Somali Dib laay!!! ( Dadkii Xumaantu ku badato, wanaagaa ayeey Ceeb u arkaan) .

0
Thursday June 22, 2023 - 15:58:44 in Wararka by
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somali Dib laay!!! ( Dadkii Xumaantu ku badato, wanaagaa ayeey Ceeb u arkaan) .

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 

Waxaa ka go’day Dabadii.

 

Koox Dawaco ah ayaa ku wada qoslay, waa naadir Dawaco aan Daba leheyn.

Diblaaydii ayaa ku tiri: Sidii Dibku iiga go’ay waxaan Dareemaa Raaxo iyo in aan hawada ku duuli karo sida shimbiraha.

Kuwii kale oo dhan ayaa Dibkii iska wada jaray.

 

Xanuun badan kadib, ma dareemin Raaxo iyo in ay duuli karaan.

 

Waxa ay Diblaaydii hore ku tiri: waxaan dareemayay in aan kaliyey Dib laay ahay oo aad igu wada qosleeyaeen Hadda isku mid ayaan nahay oo waan wada fool xunahay.

Waxaa timid Dawaco socoto oo Dibkeedii leh, waa lagu wada qoslay, waxa markaan naadir noqday Dawaco Dib leh.

Somaliya waxaa muuqato in Dad xunku ay soo badanayaan oo Dadkii fiicnaa ee dhowrsanaa ee Alla ka cabsanayay Dalkoodana jeclaa, ay Naadir Noqonayaan, laguna qoslayo.somaliduna ay u badatay Dib laay.

( Dadkii Xumaantu ku badato, wanaagaa ayeey Ceeb u arkaan) .

Qore: Yahya Amir.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip