HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 13-KA AGOOSTO 2023-KA

0
Sunday August 13, 2023 - 08:11:02 in Wararka by
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 13-KA AGOOSTO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

MW Xasan Sheekh oo kala hadlay QM qorsh aha xasilinta ee degaanada la xoreeyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxam uud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Ga arka ah ee Qaramada Mido obay u qaabils an Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasili nta ee degaannada laga xoreeyey Al-Shabaab iyo sidii addeegyada aasa asiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa iyo xaaladaha binu aaddannimo ee adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wada agay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in abaabulka uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug.

Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay dagaalka.

Waxa ay tilmaamtay in joogitaanka Madaxwey ne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tah ay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaa liya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu, kana soo maleegto qara xyada iyo falalka xasuuqa ah ee ka dhan ah sha cabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in bahda Waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal

Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFeder aalka SoomaaliyaXamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in bahda waxbara shadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaa liyeed, isla markaana ka soo dhalaalay kaalin muhi im ah oo bannaaneyd.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey muna asabad la gu soo xirayey tartan aqo on eedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Bana adir ayaa bogaadiyey dugsiy adii tarta nka ka qeyb galay ee muujiyey dadaalka dheer iga ah, soona bandhigay aqoontooda iyo wajiga aqooneed ee qurxoon ee dalkeennu uu leeyahay.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa hoosta ka xarii qay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in loo tartamo waxbarashada, shaqada iyo siyaas adda, si meesha looga saaro in qofku uu danihi isa ku gaaro musuq-maasuqa iyo qabyaalad.

Tartanka oo ay ka qeyb qaateen 1,500 oo arday oo ka socotay Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaa dir, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka Gobolka Bana adir, Macallimiin, waaliddiin, dadweyne iyo arday ka socotay dugsiyadii tartanka ka qeyb qaatay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS oo akhrinta 1aad marsiiyay hin dise sharciyeedka xuquuqda naafadda Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baar lama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Aadan Maxa med Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa Dorraad shir guddoomiyay Kalfadhiga saddexa ad kulanki isa 16-aad ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Hindise sharciy eedka Xuquuqda Naafada Soomaa liyeed, iyadoo xildhibaannadu ay soo gudb iyeen in ajandaha lagu daro mooshin ku saabsan warbixinta xuquu qul insaanka ee xabsiga Dhexe ee Xamar.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq ul Insaanka Xukuumadda Federaa lka Sooma aliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo Xildhib aannada Golaha hortooda ka akhrisay hindise sharciyeedka ayaa waxa ay sheegtay in dalka uu u baahan yahay xuquuq dhameystiran oo ay yee shaan dadka naafada ah ee ku nool dhulka Jam huuriyadda Soomaaliya.

Guddiyo Xildhibaano ah oo booqasho sameey ay xabsiga dhexe ee Xamar ayaa gudbiyay warb ixin ku saabsan xaaladda Xuquuqul Insaanka, ay aa waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay xuquuq ay yeesheen maxaabiista ku xiran xabsi yada ku yaala dalka, iyaga oo soo jeediyay dadka dembiyada yar yar loo heeysto in la cafiyo, si xa bsiga oo ciriiri ah dadka loo kala yareeyo. Sidoo kale Xildhibaannadda waxay xuseen in qofka la soo xiro aan xabsiga lagu ilaawin, la maxkamade eyo si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shaca bka oo kulanka soo xiray ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha faray in warb ixinta saddexda guddi ay soo diyaariyeen ku wareejiyo Guddiga Haweenka iyo Xuq uuqul Insaanka Golaha Shacabka BJFS.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo kawa da hadlay dhimista ciidamada ATMIS

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Ibra ahim Sheekh Muxuyidiin ayaa la kulmay saraakiil sare oo katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

ulankan ayaa looga hadlay xaaladda kala guurka amni ee Soomaaliya, gaar ahaan wajiga labaad ee soo socda ee dhimista ciidamada ATMIS.

Intii uu socday kulanka madaxa xafiiska taage erada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Akac yira ayaa waxay xaqi ijisay sida ay uga go’an ta hay UNSOS in ay u fidiso taageero dhinaca saad ka ciida mada qalabka sida ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaan ayaa sidoo kale ka wada had lay sidii kor loogu qaadi lahaa isku xirka fulinta Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687(2023), Kaasoo sheegaya waajibaadka bixita anka ciidamada ATMIS.

Kulankan ayaa yimid, iyadoo dowladda Soom aaliya isku diyaarinayso dhameys tirka wajiga la baad ee howlgalka xoraynta degaanada Galmud ug iyo Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay un taa geero ay uga baahan tahay Saaxiib ada caalam iga ah oo ay QM ugu horray so, si ay ciidamada Soomaaliya awood ugu yeeshaan inay Alshabaab ka saarto degaanada ay maamulaan

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo noqotay tali ska laga hagayo dhameys tirka wajiga koo waad ee howlgalka iyo bilowga wajiga labaad

Ciidamadda Dawlada oo la wareegay degmada Runirgood iyo degaanka Hilowle -Gaab

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa ka wareeg ay ku heynta degmada Ruun-nirgood iyo deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheeg aya in ciidamada Dawl ada iny aysan la wareegin Degmada Runirgood a iyo degaankaa Hilole Gaab ay Hawlagllo ka sameeyeen nacwaaxyiga degaanadaasay gud aha u galeen, iyadoo isaga bexeen Xubno k tirsan Al-Shabaab oo Halkaas ku sugnaa. .

Sidoo kaleWararka ay aa sheegaya Ciidamada Dawlada ay haataan Hal wgallo ka wadaan degma da Ruun-nirgood iyo dega anka Hilowle Gaab ee gobolka shab eelada Dhexe , kaas oo amniga la gu sugayo. DFS ayaa wada Guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab ‘ waxaa na la qorsheeynayaa sidii ciidamada dawladaa Federaalka ay ula war eegi lahaayeen Dhammaan degaanada Alshab aab ay joogaan gobolada dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Safiirka UK ee Somalia

Madaxweynaha D/Goboleedka Jubaland Axm ed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Aqa lka martida kulan kula yeeshay Safiirka UK ee So omaaliya Mike Nithavrianakis oo Dorraad gaaray magaal ada Kismaayo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Dagaalka ka dha nka ah Al-Shabaab iyo sidii loo xasilin lahaa deeg aanada la xoreeyay dadka ku noola ay u heli laha yeen kaalmo deg deg ah.

Waxaa kale oo Kulanka lag aga hadlay qorshayaasha hor marinta kala duwan gaar ahaan tageerada dhinacyada hormar ka iyo dib u dhiska

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Kulanka ku wehelinayay Wasiirka Caafimaadka Eng ismaciil Axmed Garas iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Khaliif Yuusuf Maxamed.

18 dagaalame oo katirsan Alshabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ka dhan ah Alshabaab, waxay ka fuliyeeen deegaann ada Baladul-Amiin iyo Bal adul-Kariim oo ka tirsan Shabeellada Hoose.

Ciidamada ayaa weeraray dagaalam ayaal kat irsan Alshabaab, kuwaas oo dowladdu ay sheeg tay in ay si dhuumaala ysi ah isugu aruursanaya an beero ku yaalla deeg aanadaas.

Weerarkaas ayaa lagu dilay 18 daga alame oo ka tirsanaa kooxda Alsha baab, sida saraakiil ka tirsan ciidanka ay u xaqi iji yeen Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda.

Goobaha laga sameeyay howlgallada waxaa hadda ku sugan ciidanka dowladda kuwaasi oo ku daba jooga firxadkii Alshab aab.

Weerarkan ayaa kusoo aaday saacado kadib markii ciidanka dowladdu ay sidoo ay howlgal qor sheysan ku beegsadeen xarumo kala duwan oo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Buulo fulaay ee gobolka Baay.

DFS ayaa sheegtay in howl galka lagu beeg saday saddex xaru mood oo kala ah, Xafiisyo ma amul, gara ash lagu diyaarinaayay gadiid qaraxyo ah iyo goob la sheegay inay isbaaro u taalay Alshabaab.

Howlgalkaan ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay 23 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shab aab oo isugu jira horjooga yaal iyo askar ku sug naa xarumaha la weeraray.

Wasiir Roobow oo ka hadlay Waxa ka jira in 5 Milyan Dollar ku dhacday Akoonkiisa

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali ayaa beeniyay eedeyn loo jeediyay oo lagu baahiyay baraha bulshada, kuna saabsan inuu musuq-maasuqay howlihii Xajka ee sannadkan, kana helay lacag badan.

Wasiirka oo Habeen hore ka hadlayay xaflad loogu dabaalgelay howlihii xajka oo uu ka qeyb galay Ra’iisal wsaaraha ayuu ka caddeeyay inuusan waxba ka ogeyn Lacag lagu eedeeyay inay Akoonkiisa ku dhacday taasoo gaareysay $5 milyan.

"Waxaad maqasheen wax badan wasiirkii akoonkiisa 5 Milyan oo Sollar ayaa (ku jirta), horta wasiirku akoon ma leeyahay.. marka hore? mise ku jirta intaas? "ayuu is weydiiyay Roobow oo dinaca kale sheegay in dad badan oo culimo ku jiraan ay isku dayeen inay laaluushaan oo lacago badan u ballanqaaday.

Wasiir Roobow ayaa yiri: "Haddii ay jirto lacag qalloocan, ama wasaaraddu ay qabto ama wasiirku uu qabo, waxaan codsanayaa in ha’adaha ay khuseyso inaysan berri subixii la dhaafin inay soo afmeeraan oo ogaadan wax ka jira meeshan. Soo dhawaada.”

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Mukhtar Roobow: "Lacagta intaas la eg.. Dowladdu soo Xisaabiye maleh? Soo Hantidhowre maleh? Soo wasiiir maaliyadeed maleh? Haddii nin kasta oo wasiir noqda uu shan milyan bankiga gashan karo muxuu Ra’isul Wasaaruhu qabanaya?”.

Saleebaan oo Cadaado ku soo bandh igay awood ciidan iyo qorshaha socda

Beesha Saleebaan ee Habargidir ayaa Dorraad degmada Cadaado ku soo bandhigtay ciidan xoog leh oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale beesha ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal, noocyada kala duwan ee hubka iyo ciidamo badan, wuxuuna bandhigaasi ka dhacay gudaha magaalada Cadaado.

Inta badan siyaasiyiinta iyo dhaqanka beesha Saleebaan ayaa ku sugnaa goobtii Dorraad lagu soo bandhigay caadimadaan u diyaarsan ka qeyb galka dagaalka Al-Shabaab.

Xildhibaanada, saraakiisha, maamulka Cadaado iyo dhaqanka beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa soo abaabulay ciidamada Dorraad lagu soo bandhigay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedka beesha oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay ciidanka ayaa sheegay inay kaalintooda ka qaada doonaa dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Sidaan oo kale beesha Cayr ee Habar gidir ayaa Guriceel iyo Dhuusamareeb ugu soo bandhigtay ciidamo aad u diyaarsan oo ka qeyb gelaya dagaalka Khawaarijta.

Abaabulka ciidamadaan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya oo kooxda Al-Shabaab ay ka joogto meelo kooban oo Ceelbuur iyo Galhareer ay ugu waaweyn yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhuusam areeb u jooga hoggaaminta dagaalka loo diyaar-garoobayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ciidanka ku amro inay galaan dagaal lagu xoreyn ayo dalka.

Dowladda waxaa hadda u qorsheysan in Galmudug ay ka bilowdo xoreynta dalka oo dhan, waxaana Dhuusamareeb la isugu keenay dham aan ciidamada qaranka, halka dadka deegaanku ay diyaariyeen kumanaan ciidan ah oo ka qeyb gelaya dagaalka.

Dagaal culus oo Shaly ku dhexmaray deegaanka Basra ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Dorraad ka dhacay deegaanka Basra oo ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ka aso dhaxmaray ciidam ada dowladda iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii daga alamayaal ka tirsan kooxda Al-shab aab ay weerareen Saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Basra.

Dagaalka ayaa dadka deegaanka waxay sheegeen inuu ahaa mid aah u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, hayeeshee aanan wali la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Basra.

Waxaa sidoo kale ay tilmaameen dadka dee gaanka in dagaalka uu ahaa mid dhexmaray ciida mada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Nabads ugida Soomaaliya oo dhinac ah iyo kuwa kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen iney iska difaaceen weerarka kaga yimid kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay khas aaro gaarsiiyeen kooxda, walow aysan carabaabin inta uu dhan yahay khasa araha

Deegaanka Basra ee Dorraad uu dag aalka ka dhacay ayaa ka mid ahaa deeg aanada laga faramaroojiyay kooxda Al-shabaab oo halkaasi ku laheyd maxkamado ay ugu yeeri jireen dadka ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda, islamar kaana ay sidoo kale deegaanka kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo dilay gabdho walaalo ah oo diiday qorshe culus oo berri ay damacsan yihiin

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku qasabtay dadka ku nool deegaanka Cowswayne oo hoos taga degmada Ceeldheer iyo tuulooyin kale oo u dhow deegaankaas inay berri oo Axad ah isku soo baxaan, si looga dhigo dad taageersan oo ku aragti ah.

Sida ay dadka deega anadaasi u sheegeen Caasimada Online qoysa ska qaar waxay Al-Shabaab si xoog ah uga qaateen dhowr neef oo Geel ah, kuwaas oo qalay maleeshiyaadka u dagaalama kooxda oo hadda abaabul xoog leh ka wada bariga gobolka Galgaduud.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanada hoostaga Ceeldheer koo xda ayaa balan qaaday in berri ay odayaasha iyo qof kasta oo dagaalami kara ay qoryo u qeyb inayaan, si ay ciidamada dowladda uga difaacd aan dhulkooda, sida ay hada lka u dhigeen.

Sidoo kale xogta aan helnay waxay sheegey saa in deegaanka Cowswayne ay Dorraad ku dileen gabar, halka gabar kalena ay ku dhaawa ceen, kadib markii ay rasaas ku fureen dad isku dayey inay diidaan oo ka banaan-baxaan amarka lagu hubeynayo dadka ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay dadka reer Cawsweyne u xaqiiji yeen Caasimada Online, labada gabdhood ee mid la dilay midna la dhaawacay waxay ahaayeen wala alo, waxaana dhalay nin lagu magacaabo Af-mad oobe Xasan Caddoow oo caan ka ah deegaan adaas.

Odayaal horay ula shaqey jiray Al-Shabaab oo u qaabilsanaa arruurinta xoolaha badda ah, ayaa qeyb ka ah abaa bulka ay Al-Shabaab ka wadaan aagga deegaanka Cawsweyne, odayaashaas ayaa la qorsheynayaa inay berri la hadlaan dadka shacabka ah, iyagoo u sheegaya inay dagaalamaan oo iska difaacaan duulaanka dowladda.

Caasimada Online waxay sheegtay in ay heshay magacyada qaar ka mid ah odayaasha Al-Shabaab ku garabsiinaya abaabulka dagaal ee deegaanada u dhow Cawsweyne ay ka wadaan, waxaana ka mid ah Axmed Cali Gedef, Subkane, Xaaji Roog, Cali Maqane iyo kuwa kale oo badan oo horay uga tirsanaa kooxda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa abaabul eysa dadka ku nool deegaanada ay ka joogaan gobolka Galgaduud, waxayna maalmihii lasoo dhaafay soo bandhigeen dad hubeysan oo degaanka ah, kuwaas oo ay sheegeen inay dagaal kala hortegi doonaan ciidamada dowladda, waxaa la xusuustaa in dad ay horay ugu soo bandhigeen deegaano laga xoreeyey ay sheegeen in lagu qasbay oo lagu sawiray hubka. Xigasho:-Caasimadda.Net

Ganacsatada qaadka ee Kenya oo walaac ka muujiyay amar kasoo baxay Soomaaliya

Beeralayda qaadka ee Kenya ayaa isha ku haya hoos u dhac ku yimid iibka kadib markii ay Soomaaliya siisay Itoobiya 10 maalmood oo ay si gaar ah uga heli karto suuqa qaadka bishiiba.

Warbaahinta Nation ayaa ku warram eysa in mid kamida ganacsatada qaadka uu u sheegay in maalmo kooban amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka.

Arrintan ayaa timid kadib markii Itoo biya, sida la sheegay ay Soomaaliya u gud bisay cabasho ku aaddan awoodda Kenya ee suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo mar kii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu xayiraadda qaadka ka qaaday Kenya sanadkii hore.

Guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka ee Maua Maxamed Quresh waxa uu sheegay in Itoobiya ay dabada ka riixayso in ay suuq u hesho maalmo qaadkeeda.

Mr Munjuri ayaa sheegay in awaamiirta ka soo baxday Soomaaliya ay ka dhigan tahay in aan wax qaad ah loo dhoofin doonin Muqdisho .

Hase’ahaate’ Kenyaayaa lacago ma laa yiin doolar ah kaa heli jirtay khaa dlaa loo soo iib geeyo dlakeena Soom aaliya


Cirro oo ka horyimid tallaabada Muuse Biixi ee ku aadan jabhadda Gacan-Libaax

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaa radka Somaliland ee Wadani, Cabdiraxmaan Cir ro oo shir jaraa’id u qabt ay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xiisadda kasoo cusboonaatay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil, kadib markii ay Jimcihii Dorraad ku dagaalameen ciidamada Somali land iyo jabhad ku sugan halkaasi.

Cirro ayaa ugu horreyn sheeg ay inuu ka xun yahay dagaalkaas, isaga oo tacsi u diray ehellada askartii ku geeriyo otay, wuxuuna kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad.

"Marka hore waxaan tacsiyadeynayaa dhama an dadka nagaga dhintay, kuwa dhaawacmay ila ah waxaan uga baryayaa inuu caafimaad siiyo, anaga oo ka xun dhacdadaas” ayuu yiri mushar raxa xisbiga mucaaradka Wadani ee Cabdir axmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay tallaabo uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi ee ku aadan in uu ciidamo dul dhigo jabhadda dul saaran buurta Gacan-Libaax, wuxuuna sheegay in taasi aysan keenin xalka ee loo baahan yahay in la qaado dhabo kale oo nabadeed.

"Annagu ma rumeysnin, waana ka soo horjeed naa, mana taageersanin in xalku noqdo xabad, xo og iyo is maquunin” ayuu mar kale yiri Cabdi raxmaan Cirro.

Wuxuu kusii daray "Shaqsiyan anigu kursiga aan doonayo ee madaxweynaha waxaa igala qiim o weyn dhiigga hal muwaadin oo daata”

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday madaxweyn aha inuu ciidamado ka qaado halkaasi, sidoo kale wuxuu shacabka ugu baaqay inay hubka dhigaan oo ay nabadda ka shaqeeyaan.

"Waxaan ugu baaqayaa madaxwey naha in cii damadiisa uu qaado buurta Ga can-Libaax, sha cbigaa hubeysan waxaan ugu baaqayaa inay qor yaha dhulka dhig aan” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Dorra ad dagaal qaraar uu ka dhacay buurta Gacan-Lib aax, kaas oo Somaliland looga dilay 9 askari, loo gana dhaawacay 17 kale

Xubno ka tirsan Alshabaab oo isa soo dhiibay

Laba Xubnood oo ka Tirsanaa Alshab aab ay aa isu soo dhiibay Dawlada Federa alka Soomaa liya waxana magacyadoo lagu kala sheegay :

1 -Xasan Macalin Aways oo looyqaan (jindullaah ) 2-iyo Cabdullahi Ibraahim Ma xamed oo isna loo yaqaan (jabal ) kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka Qara nka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Degm ada Diin soor ee Gobalka Baay.

Labadan xubnood ayaa Ka tirsanaa Alshabaab muddo 3 sanno ah iyagoo ka dagaal galay goboll ada dalka qaarkood waxaana ay sheegeen inay ka soo laabteen ka mid noqoshadaAlshabaab.

Muddooyinkii u dambeeyey waxa jira sida da wladu ay sheegtay cubno ka tirsan Alshabaab oo isu soo dhiibaya Ciidamada Qaranka.

Howlgal lagu dilay horjoogayaal iyo askar ka tirsan Al-shabaab oo ka dhac ay gobolka Baay

Ciidamada DFS ayaa Dor raad sameeyay howl gal qo rsheysan oo lagu beegsaday xarumo kala duwan oo koo xda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Buulo fulaay ee G/Baay. War qoraal ah oo kasoo baxay DFS a oo lagu baahiyay warbaa hinta qaranka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday sadax xar um ood kala ah, Xafiisyo maamul, garaash lagu diyaarinaayay gadiid qaraxyo ah iyo goob la she egay iney isbaaro u taalay kooxda.

Howlgalkaan ayay DFS sheegtay in lagu dilay 23 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo askar ku sugneyd xar umaha ciidanka ay bartilmaameed sadeen.

"Hawlgalka koowaad waxa uu ka dhacay goob is baaro ay u taalay Khawaarijta oo ku taalla afaafka hore ee Magaalada. Hawlgal ka labaad waxa uu ka dhacay Garaash ay Khawaarijtu ku diyaarisay Qaraxyo kuwaas oo goobta lagu burburiyay. Kan sadexaad waxaa lagu bee gsaday Goob Khawaar ijta u ahay Xafiisyo Maamul oo ay ku sugnaayeen Koox horjoogayaal ah" ayaa lagu yiri qora alka ka soo baxay dowladda Feda raalka.

Howlgalkaan Dorraad ka dhacay deega anka Buulo fulaay ayaa noqonaya kii sadaxaad oo noo caan ah oo bishaan gudaheeda ciidamada DFS ay ku beegsadaan xarumo kala duw an oo koox da ay ku diyaarineysay gaadiid qaraxyo ah, waxa ana howlgaladii ka horee yay ee ceynkaan oo ka le ah ciidamada ay ka fuliyeen todobaadkii lasoo dhaafay deegaanada Mukeyle iyo Galhar eeri oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Mu sharrax Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay Dag aalka Buurta Gacan-Libaax.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabd ullaahi Cirro ku eedeeyay in uu ka dambeeyay jabhadda Buurta Gacan-Libaax.

Kaahin ayaa Cabdiraxmaan Cirro usoo jeediyay in uu buurta kasoo dejiyo Jabhad da Hubey san ee ku sugan maadaama uu tilmaamay in Rag ga ugu sarreeya jabh addaas ay joogeen gurigiisa waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Gud aha Somaliland.

Maxamed Kaahin ayaa Musharrax Cab diraxm aan Cirro iyo Xisbigiisa Waddani ku dhaliilay in bu uq & rabshado xooggan ay gelinayaan xasiloon ida Somaliland balse waxa uu usoo jeediyay in uu ka fogaado arrimahaas.

"Dorraad xaaladda jirta ee ka hadleysa arrinta buurka waxa ay mas’uuliyaddeeda si toos ah u sa aran tahay Cabdiraxmaan oo caddeynteeda wa ala keenaa, Raggaas waxa ay codsadeen in waq ti la siiyo & in aan ciidanka halkaas loogu tegin, in buurtaas ciidanka laga soo dejiya kuma xirna Madaxweynaha, Wasiirka arrimaha Gudaha, Tal iska Booliiska & dhinac kale balse waa mid ku xir an Cabdiraxmaan iyo Xisbiga Waddani, waxa ay sheegayaan in masiibo & dhibaato ay jirto” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Max amed Kaahin Axmed.

Waa uu sii hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxaana uu soo jeediyay in aan la isku dabrin Doorashada iyo amni darrada maadaama xasilooni darradu ay ka dhalaneyso dhibaatooyin badan loona baahan ya hay in laga hortago kahor inta aanay taladu fara ha ka

Deni oo daahfuray Mashruuc ka farxiyey shac abka Magaalada Qardho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Mashru uca Xalka Waara ee Fatahaada iyo daadadka kusoo rogmada Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Masuuliyiinta iyo Injineerada ku shaqo leh Mashruucan ayaa munaasabadda kusoo bandhigay sida loo maareynayo daadka kusoo rogmada magaalada oo ah Hab xal waara ah.

Madaxweynaha ayaa muhiimad gaar ah siiyey Sidii xal waara loogu heli lahaa daadka joogtada ugu soo rogmada Qardho xili roobaadka.

Wuxuu ugu baaqay dhammaan Bulshada Degmada inay kala shaqeeyaan Dowladda dadaalka dowladnimo gaar ahaan Masuuliyiinta howlahan gacanta ku haya in lagu taageero wixii soojeedin iyo farsamo shaqo ah ee qeybta ka ah qorshaha la soo bandhigay.

Mashruucan ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey shacabka magaalada Qardho oo dhibaato ku qabay daadadka roobabka oo khasaare badan ka geysta magaaladaas.

Sanadkii 2020 ayaa biyo xoog badan magaalada ku soo rogmadeen kuwaasoo geystey khasaaro baaxad leh, tan iyo sanadkaas laba jeer oo kale ayaa biyo ka yar kuwii hore ku soo rogmadeen kuwaas oo geystey khasaarooyin kale.

Soomaaliya oo dhan ayaa xiligaas looga soo gurmadey magaalada Qardho, waxaana ilaa hadda u yaala lacag badan oo aan waxba looga qaban biyaha magaalada ku soo rogmada. Madaxweynaha ayaa hadda wada qorshihii biyaha looga maareyn lahaa magaalada, waxay wararku sheegayaan in biyaha marin loo baneyn doono oo la dumin doono qaar kamid ah guryaha ku yaala biyo mareenka.

Magaalada oo aad u dhisantey 15 kii sano ee u danbeeyey ayaa sababtey in la dhisto waddoo yinkii biyuhu mari jireen, maadaama magaalada ay ku taalo dooxo biya mareen ah.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay daga alkii Dorraad lagu laayay askarta

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa jabahada Gacanlibaax ugu baaq ay nabad, isaga oo xukuuma da ku eedeeyay in ay samay say falal amni daro keenaya.

Faysal ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Somaliland la dumiyo, isaga oo ku baa qay in xabada la joojiyo, oo si nabad ah lagu dhameeyo wa xkasta, dhica kale go'aanada xukuumada ee door ashooyinka ku aadan ayuu sheegay in ay yihiin qaar amni daro abuuraya.

"Markastaba nabad ayaanu ku baaqaynay, markastaba waxay samaynayeen wax nabada ka soo horjeeda, kow waxa uu sameeyay kordhis aan loo baahnayn oo aan sharci ahayn, hadana wuxuu ku dhawaaqay go'aan koomiishan u gaar ah" ayuu yidhi Faysal.

Madaxda ururada iyo xisbiga Waddani ayaa iyaguna dhankooda ku baaqay in colaada nabad lagu dhameeyo, iyaga oo jabhada ugu baaqay in ay hubka dhigto.

Jabhada ayaa Dorraad weerar ku dishay 9 askari, iyaga oo dhaawacay 17 kale, sida uu tali yaha booliisku sheegay.


Xiriirka Soomaaliya Iyo Qadar Oo Mugdi Soo Foodsaaray

Waxaa soo if baxaya wada shaqeyn la’aan ka dhex jirta Wasaarada Arrimaha Dibbada Sooma aliya iyo Safaarada Soom aaliya ay ku leedahay ma gaalada Doxa ee dalka Qa dar,taasoo mugdi gelinay sa xiriirka labada dal ka dhexeeya.

Wada shaqeyn la’aanta soo ifbaxday ayaa waxaa ay gaartay in uu xumaado xiriirka u dhex eeya Soomaaliya iyo Qadar kadib qoraalo is bur inaya oo ay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soo maaliya u dirtey dhiggeeda dalka Qadar.

Wada shaqeyn la’aanta soo if baxday ayaa salka ku haysa qaar ka mid ah diblumaa siyiinta Sooma aliyeed ee dalka Qadar ee fadhigoodu yahay mag aalada Doxa oo la sheegay in la bedelay balse qoraalo is burinaya la gaarsiiyay dowlada Qadar.

Qoraal kasoo baxday Xafiiska Xogha yaha Joog tada Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya dhamaadkii bishii July ayaa lagu wargaliyay Qun sulka, ku xigeenkiisa iyo xoghaya 3 aad ee Saf aara dda Soomaaliye ee Qatar inay shaqadoodii loo wareejiyay xarumo kale .

Hase yeeshee Horaantii bishan Augost waxaa xafiiska hab maamuuska Wasaar adda Arimaha Dibadda Qatar tagay Dublamaasi ka tirsan Safaa radda waxayna u sheegtay in laga noqday go’aankii bedelidda Dublamaasiyiinta.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar ayaa ka codsatay dhiggeeda Soomaaliya inay kala cade yso mowqifkeeda ku aadan bedelka diblumaa siyiinta.

Wadashaqeyn la’aanta Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya iyo Safa arada ay ku lee dahay Soomaaliya maga alada Doxa ayaa sidoo kale laga dare emay booqashadii Wasiirka Gaash aan dhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur uu Qatar ku tagay bishii 7 aad ee sa nadkan taa soo aysan ka warhayn Wasaar adda Arimaha Dib adda Soomaaliya.

Sidoo kale Booqashada la filayo inuu Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ku tago dalkaas ay aa waxaa ka jira ismaan dhaaf kadib markii ay Wasaaradda Arima ha Dibadda sheegtay inuu R/W Xamse booqan doono bisha 4 teeda ilaa 8-da halka ay Safaaraduna sheegtay 5 ilaa 7 da bi sha Sagaalaad

Wasiiru Dawle Cali Balcad ayaa isaguna boo qashadiisii dalkaas horaantii sanadkan waxaa ka dhashay jahwareer kadib markii ay Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar u sheegtay dowlada Qatar in Wasiirka imaanaya uu yahay Wasiirka Arimaha dibadda ee uusan ahayn Wasiiru Dawlaha .

Wada shaqeyn la’aantan soo shaac baxday ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowlada Soomaa liya aysan weli u ma gacaabin safiir rasmi ah dal ka Qadar iya doo haatan uu sii haye kaliya Soo maaliya wakiil uga ah dalka Qadar.

Qadar ayaa safiir buuxda oo muhiim ah u soo magacawday dalka Soomaaliya wax ayna dadka siyaasada faaqid ay aaminsan yihiin inay Qadar aluugsan tahay inaysan dowlada Soomaaliya u soo magacaabin safiir buuxa. Qadar ayaa waxa ay ka mid tahay wad amada ugu waaweyn ee xiriirka iskaashi la leh dalka Soo maaliya,kana fulisay mashaa riicyo badan.

Taliska Booliska Soomaaliland oo Faah Faahiy ay dagaal ka dhacay buurta gac an Libaax

Taliyaha Booliska Somaliland Maxmed Aadan Saqadhi ayaa ka hadlay dagaal Dorraad ka dha cay gobolka Saaxil.

Taliyaha Booliska Som ali land ayaa sheegay in da ga al ka dhacay deegaanka loo yaqaan Go’da oo dhex-maray Jabhadda Buurta Gacan Libaax iyo ciid anka Somaliland, lagu diley 9 askari, lagana dhaa wa cay 17 kale oo ka mid ah ciidamada dowlada.

Taliyaha Booliska Soomaliland booliis ka ayaa sheegaya in jabhadu ay si gaad mo ah usoo wee rartay ciidanka oo ku sugnaa goob dhawaan la dajiyay, isla markaana uu dagaal muddo socday dhexmaray labada dhinac.

Taliye Maxamed Saqadhi ayaa shee gay in markii hore aysan amar ku qabin in ay weeraran ciidamada buurta galay, laakiin hadda wixii ka danbeeya dagaal toos ah lagu qaadi doono oo ciidam adu qabaan amar buuxa.

Xiisad dagaal ayaa hadda ka taagan buurta gac an Libaax iyadoo Xukuumadda Soomaliland Cii damo dheeraad ah ay u dirtay halkaas .

Tahriibayaal ay doon kula degtay xeebaaha dalka Tunisiya

Ugu yaraan laba tahriibayaal ah oo u dhashay dalka Tunisiya oo mid ka mid ah uu yahay ilmo yar oo saacdo dhalan kudhintay ka dib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay xeebaha koo nfureed ee dalkan Waqooyiga Afrika.

Sidoo kale waxaa la helay meydka nin labaa tan jir ah. Waxa ay la socdeen doon ay saarna ayeen labaatan Muhaajiriin reer Tunisia ah oo ku degtay gudaha badda in ka badan boqol mitir xe ebta magaalada Gabes. 13 qof ayaa la soo badba adiyay.

Tunisiya ayaa noqotay meel ay ka dhoofaan dadka Muhaajirinta ah ee isku dayaya inay Yurub ku gaadhaan doomo yar yar oo aan badnayn inta badan.

In ka badan kun iyo sideed boqol oo qof ayaa ku dhintay sannadkan iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan marinka socda alka dhexe ee badda Me diterranean-ka oo ah kan ugu dhimashada badan adduunka

.Dhul-giriir ka dhacay gudaha Turkiga iyo khasaaraha ka dhashay

Ugu yaraan 23 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dhul-gariirkii ka dhacay Gobalka Malatya ee Bariga dalka asi Turkiga.

Dhul-gariirka dhacay ayaa Halbeegiisu ahaa 5.2 Richter Scale, iyadoo ubucda Dhul-gariirku ahaa deegaan 11 KM dhanka K/Galbeed ka xiga magaalada Malatya oo Hoy u ah dad tiradoodu dhan tahay 441,000 oo qof.

Qoraal uu Wasiirka Caafimaadka ee Turkiye , Fahrattin Koca soo dhigay Barta Bulshada ee X Social Media (Twitter) ayaa waxa uu xusay inay 23 qof dhaawacmeen, kadib, markii ay ka soo boodeen daaqadaha Dhismayaashii ay deganaay een, si ay uga baxsadaan Khasaaro ka soo gaaro Dhul-gariirka.

Dhanka kale, Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka Degdega dalka Türkiye (The Disaster and Emergency Management Authority (AFAD) waxay xaqiijisay inuu Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 5.3 Richter Scale uu Habeen hore ka dhacay Gobalka Malatya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiye, Ali Yerlikaya waxa uu isna shee gay in Gurmad Wadajir ah la diray, kadib, Dhul-gariirkii Habeen hore.

Waxa uu xaqiijiyey inaysan jirin dhima sho la soo weriyey, balse ay ku dhaawac meen 22 qof oo iska soo tuuray Dhism ayaasha, si ay uga badbaadeen Dhul-gariirkaasi.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay masjid ku dumay dad ku dhex cibaadeysanayay.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dha shay kadib markii Masjid weyn u uku burbu ray dalka Nigeria.

Muwaadiniinta iyo shaq aalaha samata bbixinta xirfadlayaasha ah ayaa sameeyay hawlgal samatabbixin ah ka dib dhacdada Jimcihii. Abaaro 8:30 hab eenimo ayaa aaska dadkii ku dhintay bur burka dhisma han lagu cibaadeysto kadib roobabka mahiigaanka ah ee ka socda qaybo ka mida dalkaasi.

Afhayeenka Boqo rtooyada Zazzau, Mallam Abdullahi Aliyu Qwarbai ayaa BBC u xaqiijiyay in siddeed qof la aasay, halka 21 kalena ay ku dhaaw acmeen.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah qof indh oole ah iyo ilmo yar,” ayuu yiri Kwa rbai. Wararka ayaa sheegaya in saqafka sare ee Masjidka oo ku yaala dabaqa hoo se uu soo dumay salaadii casar. Muuqaal lasoo dhigay ayaa muujina yay

qasaaraha soo gaaray masjidka iyo in haatan

uusan lahayn meel laga hargalo qorraxda.

MILIISHIYOOYINKA AAN LA CELIN KAR IN EE KU DHEX SAMAYSMA DAWLADO DANO KA LEH

Miliishiyooyinkan waxay walaac weyn ku soo kordhiyeen caalamka XIGASHADA SAWIRKA, REUTERS Qoraalka sawirka,

Miliishiyooyinkan waxay walaac weyn ku soo kor dhiyeen caalamka Mud do dheer waxaa jiray, la akinse dhawaanahan lag soo baraarugay male eshiyaadka hubaysan oo da wladuha dun idu u isticmaalaan inay kula daga alla maan kooxo kale, marka dambena ku noqda wax aysan xakamayn karin.

Mid mid ayaan isu dul taagi doonnaa kuwooda ug caansan, ama ka jira Sooma aliya iyo dunida qaybaheeda kale, ka dibna waxaan eegi doonnaa sababta ka damba ysa in la sameeyo iyo sida ay u shaq eeyaan.

Aasaasayaashii Al Qaacida

Al Qaacida

Waxaa la rumaysan yahay in kooxdan ay sam aysmeen sannadihii todoba atame eyadii, markaasoo uu Ruushku haystay Afghanis tan.

Xilligaas waxaa meel sa re marayey dagaalka qabow ee u dhaxeeyey bar iga iyo galbeedka oo ay EEG BOGGA 6AAD



MILIISHIYOOYINKA AAN LA CELIN KAR IN EE KU DHEX SAMAYSMA DAWLADO DANO KA LEH


{Ka yimid bogga 5aad}..

labada dhinac kala hoga aminayeen, laakinse dagaal toos ah kama dhax ayn. Qolaba qolada kale waxay ku kicinaysay koo xo ka soo horjeeda iyo jabhado. Usama Bin Lad en wuxuu xilligaas saaxib dhow la ahaa Ameer ikaanka, sidaa dartee dna waxaa u sahlanayd inuu dal Muslim ah ka dhex dagaallamo isagoo shaar diimeed huwan.

Taas waxay keentay in Ruushka uu iska caa bbin xoog leh la kulmo, kana baxo Afghanistan, la akin saaxiibadii hore – Maraykanka iyo Bin Laden – ayaa isku soo jeestay, toban sano ka dibna waxaa bill owday in Maraykanku uu Bin Laden ugaar sado, ilaa markii dambe awoodda Al Qaa cida ay banaanka timid oo ilaa Dorraad la xakam ayn la’ yahay.

Madaxa Wagner Group Qoraalka sawirka

Madaxa Wagner GroupWagner Group

Waa shirkad gaar loo leeyahay oo hawl aha mil ateriga qabata, laakinse reer galbeedku u aqoons an yihiin maleeshiyo calooshood u shaqaystayaal ah. Waxay toos ugu lug yeelatay dagaalka Ukra ine, iyo dagaallo ka dhacay Afrika iyo Bariga dhe xe, gaar ahaan waddamo uu dano ka lahaa Ruu shka.

Waxaa madax ka ah Yev geny Prigozhin oo ay mar saaxib ahaayeen madaxw eyn aha Ruushka ka hor in tii uusan Progozhin isku dayin inuu inqilaabo Pu tin muddo laba bilood laga joogo.

Hawlaha milateriga kaliya ma aha ee wuxuu qaban jiray hawlaha borobagaan dada, wuxuuna xataa ka awood badnaa milateriga Ruushka, aya goo haystay hub la mid ah ama u dhigma kan ciid anka Ruushka.

Prigozhin wuxuu ka hodmay qandaraa syo ma laayiin Doollar ku kacaya oo dawladda Ruushka uu ka haystay, wuxuuse u bogi waayey saraaki isha hogaa mnaysay dagaalka Ukraine oo toos ay isugu dheceen. Saraakiishaas waxaa ku jiray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada. Taa waxay keentay inuu caradi isa xakamayn wa ayo uuna ciidankiisa u soo dhaqaajiyo Moosko si uu xukunka uga tuuro Putin.

Dhexdhexaadin uu ka galay madaxweyn aha Belorus ayaa lagu qanciyey in aan talaabo laga qaadin, ciidanka Wagner-na ay dalka ka baxaan ama ciidanka Ruushka ku biiraan.

Maxamed Xamdaan Dagalo, madaxa miliishiy ada Dacmu Sariic

Maxamed Xamdaan Dagalo, madaxa mili ishiy ada Dacmu Sariic Miliishiyooyin kale

Liiska maleeshiyooyinka aan loo taag hayn waxaa ka mid ah Janjaweed, oo had da la baxay magaca Da cmu-Sariic, dagaalka khara arna kula jira mil ateriga Su dan. Waxaa kaloo ka mid ah Blac kwater oo ah Shirkad haw laha milateriga qabata oo Maraykanka qandar aasyo ka qaadan jirtay.

Waxaa aad loogu xasuustaa inay ka hawlga laysay Ciraaq xilligii ay ciidanka uu Maraykanku horkacayo weerarka ku qaa deen dalkaas. Bla ckwater waxaa wax laga saarayaa xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Muqtada Sadr waa nin ay Shiicadu ka hayba ysato. Wuxuu u dagaallamayey in ay ka hoos bax aan wax loo tusay "cadaawad u dhaxaysa ayaga iyo sunniyiinta”. Wuxuu saaxib dhow la ahaa reer Galbeedka, laakin markii dambe wuxuu ka gows adaygay inuu toos uga amar qaato. Ilaa hadda Muqtada Sadr awooddiisa iyo tan miliishiyadiisa isma dhimin. Haddaba Soomaaliya marka laga had layo waa kuwee ciidanka sida milateriga u hawlgala ee ka dhex jira gudaha dalka?

Waxaa jira dhowr kooxood oo qaab beeleed ama qaab diimeed u samaysan, duruufo kala duw anna ku abuurmay, laakin hadda u muuqada in aan loo taag hayn.

Al Shabaab iyo Daacish

Waa laba koox oo ku xiran ururro xag jiriin ah, kana hawl gala waqooyiga, bariga, bartamaha iyo koofurta Soomaaliya. Markii hore waxay ku wada xirnaayeen Al Qa acida, laakinse markii Daacish ay ka dhinac samaysantay ayey iyaguna sii kala falliirmeen.

Waxay samaysmeen xilligii midowga maxaak imta uu hogaamiye kooxeedyada ka saaray Muqd isho, laakinse wakhti dheer ma qaadan in Al Sha baab ay ka hoos baxaan maxkamadaha oo ay gooni isu taagaan.

Ka sokow inay isku aydiyoloojiyad aami nsan yihiin, waxa ka dhaxaysa cadaawad dhexdooda ah, laakinse waxay ka wada horjeedaan dawla dda Soomaaliya iyo saax iibadeed. Qaraxyo iyo dilal ayey gaystaan, kuwaasoo ay sheegtaan.

Madaxda Ahlusunna Wal Jamaaca

Qoraalka sawirka, Madaxda Ahlusunna Wal Jam aaca Ahlusunna Wal Jamaaca

Waa urur diimeed leh cudud mil ateri, wa xa yna ku dhex samays meen nidaamyadii dal ka ka jiray tan iyo sannadkii 2000 oo ay ku lahaayeen saaxiibbo siyaasad eed iyo kuwo dhaqaale. Muddada as waxaa u su urto gashay in ay gacan saar ka hela an dal al ajnabi ah. Waxay xoog ku leeyihiin gobo llada dhexe ee Soomaaliya oo ah xaruntooda ugu weyn. Daga allo qaraar ayey deegaann ada as kula galeen Al Shabaab, kagana guul aysteen, wa xayna ku faani jireen in ay amni iyo sharci ka hirg aliyeen deegaa nna daas, laakinse dawladdii Max amed Cabdul laahi Farmaajo ayey isku dhaceen ka dib markii ay isku dayday inay nidaam dawladn imo ka hirg aliso gobolladaas.

Labada dhinac waxa dhex maray dag aal uu dhiig ku daatay oo Ahlu Sunna wal Jamaaca loo ga saaray magaalooyinka waaweyn ee gobollada dhexe. Waxay xarun ka dhigteen tuulada Huurshe ee go bolka Galgaduud, waxaaana laga shaqee yey in madaxdooda ay dalka ka baxaan.

"Ahlusunna waxay ahaayeen koox ay keenat ay baahi markaas ataallay oo ah inay Al Shabaab la dagaallamaan, laakin markii dambe dagaalkii Al Shabaab mid ka sii culus ayaa iyaga dawladda ku dhex maray Galgaduud. Siyaasad gaar ah ayey la yimaadeen, cilaaqaad ayey samaysteen maamul gaar ahna waa yeesheen” ayuu yiri Axmed Kabo ole oo ka faallooda arrimaha amniga.

Dhawaanahan waxaa soo baxayey warar she egaya in ay isu diyaarinayaan in ay qayb ka noq daan dagaalka ay dawl addu doonayso inay ku qabato Ceelbuur, laakinse dawladda Soomaaliya, sida ilo ku dhowdhow ay sheegeen, diyaar uma aha inay isla hawlgalaan. Miliishiyada Mac awi sley Miliishiyada Macawisley Ciidankan waa maleeshiyo beeleedyo u badan kuwa deegaanna da Shabeellaha dhexe iyo Hii raan. Duruufta ay ku samaysmeen ayaa ah in xan uun ay kala kulm een Al Shabaab ka dib markii ay tuulooyinkoodii gubeen, ceelashii ak sumeeyeen, carruurtana ka laayeen. Waxay taageero ka heleen dhamaanba maamullada kala duwan ee deegaanna dooda, dawladda federaalkana diidmo kama muujin.

Meelaha qaar waxay wada hawlgali jireen cii danka dawladda iyo kuwa dawlad goboleedyada, Inkastoo dawladda feder aalka ay diidday inay hubaynayso ciida nkaas.

Mid ka mid ah arrimaha aadka loo xas uusto ayaa ah in bilooyin ka hor ay mac awisleey qaf aasheen carruurta iyo xaa saska Al Shabaab ee deegaan ka mid ah Shabeellaha dhexe.

Si u eg dhaqanka ciidamada kale ee sa re aan ku soo sheegnay, miliishiyada Maca wisleey wax ay ku lug yeesheen khilaaf soo dhex galay maa mulka Hirshabe elle, kaa soo xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cisma an, lana magacaabay guddoomiye cusub.

Cali Jeyte oo garab ka haysta Macawi sleey ayaa gaashaanka ku dhuftay, kuna dhawaaqay ma amul cusub oo isagu uu madaxweyne ka yahay.

"Waxaan u aqoonsanaynaa shacab loo aba abulay baahi loo qabo oo ah inay Al Shabaab la dagaallamaan. Shacabkaas la abaabulay waa in ay ka mid noqdaan dawladnimada wakhtiga dhow, waayo hubka gaar uma haysan karaan, ma na jiro qeexitaan aan siin karno ciidan aan ahayn ciidan dawladeed oo hub haysta” sidaa waxaa yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo arrimaha amniga ka faallooda.

Dhamaan miliishiyooyinka iyo ciidamada aan ka soo hadalnay waxay ka midaysan yihiin sifoo yinkan:

1- In ay ku dhex samaysmeen maamul jira, mid dawladeed ama mid maxalli ah, kaasoo u arkayey inay isku dan yihiin ama uu u adeegsan karo danaha uu leeyahay ee nidaamka iyo sha rciga dartiis uusan ugu dhiirran karin.

2- In ay yeesheen awood la mid ah tan mila teriga ama ciidanka dawliga ah, dhaqaale iyo sa amayn muddadii ay dawla daas saaxibka laha ayeen.

3- Inay ka hor yimaadeen ama is qabt een nid aamkii ay saaxiibka ahaayeen ee ay ku dhex samaysmeen, islana socdeen.

Haddaba maxaa ku kallifi kara in nida am daw li ah ama sharciyad haysta uu abu uro miliis hiyo la mid ah milaterigiisa? Axm ed cabdullaahi Kabo ole wuxuu ka faall ooda arrimaha amniga. "Ciidan kan sharci ga caalamiga ah kuma dhex shaqayna yaan, sharciga dalkana kuma dhex shaqa ynay aan. Ujeedada ku xambaaraysa dawla dda waxay tahay inay diidi karto oo ay dhihi karto ‘kama war qabno’ haddii ay ku xadgudbaan xuquuqda aadan aha, haddii kale waxaa qabanaya shuruucda caa lamiga ah iyo kuwa xuquuqda aadanaha” ayuu yiri kaboole.

Kaboole wuxuu farta ku fiiqay arrin uu arko in ay tahay khatar kale oo Soomaaliya si gaar ah u haysata. "Waddamada dana ha ka leh Soomaal iya haddii ay helaan ciidan diyaarsan oo qalaba ysan oo sidaa ay gacanta ugu dhigaan, waxay cii dankaas dhibaato ku noqonayaan dawladnimada” ayuu yiri. Mar la weydiiyey waxa uu xal u arko wuxuu ku jawaabay "Xalku waa in dawl addu ay iyadu ho gaanka u qabato, ku samayso kormeer iyo la xisa abatan, marka dambana la dawladeeyo ciidanka as into oda rabta inay ciidanka dawladda galaan, inta markii hore doonaysay inay deegaan kooda xoraystaanna uu deegaankooda xor u yahay oo sidaas ay ku qancaan”.XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip