
HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 11-KA OKTOOBAR 2023-KA
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kulan la qaatay dhigiisa Dalka Talyaaniga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay aa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta.
Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga had lay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. Sidoo kale waxeey ka wada hadleen xojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.
Mudane Lorenzo Fonta oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Guddoomiye She ekh Aadan ku boggaadiyay shaqada adag ay Gol aha Shacabka qabteen saddexda kalfadhi ay sha qeeynayeen, isagoona intaa ku daray in Dowlad da Talyaaniga ay garab istaageyso halganka dal ka looga xorreynaayo Khawaariijta.
Gunnaanadka kulanka labada guddoomiye ee labada baarlamaan ayaa looga hadlay arrimaha amniga, xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhi nac, waxaana Guddoomiyaha kulanka ku weheliy ay xildhibaanno iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh ayaa dhigiisa dalkaasi ku casuumay inuu Soomaliya yimaado si uu u arko horumarka dalka ka jira iyo shaqooyinka Baarlamaanka wuuna ka aqbalay.
Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Bacaadweyne
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Gal mudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayna we hliyaan Wasiirka Gaashaan dhigga XFS Cabdulk aadir Maxamed Nuur, Wasiir kuxigeenka Warfaaf inta JFS Cabd iraxmaan Alcadaala iyo masuuliyiin ka e oo ka tirsan Dowladda iyo Galmudug ayaa soo gaaray Magaalada Bacadweyne ee koonfurta Gobolka mudug halkaas oo ka mid ahayd Deega anadii laga xoreeyay zhawaarijta Wafdiga ayaa waxa Bacadw eyne ku soo dhaweeyay Guddoomi yaha Gobolka mudug, Mamaulka Bacadweyne,
Guddiga Difaaca iyo dibu xoreynta Koonfurta Mud ug, Lataliyaha Madaxweynaha Qar anka Sakariye Xasan Gaashaan, Saraaki isha Ciidamada iyo shacabka Bacadweyne
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa iminka kul an la qaadanaya Masuuliyiintii gobolka, kuwa dee gaanka,Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, ku wa Dara awiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka
Muxuu yahay galka ciidanka cusub ee lagu wareejiyey Gudoomiye Madaale?
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuus uf Xuseen Ji mcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Waxaa uu halkaasi salaan sharaf kaga qaatay Cutubyo kala gedisan oo ka tirsan Ciidanka Ilaalinta Deegaan ka Xamar.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa warbix in ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar G/S/ Gare Maxa med Carabow Cali iyo Taliyaha Howl gelinta Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xam ar Gaashaanle Sharmaarke Caddow Tuuryare.
Waxay Duqa Muqdisho ku wareejiyeen galka cutubyada cusub ee dhawaan kusoo biiray Ciida nka Ilaalinta Deegaanka Xamar.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ah na Duqa M/Muqdisho M/Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daar may qeybaha kala gedisan ee Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Saraakiish ooda in ay dar-dargeliyaan shaqo oyinka Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ugu hor eyso Dakhli aruurinta, Nadaafada & Bilic soo cel inta Caasimadda, ilaalinta An shaxa iyo adeegya da kale oo ay ugu fadh iyaan Bulshada Caasi madda Muqdisho.
Guddoomiye Yabooh "Masaajidda iyo Dusgi yada nooma qorna in canshuur laga qaado, kumana jirto File-ka dowladda"
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaa sada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Ax med Diiriye Yabooh ayaa Shalay ka jawaab celi yay cabasho xoogan oo kasoo yeertay dadka ku nool inta u dhaxeysa degmada Kaaraan iyo deeg aanka Gubadleey ee duuleedka maga alada Mu qdisho.
Dadka ku nool deegaanadaas ayaa Dorraad si kulul uga hadlay Canshuur la sheegay in Masa ajidyada iyo Dusgi Qura anada ku yaala deegaan adaas ay qaaday een rag ka tirsan dowladda Fe daraalka Soomaaliya, taasi oo noqotay mid si weyn ula yaabeen guud ahaan shacabka Soom aaliyeed.
Gudoomiye Yabooh oo arintaas xal u helid eeda ka daluuyay ayaa Shalay tagay xaafadaha laga soo wariyay dhacdaan la yaabka badan, wux uuna sheegay in maamulka gobolka uusan wax ka ogeyn canshuur laga qaadayo goobaha lagu ciba adeysto iyo dugsiyada lagu barto Qura anka kariimka.
"Masaajidda iyo dusgiyada nooma qorna in ca nshuur laga qaado, kumana jirto File-ka dowladda hoose, waana i maqlaayaan labadii maamul ee halkan ka jiray, amarkaas waa amar duq mag aallo, Sideedaba masaajid iyo dugsi waa la kaalm eeyaa waa la garab isaataagaa, waxaa la rabaa inay nooga duwanaadaan waxa kale oo dhan" ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka ayaa sidoo kale raali galin buuxda siiyay sha cabka iyo wax garadka degmada Kaa raan iyo deegaanka Guba dleey, isagoona balan qaaday in wax badan ka qaban doonaan arrintaan.
Dhacdaan ayaa saacadahii lasoo dha afay si weyn u dhalisay hadal heyn badan, kadib markii ay ka fajaceen in Canshuur laga qaadayo Maasaj idyada iyo goobaha lagu barto Quraanka Kariimka
Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo soo ban dhigay magacyada masuuliyiin hore oo la maqan gaadiidka dowladda
Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa soo saaray amar ku socda masuuliyiin horay dow ladda uga soo qabtay xilal kala duwan oo horay usii qaatay gaadiidkii dowladda ay siisay.
Warsafaxadeed kasoo baxay Xafiiska Hantid how rka guud ayaa lagu faray in masuuliyiinta haysata gaa diidka dowladda iney si deg deg ah gaadiidka gacantoo da ku jira dib ugu soo celiyaan haya'daha dow ladda ee Milkiyadooda iska leh.
Warka kasoo baxay Xafiiska Hantidho wrka guud ee Qaranka ayaa lagu soo ban dhigay mag acyada 18 masuul oo la she egay ineysan dib do wladda ugu soo celin gaadiidkii la siiyay mudadii ay xilalka hayeen,
Xafiiska ayaa sidoo kale faray masuu liyiintaan in mudo 15 maalmood gudahood ah oo ka bil aabaneysa Shalay oo taariiqdu tahay 10-ka bisha Oktoobar, islamarkaana ku eg 25-ka bishaan Oktoobar.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Xafii ska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo Dhameystiran:-
Hoggaamiyaha SSC Oo Qaaday Talaabo Culus Oo Ka Dhan Ah Puntlamd
Hoggaamiyaha SSC ayaa sheegay in doo ras hada soo socota ee Puntland aanay ka dhici doo nin deegaanada Khaatumo haddii ay qof iyo cod noqoto iyo haddii ay xulistii isimada noqotoba.
Mr. Firdhiye wuxu xusay in ay yeesheen ma amul cusub iyo nid aam ka duwan kuwii hore ee deegaanka isku haystay taas be delkeedana ay ka de egaan ahaan ka ba xeen Puntland.
"Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deeg aanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri.
Tani ayaa ka dhigan in dadka SSC soo xuli doonin 17-kii Xildhibaan ee Puntland doorashade eda ka qeybgali lahaa.
Si kastaba, talaabadan Waa warkii ugu cuslaa oo kuwajahan xaaladdan kala guu rka ah ee Pun tland, talaabadan ayaa ka dhigaysa isbedel weyn oo siyaa
Deni oo deg deg ugu laabtay Garowe, soona saaray amar ka dhan ah shirka Mucaraadka
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa Shalay dib ugu laabtay magaalada Garoowe ka dib muddo labo bilood ah oo uu safar ugu maq naa dibeda.
Deni ayaa booqday mud adaas dalalka Imaaraatka, Kenya iyo Itoobiya oo uu ha dda ka soo kicitimay, faa hf aahina laga ma bixin saf arkiisa iyo waxyaabaha uu kala soo laabtay.
Sida wararku sheegayaan Deni ayaa amray in caasimadda Garoowe la keeno cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidanka PMPF ee uu tababaro Ima araadka
Xubno ku dhow Madaxtooyada Puntl and ayaa sheegaya in Siciid Deni uu ciida nkaas u da lbaday, si uu cadaadis u saaro siyaasiyiinta muca aradka ah ee Shalay shirku uga furmay Garoowe, kuwaasoo diidan qorshihiisa muddo kororsiga uu damacsan yahay
Wararku waxay sheegayaan in shirka uje edki isu yahay sidii Puntland ay uga dhici lahayd doora sho wakhtigeeda ku dhacda, si meesha laga sa aro muddo kororsi hor seedi kara qalalaase siya asad eed iyo dagaal
Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sam eeyay degaano hor leh iyo barakac ka socda
Wararka naga soo gaaraya degmada Xawaad leey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu fatahaad xoogan saacadihii la soo dhaafay ka geystay Wabiga Shabeelle ee mara degmadaas.
Guddoomiyaha degmada Xawaadleey Muuse Maxamed Cabdiraxmaan ( Baaleey) ayaa sheeg ay in Dhul beereed aad u farabadan uu baabi’ iyay fatahaada, isla markaana degaano horleh oo katirsan Xawaadleey uu ku fiday.
Guddoomiyaha oo Wareysi siiyay Warbaahinta Risaala ayaa sheegay in ka maamul ahaa ay sam eeyeen dadaalo ay ku joojinayaan fatahaada, balse ay awoodi waayeen, isaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Sha beelle.
Baroor Diiq loogu sameeyay Dalka Finland Aabe Soomaaliyeed oo dhaw aan Qoyskiisu guriga ku gubtay .
Waxaa hoos loo dhigay Calanka Dalka Finland iyo kan gobolka taas oo lagu muujinayay dareen la qaadashada geerida qoyskii Soomalida ahaa ee dhawaan gurigu ku gubtay.
Burhaan Macalin Xasan Rooble Waa aabaha qoyskii gurigu ku gubtay dalka Finland habeenkii Axada 8dii Oktober 2023.
Qoyska geeriyooday ayaa ka koobnaa Hooyo iyo Afar caruur ah Allaha u naxariisto.
Duqa magaalada Caasimada Helsinki iyo qaarka mida maamulka Gobolka ayaa usoo boroordiiqay Aabe Burhaan iyo qoyska tacsidu u taal, waxana uu gudoomiyihu sheegay in la dedajin doono waxwalba oo ku aadan aaska iyo duugta inkastoo lamari doono nidaamka baaritaanka Caafimaadka iyo Booliska.
Sidoo kale macalimiintii Iskuulka iyo waalidi intii Xaafada ayaa iyana usoo baroordiiqay Aabe Burhaan iyo ehelkiisa.
Weli lama oga sababta saxda ah ee dhalisay dabka iyo dhimashada 4-ta caruur iyo hooyadood sidoo kale waxaa la sugayaa waqtiga saxda ah ee duugta.
Burhaan waxay ilma adeer laxmi ah yihiin Rai sul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xus een Rooble.
XIGASHO WARIYE C/RISAAQ SOCOTO
Turkiga oo balan-qaad culus u samee yey Maamulka SSC Khaatumo
Hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa booqasho shaqo ku tagay safaar adda Dalka Turkigu ku leeyahay magaalada Mu qdisho.
Hoggaamiyaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa fulinta ayaa kulan la qaatay Safiir ka Dawladda Turkiga u fadhiya Dalkeena Md .Amb. Ibrahim M. Yagli iyo hawl wadeeno ka tirs an Safaaradda
Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamadii isdabaj oogga ahaa ee Hoggaamiyuhu la qaadanayay Dawladda Federaalka Soomal iya iyo Beesha Caalamka.
Kulanka waxaa lagaga wadahadlay sidii Dawl adda Turkigu qayb uga noqon lahayd, dedaalada uu Hoggaamiyahu ugu jiro sidii mashaariic Horu marineed looga fulin lahaa deegaanada SSC-Khaatumo.
Safiirka ayaa ballanqaaday in ay dee gaanka as soo gaadhsiin doonaan qaybo kamida masha ariicda horumarineed iyo gargaar ee ay dalka Soo maaliya ka fuliyaan sida lagu sheegay War-saxaa fad eed ka soo baxay maamulka SSC
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa uga mah ad celiyey safiirka soo dhawaynt iisa, sidoo kale na bogaadiyay doorka ay Dawladda Turkiga ku leedahay dib-u-dhiska dalka.
Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay ciid amo kusoo daabushay maga alada Ceerigaabo
Maamulka Puntland ayaa wuxuu ku eedeysay Somaliland inay ciidamo kusoo daabushay mag aalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo dhaw aan ay ka dha cday is rasa asayn dhexm artay ciidanka bool iiska iyo koox mal ey shiyaad ah.
Israsaasayntaas ayaa salka ku haysay markii ciidanka booliiska Somaliland ay xir een rag lagu sheegay inay ahaayeen kuwo ka ganacsada maandooriyaha. Walow warar kale ay sheegayeen in ragga la xiray ay kasoo qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay Laascaanood.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Ci lmi Cismaan Karaash wuxuu ugu baaqay Soma lil and inay ciidamada ka saarto koonfurta maga al ada Ceerigaabo.
"Waxaan ugu baaqaynaa Maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo aba abuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koo nfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shac abka halkaas degan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Axmed Karaash wuxuu sheegay haddii ay Som aliland dhegaha ka furaysto in ay qaadan doon aan masuuliyadda ka dhalata arrintaan.
Tan iyo markii Laascaanood colaaduhu ka dha ceen, magaalada Ceerigaabo tiro dhowr jeer ah ayay shaqaaqooyin ka dhaceen, inkastoo odaya asha degaanka ay ku guulaysteen inay xal ka gaaraan.
Weeraro lagu qaaday xarumihii kaydkii hubka Alshabaab ee Jubbada Dhexe
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, in ciida mada xoogga dalka oo taageero ka helaya kuwa saaxiibada caalamka, ay qaadeen howlgallo qor sheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigy ada Alshaba ab ee Bu’aale, Saakow, iyo Jilib gob olka Jubbada dhexe.
Dowladdu waxay sheegtay in saldhigy adan la wareeraray ay ku jireen kaydka hubka kooxda Al shabaab. Warar horudhac ah waxay sheegayaan in in Alshabaab uu soo gaaray khasaare weyn.
Dowladdu faahfaahin intaas ka badan ma bixin.
Maraykanka ayaa dowladda Soom aaliya ka taageera weerarada cirka, si loo wiiqo awoodda Alshabaab ay ku abaab ulayso weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.
Maalmo ka hor Maraykanka waxa uu duqeymo ka fuliyay degaanka Shabeelow ee koonfurta gob olka Mudug, halkaas oo Alshabaab ay ku lahaay een xarumo ay kasoo abaabulaan weerarada qor shaysan.
Weli dowladda uma suurto galin inay Alshab aab ka saarto Mudug iyo Galgad uud. Ciidanka ay aa dib usoo faarujiyay deg aanadii Alshabaab ay ka qabsadeen sida Galhareeri, Galcad, Ceelb uur iyo Ceel la helay.
siyaasi reer Punland ah oo soo jeediyay in Saciid Dani la soo xiro
Garowe (dayniiile.com)-Siyaasi reer Puntland ah oo Shalay khudbad ka jeediyay shirka Siyaasiy iinta Mucaaradka ku ah Madaxweynaha Puntland Saciid Dani ayaa si adag uga hadlay hadii isbadal uu ku yimaado waqtigii doora shada Puntland agu yaqaa nay.
Siyaasigaan oo lagu ma gcaabo Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa soo jeediyay in la soo xiro Madaxweynaha Puntl and Saciid Dani islam arkaana Maxkamad la soo taago hadii uu waqtigii lagu balamay qaban wa ayo doorashada madaxt inimada.
Ggen. Asad Cismaan Cabdullaahi wuxuu inta asi ku daray in Saciid Dani laga sugaayo inuu doo rashada ku qabto waqtigii lagu balansanaa.
"hore shacabka darstiis ayaan uga qeybgallnay dorashooyinkii Golaha deegaanka laakiin inagu waan ogeyn inuu Saciid wax qaldaayo markii uu dastuurkii badalay,xerarkii badalay,islamarkaana uu siduu rabo ka dhigtay wax kasta”ayuu yiri Siy aasi Asad Cusmaan
Shirkaan Shalay u furmay Siyaasiyiinta xukun doonka ah ee reer Puntland oo berina lagu wado in la soo xiro ayaa lagu wadaa in warsaxaafdeed wada-jra ay soo saaraan Mucaaradku.
Muwaadin Sooamaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa maga alada Swellendam oo qiyaastii 225km u jirta mag aalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika waxaa ay kudileen Muwaadin Sooma aliy eed oo kamid ahaa ganacsatada ugu waa weyn dalkaas.
Allaha u Naxariistee muwaadinka Soomaal iye ed oo lagu Magacaabi jiray Cabdu qaadir Jeemis ayaa waxaa goobjoogayaal ay sheegeen burcad hubeysan ku weerareen goobtiisa ganaci, isla markaana ay ku dhufteen dhowr xabadooda taas oo sababtay in uu isla goobta ku geeriyoodo.
Qaar kamid ah ehelkiisa ayaa Warbaa hinta u sheegay in Ca bduqaadir waayihii dambe ay Hanjabaadyo kaga imaanayeen qaar kamid ah buracada hubeysan ee lac agaha baada ah ka qaada ganacsatada So oaaliyeed iyo kuwa kale ee Ajaaniibta ah.
Dhowr jeer ayaa sidoo kale la sheegay inay ugu hanjabeen inay dili doonaan hadii uusan bixin lacgaha ay ka doonayaan, hayeeshee ugu dam beyn ay Habeen hore saqdii dhexe dileen, waxa ana la sheegay in muddo ka badan 20 sano uu ku noolaa dalkaasi Koonfur Afrika.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ee ka howlgala magaalada dilku ka dhacay, iyaga oo sameeyay baar itaanno, balse aysan ku guul eysan inay soo qabteen Burcadii dilka geysatay.
Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin So omaali aad u farabadan oo ka Sha qeysata ayaa waxaa had iyo jeer loogu geystaa dil, dhaawac iyo in la boobo han tidooda, iyada oo dowladda Koonfur Afrika ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato.
Kenya oo 17 Milyan oo dollar ku heshay doorka ciidamadeeda ku leeyihiin howlgalka ATMIS
Kenya ayaa heshay 17 milyan oo doolar, oo ay ku heshay kaalinta ay ka qaa dato howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, kaas oo howshiisa uu ku egy ahay bisha December ee sanadka soo Ssocda 2024. Wasiirka Gaashaan dhigga dalka Kenya Aadan Ducaale ayaa baarl amaanka dalkaas u sheegay, usbuucan in lacagt aas loo soo diray Qasnada dowlad da, taasoo dhan Ksh500 milyan ($3.3 milyan) sanadkiiba.
Bishii Oktoobar 2011, Ciidanka Difaaca Kenya waxay u dhaqaaqe en Soomaaliya si ay u baacsadaan Al Shabaab ka dib markii ay afduubyo xiriir ah ka geysteen xuduud ka Kenya iyo Soomaaliya.
Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in magdhowga askarta ku dhima tay Soomaaliya lagu dhameeyo muddo 30 maalmood gudahood ah.
Tobankii sano ee ay joogeen Soo maaliya, ciidanka Kenya waxa ay la kulm een ugu yaraan saddex weerar oo culus. Weerarkii ugu darnaa ay aa ahaa kii Jannaayo 2016 ka dhacay Saldhig Cii da nka Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.
Toddobaadkan, wasiirka gaashaandhigga Ke nya, ayaa sheegay in ka badan 4,000 oo askari ay Soomaaliya ka bixi doonaan sidii ay Qaramada Midoobay u qorsheysay in kasta oo ay dhawaan Soomaaliya ka codsatay golaha ammaanka in dib loo dhigo dhimista muddo 3 bilood ah.
Ayatollah Khamenei” Gacmaha ayaan ka dhun kan lahaa kuwii qorsheeyay Weerarka Israel”
Hogaamiyaha ruuxiga dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa hadlay dag aalka maalintii afa raad ka socda dhulka Yahuuda xoogga ku heys ato, waxa uuna garab istaag u muujiyay ciidam ada goban nimo doonka ee Xamaas.
Ayatollah Ali Khamenei ayaa sidoo kale bee Zniyay waxba ka ma jiraana ku tilmaa may eedeymaha loo soo jeediyay ee ah, in Iiraan ay ku lug lah ayd weerarkii ay Xamaas Sabtidii ku qaadeen deegaanno ay maamusho Isr ael.
Hogaamiyaha ruuxiga dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay weerarka Xamaas geesatay, waxaana laga soo xigtay in uu gacanta ka dhunkan lahaa kuwii qorshee yay weerarkii lagu qaaday Israel.
Ayatollah Ali ayaa sheegay, in Israel ay leeda hay mas’uuliyadda weerarkaasi, wa xa uuna ku eedeeyay Israel in tacadiyo iyo dhibaatooyin kal aba ku hayaan shacabka xaq u dirirka ee Fala stiin.
Dalka Iran ayaa lagu eedeeyaa in ay taageero iyo garab istaag u muujiyaan kooxda hubeysan ee Xamaas, waxa ayna madaxda dowladda Iran marar badan beeniyeen eedeymaha loo soo jee diyay.
Madaxweyne Erdogan oo dhaleeceeyey go ’doominta Israa’iil ku soo rogtay Gaza
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleeceeyay go’doominta Israa’iil ee Gaza isagoo sheegay in koronta dda iyo biyaha la jarayo ay lid ku tahay xuquuqda aad anaha ee Falastiini yiinta.
Hadalkan ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen hogaamiy aha Austria Karl Nehammer.
Erdogan wuxuu dhaleeceeyay qorsh aha Mar eykanka uu ugu dirayo markab diyaaradeed gobol ka, isagoo sheegay in keenista ay horseedi karto "xasuuq” iyo in dagaalku uu weji kale yeesho.
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa mar sii horreys ay amar ku bixiyay in go’doomin dhameystiran” lagu sameeyo marinka Qaza, iyada oo laga jaray cunnada, shida alka, korontada iyo biyaha.
Israel ayaa maamushaa hawada sare ee Qa sa iyo xeebteeda, waxayna xaddid daa cidda iyo badeecadaha la soo galinayo xuduudaheeda.
In ka badan 700 oo ruux oo ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee ka socda Qaza
In ka badan 700 oo ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan 140-caruur ah ayaa la shee gay in ay ku dhinteen duqeymaha Israa ’iil,kadib kolkii ay go’d oomiyeen deegaanka Gaza oo dadka ku nool ay u baahan yihiin cunto iyo shiidaal.
Wasiirka Caafimaadka Falastiin ayaa dalbaday in la la sameeyo waddo nabdoon oo soo gasha Gaza si gargaarka caaf imaad loo soo gaarsiiyo cisbitaalada halka asi oo ay buux dhaafiyeen tiro dad ah oo aad u fara badan.
Kooxda Xamas ayaa sheegtay in ay dili doonto dadka Israeli ee ay heystaan,haddii aysan joojin weerarada iyo duqeynaha ay ku hayaan dadka rayidka ah.
"Waa dambi dagaal marka loo eego qawaani inta Qaramada Midoobay in dad rayid ah la go’doomiyo si ay ugu dhintaan gaajo” sarkaal u hadlay Falastiin ayaa yiri.
Dagaalka u dhaxeeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa bilowday maalinimadii Sabt ida ee la soo dhaaafay, waxaanna tirade dhimashada Israa;iil ay mareysaa 900 oo qof,iyadoo colaadaha cusub ay dabajoo gaan ciidanka Yuhuudda oo sanadihii u dam beeyay geystay falal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka Falastiin iyo in ay mamn uucaan ama xoog ku galaan goobaha barakeysan sida Masjidka Al-Aqsa.
Israel oo ku dhowaaqday inay go’do omisay Marinka Gaza
Israel ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba go’doominayso Marinka Gaza, taasoo la micno ah inay ka jarayso cunnada, biyaha iyo korontada.
Gaza ayaa waxaa maamula kooxda Xamas oo hadda dagaal kula jirta Israel, balse waxaa ku nool in ka badan 2 milyan oo shacab ah.
Dhimashada labada dhinac ayaa sii kor dhe ysa iyada oo weli ay dagaalladu sii socdaan.
Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyi inta ay aa sheegay in dhowr iyo toban Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, lagu dilay duq eyn ay Israel ka gaysatay xerada qaxootiga ee Jabalia, Isniintii.
Saraakiisha caafimaadka ayaa intaas ku dar ay in in ka badan 500 oo qof ay ku dhinteen dag aallada ugu dambeeyey, halka 120,000 oo qofna ay guryahooda ka carareen.
Hogaamiyeyaasha Reer Galbeed oo soo saaray bayaan ay kula safteen Sra’el
Hogaamiyeyaasha Ingiriiska, Maraykan ka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa hadda soo saaray bayaan ay ku mu ujinayaan ” ca mbaarayn aan leexleexad lahayn oo ka dhan ah Xamaas iyo falalke eda argagaxisada ah” sida ay hadalka u dhigeen.
Bayaanka wadajirka ah ayaa yimid ka dib markii ay wada hadleen Madaxweyne Macron, Scholz, Meloni, Sunak iyo Mada xweyne Biden.
"Falalka argagixisanimo ee Xamaas ma laha wax cudurdaar ah, sharcina ma leh, waana in si caalami ah loo cambaaree yaa,” ayaa lagu yiri bayaanka
"Waddamadeenu waxay Israa’iil ku taageeri doo naan dadaallada ay kaga ilaali nayso nafteeda iyo dadkeeda xadgu dubya dan oo kale,” ayaa lagu yiri bayaa nka oo sii socda, isagoo intaas ku da ray: "Waqti xaadirkan ma ahan in qolo kasta oo cadow ku ah Israa’iil ay uga faa’ideysato wee rarradan.”
"Dhammaanteen waxaan aqoonsan nah ay rab itaanka sharciga ah ee dadka reer Falastiin, waxa anan taageer naa tallaabo oyinka loo siman ya hay ee caddaaladda iyo xorriyadda Israa’iil iyo Fa lastiiniyiinta si isku mid ah.
Sacuudiga oo Taageero iyo garab istaag u mu ujiyay Shacabka Falastiin ee lagu duulay
Ciidamada Israel ayaa duqeymo culus ku garaacaya Marinka Gaza iyo deeganno kale oo ka tirsan dhulka Falastiin, waxa ayna laayeen dad badan oo shacab ah ay ku jiraan carruur, haween iyo dad da’ ah.
Waddamada reer Galbeedka ay aa inta badan taag eero iyo garab ista ag u muujiyay maa mulka Israel, waxa ayna dow
Ladahaasi iska indhatireen dadka shacabka ay leenayaan diyaaradaha dagaalka Israel.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa taage
ero balaaran u muujisay shacabka Fala stiin ee lagu duulay, waxa ayna Sacuudiga ballan-qaade en in ay ka shaqeenayaan xal u helida colaada dhiigga badan ku daad anayo.
Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salm aan oo telfoon kula xiriiray Mada xweynaha Falas tiin Maxamuud Cabaas , ayuu u sheegay in uu ga rab taagan yahay dadka reer Falastiin kana sha qeenayo helida nabad iyo xaquuqdooda aasaa siga ah.
Maxamed Bin Salman ayaa sidoo kale u shee gay Maxamuud Cabaas in uu dhin acyada caa lamiga ah iyo kuwa gobolkaba kala shaqayn doo no si usan dagaalku u faafin , loona heli lahaa xabbad-joojin iyo nabad.
Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha taag eera jiritaanka Falastiin, waxaana duullaanka had da lagu qaaday Shacabka Falastiin taageeraya dowlado badan oo reer Galbeed ah oo Israel taa geero u muu Sjinaya.
Putin: "Dagaalka Gaza wuxuu muujina yaa fa shilka siyaasada Mareykanka ee Bariga dhexe
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaadadii ku tilmaamay dagaalkii ugu dambee yay ee Israa’iil iyo Falastiin inuu yahay mid ka dha shay fashilka heysta siyaasadda arrimaha diba dda ee Mareykanka.
Isagoo ka hadlayay bilawga wadahad alka uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Cira aq Mohammed Al-Sudani oo booqasho ku jooga ayuu Putin mar kii ugu horeysay kaga hadlay dagaalka Israel iyo Falastiin.
"Dad badan ayaa igu raaci doona in tani ay tusaale cad u tahay fashil ka siyaasa daha Mareykan ka ee Bariga Dhexe.” ayuu yiri Putin
Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu isku dayay inuu keli ku noqdo dejinta siyaasad guracan, laakiin si laga xumaado ma aysan dhibin inay raadiyaan tanaasu laadyo ay aqbali karaan labada dhin acba” ayuu intaas ku daray
Putin ayaa sheegay in Maraykanku uu ku guul daraystay inuu ku xisaabtamo dan aha muhiimka ah ee dadka reer Falastiin,” isaga oo iska indhat iraya go’aannada Gola ha Guud ee Qaramada Midoobay ee she egayey abuuritaanka dawlad madax-ban naan oo Falastiin leedahay.
Dhinaca kale, Safiirka Ruushka ee Israa ’iil ayaa sheegay in laba muwaadin oo Ru ush ah la gu dilay dagaalkii u dambeeyay ee Israa’iil iyo Falastiin.
Danjire Anatoly Viktorov ma uusan magacaabin dhibanayaasha, isagoo hadal uu sii daayay Cha nnel 1-ka ee dowladda Ruushka ku sheegay in safaaraddu aysan ka warqabin xaaladda dhimash adooda oo aysan wali la xiriirin qoysaskooda.
Viktorov wuxuu sheegay in afar kale oo muwa adiniin Ruush ah la la’yahay. Waxa uu sheegay in safaaraddu aysan haynin wax war ah oo xaq iijinaya sheegashada Xamaas ee ah in dhowr qof oo Ruush ah ay ku jiraan la haystayaashii ay qafaashay
MUXUU YAHAY NACNACA XASHII SHKA EE AY KU XANUUNSADEEN CIYAAL ISKUULKAN?
Nacnac-Xashiish
In ka badan 60 ilmood oo dhigta dugsi hoose oo Jamaica ku yaalla ayaa isbita alka la dhigay, ka dib markii ay cuneen nacnac ka samaysan xa shiis, kaasoo leh midabka Qaanso-roobaadka.
Wasiirka waxbarashada ayaa barta X ee Twitter la oran jiray ku sheegtay in matag iyo wareer ay carruurta ku dhaceen.
"Waxaanku kalsoonahay in annagoo wadajirna aan adkayn doonno bedqabka iyo amniga oo aan la dagaali doonno iibka aan niyadda ku dhisnayn ee badeecad xashiish uu ku jiro carruurta lagu sii nayo” ayey tiri Fayval Williams, iyadoo "nasiib da rro” ku tilShalayy arrintan oo ay iska arkeen waal idka iyo dadka kale ee ay khusayso ee iskuulka Ocho Rios oo ku yaalla deegaan 80 KM u jira magaalada caasimadda ee Kingston.
Barteeda ayey dadka kula wadaagtay xirmo midabbo qurxoon leh oo nacnaca ku jirana ay ku jiraan 100 milligram o ah maa ddada THC – xad digaas oo loo arko mid aad ugu culus xataa qofka qaangaarka ah.
"Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ayaa sam aynaya wax kasta oo karaankood ah si ay u xaqi ijiyaan in ardaydu ay bogsood aan” ayey Ms Will iams. Dhowr ka mid ah carruurtaas ayaa xididka irbado laga siiyey.
"Mid ka mid ah carruurtaas oo wiil yar ah wu xuu sheegay inuu cunay xabbad nacnac ah oo kal iya. Taasi waa sida badeecadaas u khatar badan tahay” ayey sii raacisay. Carruurtaas waxay da’doodu u dhaxaysay 7 – 12 jir.
Ilaa hadda ma cadda sida xashiishkaas uu ku galay gacanta carrur yaryar. Maamul aha iskuulka Ochos Rios wuxu sheegay in "qof warato ah” uu carruurta ka iibiyey nac naca, booliskana waxay codsadeen in cid dii garanaysa qofkaas ay la soo xiriiraan.
Xirmada ay wasiiradda dadka la wada agtay waxaa ku taalla in aan laga iibin karin carruurta yaryar.
Dhibaatada la soo deristay carruurta reer Ja maica ayaa timid todobaad ka dib markii saga ashan ilmood ay ku xanuunsadeen dalka Koofur Afrioka, markaasoo Keeg daroogo ay ku jirto uu ka iibiyey qof waddaa wareejinayey.
Jamaica dambi kama aha in la haysto in yar oo xashiish ah ayadoo ujeedadu tahay in si shaqsi ah loo isticmaalo, waxaana heerka dambiyada la ga saaray 2015.
Maxaan ka naqaan xashiishka?
Ciyaal iskuulka way ku sirmaan
XIGASHADASAWIRKA,WESTYORKSHIRE POLICE
Xashiishka oo magacyada kale ee loo yaqaanno ay ka mid yihiin Cannabis iyo Marijuana ayaa leh saamayn maskaxeed iy mid jireed.
Saamayntiisa waxay bilaabataa daqiiq ado ka dib marka la cabo (Qiiqiisa la dhuu qo), ama 90 daqiiqo ka dib marka la cuno.
Qofka isticmaala waxay culimada caafim aadku sheegeen in muddo gaaban uu lumiyo xu suusta, dhaqdhaqaaqa jirkiis ana uu daciif noqdo, gaajo ayuuna daree maa.
Wuxuu marxaladaas ku jiraa laba ilaa iyo lix saacadood, taasoo ku xiran hadba xaddia uu qofku isticmaalo.
Waxaa lala xiriiriyaa wadne garaac, neefta oo qofka ku cuslaata, lallabbo, iyo dabeecadda oo ka hallowda carruurta ay hooyooyinkood cabaan xashiishka xilliga ay uurka leeyihiin.
Shucuubta dunida qaar waxay xashi ishka u isticmaalaan inay isku daawee yaan, kuwana wax ay u isticmaalaan caqii dooyinka ay aaminsan yih iin daraadood.XIGASHO:-BBC
WAA AYO HOGGAAMIYEYAASHA XAMAAS EE AY DOONEYSO ISRAEL INAY DISHO?
XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE
Qoraalka sawirka,
Hoggaamiyeyaasha Xamaas
Xamaas ayaa ku qaaday Israel mid ka mid ah weeraradii ugu waxyeelada weynaa abid ee loo geysto Israel. Weerarkaas oo galay maalinkii afar aad waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 1500 oo Israel u dhashay, iyada oo duqeymaha Israel ee Qasa na lagu dilay dad ka badan 700 boqol oo Falastiiniyiin ah.
Weerarrada ay qaadeen ciidamada gaarka ah ee Xamaas ee loo yaqaan Qassaam waxay u mu uqdeen kuwa qorshaysan oo dhowr weji leh. Tob aneeyo nin oo hubaysan ayaa u muuqda inay gud aha u galeen Israa’iil iyaga oo ka galay dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa'iil ah oo halkaasi joogay.
Israel waxay duqeyn aan la joogsi lahayn ku wataa marinka Qasa, iyada sidoo kale biyaha, korontada iyo cuntada, iyo wax walba oo keli oo magaaladan dibeda uga baahan tahay ka xay irtay. Madaxda Israel waxay sheegeen inay ka aargudan doonaan weerarka ay Xamaas ku qaa day iyaga oo bartilmaameydsan doono hoggee miyeyaasha kooxdaas.
Yaxya Sinwar, Hoggaamiyha Xamaas ee Qasa
AFPXIGASHADA SAWIRKA,AFP
Qoraalka sawirka,
Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyaha Xamaas (midig), iyo Yaxya Sinwar, Hoggaamiyaha Xamaa s ee Qasa
Waa ninka koowaad ee sida weyn ay u baadi goobeyso Israel. Yaxya Sinwar waa hoggaamiy aha kooxda Xamaas ee gudaha Qasa, oo ah ma gaalo xeebeed dhan walba ka go’doonsan oo ay ku nool yihiin dad ka badan labo milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah. Waxay Israel ku tilmaamtay in uu yahay hoggaanka weerarka lagu qaaday ee wax yeelada weyn u geystay. Afhayeen u hadlay mili tiriga Israel Daniel Hagari ayaa ku sheegay in uu agtooda ka yahay ‘nin dhintay’, isaga oo intaas ku daray inay bartilmaameydsan doonaan hoggaan ka ciidanka iyo siyaasadda ee Xamaas iyo hant idooda ba.
Yaxya oo ah ninka ugu sarreeya hoggaanka Xamaas ee Qasa waxaa loo arkaa in uu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee kooxda, iyo ninka labaad ee ugu awoodda badan Xamaas kadib I smaaciil Haniyah, oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda, laakiin dibadjooga ah. Waxa uu ku dha shay xerada Koonfurta marinka Qasa ee qaxoo tiga Falastiin ee Khan Yunis sanadkii 1962di, isa ga oo daraasaadka Carabiga kaga takhasusay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa. Saddex jeer ayaa la xiray – 1982, 1985 iyo 1988dii. Markii ugu horreysay waxaa la xiray isaga oo jaamacadda dhigta, halkaas oo uu ahaa hoggaamiyaha arda yda. Waxa uu madax ka noqday qarabka amniga ee Xamaas bartamihii 1980kii, isaga oo masuul ka ahaa dabogalka iyo ciqaabista Falastiiniyiinta ku eedeysan inay la shaqeeyaan Israel. Laakiin waxay Israel xirtay 1988dii isaga oo xabsi ku jiray ilaa 2011, markaas oo uu qeyb ka noqday heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo lagu siidaayay 1000 qof oo Falastiiniyiin ah, iyo Askari Israel oo shan sano u xirnaa Xamaas. Weli waxa uu ku nool yah ay xeradii qaxooti ee u uku dhashay ee Khan Yun is. Diyaarada dagaalka ee Israel ayaa duqeeyay gurigiisa intii uu socday weer arka Xamaas, laa kiin lama sheegin wax soo gaaray Yaxya Sinwar.
Maxamed Deif, hoggaamiyaha ciidamada gaarka ah ee Xamaas, Qassam
,Maxamed Daif
Waa ninka halka labaad uga jira liiska hoggaamiy ey aasha Xamaas ee ay Israel dooneyso inay qaariso. Maxamed Deif waxa uu wee rarka ay ciidamadiisu qaade en ku tilmaamay in uu jaw aab u yahay lix iyo tobanka sano ee ay Qasa ku jirto go’doominta, iyo tacadiyada kale ee ay Israel u geysato Falastiiniyiinta. Waxay Falastiiniyiin bad an u arkaan libaax iyaga oo ku amaana kaalinta uu ku leeyahay iska-caabinta Israel, laakiin waxa uu marar badan ka badbaaday iskudayo shirqool di loo ay Israel fulineysay.
Waxaa la rumeysan yahay in uu yahay mas kaxda ka dambeysa weerarka Xamaas ay sabtidii ku qaaday Israel, oo ay ciidamadiisu gudaha ugu galeen Israel. Tobanaan sano ayuu dagaal kula jir aa Israel, isaga oo ku dhex koray Xamaas oo uu hadda u yahay hoggaamiyaha militariga kooxda.
Waxaa uu labaatan sano kahor ka badbaaday duqeyn circa ah oo ay fuliyeen Israel. Laakiin wa xa uu ku waayay gacan iyo lug. Waxa uu sidoo kale ku waayay mid ka mid ah labadiisa il weerar kale. Duqeymaha Israel ayaa 2014kii dilay xaaski isa iyo ilmo yar oo uu dhalay. Waa maskaxda ka dambeysa farsamada ganta alada Xamaas ee loo yaqaan Qassam, kuwaas oo kumanaan ka mid ah lagu duqe eyay Israel maalmaha uu socda daga alka, iyo marinada qarsoodiga ah laga jeexay dhulka hoose ee Qasa.
Macnaha neynaastiisa Deif waa ‘marti’, taas oo ay ugu baxday dhaqanka ah in habeen ba uu meel ku baryo isaga oo ay martigelinayaan taag eerayaashiisa, si uu uga badbaado baadigoobka iyo duqeym aha Israel. Halkan ka akhri: Maxamed Deif: Ninka Isha la' ee laf dhuun gashay ku noqday Israa'iil
Abuu Cubeyda, Afhayeenka militariga Xamaass
XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK
Waa ninka ku dhawaaqay inay dili doon aan maxaabi ista Israel islamarkaas na baahin doono muuqaalo iyo cododka muujiya had dii ay Israel duqeyso dee gaan ada iyo dhismeyaasha dadka rayidka ah ee Qasa diginin la’aan.
Waa mid ka mid ah hoggaamiyeya asha ay Isr ael ugu necebtahay oo ay sida weyn u baadigo obeyso. Waxa uu horey u shaaciyay inay Xamaas qabatay tiro max aabiis Israel u dhashay, kuwaas oo uu sheegay in lagu hayo goobo ammaan ah oo Qasa ku yaal.
Tan waxay albaabka u furi kartaa xaalad kale oo adag iyo wada hadalo dabo-dheeraan kara oo laga yaabo inay horseedaan maxaabiis isweydaar si dhexm arta Xamaas iyo Israel.
Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyaha Xamaas
AFPXIGASHADA SAWIRKA,AFP
Qoraalka sawirka,
Hoggaamiyaha Xamaas, Isma aciil Haniyah waxa uu degan yahay Qatar
oggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyah waxa uu ku nool yahay dibeda Qasa, si gaar ah Qatar. Ma ahan meel ay si fudud u bart ilmaameydsan karto Israel.
Muuqaal uu baahiyay xafiiskiisa waxa uu muuj inayay isaga oo ku sugan Dooxa, oo u debaal degaya weerarka ay kooxdiisu ku qaaday Israel.
Waxa uu ugu yeeray weerarka ‘Howlga lka da adka ee Qasa’ isaga oo wacad ku maray inay sii xoojinayaan dagaalka ay doonayaan inay ku ‘xore eyaan dhulkooda iyo dadkooda ku jira xabsiyada Israel’ sida uu sheegay.
Waxa uu intaa ku daray kooxaha kale ee hube ysan ee Falastiin ay dagaalka ku fidin doonaan Daanta Galbeed iyo Qudus.
Waxa uu horey uga badbaaday iskuday shirq ool dil oo ay fulisay Israel, isaga oo ka qaxay Qa sa 2016kii isaga oo u guuray Qatar.
XIGASHO:-BBC
Xoghayaha Qaramada Madoobay oo ka hadlay dagaalka Xoogagga Falastiiniy iinta iyo Sra’el
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoo bay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah Israa’iil, lana sii daayo dham maan maxaabiista la qabsaday. Sidoo kale wuxuu uga digay ciidamada Israa’iil inay qaadaan hawlgallo waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
"Waxaan aqoonsanahay tabashada shac abka reer Falastiin, hase ahaatee qiil loo ma raadin karo falalka argagixisani mada ah, dilka iyo afduubka dadka rayidka ah” ayuu yidhi Guterres, isaga oo warba ahinta kula hadlay xarunta guud ee Qara mada Midoobay, ka dib kulan degdeg ah oo ay saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay ay ka yeesheen xaaladda soo cusboon aatay.
Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray "Waxaan markale ku celina yaa, baaqa yga ku aaddan, in si degdeg ah loo joojiyo weera rada isla markaana loo sii daayo maxaabiista.”Subaxnimadii Sabtidii, waxaa dagaalya hanno ka tirsan kooxda Xamaas ay weerar qorshaysan ku qaadeen Israa’iil, iyaga oo bartilmaameedsaday magaalooyin kala duwan, halkaas oo ay ka soo afduubteen boqollaal qof oo u dhashay dalka Israa’iil oo ay ku jiraan dad ajaanib ah.
HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 11-KA OKTOOBAR 2023-KA
...