HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA OKTOOBAR 2023-KA

0
Monday October 09, 2023 - 08:43:33 in Wararka by
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA OKTOOBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Asmara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Asmara ee dalkaasi Eritrea

Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa Garoo nka Diyaaradaha ee Asmara ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira adk aynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaash iga difaaca iyo amniga, si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Eritrea ayaa waxaa dhowrkii sano ee ugu dam beysay tababar gaar ah ku qaada nayay qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qal abka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyin kanba Gobolada Dhexe u joogay dardargelinta ha wlgalka militari ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa safarka ka dib halkiisa ka sii wadi doono hoggaaminta dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi la socday oo u dhoofay Talyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Md .Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wa fdi uu hoggaaminaayo ayaa manta ka dhoofay garoonka diyaaradaha aadan cade ee magalaada muqdisho Gudoomiya ha iyo wefdigiisa oo kusii jeeda magaalada Roma ee dalka talyaa niga ayaa waxaa garoonka aadan ca de ka sagootiyay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka jamhuuriyada Federaalka Sooma aliya

Ujeedka safarka Guddoomiyaha Golaha Shac abka BJFS iyo wafdigiisa ayaa ah casuumaad ra smi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga, inta uu ku su gan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlama anka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaasi uu ka la hadli doono taageerada dowlada talyaaniga ay siiso soomaaliya iyo xaalada guud ee dalka

Waxaaa sidoo kale la filayaa in gudo omiyaha barlamaanka iyo wefdigiisa ay la kulmi doonnaan jaaliyada soomaaliy eed eek u nool dalka talya anniga isagoo kaga warbixin doonnta xaalada dalka iyo guula ay dowlada soomaaliya ay ka gaa rtay dagaalka ka dhan ka ah dagalamayaa sha Al- Shabaab.

Wasiirka shaqada ee XFS oo kormeeray xar unta Guddiga Qaranka ee Shaqaal aha Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ayaa Kormeer howleed ku ta gay Xarunta Guddiga Qar anka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo ay ka socotay tiro koobka shaqaalaha KMG ee dowladda.

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumad da Fed eraalka Sooma aliya Md.Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo arrimo shaqo u tagay xarunta Guddiga ayaa la kulmay mas’u uliyiinta Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Dr. Maxamed ayaa wa rbixin ku saabsan Maamulka & Maareynta Shaq aalaha Rayidka ka dhegaystay Kusimaha Gud domiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Qar anka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowla dda (GQSHRD) Mudane Cali Muumin Muudey oo ay weheliyaan qaar kamid ah xubnaha Guddiga ee manta ku soo dhaweeyey xafiiska Guddiga.

Wasiirka Wasaaradda iyo Guddoomiye Kuxig eenka GQSHRD oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wadahadlay arrimaha hortebinta u leh dib u ha beynta iyo shaqaalaha Dawladda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kormeeray sida ay u socdaan howlaha tirakoobka shaqaalaha aan jo ogtada ahayn isagoo warbixin ka dhegaystay Gud doomiyaha Guddiga Tirakoobka Shaqaalaha Md. Axmed Maxamed Xasan , sida uu u socdo tirakoobka. Dhinaca kale, Wasiir Dr. Maxamed ay aa kormeeray qaar ka mid ah Xafiisyada Gudiga.

Ugu danbeyn Wasiir Dr. Maxamed ayaa booga adiyay habsami u socodka howsha tirokoobka ee shaqaalaha aan joogtada aheyn iyo sida Guddiga Shaqaalaha uu ugu howlahan yahay arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha.

Hogaamiyaha SSC oo kulamo kala duwan ka wada Magaalada Muqdisho

Hoggaamiyaha maamulka SSC oo maalmah an ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada JFS, Marwo Fardawsa Cismaan Cigaal, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda

 

Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dr. Axmed Jaa mac, iyo Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan.

Kulanka ayaa ku saabsanaa iska xog waraysi xaaladda Garoomada Diyaara daha ee Maamulka SSC-Khaatumo iyo sidii Dawladdu uga qayb qaa dan lahayd dib u dhiska iyo joogtaynta duulim aadyada rayidka ah.

Hoggaamiyaha ayaa carrabka ku adke eyey si da ay uga go’an tahay horumarinta guud ahaan deegaanka Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa ka mahadceliyey sida Dawladda Federaalku ahmiyad weyn u siisanayso wax ka qabashada Deegaan nada SSC-Khaatu mo.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Maam ulka SS C-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa hoygiisa ku qaabilay Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay sidii Dawladda Federaalka gacan uga gaysan lahayd xoojinta Amniga guda ha iyo tayaynta Booliska Maamulka SSC-Khaat umo.

Kulanka waxaa Hoggaamiyaha ku weheliyey Xoghayaha Amniga Maamulka SSC-Khaatumo Md, Maxamuud Yuusuf Xasan iyo Xoghayaha Arr imaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Cabdi-Sahal Jaamac Maxamed, iyagoona ka warbixiyay arrimaha hortebinta u leh Xafiisy adooda.

Dhanka kale, Masuuliyiinta DFS ayaa kala ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xuk uumadda JFS, Dr. Maaxamed Sheekh Cali "Doo disho”, Taliyaha Booli ska Soomaliyeed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yusuf Cali Maxamed. Masuuliyiintan ayaa Hoggaamiye Cabdiqaadir u sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay wax uga qaban laha ayeen amniga gudaha iyo gaar ahaan tayaynta Booliska.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa uga ma hadceliyey masuuliyiintan booqashado oda, isag oona ugu baaqay in ay is-kaash adaan hay’a daha DFS iyo Maamulka SSC-Khaatumo

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo qaa bilay danjireyaasha Jaamacadda carab ta iyo Germany ee Ethiopia

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya ee Ethiopia mudane Cabdull aahi Maxamed Warfaa ayaa Addis Ababa ku qaabilay safiirka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia Md. Ambassa dor Dr. Walid Hamed iyo safiirka Germany ee Ethi opia Ambassador Spephan Auer.

Labada Danjire ee Soomaaliya iyo Jaamac adda Carabta Amb Cabdullaahi Warfaa iyo Amb Dr. Walid Hamed ayaa kulankooda uga wada had lay kobcinta xir iirka qotada dheer ee ka dhex eeya Soo maaliya iyo Jaama cadda Carabta, waxaa na Am bassador Walid uu sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay Dawladda Soomaaliya garab buuxa ugu siin laha ayeen da gaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

Dhanka kale, danjire Warfaa ayaa kulan is-afg arad ku soo dhamaaday la yeeshay safiirka Dawl adda Germany ee Ethiopia , iyagoo ka wada hadl ay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya lab ada dal, waxa yna isla qaateen in Dawladda Ge rmany ay mashaariic maalgashi ka fuliso Soomaa liya, isla markaana ay sii dar-dar geliso arrimo ba dan oo ay xilligan ka caawiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo wafdi uu hog gaaminayo oo gaaray dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Dary eelka Bulshada Xukuumadda Federa alka Soom aaliya H.E Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu hoga aminayo ayaa gaaray Maga alada Qaahira ee dalka Masar.

Wasiirka Caafimaadka So omaaliya ayaa la wareegi doona hogaaminta kal-fadh iga 70-aad ee kulan weynaha Hay’ adda Caafimaadka aduunka WHO/ Xafiis Goboleedka EMRO.

Madasha ayaa looga hadli doonaa sidii amba qaadi lahaa hiigsiga horumarinta Caa fimaad gu ud ahaan Bariga iyo bart amaha iyadoo la hub inayo gaarsiinta Caafimaadka dhamaystiran guud ahaan gobolka.

Dagaal Sehalay Dib uga qarxay Deegaan ka Ciid-Ciidka

Mahadaay (dayniiile.com-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Macawisleyda ayaa la soo shee gayaa inay Shalay weerar qorsheysan ku qaad een deegaanka Ciid-Ciidka ee hoos taga Magaala Mahadaay ee Gobolka Sh.dexe.

Deegaanka Ciid-Ciidka oo bil ka badan ay ku go’doonsan yihiin boqolaal ka tirsan daga alamayaasha Alshabaab ayaa si fiican la isku gacma saaray.

Qaar ka mida Masuuliyiin Deegaanka iyo kuwa Degmada ayaa daboolka ka qaaday in Alshabaab loogu daatay duurka ay ku dhuumaaleysanayeen islamarkaana meelo ay joofgeen laga saaray.

Gudoomiyaha Tuulada Miirtaqwa abdi-Mahad ayaa saxaafada u sheegay in dagaalki Shalay jab xooggan la gaarsiiyay dagalyahanada Alshabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo weeraray degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa howlgallo xoogan saa cadihii la soo dhaafay ka sameeyay degaano kat irsan Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo ay ay fuliy een Ururka 154aad guutada 8aad ee qeybta 60aad ee xoo gga dalka ayaa laga fuliyey degaan nada Saaxada Raax oole, Gaanuwaay, Degolool, Banyaal, Biilale, Dego mar, kurm aan iyo deegaano kale ee dhaca Woqooyi Galbeed degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayey Taliy aha ururka 154 guutada 8aad qeybta 60aad ee xoog ga dalka Xidigle Xasan Adan Cali ayaa ku sheeg ay howlgalka in uu ahaa bartilmaame edkiisa in la ga hortago Xubno katirsan Al-Shab aab oo ku dhu umaleysanayey hoodka fog ee Deg mada Diin soor ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xidigle Xasan Aadan Cali wuxuu sheegay in ay weerar qorsheysan ku qade en goobo la sheegay inay isku aroorsanay een Al Shabaab balse markii ay ka war heleen aya isaga tageen, isla markaana howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan.

Dhowr jeer ayaa Ciidamada xoogga dalka Soo maaliyeed oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed waxaa ay howlgallo xoogan ka sameeyeen dega ano hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Ba ay, kadib weeraro ay soo qaadeen Al-Shabaab.

M/W. Qoorqoor iyo Wasiirka G/ndhigga oo boo qday ciidamada lagu diyaariyay Guriceel

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galm udug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorq oor) iyo Wa siirka Gaashaandhigga Somal iya, Cabdiqaa dir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa booqday ciida mo lagu diyaariyay M/ Guriceel ee Gobolka Galga duud.

Ciidamadan oo ka tirsan Guutada Abuu Duja ana ee Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay ka soo laabteen fasax ay ku maqnaayeen, isla-markaana ay hadda u diyaarsan yihiin dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Xoogaga Guutada Abuu Dujaana ayaa la shee gay inay ka qayb qaadan doonaan dagaalka la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro deega anada ay kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Galmudug oo gelinkii dambe ee Shalay ciidamadaasi kula hadla yay Xerada Militariga ee Harqaboobe ayaa waxa uu faray in ay dalka ka xoreeyaan kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha oo si ku-meel-gaar ah ula wareegay doorka hoggaamineed ee hawlgalka ayaa ciidamada kula dardaarm ay in ay ku dayd aan ciidamadii ka horreyay ee soo samatabixiyay dowladnimada dalka.

"Dalkan marxalado kala duwan ayuu soo mar ay, maalinba waxaa ka soo booti yay oo soo dha afiyay geesiyaal idinka oo kale ah, Shalay idinka ayaa jooga, booskii waddankan dhiigga loogu soo waraabiyay gobanimada iyo xorriyadda aan hay sano Shalay ciidankayaga jooga waa dhallinyar adan sharafta badan ee u soo tababartay, u soo dhaartay, u soo diyaargarowday ayaa joogto boos kii.” Ayuu yiri Madaxw eyne Qoorqoor. Waxa kaloo uu yiri "Cadow Soomaali soo mara kii ugu xumaana maantuu na hayaa, iyagoo wixii ugu qaalisanaa ee aan haysanay ka been sheegaya oo ku soo gambanaya, oo maxay tahay? Diinteenna Islaamka ayay ku soo gamb anayaan, oo ay ka been sheegayaan, dagaalka aan kula jirnana dagaal ka xaqsan ma jiro, waad ogtihiin waa Khawaarij.”

Madaxweyne Qoorqoor ayaa intaasi raaciyay "Shalayy Ilaahay fadligiis waa loo soo jeestay, mu ddo ayay been isu sheegeen. Ciidamadeenna sharfan ee qaybahooda kala duwan ee labada heer dowladeed iyo shacabkii, intaba Shalay wax aan ognahay inay hubkooda soo qaateen, shacab kiiyaa dagaalamaya, meel fiican baana la soo ga arsiiyay, geba-gabaa inoo dhiman.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somal iya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay u ambaba xay dalka Eritrea ayaa Madax weynaha Galmud ug u xil saaray dardarge linta iyo hagidda dagaal ka lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saf arka ka dib halkiisa ka sii wadi doono hoggaaminta dagaa lka dalka looga ciribtir ayo kooxaha argagixisada.

Ciidamo kala taabacsan Horjoogayaa sha ugu sarre eya Shabaab oo ku daga alamay Jilib

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaal iya ay aa sheegtay in horjoogayaasha ugu sarreeya Al shabaab, sida Mahad Karatee iyo Axmed Diiriye ay ku dagaalameen degmada Jilib & Hargeysa-Yarey oo katirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

 

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda oo lagu daabacay bogga wasaaradda ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in khasaare xooggan uu soo gaaray maleyshiyaadka kala taabacsanaa labada horjooge ee Alshabaab.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay she egtay in dagaalkan uu daba socday xadhiga ciid amo katirsan kooxda, kuwaas oo ka amarqaata Mahad Karatee.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaya asha Alshabaab ayaa la sheegay inuu muddo ka dhax eeyay khilaaf huursanaa oo salka ku hayay maa mulka maaliyadda, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi, oo sheegay in lala wadaagay warbixino sirdoon.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeyda ayaa isku dayey inuu shaqada ka eryo madaxa sirdoonka iyo maaliyadda kooxda Mahad Karatee, iyo madaxii howl-gallada dibedda Bashiir Qoorgaab, kadib markii ay isku qabsade en cidda maamuleysa dhaqaalaha kooxda.

Bashiir Qoorgaab, oo dowladda Mareykanka ay sheegtay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii sal dhigga Manda Bay ee dalka Kenya, ayaa sanad kan lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Warbixinta lagu daabacay wargeyska Daily Na tion ayaa sheegaysa in warbixino cusub oo sird oon ay muujinayaan in geerida Qoorgaab ay kasii dartay khilaafkii iyo kala shakigii kooxda ka dhex jiray.

Xubin kamid ah guddi uu M/ Deni u ma gacaab ay wada xaaajood DFS oo is casilay

Eng. Ismaaciil Xaaji Warsame, ooguddoom iye ku-xigeen ka ahaa guddi Farsamo oo mada xw eynaha Puntland uu u magacaabay wada-xaajo odka dowladda Fed zeraalka iyo Puntland, ayaa si deg deg ah isaga casilay xubinnimadii guddigiisa.

Qoraal rasmi ah uu soo saaray ayuu ku sheeg ay sababta uu xilka isa ga casilay inay tahay, ka dib markii guddigooda uu awoodi waayay in uu qa bto hawlihii shaqo ee tan iyo markii la aasaasay guddigan Jannaayo 2023.

Ismaaciil Xaaji wuxuu sheegay guddi ka ko obnaa dhammaan saddexda gole ee maamulka Puntland, kuwaas oo uu magacaabay Madaxwey ne Deni, si ay ugu hagaan wada-xaajoodka fede raalka, in ay ku guul-darreysteen inay hal kulan yeeshaan, taasoo keentay in aanay wax walaac ah ka qabin dhinaca Madaxw eynaha.

"Kadib dadaalo badan oo fashilmay iyo talo-farsamo oo ku aadan arinkaas oo madaxda TCFN ay ku doonayeen in ay isku soo dhaweeyaan jih ada iyo halka ay marayso Dowladda Puntland ee hadda jirta ee ku aadan arrimaha dowlad gobole edyada iyo qaranka, gaar ahaan Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Arrimaha Feder aalka, waxaa la gaaray waqtigii aan tegi lahaa, si aanan qeyb ugasii noqon guddi guul-darraystay, oo aan karti lahayn, oo aan wax faa’iido ah u lah ayn shacabka Puntland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Eng. Ismaaciil Xaaji Warsame.

Qodobada kale ee uu isku casilay waxaa kamid ah, in aanu guddigoodu lahayn awood uu kaga hor tago caqabadaha ka hor imaanaya arrimaha dawladnimada. Wuxuu sheegay guddigooda inuu ku jiro xaalad curyaanimo ah oo uu sababay ma amulka Puntland.

Sidoo kale in aysan wax jawaab celin ah ka he lin madaxweynaha Puntland, iyo hay’adaha maa mulka oo uu sheegay in aysan la wadaagin wax talo iyo tusaale ah. Sidoo kale in aysan la xiriiri ka rin saaxiibada kale ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha K/Galbeed oo furay wajigii 2aad dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa furay wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah ko oxda Alshabaab, kaas oo looga xoraynayo degaanada maamulkiisa.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in ay ka go’an tahay inay kooxda Shabaab ay ka xoreeyaan dhulka Koonfir Galbee d. Wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar gar oobeen.

Lafta Gareen wuxuu sheegay wajigii koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Alshabaab in todob aadkan lasoo gabagab aynayo, islamarkaana ay dowladdu kusoo xirayso xoraynta Ceelbuur iyo Galhareeri.

"Waxaa go’aan ku gaarnay inaa Koofur Galb eed ka sifeyno Khawaarijta waxaana noo bilow day Wajiga 2-aad ee daga alka,”yuu yiri Lafta Gareen.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah degaa nada ay ku xooggan yihiin kooxda Alshab aab, taasoo keentay in degaanadaas aan safar dhulka loogu kala safri karin maad aama ay Shabaabku ku su gan yihiin dhulka miyiga ah ee isku xira magaaloo yinka. Dhawaan, musharraxiinta maamulka Koo nfur Galbeed ayaa ku eedeeyay madaxweyne La fta Gareen in uusan daacad ka ahayn dagaalka Alshabaab, taas beddelkeedna uu bilaabay inuu cuna qabatayn kusoo rogo cid kaste oo kasoo horjeeda maamulkiisa.

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ku go’doomay colaadda Sudan

Muwaadiniintaan oo ka kooban caruur iyo waalidiintooda oo ku noolaa dalka Sudan ayaa ka gudbay xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Ethi opia markii dagaala du ka curteen Sudan.

Xafiiska Ergeyga Ga arka ah ee Arrimaha Sooga lootiga iyo Xuquuqda Caru urta ugu qaabilsan Madaxw eynaha JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM ayaa iska ka ashaday soo celinta muwaadiniintaan oo si nabad ah uga soo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, howl wadeen ada xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soo galootiga ayaana soo dhaweeyey.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dib u soo celinta iyo badbaadinta muwaa diinta Sooma aliyeed ee ku go’doonsan dagaalada ka socda Sudan.

Dalxiisayaal u dhashay Israel oo lagu dilay Masar

Askari Masaari ah ayaa toogasho ku dilay La bo Dalxiisayaal Israeli ah, kuwaasi oo booqana yey Deegaanka Al-Sawari ee magaaladda Alexa ndria ee Waqooyiga dalkaasi

Telefishinka Extra News oo aan War kan ka soo xigan ay waxa uu sheegay in Nin Masaari ah oo Hage u ah Dalxiisa yaasha (An Egyptian guide) isagana lagu dilay Weerarkaasi.

Dalxiise kale oo Israeli ah ayaa isagana la dha awacay.

Dhanka kale, Askariga Masaarida ee dilka ge ystay waa la qabtay, waxaana loo xaglinayaa inuu Weerarkaasi u geystay isagoo taageersan Haw lgalka Milliteri ee Xarakada XAMAAS ee Falastiin ka wadaan gudaha Israel.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israel wax ay xaqiijiyeen dilka labada Dalxi ise iyo dhaawaca mid kale oo xaalladiisu degan tahay.

Muwaadiniin Mareykan iyo Ukrainian oo lagu laayay Howlgalka Al-Aqsa

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Marayka nka, Anthony John Blinken ayaa sheegay inay ha yaan warar muujinaya in dhowr Muwaadiniin Maraykan ah lagu dilay gudaha Isra el. Blinken ayaa hadalkaasi ku she egay Wareysi Kha as ah oo uu Shalay siiyey Telefishinka CNN, wux uuna xusay inay Maamulayaasha shaqeynayaan Xilli dhee raad ah (working overtime), si loo xaqi ijiyo Wararka la xiriira dadka Maraykanka ee lagu la’ yahay gudaha Israel.

Dhanka kale, Labo Haween oo u dha shay dal ka Ukraine ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay Iska-hor imaadkii Dorraad dhex maray Askarta Israel iyo Dagaalamaya asha Xarakada Islaamiga ee XAMAAS, kaasi oo maalintii Labaad weli ka soc da gudaha Israel.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dib edda ee Ukraine, Oleg Nikolenko oo la hadlay Wakaall ada Wararka ee AFP ayaa sheegay in labada Ha ween ay muddo dheer deganaayeen Israel. Safaaradda Ukraine ku leedahay Israel ayaa sheegtay inay socdaan Qabanqa abada sidii may dadka Haweenkaasi dib loogu celin lahaa dalko oda Hooyo.

Warar kale ayaa sheegayo in Muwa adin 3-aad oo Ukrainian ah lagu dilay Weerarkii Dorraad dhex maray Xarakada XAMAAS iyo Askarta Israel.

Ninkaasi waxaa uu ahaa Qandaraasle dhanka Amniga oo la shaqeynayey Ask arta Israel ee fari isinka ku lahaa Deegaan ada u dhow xuduudka M/ Qasa.

Israel oo Golaha Ammaanka weydiisan eysa in la cambaareeyo Xoogaga Xamaas

Maamulka Israel ayaa sheegay in Golaha Am maanka ee Qaramada Midoo bey ay weydiisan doonaan inuu camba areeyo Xoogaga Xamaas ee Falastii niyiinta.

Golaha Ammaanka ayaa saa cadaha dambe ee Axaddan kul an degdeg ah ka leh xiisadda ka soo dhex cusboonaatay Israel iyo Falastiiniyiinta.

Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Gilad Erdan ayaa sheegay in kulanka ay ku da lban doonaan in goluhu uu si adag uga soo hor jeesto Xamaas.

"Kulanka waxaan ku dalban doonnaa in goluhu sidoo kale uu garab istaago xaqa ay Israel u leed ahay inay is difaacdo, si loo ilaaliyo amniga muw aadiniintayada.” Ayuu yiri Safiirku.

Safiirka ayaa ku hanjabay in Israel ay ka aarg udan doonto Xoogaga Xamaas, iya doo markaasi adeegsan doonto cududd eeda oo dhan.

Gilad Erdan ayaa sheegay in Israel ay ka gaa shaaman doonto weerar la mid ah midkan, oo mu staqbalka kaga yimaada garabyada hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in tirada dadka ku dhintay weeraradii Dorraad iyo Shalay ay gaartay 659 qof, dhaaw acuna uu sii caga-cag eynayo 2,156 qof.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Israel, Benja min Netanyahu ayaa khadka teleefan ka kula had lay Hoggaamiyeyaasha Ingirii ska, Jarmalka, Taly aaniga iyo Ukraine.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaar aha ayaa lagu sheegay in hogga amiyeyaashaasi ay u muujiyeen taageera dooda, sida ay xaqa ugu leedahay inay is difaacdo, muddada ay doontaba ha qaa datee.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa mar sii horr eysay sheegay in ay Gaza ka jarayaan korontada, shidaalka iyo bade ecadihii ay siin jireen.

Dadka reer Gaza ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii wajahayay go’doomin dhulka, badda iyo cirka oo Israel ay saartay. Gaza waxaa ku nool in ka badan laba milyan oo qof.

Mareykanka oo Maraakiib & dayuurado dagaal u diray Israa’iil (Wararkii u dambeeyey)

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa she egay in maraakiib badan oo uu ugu muhiimsan ya hay markab ay leeyihiin ciida mada badda ee Maraykanka lagu jiheeyay bariga Mediterranean-ka. Hawlg alintan waxa kale oo ka mid ah mara akiibta qaada gantaalaha la hagayo iyo kuwa wax burburiya.

Austin waxa uu she egay in falkani "uu mu ujinayo taageerada bi rta ah ee Mara ykanku u fidinayo ciidamada di faaca Israa’ iil iyo dadka Israa’iil” Milateriga Mareykanka ayaa daabulaya maraak ibta badda iyo diyaaradaha dagaa lka si "ay u xo ojiyaan dadaallada looga hortagayo xasaradaha gobolka” iyadoo ay socdaan dagaallada ka socda Israa’iil, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Penta gon-ka. Intaa waxaa dheer, ciidamada Cirka ee Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa la ko rdhin ayaa. "Maraykanku waxa uu sii xoojinayaa joogit aankiisa awoodeed ee calamka si uu uga hortago xasaradaha haddii loo baahdo,” ayuu Austin ku daray.

Agab dheeri ah oo ay ku jiraan saanad milatari ayaa sidoo kale loo diraya Israa’iil, iyadoo garga arka ugu horreeya ee dhinaca ammaanka la filayo inuu yimaado maalma ha soo socda.

Dhinaca kale, Wasaaradda caafimaad ka ee Gaza ayaa warbixintii u dambeysay ku sheegtay in 413 qof ay dhinteen, 2,300 oo kalena ay dha awacmeen, ka dib duq eymo aargoosi ah oo ka yi mid Israa’iil.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee rasmiga ah ee aan ku hayno tirada Israa’iiliyiinta ee la dilay ayaa ah ilaa 600 oo qof – inkastoo ay jiraan warbixino sintaas ka badan shee gaya.

Shaqaale Soomaali ah oo ku dhaqan Marayk an ka oo ka gadooday siyaasad ay ku tilmaameen takoor diimeed

In ka badan 60 shaqaale muslimiin ah oo int ooda badan ay yihiin Soomaali, ayaa ku mudahar aaday xarun ay u shaqaynayeen oo lagu maga caabo Macy's Backstage oo kutaala Columbus, ka dib markii ay soo rogtay siyaasad cusub oo ay sheegeen inay ka dhigan tahay takoor diimeed.

Shaqaalaha Muslimiinta ah ayaa u sheegay The Dis patch inay jimcihii ka baxeen shaqada, sababtoo ah isb eddel ku yimid wakhtiga nasash ada. Markii hore, waxaa la siin jiray waqti ay ku tu kadaan saddex jeer saac adiiba iyada oo aan la isticmaalin wakhtiga nas ashada.

"Waxay la macno tahay, ama in aad wax cun tid (ama) in aad tukatid, marka tani waa nagu ad ag tahay," ayay tiri Fartuun Maxamed, oo ka mid ah shaqaalaha Soomaalioyeed ee mudaahar aad ayay.

"Waxaan dareemeynaa ixtiraam darro," ayay tiri Zamzam Ali, oo ah shaqaale kale oo Jimcihii ka soo baxday xarunta Rickenbacker Parkway.

Inta badan shaqaalaha gadoodka sameeyay ayaa ah haween, waxaana qaar badan oo kamid ah ay kasoo jeedaan bulshada Soomaaliyeed, iy adoo ay wehliyaan kooxaha kale ee Bariga iyo Galbeedka Afrika.

Farhia Cabdalle, oo ka mid ah shaqaalaha gad oodka sameeyay, ayaa sheegtay in maamulku uu horey ugu oggolaaday Muslimiinta inay ku tuka daan shan ilaa toddobo daqiiqo salaad kasta- iya da oo aan laga jarin wakhtiga nasashada.

Bishii Sebtembar, xaruntu ayaa waxay ku dha waaqday siyaasad cusub oo bilaaban doonta Oktoobar. laakiin ma dhegaysan jawaab celinta shaqaalaha ka soo horjeeda siyaasadan.

Shaqaaluhu waxay sidoo kale sheegeen inay ka soo horjeesteen hab-dhaqannada maamulka Backstage. Tusaale ahaan, maamulka ayaa dha waan ku rakibay kamarad qolka ay ku tukana ye en oo aanay ka warqabin shaqaaluhu.

"Waxaan ahay Muslim - waxaa jirta sabab aan madaxayga u daboolo. Haddii aan ogaan lahaa in ay jirto kamarad maan qaawin madaxayga," ayay tidhi, iyada oo raacisay in ay ka ashtakoontay

sha qaalaha wakh


MAXAMED DEIF: NINKA ISHA LA' EE LAF DHUUN GASHAY KU NOQDAY ISRAA'IIL


Israa'iil

Mohammed Deif, hoggaamiyaha qarsoo diga ah ee garabka milatari ee Xama as ayaa Shalay sheegtay mas’uuliyadda weer arkii lagu qaaday Israa’iil.

"Waanu u dig nay cadowga," ay uu ku yiri warsaxa afadeed dhif ah oo uu soo saaray. "Wa xay weerareen dha qdhaqaaqa Islaam iga ah waxayna waxyeelleeyeen al-Aqsa." Ayuu ku yiri warsaxaafadeedkiisa, Deif ayaa shaaciyay in Xamaas ay fulisya howlgal milatari oo uu ugu yeeray Duufaanka Al-Aqsa.

Xamaas ayaa Shalay weerar aan la fileyn oo kedis ah ku qaadday Israa’iil, waxaana ka dha shay khasaare dhimasho iyo burbur isugu jira.

Sidoo kale Israa’iil ayaa weerar kale ku jawa abtay kaasoo ay ka geysatay Marinka Gaza.

Deif, oo aan badanaa hadlin ayaa ugu baaqay dadka Falastiiniyiinta inay hubk ooda soo qaat aan.

Waa kuma Deif?

Inta badan waxa laga ogyahay Deyf waa war bixinnada ay shaaciyeen warbaahinta Israa'iil iyo Falastiin. Waxay sheegeen in Deyf uu ku dhashay xerada Qaxootiga ee Khan Yunis ee ku taala Qaza 1965-kii.

Maxamed Diab Ibrashim al-Masri ayaa loo bixi yay markii uu dhashay balse markii dambe wuxuu la magac baxay Deyf oo macnaheedu yahay "marti"..

Wax badan lagama oga barbaarintiisii ​​iyadoo ay socdaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiin oo raad aan la iloobi karin ku reebay Bariga Dhexe.

Israa'iil

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Deyf wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah xilligii la aasaasay Xamaas, markuu ku biiray kooxda dab ayaaqadii 1980-kii. Isagoo u heellan iska caabbin hubaysan oo ka dhan ah Israa'iil, Deif wuxuu si dhakhso leh uga dhex muuqday qaybta militariga ee Xamaas, Guutooyinka Izze dine al-Qassam.

Intii lagu guda jiray sanadkii 2000 wuxuu ka badbaaday afar isku day oo ay Israa'iil ku dili rab tay, sida la sheegay uu ka baxsaday isagoo dhaa wacyo qaba, qaarkood halis ah. Israa'iil ayaa si doo kale sheegtay in dhaawac soo gaaray uu ishi isa ku waayay.

Taliyihii hore ee sirdoonka Israa'iil ayaa shaac iyay halista dhaawacyada Deyf kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa'iil ku qaadday guriga xubin katirsan Xamaas 2006-dii.

Isku daygii shanaad ee lagu bartilmaa msanay ay nolosha Deif ayaa yimid intii lagu jiray dagaal kii Xamaas iyo Israa'iil dhexmaray 2014-kii.

Israa'iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday guri ku yaal xaafadda Sheekh Radwan ee Qaza, halk aas oo ay ku dishay xaaskii Dheyf, Widad, iyo wii lkooda yar, Cali. Israa'iil waxay sheegtay inay di shay Deif. Wax yar kadib, Xamaas waxay tiri "Dheyf wali wuu noolyahay wuuna hogaam ina yaa howlgalka militari" ee kadhanka ah Israa'iil.

Maxaad ka taqaannaa Xamaasta dagaa lka culus kula jirta Israa'iil?

Israa'iil

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Xamaas waa ururka ugu we yn ee jabh adaha u da gaa llama Falastii niyiinta. Urur ka oo la asaasay 1987 ay aa magaciisa waxa laga soo gaa biyay Xarakatul Muqa aw amah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go'an in ay burburiso Israa'iil.

Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo gara bkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada.

Hase yeeshee kadib markii ay Israa'iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniy iinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaan ka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.

Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa sad dex dagaal la galay Israa'iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go'doomiyay marin ka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada.

Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milat eri ayaa waxaa argagixiso u aqoon san Israa'iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale.

Israa'iiliyiin ka sheekeeyay yaabkii ay la kulmeen markii ay falastiiniyiintu albaab ada ku soo garaaceen

Israel

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Markii uu Dorraad bilowday dagaalka ay ciidm ada hubaysan ee Falastiiniyiinta ah ku qaadeen koonfurta Israa’iil , dad badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa la sheegayaa in ay ciidamada lasoo xiriirira yeen iyagoo guryahooda ku xayiran, kadib markii dagaalyahannada falastiiniyiinta ay galeen maga alooyinkooda iyo tuulooyinkooda iyagoo ku qaa day weerar lama filaan ah.

Qaar badan ayaa dhuumanaya, iyagoo sheeg aya inay maqlayaan rasaas, halka qaar kalena aysan heli karin dadka maqan.

"Argagixisadu waxay isku dayayaan inay soo galaan gurigayga," Ayelet Hachim ayaa u sheeg tay Channel 12, iyada oo ku sugan gurigeeda oo ku yaal magaalada Kibbutz Beeri, oo u dhow mar inka Gaza.

"Waxaan maqlayaa codkooda oo albaabka ay ay garaacayaan, waxaanan la joogay labadayda carruurta ah."

Israa'iil ayaa u sheegtay dadka rayidka ah ee u dhow xadka in ay ku ekaadaan gur yaha. Laa kin, dadka deegaanka ayaa shee gay in mintidiin Falastiiniyiin ah ay isku dayayeen in ay galaan guryaha.

Waa mid ka mid ah xiisadihii ugu darnaa ee soo mara Israa'iil iyo Falastiiniyiinta muddo san nado ah iyadoo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Xamaas ay Israa'iil uga soo gudbeen Qaza sub axnimadii, iyagoo isticmaalaya mootooyin, baara shuudyo iyo doonyo ay ksuoo qaadeen weerar aan hore loo arag.

Gaza

Waxay sheegeen inay maxaabiis aha an u kaxeysteen daraasiin Israa’iiliyiin ah. Weerar kan oo ahaa mid aan horay loo arag oo Xamaas ay soo qaadday ayaa waxaa daba socday gant allo kumanaan ah oo lagu weeraray Israa’iil.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in ay rideen ku maan kun oo gantaalo ah-iyada oo qaarkood ay ku bartilmaameedsadeen magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem.

Qoraaga Ingiriiska ahna saxafi Gideon Levy, oo ku sugan Tel Aviv, ayaa BBC u sheegay: "Wa ddooyinka gabi ahaanba waa faaruq, maqaayada ha, kafateeriyada wax walba waa xiran yihiin, wax aana jira dareen culus oo la yaab leh, naxdin iyo cabsi laga qabo waxa wali la filayo inay dhacaan.

Ilaha Israa'iil ayaa sheegay: "Maalmihii rabsh adaha ugu badnaa ee Israa'iil tan iyo Dagaalkii Oktoobar 1973"

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in dagaal fool-ka-fool ah uu Habeen hore dhex maray ciidamma da Israa’iil iyo boqolaal dagaalya hannada Xama as ah oo ka dhacay ugu yaraan 22 goobood oo Israa’iil ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan laba goob ood oo ay mintidiintu ku haystaan.

Ugu yaraan 300 oo Israa'iiliyiin ah ayaa lagu dilay weerarka dhulka, cirka iyo badda ah ee ay qaadeen Xamaas. In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhaawacmay.

Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in in ka bad an 230 qof oo reer Qaza ah la dilay markii Israa’iil ay kaga jawaabtay weerarro "argoosi ah”.

Israel pm Netanyahu

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,

Mr Netanyahu

Milatariga Israel ayaa ka digay in dagaalya hanada Xamaas ee socda Gaza ay wali ka daga alamayaan gudaha Israa’iil kadib markii ay guda ha u galeen dhinaca oo la sheegay inay ku dhint een in kabadan 300 oo qof.

Ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay Israa'iiliyiinta inay galay aan "dagaal dhe er oo adag".

Boqollaal dabley ah ayaa ku soo duulay koon furta Israa’iil, kuwaas oo dilay askar iyo dad rayid ah, waxayna gudaha u galeen Qaza.

Israa'iil ayaa ku jawaabtay duqeymo xagga cir ka ah.

In ka badan 200 oo qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniy iinta, dadka reer Gazana waxa ay heleen farriimo qoraal ah oo Israa’iil ka yimid oo loogu sheegayo inay ka baxaan guryahooda oo ay u guuraan xar umaha magaalada ama melo ka baxsan aagagga Xamaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa farriin uu soo diray ku sheegay in dagaalka ay khasbeen Xama as oo weerar culus kusoo qaadday, "waxaan mar xaladda ugu horrey sa ay dhammaan doontaa saacadaha soo socda, markaasoo inta badan dagaalyaha nnada ku sugan dhulka Israa’iil la ba abi’I nayo. Israa'iil waxay soo celin doontaa amm aanka muwaadiniinte eda wayna guuleysan doon taa”, ayuu raaciyay.

Dowladda Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in ay jareyso korontada, shidaalk a iyo badeecooyinka Gaza.

XIGASHO:-BBC


WAA TUMA HAWEENEYDA SAADAAL ISA MUSIIBOOYINKA EE HAATAN SOO MAALIYA KA HADASHAY?


Layla Cabdiladiif

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Qoraalka sawirka,

Layla Cabdiladiif

Layla Cabdiladiif, waa siyaasi Ciraaqi ah oo ahayd wasiirkii shaqada ee daw laddii ku meel gaarka ahayd ee Ciraaq, Juun 2004-tii ilaa May 2005-tii, waxay xubin ka ahayd heshiiskii qaranka Ciraaq ee uu hogaaminayay Ra'iisal Wasaarahii ku meel gaarka ahaa, Ayad Allawi.

Layla Cabdiladiif, oo caan ku ah saadaasha, ayaa sheegtay in ay leedahay waxa ay ku tilShalayy dhiirranaan iyo hibo aanay wax sharraxaad ah u hayn, sida ay iyadu sheegtay. Laila Abdel Latif waxa ay filashooyinkeeda ku tilShalayy in ay tahay bani aadanimo. Waxa aysheegaty in ay mararka qaar saxnaan karto marna ay qaldami karto.

Waxa ay diidday in lagu tilmaamo fallaleey, marka loo eego dhaliisha ay la kulanto ee ku aaddan saadalinteeda.

Layla waxa ay saadaalisaa filashada adduunka ee sanadka soo socda, waxaa lagu caasuumaa barnaamijyo kabaxa telefishinnada ugu caansan dalalka carabta iyadoo hadba la weydiiyo waxa ay is leedahay sanadkan wey dhici karaan.

Haddaba maxaa kamida waxyaabihii ay horay u filatay ee dhacay?

Waxaa la sheegay in ay saadaalisay muusiib ooyin dunida ka dhacay oo ay filatay, sida in xanuun dunida dhan saameynaya uu soo socdo, iyadoo markii dambe lagu tilmaa may in uu ahaa Corona virus, waxaa kale oo la she egaa in ay saadaalisay dhul gariirro ka kala dha zcay dalalka Turkiga iyo Marooko, iyo in musiibo ka dhici doonto Liibiya taasi oo dadka qaar ku sifeeyeen daadkii dhowaan ka dhacay Liibiya ee dhimashada badan sababay.

Waxa ay sheegtay in ay dhici doonto xaflad farxadeed balse isku `badali doonta murugo iyo wal wal waxaana lagu sifeeyay in ay noqotay arooskii dhowaan ka dhaca yay ciraaq ee uu dab ku ka cay isla marka ana dhimashada badan sababay.

Balse waxaan oo dhan ma ahan mid ay BBC xaqiijin karto

Layla Cabdiladiif

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Qoraalka sawirka,

Layla Cabdiladiif

Waxyaabaha ay sanadkan filatay in ay dhici karaan

Leyla Cabdiladiif ayaa wareysi ay dhowaan bixi say waxa ay ku sheegtay in ay filaneyso musii booyin dhowr ah oo dunida ka dhici kara dho waan. Waxay dhowaan shaacisay saadaalin ku saabsan in Soomaaliya ay la kulmi doonto musiibo dabiici ah oo daran.

Hadalkeeda Soomaali badan ayaa si weyn uga hortimid iyagoo ku tilmaamay haweeney sheegeysa waxyaabo Khuraa faad ah.

Hadalkeeda ku aaddan musiibada Soo maaliya ayaa waxa uu kusoo beegmaayaa xilli laga digayo daadad lala xiriiriyay Elnino oo ka dhalan karta roobabka deyrta ee la filayo in dhowaan ay ka curtaan dalka.

Dhinaca baraha bulshada ee Soomaali ya ayaa si weyn looga hadal hayaa in haweeneydan filashadeeda sanadkan ay ku dartay arrimaha Soomaaliya oo horay aysan uga hadli jirin, wallow dad badan ay dhaliileen, maadaama waxa dhici doona uu Alle oo kaliya ku shuqul leeyahay.

Layla Cabdiladiif

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Qoraalka sawirka,

Layla Cabdiladiif

Waxa ay daaha uga qaadday saadaa sheeda taxanaha ah ee 2023 kuwooda ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa masiibo ay saadaalisay dhammaadka sanadka. Leyla ayaa sidoo kale indhahe eda u jeedisay Faransiiska, iyadoo saada alisay xaalad degdeg ah oo ka dhici doonta Paris kadib dhacdo muhiim ah.

Adduunku, ayay soo jeedinaysaa, in uu aad ula kulmi doono geerida lama filaanka ah ee bilyaneer caan ah.

Arrin kale oo ay sheegtay in ay saadaalisay ayaa ah in la soo afjari karo colaadda Ruushka iyo Ukraine, waxa ayna soo jeedinaysaa in sawirada madaxwey nihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi iyo wiilkiisa, Saif al-Islam, laga yaabo inay dib uga soo laabtaan Liibiya kadib dhacdo muhiim ah.

Waxaa jira digniino la xiriira in aan la rumey san waxyaabaha ay inta badan sheegto oo musiibooyinka la xiriira, balse Layla laf tigeeda ayaa sheegtay waxyaa baha ay saadaaliso ay sax iyo qaladba noqon karaan.

Laylo ayaa sanadkii 2005 tii agu oogay dacwad la xariirta musuqmaasuq dhaqa ale, kadib markii ay ka tagtay xilkii wasiirni mada ee ay ka haysay xukuumadda ra'iisul wasaare Ayad Allawi, in kasta oo ay gaashaanka u daruurtay eedeymahaas.

XIGASHO:-BBC

Midowga Afrika oo ku baaqay in la helo laba dowladood oo Falastiin iyo Israel ah

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa walaac ka muuj iyay xiisadda ka soo dhex cusboona atay Fala stiiniyiinta iyo Israel, isagoona ku baaqay in xiisaddaasi la dejiyo.

Gudoomiyaha ayaa dhinacyada ugu baaqay in si bilaa shuruud ah ay ugu soo laabtaan miiska wada hadalka, isla-marka ana ay ka wa da hadlaan, sidii xal loogu heli lahaa colaa dda soo noqnoqotay.

Gudoomiyaha ayaa soo jeediyay in dhinac yadu ay si dhow uga wada hadlaan, sidii loo dhaqangelin lahaa in la helo laba dowladood oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Waxa uu sheegay in tallaabada dadka reer Falastiin loogu diidan yahay in ay noqdaan dal madaxbannaan oo xor ah ay tahay sababta ka dambeysa xiisadda aan dhammaadka lahayn ee ka taagan Bariga Dhexe.

Moussa Faki Mahamat, Gudoomiyaha Gudd iga Midowga Afrika ayaa dalalka horu maray ugu baaqay in ay qaataan masuuli yaddooda, isla-markaana ay dhaliyaan nabadda, ayna damaanad qaadaan xuquuqda labada shacab.

Moussa Faki ayaa qaba in tani ay meesha ka saari karto xiisadda joogtada ah ee Israel iyo Falastiin, haddii si dhab ah looga wada shaqeeyo.

Xoogaga Xamaas ayaa Sabtidii weerar ball aazran ku galay koonfurta Israel, ka dib go’do ominta muddada dheer ay Israel ku hayso Marinka Gaza iyo falalka daandaan siga ee muddooyinkii ugu dambeysay ay Israeliyiintu ka wadeen Dhismaha Masjidka Al-Aqsa.

Illaa kun qof oo u badan shacabka labada dhinac ayaa la sheegay in ay ku dhinteen daga alka maalintii labaad u dhaxeeya dhinacy adaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Israel ayaa sheegtay in illaa Dorraad tirada dadka ay waxy eeladu gaartay ay hadda sii caga-cageynayso 2,048, kuwaa oo ay ku jiraan 330 qof oo dhaa wacoodu uu yahay mid daran.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in illaa kun qof oo isugu jira shacab iyo askar laga qafaashay gudaha Israel, isla-markaana aanay jirin cid xaaladdooda ka warami karta.

Weerarkan ayaa ka tarjumaya heerka uu gaarsiisan yahay ciilka iyo carada badan ay qa baan dadka reer Falastiin ee dunida ay ka hiili say, waana Falastiiniyiinta oo muujiyay inaanay intaan ka dib ku sii hoos jiri karin gumeysiga Israel.

Dunida ayaa wax la yaab leh ku tilmaamtay weerarka safka ballaaran ee Falastiiniyiintu ka gaysteen dhulka ay Israel xoogga ku haysato, iyadoona uu weerarku fashiliyay awoodda Sir doonka Israel ee Mossad, oo lagu sheego mid ka mida sirdoonada ugu awoodda badan caal amka.

Weerarku waxa uu hoos u dhigay kalsoo nidii ay Israeliyiintu ku qabeen Sirdoonka Mos sad, oo illaa iyo hadda la isweydiinayo, sida aanay macluumaad uga helin weera rkaasi, oo sida la sheegay muddo billo ahi la qorsheyn ayay.

Si kastaba ha-ahaatee dagaalkan ayaa noq sonaya kiisii ugu dhimashada badnaa ee dhinaacyadaasi dhex mara, muddo tobanaan sano .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip