HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 2-DA OKTOOMBAR 2023-KA

0
Monday October 02, 2023 - 08:53:08 in Wararka by
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 2-DA OKTOOMBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Canba areeyey weerarkii ka dhacay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u camb aareeyay qaraxii Shalay ka dhacay maga alada Ankara ee caa simadda dalka Turki ga.

Madaxweyne Xa san ayaa sheegay in isaga iyo dadweyna ha Soomaaliyeedba ay garab taa gan yihiin Dawladda iyo Shacb iga Tur kiga.

Waxaa uu intaas ku daray in ficilladan fulaynimada ah kaliya looga dan leeya hay in lagu wax yeeleeyo dad aan waxba Shalaysan, isagoo ku baaqay in wadajir loogu istaago ka hortagga argagixisada.

Qarax ayaa Shalay ka dhacay meel u dhow xarunta Barlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara kaasoo ahaa "Weerar Argagixiso” oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska, sida uu shee gay wasiirka arrimaha gudaha ee wadan ka Turkiga.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday holac aad u xooggan ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerarku ka dhacay.

Xeer Ilaalinta oo racfaan ka qaadatay xukunkii xubnaha loo haystay musuq-maasuqa

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qar anka ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii masuuliyiintii dowladeed ee loo haystay musuq-maasuqa, kaasi oo dhawaan ay soo saartay maxkamadda gobolka Bana adir.

Xeer Ilaalinta ayaa shaaciyay in uu si hordhac ah u dham eystiray habraaca racfaan qaadashadiisa ee uu ka qaatay xukunn addaasi, sida uu ku yiri bayaan Xeer Ilaa linta kasoo baxay Shalay.

"Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qar anku waxa uu Racfaan waafaqsan qodd obada 210, 212, 213, 216, 227 XHCS, MGB/D-DL/10442023, MGB/DDL/938/2023, kuna taariikhaysan 28/09/2023, kana soo baxay maxkam adda gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaalinta Qaranka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Xeer Ilaalinta aysan ku qancin xukunadda max kamadda ka gaartay masuuliyiinta dowl adeed ee uu horay xafiiska ugu soo eed eeyay xatooyo dadweyne. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maalmo kahor xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maa suq, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada Muqdisho.

Raggan oo isugu jiro agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka.

Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa ku dhowaaqay xukunka lagu ridday raggan, ayada oo qaarkood lagu waayay dambi ga lagu soo eedeeyay.

Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriy ado oda ayaa waxaa kamid ah Cabdull aahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukh taar oo labaduba ah agaasim eyaashoo hore ee wasaaradda shaqada

Guddoomiyaha G/Banaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuu sa mareeb

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ah na Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xus een jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu ho gga aminayo ayaa Shalay gaaray Magaa lada Dhuusamareeb ee Caasima dda Dowladda Galmudug halkaas ay si bal aaran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo shacabka reee Galmudug.

Guddoomiye Madaale ayaa M/ Dhuu samareeb kulan kula qaadan doonno Ma daxweynaha JFS Mudane Xassan She ikh Maxamud kaas oo la xariira dardarga linta howlgalada silsilada ah ee lagu ciri btirayo Khawaarijta iyo sida uu maamu lka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho aygarab taagan yihiin gees iyaasha CXD iyo kuwa xaqa u dirirka ah ee u taagan sidii dalkan looga sifeen la haa kooxda arxanka daran ee Argag ixisada ah.

Siyaasiyiinta Isbadal doonka Maamul ka Koonfur-galbeedoo Shalay kulan la qaateen Safiirka Britain.

Magaalada Muqdisho waxaa Shalay kulan ku wada qaatay siyaasiyiinta isba dal-doonka Dowlad Goboleedka Koon fur-galbeed iyo Safiirka Soomaaliya uga wakiilka ah Dalka Britan Michael Nithavr ianakis. Kulankaan waxaa la iskula soo qaaday arimo badan oo danaha reer koonfur-gal beed u badnaa sida fulinta heshiisyadii hore u dhexmary Dowada Brtian iyo Maa mulka Koonfur-galbeed.

Sidoo kale waxaa la iskula soo qaad ay dagaalada Alshabaab lagula jiro iyo doorashada koonfur galbeed oo ah taar gadka ugu weyn ee isku keentay koo xdaan siyaasiyiinta ah.

Siyaasiyiintaan waxay Safiirka Britain ka dalbadeen in guud ahaan beesa Caa lamku qaataan doorkooda ku aadan sidii ay u taageri lahaayeen doorasho is wada ogol ah islamarkaana waqtigeeda ku dh acda inay ka qabsoonto koonfur-gal beed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Mad ax weynaha Dowlad Goboleedka Koon fur Galbeed oo maalmahaan danbe dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh ka wada dalka ayaa maalin ka hor Madaxw eynaha Soomaaliya Xasan Sheekh wax ay ugu tageen Magaalada Dhuusa-mar eeb ee Xarunta Galmudug iyagoo kala soo hadlay sidii Dowladu gacan uga geysan lahayd in doorashada Madaxwey naha Koonfurgalbeed uu ku dhaco waqtigii hore loogu balamay.

Siyaasiyiintaan isbadal doonka ah wa xay shaki ka muujiyeen qaabka uu wax ku wado madaxweynaha koonfurgalbeed C/casiis Laftagareen oo aysan ka mu uqan sida ay aaminsan yihiin ifafaale uu doorashada ku diyaarinaayo.

Muqdisho: Gacan ka hadal ka dha shay kursi lagu murmay oo dhimasho & dhaawac sababay

Dagaal la isku adeegsaday baanag ado iyo midiyo oo Xalay ka dhacay deg mada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Xalay dagaal la isku adeegsa day mindiyo iyo baangado uu ka dhacay xaafada Siisii ,gaar ahaan afaafka hore ee Masjidka Muumi no Ceelbuur.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday muran ka dha shay maqaayad shaaha laga cabo, gaar ahaan kursi la isku qabsaday , waxaana dhinacyada isku dhacay u kala yimid gurmadyo.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ah aa dadkii dagaalamay ayaa dhintay, hal ka mid kalana dhaawac soo gaaray, wax aana la xiray qaar kamid ah dadkii dag aalka ku lugta lahaa.

Magaalada Muqdisho iyo guud aha an dalka waxaa mararka qaarkood ka dhaca gacan ka hadal ka dhasha waxya abo aan macno badan laheyn kuwaasoo aakhirkii sababa dhimasho iyo dhaawac aan loo baahneyn


Gaari qaraxyo laga soo buuxiyay oo la fashiliyey

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in degmada Doo low ee gobolkaasi lagu fashiliyay qarax culus oo ay soo diyaarisay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa fashiliyey qaraxa as, ayaga oo gacanta ku dhigay gaari la ga soo buuxiyey waxyabaaha qarxa.

Inkasta oo weli la xaqiijin bartilmaa meedka gaariga qaraxa ee la fashiliyay qor shihiisa, balse laamaha ammaanka ayaa laga soo xiganaya in kooxda u soco tay inay ku gumaaddo shacabka degma daasi.

Guddoomiyaha Degmada Doolow Ma xamed Xuseen Cabdi oo si kooban uga hadlay arrintaan ayaa wuxuu uga mah ad-celiyey ciidanka amniga shaqada ad ag ee ay bulshada u hayaan iyo fashil inta shirqoolada kooxda oo ku soo aruur tay qarax uun, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarm ay ciidamada ammaanka in la joogteeyo shaqada adag isla markaana ay muujiy aan howlkarnimo iyo feejinnaan dheera ad ah.

Qaraxa la fashiliyay ayaa imanaya xilli maleeshiyada Al-Shabaab ay maalmihii u dambeeyay culeys soo saareen gob olka Gedo, ayada oo bar-kontorool ka sameystay waddada xiririisa degmooyin ka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Si kastaba, Kooxda oo wajaheysa gul uf culus oo isku garabsanayaan ciidam ada dowladda iyo shacabka hubeysan, ayaa sida muuqata xilligaan culeyska saareysa goobaha aysan markii hore ku xooganeyn, xilli laga xoreeyay deegaano badan.

Taliyaha ciidanka Booliiska oo kulan loo ga haddlayo wax ka beddalka sharciga Booliiska la yeeshay Xeer illaaliyaha

Guud ee Qaranka Taliyaha Ciidanka Booliiska Sooma aliyeed, Sarreeye Guu to Sulub Axmed Firin, ayaa ku casuumay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka soo ba ndhigista dib u eegista iyo wax ka badal ka Sharciga Ciidanka Boliiska (Sharci Lam 2 ee Dec 1972) iyo Xeerka Ciidanka Boliiska (Xeer Lam 14 ee 04 Jan 1973).

Guddiga dib u eegista iyo wax ka bad alka Sharciga iyo Xeerka Boliiska ayaa Xeer ilaaliyaha u soo bandhigay habr aacyadii uu soo maray, iyaa oo uu Xeer Ilaaliyuhu uu ka talo bixiyay sharciga.

Dib u eegista Sharciga iyo Xeerka Bol iiska ayaa qeyb ka ah dib u habeynta Cii danka Boliiska Soomaaliyeed oo laf dha bar u ah hagaajinta hay’adaha Ammaan ka iyo Adeegga dadweynaha.

XIGASHO:-SONNA.SO

Maxay yihiin shaqsiyaadka ay qabteen ciidanka SSC-Khaatumo?

Ciidamada SSC-Khaatumo, gaar aha an kuwa xasilinta ee magaalada Laas caanood ayaa howl-gallo kala duwan ka sameeyay xarunta gobolka Sool ee Laas caanood.

Howl-galladan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Laascaa no od ayaa waxay ciidanka kusoo qabt een dad dhowr ah.

Shakhsiyaadkan ayaa ku eedaysan in aysan u hoggaansamin "nidaamka dowl iga ah” ee kal hore Laascaanood looga dhawaaqay, sida ay sheegeen saraak iisha amn iga SSC.

Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo ka le waxay sheegeen in shaqsiyaadka ay ciida nka ku qabteen howl-galladii u da mbeeyay loo gudbin doono hay’adaha ga rsoorka ee maamulkaasi.

"Sharciga ayaa la horgeyn doonaa, waxaana go’aan ka gaaraya garsoorka,” ayey u sheegeen warbaahinta maxaliga ah.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ciid anka la magac baxay xasilinta ee Laas caanood ay maalmihii dambe ay wadeen howl-gallo culus, kuwaasi oo qoryaha looga xareeyay qaar kamid ah dhalinyar ada Laascaanood oo qoryahooda la dhex marayay magaa lada.

Si kastaba, markii ay xoogagga SSC ka adkaadeen ciidamada Somaliland, ay aa waxaa Laascaanood lagu dhisay maa mul la yiraahdo Khaatumo, kaas oo doonaya in xubin uu ka noqdo maamullada xubinta ka ah dowladda fed eraalka Soomaaliya, balse weli diidmo adag iyo gacan ka hadal ayay kala kul mayaan Somaliland.

Xog: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo lagu casuumay Muqdisho – Yaa u yeeray?

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Awcali (Fardhiye) ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay marti qaad rasmi ah ka helay Villa Somalia, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida laga soo xigtay xubno ku dhow, Ra’I isul wasaaraha Xukuumadda Federa alk a Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casumay Hogg aamiye Firdhiye.

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaat umo ayaa lagu wadaa in uu dhaw aan booqdo Muqdisho kadib casumaa dda uu ka helay Ra’iisul wasaare Xamza.

Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa la kulmaya Madaxda dowladda Fed eraalka iyo sidoo kale Beesha Caalam ka, gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.

Dhinacyada ayaa la filayaa in uu kala hadlo Arrimaha Mashaariicda Horumari nta iyo Gargaarka bini’aadanimo islamar kaana uu ka dalbado Hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa horr aan tii bishii September looga dhowaaq ay M/ Laascaanood kadib markii ciidam ada deegaanka ay dagaallo halkaas ka dhacay uga guuleysteen ciidamada Som aliland.

SSC-Khaatumo ayaa la rumeysan ya hay inuu yahay maamul doonaya inuu ka mid noqdo maamullada fedraalka Soom aaliya, hase yeeshee Puntland iyo Somal iland ayaa labadaba wali sheegta in dee gaanada maamulka ay ayaga hoos tag aan. Ma cadda haddii Firdhiye uu madax da dow ladda federaalka kala hadli doo no arrima ha federaalka iyo in kale.

Xigasho:caasimadda.net


Jubbaland oo maamul cusub u magaco wday degmo ka tirsan Gedo

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbal and Mudane Maxa muud Sayid Aadan ayaa maamul cu sub u mag caabay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili dhowaan la soo afjaray khilaafkii maa mulka Juballand ee ka taagnaa gobolka Gedo.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTO

Hoobiyeyaal khasaare geysatay oo lagu garaacay qeybo ka mid ah M/ Muqdisho

Dadka ku nool degmooyinka Kaxda, Wadijir iyo Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa Shalay aroortii hore mar qura kuso toosay dhawaqa madaafiic ku dhaceysa qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinkaas.

Madaafiicdaan oo jugtooda si weyn looga maqlay degmooyin kale oo ka tirs an gobolka Baanadir ayaa lasoo warin aya in qaarkood ay geysteen khasaaroyin kala duwan oo naf iyo ma alba leh. Meelaha haatan la xaqiijiyay in hoobiya asha qaarkood ay ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah xaafada Tarab uush ee degmada Wadajir iyo xaafado kale oo ka tirsan degmooyinka Kaxda iyo Dharkenleey.

Goobjoogayaal ayaa saxaafadda u shee gay in Khasaaraha ka dhashay hobiyay aashii Shalay ku habsaday guryo dad shacaba Iyagoo sheegay in ay arkeen Khaaaare nafeed iyo bur bur ayaa ka dhashay weerar hoobiyayaal ah oo Shal ay ku dhacay guryo dad shacaba ay leeyihijn.

Hoobiyayaasha ayaa ku dhacay xaa fado ka mida Degmada Wada-jir waxaa na si gaar ah khasaare u gaystay mid ka mida madaafiicdaasi oo guri ku habsa day.

Hooyo Soomaaliyeed oo uur lahayd ayaa la sheegay inay ku geeriyootay guri gaasi hoobiyaha uu ku dhacay Sha lay waa barigii hore.

Sidoo kale qaar ka mida caruurtii Mar xuumada ayaa ku dhaawacmay iyo kuwo kale oo drisk ah kuwaasoo loo qaaday goobaha caafimaadka iyadoo sidoo kale uu aabahan haweyneda geeriyootay oo ah deyd mid xaamilo ah seygeeda oo markaa ka maqnaa hoyga ka dib markii loo sheegay dhacdada naxdinta leh uu durba soo gaaray guriga kadiban uu miir beelay oo uu dhacay isagaa uu koomo galay.

Maaha markii ugu horeysay balse ca adi ayuu ka noqday hoobiyayaashaani s ida indha la’aanta ah magaalada loogu garaac aayo xili uusan lahayn bartilma ameed rasmi ah.

Majjrto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fe daraalka Soomaaliya oo ku aaddan kha saaraha ka dhashay hoobiyaasha aroor nimadii hore ee Shalay lagu gaaray qey bo ka mid ah Muqdisho.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan sheegata masuuliyada weerarada mada afiicda loo adeegsado ee lagu garaaco gud aha magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan madaafiicda waxyeelada ugu bad an ay kasoo gaarto dadka shac abka ah.

ATMIS oo ku biirtay dagaalka lagu soo afjarayo Shabaabka ku go’doonsan Sh/Dhexe

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada howlgal ka Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ay haatan ku biireen dagaalka ka socda aagga deegaanka Cali Fooldheere oo dhaca duleedka degmada Mahadaay, halkaas oo ay muddo ku go’doonsan yihiin Shabaab badan.

Ciidamada ATMIS ayaa lagu soo warr amayaa inay Shalay duqeymo ka bilaab een halkaasi, kuwaas oo ay ku garaaca yaan xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah.

Howlgalka xoogiisa wuxuu ka socdaa jiinka wabiga Shabelle, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere oo ka wada tirsan gob olka Shabeelaha Dhexe.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada ATMIS iyo duqeymaha wadaan ayaa timid, kadib markii ay todobaadyo badan ciida mada dowladda iyo kuwa dadka de egaan ka Al-Shabaab kula dagaalama ye en dhulk aasi oo ah howd, hadane ay godad waa weyn ka qoteen Al-Shabaab.

Dhulka oo ah mid aan la gelin karin, godad iyo buuro leh ayaa keentay inay gabaadyo ka dhigtaan maleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna howlgalku qaatay maalmo badan.

Ujeedka ayaa ah in kor iyo hoos la ga weeraro xubnahaasi, si meesha loogu soo afjaro, maadaama inta badan deega anadii kale laga saaray kooxda Al-Sha baab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dow ladda iyo HirShabelle oo ku aadan dhaq-dhaqaaqya daasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shaba ab, maadaama wajiga koowaad ee howlgalka socda looga saaray dhul ball aaran oo ku yaalla gobolkaasi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaasha nayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, waxaana haatan dag aalka xoo giisa uu ka socda maamullada Galmudug iyo HirShabelle.


Kenya oo sheegtay inay gudaha Soom aaliya ku ugaarsan doonto dadka maal galiya Alshabaab

Wasiirka gaashaandhiga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shee gay in dowladda Kenya ay meel kaste ku bartilmaameedsan doonto shaqs iyaad ka maalgel iya kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaa shaandhigga Ke nya ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ay dal ka Kenya ka wadaan, isagoo sheegay in laga adkaan doono kooxaha carqalada ku ah ammaanka dalka Kenya.

"Waanu ugaarsan doonnaa argagixi sada xataa Soomaaliya gudaheeda. Wax aan kula macaamili doonnaa gudaha iyo dibadda dalkayaga."ayuu yiri Aadan Ducaale.

Ducaale ayaa ku adkeystay in kooxa ha amnigu ay si adag uga shaqeynayaan sidii ay uga adkaan lahaayeen mintidiinta iyo sidoo kale in ay bartilmaamee dsanayaan maalgeliyayaa shooda.

Wuxuu sheegay in xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin uu ballan qaaday in Dowladda Kenya ay ka taage eridoonaan la dagaalanka argagaxisada dalka iyo gobolka xilli uu dhawaan soc daal ku tagay dalkaas.

"Waxa uu halkan joogay laba maalm ood. Waxaan wadaagnaa sirdoonka, wax aan ka wada shaqaynaa dalka, gobolka iyo Geeska Afrika si aan si go'aan ah uga hortagno kaabayaasha argagixisa da,” ayuu hadalkiisa ku daray Ducaale.

Turkiga oo war kasoo saaray qaraxii ka dhacay Ankara iyo wararkii ugu dambeeyay

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in weerar lala bee gsaday meel u dhow xarunta baarla maanka dalk aasi ee magaalada Ankara Axadda Shalay ah ay ku dhaawacmeen laba askari oo booliis ah.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday hol ac aad u xooggan ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerar ku ka dhacay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka qaaday ay 9:30 kii suba xnimo ee waqtiga dalkaasi gaari ku yimaa deen afaafka hore ee iridda laga galo Agaa sinka Guud ee Amniga ee Wa saarad da Arrimaha Gudaha, ayna qaad een weerar Bambaano oo ay ugu yee rtay "mid argag ixiso ah”

"Nin ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyay kan kalena waa la toogtay” ayay wasaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada iyadoo intaa ku dartay in laba askari ay dhaawacyo fudu d ka soo gaareen.

Goobta la beegsaday ayaa martige lisa dhowr wasaaradood iyo baarlamaan ka Tur kiga, kaasi oo lagu wado in Sha lay uu kalafadhiyadiisa ku bilaabo khudb adda Madaxweyne Recep Tayyip Erdog an, sida ay sheegeen warbaahinta Turk iga. Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Turkiga oo diyaaradihiisa aan duuliy aha lahayn ku dhex samayn doona dal dagaal ka socdo

Shirkadda Baykar ee Turkiga laga le ey ahay oo soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB-2, ayaa 100 milyan oo dollar ku maalgelin doonta soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, sida uu she egay madaxa shirkaddan Haluk Bay raktar oo ka hadlayay shir ka dhacay magaalada Kiev.

Warshada soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa la dhisi doonaa sanad iyo bar, waxaana ka shaq eyn doona 300 oo qof, ayuu yiri ganac saduhu.

Ukraine, sida uu sheegay, waxaa si doo kale ka jirta xarun adeeg oo loogu tal agal ay adeegga, iyo sidoo kale xafiiska shirka dda.

Heshiiska soo saarista diyaaradda ee Ukraine ayaa la meelmariyay xitaa ka hor inta uusan bilaaban duulaanka buuxa ee Ruushka. Horaantii bishii Febraayo 2022, waxaa saxiixay Madaxweynaha Tu rkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hogaami yaha Ukraine Vladimir Zelensky.

Maamulka Turkiga ayaa bishii Juun ee sannadkan siiyey Baykar ruqsad ay ku soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Wuxuu heshiisku u ogolaanayaa inay shirkaddu abaabusho wareegga wax soo saarka buuxa ee laba nooc ee diyaara daha dagaalka aan duuliyaha lahayn – Bayraktar TB2 iyo Bayraktar Akinci. Sannadkii 2019, Baykar waxay aasa as tay shirkadda Avia Ventures LLC ee Ukra ine – waxaana la filayaa in ganac sigani isagoo ka wakiil ah Baykar, uu ka qayb qaadan doono dhismaha warshad lagu soo saaro diyaaradaha aan duuliy aha lahayn.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu soo farsamayn doono dalka Uk rain ayaa yeelan doona matooro lagu sameeyay dalka Ukraine.

Xulka Kubadda cagta Soomaaliya ku mataleya is reeb reebka koobka Add uunka oo lagu dhawaaqay

Tababaraha xulka Kubbadda cagta Soomaaliya Rachid Lousteque ayaa goo rdhaw ku dhawaaqay liiska hordhaca ah ee xulka Soomaaliya ku matali doonaa koobka Isreebreebka adduunka 2026.

Macalin Rachid Lousteque ayaa ku dhawaaqay magacyada 35-ciyaaryahan oo kusoo baxay liiska hore ciyaartoyda Qar anka ku matalaya is reeb reebka koobka adduunka ee lagu wado in uu dhaco sannadka 2026.

Ciyaartoyda macalinka xulka Soomaa liya ku dhawaaqay ayaa isugu jira kuwa ka ciyaara horyaalka Soomaaliya iyo sidoo kale ciyaartoy kale oo iyana ka ciyaaro waddamo kuyaalla caalamka, gaar ahaan Yurub iyo Amerika.

Xiddiga macalin Rachid Lousteque ku dhawaaqay waxaa ku jira kuwa horey Qaranka Soomaaliya usoo matelay iyo wajiyo kale oo cusub, waxaa sidoo kale ciyaartoyda kamid ah kuwa u ciyaara kooxo waa weyn oo ka dhisan Yurub iyo Amerika.



MUXUU YAHAY JACAYLKA XAD DHAA FKA AH EE AY FARSHAXANKA U QAADAY JILAA WARIS DIIRIYE?


Waris

Jilaaga Soomaaliyadda ah ee Waris Di rie ayaa sawiro farshaxan ah ku soo ba ndhigi doonto tiyaatarka qadiimiga ah ee Deutsches-theater ee waddanka Jarm alka, kadib markii ay waqti ku bixisay sa meynta sawir gacmeedyo.

Muuqaal ay sameyneyso sawir gacm eed oo ay ku soo daabacday boggeeda Instgram ayay Waris uga sheekeysay sida ay u jeceshahay farshaxanka.

"Midabada sawiradeyda waxay ka turjuma yaan dabeecadda iyo ilayska Afrika. Dab eecaddu waa waxa i dhiirri galiya, iyada ay aan raacaa, markaan ra acana waxay ii hugaamisaa naxariis iyo meel aan rabo inaan mar walba ku nag aado” ayay tiri Waris.

"Farshaxanku wuxuu ka turjumaa nab ad iyo naxariis si guud. Ma jira cid dare emi karta waxaan dareemo, balse waxa an isku dayaa inaan ku gudbiyo dareen kaas mida bada farshaxankeyga,”

Sababta ay u sameyneyso farshaxank aan ayay ku sheegatay inay ku taageer eyso haweenka.

Waris

Sida ay ku baratay farshaxanka

Waris waxay sheegtay inaysan aqoonin sida loo sameeyo sawirada farshaxanka, kuwaas oo la isku sooho midabo kala duwan oo abuura farshaxan xambaarsan sheekooyin iyo muuqaalo nololeed. Cabsi iyo hubanti la’aan ayay sheegtay inay bilo wgii haysay maadaama walig eed aysan baran farshaxanka, tababarna aysan u galin, balse waxay sheegtay inay mar wal ba niyadda ku haysay inay ku guleysan doonto.

"Waligeey buraash gacanteyda xitaa kuma qaban. Wax walba oo aan ahay no losha ayaa i bartay. Noloshu waa jaam acadeyda. Waxaan rabay inaan arko wa xa aan sameyn karo. Ma rabin inaan ma calin u tago ama farshaxaniiste. Waxaan rabay inaan iskey u sameeyo sida aan wax walba u sameyn jiray waligeey”.

Iyada oo ka sheekeynaysa khibra dee da cusub ayay sheegtay in mar wal ba uu isku mid yahay hanaanka loo maro sameynta farshaxanka. Waxay sheegtay marka ay qabsato burushka ee ay bil owdo inay midabada isku waydaariso b oorka, in ay dhex gasho duni cusub oo ka kooban mala awaal, cabsi la’aan iyo xoriyad.

"Dareenkaan saddex arrimood uun baa isiin kara; dabeecadda, musiga iyo farshaxanka".

Waris iyo hooyadeed

Tobaneeyo sano ka dib markii ay ka qaxday dalkeeda hooyo ee Soomaaliya, Waris Diiriye oo ah haweeney dharka xa ya ysiisa isla markaana u olaoleysa ka hortagi dda gudniinka fircooniga ah wax ay 1990-meeyadii dib ugu laabatay dalka si ay hooyadeed ugu qanciso in ay joo jiso gudniinka fircooniga.

Waris ayaa xusaty in sababta ay dal ka ugu laabtay xilligaas ay ahayd in hooy ad eed oo muddo wadday howlaha gudn iinka fircooniga ee gabdhaha ay fahmasi iso dhibaatada uu gudniinkaasi u gaysan karo caafimaadka iyo mustaqbalka gab dhaha.

"Waxay ahayd hawshii iigu horreysay aa aan qabtay markii aan halkaas tagay," ayay tii Waris mar ay BBC-da la hadla ysay.

"Maalin ayaan ku iri, "Hooyo, haddii aadan badbaadin carruurta walaalkay, ama qof aad taqaanid, ama deriska, oo aadan ka hadlin arrintan, Hooyo, waan kuu imaanayaa. Hadda waxaan la shaq eeyaa booliiska Ingiriiska."

Hadalkan ayaa u muuqda mid Waris hooyadeed ku dareensiinaysay in gabdh aha oo fircooni loo guda uu yahay ficil de mbi ah, dalalka qaarna qofku muteysan karo xabsi iyo tallaabooyin kale.

Dadka lagu helo inay ku lug yeeshaan ama fududeeyeen gudniinka fircooniga waxa lagu hayn karaa xabsi ilaa 14 sano ah gudaha dalka Ingiriiska.

Dadaal badan oo Waris ay sameeys ay kadib ugu dambeyn, hooyadeed ayaa bedeshay howshii muddada dheer soo jirtay ee gudniinka fircooniga ah waxayna qiratay in arrintaasi ay ahayd mid aysan wax badan ka fahamsaneyn marka ay timaaddo dhibaatada uu bado hawe enka.

"Ugu dambayntii waxay kor u taagtay gacmaheeda oo waxay ay igu tiri 'i cafi, maan garanayn'."

Waris waxa lagu sameeyay gudniinka fircooniga iyadoo caruur ah oo ay da' deedu ahayd shan jir, ka dibna waxa ay noqotay qof u ololeeya ka hortagga gud niinka.

"Gudniinka fircooniga ah waxaa lagu bartilmaameedsadaa gabdhaha yaryar, gabdhaha dhallaanka ah – ee aan ka da gaalami karin waxa lagu sameynayo,”.

"Marka waa dambi laga galay ubadka, waa dambi ka dhan ah bini’aadantin imada" ayay tiri Waris, iyadoo intaa ku dartay"Waa xadgudub, gabi ahaanba waa dambi, waana inaan joojinaa."

XIGASHO:-BBC

Aqoonsiyada Baasabooro Soomaali iyo Turki oo laga helay Doon ku caarisay Israel

Maamulayaasha Israel ayaa sheegay Shalay oo Axad ah inay Dooni aysan cidna la soconin ku soo caarisay xuduud-baddeedka Israel ee Badda Mediterran ean Sea, gaar ahaan Xeebaha magaal ada loo dalxiis tago ee Netanya oo ku taalla Barta maha Israel.

Ciiddanka Difaaca Israel ee IDF ayaa baarayo Qaabka ay Doonidaasi aan lala soconin ku soo gashay xuduud-baddeedka Israel.

Qoraal ka soo baxay Ciiddanka Difaa ca Israel ee IDF ayaa lagu sheegay in Doonida laga helay ilaa 8 Dukumentiyo Baasabooro Somali iyo kuwo Turkish ah, cunto iyo biyo.

Wararka waxay kaloo sheegeen in ugu yaraan mid ka mid ah Aqoonsiga Du kumentiyada la helay uu ahaa ilmo yar oo ka mid ah dadka la la’ yahay ee la soc day Doonida soo caarisay.

Maamulayaasha Israel waxay kaloo cabsi ka muujiyeen in laga yaabo inay ma ydadka Muhaajiriintii la socday Doon idaasi ay ku soo tufi doonto Badda, ka dib, Doonidii soo caarisay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip