
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGESYKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 21-KA SEPTEMBAR 2023-KA
D/Soomaaliya iyo Q/M. oo guddi gaar ah u saarayla dagaalanka musuq maas uqa gargaarka
DFS iyo Qaramada Midoobay ayaa samee yay guddi soo saari doona istaraatii jiyad wad ajir ah si loo yareeyo musuq maasuqa lagu sameeyo gargaarka.
War saxaafadeed kasoo baxay hay’a dda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa la gu sheegay in warbixinta baarista Qaramada Midoobay ay muujinayso dac iifnimada ka jirta nidaamka qaybinta garg aarka bani'aadamnimo ee Soom aaliya.
Hay’addu waxay sheegtay inay ku dadaala yso hab cusub oo hubinaya hufna anta, islama rkaana yareynaya qandaraas-hoosaadyada la gu bixiyo mashaariicda gargaarka ee Soo maaliya
Hay’adda waxay sheegtay inay bilowd ay baaritaan ku aadan warbixintii ay soo saartay Qaramada Midoobay (QM), taasoo muujisay kii sas ku saabsan in la leexsado gargaarka gud aha dalka.
War qoraal ah oo hay’adda kasoo baxay ay aa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si hagar la’aanta ah uga go’an tahay inay wax ka qabato eedeym ahan culus.
Hay’addu waxay si aan gabasho laha yn u sheegtay inay si buuxda uga go’an tahay in dacwad lagu soo oogo dadka lagu helo inay mas’uul ka yihiin leexinta gargaarka.
Maalin ka hor ayay ahayd markii Mido wga Yurub uu si kumeel gaar ah u hakiyay taageer adii dhaqaale ee uu siin jiray barnaamijka cun tada adduunka ee WFP ee Soomaaliya, kaddb markii uu sheegay in xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarkeeda Sooma aliya.
Baaritaanka ay sameysay QM waxaa lagu sheegay in barakacayaasha (IDPs) lagu kha sbo inay bixiyaan kala bar kaalmada lacagta caddaanka ee WFP ay ka helaan, iyadoo loogu hanjabayo in laga laga saarayo diiwaan-gelinta liisaska lacag qaat ayaasha.
Ra’iisal wasaare Xamse oo New York kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaal ka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xogha yaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mar eykanka.
Ra’iisla wasaare Xamse iyo Antony Blinken ayaa ka wada hadlay sii xoojinta calaaqaadka saaxiibtinimo ee mudada dheer ka dhexeeya labada dal iyo in xuku umadda Washington ay xoojiso taage erada ay Soomaaliya ku siinayso ciribtirka argagixisada iyo mashaariicda horum arineed ee bulshada loogu adeeg ayo.
Wajiga 2aad ee Shirka dib u heshiisiinta Burka-Dirimeed oo furmaya
Madaxweynaha Maamulka Hishabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan deegaanka burka diirimeed ayaa halkaas kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Xildhibaan ka Tirsan Golaha shacabka iyo Imaan Daahir Imaam Maxamuud oo ay ka wadahadleen dard argalinta wajiga 2aad ee shirka dib u heshiis iinta iyo dhameystirka Gogosha Nabadeynta ee taala deegaanka Burka Diirmeed.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa xusay in Dowladda goboleedka Hirshabeelle ay ka go’ an tahay xoojinta iyo ka guul gaarista arrimaha nabadeynta si bulshadu ay nabad ugu wada-noolaato.
Madaxweynihii hore ee Soomaaluya Shariif sheekh Axmed iyo waxgaradka Mudolood ay aa dadaalo dib u heshiisiin ah ka wada Burka –dirmeed hlkaas oo ay ku heshiisiinayaan laba beelood oo ku dagaalamay degaano ka tirsan degmoo yinka Cadalle iyo Raage Ceelle ee gobolka shabeelada Dhexe.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo ka qayb galay bandhigga warbixinta
mashruuca
ka soo kabashada xasaradaha Kusimaha Ra’iisul wasaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhu uriyada federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka bandhiga warbixinada mashruuca ka soo kabashada
xasaradaha Soomaaliya, kaas oo ka jawaab celinaya xasaradaha deg dega ah iyo soo ban dhigidda baahiyaha maal gelineed ee Xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg-dega ah. taas oo qayb ka ah hay’ada maaraynta masiibo oyinka ee (SODMA).
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka adag lagula jiro Khawa arijta, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaal iyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.
Md.Saalax ayaa intaas ku daray in Khaw aariijtu caadaysatay burburinta goob aha ade egyada bulshada, sida xaru maha caafim aadka, biyaha iyo waxbarash ada, si daas awg eedna Xukuumadda #DanQaran dhinac waddo dagaalka khawaariijta barna amijka xasillinta deegannada laga xoreey ey khawaarijta iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.
Mashruucaan oo ay iska kaashanay aan hay’adda SODMA iyo Bangiga Add uunka ayaa ah mid looga jawaabayo baah iyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deega anka oo iskaashan aya ay ku cirib-tirayaan kha waarijta, isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhii mka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo furay Imtixaan loo gelayo garsoorka dalka
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa Dor raad furay imtixaan garsooreyaal iyo xeer ilaa liyenimo oo loo qaadanayo maxkamadda gobo lka iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud.
Tartameyaasha soo codsaday jago oyinkan oo gaadhayey 1500 oo qof, ayaa Dorraad waxa nasiib u yeeshay inay imtixaankan u fadhii staan 487 qof, waxaana laga doonayaa inay ka soo baxaan 30 Garsoore oo ka hawlgeli doona Maxkamadaha gobalka Banaadir, iyo 30 Xeer Ilaaliye oo iyagu na ka hawlgeli doona Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Garsoorka iyo caddaaladda ay la mid yihiin jihaadka loogu jiro in dalka lagaga xorreeyo khawaarijta, dad ka guuleystana ay kaalintooda ka qaadan doo naan.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ” Dadka ku soo baxa Imtixaankaan ee ku guuleysta waxaa ay ka qeyb noqon doonaan Jihaadka loogu jiro dib u soo celinta sharafka ummadda Soomaal iyeed ee Madaxweynaha Qaranku Tuutaha u xiran yahay”
Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in uu hadafkoodu yahay in ay Soomaaliya hesho gar soor hufan, madax bannaan, dhexdhexaad ah, bulshadana caddaalad ugu adeega, si taasi loo gaaro-na loo baahan yahay dadkii howshaasi gudan lahaa.
Wuxuu sheegay in ujeeddooyinkoodu ay ka mid tahay in dadka xirfadleyda shar cigu ay fur sado siman ka helaan jagooyin ka ka ban naanaada Garsoorka dalka.
Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo gaaray degmada Hobyo
Wafdi ka kooban Wasiirro, Xildhibaa nno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka JFS ,Gan acsato iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa afaaf ka degmo xeebeedka Hobyo ku soo dhowe eyay Maamulka iyo Saraaki isha Ciidamada ee ku sugan magaalada Hobyo.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wa siirka Kalluumaysiga Axmed Xasan waxa ana socd aalka ku wehliyay Wasiir ku xige enka Warf aaf inta JFS Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al-ca ddaala, la taliyaha Madaxweynaha dalka, Saka riye Xasan Gaashaan, Senator Duniyo, Xildhi baan Saabbir Nuur Shuure ,Cabdisalaan Xaaji Dhabancad iyo Ganacsade Liibaan Axmed Xasan.
Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay xarig jar aan mashaariic horumarineed oo laga hirgal iyay Degmada Hobyo.
C/C/ Shakuur oo iska xaadiriyey furimaha dagaalka iyo qorshihiisa
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa Dorraad gaaray furimaha ay ciidamadu difaaca uga jiraan ee deegaanka Bulacle ee gobolka Gal guduud.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ciidanka ku sugan deegaankaan oo bari ka xiga ma gaalada Dhuusamareeb wuxuu ku dhiirigeliyey halka ay Khawaarijta uga xoreynayaan dalka, isagoo ku dalbaday inay sii socdaan oo gaar aan deegaanada ay Galgaduud ka joogto koo xda Al-Shabaab.
Xildhibaano kale oo heer federaal ah oo ma almahaan ku sugnaa Dhuusa mareeb ayaa kor meerkaan ku wehliyey xildhibaan Cab dira xm aan Cabdishakuur, waxayna ciidamada geesi yaasha ah ku amaaneen sida ay dhax anta iyo qoraxda ugu joogaan difaaca dalka iyo dadkooda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Dorraad ka soo degay Dhuusamareeb, isagoo ka yimid Muqdisho, wuxuuna shee gay inuu mari doono dhamaan furimaha ciidamada ee gobolka Ga lgaduud.
Ciidamada uu Dorraad bariga Dhuusa mar eeb ugu tegay Cabdiraxmaan Cabd ishakuur ayaa u badnaa geesiyaasha dee gaanka ee hubka u qaatay inay dhulkooda ka xoreystaan kooxda Al-Shabaab.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii laga soo tago inuu yahay ergayga mada xweynaha dalka u qaabilsan gurmadka abaaraha, waa xil dhibaan golaha shac abka ku metela dadka dega Dhuusam areeb iyo Guriceel, taas ayaa sabab u ah inuu ayaga ka bilaabo dhiirigelinta ciida mada dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabaab. Siyaasigaan oo lagu yaqaano may al adeyg siyaasadeed ayaa hadda muujiya inuu aad ula dhacsan yahay hanaanka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, Madaxweynaha ayaa ajen dihiisa koowaad ka dhigtay dagaalka koox daas.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Xalay ka soo noqday furinta wuxuuna ku hoyanayaa Dhu usamareeb, sidoo kale berri iyo maalmaha xiga wuxuu qorsheynayaa inuu tago furimo badan oo ciidamada qaranka iyo kuwa deega anka ay kula dagaalamayaan argagixisada.
Cabdiqaadir Macalin iyo Xasan Jaras oo lagu dilay Koonfur Afrika
Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Dorraad muwaadiniin Soomaali ah lagu dilay duleedka magaal ada Cape Town ee dalkaas, kuwaas oo kamid ahaa dhalinyarada ganacsiga u tegay halkaasi.
Ragga la dilay oo labo ahaa ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdiqa adir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras, kuwaas oo ay dileen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.
Wararka ayaa sheegaya in marxuumiinta oo ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalla gudaha deegaanka Happy Valley oo hoostaga magaalada Cape Town ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo burcad ah, kuwaas oo goobta ka baxsaday, kadib toogashada wiilashaasi.
Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.
Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda ka soo baxday baaritaanka la sameeyay ma jirto, sida ay sheegeen qaar kamid ah Sooma alida ku dhaqan halkaasi.
Weerarkan lagu beegsaday muwaadinii nta asi Soomaaliyeed ayaa soo kordhiyay cabs ida ay wajahayaan ganacsatada kale ee ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee waddank aasi.
Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dam beeyey ku sii kordhaya dilalka, dhaaw aca iyo dhaca loo geysto muwaadiniinta Soomaali yeed ee ku sugan dalkaasi.
Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhib aatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaal ida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawa ca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.
Wasiirka maaliyadda oo Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah hay’adaha taage era Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda dowlad da feder aalka Soomaaliya mudane Biixi Iima an Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda qaar ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee Dowla dda Soo maaliya ka taageera mashaariicda horu marinta iyo taageerada kabka Miisaani yadda Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa ugu horeyn qaabilay wakiilka dalalka geeska Afrika ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Nne nna Nwabufo, waxa ay ka wada hadleen mashaariicda horumarin eed ee uu bangigu ku taageero Dowladda Soomaaliya iyo fursadaha suuragalka ah ee maa lgalineed, Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu wadaa qorshayaal maalg alineed oo aad muhiim ugu ah Sooma aliya.
Dhinaca kale, Wasiir Biixi ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Bangiga Adduu n ka ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr Keith Hansen.
Wadahadalka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada Bangiga ee Soomaaliya iyo dib-u-haabe ynta kaabayaasha dhaqaalaha, maada ama Bangiga Adduunka uu door muuqdo ku leeyahay taageerada hey’ adaha Dowla dda Soomaaliya. Sidoo kale Wakiilka Bangiga Adduunka iyo Wasiirka Maa liya dda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa ka wadah ad alay sidii uu Bangiga Adduunka uga qeyb qaa dan lahaa maalgalinta Mashaarii cda Horu mar ineed ee dalka, kadib marka ay Soomaaliya gaarto deyn-cafis dhammeystiran.
Wasiirka Maaliyadda DFS ayaa sidoo kale kulamo miro-dhal ah la qaatay xubno ka soc day Xafiiska Midowga Yurub ee Soo maaliya iyo Safaaradda UK e Muqd isho.
Dhammaan wadahadalada uu la yeeshay wasiirku waxa ay ku saleysnaay een dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taage erada Midowga Yurub ee kabka Miisaaniy adda Dowladda Soo maaliya. Wasiirka Wasaaardda Maaliyadda XFS Wasiir. Biixi Imaan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii looga maro-dhalin lahaa hannaan ka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel aad wanaagsan maraya, iyadoona la filayo in dhawaan la soo gaba-gabeeyo barnaamijka Dey-Cafinta Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku hesh iiyay la dagaalanka Al-Shabaab
Wasiirka amniga ee Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Do odishe) ayaa mag aal ada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka arrimaha gud aha dalka Sacu udiga, Amiir Cabdul Casiis bin Sacuud bin Naa’if.
Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadl een sidii loo laba jibbaari lahaa xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha amniga guda iyo la dagaalanka Al-shabaab.
Wasiirka wasaaradda amniga Sooma aliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa kulanka ka dib booqasho ku tagay Jaamacad da Sayniska iyo am niga ee Naa’if iyo xarunta la dagaallanka fekerka xagjirnimada iyo goobo kale
Col Dayax
Madaxweynaha Soomaaliya oo bishii labaad wada hogaaminta dagaalka ay daw ladda kula jirto Al Shabaab ayaa dhawaan magacaabay saraakiil hogaamin aya da gaalka.
Dadka uu magacaab ay waxaa ka mid ah Ga ashaanle sare Dayax Cabdi Cabd ulle oo ah aa talihii ciidanka sida kumaand ooska u tab abaran ee Gorgor.
Dayax wuxuu ahaa gaashaanle dhexe, laakin waxaa loo dallacsiiyey gaashaanle sare, waxaana loo magacaabay taliyaha cii danka Lugta ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Isla markii la magacaabay, ra’yi kala du wan ayey dadku ka bixiyeen xilka loo dhii bay.
Hadal hayntiisa ayaa timid ayadoo dib loo eegayo sidii uu ahaa xiriirkii u dha xe eyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo sar kaalkiishii xilligii dawladdii hore ee xasan Sheekh uu mucaaradka ahaa.
Dayax wuxuu ahaa taliyaha ciidanka aadka u tababaran ee Gorgor, kuwaasoo dhowr goor is hortaagay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen mucaaradkii xilligaas oo Xasan Sheekh ku jiray. Ciidanka Gorg or waa ciidan sida kumaandooska u tababaran oo dawladda Turkiga ay tababar siisay.
Su’aalaha hadda la is weydiinayo wa xaa ka mid ah sida iyo sababta uu madax weynaha Soomaaliya ugu dhiirraday inuu xil sare uga magacaabo milateriga Sooma aliya taliyaha ciidanka Gorgor ee ahaa cii dankii is hortaagay markii uu mucaaradka ahaa.
Ciidanka Gorgor ayaa hawlgal ku qaad ay hotel ay ku sugnaayeen madaxw eyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, bishii Feb raayo 2021. Xilligaas uu weerarka dhacayo Dayax oo gaashaanle dhexe ah wuxuu ahaa taliyihii ciidankaas, walow uusan wad an askartii hotelka gashay. Madaxweynay aashii hotelka ku sugnaa waxay markii da mbe eedda dusha ka saareen madaxwe ynihii xilligaas, Maxa med Cabdullaahi far maajo oo ay ku eedeeyeen inuu isagu wee rarka ka dambeeyey.
Laakin saraakiil iyo dad BBC ay la had ashay waxay aaminsan yihiin in Magac aabista Dayax ay ku salaysan tahay karti diisa iyo xirfadda dagaal gelinta ee uu leey ahay oo xilligan loo arko mid muhiim u ah dagaalka Al Shabaab.
"Sarkaalkan waxaa lagu xushay kartidi isa iyo aqoontiisa ciidanka, waana lagula taliyey madaxweynaha inuu magacaabo si looga mira dhaliyo hawlgallada hadda so cda. Talaabadan waxay muujinaysaa in madaxweynuhu yeeshay bisayl, iyo ka go’naansho in dagaalka lagu guulaysto, oo uusan fiirin wixii hore u soo dhex maray” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga.
Dadka yaqaanna Gaashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle waxay ku tilmaam een inuu yahay sarkaal dagaal gelinta ku wanaagsan, tababarro fiicanna qaba.
Waxaa kale oo isna uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo cel iyey hawlgalinta ciidanka taliyihii hore ee milateriga Jeneral Odawaa Yuusuf Raage.
Odawaa wuxuu ka mid ahaa dadkii wakhtiga dheer ku soo jiray dagaalka Al Shabaab.
"Wuxuu hogaaminayey ciidanka milate riga xilliyadii adkaa ee dagaalladii ugu khar aaraa ay dhex mareen askarta dawladda iyo Al Shabaab sida Masaajid Cali Guduud iyo Ceel Barde. Odawaa wuxuu qayb weyn ka qaatay in dib loo celiyo askartii ka soo gadoodday Cowsweyne markii al Shabaab ay duullaanka culus ku soo qaadeen. Waa nin ciidanka aad u kala yaqaanna, ku soo dhex jiray, ayna ka heybaystaan, taas ay aa keenaysa in madaxweynuhu uu dib ugu soo celiyo hawlgallada maadaama khibra ddiisa iyo saamayntiisa aad loogu baahan yahay xilligan xasaasiga ah” ayuu sii raac iyey Axmed Kaboole.
Dadka ka hadlay arrimaha la xiriira isbe ddelka lagu sameeyey hogaanka milat eriga qaarkood waxay aaminsan yihiin in saraakiishan iyo qaar kale oo uu ka mid ya hay taliye ku xigeenka cusub ee ciid anka xoogga dalka ee dhawaan la magacaabay inay soo kordhin karaa fikrado cusub oo dagaalka hadda ka socda Galmudug iyo Hirshabelle lagu soo kordhin karo si loo soo afjaro wajiga hore ee hawlgalka ee la bada bilood uu iminka hogaaminayo mad axweynaha.
Dadkaas waxaa ka mid ah Xildhibaan cabdifataax Qaasim oo bartiisa facebook ku qoray "Col Dayax waa hoggaamiye lagu yaqaano karti iyo dhiiranaan, sumcad wan aagsanna ku leh ciidanka dhexdiisa”.
XIGASHO:-BBC
Wararkii ugu dambeeyay Shabaabka lagu go’doomiyay Hirshabelle
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabe llaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshi yada Al Shabaab ay maalintii 5aad ku go’d oonsan yihiin deegaanka Cali Fooldheere, oo hoosta gga Degmada Mahadaay ee gobolkaasi.
Mintidiinta ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeysay ay isku uruursanayeen deegaanka asi, si ay weeraro uga gaystaan deegaanada Hirshabelle, ciidamaduna ka war helayn qorshahoodaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleesh iyada Shabaabka ay ka soo gudbeen daanta galbeed ee Webiga Shabelle, isla-markaana ay u muuqdaan inaanay doon ayn in dib ugu laabtaan halkii ay ka yima adeen.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka oo isaga kala yimid Degmoo yinka Mahadaay, Aadan Yabaal iyo Maxa as ayaa saddex jiho ka kubaareeyay Shabaabka.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaa bku ay ka baxeen dhulka hawdka ee ku yaala hareeraha webiga, isla-markaana ay galeen godad ay horaan ka sii qoteen dhulka beeraha halkaasi ku yaala.
Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegaya an in kooxaha argagixisada ay ka dhex dagaalamayaan godadkaasi, ciidamaduna ay ku sii dhawaanayaan. Saraakiisha Ciidan ka Xoogga Dalka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay weli dhanka cirka ka garaacayaan maleeshiyadaasi.
Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ku mintidaya, sidii ay halkaasi u sii joogi laha ayeen, maadaama uu deegaanku yahay mid ku wanaagsan gabaadka, kana soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah.
Saraakiisha Ciidamada ayaa tirada Shabaabka ee halkaasi ku sugan ku sheegay illaa saddex boqol oo nin.
Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaamina ya Saraakiil uu ka mid yahay Korneyl Cali Xuubey, oo ka tirsan Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliska Militariga ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii Shabaabka looga kicin lahaa aagagga ay kaga sugan yihiin deeg aanka Cali Fooldheere.
Wararkii ugu dambeeyay dagaallo iyo duqeymo ka socda SH/DHEXE
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maalintii afaraad oo xiriir ah ay dagaallo iyo duqeymo culus ay ka socdaan qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar aha an dhul howd ah oo ay ku go’doonsan yihiin Shabaab.
Howlgalkan oo ah mid culus, ayna iska ka ashanayaan ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo saaxibada caalam iga ah ayaa si gaar ah uga socda inta u dhe xeysa degm ada Mahadaay iyo deegaanka Cali-Fooldheere, gaar ahaan howd ku yaalla halkaasi.
Kooxda meesha lagu go’doomiyey ayaa la oga aday in dhowrkii maalm ood ee lasoo dhaafay ay ka soo gudbayeen wab iga Shabeelle ee aagga Mahadaay, wax ayna doo nayeen inay kala jiraan degmooyin la xoreeyey ee gobolka Shabeelaha Dhexe balse ciidam ada ayaa ka hortegay.
Mid kamid ah dadka deegaanka ee qaybta ka ah dagaalka socda ayaa u warramay Idaac adda Kulmiye, wuxuuna sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay godad ka qoteen dhulka ho wdka ah, taasina ay keentay in howlgalkooda uu sii dheeraado, sida uu hadalka u dhigay.
"Nimanka meesha ay ku jiraan waa meel ho wd ah, waana lama galaay, hadd ana dhulka hoostiisa ayay godad kasii qoteen” ayuu yiri mid kamid ciidanka dadka deegaanka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ha dda u adeegsanayaan hub culus oo ay ku jir aan hoobiyeyaal, sidoo kalena ay caawinayaan diyaarado, si meesha loogu beegsado raggaas.
"Duqeyn way ku socotaa oo diyaara daha way duqeynayaan, ciidamada deega anka iyo kuwa Xoogga dalkana hoobiy eyaal ayay ku garaacayaan meesha, hadda maalintii afaraad ayuu dagaalku ga lay, waana lagu hareereysan yahay meel ay uga baxaan ma leh” ayuu raaciyay.
Duqeymaha dhacay waxaa lagu dilay oo la gu dhaawacay dagaalyahano badan, kuwa weli nool ee dagaalamaya waxaa ku socota duqeyn iyo dagaal toos ah, maa daama ay ku hareer eysan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Maswiisleyda.
Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meel aha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maada ama lagu bilaabay howlgalka wajigi isa koowa ad oo inta badan lagu xoreeyay HirShabelle.
Erdogan iyo Netanyahu oo markii ugu horr eysay kulmay + Qoddobada miiska saaran
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa markii u gu horreysay u kulmay si fool-ka-fool ah Talaadadii, xilli labada dal ay billaa been inay hormariyaan xirii rkooda.
Hogaamiyayaasha, oo wada-hadallo ye eshay intii lagu guda jiray shirka sanadl aha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay in midba midka kale uu dhawaan booqdo dalka kale, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu.
Taleefishinka Channel 12 ee Israel ayaa she egay in Erdogan laga yaabo inuu doonayo inuu sanad-guurada 100-aad ee Jamhuuriyadda Tur key ee bisha dambe ku xuso inuu booqdo Mas jidka Al-Aqsa. Weli ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan warbixintan.
Xiriirka labadan dal ee horey xulufada u ah aa ayaa burburay kadib markii ciidamada Israel ay 10 qof oo Turkish ah ku dileen weerar ay ku qaadeen markab gargaar siday oo jebiyey xayiraad lagu soo rogay Gaza.
Ankara ayaa cayrisay safiirka Israel, tallaab aadaas oo ay ka laabatay 2016, hase yeeshee waxay mar kale sidaas sameysay laba sano ka dib, sababo la xiriira dilka tobanaan Falastiin iyiin ah oo ka qeyb-galay dibad-bax ka dhacay xuduudda Gaza.
Israel, oo cabasho ka muujisay marti-gelinta Ankara ee hoggaamiyeyaasha Xamas, ayaa ku jawaabtay inay cayrisay safiirka Turkey, 2018.
Booqasho uu bishii March madaxwe ynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Tur key, oo ay ku xigtay booqasho oyinka laba da wasiir arrimo dibadeed, ayaa caawiyey in xiriirka uu soo hagaago.
Erdogan iyo Netanyahu ayaa ka wada ha dlay siyaasadda, dhaqaalaha iyo arri maha gob olka iyo sidoo kale arrinta Israel iyo Falastiin, sida ay madaxtooyada Turk iga ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta X.
Erdogan ayaa u sheegay Netanyahu in lab ada dal ay iska kaashan karaan dhanka tamat a, teknoolajiyadda, hal-abuurka, caq liga mac malka ah, iyo sidoo kale amniga internet-ka, ayey tiri madaxtoo yada.
Turkey ayaa sanadkii 2020 billowday dada al xoog leh, oo ay ku hagaajineyso xiriirka dalal badan oo ay horey u xifaalt ami jireen, sida Ma sar, Imaaraatka Carab ta, Sacuudi Carabiya iyo sidoo kale Israel. VOA + REUTERS
Faysal Cali Waraabe: Dagaalka Laasc aan ood waxa uu ku fadhiya sidii loo fashilin lah aa Xasan Sheekh
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somal iland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa dag aalka Laascaanood ku tilmaamay mid la doon ayo in Somaliland lagu burb uriyo, laguna fashi liyo madaxweynaha Soo maaliya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in daga alka Somaliland lagaga soo horjee daa aanu ku koobnayn mid lagaga soo horj eedo maamulka Muuse Biixi, lakiin uu yah ay mid Somaliland xididada loo gu siibayo.
"Waxaan u sheegayaa sha cabka Somali land arrintan socotaa maaha arrin ku koob an maamulka Muuse Biixi oo laga caba nayo, waa arrin qotodheer oo la doonayo in xididada la inoo jaro, oo dhiigeena lagu tartamo waana hadhaagii Maxamed Siyaad Barre" ayuu yidhi Faysal.
Waxa uu sheegay in ay difaacayaan Laa scaanood iyo Buuhoodle, isla marka ana uu cii danka Somaliland tagayo Yooc ada, isaga oo sheegay in dagaalka sidoo kale looga gol leey ahay in lagu fashiliyo dadaalada uu Madaxwey naha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu jiro la dagaalanka Al Shabaab.
"Dorraad oo aanu dalkayagii haysano haku fikirina in Laascaanood noqoto god laga baabiiyo dowladaha Somaliland iyo Soomaa liya, dagaalka Laascaanood waxa uu ku fa dhiyaa sidii loo fashilin lahaa Xasan Sheekh, waxa la doonaya dadaalkaa uu ku jiro ee uu la dagaalamayo xagjirka in la fashiliyo" ayuu yidhi Faysal.
Waxa uu ku hambalyeeyay madax weyne Xasan Sheekh in uu tuuto xidho oo uu hogga amiyo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al Shabaab, waxa uuna sheegay in dadka Laascaanood ka dagaalamaya ay rabaan in ay soo celiyaan nidaamkii kacaanka.
Waxa uu sheegay in Somaliland, Jabu uti iyo Soomaaliya oo kali ahi jirayaan, isla mar kaana ay yihiin kuwa kali ah ee haysta xudu udo sharci ah, oo uu gumaystihii ka tagay.
6-Falastiiniyiin ah oo ciidamada Israa’iil ku dileen Daanta Galbeed iyo Qaza
Lix falastiiniyiin ah ayaa naftooda ku waayay weerarro kala duwan oo ciidam ada Israa’iil ku qaadeen Daanta Galbeed ee la haysto iyo mari nka Qaza.
Sida laga soo xigtay dhaqaatiirta falasti iniyi inta, afar qof ayaa lagu dilay weerar xilli habe enimo ah ay ciidamadu ku qaad een xerada qa xootiga ee Jenin, taasoo ke entay ku dhawaad 30 dhaawac ah.Nin kale oo Fala stiini ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay Jer icho subaxnimadii Arbacada.Dhimashada lix aad ayaa dhac day intii lagu jiray mudaaharaa dyo rabsh ado wata oo ka dhacay meel u dhow xayndaabka kala qaybinta Gaza iyo Israel fiidn imadii Talaadada. Iska horimaadyo xooggan ayaa habeenimadii Talaadada ka dhacay gud aha xerada Jenin, oo sida la sheegay ah meel ay ku xooggan yihiin min tidiinta Falastiiniyiinta.
Tani ayaa ah hawl galkii ugu weynaa ee mil itariga Israel ay ka fuliyaan Daanta Galbeed tan iyo bishii Luulyo. Ciidamada ayaa la sheegay in ay rasaas isweydaarsa deen rag hubeysan oo deegaanka ah, wax aana ay fuliyeen weerar aan caadi ahayn oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn. Muuqaal ku wareegayay baraha bulshada ayaa u muuqday mid muuj inaya rasaasta Israa’iil oo ku dhacaysa minaar ada masaajidka oo ay rasaastu kasoo dhac aysay.
Dhammaan afarta falastiiniyiinta ee la dilay waxay ahaayeen rag da’doodu tahay labaatan jirro, sida ay sheegtay wasaarad da caafimaa dka Falastiin.Kooxaha falast iiniyiinta ayaa she egay in saddex ka mid ah dadka dhintay ay ka tirsanaayeen urur adooda.
SHAN GOOBOOD OO LOO DALXIIS TAGO OO KU YAALLA DHULKA SOOMAALIDA
Gabar
XIGASHADA SAWIRKA,BBC
Gobolka Sanaag wuxuu leeyahay goobo ca an ka noqday gayiga Soomaalida, kuwa as oo badankood ah kuwa loo dalxiis tago.
Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa shan meelood oo laga yaabo inaad qaarkood horay u maqashay ama aad booqatay.
Caraweelo
Sheekada Caroweelo waa mid shaac ka ah Soomaalida dhexdee da, waxayna nagu soo wada gaadhay sheeko xariirooyinka laga dhaxlay awoow ka awoow, ta as oo jiil kastaba uu jiil ka kale uga sii sheek eeyo. Waana mid kamid ah sheeko xariirooyin ka dadka da'daha ay uga sheekeeyaan jiilka cusb
Cidina si kalsooni leh uguma dhiiran karto in ay xaqiijiso jiritaanka Caroweelo, waqtiga ay no olayd, iyo in sheekooyinka laga sheego ay yih iin kuwa jira oo rasmi ah. Balse waxay dadka oo dhan isku raac sanyihiin jiritaanka sheekada Caroweelo run iyo mala'awaal midkay ahaa taba.
Sheekada Caroweelo waxaa badi soo cel celiya waa dhalinta oo taga goob lagu muran sanayahay inay ku aasan taay iyo inay mar fa dhiisatay, oo raga iyo dumarka ay ku kala qay bsamaan markay sawiro rabaan inay ku soo galaan; ragu dhagaxyo ayey ku tuuraan, halka ay dumarkuna ubaxyo dul dul dhigaan.
Hadab maxaa meeshan ay ragu iyo dumar ku isugu khilaafan ,faraxad iyo dalxiis bayba u socodeene?
Sida laga soo wariyay sheeko xarii rooyinka, waxaa jiri jirtay haweenay boqo rad ka ahayd gayiga Soomaaliyeed, taas oo lahayd awood aad u badan, raggani dhufaani jirtay si aysan u qooqin (xininyaha ka garaaci jirtay).
Waxay inta badan ragga ku xujeyn jirtay wax yaabo aan suurtogal ahayn, bal se waxaa mar kasta xujadaasi furi jiray nin duurka ku dhuuma alaysanaya oo magac iisu ahaa 'Oday Biiqe'.
Caraweelo
Mid ka mid ah xujooyinkii caanka ahaa ee ay ragga ku amartayna wax aa ka mid ahaa in ay ku tiri, "ordaya oo ii keena udub dhe er oo dhulka ill aa cirka gaadhaya", ka dibna raggii ayaa u tagay Oday Biiqe, una she eg ay xujadii. Wuxuu kula taliyay "ku laabta Car oweelo, oo waxaad dhahdaan, udubk aas wa an keeneynaaye waxaad na siisaa udub kale oo aan ka cabir qaadano".
Waxaa kale oo la sheegaa in Carowe elo iyo Oday Biiqe maalin la'isugu daray cunto soor ah oo lagu soo riday xeedho, kadib waxaa dha cday in dhinicii ay xee rada ka cunaysay Caro weelo ay koosaartii (caanihii) ka dhamaatay, waxayna dama cday in si dhagar ah ay caana ha uga soo jiidato dhanka Oday Biiqe, waxayna ku tiri "Oday Biiqoow hadalkii aad i tiri, sidaas ay uu qalbiga ii jeexay", iyada oo markaas fart eeda il kaga jeexaysa soorta si caan aha dhank eeda ugu soo hooraan, kana dhigaysa in ay wax u tilmaamayso.
Balse Oday Biiqe ayaa la fahmay sirtii, wux uuna ku yiri "Caroweelo sheekadana waa lab iyo qas", isaga oo gacantiisa ku walaaqay weel kii oo dhan si caanaha ugu wada qasmaan soo rta. Waxaa jirta goob ku taala meel u dhow ma gaalada Ceerigaabo ee gobolka Sana ag, halk aas oo dadka deegaanka ay u aq oonsanyihiin inay tahay qabrigii Carow eelo, halka dadka qa arkoodna ay u garanayaan in ay tahay halkii ay fariisan jirtay.Suurad
Buurta Surad Buurta Sur ad oo caan ka ah dhulka Soomaalida ahna buurta u gu dheer ee Soomaaliya, a yaa ilaa 2,460 ka sarraysaa heerka badda, waana sababta ay taariikhda u gu jirto. Waxay ka mid tahay buuralayda silsil adda Golis ee gobolka Sanaag, waana dhul uu jooggiisu sarreeyo oo qaboobe ah kana duwan cimilada ka jirta meelaha kale ee waddanka.
Surad iyo buurta kale ee caanka ah ee loo yaqaanno Daallo, waa deris waxaana kala qaybiya oo keliya waddada loo yaqa ano Tab aca. Waxay ku fidsan tahay Surad dhul aad u wayn oo kor u kacsan, meelba meesha ku xigta ayay kasii sarraysaa ilaa laga gaa dho goobta loo yaqaanno Shimbiris.
Balse sida caadiga ah, dalxiiseyaasha taga goobaha ilqabadka leh, waxay ku tashadaan inay si iskood ah isugu filnaad aan. Laakiin Bu urta Surad waxaa dadka soo booqda loo sam eeyaa martisoor loogu talogalay, dadka yimaa da, waa waxaagii oo wax lagu daray, kaalay iska arag.
Surada oo dhan ka ah buur ku jirtaya taa rikhada Soomaaliya, ayna u dheertahay in lagu dalxiiso, ayeey badi dadku jacel yihiin inay mar uun booqasho ku tagaan buurta, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah shacabka oo ku ham inaya inay maalin uun tagaan Surad.
Cal Madoow
Buuraha Cal madow
Cal Madow waxay ku taal Gobolka Sana ag, waa buur qurxon oo aaraniyo abaar ca gaaran, sidii inuu hada roob-ku ku da,ayo, soo na saaray naq qurxoon.
Geedaha cagaaran iyo bilicda dhirta ayaa la gu ashqaraarayaa, markay ishaadu qabato. De egaanada calmadoow oo isugu jira dhul ban aan iyo buuro ah, ayaa dadka degaanadaasi ku nooli ay hoy ka dhigtaan dhir iyo dagax iyo dho obo lagu dhisay jiin gado, si ay uga badbaadan qaboow ga,daran ee halkaasi ka jira.
Dadka qaar waxay Cal Madow ugu dalxiisa an, si bilaash ah, oo majiro wax qar shah oo lo oga qaado meelah ay dawana yaan kuna galey aan sawirada qurxoon, ugana duubanayaan muqaalo soo jiidasho leh.
Badi dhalinta ayaa ah kuwa had iyo jeer je cel inay dalxiis u aadan degaanada ku teedsan Cal Madow, kuwaasi oo aan laheeyn jidad ku haboon oo loo maro, balse waddooyinkaasi dhi bta loo maro ka ma niyad jabiyaan inay dalxii sayaashu ku safraan si ay isugu soo sawiraan una soo bandhigaan qurxdaas.
Qaarkood waxay iyana sawiro qadiimiya ku soo galaan magaalo xeebeedka Laas Qoray, oo ay ku taallo warshadii Kalluunka ee Sooma aliya. Magaaladaan ayaa iyada nu ku taal dega anada la yidhaahdo Cal Madow. Cal Madow, waxaa si gaara ah uga baxa bunka iyo jaadka kuwaasi oo dadka ay dhib ku qabaan inay ka ganacsadaan wadooyinka xun awgood, balse dadku bunka qarash ugama baxo, oo si bilaa sha ayeey u soo gurtaan una cabaan.
Dooxada Xubeera
Dooxada Xubeera ee gobolka Sanaag wax ay ka mid tahay dhawr meelood oo fadhiisin u ahaa Suldaan Maxamud Cali Shire Qarnigii 19 aad ilaa 20 aad. Dooxaadaasi waa dhul bana an oo xoola daaqeen ah, suldaankuna waxa uu imaan jirey xilliga bilaha xagaaga ee ay kul ulaato xeebta isaga oo ka soo xagaa bixi jirey degmada Laasqoray oo fadhigiisa guud ahayd.
Degaankan xubeera waxayaalaha uu suld aanku ku doortay ayaa ahaa inuu yah ay deeg an biyo mareen ah, kaas oo ku wanagasan daa qa xoolaha, waxaana si gaara ugu daaqi jiray suldaanka, fardaha iyo geela.
Deegaankan ayaa leh dhirta sare iyo kuwa hoose, waliba waxaay si gaara ugu caan ahe ed, geedaha loo yaqaano doomar ta iyo dhirta higlooyinka. Deeganka ayaa ahaa doox ay bi yuhu badi soo maraan, taasi oo kadhigan inay doog iyo abaarba ahayd meel cagaaran, wa ana sababta loo gu xushay inay noqoto goob ay saldanadu talada ku gooyso, dadkana ku soorto.
Dooxada Xubeera waaba bartii ay ka soo us kantay magaalada Badhan oo ay hadda u jirto 18 km. Ddeegankan ahaa me el la degan yah ay guryona ay ka dhisanay aan, ayaa waxaa sa nadkii 1971-dii kudhuf tay dufaano isaga kala danbeeyay, waana sababta looga raray magal adii. Hadda dad ku waxay isku soo sawiraan ra adadkii qad iimiga ahaa ee guryihii suldaanka.
Qoraa Ahmed Abdi Kulumbo, ayaa she egay in dhibta deegaankan ka soo gaadh ay duufaan tii ku dhuftay, ay keentay inay hada noqto meel banaana, marka laga yim aado raadadka gury ihii ka dhisnaa oo wali dhulka ka sii muuqda.
Daalo
Buurta Daallo Buurta Daallo waa mid ka mid ah meelaha ugu qurxuda ba dan gobo lka Sanaag, taas oo dhalintu fiinteed isku soo sawira an iyagoo ku faraxsan. Buurtani waa mid cagaaran xilliga roobka iyo abaar ta ba, waana buur markaad korta ay kuula muuq anayso in qaar kamid ah daruurta cir ca ay kaa hooseeso. Qaar kamid ah dhal linta muqaalad aas ayeey soo duubaan. Buurtan ayaa lagu sheegaa dhereerkeeda, 4000-kun oo cag.
Daallo waxay ku taalaa duleedka magaala da Ceerigaabo. Waa deegaan aad u qabow.
Buurtan ayaa qurxudeeda lgu cabiray suga an badan oo magaceeda iyo bilicdee da lagu sheegayo.
Xilliga ay dabeyshu dhacayso waa kha tar in dusheeda loo dalxiis tago. Cabsi ah inuu qo fku ka soo dhici karo madaama ey ku taalo go ob qobbe iyo dabeeyl badan ayaa jirta, balse dalxiisayaashu aad ayeey u jecel yihiin inay ka soo qaataan sawiro qurxoon oo xasuus reeb u ah.
XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGESYKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 21-KA SEPTEMBAR 2023-KA
...