Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

0
Saturday June 24, 2023 - 13:11:18 in Wararka by
  • Visits: 1193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedka taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

    S/Guuto Ibraahim Shiikh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka CXD, waxa uu ku dhashay Muqdisho Sanadka Markuu ahaa 1960-kii. Waxbarasadiisa Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay Dugsiga hoose iyo dhexe ee Xamar Jadiid- ee Magaalada Muqdisho 1977-kii. Sanadkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

S/Guuto Ibraahim Shiikh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka CXD, waxa uu ku dhashay Muqdisho Sanadka Markuu ahaa 1960-kii. Waxbarasadiisa Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay Dugsiga hoose iyo dhexe ee Xamar Jadiid- ee Magaalada Muqdisho 1977-kii. Sanadkii 1977-kii waxa uu ku biiray Ciidanka CXDS. Sanadkii 1981-kii waxa qaatay Shaadada Dugsiga Saree ee Schoolka Wadajir Sare ee Muqdisho. Isla Sanadkii 1981, waxa uu ku biiray leyliska Saraakiisha ee ku xarooday Akaadeemiyadda CXDS ee Muqdisho, waxa uuna qaatay xidigtii ugu horeysa 1984-kii Sanadkii 1984-kiiwaxaa uu ka qalin jabiyey Akadeemiyadda Saariiksha, waxa uuna qaatay L/x/Le. Sanadkii 1986 waxaa uu Tababar dhanka Hoggaaminta ( Junior Staff College ) ku qaatay Akadeemiyadda CXDS, waxaa uuna u dalcay derajada Captain. Sanadkii 1988 waxaa uu qaatay Tababar heer sare ( Advance Course ), waxaa uuna u dalcay derajada Gaanshaanle. Sanadkii 1990-kii waxa uu u dalcay derajada G/Dhexe. Isla sanadkii 1990-kii waxa uu ka baxay Machadka Luqadaha ee CXDS. SHAQADA Bur-burkii ka hor waxa uu ka soo shaqeeyay Hoggaamada, iyo Qeybaha kala duwan ee CXD isaga oo gaaray ilaa Taliye Hoggaan. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Ciyaartooyda ciyaaraha fudud ee kooxdii Wagad. 1991- waxa uu la soo shaqeeyay Dowladdii KMG ahayd. 2003-waxaa uu la soo shaqeeyay DKMg (TNG), waxa uuna u dalcay G/Sare. 2003 ilaa 2008 waxa uu ahaa ganacsade. Isla 2008-waxuu noqday Gudoomiyihii G/benaadir ahna duqa Muqdish iyo Guddigii dhisidda Golohii deeganka Gobolka Benaadir. 2012- 2015 waxa uu ahaa madaxii habmaamuuska Madaxweynaha dalka. 2015-2017, waxa uu dalacay derajada S/guuto waxa uuna noqday Taliyihii Guutada Madaxtooyada. 2023- waxaa loo Magcaabay Taliyaha CXDS. Dhamaad




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip