Robert Crane, Siduu ku islaamay?

0
Tuesday August 08, 2023 - 14:39:29 in Wararka by
  • Visits: 1566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Robert Crane, Siduu ku islaamay?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynahii Mareykanka Richard Nixon ayuu la taliye u ahaa.

 

Waxaa uu heystay Shahaadada PhD ” in public law” iyo PhD .


” in international law”.

 

Waxa uu madax ka noqday Jaamacadda "Harvard Society of International Law” iyo ” Deputy Director of the US National Security Council” waxa uu aasaasay, "the Center for Civilization and Renewal in America” waxa uu si fiican ugu hadli jiray Lix luqadood.

Maxaa is bedelay?

Madaxweyne Nixon ayaa Maalin Nabadsugadda Mareykanka ku yiri: waxaan rabaa in aan Islaamka wax ka ogaado ee ii soo diyaariya Cilmi Baaris la xiriirto.

 

Waa ay soo diyaariyeen, laakin aad ayeey u badneed.

 

Kadibna la taliyihiisii Robert Crane, ayuu ka codsaday in uu soo akhriyo una soo koobo.

Robert, wuu akhriyay kadibna waxa uu furay Doodo ku saabsan Islamka si uu wax uga sii ogaado.

Maalma kadib waxaa Dalka Mareykanka oo dhan lala yaabay markii la maqlay in Prof.

 

Rober Crane, uu islaamay waxa uuna la baxay magaca Faroukh Abdel Haq.

 

Sanadkii 1981.

Waxa uu ku sheegay Sababta uu u islaamay in ay tahay.

 

Waxaan ahaa Nin sharciga bartay, wixii aan sharci bartay oo dhanna waxaan ka dhax helay Islaamka.
Xataa intii aan wax ku baranayay Jaamacadda Harvard, kuma arag sharciyadooda halmar kalamada Cadaalad, lakin islamka wax badan ayaan ku arkay.

Waxa uu yiri: mar aan la doodayay Professor sharciyaqaan ah oo Yuhuud ah ayaa ku iri: ma taqaan inta bog ee Dastuurka Mareykanku uga hadlay Dhaxalka.

 

Waxa uu ku jawaabay haa waxa uu uga hadlay Sideed Volume ka badan.
Waxaan ku iri: Haddii aan ku tusiyo Dhaxalkaa Siddeeda Volume meel ku soo koobee wax aan ka badneeyn 10 Sadar, ma aaminee in Islaamku yahay Diinta saxda ah.

 

Waxa uu yiri: ma dhici karto.

 

Kadibna waxaa tusiyay Aayadda Qur’aanka ee ka hadlee dhaxalka.

Maalmo kadib ayuu ii yimid, waxa uuna igu yiri: Maskax Beni aadan sidaan uma soo koobi karto dhaxalka iyada oo aan wax ka tagin.

 

Kadibna Yuhuudkii waa islaamay.

Talo

Waxaa jeclaa lahaa in aad qoraaladiisa akhriso.

 

Mar waxa uu yiri: Markii Obama la doortay waxa uu aaday Magaalada Qahira, khudbadii ay u diyaariyeen La taliyayaashiisa waxa ay Afar mar ka tireen kalamadda Cadaalad, mar dambe ayaa lagu daray kalmadii hadana waa tireen.

 

La taliyayaashu waa dhumiyaan madaxda.

 

Afartii sano ee uu xilka hayay Obama marna ma isticmaalin kalmadda Cadaalad.
Prof Rober Crane waxa uu geeriyaaday 2021 isaga oo 92 Sano jir ah.

Kalmadda Cadaalad maxay ku dhibsadeen Madaxda Mareykanka iyo Somalidu?

FG: iga raali noqo, maanta Salaadda Subax ka hor, intii aan sugayay Salaada ayaa ku fikiray in aan kula wadaago Qoraalkaa, waanse kugu dheereeyay ee ka raali noqo.

Diinta Alla ha nagu hanuuniyo, Aqoontuna Dadka qaar fikira waa ku hagi kartaa Diinta.


Qore:- Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip