HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA LUULYO 2023-KA

0
Wednesday July 26, 2023 - 08:50:48 in Wararka by
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA LUULYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay kulan ka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Gees ka Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaa shiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni.

Shirkan oo ay ku kulmeen dalalka Sooma aliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagaga arrinsanayey Amniga, dhaqaala ha, ganacsiga iyo maalgashiga, sida lagu shee ay War kasoo baxay Madaxtooyada Somaliya.

"Dowladda Soomaaliya ay mudnaan siin ayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caa la mi ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howl-ga lka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab” ayaa lagu yiri Warka Villa Soomaaliya kasoo baxaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya ayaa ku sugan magaal ada Roma oo uu uga qeyb galay shirka Qaramada Midoo bey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hort agga macaluusha.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursad aha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hod onka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geli yo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qa aradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo.

Aadan Madoobe "Shaki iigama jiro in la fudu deeyay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad"

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Madoobe, ahna kusimaha mad axwe ynaha dalka, ayaa waxaan la aqbali karin ku tilmaa may dhacdadii Shalay ka dhacday xerada ciidanka Jaalle Siyaad,

Xerada ciidanka militariga ee Ja lle Siyaad ay aa hal kaas Shalay waxaa lagu laayay ciida mo badan oo ku dhintay weerar ismi idaamin ah oo ka dhacay gudaha xerada.

Guddoomiyaha baarlam aanka Soomaal iyaaya, shee gay in ay tahay masu uliyad darro in qof ismiidaa miye ah uu galo xerada ci idan ka, isagoo sheegay in uu aaminsan yahay in loo fududeeyay.

''Shaki iigama jiro in la fududeeyay qaraxii Ku lliyadda Jaalle Siyaad, jawaab cad ayaa looga fadh iyaa Taliska Xoogga dalka''.

Guddoomiyaha ayaa faray saraakiisha amn iga in la sameeyo baaritaan xoogleh, si gacanta loogusoo dhigo dambiilayaasha Shaba abka u fudeeyay weerarkan.

Weli madaxweynaha iyo raysal wasa aruhu kama hadlin dhacdadan ay ciidanka badan ku geeriyoodeen. Lamana oga illaa iyo hadda tira da saxda ah ee geeriyooday. Inkastoo warar ka aan helnay ay shee gayaan in in ka badan 20 askari in ay ku geeriyoodeen weerarkaas.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo booq day Askartii ku dhaawacantay qarixii Kulliyadda

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan Taliyaha Ciid anka XDS S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudi in,Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska iyo Xubno ka tirsan Labada Gole ee BFS ayaa Shalay Booqday Qaar ka Mid ah Dhaawacyada Ciid anka Xoogga Dalka ee ku jira Isbitaalada Mag aalada Muqdisho.

Dhaawacyada ayaa waxaa kujira askartii Shalay ku dhaawacantay qarixii ismiidaa minta ahaa oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Ciidamo katirsan guutada 14-ka Octoober oo uu tababar uga socday Xerada Kuli yadda jaalle Siyaad Wadada Warshadaha ee Magaalada Muq disho.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo mas’ uuli yiinta la socotay ayaa u kuurgalay xaala dda dhaawacyada askarta, isaga oo Alle uga ba ryay in Caafimaad deg deg ah siiyo, halka kuwii geeriyooday uu Alle u weey diiyay in uu Naxar iistii Jano ka waraabiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin rasmi ah ka bixin weerarkii ismiida aminta ahaa ee lagu qaaaday Xerada Kuliyad da jaalle Siyaad Wadada Warshadaha ee Mag aalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen Askar farabadan

RW Xamse oo gaaray M/Daarusalaam kana qeyb galaya Shir Shalay furmaya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, waxa ana Garoonka dalkaas ku soo dhaweeyay mas’ uuli yiin ka tirsan dal kaTanzani. Ra’I isul Wasa are Xamse ayaa ma gaalada Da ar usalaam uga qeyb galaya Shir madaxeed ka hor umarinta Karaanka Aadan aha ee Afrika oo lagu wado inuu ka furmo magaalada asi, Shirka ayaana waxaa ka qeyb galaya madax ka soc ota dalalka Afrika,

Shir madaxeedka ayaa waxaa looga hadla yaa taabbagelinta awoodda dadwe ynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afr ika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaar adda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horu marinta bulshada u leh XFS ee DanQaran.

Xubnaha wafdiga R/Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh C/dir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo mas uuuliyiin kale.

Wasiirka beeraha XFS oo faah-faahin ka bixiyay shir madaxeedka QM ee hanna anka cuntada Adduunka ee ka socda magaalada Rome

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraab ka ee XFS, Axmed Madoobe Nuu now oo qeyb ka ah wafdiga uu hogg aami nayo Madaxwey naha JFS ee magaalada Rome uga qayb gal aya shirka xal u helidda cunno yarida Caalamka ayaa ka war bixiyay ajendaha guud ee kul anka. Wasiir Nuunoow oo la hadlayay Warbaahinta Qaran ka ayaa sheegay Shir madaxe edka Qaramada Midoobay ee hannaanka cunt ada Adduunka oo ka furmay magaalada Rome Caasimadda Talyaaniga ahna xarunta hay’dah a FAO, IFAD iyo WFO, ayaa waxaa ka qayb galay labaatan xubnood oo kala matalaya dowlado ay Soomaaliya ka mid tahay.

Shirka oo ay si wada jir ah u fureen Xogh ayaha guud ee QM António Guterres iyo Gior gia Meloni, ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa hannaanka Cunno yarida Adduunka, heer Caalami iyo heer dow ladeed iyo mid goboleed.

Ajendaha shirka ayaa sidoo kale waxa ka mid noqon doona in xal loo helo Cunno yarida xooggan ee dunida soo food saartay, in wax laga qabto waddamada saboolka ah iyo saama ynta ay ku yeesheen dagaalka ka socda Yuku rayn iyo Ruushka, Is-beddelka cimillada iyo in shirkan uu jawaab ka bixiyo sidii loo heli lahaa xog ku aaddan heerka cunno yarida Adduunka.

Shirkan oo ah kii labaad ee noociisa ah loo gana hadlayo Cunno yarida Adduunka ayaa wu xuu socon doonaa muddo Saddex cisho ah, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodo bbo ay ka mid yihiin in la abuuro iskaashi xoo ggan oo dhex mara dowladaha, kaas oo sare loo qaadayo wax soo saarka si loola tacaalo Cunno yarida, in hay’adaha Caalamiga sida QM ay qayb lixaad leh ka qaataan sidii looga hortagi lahaa Cunno yari keeni karta macaluul, dhimasho iyo bara kac, in la sameeyo sanduuq maaliyadeed oo lagu daboolayo baahiyaha horumarineed ee wax soo saarka iyo in wax laga barto waddamada maareeyay Cunno ya rida.

RW Xamse oo kulan la qaatay Madaxwe yne kuxigeenka Bangiga Adduunka

R/W Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awo odda Aadanaha ee ka socda magaalada Dar e Salaam, ayaa kulan doceed la yeeshay Madax weyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka u qaa bilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhaxeeya So omaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo oo R/ Wasaaruhu ka mahadceliyay taageerada dhina cyada iyo mashaariicda uu Bangigu ku taage ero shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa ku am Shalay dowladda Soomaaliya horum arka ay ka sameysay dhinaca amni ga iyo la dagaallanka musuqmaasu qa, iyada oo sheegtay in Bangi gu diyaar u yahay in Soomaal iya uu ka taageero mowduuca hadda looga hadlayo Shir Mad axeedka ee horumarinta karaa nka bulshada ee dhinacy ada waxbarashada iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyar ada Soomaaliy eed.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Duqa Maga alada Sakarya ee Dalka Turkiga oo gaaray heshiis iskaashi

Guddoomiye ku-xigeenka Arirmaha Bulsha da Maamulka Gobolka Banaadir Md., Cabdica siis Cusmaan Maxamed oo uu wehliyo Aggaas imaha xiriirka arrimaha dibedda maamulka Gob olka Banaadir Mudane, Maxamed Xasan Maxa med ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga Md, Ekrem Yüce.


Kulanka oo ka dhacay Magaalada Sakarya ayaa waxaa looga hadlay, iskaashiga iyo hor umarinta labada magaalo ee Muqdisho iyo Sak arya, wax is dhaafsiga, taageerada tababarr ada shaqaalaha iyo iskaashiga maamulka lab ada magaalo.

Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga Md., Ekrem Yüce ayaa wafdiga ka socda Soom aaliya u sheegay in uu booqasha rasmi ah ku iman doono Caasimadda Soomaaliya ee Muq disho.

Wasiirka Maaliyadda oo magacaabay beddal ka xilkii Saabey

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soo maaliya, Md.Biixi Iimaan Cige ayaa Shalay mag acaabay agaasimaha cusub ee waaxda can shuuraha bariga, kadib markii agaasimihii hore Muxudiin Saabey oo lagu soo eedeeyay musuq uu dalka ka baxay.Agaasimaha cusub ee wa axda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda ay aa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Nuur, sida lagu sheeg ay digreeto uu soo saaray wasiir Biixi.

"Waxaa u magacaabay Cabdullaahi Nuur Maxamed, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Bariga ee Wasaaradda Maaliyadda” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday wasiirka.

Sidoo kale madaxda wasaaradda iyo hay ’adaha kale ee dowladda Soomaaliya ayaa wax aa la faray inay la shaqeeyaan mas’uulka cus ub ee la magacaabay.

"Dhammaan waaxyaha, xafiisyada iyo hay’a daha kale ee dowladda waxaa la farayaa in ku gacan siiyaan Agaasimaha Waaxda Canshuur aha Bariga ee la magacaabay gudasha waajib aadkiisa shaqo” ayaa la sii raaciyay qoraalka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda.

Wareegtadan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid baahi loo qabo in la kobciyo dakhliga bariga ee wasa aradda maaliyadda Soomaaliya.

"Baahida loo qabo kobcinta dakhliga bariga, kaas oo muhiim u ah dadaalka ay dowladdu u gu jirto sidii loo heli lahaa isku filnaasho miisa aniyadeed, si muwaadiniinta Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyada aas aasiga ah” ayaa mar kale lagu yiri wareegt ada wasiir Biixi.

Cabdulaahi Nuur Maxamed ayaa beddala ya Muxudiin Saabey oo kamid noqday mas’uu liyiin lagu soo eedeeyay, kaas oo ka cararay dalka, kadib markii ay ku soo baxday fadeexa dan. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale nin kan u jartay waaran soo qabasho ah, si loo hor geeyo maxkamadda gobolka Banaa dir oo iy adu qaado dacwadaha nuucaan oo kale ah.

Si kastaba, waa tallaabadii labaad ee ay qa adeyso dowladda Soomaaliya, si loo soo buu xiyo boosaskii ay banneeyeen agaasim eyaal dhowr ah oo loo haysto musuq, wax ayna ahe yd dhowaan markii agaasime cus ub loo mag acaabay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ka dib markii uu xilkaasi iska casilay Cabduq aadir Cilmi Cali oo loo yaqaano (Cabdul) oo ka mid ah ragga u eedeysan dowladda federaalka Soomaa liya, isla-markaana ka baxsaday wad danka

Taliyaha Ciidanka xoogga oo booqday dhaa wacyada qarixii kuliyadda Jaalle Siyaad

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka So maliyeed Gen Axmed Aadan Cali ayaa Booq day Dhaawacyada Ciidanka Xoogga ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa mid u dul istaagay dha awac yada, isagoona ka waray satay xal adooda Caa fi aad, waxana uu alle uga baryey caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale taliyaha ay aa hadal mahadcelin u jee diyey Dhakhatiirta isbitaa lka Xoogga, waxana uu kula dardaa rmay in ay sii laba jibaaran Daryaalka Geesiyaa sha Xoog ga Dalka ee ku jira isbitaalka.

Dhaawacyadaan ayaa waxaa ay u badan yihiin Askartii ku dhaawacantay qar ixii Ismiid aaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Xerada Kul iyadda Jaalle Siyaad.

Safiirka JFS ee Shiinaha oo kullan muhii m ah kaga qeyb galay Beijing

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Ca waale Cali Kullane, ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, kaas oo ka dhacay maga al ada caasimadda ah ee ee Bei jing. Kullanka, ayaa daarnaa da da allada horumarinta, hal-abuur ka, iyo iskaashiga caalamiga ah ee Shirka dda tareennada (Chi na Railway Group Limited (CREC). Intii ay soco tay munaa sabadda, mas’uuliyiinta CREC wax ay ka wada hadleen sida ay uga go’an tahay horumar inta tayada sare leh, hal-abuurka, iyo ilaalinta deeg aanka.

Danjire Kullane, ayaa muujiyay sida ay So omaaliya u xiisaynayso xoojinta xiriirka laba ge esoodka ah, wuxuuna bogaadiyay ka qeyb qaa dashada CREC ee kaabayaasha tareennada Shiinaha.

Diblomaasiyiinta ayaa sidoo kale booqday hoolka bandhigga ee CREC si ay wax uga oga adaan waxyaabihii u qabsoomay shirkadda iyo qorshaha mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Danjire Kullane ayaa iftiimiyay horumarka Shiinaha uu ka sameeyay kaabaya asha tareenada, wuxuuna rajo ka muujiyay is weydaarsiga aqoonta iyo kor u qaadida wac yiga iyo aqoonta Soomaaliya u leedahay Barn aamijkan.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax-ka-bedelka Dastuurka Maamulka

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Gobol eedka Puntland ayaa ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyey Dastuurka Puntland, kadib kulan ay ku yeesheen Xarunta ay ku shaqee yaan ee magaalada Garoowe ee Xaru nta Gob olka Nugaal.

Xildhibaanada Baar lamaan ka Maamul ka ayaa dood kadib Cod gacan tag ah ku ansixiy ay wax-ka-beddelka dho wr qodob oo kamid ah dastuurka, waxaana o golaatay 54 Md. 6 Xildhibaan ayaana dii day, mana jirin cid ka aamustay. G/G/Wakiilla da Puntland, Cabdir ashid Yuusuf Jibriil Cawl oo fad higa shir gudd oominayay ayaa ku dhawa aqay natiijada code ynta, isagoona sheegay in la ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka Puntl and.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa tallaabadan qaaday, iyada oo aan weli laga he shiinin khilaafka ka taagan arrintaas ee u dhex eeya Xukuumadda Madaxweyne iyo mucaarad ka.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa mag aalada Garoowe ka socday waan-waanta ay wadeen Isimada dhaqanka oo doonayo in lagu xallinayo khilaafka Maam ulka Madaxweyne Sa ciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiinta mucaa radka ah.

Dhinaca kale xaaladda Garoowe ayaa kala deggen, ka dib waan-waan ay tan iyo Habeen hore wadeen isimmada dhaqanka, si ka duwan labaatankii bishii hore oo furista dastuurka dagaal ka dhashay.

Golaha sare ee SSC-Khaatumo oo bay aan ka soo saaray ka bixitaankii MSF ee isbitaal ka Laascanood

Golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa bayaan kasoo saar ay go’aankii hay’adda MSF ay ku sheegtay ina y how laheeda shaqo uga raranayso isbita al ka Laascaanood.

Golaha sare ee SSC-Khaatumo ayaa uga ma had celiyay hay’adda MSF taageerada caafi maad ee ay siin jirtay dadka Laasca anood iyo gu ud ahaan SSC-Khaatumo.

Goluhu waxa uu sheegay inuu gar-waaqsan yahay in duqeymaha ay Soma liland ka geysa nayso magaaalada Laascaa nood ay sabab u yihiin in ha’addu ay joojiso hawlgalladeedii isbitaalka Laascaanood.

"Waxaan luuqadda ugu adag ku cambaar eyneynaa xasuuqa iyo duqeynta ay Somaliland ka geysato Laascaanood, taas oo sababtay bar akaca dadkii magaalada, iyo gaar ahaan sha qaalaha MSF, horseeday in Hay’addu joojiso hawlg alladii ay deegaanka ka waday, taas oo uga sii dareysa xaaladda,” ayaa lagu yiri bay aanka kasoo baxay golaha sare ee Khaatumo.

Golaha dhaqanka SSC-Khaatumo waxay hay’ adaha sharciga caalamiga ah iyo kuwa Xuquuqul Insaanka ugu baaqeen in ay diiwaan galiyaan dambiyada dagaal ee ay sheegeen inay Somaliland ka geysatay magaalada Laasc aanood iyo Gobollada SSC-Khaatumo si loog ula xisaabtamo.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ay aa dhawaan ku eedeysay ciidamada Somali land inay si bareer ah u bartil-maameedsadaan goobaha caafimaadka. Arrintaan oo ay hay’add u ku tilmaamtay dambiyo dagaal.

Golaha Sare ee SSC-Khaatumo waxay u xa qiijiyeen MSF iyo shaqaaleheeda in Maamu lka Cusub ee SSC-Khaatumo kala shaqeyn do ono hoggaanka hay’adda in shaqaalaha MSF ay dib u bilaabaan hawlgaladooda Laascaanod.

: Mucaaradka Puntland oo jawaab culus ka bixiyay go’aankii baarlamaanka

Xubnaha mucaaradka ee Puntland ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabadii ay Shalay

qaadeen xildhibaanada maa mulkaasi, kadib markii ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen wax ka beddalka dastuurka do wlad goboleedka Puntland.

Xasan Shire Abgaal oo kamid ah xubnaha u gu tunka weyn mucaaradka kasoo horjeeda Sa ciid Deni oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ay aa marka hore sheegay in arrintan ay lama fi la an ku noqotay, isla-markaana ay soo baxday xilli ay isimadu wadeen dhex-dhexaadin, wuxu una tilmaamay in jawaab laga sugayo odayaa sha dhaqanka ee Puntland

"Isimada howsha galay qodobka koowaad war baa laga sugayaa” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri siyaasiga Xasan Shire Abagaal.

Siyaasigan ayaa sidoo jale wax lagu qoslo ku tilmaamay go’aanka Shalay kasoo baxay go laha wakiilada Puntland oo u codeeyay wax ka beddalka dastuurka maamulkaasi.

"Qodobka labaad waxa Shalay dhacay waa wax lagu qoslo, waa wax dadka caqliga u saa xibka ah ay u arkaan marka Saciid iyo damac iisa laga reebo waa wax aysan suurtagal ah eyn, sidaa ogtihiin Shalay waxay dhaheen tod obo qodob ayaan furnay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Sha lay xildhibaanada lacag loogu qaybiyay golaha dhexdiisa, uuna waxba kama jiraan yahay go’ aankooda, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxyaalaha kale ee ugubka ah waxaa kamid ah in baarlamaanka dhexdiisa lacag lagu bixiyo oo xildhibaanada Shalay golaha dhexdiisa lac ag loogu qaybiyo kadibna ay warqaddan gacan u taagaan waxa Shalay ay sameeyeen golah aan waa waxba kama jiraan weeye” ayuu mar kale ku yiri shirkiisa jaraa’id Xasan Shire Abg aal.

Waxaa kale oo uu raaciyay "Dastuurku waa heshiis bulsho team waqtigoodu dham maaday sida ay iyagu doonaan uma maa mulan karaan, Ummadduna ma daawan karto”.

Xaaladda Puntland ayaa u muuqata mid far aha kasii baxaysa, waxaana dhowaan dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo kuwa mu caaradka uu ka dhacay maga alada Garoowe.

Xubno isugu jira Soomaali iyo ajaaniib oo lagu dilay howlgallo ka dhacay…

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in Shalay howlgallo kala duwan oo khasaarooyin lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas oo hoostaga Koonfur Gabeed.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay galbee dka Waajid ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan Ajaa niib, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in how lgalkaas lagu dilay ugu yaraan 25 xubnood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaaniib, kuwaas oo is ku uruursanayay halkaasi. "Ciidanka Xiogga dalka ayaa 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay deegaanno dhaca galbeed ka degmada Waajid ee gobolka Bakool halka tiro intaasi ka bandanna lagu dhaawacay, xilli ay malleeshiyadu isku diyaarinaysay dhagarta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (Sonna).

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degm ada Waajid, Maxamed Macallin Yuusuf oo ka warbixiyay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha la dilay 5 kamid ah ay ahaayeen Ajaaniib halka 20 kale kalena ay ahaayeen Soo maali, ayna ku jiraan saraakiil sar sare.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubno kale oo dhaawacyo ay goobta kasoo qaadeen, ka dib markii ay ka carareen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradha degmad Xud ur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo xoogaga weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen weera rka uga yimid kooxda Al-Shabaab, isla-mark aana ay haatan degan tahay xaaladda degm ada.

Waxaa kale oo ay intaasi raaciyay inay dag aalka ku dileen ugu yaraan illaa 12 ka tirsanaa xubnaha weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay hub ka furteen.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka.

GOLAHA SHACABKA OO BAYAAN XASA ASI KASOO SAARAY QARAXII KUL LIY ADDA JAALLE SIYAAD

Guddiga difaaca golaha shacabka ee baarl amaanka federaalka Soomaaliya ayaa Shalay kulan deg deg ah ka yeeshay qaraxii is-miida aminta ahaa ee Shalay lagu laayey askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Qaraxaas oo Shalay ka dhacay kuliyadda tababarrada ciidamada ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa fuliyey dhagarqabe naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa, wuxuuna gala aftay oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 100 askari.

Guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa kulankii ay ka yeesheen qaxaas waxay ka soo saareen war-saxaafadeed, waxa yna farriin u direen shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas ayaa shir guddoom iyey kul anka, waxayna xubnaha guddigaan ugu horeyn ka tacsiyeeyeen dhagartii loo geystay ciidankii qaranka ee xaruntaas dhiboowa loo keenay, balse lagu qarxiyey.

Xoghaya guddiga difaaca Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa warbaahinta u akhriyey bayaankii uu guddigaasi ka soo saaray qaraxii Shalay ka dhacay kuliyadda ciidanka ee Jaalle Siyaad. "Waxaa dhiirigelineynaa oo garab-taa ganahay geesiyaasha ciidanka xoogga dalka ee ku howlan difaacidda qaranka Soomaaliy eed,” ayaa lagu yiri bayaanka guddigaan. Sidoo kale guddiga ayaa shacabka Soo ma aliyeed cod dheer ugu sheegay in Shabaab yih iin khatarta ugu daran ee hortaagan rajada dow ladnimada dalkaan.

" Khawaarijtu waa caqabadda ugu weyn ee dalkeena soo food-saartay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, sidaas darteed waxaan bulshada kula dardaarmeynaa inay is garab taagaan ciidanke enna oo ugu hiiliyaan goob kasta oo ay ku arka an, gaar ahaan fulimaha ay ku sii baacsanay aan haraadiga Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bay aankii ka soo baxay guddiga difaaca ee golaha shacabka.

PROF. YAHYA AMIR: MAASUQ IYO MUSUQ ILAA XADKEE?

1.Markii Xildhibaanada iyo Hantidhowrku ay bilaabeen in la baaro Diiwaanadda Dowladda si loola dagaalamo Musuqa. (F.S:1aas)

2.Wasiiradii iyo Madaxdii kale waxa ay bila ab een Shirar gaar gaar ah oo Alba abadu u xir an yihiin. ( F.S: 2aad)

3.Laakin Weli Baaritaanka looma dhamo, Xafiisyada Qaar, waa hal il ku fiiri . (F.S: 3aad)

4.Kuwa wax baaraayo, Maamulada Gobala dda iyo kuwii kale ee iyaga ahaa, ha lagu daro

Baaritaanka, Saf mar halaga dhigo.              Waa iga Talo. (F.S:4aad) Adiga maxey kula tahay? Qore: Yahya Amir .

Dhul-gariir ka dhacay Gobol ka tirsan dalka Turkiga

Dhul-gariir Halbeegiisu ahaa 5.5 Richter Scale ayaa waxa uu Shalayto oo Talaado ah ka dhacay Waqooyiga Bari ee dalkaasi. Xarunta La-socodka Dhul-garii rka Europe ee The Eur opean Mediterra nean Seismological Centre (EMSC) ayaa soo tebi say inuu Dhul-gariir ka dhacay Gobalka Adana ee dalkaasi. Aroornim adii Shalayto, abaarihii 08:44:49 ee xilliga dalka Türkiye ayaa waxa uu Dhul-gariirku ka dhacay deegaan 20 KM dha nka Waqooyi kaga toosan magaalladda Kozan ee dalkaasi.

Sidoo kale, Hay’adda Turkiye ugu qaabils an Gurmadka iyo Maaraynta Masiibooyi nka (AFAD) ayaa xaqiijisay inuu Dhul-gariir Halbee giisu ahaa 5.5 Richter Scale ka dhacay dalk aasi. Lama soo tebinin wax khasaaro Nafe Zed , inkastoo ay Goobjoogayaal sheege en inay jiraan Dhismooyin ku burburayDhul-ruxankaasi.

Jubbaland oo u muuqato mid hadda xas ilineysa xiisadda Gobolka Gedo

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubb al and, Maxamuud Sayid Aadan oo tan iyo 18-kii bishan ku sugan Gobolka Gedo ayaa dadaal ugu jira, sidii uu soo geba-gabeen lahaa khila afka dh owrka sano ka dhex taagan Hoggaanka Jubbaland iyo

siyaasiyiinta gobolkaasi.

Khilaafka labada dhinac ayaa cirka isku shar eeray, ka dib doorashadii 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 ka dha cday Magaalada Kis maa yo, mar kalena lagu soo doortay Madax weynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Inkastoo Maxamuud Sayid Aadan uu ka mid yahay siyaasiyiinta gobolka ee taageersan Ho ggaamiyaha Jubbaland ayaa waxaa haddana muuqatay in ay ka saameyn badnaayeen gara bka kale ee sida weyn uga horyimid dib u door ashadiisii, waana garabka mucaaradka oo tan iyo xilligaa diidanaa sifaha uu Madaxweynuhu ku joogo xafiiska.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabd ull aahi Farmaajo oo sidoo kale qaadacday door ashadaasi ayaa Gobolka Gedo ka dhigtay mid ka soocon Jubbaland inteeda kale, ka dib mar kii ay bedeshay maamulkii gobolkaasi iyo Gudo omiyeyaashii Degmoo yinka ee loo arkayay in ay taabacsan yihiin Madaxtooyada Jubbal and, iyadoona ku soo bedeshay kuwo taagee rsan siyaasaddii xil ligaasi ee Villa Somalia. Dowl addii Madaxw eyne Farmaajo ayaa sidoo kale gobolkaasi u daabushay dhowr kun oo askari.

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxi geenka 1aad ee Jubbaland ayaa hadda doo na ya in uu soo afjaro khilaafka muddada afarta sa no ah ka dhex jira labada dhinac, isagoona go bolka ka wado dadaalo ay tahay in khilaaf kaasi lagaga gudbo.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ay aa maalmahaanba gobolka ka waday kul amo uu la lahaa Odayaasha Dhaqanka, wa xgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaan ka, si xiriirka labada dhinac loogu soo celiyo mid caadiya.

Madaxweyne Kuxigeenka oo Axaddii oo ugu dambeysay Degmada Doolow kula kulmay qay baha bulshada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ka dhawaajiyay muhiima dda ay leedahay xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee hareey ay go bolkaasi.

Dhanka kale Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheeg aya in mu dd ooyinkii ugu dambeysay ay si dahsoon ugu lug lahayd siyaasadda gob olka, isla-markaana ay kala furfureyso siyaasiyiinta mucaaaradka, si mustaqbalka dhow loo helo Jubbaland mi deysan.

Khilaafka siyaasadeed ee 4-tii sano ee ugu dambeysay ka taagnaa gobolkaasi ayaa dib u dhac ku keenay mashaariicdii horumarineed ee gobolka ka jiray.Wasiirka Wasaaradda Tam arta & Khayraad ka Biyaha Jubbaland, Axmed Xuseen Baraki (Zubeyr) oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka ee ku sugan gob olkaasi ayaa Ax addii Doolow ka sheegay in gobolka ay dib uga bilaabayaan mashaariicdii horumarinta, isago ona tilmaamay in muddada ay hadda ku sugan yihiin gobolkaasi ay Deg mooyinka Beled Xaa wo, Baardheere iyo deeg aano kale ka bilowd een mashaariic kala du wan oo horumarineed.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxtooyada Jubb aland ayaad mooddaa in hadda ay si rasmi ah dib ugula wareegeyso masuuliyadda maamul ada ee degmooyinka gobolkaasi

.Xigasho:-Dhacdo.Com

Saraakiil sare oo loo xiray weerarkii Kulliyad da xilli su’aalo ay hareeyeen NISA

Saraakiil sare ayaa loo xiray weerarkii dhim ashada badnaa ee Shalay lagu qaaday xerada ciidamada Kulliyad da Jaalle Siyaad ee magaal ada Muqdisho, kaasi oo askar badan lagu laayey.

Weerarka oo ahaa qa rax is-miidaamin ah ay aa wax aa fuliyey qof isku soo dhe xdaray ciid anka, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 ask ari, ayada oo in ka badan 70 kale ay ku dhaa wacmeen.

Qaar ka mid ah askarta dhaa waca ntay ayaa xaaladdoodu liid ataa, waxaana la ga cabsi qab aa in dhimashada ay sii kororto.

Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in la xiray ugu yaraan saddex sarkaal oo uu ku jiro gaashaanle sare, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay gacan ka gaysteen qaraxa.

Waxaa sidoo kale jira suurta-galnimada ah in saraakiil kale la xiro, ayada oo dowladdu isku dayeyso inay jawaab u hesho wixii dhacay.

Baarayaasha ayaa si gaar ah u xiiseynaya inay ogaadaan cidda ka caawisay ninka is-qar xiyey inuu soo galo gudaha saldhigga weliba isaga oo walxo qarxo wata.

Dhinaca kale, saraakiisha dowladda ayaa walaac ka muujiyey weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab ay la beegsane yso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, kuwaas oo sanadkii tegay aad u kordhay.

Waxaa hadda su’aalo la iska weydiinaya gu ul-darrooyinka hay’adda sirdoonka NISA, ee ah ina y hesho kana hortagto xogta wee rarada, ay ada oo bilihii dhowaa aanay hay’ addu ku guu leysan inay ka hortagto weer arada Al-Sha ba ab ay kusoo qaado xaru maha ciidanka.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa she egaya inaysan wax gacan ah oo muuqata ka helin hay’adda sirdoonka, oo ay isku halleey aan inay la wadaagto xogta weerarada.

Waxay ugu baaqeen xildhibaanada golaha shaca bka in hoggaanka hay’adda looga yeero xarunta baarlamanka, si su’aalo looga weydiiyo guul-darrooyinkan sirdoon ee horseeday geer ida boqolaal ciidan.

Xisbiga Waddani oo eedo cul-culus u jeedi yay xukuumada Somaliland

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Kha dar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in talo xum ada xukuumada Somaliland ay sabab u tahay colaada Laasca anood iyo in dadka qaar hub qaataan oo jabhado noqd aan.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu maroorsaday taladii "Marka uu qof qudha ahi doono in uu dalka u maamulo sida uu isagu do ono, waxa xaqiiqo ah in la raacayo jidkii bur burka iyo jabka".

Waxa uu ku eedeeyay mad axweynaha iyo xukuumadiisa in ay sabab u ahaayeen dagaal ka ka dhacay Laascaanood, iyo ay soo baxdo jabhad dha waan sheegtay in ay galeen buurta Gacan Lib aax.

"6 sanno oo aan la noolayn talo xumo wa xay inoo dhashay dagaalka Laascaa nood ee caruurteeni ku qaxday ee ku darx umoonayaan ee dadkeenii ku dhimanayo, ee sumcadeenii ku baabaday ee rajadii aan aqoonsi ka qabnay ay ku hagaastay" ayuu yidhi Khadar.

"Waxay inoo dhashay in aad aragto dad is urursanaya oo leh jabhad ayaanu nahay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Khadar.

Waxa uu ugu danbayn, shacabka ugu baaq ay in ay ka fogaadaan waxkasta oo nabad gal yada waxyeelaya, dulqaataan, wadajirkoodana ilaaliyaan.

Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkii dhawaan ka kacay suuqii Jigjiga oo la shaaciyay

Gudiga loo xilsaaray inay soo qiimeeyaan ar rimaha suuqii gubtay ee magaalada Jigjiga ay aa muddo kaddib waxay shaaciyeen hantida dhabta ah ee ku basbeeshay suuqan, iyagoo sheegay in hanti qiimaheedu gaadhayso 1 Bily an iyo 536 Milyan oo Birr ay ku gubatay suuqii waynaa ee ganacsiga ee magaalada Jigjiga.

Dhinaca kale Gudigu wa xay sheegeen inay ga cantooda ay kusoo xaro otey lacag gaaraysa 102 Milyan oo Birr oo ah lac agihii ay hadda ka hor ku yabooheen qaar ka mid ah Bangiyada, Xawaalad aha, Shirkadaha adee gga lacagaha yaryar iyo waliba qaar kamid ah dad ka muxsiniinta ah ee ku dhaqan gudaha dowlad degaanka Soomaalida.

Dadkii ka ganacsan jiray suuqan ayaan wali helin goob kale oo ay ganacsigoodii kusii wat aan, iyadoo dadkan ay ku jireen kuwo tan iyo maalintii uu suuqu gubtay aan helin wax ay qoy saskooda ku biilaan, waxayna dadkani dowl ad da ka codsadeen in la gacan qabto isla mar kaana loo sameeyo goob kale oo ay kusii wa taan ganacsigooda ilaa inta looga dhisayo meel rasmi ah oo ay ku ganacsadaan.

"Waxaan rabnaa in dowladdu si degdeg ah noogu dhisto goob aanu ku ganacsano ama an agaa meel kumeel gaar ah dhisanayna ee dowl addu waa inay howshaa nagu gacan siiso ", waa hadallada ugu dambeeya ee ay leeyihiin qaar kamid ah ganacsatadii hantidoodu ku gubatay suuqii Taywaanka ee magaalada Jigj iga. Bilowgii bishan aynu ku jirno ee Luulyo ay ay ahayd markii uu dab wayn ka kacay suuqii waynaa ee ganacsiga ee magaalada Jigjiga ka as oo gabi ahaanba basbeelay, waxaana tan iyo maalintaa jiray kulamo kala duwan oo maa linle ah oo gudiyada ganacsatadani iyo marar ka qaarna xubno dowladda ah yeelanayeen,kuwaas oon wali natiijo rasmi ah laga gaarin.

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Ghana Oo Loo Xirey Kadib Markii Gurigeeda Laga Xaday Lacag

Wasiir ka tirsan dawladda Ghana Cecilia Ab ena Dapaah ayaa laga yaabaa in ay u mal ay say in ay samaynayso wax sax ah in ay u tag to booliiska si ay ugu wargeliso tuuganimo guri ge eda ka dhacay, balse iyada ayaa boolisku xa bsiga dhigeen.

Sida ku cad xaashi dacwad maxkamadeed ee la xiriirta dadka lagu soo eedeeyay xato oyada, Cecilia Abena Dapaah waxaa la xaday lacag aad u badan.

Waxay qeexaysaa "lacag caddaan ah” oo dhan $1m (£780,000), iyo sidoo kale 300,000 yuuro ($333,000) oo lagu daray alaab kale oo khaas ah oo ay ku jiraan boorso gacmeed lagu qiimeeyay $35,000 iyo $95,000 oo dahab ah.

Waxay qeexaysaa "lacag caddaan ah” oo dhan $1m (£780,000), iyo sidoo kale 300,000 yuuro ($333,000) oo lagu daray alaab kale oo khaas ah oo ay ku jiraan boorso gacmeed lagu qiimeeyay $35,000 iyo $95,000 oo dahab ah.

68-jirkan ayaa ku muransan tirooyinka lagu sheegay dukumeenti maxkamadda balse daah-furka ayaa ka careysiiyay dad badan oo Ghana ah.

Qiimaha Lacagaha dalka ayaa bilihii u dam beeyay si xawli ah usii dhacayay, iyadoo dadka u xilsaaran dhaqaalaha dalka ka jira ay ku eedeynayaan dadka wax ku shuba dollarka ah ee dhibaatada ku haya sarifka lacagaha qal aad.

Waxay dad badan ku noqotay wax laga naxo in wasiir dawladeed lafteedu gacanta ku hayso lacag qalaad. Marwo Dapaah ayaa iska casishay xilka wasiirnimo ee nadaafadda iyo kheyraadka biyaha, xilkaas oo ay haysay shantii sano ee u dambeysay Sabtidii, si aysan uga mashquulin shaqada dowladda.

Waxay intaas ku dartay inay hubto in baari taan kasta uu muujinayo inay u dhaqantay si daacad ah. balse xabsiga ayaa la dhigey.

Xafiiska dacwad oogaha gaarka ah, oo ka shaqeeya eedeymaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah saraakiisha sarsare, ayaa ku dha waaqay in ay xireen oo ay su’aalo weydiinay aan Ms Dappah "lagu tuhmayo musuqmaasuq iyo dambiyo la xiriira musuqmaasuq oo la xiriira lacag badan iyo waxyaabo kale oo qiimo leh oo la sheegay in laga xaday hoygeeda”.

Waxaa dammaanad lagu sii daayay goor da mbe oo fiidnimadii Isniinta ka dib markii la baa ray guryaha rasmiga ah iyo guryaha gaarka ah ee ay ku leedahay caasimadda Accra.

Sheekadu waxay ku bilaabantay tuugo – amaba dhici karto dhawr tuugo – oo ka dhacay guriga gaarka ah ee wasiirka, kaas oo ay la wadaagto ninkeeda iyo gaba dheeda.

Labo dumar ah oo qoyska u ahaa shaqaale guri, ayaa xudunta u ah eedey maha. Mid ka mid ah ayaa lagu eedeeyay in uu ku howlanaa baaritaan, halka midka kalena la sheegay in uu xaday lacagta iyo al aabo kale. Iyaga – iyo sidoo kale saddexda kale ee eedaysane – kama aysan hadlin eedeymaha.

Xaqiiqooyinka kooban ee baaritaanka, oo ku lifaaqan warqadda dacwadda, ayaa sheegaya in bishii Oktoobar ee la soo dhaafay seygeeda Ms Dapaah, Daniel Osei Kuf four, uu ku soo laabtay guriga oo uu ka maq lay "sanqad aan caadi ahayn” qolka jiifka ka dibna uu helay mid ka mid ah eedaysanaha oo ku dhuumanaya alb aabka gadaashiisa.

Dabadeed ayay lamaanahani garteen in ay wax maqan yihiin balse todoba bilood ka dib ay ay booliiska u tageen.Ma cadda sab abta keen tay dib u dhaca intaa le’eg, balse mudadaas eedaysanayaasha ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen kharashaad xad dhaaf ah.

Mid ka mid ah ayaa la sheegay inay iibsa tay guri saddex qol ka kooban oo ku yaalla dule edka magaalada Accra iyo in ay lacag siisay saaxiibkeed si uu ugu iibsado laba baabuur – Hyundai Elantra iyo Honda Civic.

Lamaanahan ayaa sidoo kale lagu eede eyay inay kireeyeen guri kale oo saddex qol ah oo ku yaal magaalo kale iyo qol bakhaar ah.

Shaqaale kale oo hore u ahaan jiray Ms Dapaah ayaa lagu eedeeyay inay qaybte edii lacagta la xaday ku bixisay inay dhisato guri ay iyadu leedahay oo saddex qol ka kooban.

Waxay soo noqotay wasiir tan iyo markii ugu horreysay ee Madaxweyne Akufo-Addo loo doortay 2017, markii hore ee duulista iyo sa nnad ka dib waxaa loo beddelay biyaha iyo nad aafadda.

Ms Dapaah ayaa aad loo yaqiinay maa da ama ay ka mid ahayd saddex haween ah oo ka tirsan golaha wasiirada ee mada xweynaha.

Hadda mustaqbalkeeda siyaasadeed waxa uu laalaadinayaa iyada oo xeer ilaal iyaha ga arka ah uu baarayo in ay runtii lacag caddaan ah gurigeeda ku keydisay iyo halka ay ka timid.

Baarlamaanka Israa’iil oo meelmariyey sha rci si weyn u kala qaybiyey dalkaas

Baarlamaanka Israa’iil ayaa meelmariyey qa yb ka mid ah, sharci muhiim u ah dib u hab aynta garsoorka ee dalkaas, kaas oo uu si weyn dabada uga riixayey ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, hase ah aatee waxaa si we yn uga soo horjeeda sharcigaasi, kuman aan ka mida shacabka dalkaas, kuwaas oo bil ihii la soo dhaafay dhigayey debedbaxyo ball adhan. Kulanka baarlamaanka ee lagu meel ma riyey sharcigan oo Isniintii qabsoomay ayaa xildhibaanada mucaaradka ahi ay siweyn uga soo horjeesteen iyaga oo ku dhawaa qayey, "Waa idinku ceeb”, waxayna markii dambe is kaga dareereen golaha, hase ahaatee xildhiba anada muxaafidka ah oo haystay aqbaliyad ku filan ayaa ansixiyey sharcigan.

Sharcigan oo ay ogolaadeen 64 muda ne, ayaa markii ugu horraysay taariikh da Israa’iil, wuxuu dhimayaa awoodaha maxkamadaha, ga ar ahaan in maxkamadda sare ay awood u yee lan karto inay hor istaagto go’aanada ka soo baxa golaha baarlamaanka, iyo weliba in wax laga bedelo habka loo magcaabo garsooray aasha.

Urur u dhaqdhaqaaqa arrimaha madaniga oo ka dhisan Israa’iil ayaa markiiba sheegay inay dacwad ka dhan ah go’aankan u gudbin doonaan maxkamadda sare, isla markaana ay qorshaynayaan mudaharaado ballaadhan oo dalkaas ka dhaca. Ra’iisal wasaaraha Israa’iil iyo isbahaysigiisa garabka midig ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xakameeyo awoodda garsoorayaasha aan la dooran, maadaama aanu dalkaasi lahayn dastuur qoran. Hase aha atee dib u habayntan garsoorka dalkaas ayaa si weyn u kala qaybisay Israa’iil.

Mucaaradka Kenya oo sheegay inay todoba adkaan joojinayaan mudaharaadyada

Mucaaradka ugu weyn dalka Kenya ayaa sheegay in todobaadkaan ay ka nasana yaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo sare u kaca maciishada , taas bedelkeedana ay sam eyn doonaan feejignaan dadweyne oo lagu sha rfayo dadkii lagu dilay dibadba xyadii hore.

Isbaheysiga Azimio ayaa ku andacoon aya in ilaa hadda ay jiraan ugu yaraan 50 dhima sho ah, iyadoo boqollaal qof oo dhaawac ah ay isbitaallada yaalaan.

Waxa ay ku eedeeyeen booliiska in ay ku kaceen awood xad dhaaf ah iyo arxan darro ka dhan ah dadka rayidka ah, kuwaas oo qaark ood ay sheegeen in aysan ka ag dhowayn goo bihii mudaaharaadku ka socd ay markii ay wax yeelada soo gaarayeen.

Safarrada UAE, UK iyo US waxay dhaw aan u baahan doonaan inay soo codsa daan si ay u booqdaan 30 waddan oo Yurub ah

Habka Etias ee Maraykanka ayaa la soo ban dhigi doonaa sanadka soo socda

Soddon waddan oo Yurub ah ayaa dhawaan u baahan doona qaar ka mid ah dadka safarka ah si ay u helaan oggol aansho hore si ay u soo booq daan. Liisku wuxuu ka kooban yahay: Iceland. Getty

Waxaa ku shaqeeya tarjumaad toos ah

Laga bilaabo sanadka soo socda, dadka ka socda UAE, US, UK iyo Australia, iyo wadama da kale, waxay u baahan doonaan dukumeenti online ah oo horay loo ansixiyay si ay u booqdaan 30 wadan oo Yurub ah.

Etias – Nidaamka Macluumaadka Socd aal ka iyo Socdaalka Yurub – ayaa ku qasbi doona 1.4 bilyan oo qof oo ka kala socda 58 waddan oo hadda fiisaha laga dhaafo inay soo cod sadaan.

Wadamada u baahan doona ogolaansho ho re si ay u soo booqdaan waxaa ka mid ah Aus tria, Qubrus, Spain iyo Italy. Liiska oo dhan waa kan hoose

Taariikhda bilaabida Etias ee 2024 lama sha acin.

Oggolaanshaha waxa lagu xidhidhi do onaa baasaboorka socotada ah oo shaqayn doona ilaa saddex sano ama ilaa uu baas aboorku dhacayo. Markay helaan baasab oor cusub, so cdaalayaashu waxay u baah an doonaan og golaansho socdaal oo cusub oo Etias ah.

"Iyadoo la raacayo ogolaanshaha safarka ee Etias oo ansax ah, waxaad geli kartaa dhulka wadamadan Yurub inta bad an ee aad rabto joogitaan waqti gaaban ah – caadiyan ilaa 90 maalmood gudahooda 180-maalmood gudaho od,” ayaa lagu sharaxay bogga rasmiga ah ee

EU-da Etias


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip