Puntland oo beddelaysa habkii lagusoo dooran jiray madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka

0
Monday June 26, 2023 - 12:22:55 in Maqaallo by
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo beddelaysa habkii lagusoo dooran jiray madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka

    Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in wax laga beddelayo habkii lagusoo dooran jiray madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa. Baarlamanka ayaa sheegay in wax laga beddelayo qodobka 56-aad ee dastuurka, oo dhigaya in madax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in wax laga beddelayo habkii lagusoo dooran jiray madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa. Baarlamanka ayaa sheegay in wax laga beddelayo qodobka 56-aad ee dastuurka, oo dhigaya in madaxweynaha ay soo doortaan baarlaamka ku yimid codka shacabka. Baarlamaanku wuxuu sheegay in qodobkan lagu beddelayo in shacabka Puntland ay iyagu soo daartaan madaxweynahooda. Sidoo kale, baarlamaanku wuxuu sheegay in la furayo qodobka 46aad ee dastuurka, si loo kordhiyo tirada xisbiyada, loona waafajiyo hannaanka doorashada ee haatan lagu wado. Waxaa kale oo baarlamaanku furayaa qodobka 7-aad ee dastuurka, si gobolka Gardafu oo laga jaray gobolka Bari loo waafiyo dastuurka. Puntland, 24 kii sano ee lasoo dhaafay, baarlamaan lagu soo xulay hab qabali ah ayaa doorta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Lama oga in isbeddelkan cusubi uu dhaqan gali karo xilligan. Si kastaba ha ahaatee, furitaanka dastuurka weli khilaaf adag ayaa ka taagan, waana sababta keentay dagaalkii Garowe dhawaan ka dhacay, kaasoo u dhaxeeyay maamulka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip