Wasiir Maxamed Barre oo sheegay in baaritaan lagu sameeynao sida loo soo xushay Nasra Abuukar

0
Wednesday August 02, 2023 - 12:25:09 in Wararka by
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Barre oo sheegay in baaritaan lagu sameeynao sida loo soo xushay Nasra Abuukar

    Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa ballanqaaday in baaritaan lagu sameyn doono ciyaaryahan ku tartamayay magaca Soomaaliya uu u muuqday mid aan diyaar u aheyn tartanka ay ka qeybgashay. Nasra Abuukar Cali ayaa u oroday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa ballanqaaday in baaritaan lagu sameyn doono ciyaaryahan ku tartamayay magaca Soomaaliya uu u muuqday mid aan diyaar u aheyn tartanka ay ka qeybgashay. Nasra Abuukar Cali ayaa u oroday si ay taageereyaasha Soomaaliya iyo kuwa isticmaala baraha bulshada ay ugu yeereen 'mid murugo leh' ayaa ku dhammeysatay orodka koowaad ee isreebreebka Ciyaaraha Jaamacadaha Adduunka ee FISU ee ka socda magaalada dalka Shiinaha. Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre ayaa u sheegay warbaahinta dowladda inay baaritaan ku sameyn doonaan sida loo soo xushay orodyahannadan. Wuxuu intaas ku daray inaysan ku ordin magacan qaran, laakiin ay ku oroday magacan Jaamacadeed. "Wixii maanta (shalay) dhacay maahen mid munaasib ku aheyd ummadda Soomaaliyeed. Waan ka xumahay. Waan ka raalligelineynaa bushada Soomaaliyeed" ayuu Maxameda Barre u sheegay warbaahinta dowladda. Wuxuu dhinaca kale hambalyo u diray orodyahanka Xasan Cali Iidow oo ka qeybgalaya isla tartankan Jaamacadaha ee dhinaca ragga, kaas oo galay kaalinta afraad, isaga oo u soo gudbay wareegga labaad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip