh oo uu dib usoo gocday.XIGASHO:-BBCYOM
KIPPUR: MAXAAD KA TAQAAN 'DAGAALKII RAMADAANKA' EE DHEX MARAY ISRAA'IIL IYO DALALKAN CARBEED?
Yom Kippur
XIGASHADA SAWIRKA,AP
Waa dagaal magacyo badan, waxaana ka mid ah magacyada loogu yeero, Dagaalkii Ramada anka, Dagaalkii Yom Kippur ama dagaalkii Oktoobar. Hase yeeshee waxa cad ee muuqda ayaa ah in dagaalkan dhacay kontan sano ka hor uu dunida badalay.
Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil iyo dawladaha Car abta, iyo sidoo kale dunida inteeda kale, ayaa weli la nool wixii uu ka tagay dagaalkaasi.Dagaalkan oo si doo kale loo yaqaan dagaalkii afraad ee Carabta iyo Israa’iil ayaa dhacay bishii Oktoobar ee sannadkii 1973-ki taas oo ah sababta loogu bixiyay Dagaalkii Octoobar, waxayna sidoo kale ku beegnayd bisha Islaamka ee Ramadaan oo sidoo kale loogu magac daray. Dagaalkani wuxuu socday wax ka yar saddex toddobaad. Wuxuu dagaalkani u dhexeeyay Israa’iil iyo laba dal oo carbeed oo kala ah Masar iyo Suu riya, balse wuxuu si dadban isaga hor keenay Mar aykanka iyo midowgii Soofiyeed ee Ruushka. Mid owga Soo fiyeed wuxuu difaacayey ama garab sina yey dala lkan Carabta halka Maraykanku sida hadd aba uu garab taagnaa Israa’iil.
Wuxuu daba socday dagaalka la baxay ‘Daga alkii Lixda Maalmood’ oo isagu dhacay 1967, kaas oo Israa’iil ay ku qabsatay dhul carbeed oo ay ka mid yihiin, buuralayda Suuriya ee Golan iyo Sin aio o dhanka Masar ah.
Anwar Sadaat oo madaxweyne ka noqday Mas ar wax yar uun ka dib dagaal si gaar ah u dhex mar ay Masr iyo Israa’iil sanadkii 1969 ilaa 1970 ayaa og olaaday inuu la heshiiyo Israa’iil hadii, heshiiskaas la gu salaynayo axdiga Qaramada Midoobey ee 242, oo ay Israa’iil dib u celiso dhulka ay dagaalka ku qa bsatay.
Hase yeeshee Israa’iil ayaa diidday soo jeedint aas, waxayna taasi horseedday in mar kale 1973-kii dagaalku dib u qarxo.
Yom KippurXIGASHADA SAWIRKA,AP


0 



HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA OKTOOBAR 2023-KA
...