Waa kuma ninka Messi u eg ee magaca cayaartoyga ku khiyaamay haween badan?

0
Tuesday July 11, 2023 - 21:47:35 in Wararka by
  • Visits: 1518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma ninka Messi u eg ee magaca cayaartoyga ku khiyaamay haween badan?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGESWaxaa jirta aaminaad hore oo soo jeedinaysa in qof kasta oo adduunka ku nool uu leeyahay toddobo qof oo u eg.

Inkastoo aaminsanaanta laga yaabo inaysan sax ahayn, laakiin waxay u egtahay in Lionel Messi uu helay mid ka mid ah toddobada qof ee u eg muuqaal ahaan.

Ninkan ayaa caan ku noqday u ekeenshaha xiddigga kubadda cabta ee reer Argentine, Lionel Messi.

Reza Parastesh, ama ‘Messiga been abuurka ah’ sida baraha internet-ka looga yaqaan, waxa uu dhawaan qabsaday bogagga hore ee warbaahinta iyo baraha bulshada kaddib markii la sheegay inuu la seexday 23 haween ah oo ku qayaanay inuu yahay Messi-ga saxda ah.

Haddaba waa kuma Messi-ga been abuurka ah?

Reza Parastesh

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Reza Parastesh waa 30 jir u dhashay Iiraan, kana soo jeeda magaalada Hamedan. Waxa uu soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii dadku ay ogaadeen in uu u eg yahay xiddiggii hore ee kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa ka faa’iidaystay muuqaalkiisa cajiibka ah ee uu u ekaanshaha xidigga kubbada cagta waxana baraha bulshada ka helay taageereyaal badan. Reza Parastesh hadda waxa uu barta Instagram-ka ku leeyahay in ka badan hal milyan oo taageerayaal ah.

Caannimada Reza Parastesh ayaa bilaabatay ka dib markii aabihiis uu hadiyad ahaan u siiyay funaanadda maaliyadda ee Barcelona. Markii uu xirtay, waxaa adkaatay in lakala garto isaga iyo Messi, laacibka 36-jirka ee ku guuleystay Koobka Adduunka ee FIFA.

Sawirkaas ayaa waxa uu noqday mid aad ugu faafa baraha bulshada taas ayaana la sheegay Parastesh inay sababtay inuu noqdo 'Messi been abuur ah' waxa uu bilaabat inuu koobiyeeyayo qaab jarmada timaha madaxa iyo garka.

Mar ayaa waxaa xiray booliska dalka Iran sababo la xiriira dhibaateynta shacabka kadib markii ay dadku bilaabeen inay hareerihiisa ku soo xoomaan iyagoo u maleynaya inuu yahay Lionel Messi-ga dhabta ah. Ka dib waa la sii daayay iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin hase yeeshee waxa u helay wareyso iyo qandaraasyo dhar lagu xayeesiyo.

Maxaa ka jira edeeymaha loo haysto?

Reza Parastesh oo sawir la galaya dad shacab ah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Warbixinnadan ah in Messi-ga been abuurka ah ee Iiraan uu khiyaaneeyay 23 haween ah isagoo isticmaalaya muuqaalkiisa si uu xiriir galmo ula sameeyo ayaa soo baxay 2019-kii.

Sida laga soo xigtay maqaalkii hore ee Marca, Parastesh ayaa wuxuu been u sheegay dumarkan oo uu ku qanciyay inuu yahay Lionel Messi-ga dhabta ah. Waxa la sheegay in magacan uu u adeegsaday si uu ugu khiyaamo uguna fushado dantiisa.

Eedeyntan ayaa soo cusboonaatay dhawaan ka dib markii uu Messi u uku biiray kooxda Inter Miami ee ka tirsan horyaalka Major League Soccer (MLS). Hase yeeshee, Reza Parastesh ayaa dafiray eedeymahan markii ugu horeysay ee ay soo baxeen.

Parastesh ayaa isla markiiba soo galiyay barta Instagram si uu u beeniyo eedeymaha loo soo jeediyay oo uu u ilaashado sumcadiisa iyo kalsoonidiisa. Waxa uu ku hanjabay inuu tallaabo sharci ah ka qaadi doono waqrbaahinta eedeymaha noocaas ah ay ka soo fuleen.

Parastesh wuxuu ku nuuxnuuxsaday in haddii uu dhab ahaantii samayn lahaa ficilladaas khiyaanada ah, uu la kulmi lahaa xabsi gudaha Iran ah. Waxa uu ka hadlay sida xanta noocaas ah ay saameyn ugu yeelan karto nolosha, gaar ahaan dalalka Muslimka ah.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip