Prof. Yaxye Amir : Maalintii iigu horeysay Dugsiga Hoose.+Video

0
Sunday September 03, 2023 - 15:22:12 in Wararka by
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof. Yaxye Amir : Maalintii iigu horeysay Dugsiga Hoose.+Video

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 

Waxa uu igu yiri: waan kuu ogolahay ee Hooyo u tag.

Hooyo ayaan u tagay, waxa ay iibisay Macawis waa igu weyneed, Laba ayaa loo kala jaray.

Qeyb aan Dugsiga Qur’aanka ku aado iyo qayb aan Isgoolka ku aado.

 

Aad aayaan ugu faraxay, Qeydkii cadaa ee Duugga ahaana waan iska dhigay, waxaana ugu talgalay in aan Habeenkii ku seexdo.    Waxaan Jalamad Biyaa ka soo qaatay Ceelka, waan ku qubeystay, Madaxa ayaa la iga xiiray, Subag ayaa la ii mariyay, Shaatigeygii Halka Galuus lahaa ayaan qaatay, Laakin Kabo ma qabin.

Hooyo ayaa Gacanta iga qabatay.

 

Wax ay i geeysay Isgoolkii, waxaa la qoray Magaceygii, waxaa la i siiyay Hal Buug iyo Qalin.

 

Buugaa wax kasta ayaad ku qoranee, haddii uu kaa buuxsamo Goome ayaad ku tirtiree Buugga oo dhan.

 

Si aad Dib wax ugu qorato Sanadka Dambe.

Isguulkaa markii Dambe Dowladdii Kacaanka ayaa ugu Magac dartay Abkoowgeey.

 

Dugsiga Hoose dhexe ee Sh.

 

Ibrahim.


Dhinaca kale Hayadda Jarmalka ee DBG ayaa Dugsi Hoose/dhexe ka dhistay Tuula kale.

Tuuladdaa oo Aabe Asaasay wax badanna uu u qabta si uu u magaaleeyo.

 

Hayaddii Jarmalka ayaa Isguulkii ugu magac dartay Aabe.

 

Dugsiga Hoose/ Dhexe ee Sh.

 

Caamir.

 

Waxaan ku faraxsanahay in Aabe iyo Abkoow lagu magacaabo Labo isgool, Shaqadii Dar Alla ay u qabteen darteed.

Hambalyo

Waxaan u Hambalyeynaa Ardaygii Go’aansaday in Lacagtii loo siiyay in uu ku aado wax barashada heerka labaad ee Jaamacdda in uu go’aansaday in Lacagtaa uu isgool ugu furu Ardaydii ka soo qaxday Deegaanddii Labadda Dugsi ay ku yiileen Dagaaladii kadib, kuna bilaabay Hal Qol, kadibna uu horuumariyay, ilaa uu gaaray in hadda ay ka qalin jabiyeen dufcaddii ugu horeysay ee Dugsiga Sare ee Al Qalim.

 

Ardaygaa iyo intii Howsha la soo qabatay waxa ay mudan yihiin Xushmad Sare.

https://fb.watch/mOxN5aCtk4/?mibextid=6aamW6


Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip