HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGYESKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA AGOOSTO 2023-KA

0
Monday August 21, 2023 - 08:17:10 in Wararka by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGYESKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA AGOOSTO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

RW Xamse Barre oo arrin gaar ah kala shiray 12 Wasaaradood

R/Wasaaraha XJFS,Md Xamsa Cabdi Ba rre, ayaa guddoomiyey kulanka wadatashiga Soomaaliya ee ku saabsan u diyaargarowga shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka (COP 28), kaas oo ay ka qeyb galeen 12 Wasaarado od oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee xakam eynta iyo wax ka qabashada saameynta isbe ddelka cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wa saaradaha iyo hey’adaha kale ee qeybta ka ah, inay la yimaadaan aragti mideysan iyo xalka dhibaatooyinka ay sababaan isbeddelka cimi llada, kuwaasi oo lagu soo bandhigi-doono Shi rka Isbeddelka Cimilada Adduunka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddel ballaa ran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dha afay, taasoo ay sabab u tahay roobabkii oo yar aaday iyo wabiyadii dalka oo biyo yareeyay.

Sidoo kale, R/Wasaaraha JFS ayaa korm eerey xarunta Wasaaradda Deegaanka iyo Isb eddelka Cimilada oo uu ka dhacayay shirka, waxuuna bogaadiyey horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Wasaaraddu muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Aadan Yabaal

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo xubno uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Aad an Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha ayaa waxaa halka asi ku soo dhawee yay Senator Axmed Maxamed Cali (Afcadey) iyo Saraaki isha Ciidamada ee halkaasi degan.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ay ciida mada ku leeyihiin degmadaasi, isagoona ciid amada ku dhiirigeliyay shaqada ay qaranka u hayaan.

Taliyaha ayaa sheegay in safarkooda Aad an Yabaal uu la xiriiro dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab. Muhi imadda safarkaygu waxay ahayd dhiirigelinta mujaahidiinta dhiigooda, naftooda iyo maalk oodaba u huray, sidii ay dadkooda iyo dalkoo da uga xoreyn lahaayeen kooxda qowleysata da ah ee Al Shabaab.” Ayuu Taliyuhu ku sheeg ay bartiisa Facebook.

Awoodeenna iyo maskaxdeenna oo dhan waxaan isugu gaynay ciribtirka Khawaarijta, da dkeennu way na garab taagan yihiin.” Ayuu sii raaciyay Taliyuhu. Taliyaha ayaa waxaa safar kan ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Xarunta Tubsan, Cabdull aahi Maxamed Nuur.

Mudaharaad loogasoo horjeedo xariga Gen. Sheegow oo Muqdisho ka dhacay

Mudaharaad ballaaran oo loogasoo hor jee day xariga Dowladda u geysatay Axmed Cali Sheegow oo loo yaqaano Gen. Sheegow, ayaa Shalay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.Dadka mudaharaadayay ayaa wax ay hakad galiyeen isku socodka dadka iyo gaa diidka, inkastoo markii dambe ciidamada dow ladda oo adeegsanaya rasaas nool nool ay ku kala eryeen mudaharaadyaasha.

Qaar kamid ah oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen, in Gen. Sheegow uu sharci darro ku xiran yahay, loona adeegsaday hab qabiil. Waxay madaxweynaha ugu baaqeen in uu si degdeg ah xoriyadiisa ugu soo celiyo.

Mudaharaadyaashu waxay sheegeen inay sii wadayaan mudaharaadka illaa iyo inta lagasoo daynayo Sheegow.

Lama soo sheegin khasaare nafeed ah oo ka dhashay mudaharaadka, inkastoo dadka mu daharaadayay ay waxyeelo u geysteen waddoo yinjka, iyagoo taayaro ku gubay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka furay shirweynaha ansaxinta Istiraatiijiyada Qaranka ee isku-xirka xiriirka warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane, Daa’uud Aways Jaamac ayaa Shalay Muqdisho ku daah-furay shirka an saxinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee isku-xirka xiriirka warbaahinta ee hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay soo maray heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn la gu wadaa in lagu meel mariyo qorshaha istiraat iijiyada Qaran ee isku xerka xiriirka warbaahin ta ee hay’adaha dowladda fedaraalka, dowlada ha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir si bu lshada loo gaarsiyo arakti midays an.Munaas abadda furitaanka shirka ansixinta waxaa ka soo qeyb-galay wasiirrada Warfaafinta dowlad gobolleedyada, agaasimaha guud ee wasaar adda Warfaafinta mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale, agaasinka guud ee gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah ururada warbaahinta iyo ku wa bulshada

Madaale oo ka hadlay dibad-baxii Shalay, amarna siiyay maamullada degmooyinka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka had lay dibad-baxyo Shalay ka billowday magaala da Muqdisho, kuwaasi oo ay dhigayaan dadweyne ka careysan xarigga Jeneraal Sheegow oo ay Dorraad soo xireen ciidamada ammaanka ee dowladda.doomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yususf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay dibad-baxyadaasi, wuxuuna sheegay in laga

baaqsan karay khasaaraha ka dhashay dibad-baxyadii Shalay ka dhacay caasimada.

Madaale ayaa sheegay in dastuurka uu shac abka u baneynayo in banaanbax nabadeed ay ku muujiyaan rabitaankooda, hase ahaate ay ka reeban tahay mid rabshado wata oo wax lag u gubo, laguna burburiyo.

"Waa nasiib darro in wax lagu gubo oo lagu baabi’iyo hanti umadeed, waddooyinkii hal dol lar dalkaaga ku dhiso ku dhiseynay ee shacab ka iska kaashanayeen waa nasiib darro. Wax aa ka digeynaa in dhaqanka noocaas ah nagu soo laab laabto,” ayuu yiri guddoomiye Mada ale.

Waxa uu intaas kusii daray "Waxaa leenah ay banaanbixii Shalay wixii ku halaabay waxaa aaminsanahay inay aheyd wax laga maarmi karayay.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Jeneraalka dartii loo dibadbaxayay uusan ku jirin gacan cadow, ee dowladiisa u xir an yahay uuna helayo wixii cadaaladda u goyso.

"Muwaadinka sababtiisa banaanbaxa loo sa meynayay gacanta dowladda ayuu ku jira, ga can cadow kuma jiro oo dowladdana waxay sii neysa xuquuqda uu leeyahay, wuxuu sharciga ka helo ayuu helayaa.”

"Uguma horeyo ugumana dambeyn doono, cidkasta oo muwaadin ah oo Soomaali ah oo dowladda ay aado waxaa aaminsahay inay ka warsugaan ehelka, asxaabta iyo kulliba laga warsugo wixii sharciga wixii uu ka helo. Garsoo rka iyo hay’adaha amnigana waxaa aaminsan ahay in aysan ku xadgudbj doonin.”

Waxa uu faray maamulka degmooyinka gobo lka Banaadir inay sida ugu dhaqsaha badan u ga howl-galaan khasaaraha ka dhashay dibad-baxyadii Shalay iyo sidii wax looga qaban lahaa.

"Waa in kormeer lagu soo sameeyo goobihii wax ka dhaceen, guddoomiyeyaasha degmoo yinka waa in si deg deg ah wax uga qabtaan burburka iyo nadaafad darada meesha yaalla. Waxa kale oo leeyahay aan sharciga ku kals oonaano oo sharciga sugno

wax nooga halaabi doono ma jiraan.

Sweden oo soo masaafurineysa Kumanaan Qaxooti kasoo jeeda Somalia & dalal kale

Xukuumadda haatan ka jirta dalkaasi Sweden ayaa adkeysay Siyaasadda socdaalka Muhaajir iinta iyo soo-Galootiga ku sii qulqulayo gudaha dalka Sweden.

Hay’adda Socdaalka ee dalka Sweden(Migrationsverket) ay aa sheegtayin la soo masa afurin doono Kuman aan Qaxo

otiga la diiday Codsiyado oda Magange lyo-doonka, kuwaasi oo go’aansaday inay iskooda ugu laabtaan dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Tirada Qaxootiga ugu yar ee la soo taxiili doono ayaa ka soo jeeda dalka Soomaaliya, halka Tirada ugu badan ay ka soo kala jeedaan dalalka Iraq, Iran iyo Afghanistan.

Waddanka Sweden oo ay ku nool yihiin ilaa 9.8 million oo qof ayaa ka mid ah dalalka Europe ee qaatay Tirada ugu badan Qaxootiga ku qulqulayo Qaaradda Europe

W/Arrimaha dibadda XFS oo tababar u soo xiray 106 dibloomaasi oo ka qalin jabiyay

Mac-hadka Diplomaasiyada iyo Habmaamuuska Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Mudane Abshir Huruuse ayaa tababar u soo xiray 106 dibloomaasi oo ah horrintii 11-aad ee ka qalin jabineysa Mac’hadka diploma asiyada iyo Habmaamuuska Qaranka ee Was aaradda Arimaha dibadan.

Diblomaasiyiinta Shalay qalin jabisay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano, Senetaro, La-tali yeyaal, Masuuliyiin, Shaqaalaha Dawlada, iyo Masuuliyiin ka socday maamul Gobaleedada Dalka ayaa ka kala socda xafiisyada Madaxt ooyada Somaliya, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasaa radaha dalka, iyo Maamul Gobaleedyada Dal ka. Ma’hadka diplomaasiyada iyo Habma amu uska Qaranka ee Wasaaradda Arimaha diba dan ayaa sanadkiiba soo saara illaa Afar dufc adood oo u tababaran Diblumaasiyada iyo hab maamuuska qaran oo loo diro Safaaradaha aynu dalka dibadiisa ku leenahay iyo xafiisyada sar sare ee dalka.

W/xigeenka W/Shaqada iyo Arrimaha Bul shada oo Shalay daah-furay diiwaan-gelinta shaqaalaha KMG ah

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya madane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa Shalay daah-furay diiwaan-gelinta shaqa alaha KMG ah ee dowladda

https://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_76F7AC-49EEEE-2E4E1B-712ACC-0099F4-4B276B.png&h=210&w=210Wasiirka ayaa sheegay in ujee dkatirakoobka shaqaalaha KMG ay tahay sidii loo dul-ista agi lah aa shaqaalaha shaqeeya ee xuquuqda dowladda ka qaato iyo kuwa iska maqan ee waxna qaban,waxa uu tilmaamay in Habraacyo guddiga ay dajiyeen la marsiin doono shaqaalaha KMG si aan loogu xad gudbin.

Wasiir kuxigeenka waxa uu sidoo kale sheegay in wixii ka dambeeyay 2016-kii dowlada aysan waxa shaqaalaha qaadan taa oo sii kordhisay shaqa la’aanta ka jirta dalka,shaqaalaha KMG ayuu u sheegay in aysan jirin cid ku xad-gudbi karto wasaaradda iyo guddigana ay mas’uu liyad ka saaran tahay.

Wasaaradaha dowaladda soomaaliya ayaa waxa marka laga reebo shaqaalaha u diiwaan gashay dowladda ay jiraan kuwa KMG ah oo in mudda ah shaqeynayo dowladana ka qaato Gunno

Wasiir Ku-Xigeenka W/Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka wadamada G20

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafi maadka XFS Xildh. Dr. Mohamed Hassan Moh amed Bulaale oo ka qaybglaay shirka wadam ada G20 ayaa la kulmay Wasiiradda caafim aadka Dalalka Ind ia, Singapore, Brazil, Maraykanka, Germ any, South Africa, Russia, Laos iyo Agaasim aha Gu ud ee Hay’adda Uqaabilsan Qaramadda Midoo be Arrimaha Caafimaadka ee WHO.

Wasiir ku xigeenka oo qudbad kooban ka jeediyay madasha ayaa sheegay in wadamad da afrika oo ay Soomaaliyana kamid tahay ay hadda maalgelin iyo iskaashi farsamo lasamay nayaan adduunyadda si horumar looga sam eeyo kaabayaasha horumarinta adeegga caaf maadka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adke eyay in wadamadda caalamka in ay si wada jir ah isaga kaashadaan in xal waara laga gaaro caqabadaha saamaynta ku leh horumarinta adeegga caafimaadka oo adub dhexaad ah u ah jiritaanka bani aadam caafimaad qaba.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa qayb wayn ka aheed dhawr Wasaaraddo Caafimaad ka oo lagu casuumay shirkaan wayn oo ay ka soo qayb galaan wadamada ku midoo bay Urur ka G20, Qorshayaasha sida xoogan looga doo ay waxaa ka mid ah sidii loo dhimi lahaa qiim aha Daawada ee taalo suuqa Caalamka gaar ahaan dalka turkiga oo inta badan laga soo iibi yo daawadda la keeno Africa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay banaanbaxayaal Shalay lagu rasaaseeyay Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Baarla maanka fedaraalka Soomaali ya ayaa si adag u cambaaree yay rasaas Shalay ciidamada dowla dda ay u adeegsadeen banaanbaxayaal kasoo horjee day xariga Jenaraal Axmed

Cali Sheegow oo ka dhacay magaalada Muqdisho. https://hiiraan.com/2023/thumbnail/Aug/2023820638281249680932071.jpg

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u dhaliilay hann aankii Dorraad ciidanka dowla dda Soomaaliya ay usoo xir een Jenaraal Shee goow oo uu ku tilmaamay hab ka baxsan nidaa mka dowladnimada.

War qoraal ah oo uu bartiisa Facebook soo dhi gay Xildhibaanka ayuu ku sheegay in Sheeg oow uu yahay Sarkaal ciidan, islamarkaana loo baahna in amarka soo qabashadiisa ay bixiso Maxkamad.

"Waxaan cambaaraynayaa rasaasta la huwiyey mudaaharaadkii Shalay Muqdisho ka dhacay. Raali kama ihi rabshadaha iyo dhagax tuurka dibadbaxayaasha, waxaase ka halis wayn adeegsiga rasaasta nool.

Dhaqanka askarta soo qabatay mid la daa faci karo ma ahayn, waxaase indhaha looga laabanayey dagaalka ay dawladu argagexisada AS kula jirto" ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxm aan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in falka Shalay ku rasaaseeyeen ciidamada dowladda dadka dibadbaxaayay uu yahay gabood fal oo ilaa haddana aysan ka hadlin dowladda Feda raalka. "Haddii xaalku gaaray in dibad baxayaal la rasaaseeyo, ilaa iyo haatanna aysan dawla ddu ka hadal, waxaa nagu waajib ah in aan cadd ayno inuu gaboodfal yahay falka Shalay lagu kacay. Igama aha in aan daafacayo dibad-bax ayaal la rasaaseeyey oo keli ah, ee waxaa iila jira inaan xuquuqdayda ka difaaco bawdka banaankiisa, si tani aysan u noqon wado halaq mareen" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaa nka.

19-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2021 ayay aheyd markii sidaan oo kale rasaas la huwiyey banaanbaxayaal ka soo horjeeday dowladdi hore ee Maxamed Cabdullaahi Farm aajo oo qeyb ka ahayeen siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid ahayeen Cabdiraxmaan Cabdisha kuur, Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Somaliya oo soo saartay Ammar lagu mamnuucayo TikTok iyo aalado kale

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo baraha bulshada ee Tiktok, Telegram iyo 1XBET.

Arrintan ayaa la go’aamiyay kaddib Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda dowlad da Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa shir guddoomiyey shirka.

"Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku how lantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka sub ban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticm aalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah

Xubin ka Tirsanaa Alshabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Isxaaq Mayow Mohamuud oo Alshabaab looga yaqaano (Sayib) ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

https://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_18001B-7C5839-39B3DA-50F919-94342B-BAF27D.jpg&h=210&w=210Isxaaq Mayow ayaa Mudo Af ar sano ah la sheegay in Alsha baab uu u qaabilsanaa Jabha da isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo dhowar ah oo ka dha cay Qeybo ka mid ah Gobo lada Sheellaha hoose, Hiiran, Gedo,Jubboo yinka iyo Deegaano kale.

Wuxuuna kahadlay Sababta ku kaliftey in Alshabaab isaga soo baxo,wuxuuna sheegey in isaga uu go’aansaday in uu is soo dhiibo

Ugu dambeyn wuxuu Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Alshabaab in ay isaga soo ba xaan ay Isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda.

Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaradda Isgaarsiin ta. "Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xil ligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tik tok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciy aaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yee shay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood

keenay in ay nafta ku waayaan.”


Dalxa oo DF u diray dalab la xiriira arrinta

Xildhibaan hore SHEEGOW

Maxamed Cum ar Dalxa oo ka mid ahaa baarlamaankii hore ee dalka ayaa ka hadlay arrinta Jeneraal Sheegow oo ay Dorraad soo xirtay dowladda Sooma aliya, kadib dagaal culus oo ka dhacay deg mada Dharkenley.

Ugu horreyn Dalxa ayaa u jawaabay taliska Booliska Soomaaliya oo Dorraad sheegay in Sheegow aanu aheyn Jeneraal ee uu yahay Kabtan hore oo ka tirsanaa Xoogga dalka.

Dalxa ayaa ka horyimid halkaasi, wuxuuna sheegay in Sheegow uu yahay Jeneraal uu horay u dalacsiiyay madaxweynaha Soomaa liya, Xasan Sheekh Maxamuud.

"Afhayeenkii booliska ee ku hadlayay ma gaca hay’adaha amniga shirkii jaraa’iid ee uu qabtay wuxuu ku sheegay in Jeneraal Shee gow aanu aheyn Jeneraal ee uu yahay kabtan arrintaasi waxaan oran lahaa sida uu u dhigay ma’aha Sheegow inayaa Jeneraal yahay sarr reeye guuto madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa gacantiisa ku magacaabay oo dala caadaasi u saxiixay” ayuu yiri Maxamed Cumar Dalxa.

Dhanka kale, Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay xa afadda Kaawo Godey, wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay arrintaan guddi u xilsaarto, si xaqiiqada loo gaaro.

Shirkad caalami ah oo ka dhiseysa Soom aaliya dekad ay ku kaceyso $366 milyan "Wax aan ka codsaneysaa dowladda federaalka in guddiga xaqiiqo raadin ah ay u saarto oo ka ko oban baarlamaanka guddigiisa cadaaladda iyo amniga iyo xukuumadda oo ah hay’adda fulinta waa inay daba galaan waxa sababay dagaalka asi” ayuu raaciyay,

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Dorraad afhayeneka Booliska uu sheegay in Sheegow uusan hadda ka tirsaneyn ciidamada dowladda, balse uu ahaa Kabtan hore, wuxu una ku eedeeyay inuu gabaad siin jiray bur cadda.

"Shaqsi magaciisa lagu sheegay Sheegow oo ahaaan jiray kabtan ka tirsan ciidanka Xoo gga dalka Soomaaliyeed, laakiin Shalay aan ka tirsaneyn ayay ciidankaasu gurigiisa joogeen markii lasoo qabtay oo la xiray ayaa shaqsigii wuxuu soo abaabulay ciidankii kaleeto, si uu amnigii & xasiloonidii uu khalkhal u geliyo” ay uu yiri afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in soo dhaweyneyso Xubnaha ka imaanaya Alshabaab

Xarunta ka hortaga iyo la dagaalanka fikrad aha xagjirka ah ee Tubsan ayaa soo bandhi gtay fursad cusub oo dagaalamaaysha Al-shab aab ay kaga faa’ideysan karaan xeerka cafiska, iyagoo isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.Bayaan kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha xarunta Tubsan ayaa lagu shee gay in dhammaan xubnaha kooxda Al-shabaab ee doonaya iney kasoo baxaan Al-shabaab, isl amarkaana isku soo dhiibaan dowladda iney la soo xiriiri karaan Nambaro gaar ah oo ay xa runta diyaarisay in lagu caawiyo.

"Argagixisadu kalama jecla inaad dhimato ama aad silic ku noolaato, waxay kuugu yeeray aan inaad daadiso dhiigga sha cabka Soomaaliyeed oo 100% Muslim ah ama uu kaagu daa

too, taas oo adduun iyo aakhiro beel ah. Balsedowladdu waxau had iyo jeer diyaar u tahay inay kaa caawiso sidii aad nolol iyo mustaqbal fiican u heli laheyd. Haddaba kasoo laabo la jirka iyo fikradaha argagixisada oo ka faa’iideyso furs adda cafiska ee dowladda Soomaaliya kuu fid isay” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xar unta qaran ee Tubsan.

Bayaanka xarunta Tubsan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xubnahii isku soo dhiiba dowl adda ay heli doonaan fursado ay kaga mid noq on karaan buslahada caadiga ah, waxaana si doo kale bayaanka loogu baaqay Waalidiinta Caruurtooda ku jiraan Al-shabaab iney la soo xariiraan xarunta, islamarkaana la dhowri xogta xubnaha isa soo dhiiba, waa sida lagu yiri bay aanka Tubsan

Golaha Wasiirada Hirshabelle Oo Kulankii Ugu Horeysay Ku Yeeshay Cadale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirsh abelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Gudoomi yay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo Shalay ka qabsoomay Degmada Cadale.

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybga liyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabee lle ee kasoo jeeda Degmada Cadale iyo Gudo omiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Hir shabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dee gaanada Hirshabeelle, Dadaallada Xalinta Khil aafaadka, Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrim aha Xasilinta Deegaanada Hirshabeelle,

Dhismaha Golayaasha Deegaanka, iyo Dar dargalinta tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dow ladda Hirshabeelle Avv. Cabdullaahi Maxam uud Gacal ayaa Golaha la wadaagay muhiim ada uu Garsoorka u leeyahay Nabadda, daadaj inta hanaanka garsoorka, dhismaha xabsiyo iyadoo Wasaaradda Cadaalada iyo Maxkamad da sare ay iska kaashan doonaan xoojinta Cad aaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagubogaadi yay dadaalada iyo shaqooyinka adag ee ay qabteen Gudigii Nabadeynta ee Golaha Wasiir ada oo Madaxweynaha Magacaabay

 

 

ee ku baxay Dadaallada Xal inta Khilaafaad ee ka jiray deegaanada Hirshabeelle.

Gudoomiye cusub ayaa loo magacabay Maxkamada sare ee maamulka Galmudug ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Ma amulkaas Axmed Ca bdi KaariyeQoorqoor).

 

Wareegtada ayaa la gu xusay in Daa’uud Cali Caddow loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare ee Maamulka Gal mudug.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

 

Faah Faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay Magaalada Garowe

Fah Faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal Habeen hore ka dhacay ma gaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal .

Dagaalka ayaa u dhexeyay Ciidamad Boolisk Puntland iyo Kooxo Hubeysan oo taabacsan Mucaaradka Puntland la dhacay Xaafada Isr aac ee Magaalada Garowe.

Taliye ku xigeenka booliska gobolka Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay sida uu ku bilaabmay dagaalka oo qaatay ku dhawa ad Hal Saac wuxuuna sheegay in dagaalka uu u dhexeeyay ciidamada amniga iyo koox hubeysan oo tegtay saldhigga Israac.

Sidoo lale Waxa uu sheegay marka hore dhacdada ay ka bilaabatay shil gaari oo ay geysteen kooxda hubeysan, kadibna ay isku dayeen inay khalkhal-geliyaan Amniga saldhigga balse ay ka hortageen .

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka , kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay taliye ku xigeenka booliska gobolka Nugaal Puntlnd

Gudoomiyihii degmada Baraawe oo xilka laga qaaday

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Bara awe, Liibaan Abuukar Cismaan iyo ku xigeenki isa labaad, Sahro Abuukar Cali.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa lagu sheegay, sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha in ay tahay, wada shaqayn la’aanta golaha degaanka Bar aawe iyo maamulka degmada Baraawe.

Warqada Xilka ka qaasista ee ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbe ed, ayaa kusoo beegmay, kadib markii golaha degaanka Baraawe ay dhawaan mooshin xil ka qaadis kasoo gudbiyeen guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa labaad.

Sidoo kale , wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xilka guddoomiyaha degmada Baraawe si kumeel gaarka ah u magacowday Cumar Sh eikh Abdi Shafana kaddib markii guddoomiyihii hore ee Degmada Baraawe xilka laga qaaday

Mudooyinkii dambe waxaa Magaalada Baraa we ee Caasimada Dawlad Goboleedka Koofur galbeed ka taagnaa khilaaf dhinaca maamulka ah , waxaana guddoomiyaha xilka laga qaaday lagu eedeeyay inuu isku koobay awoodda maa mulk degmadaas.

Axmed Madoobe Oo Siyaasiyiinta Mucaarad ka Ku Ah Kula Kulmay Nairobi

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Nai robi ee dalka Kenya Shalay kulan kula qaatay Siyaasiyiinta Macaaradka ah ee Jubaland.

Kulankan ayaa lagaga hadlay sidii si wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa hawlgalka lagu xora ynayo Jubaland oo qeyb ka ah Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Waxaa Sidoo kale Madaxweynahu uu Siyaas iyiintan Dowlada ka aragtida duwan ka dhagay stay aragtiyadooda iyo talooyinkooda wax ku oolka ah ee la xiriira Midnimada iyo wadajirka bulshada.

Madaxweyne Biixi: Kuma jirto dimuquraad iyada waa markaygii ee ha la i siiyo kursiga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xisbiyada mucaaradka ah u sheeg ay in ay la tartamaan ururada cusub, isaga oo sheegay in dadku ay xaq u wada leeyihiin in la doorto.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayay shir waynaha xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye oo Shalay ka fu rmay magaalada Burco, ayaa sheegay in doora shooyinka loo raacayo sharciga. "Sharcigu sid uu dhigayo ayaanu u raacaynaa doorashooyin ka,sharciga haddii laga leexdana dalku ma soconayo, xisbiyadii wakhtigii ayaa ka dhacay, mucaaradkana xisbiyo cusub ayaanu wada dhisnay oo baarlamaanka ayay kasoo ogolaad een" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in nidaamka dimuquraadiga ahi aanu ahayn Tooko, ama sa nnadba aan qof loo dhiibayn talada, lakiin kurs iga lagu tartamayo oo kolba cidii ay shacabku doortaan ay madax noqonayso.

"Kuma jirto dimuquraadiyada waa markaygii ee ha la ii dhiibo, ma jirto walaahi hadii markay ga la isiin waayo xabad ayaan ku qaadanayaa, taa rag hore ayuu ugu waayay haku lug gu'in walaalow, qaranku taa kumuu heshiin, dastuur ku muu keenin, iskuma quudhno, af-waayeel maaha" ayuu yidhi Biixi.

Mucaaradka iyo xukuumada Somaliland ay aa wali isku maan dhaafsan sida loo soo kala horaysiinayo doorashooyinka ururada iyo mad axtooyada, iyada oo ay dhawaan guddida door ashooyinku go'aamisay in doorashada ururadu soo horayso taasi oo mucaraadku ka biyo diidanyihiin.

Ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bariga Afri ka oo uu war cusub kasoo kordhay

Xoghayaha guud ee Beesha Bariga Afrika (E AC), Peter Mathuki, ayaa sheegay in Soomaa liya ay tallaabo muhiim ah u qaadday noqosha da xubinta siddeedaad ee ururka.

Mra uu khudbad ka jeedinayay shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, ayaa madaxa EAC wuxuu sheegay

 

in xukuumadda Muqdisho ay ka gudubtay wja iga wada-xaajoodka, wuxuuna rajo ka muujiyay in sanadkan dhexdiisa ay Soomalaiya ku biiri

 

doonto ururka.Kulamo is daba joog ah ayaa lagu qabna doonaa magaalada Nairobi ee dal ka Kenya, Soomaaliyana waa mid ka mid ah ajandayaasha muhiimka ah.

"EAC wuxuu sameeyay howlgal xaiqijin ah oo lagu qiimeynayo sida ay Soomaaliya diyaar ka ugu tahay ku biiridda ururka warbixinta ayaa na lala wadaagay dhammaanba dalalka saaxiib ka la ah. Wada xaajoodyada oggolaanshaha waxay bilaabna doonaan 22-ka bishan ilaa 5-ta September,” ayuu yiri Dr Mathuki.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2012 codsatay ku biiridda ururka, kaddibna EAC ayaa bilaabay howlgalka xaqiijinta bishii January 25, 2023 si loo qiimeeyo sida ay diyaar ugu tahay.

Warbixinta kooxda xaqiijinta ayaa loo gudbiyay madada dalalka ururka kaddibna waxaa loo dhabba galay u kuur gelidda.

Muxuu yahay ururka EAC?

Waa urur goboleed xaruntiisu tahay mag aalada Caruusha ee dalka Tanzania, kaas oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaa reen shan kamid ah todobada dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koofureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September

 

2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Con go ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkii hore. Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga dii day codsigeeda xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, taas oo hakad gashay illaa doorashadii Soomaaliya ka dhacday taas oo uu kusoo baxay madaxweyn aha hadda haya talada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxmuud.

Intaas ka dib madaxweynaha Soomaaliya ayaa bartamihii bishii June ee sannadkii tagay shir madaxeedka Ururkan kaga qayb galay ma gaalada Arusha ee xarunta u ah dalka Tanza nia sidoo kalena ah xarunta hadda ee dal laddan.

Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka dhanka dhaqaalaha iyo saameynta siyaasadeedba, waxaana taageera deeda ay muhiim u tahay damaca Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC.

Saddex ka mid ah waddamada dalladdan ku bahoobay ayaa Soomaaliya u diray Keny ana waxaa daga dad Soomaali ah oo ay dhiig iyo dhaqan wadaagaan Soomaalida kasoo jhe edda Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madax weynaha Soomaaliya arrimaha ururka Bulsha da Bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa BBC-da uga jawaabay su’aashan, waxa uuna sheegay, in Soomaaliya ay faa’iidooyin badan ku qabi doonto ka mid noqoshada urur kan isagoo sheegay in ay Soomaaliya heli doo nto suuq ganacsi uu baaxad weyn.

"Waxaa loo baahanyahay in qofka Soomaal iga ah uu is weydiiyo maxaad ka gadi kartaa su uq saddex boqol oo milyan oo dad ah ama aad ka baran karta” ayuu yiri cabdisalan mar uu ka jawaabayey waxa ay ka helayso Soomaaliya, isagoo hadalka sii watana wuxuu yiri, " saddex waxba waan samaysan karna, waxa ugu muhi imsan hadda eelaga hadlo waa helista cunt ada, saddexda wax ee baahida cuntada tiri kar ana waan haysannaa.”

Waxaa uu ergaygu ku tilmamay saddexda wax ee baahida cuntada looga boxo kuwaas oo uu sheegay in Soomaaliya ay dhammaan hay sto, dhul-beereed, bad iyo xoolo. "Waxaan hay sannaa sided milyan oo hectar oo dhul beereed ah kaas oo u baahan waraab, waxaan xoolaha oo ama adduunka ugu badan ama Afrika ugu badan, waxaa kale oo aan haysanna badda ugu dheer uguna kalluunka badan Africa” ayuu yiri Cabdisalan oo qaba in dhamaan waxyaaba haas uu soo sheegay loo suuq geyn karo suu qa Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale dadka Soomaalida ayaa dha mmaan waddamadan ku leh ganacsiyo taasi oo sida uu ergaygu sheegay hadii ay Soomaal iya ku biirtu ururkan ay dadku heli karaan nida am socdaal oo fudud.

Mar uu ka hadlayay ergaygu waxa ay Soom aaliya u faa’iidayn karto bulshada ururka wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay sha qaale xirfadaysan sida kuwa caafimaadka iyo wax barashada, oo uu ku sheegay inay shaq aale badan ka faa’iidi karaan bulshada dalla ddu kasokow in suuqa ay Soomaaliya keeni ka rto badeecada kor ku xusan.

Xigasho:-Allbanaadir.com

GABADHA SOOMAALIYEED EE NOQOTAY GABYAAGA SANADKA EE DENMARK

AMINA

XIGASHADA SAWIRKA,GYLDENDAL MEDIE

Gabadhaan Soomaaliyeed oo iyada oo yar la geeyay Denmark laguna magacaabo Amina Elmi, ayaa bishaan August waxay markeedii ugu horeysay soo bandhigtay suugaan ka hadlaysa, cadaawadda, cuqdada, carada, jacaylka iyo hilowga intaba. Mag aca la isku yiraahdo guud ahaan gabayadaan ayaa ah Barbar. Markii ugu horeysay ayay suugaanteeda soo bandhigtay, waxayna noqotay gabyaaga sanad ka ee Denmark.

Mar ay la hadlaysay warbaahinta ayay tiri "Wax aan nafteyda u sheegaa inaan 'falaagoobayo'".

Qisada gabayada Amina ayaa salka ku haysaa isku xirka dhaqanka lumay ee qoyskeedu hiddaha u laha ayeen, oo dabcan ah kan Soomaalida iyo kan ay hadda ku sugan tahay ee waddankkeeda labaad. Gabayadeeda ayaa qeexa xanuunka waxa lumay, ayaysan mararka qaar cabiri karin erayadu oo aysan jirin luuqad ay ku tirin karto erayo ka turjumaya dareenkaas.

Amina ayaa qayb ka noqoneysa gabdho badan oo Soomaaliyeed oo ku barbaraay qurbaha qaar koodna ku dhashen oo guulo ka gaaray tartamo ay galeen.

Amina Waa tuma Amina?

Amina Cilmi waa gabar Soomaaliyad oo heys ata dhalashada Denmark. Waxaa la geeyay wadd anka Denmark iyada oo saddex jir ah sanadku mar kuu ahaa 1998 dii. waxayna ku dhalatay Soomaaliya sanadkii 1994 tii.

Iyada, hooyadeed iyo shan walaalaheed ah ayaa gaaray waddanka Denmark. Amina ayaa ah ilmaha labaad ee ugu qoyskeeda.

Aabahood wuxuu uga daba yimid waddanka dhawr sano kadib markii ay iyagu gaareen. Waxay ku soo koreen magaalo lagu magacaabo Aalborg, balse waxay maalin walba bas u raaci jireen caryyrta qoysku degma kale oo lagu magacaabo Hasseris, si ay waxbarashada u tagaan.

Markii ay dhameysay dugsiga sare waxay barasha da af Ingiriiska u gashay jaamacadda Aalborg Univ ersity.

Sida ay sameeyaan badanaaa waalidiinta Soom aaliyeed ee qurbaha ku nool, Amina iyo walaaleheed waxaa la geeyayay dugsi quraan la'aado labada maalin ee fasaxa ah todobaad walba, ee aysan jirin waxbarashada maadiga ah. Halkaas ayaana u noq otay meel ay ka hesho bilwga waxbarashada diinta.

Sanadkii 2017 kii ayaa Amina waxay mid kamid ah bogaga warbaahinta Denmark waxay ku qortay, qor aal ay ku difaacaywo in gabdhah muslimiinta ah ee reer Denmark ay xaq u leeyihiin in ay xijaabtaan.

Kadib dhimashadii aabaheed Aamina waxay waja hday xaalad dhib badan oo shaqsiyadeed. Wixii xill igaas ka dambeeyay waxay bilowday inay si qoto dheer u barato diinta si iskeed ah.

Markii ay gaartay da'da 23 ayay u guurtay ma gaalada Copenhegan ee caasimadda Denmark iyada oo halkaas ka shaqo bilowday, sidoo kalana qayb ka noqotay bulsho muslim ah oo ku xiran masaajidka The Mariam.

Barbar

Micnaha magaca barbar

Magaca ay suugeenteed u xulatay Amina ayaa ah mid ka soo Giriigga, gaar ahaan giriiggii duqa ahaa. Waxay ugu yeeri jireen dadka aan sida fiican u aqoon luuqadda Giriigga 'Barbarians' maadaama ay ku hadli jireen luuqad aan si wanaagsan loo fahmayn. Sidoo kale ereyga ayaa loo yaqaan dadka aan naxariista badan lahayn.

Xigasho:-bbc

QORIGA AK-47 OO RAQIIS KA NOQDAY DALKA SUUDAAN

Suudaan

Qiimaha qoriga AK-47, oo ka mid ah hubka aadka loogu yaqaanno dagaalka, ayaa bilihii lasoo dhaafay uu 50% hoos u dhacay qiimihiisa iyadoo suuqa madow ee ca asimadda Suudaan ee Khartuum lagu ka la iibsado keliya $830 (£650).

Nin muddo dheer ka ganacsanayay hubka oo BBC-da la hadlay ayaa ho os u dhacaN ku sababeeyay in suuqa madow lasoo dhoobay qoriga Kalashnikov ee lagu sameeyo dalka Ruushka.

Suudaan ayuu dagaal ka qarxay bishii April.Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada iyo Kooxda Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan.

Ninkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin isla markaana ka ganacsada hubka ayaa sheegay in qa ar ka mid ah dadka hubka keenaya suuqa madow ay yihiin ciidamada howlgabka noqday.

Hubkan ayaa aad suuqa usoo galay, gaar ahaan ka ddib dagaalkii magaalada Baxri ka dhacay bishii July. Meydadka askarta ayaa daadsanaa wassoo yinka Baxri, iyadoo ciidamada dowladda uu khasa are ba'an soo gaaray.

"Askar badan ayaa la qabtay kuwo kalena waa la dilay, marka dadka inoo keena hub badan ayay hay aan," ayuu yiri ganacsadaha.

Sudan

Tani micna

heedu waa inuusan ku tiirsaneyn hubkii laga soo gelin jiray Saxaraha ee Libya ka imaan jiray, kaasoo uu ku tilmaamay suuq furan oo hubka ah.

Waxay tani muujineysaa heerka ay gaarsiisna tahay sharci-darrada iyo xasilooni la'aanta ka jirta dalkan ku yaalla Waqooyiga Afrika, tan iyo markii xukunka laga tuuray lana dilay hoggaamiyihii mudda da dheer xukumayay Muam mar Gaddafi sanadkii 2011.

Markii hore hubka sida qars oodiga ah loo soo geliyo ayaa inta badan laga iibin jiray mucaaradka iyo maleeshiyaadka ku lugta lahaa dagaalladii muddada dheer ka socday Suudaan, amaba dlaka deriska la ah ee Chad.

Balse haatan dagaal-yahannada ayaa goobaha dagaalka kasoo qaata hubka saraakiisha la dilay amaba la qabtay, waxayna ka iibiyaan ganacsatada.

Suudaan ayaa waxaa ka dhacay dagaal sokeeye bartamihii bishii April ee sanadkan wuxuuna u dha xeeyaa madaxa ciidamada Gen Abdel Fattah al-Bu rhan, iyo hoggaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaanno Hemedti.Labadan nin ayaa isku dayay afgembi bishii October 2021, balse kadib waxaa dhex martay xurguf dhanka awoodda ah oo horseedday inay hub isu qaataan iyo billowga dagaal aan u muuqan mid dhammaanaya.

Ninkan hubka ka ganacsada ee BBC u warra may ayaa sheegay in hubka kale ee ka dalabaad badan AK-47 uu yahay bistooladaha oo ay fududd ahay isticmaalkooda iyo qaadashadoodaba.

Dadka deegaanka ayaa qaadanaya bistooladaha maaddaama sidii ay dowladdu u dhacday ay faraha kasii baxayaan falal-dembiyeedyada.

Dembiilayaasha ayaa haatan kusoo batay waddooy inka, kaddib markii dhowaan la jabsaday xabsiga ugu weyn ee ku yaalla Kjartuum.

Dembiga ayaa sidoo kale batay maaddaama dagaalku uu ku qasbay ganacsiyo badan in la xiro, waxaana ka dhashay shaqo la'aan, iyadoo sicir-bar arkuna cirka isku shareeray.

Inkastoo dadku ay dhaqaale ahaan daalaa-dhac ayaan, haddana dadka qaar ayaa iibsanaya hub si ay naftooda ugu ilaaliyaan, gaar ahaanna iyadoo gur yaha la jabsanayo oo la dhacayo haweenkana la kufsanayo.

Ganacsadaha hubka ayaa sheegay in bistoolad du qiimaheeda uu hoos uga dhacay 800,000 oo pou nd-ka Suudaan ah ($1,330) oo haatan lagu iibs anayo 200,000.

Dadka ayaa dalbada hubka iyadoo kadibna gur yahooda loogu geeyo. Ganacsatada ayaa afka uga sharraxa sida loo isticmaalo qoriga AK-47 oo aysan weligood ku fekerin inay

heysan doonaan

XIGago:bbc

SHIRKAD CAALAMI AH OO KA DHISEYSA SOOMAALIYA DEKAD AY KU KACEYSO $366 MILYAN

Shirkadda DP World ee Dubai ayaa sanad kan dhammayn doonta $366 milyan oo lagu ball aarinaayo dekedda Boosaaso ee Sooma aliya, sida ay qortey shabakadda Bloomberg oo soo xiganaysa Wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda ee Puntland Ax med Yaasiin Saalax.

Dib u dhiska iyo balla ari nta ay waddo shirk adda DP World ee dekedda Boosaaso ayaa la filay aa in la soo geba-gebe eyo dham maadka san adkan, sida uu sheegay wasiirka dekedaha Puntland

Mashruucn oo ay ku baxayso lacag dhan $366 milyan oo dollar, waxa maal-gelinaya qayb ka mid ah shirkadda DP World ee Dubai. Dekeddan ku taala Gacanka Cadmeed ee Puntland ayaa ka mid ah dhowr xarumood oo ay shirkaddu ka horuma rinayso Geeska Afrika.

"Marka la eego, in ay ku taal meel istiraatiiji ah, waa waddo ganacsi oo lagu soo jiidan karo ganacsa tada gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Axmed Yaasiin Saalax, wasiirka dekedaha Puntland.

Axmed yaasiin Saalax ayaa sheegay wejiga labaad ee ballaarinta ayaa billaaban doona sanadka soo socda.

Qeyb ka mid ah DP World ayaa ku guuleysatay heshiis 30 sano ah 2017 si ay u horumariyaan oo ay u maamulaan dekedda Boosaaso ee xarunta gana csiga Puntland.heshiiskii 2017 ayaa sidii uu ah aa u socon waayey, waxaana meesha laga saarey shirkaddii P&Ports, ee heshiiska gashey. Dekadda Bosaso ayaa qayb yar oo ka mid ah hadda dhisme ku socdaa, taas oo ay dhiseyso shirkad yar oo ka shaqeysa dhismaya asha, lamana sheegin dhaqaalaha ku baxaya inta uu le’eg yahay.

Wasiirka Dekadaha Axmed Yaasiin Saalax ayaa horey ugu fashilmey in isbeddelka heshi iska lagu sameeyey uu horgeeyo baarlamanka Puntland.

Dhaqaalaha gaaraya $366 milyan waa he shiiskii madaxweyne Cabdiweli Gaas uu galay kaas oo ahaa dekad weyn oo caalami ah, waxa ana la is-weydiinayaa warkan cusub ee wasiir ku u sheegay Bloomberg waxa sax ka ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip