
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGESYKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA AGOOSTO 2023-KA
Aqalka Sare oo Akhrinta 1waad marsiiyay Hin dise Sharciyeedka Xafiiska Hantidho wrka Guud ee JFS
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaan ka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ooy wehliyaan ku xig eennadiisa, ayaa Shalay shir guddoomiyay kalfa dhiga Saddexaad kulankiisa 5-aad ee Gola ha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hantidh owr ka Guud ee JFS.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliya dda XFS, Md. Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Sanata rrada Aqalka Sare dulmar guud ugu sam eeyay sharciga Hantidhowrka Guud ee Qaran ka, waxyaabaha uu sugayo iyo muhiimad diisa.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare far ay inay ka howl galaan Hindise Sharciyeedka Xa fiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, kana gut aan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran isla marka ana fadhiga guud ee Golaha ay dib ugu soo celiyaan
Wasiirka kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee XFS oo lagu soo dhoweeyay Degmada Xeraale
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dha qa alaha Buluugga ah ee XFS Md. Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo malmaha an abaabul iyo diya arin ciidan deegaanka ah oo ka qayb qaata wajiga labaad ee howlgalka kha waarijta looga xoreynayo deegaanada Galmu dug ka wadey waqooyiga Galgaduud ayaa Sha lay lagu soo dhaweeyay Degmada Xeraale oo kamid ah meelaha caanka ku ah halganka khaw aarijta loogu hortago, Laguna xasuusto kaalinto odii casharadii khawaarijta loogu dhigey Dhuu samareb, guriceel iyo degmooyin kale oo xor oobey dhowr iyo Toban sano kahor.
Wasiirka Wasaar ad da Kalluumeysi ga iyo Dhaq aalaha Buluugga ah ee Xu kuumadda Feder aal ka Soomaaliya Md.Axmed Xasan oo ka mahad celiyey soo dhaweynta ayaa sheegay inay wada tashiyo la yeelan doonaan bulshada, ayna muhiim tahay in loo wada istaago dagaalka khawaarijta ee waj igiisa labaad uu Galmudug ka socdo.
Waxaa si weyn uga socda degmooyinka waa weyn ee Galmudug diyaar garow ballaaran iyo abaabul ciidan oo ka dhan kooxda khawa arijta oo la doonayo in looga saaro deegaano ko oban oo ku haray gacanta cadowga oo haatan ay ciidamada dowladdu kaabiga ku hayaan.
Xildhibaan Dahabo Suusow: Waxaan u arag naa midab takoor sida loola dhaqmay gene raal Sheegow
Xildhibaan Dahabo Suusow oo katirsan baarl amaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hada shay Muqdisho, ayaa si adag u cambaareysay xariga Dowladdu u geysatay sarkaal lagu maga caabo Axmed Cali Sheegow (Gen.Sheegow).
Xildhibaan Dahabo Suusow waxay sheegtay in aan la aqb ali karin weerarka lagu qaaday sark
aalkaas, iyadoo ku tilmaamay xarigiisa dulmi weyn oo laga galay sarkaal ciidan
oo ay sheeg tay inuu horey Dowladda ugu dulmanaa.
"Halkii Janan aan laheyn in gurigiisa lagu wee raro Kuleetiga la soo qabto oo lagu oriyo ma ah an waxaa n aqbali karno. Anigaa Xil dhibaankiisa ah,” ayay tiri xildhibaanku.
Xildhibaannadu waxay sheegtay inay mid ab tak oor u arkaan sida loola dha qmay sarkaa lka,iyadoo sheegtay in ay jiraan shakhsiyaad lamid ah oo M/Muqdisho ku haysta hub.
Waxay Dowlada ugu baaqday in si degdeg ah loosoo sii daayo sarkaalka iyo dhallinyarada kale ee la xiray. Waxay sheegtay dhibaatadii ka dhala tay weerarka inay masuuliyaddiisa qaad ayso Dowladda Soomaaliya.
Xildhibaan Maalik Cabdalla oo damiintay Askar badan oo dowladda ku xirtay iney kee nsadaan damiin
Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka mid ah Xil dhib aanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soom aaliya ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa dam iintay askar tiradoodu lagu sheegay ilaa 500, kadib markii dowladda ay ku xirtay hub siintooda iney damiin keensadaan.
Askartaan oo dhawaan dalka dib loogu soo cel iyay, kadib tabab ar ay kuso qaate en dalka Ugan da, kuwaas ayaa badan kooda kasoo jeeda go bolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah gobolka Gal gaduud. Xildhibaan Maalik Cabdalla oo la hadl ay Shabakadda HOL ayaa sheegay inuu askart an usoo damiintay iney yihiin askar 80% ah ku wa kasoo jeeda deegaanada gobolka Hiiraan oo ah deegaanada uu ku matalo Baarlamaanka Soomaaliya.
"Askartaan oo ku xareysan mid ka mid ah xeryaha ciidanka dowladda Soomaaliya ayay do wladdu ku xirtay in hubka ay ku siin karto kaliya iney damiin keensadaan, hadii ay keensan waa yaan aanan wax hub ah lasiin doonin mudo bad ana bilaa damiin ay xerada isaga jireen, waxaan go'aansaday inaan soo damiinto, maadama ay ka mid yihiin dadka aan matalo waana soo dam iintay" ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in dowlad ciidan ay soo tababartay hadana ku xireyso iney la yimaadaan masuul da miin ka noqdo si loo siiyo qoraygii ay naftooda iyo dalkaba ku difaaci lahayeen, waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanka.
Gabagabadii Xildhibaan Maalik Cabdalla ay aa sidoo kale inoo sheegay in askartaan uu dam iintay dhamaantood, hadii uu mid ka mid ah qo ray la goosto ay dowladdu isaga kula xisaabta meyso, taasina ay aheyd sababta loo waayay Askartan masuul damiin ka noqda mudo dhowr bilood ah oo ay ku jiraan xerada.
Askartaan ayuu tilmaamay Xildhibaanka in ey ka mid noqonayaan ciidamada loo diyaariyay iney ka qeyb qaataan wajiga labaad ee howlgala da dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab. Xigasho:-Hiiraan.com
Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Hiiraan
Dawlada Federaalka ayaa sheegaty in ha wlgal qorshaysanoo ciidanka Qaranka kasame eyeendegaaanka Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan, halkaas oo khasaare culu loogu gey stay Al-Shabaab.
Hawlgalka
waxaa lagu beegsaday seddax xa rumood oo Al-Shabaab ay lahaayeen deega an ka,
kuwaas oo dhamaantood la burbruriyay.
Hawlgal kale ayaa ka dha cay xarunta ay deganaaye en maamulka sare ee Al-Shabaab u qaabilsanaa magaaladaas, taas oo la burburiyay.
Sidoo kale’ Dawlada ayaa sheegtayin xar un taas lagu dilay shan xubnood oo Shabaab ah oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare.
"Hawlgalka ugu danbeeyay waxa lagu bee gs aday Isbaaro ay ku sugnaayeen xubno ka tirs an Alshabaab banaankadegaankaBuq-aqable, halkaas ayaa lagu laayay goobta ku sugnaa ay aa lahu yiri warkaan ka soo baxay Dawlada Fed eraalka Soomaaliya .”
"Inta la xaqiijyay hawlgalka waxaa Alshaba ab uga geeryooday 18 Xubnood oo labo ay hor joogayaal tahay, waxaa la burburiyay 20 gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen qor yo culus, waxaa la burburiyay labo xafiis iyo go ob Isbaaro u ahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo dowladda laguna daabacay wqarbaahin ta dawlada
Dawlada Federaalka Soomalaiya ayaa she egay Goobta ugu horraysa la duqeeyay waxa ay ahayd Garaash ay Alshabaab u yaaleen ilaa 20 Gaari oo ah kuwa Dagaalka dhamaantoodna waa la burburiyay iyadoo laga dhigay hawlgab ayaa sidoo qoraalka lagu yiri” .
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa mu do oyinkii dambe Hawlgalo ka dhan ah Alsha ba ab ka waday qaybo badan oo ka tirsan gobolada dalka .
Faah faahin kasoo baxeysa Hoobiyeyaal Shalay lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde
Tiro hoobiyeyaal ah ayaa aroornimadii hore ee Shalay oo sabti ah waxa ay ku dhaceen ag agaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya.
Jugta illaa saddex hoobiye ayaa laga mal qay xaafaddo badan oo ka tirsan Degmoo yinka Gobolka Banaa dir, kuwaasi oo mid kamid ah uu ku dhacay gudaha Garoonka diy aaradaha Aadan Cadde, halka labada kalena ay ku dhaceen meel ku dhow Garoonka.
Laba ruux ayaa la tilmaamay inay ku dhaawa cmeen hoobiyeyaasha lagu weeraray Garoonka Muqdisho, waxaana warar la helayo ay sheeg ayaan in daqiiqado kooban shaqaalaha Garoon ka lagu celiyay afaafka hore ee Garoonka Aadan Cadde. Illaa iyo hadda ma jiro wax had al ah oo kasoo baxay maamulka garoonka iyo hay’adaha amni ga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay garo onka caalamiga ah ee Muq disho.Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaa rko od magaalada Muqdisho ku garaacda hoob iyeyaal aan la ogeyn halka laga soo tuuro, wax aana ka dhasha khasaaro dhimasho &dhaawac soo gaara shacab ah oo ay madaafiicda ku hab
sadaan guryahooda.
Ciidamada oo furin cusub uga dhaqaaqay Shabaabka Galmudug
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jiho cusub doonaya in laga weeraro maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan Magaalada Ceelbuur iyo deegaanada ka baxsan, si maleeshiyada lo oga saaro magaalad aasi. Afhayeenka Wa saaradda Gaas haan dhigga, General Cab dullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciid an xoog leh oo ka ambabaxay Magaalada Gur iceel ay ku sii jeedaan deegaanka Jaaw, oo qiy aastii 50km dhanka koonfureed kaga toosan Guriceel.
Afhayeenka oo shir jaraa'id ku qabtay Magaa lada Muqdisho ayaa tilmaamay in ciidamadu ay hadda ku sugan yihiin tuulada Dhagaxweyn, oo 7km u jirta deegaanka Jaaw.
"Ciidamada waxay ku sugan yihiin jiiddii loo cayimay ay ka hawlgeli lahaayeen, marka daga alka uu bilowdo." Ayuu yiri Afhayeenka.
Dhanka kale ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee ka ruqaansaday Magaalada Guriceel uu ujee dku yahay in ay maleeshiyada Shabaabka ka saaraan deegaanada Jaaw iyo Burujeed.
Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad, Gaashaanle Cabdifi taax Haruuse Daahir ayaa hoggaaminaya ciidam adan.
Ciidamada ayay tahay inay isku ballaariyaan deegaanada miyiga iyo dhulka hawdka ee dha ca waddada loo maro Ceelbuur, marka aad joog to jihada Guriceel ee aadda Ceelbuur.
Qorshaha ayaa ah ka hor inta aanay ciidam adu la wareegin Magaalada Ceelbuur in ay Sha baabka ka sifeeyaan deegaanada hoostagga m agaaladaasi, taas oo muhiim u ah in ciidamada amniga iyo maamulada ay muddo dheer sii joog aan Ceelbuur iyo deegaanada ku xeeran.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore kul an dadweyne kaga qaybgalay Magaalada Dhuu sama reeb ayaa sheegay inay shaqo adag ka horreyso la wareegista Ceelbuur.
Ceelbuur waa xarunta ugu weyn ee ay haa tan Shabaabku ku leeyihiin Gobolada Dhexe, waana magaalada ugu muhiimsan ay ka maam ulaan bartamaha dalka
Golaha Wakiiladda K/Galbeed oo Shalay ansixiyay Heshiiska Golaha Wadat ashiga Qaranka
Kulan ay Shalay ku yeesheen magaalada Bay dhabo ee xarunta gobolka Baay
Golaha Wa kiiladda maamulka Koonfur Galbeed oo uu shir guddoomiyay ku simaha
guddoomiyaha Golaha ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada
Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Ma xamed Macallin ayay Golahu ku meel mariyeen
hindise Sharciyeedyo muhiima ah.
Ajendaha kulan ka Golaha Wakiil adda ayaa ka koo bna sadax qodob oo kala ah aa Aqri nta 1-aad ee Hindise sharciyeedka Ciid anka Bo oliska Koonfur Galbeed, Kalsooni siinta Hanti Dhowraha Guud ee Koonfur Galbeed iyo Ansix inta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Cabdullahi Maxamed Aadan ayaa ugu horeyn Golaha ka hor aqriyay Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka (GW Q) ay ku gaareen magaadada Muqdishu 27-Ma arso sanadkan 2023 ee ku saabsana hannanka Doora shooyinka Dalka iyo Midaynta Doorasho oyinka dowlad goboleedyada, isagoo Xildhibaa nada ka codsaday iney ansixiyaan oo ay ku raacaan Golaha Wadatashiga Qaran Hashiiska ay ku gaareen Magaalada Muqdisho.
Intaas kadib Golaha Wakiiladda oo codeyn gacan taag ah u sameeyay meel marinta hes hiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa wax aa codeyay dhamaan Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray oo tiradoodu aheyd 48 Mudane, mana jirin cid diiday ama ka aamustay
Sideedii bishii June ee sanadkaan 2023 ay ay aheyd markii Golaha Wasiirada maamulka Koo nfur Galbeed ay ansixiyeen heshiiskan ay Shalay Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed meel mar iyeen.
Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed waxay sidoo kale cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen hanti Dhowraha cusub ee maamulkaas Maxam ed Cumar Axmed oo uu dhawaan soo magacaa bay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noqonaya Baarlamaankii ugu horeeyay ee taageera Hashiiskii Golaha Wada ta shiga Qaranka ay ku gaareen magaadada Muqdisho 27-Maarso sanadkan 2023, kaaso ku saabs ana hannaanka Doorashooyinka Dalka iyo Midayn ta Doorashooyinka Dowlad Gobol eedyada.
Kulan looga hadlayey la qabsiga cimilada iyo illaalnta deegaanka oo Muqdisho lagu qabtay
Kulan Wadatashi iyo Aqoon –Isweedaarsi is ugu jiray isla markaana ay soo agaasintay Xaru nta Heerka-Sare ee La-qabsiga Isbeddelka Cimi lada iyo Ilaalinta Deegganka ee Urur Gobaleed ka IGAD. (IGAD-CAEP) Ayaa Shalay ka qabso omay magaalada Muqdisho, waxanaa ka soo qeyb-galay hay’adaha dowladda Federaalka So omaaliya, Ururada bulsahda Rayidka, Jaa mac adaha iyo kubarada ka shaqeeyo Isbeddalka Cimilada.
Ujeeddada guud ee aqoon-is-weydaarsigan ayaa ah ka qaybgelka daneeyayaasha, khubar ada farsamada, ka wada-hadlidda istaraatiijiya da la qabsiga cimilada ee gobolka si waafaqsan heer Gobol ama Caalami ah iyo Siyaasadaha qa ranka ee dawladaha xubnaha ka ah IGAD. Wax aa kale oo wadatashigaan uu iftiiminayaa xeel adaha loogu talagalay in si wax-ku -ool ah looga jawaabo khataraha isbeddelka cimilada, Iyada oo diiradda la saaraayo wada-hadallada waxtar u naqon doona cimilada gobolka, xubnaha mud naanta la qabsiga si loo xoojiyo Istaraatiijiyadda la qabsiga Cimillada gobolka.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaan ka iyo Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Xuku umadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u qeexay ahmiyadda ballaaran ee uu leeyahay wadatashiyga nuucaa oo kale ah,iyo in dadw eynuhu kaallin xooggan ku yeeashaan staaraji yadda La-qabsiga Isbeddalka Cimilada heerka Gobal ah."Waxaan codadkooda siin do onnaa dadweyn aha si ay qeyb uga noqdaan ila alinta deegaanka heer gobal iyo Calami ah, si doo kalana ay IGAD ku bogooaadinayaan dada allada ay waddo ee ah ka hortagga ilaalinta xaal ufinta deegaanka.”-Agaasi maha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Md.Axmed Yuusuf
Dhanka kale, dadaallada ilaalinta ee dala lka ku midoobay IGAD ee kala ah; Djibouti, Eri trea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Koonfurta Suu daan, Suudaan, iyo Uganda ayaa Hadafkooda oo wadajira yahay in Xaruntulaga taageero u diyaargarowga La-qabsiga dhaqamada maar ay nta deegaanka ee waara iyo xalalka laqab siga ku haboon ee Isbadalka Cimallada gob olka.
"In la ballaariyo ka qeybgalka dadweynaha ee la dagaallanka xaalufinta deegaanka waa muhiim si loo kordhiyo wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka, IGAD ayaa u taagan markastaba ilaalinta deegaanka, annaga waan ku garabtaaga nnahay”. -Agaasimaha Wasaara dda Beeraha XFS Dr Maxamuud Maxamed Maxamuud
Madaxa Mashaariicda Laqabsiga Xarunta heerka-Sare ee La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegganka ee Urur gobaleedka IGAD. (IGAD-CAEP) Dr Cabdimajiid Nuunow Cabdi ayaa qeexay muhiimada u leedahay Istar aatijiiyadu La-qabsiga Isbadlaka Cimilada guud ahaan Gobalka iyo Heerk Qaran.
"Xalka mushkiladaha hadda jira ee ka dha shay isbeddelka cilmilada waa kuwo xal u baahan, sidoo kale waa in ay fahmaan dadkee nnu saameynta cimilada, waxaan ku dadaali do onnaa in aan xal u helno mushkiladaha ka dha shay isbeddelka cimilada, annaaga oo garab iyo taageero ka helayna (IGAD-CAEP) oo waqtiga badan ku bixisa xal u helidda isbeddelka Cimil ada”. Dr Cabdimajiid Nuunow Cabdi – X. La-qabsiga Isbadalka Cimilada IGAD
Urur gobaleedka IGAD oo ay ku midaysan yihiin Siddeed dal ayaa aaminsan in isbeddelka cimilada iyo xaalufinta deegaanka ay ka mid yih iin caqa badaha ugu daran ee gobolka geeska haysto, taa oo ay lagama-maarmaan ay tahay in xal waara loo helo.
Falastiini toogasho ku dilay wiil iyo Aabbihiis Israa’iiliyiin ah
Aabbe Israa’iili ah iyo wiil uu dhalay ayaa la gu dilay weerar looga shakisan yahay inay fal astii niyiintu ka geysteen Daanta Galbeed ee la haysto.
Labada qof ayaa la shee gay inay ahaayeen shacab.
Dilaaga ayaa lagu soo wa rramayaa in uu ku too gtay bastoolad xilli ay mar ayeen meel ka tirsan tuulada Huwara ee koonfurta Na blus.
Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa bogaadiyay dilka.
Milateriga Israa’iil ayaa jidgooyo dhigtay meel u dhow halka uu dilku ka dhacay.
Huwara waxa ay muddo dheer ahayd meel la’isku ugaarsado, Israa’iiliyiintu waxay ugu sa fraan ugana soo baxaan degsiimooyinka ku yaal wad do weyn oo dhex marta. Bishii Febraayo toogasho halis ah oo lagu dilay laba Israa’iiliyiin ah ayaa keentay in dadka deggan magaalada ay ku dhex yaacaan magaalada nin Falastiini ah ayaa la dilay, guryo iyo baabuurna waa la gubay.
WAA KUMA SHEEGOW, NINKA AY DOWLA D DU SOO XIRTAY EE LAGU MURANSAN YA HAY DARAJADIISA?
Dagaal culus oo u dhaxeeyay booliiska iyo maleeshiyo uu hoggaaminayay sarkaal hore ay aa Habeen hore ka dhacay magaalada Muqdi sho. Booliiska ayaa sheegay in maleeshiyadan ay dadka rayidka ah ku dhacay een magalada.
Dagaalka oo qarxay Habeen hore saqdii dhe xe ayaa socday ilaa Shalay, waxaana ku dhi ntay hal sarkala iyo labo ka tirsanaa maleeshi ya da oo uu hoggaami nayay Sheegow Axmed CalI
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay howlgal lagu hagaajinayo amniga caasimadda.
Xaaladda ayaa hataan deggan kadib markii ciidamada dowladda ay gacanta kusoo dhigeen hoggaamiyihii ciidankaaasi sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, wax aana jira khasaare soo gaaray labada dhinac ee uu dagaalku dhex maray.
Muddo sanado ah waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa dhoobnaan jiray rag aad u hub eysan - badankood kama mid ahayn ciidam ada Soomaaliya amaba booliiska.
Dhawaqa rasaastu wuxuu ahaa mid caadi ah mararka qaarna rayidka ayaa ku dhiman jiray markii rasaas loo rido si loo kala yareeyo ciriiriga waddooyinka.
Balse arrimaha ayaa haatan is beddelaya. Madxaweynaha ayaa mamnuucay in hub culus lagu dhex wato waddooyinka wuxuuna doona yaa in la hagaajiyo amniga.
HADDABA WAA KUMA SHEEGOW?
Baraha bulshada ee Soomaalida ayaa si we yn looga hadal hayaa Sheegow Axmed Cali oo ah ninka ay ciidamadiisu foodda is dareen cii damada ka tirsan dowladda federaalka ah ee So omaaliya, iyadoo dad qaar ay rumeysanyihiin in qudhiisu uu ka tirsanyahay ciidamada dowlada.
Haddaba si aan wax badan uga ogaanno xa qiiqada darajada Sheegow iyo kamid ahaan sha ha dowladda ee lagu tumayo ayaan qadka taleef anka kula xiriirnay, Afhayeenka ciidanka Booliis ka, Saddiiq Aadan Cali Doodishe iyo Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dowladda isla mar kaana ka faallooda arrimaha ciidamada.
Sheegow
Qoraalka sawir ka, Sad iiq Doodi she (B) iyo Sheeg ow (M)
Doodishe oo a an ka weydiinnay in uu iftiimo darajada Janaraal ka ee Sheegow ayaa yiri "Sheegow waxa uu ho rraan ka tirsanaa ciidamada dowladda waxa uu na haystay darajada Kabtanka [Captain], ma ah ayn Janaraal balse waxa uu xiran jiray dareyska Janaraalnimo”.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Dowladda Soomaaliya ayaa goor sii horreysay baaritaan ku sameysay ninkan, waxana la oga aday in uu markaasi dowladda ugu diiwaan ga shanaa darajada kabtan-nimo, iyadoo ugu da mbeyn guud ahaanba ciidamada dowladda laga saaray”.
Sheegow ayaa haatan haysta ciidamo dhowr ah oo aan kamid ahayn ciidamada dowladda bal se isaga ka amar qaata, iyadoo ciidamadiisa ay haatan dhaliyeen dagaalkan sida la sheegay ka ddib markii ay dhac u geysteen shacabka degmada taasina ay keentay in ciidamada amn iga ee muqdisho ay soo daba galaan dagaal kana halkaasi uu ka qarxo.
Korneyl Cabdullaahi Cali Macow oo ah nin muddo badan lasoo shaqeeyay ciidamada dow ladda ayaa sharraxaya halka uu markiisi hore Sheegow kagasoo biiray ciidamada dowladda, isagoo yiri "Sheegow waxa uu kasoo baxday ko oxda Al-shabaab sanadkii 2014-kii isagoo xillig aasi ku sugnaa Shabeellaha hoose dhinaca Jan aale iyo Bariirre, halkaas oo u qaabilsanaa koox daasi aruurinta lacagaha, waxaa la sheegaa in ay isku dheceen isaga iyo hoggaamiyaashii Sha baab ee halkaasi, taasi oo keentay in uu kasoo baxsado isla markaana iskusoo dhiibo dowla dda”.
Korneyl Macow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Sheegow waxa uu sidaasi uga mid noqday ciidamada millitariga isaga oo la siiyay darajada Kabtanka, mana jiro ogaanteyda ciidan uu xuk umo oo uu taliye u yahay” ayuu yiri Korneyl Mac ow.
Korneyl Macow ayaa sidoo kale xusay daraj ada Sheegow isagoo yiri "Sheegow ma ahan Ja naraal ka diiwan gashay dowladda ee isaga ay aa xirtay waana sababta ay dadku ugu wareers anyihiin darajiisa oo muran badan dhalisay”.
Sheegow Qoraalka sawirka, Dagaalyahanada al-Shabaab
Bishii September, san adkii 2017 wuxuu Shee gow Axmed Cali, maamul ayay saldhigga dee ga anka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay xilligaasi weerareen kooxda al-Shabaab.
Weerarkaas waxaa ku dhintay ilaa 18 ka mid ah al-Shabaab, sida uu markaasi u sheegay BBC-da.
Xogaha qaar ee aan helnay waxa ay sidoo kale sheegayaan inuu kamid ahaa kooxdii Badb aado Qaran ee diiddaneyd hoggaaminta madax weynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Afhayeenka Booliiska Saddiiq Aadan Cali Do odishe ayaa waxa uu sheegay in sarkaalkaan oo aan katirsanayn ciidamada dowladda uu haatan madax u yahay maleyshiyaad dhac ka geysata degmada Dharkaynley.
Wuxuu sheegay markii ciidamadu isku daye en inay u yimaadaan uu dagaal kala horyimid, taasoo uu sheegay inay tahay sababtay howlgal qaatay saacado badan oo lagusoo qabtay isaga iyo 25 kamid ah ciidamadiisa.
Saddiiq Doodishe wuxuu sheegay inta howl galka uu socday inay ku geeriyoodeen labo ka mid ah maleyshiyaadkii u dagaalamayay sark aalka, hal askari oo katirsan ciidanka booliiska iyo dhaawaca afar kale oo labada dhinac ah.
Dhanka kale qaar kamida xildhibaanada iyo odayaasha beesha uu kasoo jeedo Kabtan She egow Axmed Cali ayaa cambaareeyay falka lagu soo xiray.
George Conway oo loo magacaabay ku xige en ka ergayga Qaramada Midoobay ee Soo maaliya
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa George Conway oo u dhashay dalka Canada u magacaabay ku xige enka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoo bay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Iskuduwaha Deganaanshaha Soomaaliya. Mr. Conway waxa kale oo uu u adeegi doonaa isku duwaha arrim aha bini'aadantinimada.
Mr. Conway ayaa xilka ka la wareegay Adam Abdel moula oo u dhashay dalka Sudan oo loo magacaabay Iskuduwaha Deganaan shaha Suuriya, wuxuu na Xoghayaha Guud uu uga mahadceliyay dad aalka iyo adeegga uu ka geystay Soomaaliya.
Mr. Conway waxa uu haystaa in ka badan 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan ka hortagga dhibaatooyinka iyo nabad-dhisidda.
Waxa uu soo noqday Agaasimaha Hay’adda UNDP ee Soomaaliya (2013-2019). Waxa kale oo uu dhawr jagooyin sare ka soo qabtay UNDP, oo ay ka mid yihiin La-taliyaha Istiraatijiyadda Xafiiska Gobolka ee Afrika, Ku-simaha agaas imaha UNDP ee Koonfurta Suudaan, Madaxa Barnaamijyada ee Koonfurta Suudaan (Sudan), iyo Khabiirka Barnaamijka ka hortagga dhibaat ooyinka iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed ee Indonesia
Mr. Conway waxa uu shahaadada Master of Arts in International Affairs ka qaatay Jaamaca dda Carleton ee Ottawa, shahaadada Master of Arts interdisciplinary ee Jaamacadda Western Ontario, iyo Bachelor of Arts in Anthropology oo uu ka qaatay Jaamacadda Winnipeg.
Taliyaha Qaybta 60aad oo kormeeray Cii dam ada Militariga ee degan Baraawe
Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Bay dh abo) ayaa Shalay kormeeray Ciidamada Mili tariga ee degan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliyaha ayaa wa rbixin la xiriirta xaa ladda ciida mada ka dhageystay Saraak iisha Ururka 25aad, Guutada 6aad ee halkaasi degan.
Taliyaha ayaa waano iyo dardaaran ugu tegay ciidamada, ka dib shaqaaqadii bishii June ka dhacday magaaladaasi, ee u dhaxeysay Cii danka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
"Qaabka aan rabo waxaa waaye in sharciga lagu dhaqmo oo dadkuna is walaalsado, gacant ana la is qabsado, dalkana saas lagu joogo." Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa yiri "Baraawe qof laga leeya hay iyo deegaankan ma jiro, deegaanka idiinkaa leh, waa kan aad u soo halganteen, qabiil kama ayda an kicinee waxaad ka kiciseen Al Shaba ab, mee shii tabarta idiinkaga dhammaatayna difaacaa ka gasheen."
Waxa kaloo uu yiri "Cid hadda gaar ah oo la gu dhegan yahay ma maqal, mana qabo, laakiin tarj umaad xumaa jirto waana idin sheegaa. Dadkaas waxay noo la mid yihiin Al Shabaab, waa cadow kale waaye, war xumo tashiil baa la yiraa."General Xasan Baydhabo ayaa ciidama da kula dardaarmay inay u diyaargaroobaan hawlgal maleeshiyada Al Shabaab lagaga sa arayo deegaanada ay kaga harsan yihiin 3 Go bol ee Koonfur Galbeed.
WAA TUMA KALKAALISADA DISHAY TOD OBO CARUUR AH EE KU DURTAY SUNTA?
Lucy
XIGASHADA SAWIRKA,SWNS
Maalinkii Jimcaha ayaa Lucy Letby lagu helay dambiga ah inay dishay todobo caruur ah, xilli ay ka shaqaynaysay isbitaal ku yaalla dalka Ingi riiska.Taas oo ka dhigaysa dilaagii ugu darnaa ee caruurta xilligaan casriga ah.
Sidoo kale haweeneydaan 33 jirka ah ayaa lagu eedeeyay isku day dil oo ay kula kacday lix caruur ah, iyada oo ka shaqayneysay isbitaalka Countess of Chester intii u dhaxaysay bishii June 2015 kii ilaa bishii June 2016 kii. Letby ay aa si ula kac ah aaryo ku dartay caruurta, qaar kood ku qasabtay caano, halka laba cunugna ay ku sumeysay insulin.
Kalkaalisada ayaa diiday inay dhagaysato xukunkii laga soo saaray dacwadaheda kaas oo soo maray dhagaysiyo kala duwan.
Eedeysanaha ayaa lagu waayay siku day di lee laba caruur ah oo kale.
Intii lagu guda jiray kiiskeda oo soo bilowday sanadkii 2022 kii ayaa dacwad oogayaashu waxay ku tilmaameen Letby inay tahay qof qa looc badan oo fursad gaad ah, taas oo marin hababisay dadkii ay wada shaqaynayeen si ay u qariso falalkeeda qaarijinta ah. .
Haweeneyda ayaa la xukumay kadib laba sa no oo baaritaan ay wadeen booliska Cheshire kadib markii ay ka war heleen kororka dhimasha da iyo xaaladaha dhimashada u dhaw ee caru urta taas oo aan wax sharraxaad ah laga bixin.
Hanaanka maxkamadeynta kalkaalisadaan ayaa qaata muddo toban bilood ah, kaas oo la aaminsan yahay inuu yahay kiiskii ugu mudada dheeraa ee maxkamadaha Ingiriiska.
CHESHIRE Hospital
XIGASHADA SAWIRKA,CHESHIRE POLICE
Waa tuma Lucy Letby?
Bilowgii maxkamadda Letby waxay iska diiday guud ahaan 22 kii eedeymo ee loo soo jeediyay.
Si ay u gaaraan go’aankooda ayaa xeerbeegti ka kooban todobo haween ah iyo afar rag ah waxay ka Shireen kiiska muddo 110 saacadood ah kadib markii ay horay usoo dhagaysteen cadeymo fajaciso ah oo la soo bandhigayay toban bilood. Balse maxaynu ka naqaanaa haweeneydaan dishay caruurtii lagu aaminay inay xanaaneyso kuwana ay ka badbaadeen?
Letby waxaa la dhalay afartii Janaayo 1990 kii, waxayna ku barbaartay Hereford oo ku taalla England. Waxay la soo kortay hooyadeed iyo aabaheed oo lagu kala magacaabo John iyo Susan, kuwaas oo goobjoog ka noqday Oktoobartii la soo dhaafay dacwada iyo eedeymaha loo haysto gabadhooda.
Waxay ka tagtay koleej kadib markii ay dham aysay dugsiga sare iyada oo xulatay barashada maadooyin ay isleheed waxay ka caawinayaan inay gaarto hiigsigeeda iyo himiladeeda.
"Mar walba ayaan jeclaa inaan caruur la shaqeeyo” ayay Letby u sheegtay qaaliga, iyada oo intaas ku dartay inay dooratay maadada ka caawin leheed inay hesho xirfadaas.
Waxay ahayd qofka kaliye ee jaamacad ka aaday qoyskeeda, iyada oo kalkaalisonimo ka baratay jaamacadda Chester muddo saddex sano ah.
Intii ay waxbarashada ku jirtay marar badan ayay fursado shaqo barad ah heshay. Waxaa ugu badnaa kuwa ay ka heshay isbitaalka Countess of Chester.
Waxay noqotay kalkaaliso buuxda bishii Sept ember ee sandkii 2011kii iyada oo shaqo saacado dhamaystiran ah ka bilowday isbitaalka bishii janaayo ee 2012 ii, ka hor inta aan loo gudbin qaybta xanaaneynta ballaaran balaaran ee caruurta sanadkii 2015 kii.
Letby waxay u sheegtay maxkmadda in wixii xilligaas ka dambeeyay ay u badnayd xanaaneynta caruurta aadka u xanuunsan ee qaybtaas la keeno.
Sidoo kale waxay sheegtay in ay hagtay shan ilaa lix ardey kalkaaliyenimo baranayay, sidoo kalana ay si xanaano leh u haysay boqolaal caruur dhalatay ah intii lagu guda jiray sanadihii 2015 kii ilaa 2016 kii.XIGASHO:-BBC
LABA JIMICSI OO AAD QOLKAAGA KU SAMAYN KARTO OO HOOS U DHIGI KARA DHIIGKARKA
Plank
Sida ay sheegtay daraasad cusub labada jimicsi ee kala ‘plank’ iyo ‘squats’ ayaa ah kuwa jirka adkeeya sidoo kalana hoos u dhiga dhiig karka .
Sida ay sheegeyso daraasadaan oo uu daabacay joornaalka daawooyinka ciyaaraha ee Ingririiska, horay waxaa loo ogaa in la sameeyo jimicsiyo ay kamid yihiin lugta, orodka iyo baaskiil wadista, balse arrinkaas hadda loo baahan yahay in wax laga badalo, sida ay qabto daraasaddu.
Daraasadda oo lagu sameeyay 16 kunoo ruux ayaa sheegaysa in dhamaan jimicsiyada door fiican ka qaataan hoos u dhigidda cadaadiska dhiigga.
Balse labada jimicsi ee ah (xusulada iyo faraha cagta oo dhulka la dhigo, calooshana kor loo hayo) iyo squats (Inaad fariisato adiga oo darbi dhabarka ku haya oo aan salka dhulka dhigin) in ay yihiin kuwa aad muhiim ugu ah dhiigkarka.
Labadaan jimicsi oo ah kuwa ay murquhu kala jiidmayaan adiga oo aan dhaqdhaqaaq samayn ayaa ah kuwa lagu adkeeyo jirka.
Jimicsiga plank ayaa ah mid si gooni ah u adkeeya caloosha.
squat
Dhaqtar wax ka sameeyay daraasaddaan oo lagu magacaabo Dr Jamie O’Driscoll ayaa sheeg ay in jimicsigaan oo laba daqiiqo la isku dhajiyo laba daqiiqo kadibna la sii daayo uu keenayo in dhiigu si habsami leh u qulqulayo.
Dhiig karka ayaa cadaadis saara xididada dhiigga, wadnaha iyo xubno kalaba, taas oo keen ta halis ah in wadno xanuun ama qalal.
Qaab caafimaad ku salaysan ayaa loo daweeya bukaanada qaba dhiigkarka inkasta oo lagula taliyo inay cunaan cunto caafimaad leh, ayna iska yareeyaan maandooriyaha, sigaarka sidoo kalana ay si joogto ah u jimicsadaan ayaa lagula taliyaa.
Dadka ay da’doodu ka sareyso 40 ka yaa lagu taliyaa in ay shanti sanaba mar fiiriyaan caafimaadkooda.
Daraasad hore: Dadka Afrikaanka ah oo 46% dhiigkar qaba
Cilmi baaris ay samaysay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba afartan iyo lix dadka Afrikaanka ah ay qabaan dhiigkar heerkiisu aad u sareeyo, arrintaas oo keenaysa in qaaraddu ay kaalinta koobaad ka gasho caalamka oo dhan.
Cilmi baaristu waxay sheegtay in habka aan caafimaadka waafaqsanayn ee loo nool yahay ay ka dhigan tahay in dadka Afrikaanka ah ee u dhimanaya xanuunnada halista ah ay ka badnaan doonaan kuwa u dhimanaya xanuunada lakala qaado marka la gaaro sanadka 2030-ka.
Soosaaraha warbixintan ayaa sheegay in arrintan la ogaaday ay tahay wax la yaableh maadaama uusan filaynin in uu arrintaas oo kale arko mudo tobanaan sano ah.
Magaalooyinka ay dadku ku soo badanayaan, cuntooyinka aan caafimaadka u wanaagsanayd, khamrida sida xad dhaafka ah loo cabo iyo jimicsi la'aan ayaa lagu sababeeyay dhibaatadan. XIGASHO:-BBC
MAXAAD KA TAQAAN KINIISADDII MAR UGU WEYNED AFRIKA EE KU TAALLAY SOOMAALIYA? KINISAD
Qoraalka sawirka,
Kinisadda Muqdisho
Kinisadda waxay ka mid aheyd astaamaha magaalada lagu aqoonsado marka dusha laga sawiro.
Kinisadii caanka aheyd ee Soomaaliya, Mogadishu Cathedral, waxaa magaalada laga dhisay sanadkii 1928-kii, waxayna aheyd tii ugu weyn qaaradda Afrika balse wixii ka dmabeeyay 1991-kii markii ay dhacday dowladii dhexe waxaa soo gaaray burbur weyn.
Baadarigii ugu dambeeyay kiinsaddu laheyd waxaa la oran jiray Salvatore Colombo kaas oo la dilay 1989-kii xilli uu kinisadda dhexdeeda khudbad ka jeedinay.
Baadari Colombo oo 66 jir ahaa markii la dilay waxaa lagu aasay Muqdisho. Dagaalkii sokeeye markii uu dhacay kaddib ayaa qof soo bixiyay meydkiisa wuxuu kala baxay dahabkii ku xirnaa ilkahiisa. Lafihii ka haray meydkiisa waxaa markii dambe la geeyay oo dib loogu aasay magaalada Milan ee Talyaaniga.
Dilka baadari Colombo wa mid aan weli la xalin. Mana jirin baadari kale oo isaga ka dambeeyay oo loo soo magcaabay kiinsadda.
Kinisad
XIGASHADA SAWIRKA,BBC
Maxaa keenay Soomaaliya in Kinisad laga dhiso
Kinisadda waxaa naqshadeeda sameeyay Antonio Vandone oo ahaa injineer naqshadaha kaas oo u dhashay talka talyaaniga.
Soomaaliya waxay aheyd dal Muslim oo gumeysi aan Islaam aheyn uu xoog ku yimid. In kinisad laga dhisana waxay ka dambeysay amar uu bixiay Cesare Maria De Vecchi oo ahaa ninkii xukumayay goboladii koonfureed ee Soo ma aliya ee Talyaanigu uu haystay ee Italian Somaliland.
Ujeedkiisu wuxuu ahaa sidii uu sare ugu qaadi lahaa diinta Masiixiga. Cesare Maria wuxuu doonayay in dad badan oo Soomaali ah ay qaataan diinta Masiixiga. Si loo helo taas wuxuu dhisay kinisad aad u weyn taas oo loo ekeysiiyay kuwii ku yaalay Talyaaniga gaar ahaa Sicily.
Dad gaaraya 8,500 oo diinta masiixiga aami nsanaa ayaa ku noolaa soomaaliya 1950-kii.
Askartii Taylaaniga ee guursaday Soomaal ida waxay keentay in ay kordhaan dadka waalid kod Soomaali iyo Talyaaniga yahay ee diinta Masiixiga aaminsan. Kaddib markii uu hoos u dhacay saameyntii uu Talyaniga ku lahaa Soomaaliya bartamihii qarnigii 20-aad waxay keentay taas in ay hoos u dhaceen dadkii Masixiigi ahaa ee Soomaaliya ku noolaa.
Kinisadda ayaa mar aheyd astaan minaarada heeda ay ka muuqdaan Muqdisho balse markii ay burburtay waxay deegaan u noqotay baraka cayaal.
Qorshooyin la doonayo in lagu dayactiro kinisada aya soo baxay sanadkii 2013-kii balse ma jiraan wax dib u dhis ah oo laga bilaabay
El-Sisi Oo Cafis U Fidiyay Siyaasiyiin Caan Ka Ah Dalka Masar
Taleefishinka dowlada Masar ayaa sheegay in Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi uu cafis u fidiyay tiro maxaabiis ah, oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee Masar Ahmed Douma.
Douma, oo 37 jir ah, isla markaana hormuud ka ahaa kacdoonkii dimoqraadiyadda ee xukunka looga tuuray Xusni Mubaarak 2011-kii, ayaa 2019 lagu xukumay 15 sano oo xarig ah,
"Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi waxa uu isticmaalay awoodiisa dastuuriga a” si uu u cafiyo maxaabiis dho wr ah oo ay ku jirto Douma”, ayuu yiri qareen Tarek Elawady, oo xubin ka ah guddiga cafiska madaxweynaha.
Qareenka xuquuqul insaanka ee caanka ah Khaled Ali, ayaa dhanka kale ka sheegay baraha bulshada inuu ku sugayay bannaanka xabsiga Badar ee duleedka Qaahira si loo sii daayo dhaqdhaqaaqayaasha.
Si la mid ah dhawr qof oo kale oo caan ka ah Masar, Douma waxa lagu xiray Mubaarak, golihii milatariga ee ku xigay, madaxweynihii hore ee Maxamed Mursi iyo el-Sisi.
Bishii hore, mas’uuliyiintu waxay sidoo kale sii daayeen cilmi-baaraha xuquuqda Masar Patrick Zaki iyo qareen Mohamed el-Baqer ka dib markii ay cafis u fidiyey el-Sisi.
El-Sisi, oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada ee hormuudka ka ahaa in Morsi xilka laga tuuro, ayaa lagu eedeeyay inuu hormuud ka ahaa olole aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah dadka u ololeeya dimuqraadiyadda iyo Islaamiyiinta.
Tan iyo dabayaaqadii 2021-kii Masar waxa ay qaaday tallaabooyin ay sheegtay in looga golleeyahay in wax looga qabto xuquuqda aadanaha, oo ay ku jirto cafis loo fidiyo qaar ka mid ah maxaabiista caanka ah, balse dadka dhaleec eeya ayaa ku gacan seyray tillaabooyi nkaas mid la isku qurxiyo oo ay sheegeen in xarigga uu sii socday.
Tan iyo bishii Abriil ee sannadkii hore, mas’uuli yiintu waxay sii daayeen 1,000 maxbuus oo u xirnaa arrimo siyaasadeed iyadoo aad loo hadal hayo, laakiin waxay xireen ku dhawaad 3,000 oo kale, sida ay sheegeen kormeerayaasha xuquuqda Masar.
Cafiska ayaa sidoo kale ku soo beegmaya bilo ka hor doorashada madaxtinimada Masar ee loo qorsheeyay 2024-ka.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin mushar ixiinta, haddana waxaa si weyn loo saadaa linayaa in musharraxa xilka haya uu ku guule ysan doono doorashada soo socota.
In ka badan 24 muhaajiriin ah oo la sheegay in la la’yahay ka dib markii ay Doontooda ku degtay xeebaha Jabuuti.
In ka badan 24 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay waxaana la rumeysan yahay in ay ku dhinteen doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday habeenimadii Khamiista, Agoosto 17-keedii, Godoria, oo u dhow magaalo-xeebeedda Obo ck, ee waqooyi-bari Jabuuti.
Sida laga soo xigtay muhaajiriinta la soo badbaadiyay ku dhawaad 60 muhaajiriin ah ayaa saarnaa Doonta, oo ay ku jiraan 18 hawe en ah iyo ugu yaraan 2 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 18 sano jir. 26 qof oo tahriibayaal ah ayaa la soo badbaadiyay, waxaana ilaa had da la helay meydadka 11 qof.Waxaa wali socda baadi goobka dad nool iyo samatabixin ay wadaan maamulka Jab
Wiil Soomaali ah oo toogtay gabar xiriir kala dhaxeeyay kadibna is-dilay
Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo uu wiil Soomaali ah habeenimadii Khamiista ka geystay dalka Mareykanka,
Dhacdadan oo si gaar ah uga dhacday ma gaalada Colombus ee gobolka Ohio ayaa timid, kadib markii wiil Soomaali ah uu dilay gabar kale oo Soomaali oo uu xiriirkala dhexeyay, kadibna uu isagu is dilay, sida ay shaaciyeen saraakiisha booliska ee magaaladaasi.
Ninka dilka geystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Dirir, wuxuuna ahaa 23 sano jir, halka gabadha lagu magacaabi jiray Aasiyo Muuse oo iyana aheyd 22 sano jir.
Booliska oo soo saaray warbixin la xiriirta falkaas ayaa sheegay in Cali Diriri uu xabad ku dhuftay Aasiya Muuse, kadibna uu isagu is too gtay, waxaana markii hore soo gaaray dhaawacyo, balse gabadha ayaa geeriyootay intii loo waday isbitaalka, kadibna wiilka ayaa isna saacado ka dambeeyay, isaga oo ku dhintay isbitaalkii la geeyay.
Sidoo kale booliska oo maydadaka hayey mu ddo dheer ayaa haatan u fasaxay ehellada si loo aaso gabadha iyo wiilka.
Wararka ayaa intaasi ku daray in Cali Dirir iyo Aasiyo Muuse uu xiriir ka dhexeeyay, balse uu ka shakiyay, kadibna uu sidaas ku khaarijiyay.
Ehellada ayaa sidoo kale sheegay in labadooda ay ku ballansanaayeen guur lix bilood kadib, balse uu soo kala dhex-galay khilaafk ugu dambeyb sabay geeridooda.
Si kastaba, falkan ayaa waxaa si weyn uga nax ay bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan mag aalada Colombus ee gobolka Ohio, waxa ana sidoo kale ka dhashay hadal heyn xoogan.


0 


HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGESYKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA AGOOSTO 2023-KA
...