Mushaarka iyo Dowladda Hoose.!!!!! WQ:Prof. YAHYE AMIR

0
Tuesday September 05, 2023 - 16:15:09 in Wararka by
  • Visits: 1382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mushaarka iyo Dowladda Hoose.!!!!! WQ:Prof. YAHYE AMIR

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 

Si aan ugu soo gadano Omo aan dharka ku dhaqano iyo waxyaaba kale.

 

Sidii Marba Qeyb loo jarayay ayaa waxaa noo haray 10 Sh.So.

 

Bishiiba.

Mar kaliya ayaan Idaacaddii Kacaanka ka maqalnay, Ardayda Jaamacaduhu waxa ay Go’aan ku gaareen in ay 10 kii Sh.

 

So ee u hartay ay ugu deeqaan Jabhadaha Xaq u dirirka ah ee Somali Galbeed Bil kasta, sidaa ayeyna ku dhamaatay.

Habeenkii waxaan ka soo wada baxnay Qolalkii Jiifka ee Jaamacadda.

 

Waxaan ogaanay in Ardaydu ayna Go’aankaa gaarin.

 

Laakin lagama hadli karin oo waxaa laguugu Tiimbareeynaa Kacaan diid.

Lacagtaa 10Sh.So.ah Ardaydu waxa ay Habeenkii Cambuulo uga Cuni jireen Bushashaka u dhaw Jaamacdda.

 

Qaar ayaa Deeyn looga lahaa Bushashaka sidda Bushkii Islaantii la dhihi jiray Gofeerno.

 

Kuwa kale ayaa lacagtaa u isticmaali jiray in ay Jimacaha Gaadiid uga soo raacaan si ay Magaaladda iyo Qoysaskooda ugu Jimceystaan. .

 

Habeenkaa lama seexan oo deyn ayaa Bushashaka naloogu leeyahay, Lamana Hadli karin oo kacaankaa laga Baqayay.

Ar Shaqaalaha Dowladda Hoose yaa ka waramo, ma xumo in Lacag lagu deeqo Difaaca Dalka.

 

Dowladda hoosena ma aqoon yaro oo waa ogtahya in Mushaarka Shaqaalaha qaar Xatta aan Cashuur laga jari karin wixii ka hooseeyo Xad Go’an.

 

Ma filayo in Islaamaha Dhulka nadiifiyo ee Mushaarkoodu xadkaa ka hooseeyo laga jari karo, waxa kale oo jiro shaqaale ah kuwa loo yaqaan ( Hand to Mouth) waa Dadka wixii ay Maalintaa shaqeystaan Habeenkii Cuno oo aan leheyn wax keyd ah. ( F.S:1-2aad)

Ar yaa iiga ogaal roon, oo wax iiga sheegi karo, sharciga loo Cuskaday?

FG: Wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar

Qore:-Yahya Amir

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip