Maxaad ka taqaan taariikhda Axmed Naaji Sacad

0
Tuesday September 05, 2023 - 16:49:01 in Wararka by
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan taariikhda Axmed Naaji Sacad

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

XIGASHADA SAWIRKA,HIIRAAN ONLINE

Qoraalka sawirka, Axmed Naaji

Axmed Naaji

Shalay waxaa magaalada London ku geeriyooday allah u naxariistee Axmed Naaji Sacad oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaiyeed kuwooda ugu caansanaa.

Axmed Naaji ma ahayn oo kaliya heesaa ku luuqeeyaa heesaha ee wuxuu ahaa mulaxamiistee, muusikiistee garaaca inta badan noocyada muusigga, isla markaana akhriya farta muusigga, iyo mu’allif miraha curiya.

Kuma uusan koobnayn fanka banaadiriga ee wuxuu kaloo ka qayb qaatay fanka guud ee Soomaalida.

"Anigoo yar ayaan bartay Axmed Naaji wuxuuna fankiisa ka soo bilaabay gobolka Banaadir. Waxaa jiray koox samayn jirtay heesaha banaadiriga, halkaas ayuu fanka ka soo bilaabay” ayuu BBC u sheegay Cabdulqaadir Nuuraani oo ka mid ah hobollada fanka banaadiriga, iminkana qurbaha ku nool.

Axmed Naaji qudhiisa ayaa goor sii horreysay waraysi uu siiyey barnaamijka Youtube-ka laga daawado ee Ha Noolaato wuxuu ku sheegay in jacaylka fanka uu ku billowday xilligii dhaqdhaqaaqii gobanimo doonka ee SYL, markaas oo fanaaniin ay ka mid yihiin Qaasim Hilowle iyo Suufi Cali ay ka tumi jireen heeso guubaabo ah dirisiyoonkii leegada.

"inta aysan madaxda leegada imaan ayaan ka mid ahaa dhallinyarada dadka sii maaweeliya” ayuu yiri Axmed Naaji oo taariikhdiisa ka hadlayey.

Wuxuu BBC kala qayb qaatay barnaamijyo gaar ah
Qoraalka sawirka,

Wuxuu BBC kala qayb qaatay barnaamijyo gaar ah

"Waxaan ku dhashay Degmada Shibis oo waagaas la dhihi jirey Bilaajo Carab 1939kii. Iskuulka iyo dugsiga quraankaba Muqdisho ayaan ku dhameeyey” ayuu yiri isagoo ka hadlayey carruurnimadiisii, wuxuuna intaa ku daray in xilligaas iskuulka lagu samayn jiray riwaayado yaryar.

"1954kii ayaan si rasmi ah u bilaabay fanka, waxaana xilligaas la qaadi jiray heeso waddani ah, heesaha qaarkoodna waxaa lagu qaadi jiray af-carabi” ayuu yiri allah u naxariistee Axmed Naaji Sacad.

Wuxuu ka mid ahaa Axmed Naaji Sacad fanaaniin aan badnayn oo garaaca nooc kasta oo muusikada ah, wuxuuna sidoo kale bartay akhrinta farta muusigga.

"Wuxuu ku fiicnaa garaacidda kabanka ama cuudka, markii dambena wuxuu ku darsaday inuu tumo oorganka. Marki uu Axmed Naaji fankiisa hanaqaaday ka dib waxaa iyagana fanka soo galay dad ay ka mid yihiin Cantar Naaji iyo Cali Naaji oo walaalihiis ah, Siciid Cabdalla, iyo Maxamuud Cabdalla Jeeri” ayuu yiri Nuuraani oo BBC uga warramayey taariikhda faneed ee Axmed Naaji Sacad.

Halkaas waa halka ay ka aasaasantay kooxdii caanka ahayd ee Shareero. Wuxuu kaloo ahaa Axmed Naaji madaxa qaybta muusigga ee golaha murtida iyo madadaalada, iyadoo lagu xusuusto inuu isku dubbaridi jiray hoballada qaranka marka la doonayo in fanaaniinta iyo muusikiistayaasha oo dhan ay masraxa dushiisa ka heesaan.

Inta badan qalabka Muusikada ayuu garaaci jiray
Qoraalka sawirka,

Inta badan qalabka Muusikada ayuu garaaci jiray

Waxaa kaloo jiray riwaayado uu allifay, "sida jacayl faqiir galay ma fududa, sir iyo socdaal Jacayl, iyo maxkamaddii jacaylka”, isagoo qaar kalena muusigga iyo laxanka u sameeyey.

"Loollan ayaa naga dhxeeyey kaasoo fanka Banaadiriga dhexdiisa ah” ayuu yiri Cabdulqaadir Nuuraani oo ka hadlayey waxa uu ku xusuusto Allah u naxariistee Axmed Naaji Sacad, wuxuuna intaa raaciyey inuu aaminsan yahay in Axmed Naaji uu da’ sagaashanaad galay markii uu geeriyoonayey.

Waxaa aad loogu xusuusta in xilligii Axmed Naaji ugu fiicnayd fankiisa uu soo saaray fanaaniin rag iyo dumarba leh oo ay ka mid yihiin Allah u naxariistee Faadumo Qaasim Hilowle iyo Caasho Cabdow oo ay heeso badan wada qaadeen.

Markii uu dalku burburay wuxuu u qaxay qurbaha, wuxuuna muddo ku noolaa dalalka Carbeed ka hor intii uusan u hayaamin qaaradda Yurub oo uu hadda ku geeriyooday.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip