
HALKAAN KA AKHRISO:_ WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 19-KA AGOOSTO 2023-KA
Xassan Shiikh: "Qorshaha dowladu waa in shan bilood lagu soo afjaro argagaxisada”
Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md.Xasan Sh. Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka soomaal iyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka al-shabaab iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.
Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen ladagaallanka Khawaarijta ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed oo mideysani ay ku doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan al-shabaab, qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deeg aanada laga xoreynayo argagixisada.
Xassan Shiikh ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay qorsheyaal muddo dheer laga soo shaq eyayney oo ay dooneyso inay ku guuleysato shan ta bilood ee soo socota. kuwaasoo uu ka mid yah ay in dalka laga xorreeyo Al-Shabaab.
"Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isugu dhigo iyadoo wii lal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”.
Waxa uu xusay in dowladda ay sidoo kale wax ka beddeshay xeeladihii hore ee diiradda lagu saa rayey qabsashada magaalooyinka, ayna hadda u weecatay in al-shabaab laga xorreeyo dhulka fog ee baadiyaha iyo keymaha, si aysan u helin furs ado ay gadaal kaga soo weeraraan ciidanka dowl adda.
"Raggan wadahadal ma ogola. DS anigoo mad axweynaha ka ah ayaa intaas oo jeer baafiyay oo dhahay cafis ayaa tihiin, welina cafiskaas waa fur an yahay” ayuu yiri Xassan Shiikh.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay jirin sab ab ay dowladdu u diido wadahadal ay la gasho Al shabaab, si loo joojiyo dilka ay geysa nayaan iyo midka dowladdu u geysanayso.
Xasan Sheikh wuxuu caddeeyay dowladdiisu inay soo dhoweynayso cid kaste oo ka tanaas u sha mabda’ Alshabaab. Wuxuu u ballanqa aday in ay dowladdu siin dooto xuquuqda ay leeyihiin, si lamid ah muwaadiniinta kale.
Ra’iaul Wasaare Xamse oo Ammar dagaal siiy ay wasiirrada iyo Hay’adaha kale ee dowladda
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Ca bdi Barre, ayuu ku faray Hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan halganka socda ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ah.
Golaha ayaa warbixin ku saabs an howlgallada socda ka dhagey stay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen.Ibra ahim Sheekh Muxyadiin oo tilm aamay in uu socdo dagaal looga sifeynaayo Khaw aarijta deegaann ada ay kaga harsan yihiin Gob ollada Dhexe ee dalka.
Rwasaare Barre oo shirka ka hadlay ayaa bog aadiyey go’aanka Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sh.Maxamuud uu ku gaarey in uu dagaalka ka ho ggaamiyo jiidaha hore, si dadweynaha iyo C/Q/ Sida loogu dhiirrigeliyo halganka dalka lagaga cirib tirayo Khawaarijta.
"Waxaan bogaadinayaa ciidamada Qaran ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taar iikh cusub oo mar 2ad looga xorobayo argagi xiso gumeysi ku haya dadkeenna”.Ayuuyiri Md.W/Xam sa .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalku uu ku jiro dagaal la rabo qof walba in uu qaato doorka ka ga aadden, si la isaga dulqaado culeyska Khawa arijta ee naafeeyey noloshii iyo horumarkii ummad da Soomaaliyeed.
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale la gu meelmariyey Hindise Sharciyeedka a’yart a So omaaliyeed iyo Xeer nidaamiyaha Maarey nta Han tida danta guud iyo agabka dowladda
Arrinta Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo falcel inta Gudoomiyaha Golaha Shacabka
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BF, Aadan Maxamed Nuur (Aad an Madoobe) ayaa magaca abay guddi gaar ah oo baaritaan ku soo sameeya xabsiyada ku yaala M/Muqdisho, tirada maxaabii sta ku xiran iyo xaaladda maxaabiista.
Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la fa ray inay warbixin ka soo diyaariyaan xaalad da no loleed ee ka jirta xabsiyada, isla-markaana ay la ku lmaan hay’adaha ay khuseyso arrinta maxaabiista.
Hay’adaha DFS ay khuseyso arrinta maxaabiis ta ayaa lagu wargeliyay in ay la shaqeeyaan gu ddiga. Xildhibaanada GSh. ayaa Isniintii dood ada g ka yeeshay xaaladda maxaabiista ku xiran Xabs iga Dhexe ee Xamar, ka dib markii Taliyaha Ciid anka Asluubta Soomaaliyeed, Gen.Mahad Ca bdir axmaan Aadan uu dhawaan ka deyriyay xaa ladda maxaabiis garsugeyaal ah oo isaga xiran xa bsig aasi, muddo ka badan 10 sano.
Xildhibaan Xaawo Sokor Cali, Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka & Arrima ha Bani’aadanimada ee GSh ayaa sheegtay in da yac badan ay ku soo arkayn xabsiga, ayna tahay in goluhu uu si dhab ah u eego.
"Dadka xabsiga ku xiran, tusaale waxaa ka mid ah dad diyo/mag laga bixiyay oo dad soo dilay, mar kii diyada laga bixiyay ka dibna ay iska xiran yihiin oo weli aan la sii deynin. Waxaa kaloo ku jira dad lacago yaryar oo laba laba boqol oo dollar iyo wax yar loo haysto oo muddo dheer xabsiga iskaga xi ran. Niicle teleefan la dhahayo qof loo haysto oo lacagtana laga bixiyay, markii laga bixiyay ka dibna lix bilood iska xiran.” Ayay tiri Xildhibaan Xaawo Sokor.
Waxa kaloo ay tiri "Qof waxaa jira gaari uu waday qof meel gees ah ka haystay oo shil gaari ku dhintay, lacagtii la rabo in laga bixiyo, eheladii marxuumkana aan dib loo arkin oo iska xiran mud do toban sano ah. Dad badanaa jira oo meesha iskaga dayacan.”
Xubno ka socday Guddiyada Xuquuqul Insaan ka, Garsoorka & Caddaaladda iyo Gud diga Arrima ha Bulshada ee Golaha Shacabka oo kormeer wad ajir ah ku tegay xabsigaasi ayaa warbixin ay ka soo diyaariyeen ku sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xam ar ay ku xiran yihiin tiro ka badan maxaabiistii loo gu talagalay in lagu xiro, isla-markaana ay jiraan maxaabiis si caddalad darro ah ugu xiran xabsiga.
Warbixintooda oo golaha lala wadaagay ayay Xildhibaanadu ku baaqeen in si wadajir ah loogu is taago muwaadiniinta caddaaladda u baahan.
Xabsiga Dhexe ee Xamar waa kan ugu weyn Gobo lada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaca abay agaasimaha Guud ee Madaxtoo yada Soomaaliya
Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md.Xasan Sh. Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixa kiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Md. Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leey ahay khibrad shaqo oo kor u dhaaf aysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta D/Goboleedyada & Bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuq da aadanaha.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaran ka. Magacaabista agaasimaha Guud ee Madaxto oyada Soomaaliya ayaa timid kaddib markii uu is-casilay agaasimihii hore ee madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud, kaa oo sheegay inuu u shara xan yahay xilka M/xweynaha M/mulkaK/ Galbeed
Cabdi Xaashi Cabdullaahi"Cadow dhiba ato ku haya dalkaan ayuu ka hortagayaa sharcigaan hadii la meelmariyo"
kulanka golah aqalka sare JFS oo ay ka qayb galeen wasiirrada dowladda dhexe iyo kuwa dow lad goboleedayda dalka gobolka Banaa dir,Xildhib aan iyo bulshada raydka ah ayaa looga hadalay sharciga deegaanka oo muhiim u ah faya dhowrka deegaanka iyo badqabkiisa.
Gudoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay ayaa sheegay in sharci gaan u muhiim u yahay labo cadow oo dalka dhibaato ba'an ku haya in u xal u yahay ka hortagooda.
"Cadow dhibaato ku haya dalkaan ayuu ka hortagayaa sharcigaan hadii la meel mari yo,cado wga kowbaad waa nabad guu rka ku dhac ay dalka oo ba'binaya Badda iyo Birigaba cadowgaas waa midka aan kaga hortagi lahay sharcigaan,oo aan si wadda jir ah uga badbaadi karnaa degma walbaa oo dalka ka tirsan waxaa jira togag biyo ah oo iska qulqula xili roobaadka oo isaga dham maad dhulka,haddii la qabto oo loo sameyo biyo xireeno waxay anfacayaan dadka, dhir eynta waa wax muhiim inoo ah idinka ayaan farah ku ahaya xeer sharcigaas oo la idink aga baahan yahay sidii aan uga faa'iid aysan lahayn".
Guddoomiye Waaxeed Dorraad lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya
Kooxo biskoolado ku hubeysan oon heybtooda la garan ayaa Dorraad xaafada Soonakey ee deg mada Hodan, waxa ay ku dileen guddoomiyihii wa axda Daadsaney ee degmada Dayniile Cabdul laahi Yariisow.
Sida aan wararka ku helnay gud doomiyaha ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday sal aada cishaha oo gurigiisa meel ku dhaw ku yaallay, waxaana dilka kaddib goobta ka baxsaday ragii hubeysaa.
Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ay aa goobta dilku ka dhacay gaaray, waxa ayna cii damada halkaasi ka qaadeen meydka guddoom iyaha la dilay, waxa ay sidoo kale ciidamada bilaa been baaritaano ay ku raadinayaan dadkii dilka geestay.Guddoomiyahan Xalay la dilay ayaa noq onaya kii saddexaad oo oo la dilo isaga oo ah gud doomiaha waaxdaDaadsaney, waxaana guddo omiyihii ugu dambeeyay ee waaxdaasi oo la dilo uu ahaa Cabdi Juge Cabdulle Cismaan oo la dilay labo sanno ka hor.
Wasaaradda Waxbarashada oo isbadal ku sam eysay nidaamka Waxbarashada Jaamacadaha dalka
Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda So omaaliya ayaa isbadal cusub ku sameesay nid aamka waxbarashada ee Jaamacadaha dalka ga ar ahaan sanadaha iyo maadooyinka lagu dhigto.
Qoraal kasoo baxay wasiirka waxbarashada ayaa lagu sha aciyay in laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dha mmaan ardayda doonaysa in ay galaan tacliin jaamacadeed laga rabo inay maraan hal sano oo waxbarasho as aasi ah (Foundation Year).
Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxb arashada e asaasiga ah, waa inuu ka mid noqdaa Afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaq anka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono wax barashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaam ka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xir fadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fe kerka Naqdineed (Critical Thinking).
Maxkamadda ciidamada oo bilowday dheg aysiga kiiska qalabkii militari ee dekeda lagu qabtay
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soom aaliya, ayaa Dorraad markii ugu horreysay la horke enay eedeysanayaal loo haysto agab militari oo la gu qabtay dekeda Muqdisho. Saddex nin oo ganac sato ah oo la sheegay inay qalabkan kasoo daji yeen dekeda Muqdisho iyo darawaliinta gaadiid xamuul ah oo loo diyaariy ay inay qalabkan u qaad aan deegaanada Alshabaab, ayaa maxkamadda kasoo muuqday.
Dambi baare katirsan ha y'adda NISA, ayaa shee gay in qalabkan uu yahay qalab casri ah oo lagu fulin karo howlgallada qorshaysan ee habeenkii la sameeyo. Wuxuu sheegay haddii uu gacanta u gali lahaa kooxda Alshabaab in ay ka dhalan laha yd halis amni oo aad u wayn. Ganacs atada loo ha ysto inay qalabkan soo galiye en dalka, ayaa she egay in aysan wax lug ah ku lahayn arrinkan, iya goo sheegay in la qiyaanay oo alaabtaan lagusoo dhex qariyay Konteenarka lagusoo qaaday badee caddooda. Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada, ayaa maxkamada ka codsaday inay ciqaab adag ku riddo eedaysanayaasha loo haysto inay dalka soo galiyaan qalabka militari ee loo wad ay kooxda Alshabaab.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qal abka sida, gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shu ute ayaa sheegay in ay max kamadda sii wadayso dhegaysiga kiiskaan inta laga gaarayo gungaarka kiis kaan
Maxaa ka jira in la sii daayey C/risaaq Dhoore oo ku afduubna Baladweyne?
Sida ay sheegayaan Wararka aanu ka heleyno M/Baladweyne wariye Cabdirisaaq Mire Dhoore ay aa dib u helay xoriyaddiisa ka dib afduub muddo 7aad ah loo heystay.
Dabley hubeysan ayaa dho waad todobaad ka hor dul eed ka magaalada Beledwey ne ka afduub ugu haystay Cabdir isaaq, oo ah suxufi isla marka ana la shaqeeya Xafi iska Q/ Midoobay ee Soomaaliya.
Dableyda afduubatay suxufigan ayaa la sheeg ay inay dabo taagnaayeen dilka nin horey looga dil ay jufadooda oo qayb ahaan diyadii lagu xukumay aan la bixin.
Baaqyo kala duwan oo loo jeediyay dableyda afd uubka gaystay iyo dedaal dheer kaddib, waxaa Habeen hore lagu guuleystay in la so siidaayo Cabdirisaaq Mire.
Wararka ayaa sheegaya in weriyaha la sii daa yey ka dib markii odayaasha beeshiisa ay bixiyeen lacagtii magta aheyd ee laga doonayey, waxaana xarigiisa uu hadal heyn iyo cambaareyn kala kul may qeybaha bulshada
Axmed Madoobe oo lacag siiyay kana farxiyay arday kasoo jeeda Jubbaland
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Md.Axmed Maxamed Islaam ayaa abaal-marino la cageed guddoonsiiyay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Dusgiyada Sare iyo dhexe oo ka la ah.
Ardaydan uu madaxweynaha Jubbaland abaal-marinada siiyay ayaa kaalmaha sare ka galay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ee dalka oo dhan iyo sidoo kale imtixaanka dugsiga dhaxe ee deegaannada Jubb aland .
Ardayda abaal-marinada la siiyay ayaa kala ah Deeqa Maxamed Cabdullahi oo kaalinta koobaad ka gashay Imtixaanka Dugsigada Sare ee dalka.
Muuse Maxamed Xasan oo kaalinta Sadexa ad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka.
Shamso Xuseen Siraat oo kaalinta Afraad ka ga shay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka.
Iqra Haashim Nuur oo kaalinta koobaad ka gas hay Imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Jubaland.
Khadar Cabdinuur Cabdirashiid oo kaalinta laba ad ka galay Imtixaanka Dugsiyada dhexe ee Jub aland.
Shukri Cabdi Bulaale oo kaalinta sadexaad ka gashay Imtixaanka Dusgiyada dhexe ee Jubaland.
Kulankan Madaxweynaha uu abaal marinada ku gudoonsiinayay Ardayda ayuu Madaxweynahu ka balan qaaday in uu bixinayo deeq Waxbarasho oo ay helayaan dhammaan Ardaydan isagoo sheegay in Dowladu ay ku bogaadinayso guusha ay gaa reen.
Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo dhammaan howlwadeenada Wasaarada ee juhd iga badan galiyay sidii guushan ay usoo hoyin laha yeen Ardayda iskuulada kala duwan ee Jubaland.
Soomaaliya iyo Masar oo kawada hadl ay arrin dhibaato ku qabaan dadka Soomaaliyeed
Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha XFS Md.Maxamed Cali Xagaa oo ay weliyaan Aga asimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsi yadda Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo Safiirka JFS ee Wadanka Zambia Danjire xaawo Xasan ay aa kulan doceed la yeeshay Wafdi ka socda Dow lada Masar ee ka qeybgalayay Shirka wadamada ku bahoobay COMESA ee ka socday Wadanka Zambia.Dowladda Masar ayaa waxaa shirka ku matalayay Moataz Anwar, Safiirka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Zambia, ahna wakiilka joogtada ah ee Masar u jooga COMESA, Amb assador Amr Abbas,
Kaaliyaha Wasiiru dowlaha Socdaalka iyo Arrimaha Dibadda Mas ar iyo Dr Salma Sakr, ku-xigeenka wasiirka so cdaalka ee xiriirka caala miga ah iyo arrimaha qu rbajoogta Masar. Shirka ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka Dadka Soomaaliyeed ay ku qaba an helitaanka Dalku-galka Masar, iskaashi dhax mara Soomaaliya iyo Maaar ee dhanka Socdaalka ah iyo in labada wadan yeeshaan xiriir dhanka Socdaalka ah.
Danjirayaasha Soomaaliya iyo Comoros ee Ethiopia oo ka wadda hadlay Adkayn ta Iskaa shiga Labada Dal
Danjirayaasha Soomaaliya iyo Co moros ee dalka Ethiopia Ambassador Cabd ullaahi Maxa med Warfaa iyo Ambassador Youssouf Assoum ani Mondoha, ayaa xaruunta Safaaradda Comoros ee Addis Ababa ku yeeshay kulan ay uga wadda hadleen adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee laba da dal.
Danjire Warfaa ayaa dhigiisa Comoros Danjire Mondoha uga mahad celiyay soo dhoweynta diir ran ee uu ugu samee yey xafiiskiisa Safaara dda Comoros ee Add is Ababa, isa goo hoos ta ka xarrii qay muhi ima dda uu xambaars an yahay xoojinta xiri irka iyo iskaashiga la ba geesoodka ah, Dawla dda Soomaal iya dhankeedana ay diyaar u tahay adkaynta iskaashiga labada dal. Sidoo kale, Safiir Cabdullaahi ayaa Danjire Yous souf warbixin kooban kasiiyay xaal adda guud iyo horumarka Soomaaliya ay ka gaartay arrimaha adkaynta nabad-gelyada, dhaqaalaha, soo afjari dda khawaarijta Al-Shabaab, turxaan bixinta iyo tayeynta hay'a daha Dawladda,qorshaha dayn cafinta iyo qodobo kale oo saldhig u ah Dawlad-wa naaga Soomaaliya. Safiirka Comoros ee Ethiopia Youssouf Assoumani ayaa dhigg iisa Soomaaliya Danjire Cabdullaahi Warfaa u caddeeyey in uu si weyn u boga adinayo kulankan, isla markaana dhanko oda ay ballan qaadayaan xoojinta xiriirka Comoros iyo Soomaaliya ayna diyaar u yihiin inay garab istaag buuxa u muujiyaan Soomaaliya.
Ganacsatada iyo dadka kale ee dekadda iyo garoonka Muqdidho wax kala soo dega oo lagu xiray in ay…
Hay’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed oo ka duuleysa kahor-taga alaabaha aan tayada laheyn iyo kuwa dhacay ayaa soo saartay ammar ku so cda ganacsatada iyo dadka kale ee dekadda iyo garoonka alaabaha kala soo dega.
Qoraal kasoo baxay hay’adda tayadhowr ka ayaa shirkada ha, Ganacstada,hay’ad a ha caalam iga ah iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee alaabaha lasoo dega la faray in ay layimaadaan shahaadada waafaqsanaanta ee hay’adda Taya-dhowrka.
Shir laga yeeshay Amniga Magaalada Baraawe
wafdi wasiiro ah oo ku sugan Caasimada Ma amulka K/Galbeed ee Baraawe ayaa Dorraad kulan loogu hadlayey Arrimaha Amniga Caasimada Koo nfur Galbeed ee Baraawe kula qaatay Taliyaasha ciidamada Meliteriga, Nabad Sugida ATMIS, Bo oliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed kan dowla dda Federaalka, iyo Maamulka Magaalada Bara awe.
Shirkan ayaa looga had lay dardargelinta Amniga adkeynta iyo u diyaar gar owga la dagaalanka Al-Shabaab iyo xoojinta wad ashaqeynta maamulka Bulshada iyo Laamaha Amniga.
Intii uu shirka socday ayaa waxaa warbixino kala duwan laga dhageystay Teliyaasha Ciidanka oo ugu horeeyo taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka. Taliyaha booliska koonfur galbeed, Taliyaha ATMIS ee Baraawe iyo laamaha kale ee Amaanka.
Dhammaan Madaxdii ka qeyb gashay Shirka ayaa isku raacay in la adkeey Amniga Magaalada Baraawe sidoo kalena Ciidamada kala duwan ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabaan de gaannada hoostaga degmada Baraawe ee Gob olka Shabeellaha Hoose.
General Maalin oo gaaray Gobolka Mudug, si hawlgalka wax uga hoggaamiyo
General Axmed Xasan Maalin oo ka tirsan Sara akiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Talaadadii gaaray Degmada Xarardheere ee Koonfurta Gob olka Mudug.
General Axmed Xasan Maalin iyo ciidan uu hog gaaminayo oo ka ambabaxay Magaalada Muqdi sho ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tegay degma daasi.Jananka ayaa isla Dorraad Dorraad kormeeray barraha ay ciidamadu ku leeyihiin degmadaasi, iya doona lagu wado in wax ka hoggaamiyo hawlgalka ay ciidamadu ku xoreynayaan deegaanada ay mal eeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan iyo Sara akiil kaleba ay sidoo kale ciidamada kala shaqayn doonaan barnaamijka lagu xasillinayo deegaana da laga saaro maleeshiyadaasi.
General Maalin oo horey u soo noqday Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa bishii Ja nuary ka mid noqday Saraakiil gaar ah, oo Dowl adda Federaalka ay u xilsaartay inay la yimaadeen qorshihii lagu xasillin lahaa Xarardheere iyo deega anada kale ee ku dhow dhow, ka dib markii ciida madu ay degmadaasi 16-kii bishaasi ka saareen maleeshiyada Shabaabka. Xarardheere ayaa xilli gaasi ahayd xaruntii Shabaabka Gobolada Dhexe.
Hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in jananka iyo ciidamadiisa ay ku sii jeedaan deeg aanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardhe ere, muddo dheerna ay Shabaabka ka arrimina yeen, halkaas oo la filayo in dhanka Degmada Wis il ay uga sii gudbaan. Jowle ayaana muhiim u ah isu socodka Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo.
Gobolka ayaa lagu wadaa in uu ka bilowdo dag aalka lagu xoreynayo deegaanada maqan, iyadoo na Wisil ay xudun u tahay gulufka Shabaabka loo ga sifeynayo gobolkaasi.
Ciidan xoog leh oo dhawaan ka ambabaxay M/Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa la filayaa inay ku biiraan hawlgalka ay ciidamada isugu bal laarinayaan gobolkaasi.
Hawlgalkan oo ay tahay in lagu xoreeyo deega ano ay ka mid yihiin Ceel Cabdi, Qaycad (Qeecad), Qodqod, Caad, Cammaara, Dabagalo, Dumaaye, Bacaadweyne iyo Shabellow ayaa waxaa door weyn ku yeelan doona Ciidanka Daraawiishta Gal mudug iyo Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa reer Galmudug ku ammaanay in ay hormuud u yihiin dagaalkan uu qorshihiisu yah ay in dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada.
Madaxweyne Muuse Biixi oo si aan caadi ahe yn loogu soo dhoweeyey Burco
Madaxweynaha Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo, ay aa Dorraad lagu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu safar shaqo ku gaaray.
Madaxweynaha iyo wefdigi isa oo Dorraad ka amb obaxay magaalo xeebeedka Berbera oo uu maal mihii u danbee yey hawlo shaqo u joogay, ayaa mar kii ay soo ga areen duleedka waqooyi galbeed ee M/Burco wa xa kaga hor yimi maamulka G/Togdhe er, ka deg mada Burco, xubno xukuumadda ka tirs an, mada x-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo ku lebi san astaanta calanka Somaliland calee mo qoyan na lulaya, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo soo dhaweyni.
Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna u gacan haad iyey dadweynihii safafka ugu jirey soo dhaweynti isa, isaga oo sidoo kalena gacan qaaday madaxdii, masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii soo dhaw eyntiisa u taagnaa, waxaana loo sii gelbiyey dhina ca gudaha magaalada Burco.
Magaalooyinka ay ka mid yihiin Sheekh iyo tuul ooyinka kala duwan ee u dhexeeya magaalooy inka Berbera iyo Burco, ayey madaxweynaha iyo weftigiisa si heer sarraysa ugu soo dhaweeyeen dadweynaha deegaannadaas ku dhaqani ka hor intii aanay Burco gaarin
Haweeney sumeyn rabtay Donald Trump oo dhowr iyo labaatan sano la xiray.
Haweeney u dhalatay dalka Canada balse ku nool Mareykanka, ayaa waxaa la xukumay 22 sano oo xabsi ah kaddib markii warqado ku xardhan sun ay u dirtay dad uu kamid yahay Donald Trump xiligii uu hayay xilka madaxtinimo ee waddanka Mareykanka.
Pascale Ferrier, oo 56 sano jir ah, ayaa
xuku nka ogolaatay bishii Febr uary
kadib markii ay ogolaatay eedo loo soo jeediyay. Baqshadda oo sunt ana ku
jirtay ayaa gacanta lagu soo dhigay bishii Septembar eee sanadkii 2020-kii,
kahor int aan loo sii gudbin aqalka cad. Ferrier ayaa max kamadda u sheegtay inay
ka qoomameyneyso in qorshahe eda uusan guuleysan. FBI-da Mareykank a ayaa
faraheeda ka helay baqshaddda loo siday Trump.
Kenya oo shaacisay waqtiga ay Ciidam ade eda kala baxeyso Soomaaliya
Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Kenya Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in ciidamada G/ndhigga wadanka ee KDF-ta ay gudaha Soom aaliya isaga soo bixi doonaan marka laga gaaro bisha 12-aad ee sanadka 2024.
Aadan Barre Ducaale oo la hadlay teleefishinka maxalli ga ee Cetizen ayaa sheega y in ciidamada Kenya ay ka soo baxeen howshii loo Igm aday oo ay ka wadeen Gudaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaaasi ku daray in ciidamada DFS ay diyaar u yihiin inay dalkooda difaacaan kana xorreeyaan meelaha ay weli ku sugan yihiin Al-Sha baab. Waxaa uu caddeeyay in dhammaan ciida mada hoostaga howlgalka midowga Afrika ee ATM IS ay Soomaaliya ka soo baxayaan ugu dambeyn dabayaaqada sanadka 2024-ka.
Ducaale ayaa sheegay in ciidamada difaaca dalka la gayn doona xadka uu la wadaago Sooma aliya, si ay uga hortagaan weerararada Al-Shabaa b mararka qaar ka gaysata qaybo ka mid ah dalka Kenya.
Ciidamada difaaca Kenya ee ee qaybta ka ah ho wlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa gudaha Soomaaliya soo bishii Tobnaad ee sanadkii 2011-kii, waxaana hadda ay ku sugan yihiin meelo kamid ah Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Dhalinyaro lagu dilay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Kooxo hubeysan ayaa 6 dhalinyaro ah oo 4 ka mid ah Arday ay ahaayeen waxaa ay ku dileen dul eedka M/Gaarisa ee G/Waqooyi Bari dalka Kenya.
Ardayda ayaa kusii jeeday dega anka xilliga la dilayay degaanka Huluqo si ay ehelkooda ay waqtiga fasaxa ula soo qaataan, waxaana lala dilay Darawalkii Gaariga ku waday iyo qof la socday. Wararka la helay ayaa sheegaya in dilka Dhalinyaradaan uu la xiriiro aan ooyin qabiil oo ka jira meelo kamid ah dhulka G/W aqooyi Bari. Cadow Cumar Saciid oo ah Xildhibaan ka laga soo doortay degaanka Huluqo oo Dhaliny aradaan ay u socdeen ayaa ka tacsiyadeeyay. War arka Risaala ay heleyso ayaa dido kale sheegaya in mid kamid ah maleeshiyaadkii dilka geystay ga canta lagu dhigay sidoo kalena kuwa haray ay ka raadjoogaan laamaha Ammaanka G/Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Nin goob fagaare ah isku gubay iyo hadal heyn badan oo ka dhalatay falkaasi
Nin u dhashay dalka Kenya ayaa goob fagaare ah oo kutaalla magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya isku gubay, ninkan ayaa la sheegay in uu ka bannaan baxayay sicir barar ku yimid raashinka quutul daruurig a
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay ninkan oo saaran taallo kutaalla bartamaha magaalada Mombasa, waxaana ninkan oo ku dhawaaqayay ereyo uu uga soo horjeeday sicir bararka markii dambe dab is qabadsiiyay.
Ninkan oo calanka Kenya gacanta ku sitay ayaa isaga oo qeylinaya dab isku daaray, waxaana nink aasi si deg deg ah ugu gurmaday dadkii goobta ka agdhawaa oo dabka ka damiyay ,kaddibna ula cararay isbitaal hadda lagu daweenayo.
Baraha bulshada dalka Kenya ayaa si weyn looga hadal hayaa falka uu ninkan ku dhaqaaqay, waxa ayna dadka qaarkood sheegeen xaalada adag ee ka dhashay sicir bararka ay saameesay nolosha dad badan oo Kenyan ah.
Duqeyn Markale Loo Geystey Bartama ha Caasimada Ruushka
Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine inay weer ar diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday dhismo ku yaalla magaalada Moscow, kaasoo sababay qa rax laga maqlay guud ahaan xaafadda ganacsiga ee magaaladaas.
Duqa magaalada Sergei Sobya nin ayaa sheegay in difaaca ci rku ay soo rideen diyaarada aan duuliyaha lahayn ee aan iyadoo burburkeedu uu ku dhacay xarunta Expo ee maga alada Moscow. Waa weerarkii ugu dambeeyay ee weeraro noocaan ah lagu qaado caasimadda Ruu shka. Muuqaalo aan la xaqiijin oo laga soo qaaday baraha bulshada ayaa u muuqday inay muujinaya an qiiq ka soo baxaya hawada Moscow.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ukraine, balse saraakiisha Kyiv ayaan waligood si rasmi ah u qiran in ay weerarro ku qaadeen bartilmaameedy ada Moscow.
Duqa magaalada Moscow ayaa sheegay in mar kii gantaalo lagu ridey diyaarada weerarka soo qaa day ay bedeshay halkii ay ku socotay waxayna ku dhacday dhismo aan la deganayn oo ku taal Kra snopresnenskaya Embankment, aagga Mos cow oo martigeliya tiro dhismayaal dawladeed ah.
Goob-jooge ku sugnaa aagga uu weerarku ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarku uu geystay Qarax xoogan.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegt ay in burburku uusan dhalin dab, halka Mr Sobya nin uu sheegay in diyaaradda Drone-ka aysan wax khasaare ah u geysan dhismaha.
Mid ka mid ah wakaalada wararka ee Ruushka oo lagu magacaabo Tass, ayaa ku warantay in mid ka mid ah darbiyada dibadda ee xarunta uu qeyb ka mid ah dumay, iyadoo soo xiganeysa ciidamada gurmadka. Waxay sheegtay in aagga ay dhibaat adu saameysey uu ahaa agagaarka 30 sq m (323 sq ft).
Gegida dayuuradaha ee Vnukovo ee Moscow ayaa sidoo kale la xiray shilka ka dib,laakiin wax yar ka dib ayaa dib loo furay.
Ilaa horraantii sanadkan, Moscow ayaan saamey nin dagaalka ka socda Ukraine, balse bilihii la soo dhaafay waxaa lala beegsaday duqeymo ay fuliy een diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
30kii Maajo, dhismayaal dhowr ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo soo gaartay mowjado weerar ah.
30kii iyo 31kii Luulyo, laba diyaaradood oo aan duu liye lahayn ayaa ku burburay wejiga hore ee dhi sme dhowr boqol oo mitir u jira Xarunta Expo.
Saacado ka hor weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Moscow, diyaarad Drone ah oo laga leeyahay dalka Ukraine ayaa lagu burburiyay isku day weerar oo lagu qaaday ciidamada badda ee Ruushka ee ku sugan badda Madow, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.
MW Shiinaha oo ka qeyb galaya Shir Madaxe ed ka furmaya Dal ku yaalla Afrika
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shir madaxe edka wada mada ku bahoobay ururka BRICS, kaas oo ka fur maya Dalka Koonfur Afrika 21-ka bishaan.
Madaxweyne Xi Jinping ayaa waxa uu ka qeyb geli doonaa Shir Madaxeedka 15-aad ee Uru rka BRICS oo lagu qaban doono magaalada Johanne sburg ee dalka Koon fur Afrika, kaas oo socon doona 21-ka ilaa 24-ka Agoosto, waxaana ka qeybgali doona Shanta wadan ee Ururka BR ICS sida Brazil, Russia, India, China iyo South Afr ica.
Mada xweynaha Shiinaha ayaa horay u booq day Koonfur Afrika sanadkii 2018-kii isagoo doon aayey inuu sare u qaado xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee dalkiisa uu la leeyahay Afrika.
Madaxweyna ha Ruushka Vladimir Putin oo wajahaya waaran lagu soo xirayo ayaa ka qeyb qaadan doona muuqaal ahaan kula nka asi,halkii uu shaqsi ahaan uga qeyb gali lahaa.
Guud ahaan 69 wadan ayaa lagu casuu may shir madaxeedka K/Afrika oo ay ku jiraan dhamma an dowladaha Afrika, waxaana la filayaa in la bal laariyo ajandaha ugu sarreeya.
Dalal ay ka mid yihiin Algeria, Saudi Arabia, Arg entina iyo Ethiopia ayaa muuji yay xiisaha ay u ha yaan ku biiridda kooxda asi si rasmi ah ama si aan rasmi ahayn. Dalalka ku bohoobay Ururka BRICS ayaa doonaya in ay muujiyaan awood lamid ah tan reer Galbeedka,waxaana lagu tiriyaa dalalka heys ta rubuc meelood dhaqaalaha dunida
Haweeney weerartay Ciraaqiyiin kutaab ka Qur ’aanka Kariimka Dorraad gubayay
Laba Nin oo Qaxooti Kirishtaan Ciraaqiyiin lagu kala magacaabo Silwan Momika & Silwan Najam ayaa waxay Dorraad Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubeen
Dhismaha Safaarada Ja mhuuriyadda Iran ku lee yihiin caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.
Haweeney ka mid ah dad kii ku sugnaa goobta lagu gubay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa waxay toos u abaartay kuwii ku xadgubayey Kitaabka, waxayna lasoo ba xday Qalabka Dabka Damiska oo ay ku buufisay kuwii gubayey Kitaabka Qur’aanka Kariimka.
Boliska goobta joogay ayaa waxay Haweeneydii ka qaadeen Qalabka Dab-damiska ay wadatay.
Boliska waxay si halhaleel ah ula carareen labadii nin ee gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, ka hor intaysan jeedinin hadalo ka dhan ah Islaamka.
Ciiddan Bolis oo aad u fara badan ayaa ilaalo ka hayey Fagaaraha Safaaradda Iran ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo Waddooyinka soo gala iyo dhulka Kaymaha ee ku hareeraysan.
MAXAY TAHAY DIYAARADDA SIDAY DAHABKA IYO HUBKA EE LA QABTAY?
WARBAAHINTA ZAMBIA
XIGASHADA SAWIRKA,WARBAAHINTA ZAMBIA
Qoraalka sawirka,Diyaaradda wixii laga helayMadaxda Zamb ia waxay ku dhawaqeen diyar adda ay qabteen in ay siday la cag badan oo doolar ah, dahab, hub, rasaas iyo lix ru ux oo u dhalatay Masar.
Diyaaradda oo ka timid Qaahira laguna qabtay gar oonka diyaaradaha caalamiga ee Kenneth Kaunda ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadallo is khilaaf san.
Warbaahinta Zambia ayaa soo bandhigtay sawiro iyo fidiyow ay ku sheegeen in howlgal weyn lagu qab tay 10 qof oo shisheeye ah oo lix ka mid ah yihiin Ma saari iyo lacag ka badan 5 milyan oo doolar.
Sidee lagu lagu ogaaday diyaradda?
Sheekada diyaaradda waxaa la ogaaday markii agaa simaha guud ee guddiga la dagaalanka maandoori yaha Zambia, Nason banda, uu shir jaraa’id kaga dha waaqay khamiistii in diyaarad ay saaran yihiin waxy aabo khatar ah ay ku soo degtay garoonka diyaarad aha Kenneth Kaunda saacaddu markii ay aheyd 7dii fiidnimo.
Sidoo kale Panda wuxuu sheegay in diyaaradda xoog lagu galay markii guddiga la dagaalanka maandooriyaha iyo hey’adaha kale sharci fulinta hele en xogta diyaaradda. Wuxuu sheegay in howlgalka lagu qabatay lacag gaareysa $5,697,700, 5 bistoolo, 7 qasnad oo rasaas ah, iyo dahab gaaraya 127.2602 kiilo. Sidoo kale wuxuu sheegay in baarista lagu soo xiray 10 qof oo mid Zambia uu u dhashay, 6 masaari ah, qof u dhashay Netherland, qof Spain ah iyo qof u dhashay Latvia.
Warbaahinta gudaha oo xiganeysa saraakiil dowla dda ayaa sheegay in lacagta la qabtay lageeyay ban iga dhexe intii ay baarista socotay sidoo kalena baaris ta lagu xaqiijiyay in aysan dahab aheyn wixii la qabtay balse ay ahaayeen macdan kale oo qaali ah sida nu xaas, nickel iyo zinc.
Laba arrin oo Yurub sheegtay in ay ka aqbalayaan Soomaalida isdhiibeysa
Hadalka ma’suuliyiinta Zambia ayaa dhaliyay su ’aal badan. Baraha bulshada ayaa lays weydiinayay cidda leh diyaaradda, sababta safarkeeda iyo waxa ay siday.
Baraha bulshada ayaa lagu wadaagay in magaca diyaaradda sida ay mas’uuliyiintu dowladda ku shee geen qoraalkooda uusan aheyn sidoo kalena aysan sheegin numberka diwnaaglelinta diyaaradda balse ay ku sheegeen oo kaliya in diyaaradda ay numbeer keedu yahay (T7-WSS)
Warar kala duwan ayaa laysla dhexmarayaa bara ha bulshada oo ku saabsan cidda iska leh diyaa radda. Tifaftirihii hore ee wakaaladda wararka Masar ayaa sheegay in uu ilo rasmi ah ka helay xogta diy aaradda taas oo cadeyneysa in diyaaradda iyo laca gtaba aysan Masar laheyn.
"Dhabtii diyaaradda tirsigeedu waa (T7) waana numbarka Lebanon taas oo macnaheedu yahay in diyaradda laga leeyahay Lebanon. Masar way soo martay oo kaliya ee lagama lahan”.
Mid ka mid ah xarumaha ku takhasusay baarista ayaa sheegay in diyaaradda magaceedu uu yahay The Bombardier Global Express kana diwaangashan tahay Jamhuuriyadda San Marino balse aan la ogeyn cidda leh waxayna ku shaqeeysa magaca shirkadda Flying Group Middle East oo xarunteeda tahay Dubai. Xarunta ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda ay safar ku martay dhowr magaalo oo Carbeed oo ay ku jiraan Qaahira, Dooxa, Dubai, Tripoli iyo Benghazi.
Dowladda Masar waxay sheegtay in diyaaradda aysan la socon dad u dhashay Masar balse garoonka diyaaradaha Qaahira ay soo martay. Masar iyo Zam bia ayaa hadda ka wada shaqeynaya arinta diyaar adda.
BBC-da ayaa ilo wareedyo ay heshay ku ogaatay in diyaaradda ay Masar caga dhigtay kana soo qaad atay cunta yo shidaal taasna aysan keenayn in la baaro. XIGASHO:-BBC
CAYAARAHA:-GABADHA AFRIKAANKA AH EE RAJEYNEYSA IN AY HAL MAR WADA NOQOTO PEP GURDIOLA IYO ZIDANE
Haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo ta babaraha koox heerka 1aad oo rag ah dalka Burundi ayaa sheegtay inay la yaabtay markii ay ka war he shay go’aanka kooxda Inter Star ay ugu doorteen booskaas.
Ka dib xirfad ci yaareed dheer, Belyse Ininaha zwe, oo 35 jir ah, ayaa loo dhiibay kooxdan afarta jeer ku guul eysat ay horyaalka Burundi si ay usii maamusho ilaa dhama adka xilli ciyaareedkan.
Kooxdan ayaa horyaalka dalkaas in ay qaaddo waxaa ugu dambaysay 2008-di, waxaana laga filayaa Belyze in ay kooxdan ku celiso halkii looga bartay, xilli sida oo kale ay kooxda ka fogaysa in ay hoos u dha adhacdo "Xaqiiqda ah in ay u doorteen haweeney inay noqoto tababarahooda maaha wax yar, laakiin waa wax weyn," Ininahazwe ayaa u sheegtay laanta Great Lakes ee BBC.
"Markii hore, waxaan moodayay inay ku kaftamayaan laakiin waa run - anigu waxaan ahay tababarahooda, way igu adkeyd inaan fahmo laakiin waxaan uga mah ad celinayaa in ay i aaminaan."
Intii lagu guda jiray xirfadeedii ciyaareed ee kooxd eedii La Colombe, daafacan Ininahazwe waxa ay ku guuleystay lix koob oo heer qaran ah intii u dhaxeysay 2002 iyo 2016, ka hor intii aanay dhanka tababarka kooxaha. Waa ay sheegtay in ay xiisayso oo ku day ato tababarayaasha kuwooda loogu jecel yahay ee ugu guuulaha badan kubadda cagta.
"Waan jeclahay Pep Guardiola iyo falsafaddiisa, waxaana jeclahay sida isu dhul dhigo Zinedine Zida ne, waxaan doonayaa inaan meel fog ka gaadh sida Pep oo kale, oo aan aan haddana weli isdhul-dhig u muujiyo sida Zidane oo kale."
Tababaraha Manchester City Guardiola ayaa dha waan xaqiijistay seddex koob oo taariikhi ah oo kala ah UEFA Champions League, Premier League iyo FA Cup, halka tababarihii hore ee Real Madrid Zidane uu yahay tababaraha kaliya ee ku guuleystay seddex koob oo Champions League oo xidhiidh ah.
Haweenka iyo ciyaaraha
Koobka Adduunka ee haweenka ayaa muddooyinkii u danbeeyey ka socday dalalka New Zealand iyo Australia, xilli dhawaan la filayo in ay dhacdo ciyaartii kama danbaysta ahayd oo ay wada ciyaari doonaan kooxaha kala metelayey dalalka Spain iyo England.
Ciyaaraha Koobka Adduunka Haweenka oo bilaabmay 1991 ayaa sameeyey horumar weyn, iyada oo ay sii baahayaan taageerayaasha daawada kubadda cagta dumarka, halka sida oo kalena ay aad uga soo muuqanayaan dhinaca tababarenimada, xilli weli raggu ay boqolkiiba ku dhawaad sagaashan xirfaddaas qabtaan.
Dhanka Afrika, dalal kooban oo dumar horkacaya an ayaa gaadha koobkaas, Nigeria iyo Morocco ayaan sannadkan meelo fiican iyo guulo la taaban karo gaaadhay. XIGASHO:-BBC
MESSI: "WAXAY FARXADDAYDU SOO LAABATAY MARKII AAN KU BIIRAY KOOXDA INTER MIAMI”
Lionel Messi ayaa sheegay in farxadiisa ay soo laaba tay tan iyo markii uu tagay Inter Miami.
Messi ayaa sidaas ku sheegay mar uu la hadla yay saxaafadda, isagoo sheegay in ku soo laabasha diisa Mareykanka ay ka duwan ta hay markii uu tagay Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska oo uu kaga soo biiray Barcelona.
Waxa uu dhaliyay sagaal gool lix kulan oo uu ciyaaray tan iyo markii uu ku biiray Inter Miami,kadib markii uu labo sano ku qaatay koo xda PSG ee France. "Sida aan sheegay waqtig aas, safarkeygi France ma ahayn wax aan doonayay, sababtoo ah maan doonayn inaan ka tago Barcelona” ayuu yiri Messi. Wuxuu sheegay inuu ku raaxaysa nayo ku noolaanshaha koonfurta Florida hadda.
"Waxaa igu adkeyd inaan la qabsado meel ka duwan halkii aan ku soo qaatay nolosheyda oo dhan, gaar ahaan deegaanka magaalada iyo qeybta isboort iga, runtii aad ayey iigu adkeyd, laakiin hadda waxaan sidaydii hore oo kale ku arkay Ameerika” ayuu yiri.
Ku guulaystaha 7 jeer ee Ballon d’Or Messi ayaa fursad u haysta in uu koobkiisii ugu horeeyay ku qa ado Miami isaga oo sabtida finalka League Cup la ciy aari doona Nashville.
INTEE AYAY LA'EGTAHAY SAAMEYN TA QALLIINKA HOOYADA UURKA LEH OO AAD U SOO BADATAY?
QALLIINKA HOOYADA UURKA LEH
(Caesarean section) ayaa aad sare ugu kacay guud ahaan caalamka iyo deegaanada ay
Soomaalidauba
Article information Author,AbdI kadir Yussuf Ali Role, BBC News Soma liTwitter ,@Abd ikadir_Y_Ali
Qalliinka Hooyada Uurka leh (Ca esarean section) ayaa aad sare ugu kacay guud aha an caalamka iyo deegaanada ay Soomaalida deggan yihiin, taas oo oo culays saaraya nidaamyada caafim aadka ee xad-dhaafka ah.
Sanadihii la soo dhaafay; Heerarka qalliinka ee dhalmada ee caalamka ayaa si aad ah uga kordhay qiyaastii 7% oo ay ahayd 1990 iyadoo hadda ay 21% taas oo dhaaftay heerka ugu habboon ee qalliinka ho oyada uurka leh ee la aqbali karo oo ah 10%-15% si da ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Bulshooyinka casriga ahi waxay qalliinka Hooyada Uurka leh (Caesarean section) u arkeen hab dhalmo oo caadi ah. Hooyooyinka qaarkood ayaa codsiyo gu dbisanaya kuwaas oo ah in ilmaha lagu qalo kuwaas oo la sheegay in ay rumaysan yihiin in qalliinka uu yah ay hab dhalmo o xanuun la'aan ah oo badqabkiisuna u fiican yahay hooyada iyo dhallaankaba. Hooyooyin kan ayaa la sheegay qaarkood in ay go’aankaas qaa taan ka dib marka ay taladaas siiyaan saaxiibadood.
Muxuu yahay Qalliinka Hooyada Uurka leh (Caes arean section)?
Qalliinka ayaa waxaa lagu sameeyaa caloosha hoo yada iyada oo ujeedkuna yahay in minka laga soosa aro ilmaha, kuwaas oo udhalan waayay si caadi ah. Cannuga ayaa laga soosaaraa minka iyadoo ladoox aayo caloosha hooyada iyo darbiga minka.
Qalliinka in lagu sameeyo hooyada mar waxa ey katimaadaa dhanka canugga, marna dhanka hooya da. Waxaana loo sameeyaa sabahaan dartood sida uu BBC-da u sheegay dhaqtar Cabdiqaadir Warsame oo ka howgala isbitaalka Tawakal oo ku yaalla xaaf adda Islii ee Magalada Nairobi:
In Ilmaha miisaankiisu badanyahay
In kafka ama miskaha hooyada uu aad uyaryahay.
In ilmuhu qalloocaan ama dabakeen uu yahay.
In Cunugga oo mushkilaysan yahay taas oo macn aheedu yahay in uusan u dulqaadan karin foosha.
in Jeermiska cudurka dhaliya uu firfircoon yahay kaas oo la xiriira minka afkiisa.
Qalliinka hooyada uurka kadib
"Qaliinka marnaba hooyada kama hor istagayso inay nuujiso cunuggeeda.”
"Qaliinka marnaba hooyada ka ma hor istagayso inay nuujiso cu nuggeeda.” "Waxa ay hooyada qalliinka kadib u baahantahay nasiino ka badan haweenka caadiga udhalay, waxay qaadataa 4-6 asbuuc inay si buuxda dib ugu noqoto shaqqdadiii,” ayuu yiri digtoor Cabdiqaadir. Maxay yihiin khatara ka dhalan kara qal iinka hooyada uurka leh?
Maxay yihiin khatara ka dhalan kara qaliinka hooyada uurka leh?
Daraasaduhu waxay si cad u muujiyeen sare u kaca ku yimid dhalmada qalliinka ee dalal badan oo caalamka ah, ta as oo la filayo inay sii kordhaan marba marka ka sii dambeysa. Waxaana ay daraasaduhu intaa ku darayaan in sare u kacaas ay ka dhalan doonaan cawaaqib ay la kulmaan hooyada iyo dhallaankuba.
"Inkasta oo faa'iidooyinka qalliinka ee hooyada iyo dhallaankaba la xaqiijiyay hadana qalliinka hooy ada uurka leh khatar la’aan ma ahan, sidaas darteed qiimeyn caafimaad oo taxadar leh ayaa loo baahan yahay si loo caddeeyo habka iyada oo la tixgelinayo cawaaqibka,” ayuu yiri digtoor Cabqaadir.
Xaliimo ( ma ahan magaceeda saxda ah) waxay BBC-da u sheegtay in 3 ilmo lagu soo qalay, xaaladd eeduna wanaagsan tahay, hase yeeshee waxay she egtay inay jiraan caqabado ay kala kulantay qall iinkaas.
"Alle ayaa mahad iska leh oo ii fududeeyay qalliink aas ilmaha la igu soo qalay balse waxyaabaha uu igu reebay waxaa ka mid ah; Xanuun dhanka dhabarka ah iyo lugta xigta dhinaca la iga qalay,” ayay tiri Xa liimo. Digtoor Cabdiqaadir ayaa sheegay dhibaatooy inka soo wajihi karo hooyada qalliinka ka dib ay ka mid yihiin:
In hooyadu looga cabsado qaadista culeysyada ama ey dhib kunoqoto
In ey hooyadu dhaqso ilmo kale aysan qaadi Karin (illaa 2sano) dhaawaca owgiis inkastoo ay jiraan haw een 6 bilood gudohood uur qaaday hadana markii lab aad si badqabta ku dhalay. Waan aragnay haween no ocaas hadana si caadi ah u dhalay.”
In dhaawaca uu caabuq yeesho, dibna uu ufurfurmo haddii aan toddobaadyada ugu horreeya aan safiican looga taxadarin.”
Khuraafaadka ay Soomaalida ka aaminsan tahay qalliinka hooyada uurka leh
Waxaad mararka qaar arkeysaa inta badan dadkee nna in ay aad uga walwalaan ugana cabsadaan qalliinka hooyada uurka leh.
Waxaad mararka qaar arkeys aa inta badan dadkeenna in ay aad uga walwalaan ugana cabsadaan qalliinka hooyada uurka leh.
Mararka qaar qoyska hooyada uurka ah ayaa mar kii loo sheego in qalliin ay ku dhaleyso gabadhooda waxaa ka dhex-dhasha Isfahan la’aan la xiriirta qallii nkaas oo qaar ka mid ah qoyska ayaa ku adkeysta in qalliin aanan lagu sameynayn gabadhooda oo ay sugayaan ilaa ay si caadi ah uga dhasho.
Tallaabadaas ayaa laga yaabaa in ay halis geliso gabadha ama canugga. Wax cilmi ah umalahan in qal liinku xunyahay ama wanaagsanyahay balse waxaa laga yaabaa inay ku go’aan qaataan khuraafaadka ay aaminsan yihiin ama wax ay dad kale oo aan cilmi u lahayn ka maqlaan.
"Sababta qalliinka loo sameynaayo ayaa ah 'bad-baadin' xagga hooyada ama canuugga ah,” ayuu yiri dhaqtar Cabdiqaadir.Quraafaadka ay dadku aaminsan yihiin waxaa ka mid ah: In qofkii laqalo uusan waxba qabsan Karin, in uu caloosha kadillaacayo iyo in uu noqonaayo qof kadaciifsan dadka kale. Hase yeeshee Dr Cabiqaadir Warsame ayaa sheegay in arrimaasi aysan waxba ka jirin oo dhammaan laga soo kaban karo. .XIGASHO:-BBC


0 



HALKAAN KA AKHRISO:_ WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 19-KA AGOOSTO 2023-KA
...