"FAALLO"Nuur Badanihii, Waliyulaahi Shiikh Cabdi Celi oo Bannaanbaxa Siyaaradiisa ay Galabta ka dhacday Degamada Warshiikh

0
Monday July 31, 2023 - 17:40:30 in Wararka by
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "FAALLO"Nuur Badanihii, Waliyulaahi Shiikh Cabdi Celi oo Bannaanbaxa Siyaaradiisa ay Galabta ka dhacday Degamada Warshiikh

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 

CABDIRAXMAAN BIN SH.

 

CUMAR AL-CELIYI, AL-QAADIRIYI, AL-WARSHIIQKHIYI.

Kumanaan muslimiin ah ayaa 12-kii bilood waqtigaan oo kale ku kulma siyaaradaasi, looma kala hara ka qeyb-galkeeda, qeyb walba oo bulshada ka mid ah kama maqnaato halkaasi, madax dawladeed, siyaasiyiin, duubab dhaqan, culumaa’udiin, safiirro, saraakiil, qurba-joog, ganacsato, haween, dhallinyaro iyo cid kasta oo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed ayaa si furan uga qeyb qaata Siyaaradaasi.

Taariiq ahaan, WALIYULAAHI AABBE SHIIKH CABDI RAXMAAN SH.

 

CUMAR SH.

 

MAXAMED SH.

 

DAA’UUD oo lagu naaneyso {SH.CABDI CELI}wuxuu abaarihii 1895-kii uu ku dhashay deegaanka QORILOOW ee ka tirsan Degmada WARSHIIKH ee G/SH/DHEXE.

Qoys-ahaan wuxuu ka soo jeedaa dhal GOBEED oo CULUMO ah, kuraynimadiisii (yaraantiisii) ayuu Shiikhu ku najaxay inuu dusha ka xafido Quraanka kariimka ah, isla markaana barto kutubta cilmiga diiniga ah, isagoo u tagay Galbeedka iyo Koonfurta Soomaaliya raacashada iyo daalacashada Diinta Islaamka illaa uu ka noqday CAALIM weyn oo la xushmeeyo.

Ardayda ka aflaxday intii uu noolaa Shiikha waa sida xiddigaha oo kale, waxaana wax ka bartay oo ka diin qaaday Boqolaal xer ah oo markii dambe noqday Culumo waa-weyn, kutubadii uu Shiikhu akhrin jiray oo ahaa BADWEYN ayaa haddana waxaa ka xusi karnaa TAFSIIRKA, RIYAALU SALAAXIINKA, AXKAAMTA, FIQIGA, NAXWAHA, SARFIGA IWM.

Xarumaha iyo masaajidyada uu kutubta ka gali jirey waxaa ka mid ahaa masjidka jaamaccada Shingaani, Mowlicii degmada Boondheere, xaruntii degmada Cadale, Markaskii degmada Baraawe oo uu tagi jirey qeyb ka mid ah sannadka iyo Fariisinkiisii degmada Warshiikh.

Alle ha u naxariistee Shiikhu wuxuu dajiyay kutubo aan yareyn, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen NAXWAHA, SARFIGA & QASIIDFOOYIN NABI AMAAN AH, Jaa’isada Shiikhnimada waxa uu ka qaatay Mashaaiqda kala ah: Sheekh Axmed Cusmaan Gandarshe, Shariif Xasan Daqare iyo Sheekh C/laahi Qudbi.

Geeridu waa xaq, waana halka lagu dambeyn doono, ma dhinte waa Ilaah ee Allaha u naxariistee Aabbe Sheikh Cabdi Celi wuxuu ifka ka wareegay 1981-kii waxaana lagu aasay saldhigiisIi degmada Warshiikh, intii uu nolaaa Shiikhu wuxuu u go’ay fidinta diinta islaamka.

Darajo ahaana wuxuu gaaray inuu noqdo MUFTI loo soo doonto qeybaha kala duwan ee diinta iyo ka jawaabida su’aalaha diiniga ah, dhaqan ahaan wuxuu ahaa deeqsi aan la gaari karin oo hoygiisa aaney waxba ku baryi jirin.

Sifo ahaan wuxuu ahaa astaanta degmada Warshiikh, geeridii Shiikha kadidb waxaa khaliifnimadii la wareegay SH.

 

MUXUMED SH.

 

CABDI RAXMAAN oo isna geeriyooday, haatana waxaa hawshii Shiikhnimada haya SHIIKH QAASIM SH.

 

CABDI RAXMAAN Alle ha xafidee.

Kumanaan dad ah oo ka kala tagey magaalooyiin aad u fara badan ayaa haatan ku urursan degmada Warshiikh oo 65-K.M u jirta magaalada Muqdisho, ujeedka muslimiintaasi waa sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen siyaarada Shiikhooda, iyaga oo ALLE dambi dhaaf ka baryaya, una duceynaya guud ahaan ummadaha Islaamka ah, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed.

Maalmo kaddib, bulshooyinkaasi waxay dib ugu soo laabtaan deegaannadii ay ka baqooleen iyagoo Faraxsanb isla markaana ku raali ku ah socdaalkii ay ugu amba-baxeen Siyaarada Shiikhooda SH.

 

CABDI CELI ee Degmada WARSHIIK.

WD:Wariye Sheekhaalow





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip