Sida bulshadani ugu eg tahay Soomaalida iyo waxa ay wadaagan

0
Monday September 18, 2023 - 16:30:20 in Wararka by
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida bulshadani ugu eg tahay Soomaalida iyo waxa ay wadaagan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Google

Qoraalka sawirka, Gabadh yar oo reer Rendille ah  ,Article information ,Author,Ahmed Cadceed,Role,Wariye, Twitter,@AhmedAdeat

Bartamaha gobollada woqooyi ee dalka Kenya waxaa ku dhaqan qoomiyad lagu magacaabo Rindiile kuwaas oo ay isi-shabahaan Soomaalida dhanka muuqaalka, dhaqanka iyo afka ba.Waxay ka mid yihiin bulshooyinka la isku yiraa Kushiitiga ee dega Barriga Afrika. Haddaba, intaan ka ogow xiriirka ka dhexeeya dhaqanka, luuqadda iyo dadka labada qoomiyad ee Soomaalida iyo Rendille.

Inkasta oo xiriirka dhalasho ee ka dhexeeya labadan qoomiyad aysan dood ka taagneyn hadana waxaa jira aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida ay u kala tageen. Dadka Soomaalid ah qaar ayaa sheegay in ay ahaayeen mid ka mid ah qabaa’ilka Soomaalida balse xurguf dhex martay beela kale oo Soomaalida ka mid ah awgeed ayay uga guureen dhulkii hore ee ay degenaayeen, iyaga oo degay dhulka ay hadda degaan. Laakiin ma ahan la hayo cadeymo xoogan oo lagu dhisay, ama taariikh qotodheer oo faahfaahineysa sida ay Soomaalida iyo bulshada Rendille ay wax uga dhaceeyaan.

Laakiin waxaa xaqiiqo ah in ay iyaga iya Soomaalidu hal meel kasoo wada jeedaan oo ay yihiin qabiilolo fac ahaan siman isla markaana weligoodba gooni ahaa. Waxay ku wada af tirsadaan bulshooyinka Kushiitiga oo ay wadaagaan qowmiyadda Oromada iyo kuwa kale.

Rendille waa dad dhaadheer oo dhuudhuuban sida Soomaalida iyo qabaa’illada kale ee Kushitigga la isku yiraah. Waxay isugu jiraa maarriin iyo madow sida Soomaalidaba.

Wajiga iyo sanqaroorlka aan ballaarnayn ee dadka Rendille waa mid ka mid ah astaamaha ugu horeeya ee muujinaya qaab dhismeedka wajiga ee ay Soomaalida wadaagaaan.

Sida ka muuqata sawirka sare waxay leeyihiin timaha Afrikaanka ee jileeca xiga sida kuwa Soomaalida oo kale, balse waxay sidoo kale leeyihiin timaha isku dhafan sida qoomiydaha baantuuga oo kale.

Dhaqanka reer guuraanimada ee Rendille iyo Soomaalida

Getty Images

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Sida Soomaalida, bulshada Rendille waxay dhaqdaan geella

Rendille waa dad reer guuraa ah isla markaana xoolaha dhaqda si la mid ah Soomaalida. Waxay dhaqdaan saddexda nooc ee Soomaalidu ka dhaqato xoolaha oo kala ah Geela, Lo’da iyo ariga.

Si la mid ah Soomaalida, Rendille ma aha bulsho magaalo waxayna u badan yihiin miyiga maadamaa ay xoolo dhaqato yihiin, waxayna xilliyada kala duwan ee sannadka u guuraan meelo kala gedisan oo isla deegaanka ay ku dhaqan yihiin ah, si ay xoolahooda ugu raadiyaan daaqsin iyo biyo.

Ragga Rendille waxay xirtaan maro ay sida macawista oo kale u guntadaan balse ay badanaa ka xirtaan meel ka sareysa halka macawista laga guntado iyo mararka qaar mid ay u isticmaalaan sida maradii qaydka la oran jiray ee ay Soomaalidii hore xiran jirtay.

Waranka iyo gaashaanku astaan kale oo ay caan ku yihiin ragga Soomaalida iyo Rendille labaduba.

Getty Images

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Raga iyo dumarka Rendille ayey labaduba xirtaan kuul fara badan oo ay ku xirtaan meela kala duwan sida, luqunta cukurrada, jinta iyo dhexda. Mararka qaar waxay jeeni qaarsadaan kuul dheer oo midabbo kal duwan leh.

Dumarka Rendille waxay xirtaan garays iyo maro kale oo ay u isticmaalaan sida guntiinada. Si la mid ah ragga, Rendille dumarkooduna waxay xirtaan kuulo aad u badan oo ay ka raariciyaan qoortooda ilaa garbaha. Kuusha oo ah nooca yaryar balse loo farsameeyay qaabka suunkii hore ee Soomaalida ee jaclaha la oran jiray ayey ku xirtaan gacanta ilaa jinta.

Isla kuusha ayey dumarku ka samaystaan koofiyad inta badan ka bannaa qaybta sare ee madaxa.

Dhagaha ayaa u duran dumarka Rendille badankood waxaana ugu jira dhagadhago u samaysan sida fargashiga.

Waxay leeyihiin ciyaro dhaqameed u eg dhaantada, taas oo raggu ay guuxaan halka dumarku ay heesaan. Xilligan casriga ah oo baraha bulshadu isku xiraan dad badan oo aan awal xiriiri karin ayey dadka Rendille ee magaalooyinka dega waxay aroosyada ka shidaan heeso Soomaali ah.

Luuqadda bulshada Rendille iyo sida ay isugu dhow yihiin Soomaalida

Getty Images

Qoraalka sawirka,,Gashaantiga Rendille

Waxyaabaha soo jiidashada leh ee ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Soomaalida iyo Rendille wa afka. Waxa baraha bulshada kusoo badanaya da’ yarta Rendille ee ka hadla sida ay isugu dhowyihiin afafka Soomaaliga iyo Rendille.

Waxaad sidoo kale arkaysaa Soomaali ka hadlaysa ama qof Rendille ah kala sheekaysanaysa erayada isku midka ah labada af, waxaadna ogaanaysaa in afkani uu yahay afka aan Soomaaliga ahayn ee ugu soo dhow.

Bal isku day inaad fahanto maahmaahdan afka Rendille ah: "Beene ma jebto eehicheeda jeba”.

Sidan ayey ka dhigan tahay Afsoomaaliga : ”Beeni ma jabtee ehelkeedaa jaba. Waxaan filayaa inaad soo dhaweysay amaba aad garatay.

Tanna bal isku day ”Faraas lama mislekorto”, tani waxay ka dhigan tahay laba faras hal mar la islama fuulo, balse erayada ‘lama’ iyo ‘korto’ ayaa sida ka muuqata ah erayo ay ‘laba’ iyo ‘fuulis’ u adeegsadaan Soomaalida koonfurtu.

Jumlooyinka hoos ku qoran dhanka bidix waa af Rendille midigtuna waa af Soomaali, eeg sida ay isugu midka yihiin:

Bal kaalay >> bal kaalay

Kaalay inta fadhiiso >> kaalay halkan fadhiiso

Waxaas keen >> Waxaas keen

Madax ibolkha >> madaxa ayaa i xanuunaya

Argaba qabaa >> Hargabbaan qabaa

Si kastaba há ahaatee, afka Rendille wuxuu aad ugu dhow yahay lahjadda Soomaaliga ee Maayga marka la eego erayada iyo qaabka jumlooyinka loogu dhawaaqo. Balse waxaad sidoo kale ku arkaysaa erayo aad garanayso in ay yihiin kuwa aan afka Soomaaliga ee casriga ah aad loogu adeegsan, walow laga isticmaalo deegaanka Geeska Afrika meelo ka mid ah.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip