HALKAAN KA AKHRISO WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 27-KA LUULYO 2023-KA

0
Thursday July 27, 2023 - 08:23:33 in Wararka by
  • Visits: 456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH KHAMSII 27-KA LUULYO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddoomiye Sheekh Aadan oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soom aaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddo omiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhu uriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay xa fiiskiisa ku qaabilay Ergeyga u qaabi lsan howlga lka Midowga Afrika ee Soom aaliya Ambassador. Souef Mo hammed El-Amnie.

Danjiraha oo marka hore ka tacsiyeeyay askartii ku shahii day weerarkii fuleynimada ahaa ee kooxda Khaw aariijta ay ku soo qaadeen Xerada Tababarka Ciidanka Jaalle Siyaad ee magalada Muqdisho. Danjire Souef Mohammed El-Amnie ayaa Guddoo miyaha warbixin ka siiyay shaqada ATMIS halka ay mareeyso iyo dagaalka lagula jiro Khawaariijta. Sidoo kale kulanka waxaa danjiraha ku wehlina ay taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Gen. Sam.

Ra’iisal wasaare Xamse oo la kulmay madaxweynaha Tanzania

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay shir madaxeedka Afrika ee horumarinta awoodda Aadanaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, kaas oo ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer iyo iskaashiga dhaqaale iyo gan acsi ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul wsaare Xam se ayaa ka codsad ay dowladda Tanzania inay codkeeda ku tag eerto Soomaaliya oo u tartameysa ka mid noq oshada xubnaha aan Joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 – 2026.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay mada xweyn aha dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabs iyada Tanzania in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, si xukunnadooda inta ka harsan ugu dham eystaan Soomaaliya, taasi oo mabdi’iyan ay aqb ashay, isla markaana farsamo ahaan si wa dajir ah looga shaqeeyo.

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2023/07/saam.jpg Md/Xamsa ayaa Madaxweyne Samia uga mah adceliyay inay dowladda Soomaaliya ay siisay dhul loogu talagalay safaaradda Soomaal iya, wa xaana uu gaarsiiyay casuumaad uu ka wa day Ma daxweynaha Jamhuuriyadda taas oo ku sa absan inay soo booqato magaalada Muqdisho, oo ay aq bashay, taasi oo billow u ah isdhaafsiga boo qash ooyin lagu xoojinayo xiriirka oo ay is dhaa fsan doonaan madaxda labada dalRa’iisul Wasa are Xamsa ayaa ugu dambeyn ku ammaanay Madax weynaha Tanzania, martigelinta shir mada xeed kan ahmiyadda gaarka ah u leh bulshooyinka qaa radda Afrika.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo Akhrinta 1aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hubka

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Shalay Shir Guddoomisay Kalf adhiga 3-aad kulankiisa 11aad oo uu wahlinayo Guddoomiye ku Xige enka labaad ee

Golaha Shacabka Md/ Cabdullaahi Cumar Abshirow waxaana soo xaa diray 147 Xildhibaan. 1.Akhrinta 1aad ee Hin dise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya.

Intaasi Kadib Guddoomiye Sacdiyo yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeysay Qar axii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Cii danka14ka octoobar ee ku sugnaa kulliyadda jaa lla siyaad ee Magaalada muqdisho Waxayna alle ugu bariday inuu caafimaad taam ah siiyo Ciid ankii ku dhaawacmay iyo sidoo kale ciidankii ku geeriyoodayna uu janadiisa fardowsa kawaraab iyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shac abka ayaa dhankooda aad ugu hadlay dhacdada aswaxayna carbaka ku adkeeyeen in baaritaan sax ah lagu sameeyo ciidankaasi lagu laayay xer ada jaala siyaad ee Magaalada Muqdisho Gudd ina loo saaro si ay ugu soo tala bixiyaan dhac dadaasi.

Intaasi kadib Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe Ayaa Xildhibaannada ka hor akhriyay Hindise Sha rciyeedka Hubka ee Soomaaliya, isigoo u shee gay in hindise Sharciyeedkan uu Dalka iyo dadka uu Muhiim u yahay loona baahanyahay xildhibaan ada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.

Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya Iyag oona Su’aallo kaweeydiiyay qodobo kamid ah Hin dise Sharciyeedka uu wasiirka hor keenay xildhi baanada ayaa su’aalahooda iyo doododa u bad neeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan Hin dise Sharciyeedka Hubka ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku Xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo soo xirtay kulanka Shalay ayaa fartay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Md..Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle "Jaabiri” inuu ku wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Ma amulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Sha cabka BJFS si ay talooyinka Xildhibaannada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale Xildhibaannada Akhrinta 2aad dood ugu yeeshan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daahfu ray Shirweynaha caafimaadka Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa M/Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray shir weynaha caafima adka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto kaas oo ay isugu yimaadaan hey’addaha caalam iga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada Arrimaha Caafimaadka la xariira ee ka howlgala Muqdisho.

Shir weynahaan Caafimaadka la xariira oo ay soo aggaasintay Waaxda Caafimaadka ee Dow alada Hoose Xamar ayaa intiisa badan ah mid islaxisaabtan ah oo ay hey’addaha Caafimaadka ku soo gudbiyaan adeegya ay bixi yaan tayadooda iyo sida ay bulsh ada ugu qidmeeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa M/ Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Ma daale) oo shirkan furay alla kula dardaarmay waki ilada ka socday hey’addaha Caafimaadka iyo ma daxda waaxda caafimaadka D.H.X in ay mas’u uliyad gaar ah iska saaraan bixinta adeegyo caa fimaad oo taya leh islamarkaana loo dhimriyo dad weynaha Soomaaliyeed.

Talyaaniga oo Soomaaliya ka caawinaya ka ja waabista xaaladaha degdegga ah

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dowl adda FS Md.Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Talyaaniga

ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Antonio Tajani ayaa heshiis iskaashi iyo caawinaad Soo maaliya la siinayo ku kala saxiixday maga alada Rome ee caasi madda dalkaas.

Heshiiskan ayaa salka ku haya in Talyaanigu Soomaaliya ka caawiyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo horu ma rinta adeegyada aas aasiga u ah muwaadin iinta Soomaal iyeed.

Wasiirka arrimaha diba dda Soomaaliya mud ane Abshir Huruuse ayaa xusay in heshiiskan uu yahay kii ugu horreeyey ee nuuciisa ah oo labada dal ay gaaraan 30-sano ka dib.

Taliye Shub "Cadaalad daro weyn ayaa ka jirta Xabsiyada oo waxaa jira dad iska xiran mud 10 sano"

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Ma had Cabdiraxmaan Aadan oo ka hadla ayay ar rimaha garsoorka iyo cadaalada ayaa sheegay in cadaalad daro weyn ay ka jirto xabsiyada ku yaala magaalada Muq disho.

Taliye Shub ayaa ugu baaqay hay'addaha ku shaqada leh arrimaha cadaalada iney ku dhaqma an caadalada si looga gudbo cadaalad darada jirta. Wuxuu sheegay Taliyaha in xabsiyada ku yaala Muqdisho oo uu ugu horeeyo xabsiga dhexe iney ku xiran yihiin maxa abiis isaga xiran mudo 10 sano ah oo wajahaya cadaalad da ro weyn oo u baa han in si dhab ah wax loo ga qa bto.

"Magaca aan wada no kuligeena wuxuu ka tarjumayaa Cadaalad laa kiin wax cadaalad la dhahayo dalkaan kama jirto oo waxa xabsiyada aan ku hayna dad iska xiran mudo 10 sano ah, waxaan leyahay caadalada aan ku dhaqano xabsiyada soo fiiriya oo qof wa lba waxa uu ku xiran yahay hala eego, si gaar ah Booliska, Xeer ilaalinta iyo wasaaradaha amniga oo ay quseyso ka shaqeynta howlaha Cadaalada, waxaan leeya hay aan ku dhaqano Cadaalada" ayuu yiri Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan Shub.

Hadalka Taliye Shub ayaa kusoo beeg maya, ayadoo dowladda Soomaaliya ay haatan wado qorshe ay ku hormarinayso garsoorka dalka iyo la dagaalanka Musuq maasuqa xatooyada Xoolaha dadweynaha.

Ra’iisal wasaare Xamse oo hadal ka jeediyey madasha shir madaxeedka Daaresalaam

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay Shalay shir madax eedka Afrika ee hor umarinta awo odda Aadanaha ayaa shee gay in dowladda So omaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dal ka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxb arashada Soomaaliya, haddana ay xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxb arashada dalka.

Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hidd aha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Darye elka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

Shirweyne looga hadlayo baarista damb iyada & oogista dacwadaha oo Shalay furmay

Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, kaas oo socon doona labada maalmood 26-27- 2023.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Ax med Sheikh Cali (Do odishe) oo shirka furay ayaa sheegay in kulankan loogu doodi doono wada shaqaynta Booliska iyo xeer ilaalinta, gaar ahaan barista dambiyada iyo oogista dacwadaha, isagoo xusay in sanadkii ugu dambeeyay ay aad usoo haga agayaan wad ashaqaynta ka dhexeysa laamahan

, Doodishe ayaa sidoo kale sheegay in shirkan looga doodayo dib u eegis lagu sameeyay xeerka ciqaabta guud iyo kor u qaadista cadaaladda, si uu ula jaan qaado is-beddelada ka dhacaya caa lamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar muumin ayaa sheegay in ay tahay muhiim wax ka badalka xeerka habka ciqaabta Soomaal iyeed si uusan dambiiluhu ugu dhex faa’iideysan booliska, xeer ilaalinta iyo garsoorka dhexdooda.

Taliyaha ayaa sheegay in wax ka bed delka xeerka ciqaabta aad loogu baahan yahay maad daama ay bulshadu badatay, wadciguna is-bedd elay, taas oo sababtay in ay soo baxaan dhaqa nno fool xun oo ayn aan hiddo u lahayn, anshaxa iyo diintuna aan ku habboonayn.

Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar iyo faah faahin laga helayo

Faah faahino kasoo baxaya qarax khasaaro kala duwan geystay oo Shalay ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Do wlad Goboleedka Hir-Shabeelle, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaaf adaha Magaalada Jowhar.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa wax aa lala beegsaday Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS, xilli ay marayeen meel u dhow garooonka kubbada cagta Xasey Kumari ee xaafada Hors eed ee Magaalada Jowhar.

Maamulka iyo laamaha Amniga Magalada Jowhar ayaan weli ka hadlin qaraxa, hayeeshee waxaa goobta tegay Ciidamo katirsan Booliska Hir-Shabeelle, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah sameeyay.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa day amniga Magaalada Jowhar, waxaana dhawa an qarax ka dhacay lagu dilay Sarkaal katirsan Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyad da Hir-

Maxkamadda G/Banaadir oo dhageysaneysa eed loo heysto laba Agaasime

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Shalay u fariisatay dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulsh ada XFS, kuwaa asi oo xafiiska xe er ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.

Mas’uuliyiinta Maxkamaddooda haatan socoto ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, Cabdullaahi Maxamed Cali Suldaan iyo Aga asimahii ka horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Muqtaar.

Ugu horreyn guddoomiyaha maxkamadda ayaa goobta ka aqriyay eedda loo haysto labada agaasime, taas oo ah musuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.

Eedeysanaha koowaad oo ah Cabdullaahi Ma xamed Cali ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan 8 Milyan 667 kun 220 Dollar, ta as oo la waayey intii u dhexeysay 6 Aug ust ee sa nadkii 2020-kii illaa 20-ka bishii April ee sanadkan aynu ku jirno 2023-ka.

Al-Shabaab oo Shalay lagu laayey deegaan ay Dorraad weerar kasoo qaadeen

Duqeymo culus ayaa Shalay gobolka Bay loo gu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 50 maleeshiya ad iyo saraakiil isugu jira.

Duqeymahaasi waxay Shalay ka dhaceen dee gaan lagu magacaabo Ceel-dhuun Adeegow oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhaba iyo Waajid ee gobolka Bay.

Si gaar ah deegaankaasi wu xuu u dhow yahay Goofga duud-Buurey oo Dorraad ay dib ula wareegeen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay Shabaab dagaal ku qabsadeen 23-kii bishaan.

Deegaanka Shalay lagu duqeeyey kooxda wax ay Dorraad ka soo abaabuleen weerar culus oo ka dhacay duleedka degmada Waajid, halkaas oo dagaal maleeshiyaad badan looga dilay ay kula galeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Itoobiya.

Wasaaradda amniga K/Galbeed, taliska qey bta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo wasaara dda gaashaandhigga XFS ayaa xaqiijiyey in duqe ymihii Shalay Al-Shabaab looga dilay uga yaraan 45 xubnood oo saraakiil iyo dagaalyahano isugu jira.

Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed waxay sheegeen in dagaalyahanada Shalay laga dilay Al-Shabaab ay ku jiraan xubno badan oo ajaanib ah, inkastoo aan la shaacin tiradooda rasmiga ah.

Dhulka ay duqeymahaasi ka dhaceen waa howd ay aad u deegaameysteen Al-Shabaab, sida uu VOA u sheegay taliyaha qeybta 60-aad ee ciida nka xoogga dalka.

Diyaaradaha geystay duqeymahaas waxaa laga leeyahay dalka Mareykanka, wuxuuna deega anka la duqeeyey u dhowyahay Goofgaduud oo Dorraad ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka.

Kooxda Shalay lagu duqeeyey deegaanka Ceeld huun Adeegow ayaa Dorraad weerar ku soo qaad y garoonka diyaarada ee degmada Waajid, halk aas oo looga dilay ugu yaraan 25 xubnood, oo 5 ka mid ajaanib ahaayeen.

Baaritaan hordhac ah oo laga soo saar ay shil diyaaradeed dhawaan ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soo maaliya ayaa faahfaahin hordhac ah looga bixiyay sababaha keenay shil diyaaradeedkii 11-kii bi shaan ka dhacay garo onka diyaaradaha Aad an Cadde ee maga alada Muqdisho.

Warsaxafadeedka ay a lagu sheegay in shil ka diyaaradaasi uu ahaa mid ay sababtay dabeyl diyaarada kaga timid dhanka dambe markii ay soo caga dhigtay dhabaha diyaaradaha oo ay ku socotay mudo hal daqiiqo ah.

Baaritaankaan ayaa lagu sheegay inuu yahay midkii koowad, islamarkaana baaritaanka xiga ee shilkan lasoo saari doono bil kadib, halka baarista guud ee ugu dambeysa lagu soo saari doono mudo sanad gudahiis ah, sida lagu sheegay wars axafadeedka.

Diyaarada Shilka gashay oo ay leedahay Shir kadda Halla Airline ayaa waxaa saarna xiliga ay shilka gashay 34 ruux oo 30 ka mid ah ahayeen rakaab kasoo raacay diyaarada magaalada Garo owe, hayeeshee ma jirin cid ku dhimatay shilka diyaarada, inkastoo ay ku dhaawacmeen laba ruux.

Agaasimaha hay'adda duulista Rayidka Soom aaliyeed Axmed Macalin oo dhankiisa warba ahinta la hadlay ayaa sheegay baaritaano intaan ka badan oo la xariira waxyaabaha shilka keenay lasoo bandhigo doono.

"Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu shilalka yar dunida, marka loo fiiriyo shilalka diyaaradeed ee dhaca, dariskeena fiiriya maalin walba shil baa ka dhaca, Shilkii maalin dhawe ydna Dabayl ayaa sababtay baaritaankana wuu socda wali, sanadkii lasoo dhaafay ee 2022 shil ah ma dhicin dalalka kale ee dunida maalin walba bil walba shilal ayaa ka dhaca Alle ayaa mahada iska leh" ayuu yiri Agaasimaha hay'adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cakiran ee maamul goboleedka Puntland

Cabdinuur Maxamed Farey oo kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka xoogan ee u dhexeeyo madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Farey oo u waramay Sha belle ayaa shaaca ka qa aday in Puntland ay ku jirto xaalad hubanti la’a an ah oo ka dhalatay is faham waaga ka dhashay doorashooyinka iyo dastuurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax laga xum aado ay tahay in Puntland oo ah hooyada federal ka la’isku qabto mustaqbalkeeda.

Siyaasiga Cabdinuur Maxamed Farey ayaa intaasi kusii daray in aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono xalka Puntland, maadaa ma ay isku cakirran tahay xaaladda maamulkaasi

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taas oo ay sii hurisay tallaa badii ay Dorraad qaadeen xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulkaas oo ansixiyay wax ka beddalka illaa 7 qodob oo kamid ah dastuurka.

Wasiirka xannaanada xoolaha Soomaal iya oo shir caalami ah uga qaybalay Nairobi

Wasiirada wasaaradda xanaanada xoolaha dowladda FS mudane Xasan Xuseen Maxa med ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeyb galay daahfurka mas hruuc kor loogu qaad ayo waxsoo saarka xoolaha, kaas oo ay ka faa’I idaysanayaan qaar ka mid aha wadamada gob olka geeska Afrika.

Mashruucaan oo ay ka faa’iid eysan doonaan xoolo dhaqatada wadamada Soom aaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa xoola-dhaqatada dal alk an ka saacidi doona iskaash iga iyo kordhinta waxsoo-saarka xoolaha.

Daahfurka waxaa goob joog ahaa qaar kamid ah saaxiibada Beesha caalamka ee dalalkan, gaar ahaan Safiirka dowlada Switzerland, wakiilo ka socdey hay’adaha ka shaqeeya arrimaha xoolaha iyo marti sharaf kale.

Mucaaradka Puntland oo sheegay inay qabsan ayaan doorasho xaq ah 8 january2024

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa ku hanjabay inay doorasho gaar ah qabs anayaan siddeeda january 2024, haddii uu Madaxweyne Deni isku dayo inuu mud do kororsi same eyo.

Wasiirkii hore ee maa liyadda Puntland Xa san Shire Abgaal oo kamid ah mucaa radka ugu weyn madaxweyne Deni, ayaa ku eedeeyay Deni inuu baarlamaanka ku aamusiyay laaluush, si ay ugu meel mari yaan ajendihiisa muddo kororsiga.

Xasan Shire waxa uu sheegay tallaaba dii uu Dorraad qaaday baarlamaanku inay ahayd sharci ku tumasho iyo in madax weyne Deni uu rabo inu u masiirka Puntland ka dhigo wax uu sida uu doono u maamu lanayo, isagoo ka digay cawaaq ibka xum ada ka dhalan kara tallaabooyinka uu qaadayo.

Wasiirkii hore ee maaliyadda waxa uu shee gay in mowqifkooda uu yahay 8 january 2024. Wuxuu sheegay in mucaar adku doorasho xaq ah ay qabsan doonaan, haddii uu madxaweyne Deni isku dayo inuu muddo kororsi la yimaado.

Dorraad baarlamaanka Puntland ayaa wax ka beddel ku sameeyay dastuurka, iya goo ku daray qodobo oggolaanaya in la bal laariyo xisbiyada siyaasadda.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dil geystay

Xassan Xussen Nuur oo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan ilaalo qaranayaa loo soo xiray dhaawac xabadeed oo u geystay Marx uum Xussen Maxamed Xirsi kaasoo u geeryoo day dhaawicii oo u geystay 15-kii bishii April ee sanadkaan , falkaas oo ka dhacay Dagmada Wart a-Nabadda 28-kii bishii Maarso ee Sanadkaan.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadi sta kiiska Xa ssan Xuseen Nuur waxaana laga ogolaaday sadaxdii bishii Juun ee sanadkaan.

Maragyadii maxkamada la hor keenay ayaa cadeeyay in sababta Dhaawaca uu u dhintay Mar xuumka ay eheed muran salka ku hayo jiir naceeb

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu da mbayn Shalay ku xukumay Xassan Xuseen Nuur dil toogasho ahna Qasaastii Marxuum Xuseen Maxamed Xirsi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Max kamadda Daraj ada 1aad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karo Rafcaan.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgeli nta Dastuurka oo Shalay wareejiy ay heshiisyadii ay gaareen GWQ

Muqdisho :-Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka xildhib aan, Xuseen Iidow ayaa Shalay si rasmi ah ugu wareejiyay Guddiga Mada xabanaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka nuqullada hesh iisyadii Golaha wada tashiga Qaran iyo afarta cutub ee Das tuurka ugu horre eya oo kala ah,JFS, Cutubka , xu quuqda Asaasiga Ah iyo waajibaadka muwaad dinka, dhu lka, hantida iyo deeganka iyo mat alaadda Sha cabka.

Guddoomiyuhu wuxuu si xushmad leh uga codsaday Guddiga Ma daxa bannaan ee Dastuu rka in ay si dhaqsa ah uga soo shaqeeyaan cutubyada lagu wareejiyay, ayagoo dib u eeg istooda ku saleeynayo soo jeedimihii wax ka bed delka Dastuurka ee Baarlamaannadii 9-aad iyo 10aad, mudnaanna siinaya heshiisyadii ay gaare en Golaha Wadatashiga Qaranka , dibna ugu soo celiya isla Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka. Heshiisyada iyo soo jeedi maha lagu wareejiyay Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka ayaa kala ah:-

Soo jeedimihii wax ka beddelka Dastuurka Baarla maankii 9-aad iyo 10-aad

Heshiiska hannaanka dooroshooyinka JFS 27 May 2023

Heshiiska lahaanshaha maamulka iyo wadaagga dakhliga Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, sida shidaalka iyo macdanta ee lagu qabtay Bay dhabo, 27/4/2018

Heshii ska Federaaleeynta maaliyadda 15-17 March 2023

Heshiiska astaynta awoodaha hay’adaha Dow ladda Dec 28, 2022

Heshiiska hannaanka Federaaleeynta Garsoorka Dec 28, 2022Heshiiska qaab- dismeedka amniga Qaranka 15-17 March 2023.

Imaaraadka Carabta oo war kasoo saaray WEE RARKII Kulliyadda kuna tilmaamay…

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagi xiso ee lagu bartilmaam eedsa day dugsiga taba barrada ciida mada ee magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha wasaarad da arrimaha dibadda ee dowl adda Imaaraadka Sheikh Sha khboot bin Nahyan Al Nahyan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Imaa raadku ay si weyn u cambaareynayaan falkii lagu beegsaday ciidanka.

Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ka xuntahay rab shad aha joogtada ah ee arga gixiso ee Soomaaliya ka dhacay.

"Waxaa cad in rabshadahaan lagu carqaladey nayo amniga iyo xasilloonida oo ka soo horjeeda qiyamka aadanaha iyo mab aadi’da caalamka,” ayaa lagu bayaankaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha diba dda Imaaraadka Carabta.

Sheikh Shakhboot ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Soomaal iyeed, iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen askartii ku geeriyo otay qaraxaas.

Sidoo kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrim aha dibadda ee dowladda Imaaraadka caafimaad deg deg ah dhammaan ciidanka ku dhaawacmay qaraxaas oo ahaa mid aad looga argagaxay.

Waxaa la xaqiijiyey in ninka is qarxiyey uusan ka tirsaneyn ciidanka oo banaanka laga keenay, isla markaana xerada lasoo geliyey daqiiqado kooban ka hor, inta uusan ku qarxin ciidanka oo saf-dheer ku jira.

Durbadiiba waxaa la is-weydiiyey sida ay nin kaas ugu suurta gashay inuu soo galo xerada, waxaana la qabtay ilaa seddax sark aal oo mid aad loogu tuhmayo inuu xerada gaari ku soo geliyey ninka is-miidaamiyey. Saraakiil kuwa amn iga ah ayaa soo dus iyey xogta ragga la hayo, kuwaas oo gaa raya seddax sarkaal oo G/Sare uu ugu sareeyo, baaritaano hordhac ah oo durb adiiba la sameeyey ayaa lagu soo qabtay ragaas, waxaana ku socda baaritaan adag. Sarkaalka ugu darajada sareeya oo heysta G/ Sare ayaa la aaminsan yahay in ninka is qarxi ey uu keenay xerada, isla markaana uu ka tegay, ninka naftiisa hali gay waxaa u suurta gashay inuu gaaro goo btii ugu dambeysay ee ciidanka lagu fey liyey.

Wafdi uu hoggaaminaayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo Shalay gaaray M/ Baledweyne

Waxaa Shalay gaaray magaalada Baledw eyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdi balaaran oo uu hoggaaminayay Ugaaska beesha Xawaa dle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wafdiga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa si weyn loogu soo dhaw eeyay garo onka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, waxaa na halkaasi kusoo dhawee yay Ugaaska masuu liyiin kala duwan, siyaasiyiin iyo guud ahaa qeybaha kale ee bulshada reer Ba led weyne.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo si kooban ula hadlay dadkii kala duwana ee soo dhaweeyay ayaa ugu horeyn kaga mahadceliyay soo dhaw eynta balaaran oo ay u sameeyeen, isagoona sheegay in maalmahan uu ku sugnaan doono magaalada Baledweyne, islamarkaana wixii khil aaf ah oo Hiiraan ka jira dib la isaga warse esan doona.

Tagista Ugaaska Beesha Xawaadle ee mag aalada Baledweyne ayaa kusoo beeg meysa, iyadoo magaalada Baledweyne ay ka jirto xaalad siyaasadeed cakiran oo ka dhalatay xilka qaadistii madaxweynaha Hirshabele Cali Guudlaawe uu ku sameeyay guddoomiyahii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo isna xilka qaadistiisii kadib Bale dweyne uga dhawaaqay maamul la baxay Hiiraan State oo uu madaxweyne ka yahay.

Hayee shee lama oga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan sida uu ku dhameyn doono khila afka culus ee ka taagan Baledweyne ee u dhaxeeya Hirsha beelle iyo maamulka la baxay Hiiraan State.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliy eed oo la Kulmay Dhigiisa Dalka Seerbiya.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Wafti Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo, aya gaaray Magaalada Belgrade ee caasi mada dalka Seeriya, halkaas oo uu safar shaqo u joogidoona mudo

4 casho ah, tali ya ha iyo waftigiisa waxaa garo onka diy aar adaha ku soo dhaweeyay masuul iyiin ka socday safa arada Soomaliya ee Seer biya, sidoo kale taliyuhu wuxuu la kulmay, Danjir aha Soomaaliya u fadhiya Seerbiya, Md.Max amed Cabdulahi Axmed, Taliyaha Guud ee Ciid anka Booliska Seerbiya.

Md,Bratislav Gašić, Taliye Xigeenadda Booli ska See rbia ee kala ah General Miomir Pajić iyo Bratislav Pavlović.Taliyaha hogaan Arimaha Dib adda ahna Taliyaha Interpol Col.Miloš Andjić iyo Saraakiil kale. Kulanka ayaa looga hadlay ujeeda safarka, la iskuna dhaafsaday hadiyado ka turju maya labada Taliska Ciidan Boliis ee Seer

biya iyo Soomaaliya.

AFAR QODOB KA OGOW WEERARKII LAGU QAADAY KULLIYADDA JAALLE SIYAAD EE ASKARTA LAGU LAAYAY

24-kii bishan Luuliyo ayaa waxaa weerar is miidaamin ah ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.

XIGASHADA SAWIRKA,KULLIYADDA JAALLE SIYAAD

Qoraalka sawirka,

24-kii bishan Luuliyo ay aa waxaa weerar is mii daamin ah ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliya dda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.Isniintii ayaa waxaa weerar is miidaamin ah uu ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 askari, qaar kalena way ku dhaawacmeen.Hadal-heyn badan iyo falcelinno kala duwan ayaa ka dhashay weerarkan, iyadoo su'aalo badanna la iska weydiinayay.

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinay naa afar waxyaabood oo aanan laga ogeyn qara xaasi.Qaabka uu dhacay weerarka

Illo wareedyo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in weerarka uu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa uuna isku qar xiyay ciidanka oo saf ku jira. Ilo wareedyada ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in weerarka ay ku dhinteen in ka badan 25 askari.

Dhowr iyo afartan kale ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kuwaas oo loo kala qaaday isbit aallo ku yaala Muqdisho. Hase yeeshee war sax aafadeed ka soo baxay kooxda al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu dilay 73 ask ari, isla markaana uu dhaawacay 124 kale, in kas too cid madaxbannaan oo xaqiijisay sheegasha daasi aanay jirin.

Sida uu ninka is qarxiyay ku galay gudaha xeradaSawir dusha sare laga qaaday oo muuji naya qiiq ka baxaya xeerada ka dib weerarka

XIGASHADA SAWIRKA,HIRAN ONLINE

Ninka is qarxiyay ayaa xirnaa dareeska ciidanka, isagoo gudaha xera da ku galay aqoo nsi been abuur ah sida ilo wareed ka tirsan miltariga oo aan doonayn in ma gaciisa la sheego uu BBC-da u sheegeen.

Balse illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay milatariga Soomaaliya oo ka hadlaya sida xerada kuliyadda Jaale Siyaad ay wax uga dha ceen iyo tirada khasaaraha ciidanka ka soo gaa ray qaraxa lala beegsaday iyo sidoo kale sida ay ninka is qarxiyay ugu suurogashay inuu gudaha u galo.

Laakiin waxay dowladda sheegtay inay sam aynayso baaritaan ku saabsan falkaas uu askarta ku laayey qof is miidaamiyey.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Sooma aliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (She ekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay inay meesha dad aas lagu baabi’iyey aysan ahayn meel la iska imaan karo.

"Raggan inay naftooda u huraan dalkooda diy aar ayey u ahaayeen, hadday dagaal ku dhiman lahaayeen wax niyad xummo ah kama qabi lahayn, laakin ayagoo xeradoodii jooga in fulay uu soo dhex galo oo la halaago wax loo adkaysan karo ma aha, waxaana meeshaas ka muuqda mas’uuliyad xummo,” ayuu yiri Guddoomiye Sheeklh Aadan Madoobe.

Su’aalo badan ayaa ku gadaaman, sida ismii daamiyuhu ay ugu suurogashay inuu gudaha u galo xeradaasi, maaddaama ay ka mid tahay goobaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo ee ku yaalla Magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo hoose oo militariga ka tirsan ayaa BBC-da u sheegay in ilaa saddex qof loo xiray weerarka.

Maxay yihin ciidamada lagu qarxiyay xerada, max ayse qaban rabeen?

Ciidankan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada 14-ka Oktoobar oo ah guuto la aasaasay wixii ka dambeeyey qaraxii ay dadka badan ku dhi nteen ee maalintaas ka dhacay isgoyska Zoobbe.

Guutadaas ayaa fadhigoodu ahaa gobolka Shab eellaha hoose, gaar ahaan magaalada Marka, wararkana waxay intaa ku darayaan in ciidankaas Muqdisho loo keenay in dib u habayn xagga qaabdhismeeka ah lagu sameeyo.

Ciidankaas oo u badnaa dhallinyaro ayaa la sheegay inay ka jawaabayeen baaqii madaxweynihii xilligaas ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in loo baahan yahay dhalinyaro aqoonyahanno ah oo dalkooda difaaca.

Sanadkii 2019 ayey dawladda Soomaaliya sheegtay in ciidankaas loo dhamaystiray qalabkooda si ay uga qayb qaataan dagaalka al-Shabaab.

Waxaa la sheegay inay markii la qarxinayay ciidamada ay safaf dhaadheer ay ku jireen oo tirakoob lagu sameynayay oo loo diyaarinayay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Yaa ilaaliyo amniga xerada?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xerada booqday ka hor inta aysan cidamada Burundi ka bixin.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xerada booqday ka hor inta aysan cidamada Burundi ka bixin.

Xerada ayaa la dhisay 1975, waxaana dhismaheeda lahaa madaxweynihii dawladdii kacaanka ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad barre oo sidoo kalena kulliyadda loogu magac daray.

Xeradan ayaa waxay muddo xarun u ahayd ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howl-galka Nabad ilaalinta ATMIS ee Soomaaliya oo markaas la oran jiray AMMISOM balse sannadkii 2019 ayaa lagu wareejiyay ciidamada Soomaalida tan iyo markaasina waxaa amnigeeda sugayay askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Article information

Author,Abdikadir Yussuf Ali

Role,BBC Somali

Twitter,@Abdikadir_Y_Ali

XIGASHO:BBC

Maamulka Puntland oo ka hadlay saba bta Garowe looga celiyay guddoomiye Sacdiyo

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxa muud Caydiid Dirir oo Shalay shir jaraaid u qabtay waarbaahinta ayaa ka hadlay sababta ay dowlada Puntalnd u celisay diyaarad ay la socdeen Guddo omiye ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Sa matar

iyo wefdi ay hogg aamineysay.

Wasiirka ayaa yiri ”Horta Sacdi ya Salaad waa madax, madaxd ana nidam ayay ku socdaan ee iskama socd aan.Waa in la ogya hay meesha ay tagayaan, waxa ay utagayaan aminigooda in la sugo.Inay diyaarad iskaraacdo sidii qof suuq joog ah, arrin iyada u haboon ma aha, dowlda ay ka shaqeyso u haboon maha, Pu ntland na ku haboon ma aha

.Ammaankeed in la ga taxadaro la ogyahay protakoolkeeda la sii hagajiyo, iyadu kay ku imaa neysay u hagaagsa nyahay baa horta ka horeysa waxaas.

” Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa sido okale yiri”Qof diyaarad iska soo racaya oo madax ah, hadaw sumcad xumada uu keeni karo wixii ka dhasha.Horay waad u ugeydeen wixii ka dhacay Bosaaso, iyadoo aanay dowladau wada shaqeyn kala dhaxeyn waxa ay sameyneyso inay sabab een in 20 dhaalinyaro ah oo reer Puntland ah inay dhintaan.Nidaamka ay kutimi tii oo kale inay dhac do ama kasii foolxun inay dhacdo,qof madax ah oo adduunka iska socda majiro”. Wasiirka ay aa ugu dambeyn sheegay in talaabada la qaaday ay aheyd mid Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar mas laxadeeda amni ku jirtay, sababtaana ay u celiy een Diyaaradda. Sanadkii hore ayey Puntland hawada uga celisay diyaarad ay la socotay Gudd oomiye ku xigeenka Golaha shacabka xilli ay doo neysay inay tagto magaalada Boosaaso, iyadoo arrintaas ay sababtay iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac dhaliyay.

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay nin ku shaqeysanayay dokumentiyo been abuur ah

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa Shalay soo bandhigay nin dhallinyaro ah, oo ku eedeysan inuu ku shaqeysanayay doku men tiyo been abuur ah.

Ninkan ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay sameey een Ciida nka Booliska Saldhigga Degm ada Dharkiinley, kuwaa oo sidoo kale la soo qabtay dokumenti uu watay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Qayb ta Booliska Gobolka Ban aadir ayaa lagu sheegay in dokumentiyada loo ekeysiiyay kuwa dowladda ugu adeegto shaca bka. Warka ayaa lagu sheegay in eedeysanu hu uu bulshada lacago sharci darro ah kaga bed elanayay dokumentiyadaasi.

Talisku ma sheegin magaca ninka eedeysan aha, balse waxaa uu sheegay in la horgayn doo no sharciga, si caddaaladda uu u wajaho.

Inkastoo dokumentiyada been abuurka ay ku bad an yihiin Suuqyada / Muqdisho, had ana sanadihii ugu dambeeyay ayaad mooddaa

inay aad u soo yaraanayeen.


SAXARADAADA MAKA OGAAN KARTAA INAAD KANSAR QABTO?



Cancer Deborah James, oo ah haweeney u dhaqdhaqaaqda dadka u uku dhacay xanuunka kansarka, una dhalatay dalka Britain ahna qofkii sameeyay barnaamijka BBC ee "Adiga, Aniga Iyo C-da Weyn," ayaa geeriyootay iyadoo 40 jir ah.

Kumannaan Giniga Ingiriiska ayay u uruurisay baaritaanka kansarka ku dhaca mindhicirka.

Deborah ayaa diiradda saartay muhiimadda in la eego saxarada si loo ogaado kansarka.

Philippa Roxby, oo ah weriyaha arrimaha caafimaadka ee BBC, ayaa wax ka qortay arrimo kaa caawinaya inaad xilli hore ogaato kansarka mindhicirka weyn.

Waa muhiim inaad fiiro u yeelato calaamadahan:

Dhiig guduudan ama madow oo aad saxaradaada ku aragto

Marar badan oo aad saxaro u aaddo suuliga, saxaradu waa mid ka adag amaba ka khafiifsan sidii hore.

Waxaad dareentaa xanuun marka calooshaada ay barartay ayna adag tahay

Calaamadaha kale waxaa ka mid noqon kara;

In si degdeg ah miisaan kaaga dhaco

Inaad culeys ka dareento caloosha xitaa kaddib marka aad suuliga aaddo

Inaad dareento daal iyo diiqad

Mararka qaar kansarka mindhicirka ku dhaca ayaa saxarada ka hor istaaga inuu soo dhaafo mindhicirrada. Tan ayaa sababi karta xanuun ba’an oo caloosha hoosteeda ah iyo calool-adeyg. Kiisaska sidan oo kale ah, waa inaad degdeg ula xiriirtaa waaxaha caafimaadka.

Sidee ayaad u baareysaa saxaradaada?

kansar Waa inaad fiiro u yeelataa saxaradaada mar walba oo aad suuliga aaddo. Mana aha inaad ka baqdo inaad hadasho.

Waxaa intaa dheer marka laga soo tago dhiig aad ku aragto saxarada, waa inaad sidoo kale eegtaa dhiig kaadida.

Waxaa laga yaabaa in isbeddel uu ku yimid aadiddaada suuliga - waxaa laga yaabaa inaad dareento inaadan sidii hore u aadin suuliga amaba ka badan aad u gasho.

Ururka Kansarka mindhicirka ee Britain ayaa ku talinaya inaad meel ku qorato calaamadaha kahor inta aadan dhaqtarka u tagin.

Dhaqaatiirta ayaa yaqaanna dad badan oo ay heystaan dhibaatooyinka mindhicirka, way yaqaannaan calaamadaha cudurkan. Marka, haka baqin inaad ogeysiiso isbeddellada ku yimid aadiddaada suuliga iyo dhiigga.

Maxaa sababa kansarka mindhicirka?

Lama oga waxa dhabta ah ee sababa kansarka mindhicirka. Balse waxaa jira dhowr arrimood oo kordhiya fursadda inuu kugu dhaco:

Marka ay da'daadu kororto, khatarta ah inuu kugu dhaco kansar, oo kan kaadi-mareenku ka mid yahay, ayaa kororta. Inta badan kiisaska waxay ku dhacaan dadka ay da'doodu ka weyn tahay 50 sano.

Inaad cunto xaddi badan oo hilibka cas iyo sausages, iyo sidoo kale hilibka la warshadeeyo sida bacon

Sigaar-cabidda

Inaad cabto aalkolo badan

Inaad tahay qof aad u buuran

Ma xanuun lakala dhaxlaa?

Inta badan, kansarka mindhicirka ma aha wax lakala dhaxlo.

Sidee ayaa loo yareeyaa khatarta inuu kugu dhaco kansarka?

kansar

Saynisyahannada ayaa sheegay inaad ka taxadarto caafimaad kaaga iyo qaa b-nololeed kaaha ay ka hortagi kara an in ka bad an kala bar suurtogalni mada in kans arka kaadi-mindhicirka kugu dhaco.

Waxaad u baahan tahay inaad jimicsi badan sameyso, cunto cunno ay ku badan tahya maaddada fiber-ka ayna ku yar tahay dufanta, aadna cabto lix ilaa siddeed koob oo biyo ah.

Saynisyahannada ayaa ku adkeysanaya in dadka ay da'doodu u dhaxeyso 50 iyo 70 uu kansar haleeli karo 10-kii sanoba.

Waa muhiim in la sameeyo baaritaanka MRI laga bilaabo da'da 40-ka.

Xitaa haddii aad da' yar tahay, waa inaad u tagtaa dhaqtar haddii aad isku aragto calaamadahan, hana soo iibsan qalabka u qofku iskii isku baari karo oo haku tashan, sababtoo ah jawaabtu waxay noqon kartaa mid jahwareer ah, sidaas ayay dhaqaatiirtu ku talinayaan.

Kansarka mindhicirka waa la daweyn karaa, gaar ahaan haddii xilli hore la ogaado. Waxay ku xiran tahay natiijada baaritaanka, qaabka daaweyntuna waa mid shakhsi walba u goonni ah.

Siyaabo kala duwan ayaa la adeegsadaa marka la daweynayo kansarka mindhicirka, sida qalliinka iyo daawo.

Heerarka kansarka:

• Heerka koowaad - burada kansarku way yar tahay mana faafin

• Heerka labaad - burada kansarku way weyn tahay, balse weli ma faafin

• Heerka saddexaad - burada kansarku waxay ku faaftay xiidmaha ku hareereysan

• Heerka afaraad - kansarku wuxuu ku faafay qeybaha kale ee jirkaXIGASHO:-BBC

Madaxweyne Mohamed Bazoum oo xabsiga la dhigay

Xaalad hubinti la’aan ah ayaa laga soo sheegaya xarunta dalka Niger ee Niamey, ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxtooyada ay halkaasi ku afduubeen Madaxweyne Mohamed Bazoum.Ciidamada ayaa la sheegay inay gaad iidkooda dagaalka ku jareen waddooyinka soo gala Dhismaha Madaxtooyada iyo xarumaha wa saar adaha ee ku dhow dhow.Sidoo kale Ilaalada Mad axtooyada ayaa la sheegay inay isku gadaameen Dhismaha Telefishinka Qaranka.

Qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan Ilaalada Aqalka Madaxtooyada ay ku kaceen gadood ka dhan ah qaranka, oo lagu sheegay mid aan waxba tarayn, si ay taageero uga hel aan ciidamada kale ee dalka.

Madaxtooyada oo sheegtay in Madaxweynaha iyo qoyskiisuba ay wanaagsan yihiin ayaa dhanka kale Ilaalada Madaxtooyada ugu baaqday in ay sii daayaan Madaxweynaha, haddii kalena ciidamadu ay halkaasi ku soo weerari doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada u daac adda ah Madaxweynaha lagu amray inay weera raan Ilaalada Madaxtooyada, ka dib markii ay guuldareysteen isku dayo lagu doonayay in lagu soo sii dayo. Ciidamada ayaa la sheegaya in la faray in ay ka hortaggaan wax u muuqda afgembi.

Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOW AS), Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa cambaareeyay waxa ay ku sheegeen isku dayga afgembi.

Wadamada Reer Galbeedka ayaa Madaxw eyne Mohamed Bazoum u arka saaxiib muhiim ah, haddii Niamey ay kala shaqeysay dadaalada ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan faafita anka kooxaha Islaamiyiinta ee ka jira Afrikada Galbeed.

Faransiiska iyo Mareykanka ayaa Niger la leh iskaashi militari oo xoogan, waxaana uu xiriirkoo du xoogeystay, ka dib dhacdooyinkii dhawaanah aan hareeyay dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Ciidamada Qaramada Midoobey ka jooga dalk aasi Mali ayaa lagu wargeliyay in ay isaga baxa an, waxaana ka sii horreyay Militarigii Faransiiska oo lagu khasbay in ay dalka isaga baxaan. Mali ayaa hadda xiriir dhow la leh Moscow iyo kooxda calooshaad u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagnger oo bedelay Ciidamadii Faransiiska.

Madaxweyne Bazoum ayaa xilka hayay, tan iyo 2-dii bishii April ee sanadkii 2021. Ninkan ayaa xilligaasi la wareegay talada dal ay ka jiraan faqri iyo xasillooni darro.

Bazoum ayaa ka hor inta aan xilka loo dooran waxa uu soo noqday Gudoomiyaha Xisbiga Dimo qraadiyadda & Hantiwadaaga ee Niger.

Ma cadda in Ilaalada Madaxtooyada Niger ay doonayaan in ay kursiga ka tuuraan Madaxweyne Bazoum iyo in kale, inkastoo tani lagu sheegay isku day afgembi.

Dalkan ayaa waxaa horey uga dhacay dhowr afgembi iyo isku dayo afgembi, tan iyo intii uu xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska, 3-dii bishii August ee sanadkii 1960-kii.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip