Prof. Yaxye Caamir : Haddii aadan Noqon karin, Libaax Xaqa raaco oo Difaaco, ha noqon Eey Baadilka raaco oo difaaca.

0
Monday July 24, 2023 - 12:33:21 in Wararka by
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof. Yaxye Caamir : Haddii aadan Noqon karin, Libaax Xaqa raaco oo Difaaco, ha noqon Eey Baadilka raaco oo difaaca.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1.Haddii aadan Noqon karin, Libaax Xaqa raaco oo Difaaco, ha noqon Eey Baadilka raaco oo difaaco. (F.S: 1aad)

( Samankaan dambe, waxaa batay kuwo Eeyaha ka qeylo badan marka ay Baadilka difaacayaan, Baranbarana ka Af gaaban marka Xaqa laga hadlo…Allah ayaan ka magan galnay kuwaa)

2.Dadka Xurta ahi, waxa ay raacaan oo ay difaacaan Xaqa.

 

Kuwa Qalbiga Adoonta ka ahna waxa ay raacaan oo ka cabsadaan Kii ka xoog badan. ( F.S: 2aad)

( Samankaan dambe, waxaa nagu soo batay, kuwa Xur ah oo aan ogeyn in ay Xur yihiin, oo Qalbiga Adoon ka ah, kuwaa oo aan kala aqoon Qofka iyo Dalka Cadawga u ah… Allaah ayaan ka magan galnay kuwaa)

3.Walaalkaa in aad waddo u dhisto ku fikir, intii aad Baraakadiisa gubi leheyd. ( F.S:3aad)

(( Samankaan dambe, waxaa nagu soo batay:

a) kuwo intii ay koronto Lacag la’aan ah ku sii lahaayen, kugu soo deynayo Dab Guriga kaa Gubo.

b) Kuwo intii ay Tuulooyinka ay Siyaasadda ku matalaan ay Dugsiyo u dhisi lahaayeen, isku dira oo hubeeyo Dadka Beelahaa si ay Guryaha isaga gubaan.

c) Kuwo Lacagtii ummadda Xaday oo intey walba Guryo aan ka kireysano Dalka nooga dhisi lahaayeen, Guryo ka dhisto Dalal Shisheeye, kadibna Guryihii iyo Caruurtooduba ay ku Dambeeyaan Gacantii Shisheeyaha… Allaah ayaan ka magan galnay kuwaa))

4) Allihii, Quraansho ku irsaaqay Gudkaa mugdigaa dhaxdiisa.

 

Ma kula tahay in uu ku hilmaamayo, Allaah ku kalsoonaaw, oo dheh: Yaa Rabi. ( F.S: 4aad)

( Samankaan dambe, waxaan Aragnay, kuwa Quraanshada ka kalsooni yar.

 

Allaah ayaan ka magan galnay kuwaa )

5) Haddii Allaah, uu khayr kula rabo, Xatta waxa uu kuugu soo raraa Cadawgaaga Dushiisa. ( F.S:5aad)

(Samankaan dambe, waxaan aragnay, kuwo Hantidii ummadda ka dhexeeysay, Dushooda ku rarayo si ay Cadaab ugu galaan.

 

Allaah ayaan ka magan galnay kuwaa)

Adigana mexeey kula tahay?

Qore: Yahya Amir

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip