Sidee lagu doortay tirsiga 24 saac ee maalinta?

0
Tuesday July 18, 2023 - 20:34:26 in Wararka by
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee lagu doortay tirsiga 24 saac ee maalinta?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Saacad

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Xiriirka bini'aadamka iyo cabbiraadda wakhtiga waxa uu bilaabmay xitaa ka hor inta aan la qorin eraygii u horreeyay abid. Tani waa sababta ay noogu adag tahay inaan si dhab ah u baarno noocyada badan ee tirsiga waqtiga.

Maadaama qaar ka mid ah noocyada laga soo qaatay ifafaalaha xiddigiska ay u muuqdaan kuwo si fudud loo qeexi karo, waxaa la arki karaa in ay si madaxbannaan u isticmaaleen dhaqamo badan oo kala duwan oo ka jiray aduunka xilliyo kala duwan.

Waa arrin ka mid ah dhaqdhaqaaqa muuqda ee qorraxda ee ku saabsan dhulka si loo cabbiro muddada maalin ama sannad. Sida tirirnta bilaha, waxaana tan la sameeyaa iyadoo lagu salaynayo wejiyada dayaxa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira qaar ka mid ah tirsiga waqtiga oo aan si cad ula xiriirin wax kasta oo ifafaale ah, iyo laba tusaale oo kala ah toddobaadka iyo saacadda.

Ahraamtii Faraaciinta

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waqtiga iyo faraaciintii hore

Qoraallada Ahraamta Masar, oo la qoray 2400 oo sano ka hor dhalashadii nebi Ciise, ayaa ah qoraalladii ugu horreeyay ee la yaqaan ee faraaciintii Masar. Waxaa ka mid ah ereyga 'wnwt', oo loogu dhawaaqo qiyaas ahaan wenut, iyo farshaxan la xiriira xiddigaha. Erayga 'wnwt' waxuu u muuqdaa mid la xiriira habeenka.

Si aad u fahamto sababta ereyga 'wnwt' loogu turjumay 'saac', waa inaad u safartaa magaalada Asyut. Halkaas, gudaha daboolka alwaaxyada ah ee sanduuqyada afar kun oo sano ka hor, ayaa mararka qaarkood lagu qurxiyey sawirrada xiddigiska ama jihooyinka xiddigaha.

Jadwalkani wuxuu lahaa tiirar matalaya 10-maalmood ee xilliyada sanadka. Jadwalka madaniga ah ee Masar wuxuu ka koobnaa 12 bilood, mid kastaa wuxuu ka kooban yahay saddex 'toddobaad' oo 10 maalmood ah, oo ay ku xigaan xaflado shan maalmood ah.

Tiir kastaa waxa uu ka kooban yahay magacyada 12 xiddigood, samaynta 12 saf. Shaxda oo dhami waxay u taagan tahay isbeddellada cirka ee sannadka oo dhan, sida khariidadda xiddigaha casriga ah.

12-kaas xiddigood waa qaybta ugu horraysa ee habaysan ee habeenka loo qaybiyo 12 gobol oo ku meel gaar ah, oo mid kastaa uu xukumo xiddig. Si kastaba ha ahaatee, ereyga wnwt marna kuma xidhna looxyada naxashka ee xiddigaha.

Ahraamtii faraaciinta

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Tilmaamaha Cirbixiyeennada

Macbadka la yiraahdo Osirian ee Abydos waxaa ku jira macluumaad badan oo xiddigin ah oo ay ka mid yihiin tilmaamo ku saabsan sida loo sameeyo tririnta xilli qorraxeedyada iyo qoraal qeexaya dhaqdhaqaaqa xiddigaha. Waxa kale oo ay leedahay jadwal xiddigaha naxashka u eg oo ereyga wnwt si gaar ah ugu qoran yahay dhammaan 12 ka saf ee uu ka kooban yahay jadwalkaasi.

Boqortooyadii Cusbeyd ee faraaciintu waxay lahayd 12 wnwt oo habeen ah iyo 12 wnwt oo maalintii ah, labaduba waxay si cad u cabbirayeen wakhtiga.

In kasta oo maalintu ay tahay 12 saacadood, habeenkuna uu yahay 12 saacadood, haddana mar walba si gooni ah ayaa loo sheegaa, marna lama qorin lamana tilmaamin maalin 24 saac ah xilligaas.

Maalinta waxaa lagu cabiri jiray oo loo isticmaali jiray harka ay qorraxdu bixiso, halka habeenka habeenka lagu qiyaasi jiray ugu horrayn xiddigaha. Taas waxa la samayn karaa oo keliya marka qorraxdu iyo xiddiguhu kala soocanyihiin ama kala horeeyaan, waxaana jiray laba xilli oo qorrax soo baxa iyo qorrax dhaca kala ah oo aan saacado lahayn.

Midda labaad waqtiga wnwt ee boqortooyada Cusub ee faraaciintu iyo waqtiyadeena casriga ahi way ku kala duwan yihiin dherer ahaan. Waxaa cad in xilliyadu leeyihiin dheerarka habeenka oo kala duwan. Jiilaalka oo habeenkiisu dheerayahay, iyo xagaaga oo maalmihiisu dheeryihiin.

Si aan uga jawaabno su'aasha ah meesha uu ka yimid lambarka 12, waxaan u baahannahay inaan ogaanno sababta 12 xiddigood loo doortay 10-maalmood kasta.

Shaki la'aan, xulashadani waa bilowga dhabta ah ee waqtigan. 12 ma ahaa nambar ku haboon in la doorto? Laga yaabee, laakiin waxaa jirta xulasho kale.

Ahraamtii faraaciinta

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Xiddigaha waqtiga sheegaya

Masaaridii hore waxay u isticmaali jireen xiddigaha tusaale ahaan xiddigaha iftiimaya ka dibna waxay doorteen xiddigo kale iyagoo u eegaya isku ekaanshaha noocyada xiddigaha.

Sida ku cad qoraal ku saabsan xiddiga cirjiirka, 10kii maalmoodba xiddig cirjiirka u eg ayaa baaba'a mid kalena wuu soo baxayaa, tani waxay dhacdaa sannad dhan.

Iyadoo ku xiran xilliga sanadka, 10 ilaa 14 ka mid ah xiddigahaas ayaa la arki karaa habeen kasta. Waxaa is keenaya diiwaan gelinta 10-maalmood ee u dhexaysa labada sano ee isku xiga iyo jadwalka xiddiga naxashka eel aga helay Masar.

Qiyaastii 2000 sano ka hor dhalashadii nabi Ciise waxay tani ahayd mid aad loo isticmaalo waxaana la sameeyay jadwal ka kooban 12 saf, taasoo keentay in miiska naxashka lagu qoro, kaasoo aan ku arki karno madxafyada Masar iyo meelo kale.

Sidaa darteed, waxaa suurtogal ah in doorashada 12 oo ah tirada saacadaha habeenkii iyo doorashada 24 oo ah tirada guud ee saacadaha laga bilaabo duhurnimada ilaa galabnimada xigta waxay ku xiran tahay in usbuuca toban maalmood laga dhigo.

Sidaa darteed, waqtigeena casriga ah wuxuu ku bilaabmay go'aamo is-dhexgal ah oo la qaatay in ka badan 4000 oo sano ka hor.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip