
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 7-DA JUUN 2023-KA
R/W Xamza oo magacaabay guddi 9 xubnood ah + Ujeedka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuur iyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Shalay magacaabay guddi cusub.
Guddigan cusub ayaa waxa uu ra’iisul was aaraha u xil-saaray qaban-qaabada xuska sana d-guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda, kuwaasi oo ka kooban siddeed wasiir iyo gud
doomiyaa gobolka Banaadir.
"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudna anta ay leedahay sanad guurada 63-aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuur iyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyad da,” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday xaf iiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Guddigan cusub ayaa waxaa guddoomiye ka ah wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Sidoo kale waxaa xubno ka ah; wasiirka wa rfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Daa ’uud Aweys Jaamac, wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), was iirka maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, was iirka dhalliny arada iyo ciyaaraha Mudane Maxa med Ma xamuud Barre iyo wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Khadiija Maxam ed Diiriye.
Xubnaha guddigan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah; wasiirka shaqada iyo arri maha bul shada Md.Biixi Iimaan Cige, wasiirka xann aan ada xoolaha, dhirta iyo daaqa Md.Xasan Xus een Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Ba naadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho She ekh Yuu suf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Si kastaba, Guddigan cusub ee Shalay uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ay aa ka shaqeyn doona qaban-qaabada xus ka maalmaha xoriyadda oo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaaliyeed iyo midni madooda.
Shirka Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowl ad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay
Shirka wasiirada maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobol ka Banaadir, ayaa Shalay ka furmay magaa lada Muqdisho.
Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha hannaanka Maaliyadda dalka, dakh liga gudaha, arrimaha Deyn Cafinta iyo qeybs iga deeqaha maaliyadeed ee Soomaaliya caal amku siiyo. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr.Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in shir kaan xoogga lagu saari doonaa arrim aha han naanka Maaliyadda dalka, arri maha Mideynta canshuuraha iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa hay'addaha Maaliyadda heer feder aal iyo heer Dowlad Goboleed.
Shirkaan ayaa inta uu socdo sidoo kale loo ga hadli doonaa mashaariicda horumari need ee Bangkiga adduunka iyo hay'adaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.
Puntland ayaa shirkaan ka maqan, iyadoo uu khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda federalka, taasoo saamayn ku yeelatay wadashaqayntii hay’adaha dowliga ee dowladda federaalka iyo kuwa Puntland.
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Shalay xukun adag ku riday 36 nin oo ajaaniib ah
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Shalay xukun adag ku riday 36 eedeysane oo ajaaniib ah oo maalmahii lasoo dhaafay Max kamadu ay ku mashquulsaneed dhage ysiga dacwada loo
heysto oo ah iney si sharci daro ah uga kaluu meysteen xeeb aha Soomaaliya.
Ragaan ajaaniinta ah ee Shalay xukunka la gu riday ayaa u kala dhashay dalalka Iiraan iyo Pakistaan, waxaana laga soo qabtay xeebta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, iyagoo watay doomo ay kaga kaluumeysanayeen xee baha Sooma aliya.
Maxkamada gobolka oo sadax jeer u fadhiis atay dhageysiga dacwada ragaan ajaaniibta ah ayaa ugu dambeyn Shalay ku xukuntay ragaan midkiiba inuu bixiyo lacag gaareysa 11 kun oo dolar oo ganaax ah iyo 30 kun oo dolar oo ah magdhawga Kaluunkii ay ka qaateen xeebaha Soomaa liya oo ay geeyeen dalka Cumaan 29-11 2022-kii, sida ay Maxkamadau sheegtay.
Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaad ir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in dow ladda Soomaaliya ay la wareegtay laba doomo od iyo qalabkooda Kaluumeysi oo ay wateen ragaan ajaaniib ta ah.
"Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u fur an racfaan ku siman inta sharciga uu tilmaam ay. xukunkan waa la gaaray Shalay oo ay taar iikhdu tahay 06-06-2023-ka, wa billaahi towfiiq" ayuu yiri guddoomiy aha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale xusay guddoomiye Saa lax in xukunsanayaasha ay haystaan fursad ka le oo ay racfaan kaga qaadan kar aan hadii ay san ku qanacsanen xukunka Maxkamadda.
Si kastaba ha ahaatee ragaan ajaani ibta ah ee xukunka ku dhacay ayaan la ogeyn sida ay ugu fududaan doonto bixinta lacagtaasi lagu xukumay, waxayna sidoo kaleMaxkamadda gobolka uga digtay aja aniibta kale ee badda Soomaaliya sida sharci darrada uga kaluume eysta in ciqaab adag la kulmi doonaan.
Aqoon is-weydaarsi ku saabsan dembi baris ta oo ka furmay Muqdisho
Hantidhawraha Guud ee Qaranka, Abuuka ate Axmed Ciise Guutaale ayaa Muqdisho ka fu ray kulan aqoon-iswaydaarsi muddo toddobaad ah socon doona.
Kulanka ayaa ku saabsan baarista foreensik ada (forensic audits,) kaasi oo ay marti ku yihiin khubaro ka socota Xafiiska Hantidhawrka Guud ee dalka Uganda.
Aqoon-iswaydaarsiga ayaa waxaa la isku dhaafsan doonaa xog muhiim ah oo ku aaddan hannaanka la isku waafaqsan yahay ee sama ynta baarista foreensikada, habka caddaymaha iyo ka warbixinta natiijooyinka.
Maxay yihiin ciidanka ka yimid Talyaan iga ee Shalay soo gaaray MUQDISHO?
Magaalada Muqdisho ee caasimada So oma aliya waxaa Shalay soo gaaray cut ubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Soom aaliya, kuwa as oo tababar kusoo qaatay dalka Talyaaniga oo kamida dalalka waa weyn ee taageero dowladda dhexe.
Ciidamadan ayaa waxaa gudaha gar oonka ku soo dhoweeyay Taliye ku xigeen ka Boolis ka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cismaan Max amed Cabdullaahi (Kan2aadiif), safiirka Talyaaniga u joogo Muqdisho iyo saraakiil kale oo ugu tegay garoonka diya aradaha ee Aadan Cadde.
Taliye Kaniif oo ka hadlay munaasab adda soo dhoweynta ayaa khudbad dardaa ran ah u jeediyay askartan ay dowladda Soomaaliya usoo tababaray Talyaaniga.
"Waxaan idinku amaanayaa dhabar ade egga, aqlaaqda iyo kartida aad ka muuji seen inta aad tababarka ku jirteen oo dalka aad ka maqneedeen” ayuu yiri taliye Kaniif.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay ka qay b-qaadan doonaan howlaha shaqo ee Booliska Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay si hufa ugu adeegaan dadko oda.
"Waxaad keenteen wanaag iyo sharaf aad kusoo siyaadiseen ciidanka Booliska iyo sharaf aad ugu adeegi doontaan dadkii na” ayuu sii ra aciyay.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soo maaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah u gu mahadceliyay dowladda Talya aniga oo isku xil-saartay tababarka ciidam adan cusub oo ku biiraya Booliska Sooma aliyeed oo haatan howl gallo ka wada gudaha magaalada Muqdisho.
"Ugu dambeyn waxaan u ma hadc elinayaa dowladda Talyaaniga, safiirka iyo macallimiintii idin soo tababartay dhamm aantood, guul aya an idin rajeynayaa,'” ayuu mar kale yiri.
Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka reer Yur ub ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaa liya, wuxuuna taageero kala duw an siiyaa dowl adda federaalka.Si kastaba, ciidamadan cusub ee tababarka ku soo qaaday Talyaaniga ayaa ku soo aaday, xilli loo baahnaa, isla-markaana uu dalka ka so cdo qorshe lagu sugayo amniga
Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS oo la kulmay taliyaha ciidanka Militariga Sucuudiga
Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS Md. Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dal ka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidanka xoogga dalkaas Je neral Fayad Al-ruwaili oo wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey dalkaas.
Labada dhinac ayaa ka wa da hadalay iskaa shiga amni ee labada dal iyo la dagaal ankaar gagixisada in Sucuu digu uu ku caawiyo Soom aaliya.
"waxaan ka wadahadalnay sidii loo xoojin la haa iskaashiga ciidamada labadeena dal iyo si dii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka arg agixisada caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Jaa mac”.
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasa are geystay oo ka dhacay Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qar ax khasaare geystay oo Habeen hore ka dhacay guri ku yaala Xaafada Shiir ko le degmada Hodan ee magaalada Mu q disho. Qaraxa oo Jugtiisa laga maqlay deg mooyin ka tirsan Muqdisho ayaa la sheegay inuu ka dha cay guri uu ka da gan yahay xaafada Shiir kole taliyihii hore ee sal dhigga Booliiska degmada Hodan Cabdifitaax Qoslaaye.
Qaraxa oo la tilmaam ay inuu ahaa miino la gu dhajiyay qeyb ka mid ah guriga ayaa sabab ay dhimashada 4 ruux oo ka mid aha ilaalada tal iyaha, islamarkaana tiro kale ay ku dhaa wacmeen.
Masuulka qaraxa lagu xiray gurigiisa oo dha waan laga qaaday xilka taliyaha Bool iiska Sa ldhiga degmada Hodan Cabdifa taax Qosala aye ayaa weerarka qaraxa ah ka badbaaday.
Weerarkan qaraxa ah ayaa kusoo beegma ya, iyadoo mudooyinkii dambe am aanka mag aalada caasimadda ah ee Muqd isho uu ahaa mid soo hagaagayay.
Wabiga Shabelle oo markale Fatahaad cusub ka sameeyay magaalada Baledweyne
Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha ma gaalada Baledweyne ee xarunta gob olka Hii raan ayaa Habeen hore markale fatahaad ka sam eeyay xaafadaha Howlwa daag iyo Kooshin.
Fatahaadaan cusub ay aa imaaneysa, iyadoo dhawaan xaafadaha Bale dweyne ay in tooda badan ka baxeen bi yahii ku fatahay bishii la soo dhaafay sagaalkeedii guud ahaan xaafadaha Magaalada Baled weyne.
Waxaa sidoo kale fatahaadan ay ima aney sa, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ka barakacay guryahadooda maalmo kooban ka hor ay dib ugu laabteen xaafadahaan uu Habeen hore markale ku fatahay wabiga Shab eelle. Inkastoo biyaha cusub ee uu haatan wado wabiga shabeelle aysan xajmi ahaan dhameyn biyahii hore, hadana waxaa walaac xoogan ka qaba biyahaan soo rog aal celiyay markii laba ad dadka ku dhaqan magaalada Baledw eyne. Magaalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi ee G/Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha uu sida dar an fatahaada uga geystay wabiga Shabeelle. Puntland oo war cusub kasoo saartay doo rashada Garoowe iyo laba degmo oo kale
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Punt land oo ka hadlay doorashada Garoowe iyo la ba degmo oo kale oo hore u hakiyeen, ayaa wa xay rejo wanaagsan ka muujiyeen in xal laga gaaro khilaafka siya asadeed iyo amni ee saameynta ku yeeshay sadd exdaasi degmo.
Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee door ashooyinka Puntland oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xal ka gaarista doorashada golaha deegaanka ee sadd exda degmo ay ku howlan yihiin wasaar adda arrimaha gudaha iyo odaya asha dhaqanka.
Waxa uu xusay in wada-hadalka arrint aan la xiriira uu meel fiican marayo, isla markaana maalmaha soo aadan lagu wado in la shaaciyo jadwalka qabsooomidda doo rashada sadde xdaasi degmo.
"Sidaad la socotid waa innagii hakinnay sad dexda degmo sababo farsamo iyo amni oo mar kaas jiray welina waxaan war ka sugeynaa hay’ adaha dowladda ee ay arrimahaas quseyso iyo bahda dhaqanka meel wanaagsan ayayna mar eysaa, marka ay soo dhammaato ayaanu sha acin doona xilliga ay deegaannadaas doorasha da ka qabsoomeyso,” ayuu guddoomiye Cabdi risaaq Axmed Saciid.
Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in had da aysan jirin caqabad weyn oo hort aan doora shada saddexda degmo, hase yeeshe fursad siinayaan in xal siyaas adeed laga gaaro qabso omideeda.
"Wax hadda taagaan oo caqabad weyn ah ma jiraan, annaga guddi ahaan wax had da taa gan oo aanu ognahay ma jiraan, laakiin maad daama ay markii hore u hak atay sababo mar kaa jiray oo siyaasadeed ama amni marka in sa babihii qaab xal ah looga saaro unbaa lagu mashquulsanaa.”
"Annaguna maaddaama aan fursad siiney nay intii ku hawlanayd arrimahaas xalliso weli na fursaddii baanu weli siine ynaa oo warbaan ka sugeynay laakiin wax dhibaato ah oo hadda taagtaagan ma ogi,” ayuu yiri guddoomiye Ca bdirisaaq oo la hadlay BBC.
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntl and ayaa 24-kii May ku dhawaaqay in xaalad amni oo soo korodhay darteed loo hakiyay door ashada degmada Garoowe, ee qorshuhu ahaa inay ka qabsoomto doorashadii dhacday 25-kii bishii hore.
Sidoo kale waxa uu xilligaas guddiga hakiy ay doorashada dowladaha Hoose ee degmooy inka Dangorayo iyo Godobjiraan, kadib markii uu qiimeyn ku sameeyay xaalka guud ee shaqa da doorashada. Guddiga ayaa waxa uu markaas qiray muh iimada ay leedahay deganaanshaha iyo in wa da-hadal lagu xaliyo waxkasta lagu kala duwan yahay oo la xiriira doora shada dowladdaha Hoose ee saddexdaasi degmo.
Arrimahan ayaa imanaya xilli ay socdaan wada-hadallo la xirira arrintan, ayada oo weli cii damadii hor taagnaa doo rashada ay ku sugan yihiin duleedka mag aalada Garoowe, kuwaasi oo ka biyo dii dan go’aan dhawaan kasoo bax ay guddi arrimahaan loo xil-saaray, oo go’aa miyay inay fariisimahooda ku laabtan ciida madu.
Taliye Odawaa oo ka qaybgalay sanad guurada 46-aad ee militariga Jabuuti
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soom aaliya sarreeye gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Shalay ka qayb galay xuska sanad guuradii 46-aad ee ka soo wareeg tay maalinkii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka Jabuuti, iyadoo munaasabadaas ay ka qaybgaleen Ra’iisal wa saaraha dalkaas Cabd ulqaadir Kaamil iyo ma dax kale.
Taliyaha ciidanka xo ogga dalka Sooma aliya sarreeye gaas Oda waa Yuusuf Raage ayaa dhambaal hamba lyo ah la wadaagay taliska ciidanka xoogga dalka Jabuuti iyo shacabka dalka aan walaala ha na hay.
Waxa uu uga mahadceliyey doorka lama ilaawaanka ah ee ay Jabuuti ka qaa datay dib u dhiska dowladnimada Sooma aliya iyo kaalinta lixaadka leh ee ay ka qaadatay la dagaalanka argagixisada.
Madaxa ATMIS, Safiirka Uganda Iyo Saraak iil Ciidan Oo Booqatay Dhaawacy ada Aska rtii Buula-Mareer
Wakiilka Gaarka ah ee Golaha Midowga Afr ika ahna Madaxa Hawlgalka Ku-meelga arka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef ayAa ku boo qday isbitaalka heerka labaad ee ATMIS ciida madii dhowaan ku dhaawacmay
weerarkii Shabaab magaalada Buulo Mare er ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Danjire Mohamed El-Amine Souef waxaa wehelinayay Ku-simaha Safiirka Uganda ee So omaaliya, Sarreeye Gaas (hg) Nathan Mugi sha, iyo Taliyaha ciidamada ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding, iyagoo mid mid u wareys tay ciidamada dhaawaca ah oo ay ka wareyste en xaaladooda.
Waxa ay balanqaadeen iney la socon doon aan xaaladood, isla mar ahaantaasina ay ka shaqeyn doonaan sidii aaney saameyn ugu yee lan leheyn howlaha amni ilaalin ee ka wadaan dalka.
Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni. Si kastaba, Weerar kii Buulo Mareer oo dha cay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noq day mid kamid ah wee raradii ugu khasaaraha bad naa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.
Madaxweynaha Galmudug oo Xalay Magacaabay Wasiiro Cusub
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay wasiirro cusub oo ka mid noqo naya Golaha Wasiirada maa m ulkaas.
Hoos Ka Akhriso Magacyada Wasiirada Cusub.
Xeer Madaxweyne Lr.101 Tr..06062023
Ujeddo:Magacaabis Wasiirro
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galm udug
Markuu Arkay: Qodobka 50aad Farqadiisa 5aad ee Dastuureja Dowlad Gobleedka Galm udug
Markuu Arkay:Baahida loo qabo in la helo Wasiirro karti leh ee gudan kara Waajibaado oda shaqo.
Markuu Arkay: Aqoon iyo Waaya Aragnimada ay u leeyihiinMaamulka
Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Gala mudug
Wuxuu soo saaray:
Qodobka 1aad
Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac- Wasiirka Wasaar adda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
2-Shariif Maxamed Cali –Wasiirul dowlaha Wa saaradda Tamarta iyo Biyaha
Qodobka 2aad:
1-waxaala farayaa dhammaan hey’adaha kala duwan ee DowladGoboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan Wasiirada cusub si ayu gutaan waajibaadkooda shaqo
Qodobka 3aad
1-Xeerkaan wuxuu dhaqan galayaa markuu sa xiixo Madaxweynaha dowlad gibleedka Galm udug Wuun asaxiixay
Madaxtooyada Galmudug,Dhuusamareeb E-mail:-Presedentcy@Statehouse.gm.so
Maxkamadda Ciidam ada QS oo xukun ku ridday dhagarqabe ka tirsan Daacish
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee So omaaliya ayaa xukun Ciidan oo 15 sano ah ku ridday dhagarqabe, Warsame Xasan Cabdi Aadan oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ee Daacish.
Warsame ayaa kooxda Daa cish ku biir ay Sannadii 2020, wuxuuna muddo ka howlgal ayay Buuraha gobolka Bari.
Ninkan ayaa hore u ahaa xoolo raacato ku nool baadiyaha magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, waxanay kooxda Daacish ku qancisay inuu uga hawlgalo magaalada Muqd isho, isagoo billaabay inuu arbusho xarumaha ganacsiga.
Ugu dambayn dhagar qabe Warsame Xa san ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciid amada amaanka bishii October ee 2022, isagoo rasaas ku riday meherado ganacsi oo diiday in ay bixiyaan lacago baad ah.
Madaxweyne Lafta gareen oo bulshada deg mada Waajid kala hadlay dib u furista wado oyinka ay xirteen
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galb eed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftag areen ayaa kulamo la qaatay Odeyaasha, Dhalinyara da, Haweenka, iyo saraakiisha laamaha amin iga Degmada Waajid oo ka dhagaystay Baahiy aha ay qabaan iyo sida ay ugu Diyaar garoo ben ka qeybqadash ada Dagaalka Alshabab lagaga soo horj eedo.
Sidoo kale , Madaxweyn aha Koofur Ga lbeed iyo qa ybaha kala duwan bulsha da degmada Waajid ayaa ka hadalaay sidii loo furi lahaa wadooyinka go bolka Bakool sa nado badan u xeran Alsha baab.
Madaxweynaha Koofur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo looga had layay wejiga labaad dagaalka ka dhan ah Alshabaab ka wa day gobolka Bakool , isaga oo la kulamy maa mulka iyo bulsha daa degnmada Xudur .
Madaxweynaha Jubbaland oo Maamul Cusub u Magacaabay Gobolka Gedo
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbal and Axmed Maxamed Islaam ( Mad oobe) ayaa Maamul cusub oo hoostagaya Jubbaland u Magacaabay Maamulka Gobolka Gedo.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mad axwe ynaha Jubbal and ayaa u dhigneyd sidatan:
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max amed Islaam Markuu arkay: Dastuurka Jub ba land qodobkiisa 72aad, Fargada (5aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha, ee magacaab ida xubnaha Golaha Fulinta Jubbaland;
Markuu Garwaaqsaday: Muhiimada ay leed ahay in maamul loo sameeyo gobolka Gedo;
Markuu Latashaday: Madax weyne ku-xigeenada Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Cab duqaadir Lugadheere.
Wuxuu Madaxweynaha Maamulka Jubbal and u magacaabay,
1. Cabdullahi Cabdi Jaamac —Gudoomiy aha Gobolka Gedo.
2. Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) —G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.
3. Nasteex Cabdi Saalax —G/ Kuxigeenka Maaliyadda.
4. Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada.
5. Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) — G/Kux igeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka
Waxay Magacaabistani dhaqan galay saa marka uu Madaxweynuhu sixiixo Wuna sixiixay.
Magacabistan uu sameeyay Madaxweyn aha Jubbaland ayaa kusoo aadeysa xilli Gobolka Gedo ay gacanta ku hayaan Ma amulkii ay hor ay u Magacaawday dowlad dii Farmaajo, isla markaana aan weli xal laga gaarin arrinta Gob olka Gedo.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mar ayka nka oo gudbiyey waraaqihiisa mu sharaxni mo
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maray kanka Mike Pence ayaa xisbiga Jamh uuriga u gudbiyey waraaqihiisa mushar axnimo ee cadd aynaya inuu u tartamayo jagada musharaxa madaxweyne ee Xis biga Jamh uuriga ee sannadka 2024, isaga oo xisbiga Jamhuuriga dhexdii sa kula tartami doona mushara xiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynihii uu ka hoos shaqayn jiray ee Donald Trump, oo isna haatan loollan ugu jira booskaas. Pence oo hore u soo noqday ma dax weyne ku xigeen iyo guddoomiyaha gobo lka Indiana, ayaa haatan go’aansaday inuu si rasmi ah uga mid noqdo musharaxiin tiro badan oo ka qayb gelaya doorashada is reebreebka ee xisbiga gudihiisa.
Mike Pence ayaa doonaya inuu iska gado, codbixiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee aan ku qanacsanayn hoggaaminta Trump.
Inkasta oo Trump lagu soo oogay dacw ado kala duwan, haddana weli waa musha raxa ugu saamaynta badan xisbiga Jam huuriga dhexdi isa, waxaana kaalinta laba ad ku jira, guddoom iyaha gobolka Florida
Ron DeSantis
Isimada SSC oo Muqdisho kula kulmay Safi irka Turkiga ee Soomaaliya
Safiirka Dowladda Dalka Turkiga u fadhiya Soo maaliya, ayaa Xafiiskiisa Mag aalada Muq disho waxaa uu kulan gaar ah kula qaaatay Isimada SSC ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaali ya, Amb. İbrahim Mete Yağlı ayaa Habeen hore xafii skiisa ku qaabbilay Isimmada SSC-Kha atumo, waxaana intii kulnkaasi socday looga hadlay waxyaabo dhowr ah.
Kulanka ayaa intiisa badan diiradda lagu sa aray Xaaladda dagaalka Laascaan ood iyo sidii Dowladda Turkiga ay u qaadan laahyd door keeda nabadeynta ah.
Turkiga ayaa qeyb ka ah dalalka dane yna ya in xal laga gaadho dagaalka mud dada dhe er ka socda gobolka Sool, wax aana maalmo ka hor ka deggay Hargeysa wakiilka Turkiga ee wada-hadallada JFS iyo Somaliland; isaga oo la wadaagay Madaxweyne Biixi, dareenkiisa ku aaddan Laaacaanood.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somalil and oo sharci daro ku tilmaamay dacwada ay xukuumadu ka gudbisay
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somalil and Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka falceliyay dacwada xil ka qaadista ah ee xukuumadu ka gudbisay, ayaa ku tilma amay dacwad aan qi imo sharci lahayn.
Qoraal uu guddoomiyuhu ku baahiyay bartiisa Facebook, ay uu ku sheegay in dacwada xuk uumadu gudbisay ay tahay mid sharciga baal marsan oo aan mudnayn in laga jawaabo.
"Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiya ha Maxkamadda Sare wax qiime Sharci ah ma laha waxaanu baal marsan yahay dastuurka dalka iyo dhammaan xeerarka dhaqangalka ah mana mudna inaan ka jawaabo" ayaa lagu yi dhi qoraal uu Khaliif ku baahiyay bartiisa Fac ebook.
Waxa uu intaa raaciyay in shaqada xil ka qa adista ay leeyihiin golayaasha baarla maanku "Waana arin jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka ee aw oodahooda Iyo xasaanadooda lagu xadgud bay" ayuu yidhi Khaliif.Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland ay aa maxkamada sare u gudbiyay dacwad uu ku dalbanayo in guddoomiye Khaliif xil ka laga qa ado.
DF oo amar cusub kusoo rogtay shirkado dhowr ah
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa Shalay amar cusub kusoo rog tay shir ka daha iyo ganacsatada shidaalka, oo ay qeyb ka yihiin kuwa degan hantida ma-guurtada ah ee wasaaradda.
Warqad wargelin ah oo ka soo baxday wasaaradda Batro olka iyo Macdanta ayaa waxaa lagu faray shirkadaha iyo ganacsat adaas inay iska soo diiwaan galiyaan wasa aradda.
"Dhamaan shirkadaha ka shaqeeya shidaal ka, gaaska cuntada, diyaaradaha keenida, kay dinta, daabulida, kaalimaha shidaalka iyo kuwa degan dhamaan hant ida ma-guurtada ee wasa aradda Batroolka iyo Macdanta XFS waxaa la farayaa inay yimaadaan wasaaradda oo iska soo dii waan-geliyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxat wasaaradda.
Yeerista wasaaradda ee shirkadaha iyo gana csatada shidaalka ayaa waxaa qeyb ka ah, ku wargelinta dhamaan waxa uu xe erkan farayo shirkadahaas, loolana socdo badqabka dadka ka shaqeynaya arrimaha shidaalka
"Sida aad la wada socotaan waxa uu dalka Soomaaliya wali ku jiraa dib-u-dhiskii dowladn imada Soomaaliya oo maalinba maalinta ka da nbaysa horumar lagu tilaabs anayo sidaa awg eed ayaa waxaa jirta in Golaha Wasiirada dalka ay ansixiyeen Xe er Ra’iisul Wasaare Lr. 120 30/03/2023 ka as oo ah Xeer Nidaamiyaha Dar eer-hoosa adka Batroolka. Xeerkan oo til maa maya noocyada kala duwan oo ah habka dare er-hoosaadka Batroolka ku shaqa lee dahay.”
Qoraalka wasaaradda Batroolka iyo Macd anta XFS ayaa ugu dambeyntiina wa xaa lagu yiri "Ugu danbayntii waxaan idiin rajaynaynaa wada-shaqayn wacan iyo fulinta amarka wasaa radda, kaas oo aad iyo muhiim ugu ah dow ladnimadda Soom aaliya.”
Warqaddan kasoo baxday wasaarad da ee amarka cusub lagu soo rogay shir kadaha iyo ganacsatada shidaalka ayaa waxaa ku saxiixna agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamed Xaashi Cabdi Carabey . Xigasho:Caasimadda.Net
Xisbiga Waddani oo sharci daro ku tilmaam ay dacwada laga gudbiyay Gudoomi yaha Golaha Wakiilada Somaliland
Xisbiga Waddani oo sharci daro ku tilmaam ay dacwad xil ka qaadis ah oo xukuumada Som aliland ka gudbisay Gudoomiyaha Golaha Wak iilada Somali land Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Cabd iraxmaan Maxamed Cabdil laa hi Cirro, ayaa qoraal uu ku baa hiyay bartiisa Face book dacwadan ku tilmaa may mid sharciga baal marsan.
"Warqadda Xeer Ilaaliyaha Guud u qoray Golaha Wakiilada ee ku taariikhay san Shalay iyo warqadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sa re u qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL waxa ay marag cad ka yihiin in awooddii Dastuuriga ahayd ee Golaha Wakiilada JSL ay toos ula ware egtay Waaxda Garsoorku" ayuu yidhi Cirro.
Waxa uu sheegay in maxkamada iyo golaha wakiiladu ay kala madaxbannaan yihiin, isla markaana haddii xildhibaan golaha kamid ah maamuus ka xayuubin lagu samaynayo uu gol aha oo kali ahi awoodaa leeyahay.
Ugu danbayntii, golaha wakiilada ayuu ugu baaqay in ay ka falceliyaan talaabada maxkam ada, isaga oo sheegay in maxkam adu sharciy adeeda lumin doonto haddii ay kusii socoto talaabadan.
Taliska Booliska gobolka Nugaal oo soo saaray Amaro Adag
Taliska qeybta Ciidaanka Booliska Pun tland ee Gobolka Nugaal ayaa soosaaray amaro ad ag kuwaa oo laduldhiga saraak iisha Amniga caasimada Garowe.
Taliye ku xigeenka Qaybta Go bolka nugaal G/le Dhexe Maxa muud Muuse Bile ayaa amaro a mniga ku saabsan Bulshada lawadaagay.
Taliye ku xigeenka Qaybta Gobolka nugaal ayaasheegay kooxo falal Amni daro ka waday Magaalada Garowe Xabsi ay u taxaabeen .
Sidoo kalena ‘waxaa uu u digay koox aha kaa ganacsada khamriga oo iyana ku soo bada naya Magaladaas oo qayb ka ah falalka lidiga ku ah Amniga Magaalada Garowe
Habeenadii la soo Amaanka Magaal adaa Garowe ayaa faraha ka sii baxayay ka dib mar kii kooxo hubeysan iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha Falal ka dhan ah Amniga ay ka sameynayeen Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland
Kulan ay isugu yimaadeen Wakiilada Saaxii bada Taageera Soomaaliya oo War-Saxaafa deed laga soo saaray
Wakiilo kakala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraatka carabta, Turkiga, Britain iyo Mar eykanka ayaa oo 5 tii June 2023 kulan koodii seddexa ad ku qaatay magaalada Dooxa ee caasimad da dalka Qadar,
waxayna ka wadahad leen xaalad da Sooma aliya, si gaar arrimaha amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada
Saaxibaadan kulmay waxa ay hoostaga ka xariiqeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayaan horumarka amniga, iyo xa siloonida. Waxaa kale oo kulanka looga dood ay sida kor loogu qaadi karo kalsooni dhiska, xoojinta hay’adaha dowliga iyo isku xirka dag aalka lagu jiro AL-Shabaab ah iyo kaalmada caalamiga ah ee dhinaca amniga.
Waxa ay soo dhoweeyeen ka go’naanta dowladda Soomaaliya in ay xoojiso hay’adahe eda amniga, u diyaar garowga in ciidanka qa ranka ay amniga si buuxda ugala wareegeen hawlgalka Midowga Afrika marka la gaaro bi sha December 2024, si loo gaaro dhameystirka hawlahahan waxa ay isku raaceen waddamada kulmay wafuudooda in ay xoojiyaan isku-duwi dda dedaaalkooda, sidoo kalena la shaqeey aan dowladaha iyo hay’adaha kala ee caalam iga ee saaxiibka la ah Soomaaliya.
Waxa ay ka doodeen muhimadda ay leedah ay in dhammaadka sanadka ay isu gu yimaada an shir lagu dejinayoqorshe amni oo la xiriira sida loo joogteynayo amni ga kadib sanadka 2024 . Saaxiibada waxa ay falanqeeyeen ahm iyadda ay leedahaya hubinta xasilooni waarta iyo dowlad wanaag laga hirgaliyo deegaanadii dhowaan laga saaray Al-Shabaab iyo sida ay uga go’an tahay saaxi ibada caalamiga ah isku- duwidda kaalmo lagu xasilinayo deeganadaasi oo ah mid ay dowladda Soomaaliya hogga amin doonto.
Dowladda Federaalka Soomaaliya wa xay balan qaaddey in ay sameynayso lana wadaa gayso saaxiibada taageera hann aanka isku duwidda dedaalada xasilinta Soomaaliya.
Dowladaha kulmay ayaa sidoo kale ba lan qaaday in ay sii wadayaan taageeradasiyaas adeed ee ay siinayaan dedaalka Do wladda So omaaliya ku bixinayso bu uxinta shuruudaha fa rsamo ee maamulka iyo isticmaalidda hubka , si Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaadaan cuna qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Saaxiibadda waxa ay ay taageereen in Gol aha wadatashiga Qaranka kordhiyo dadaalada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xade eyo mas’uuliyaadka hay ’adaha dowladda si loo hubiyo xasiloonida Soomaaliya
Saaxiibada waxa sidoo kale taageereen dedaalka Dowladda Federaalka Soomaal iya ay ku bixinayso xal u helista colaadda magaala da Laas Caanood, waxayna , dhinac yada ugu baaqeen in la joojiyo dag aalka lana gaaro he shiis xabbad joojin ah iyo in wadahadal iyo han naan nabadeed la gu xaliyo khilaafaadka jira.
Waxa Sidoo kale isku raaceen horumar ka laga sameeyay dhinaca dhaqaalaha Soomaal iya iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda, waxayna qireen in dhabbaha lagu socdo Soomaaliya uu gaarsiin karo in laga cafiyo daymaha iyo in la helo qorshe dhaqaale oo la gu horumariyo dalka, dayn cafinta kadib.
Saaxiibada waxa ay baaq u direen bee sha caalamka in kaalmo bani aadamnimo oo deg deg ah la siiyo dadka Soomaa liyeed, sidoo ka lena waxa ay adkeeyeen sida lagama maar maanka ay u tahay in aan la hor istaagin gaar siinta iyo helista gargaarka bani’aadminimada xilligan iyo taageeridda u adkeysiga isbeddelka cimi lada. Saaxiibadu waxa isku raaceen sii wa dida ka wada shaqeynta hawlahan iyo ku soo biirad da Turkiga doodahan si loo joo gteeyo horu marka socda.
Finland oo dalkeeda ka ceyrisay dibl omaasiyiin Ruush ah.
Dawladda Finland ayaa ka eryaysa dalkee da sagaal dibloomaasi oo ka tirsan safaaradda Ruushka ee magaalada caasimadda ah ee Helsinki.
Diblomaasiyiintan ay aa la gu eedeeyay inay ka shaqey nayeen howlo sirdoon safaa radda dhe xdeeda sida uu sheeg ay xafiiska madaxw eynaha Finland.
MAXAA LAGU HAYSTAA QOYSKA LAGU WEERARAY BOOSAASO?
Boosaaso
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA
Qoraalka sawirka,
Dhawrkii maalin ee la soo dhaafay ayuu muuqaalka wareegayay baraha bulsh ada.
Muuqaal naxdin leh oo lagu baahiyay baraha bulsh ada, ayaa muujinaya qoys kamid ah beelaha la hayb sooco oo hadallo isir nacayb ah iyo handaad loo geysanayo.
Sida laga arki karo muuqaalka, koox rag ah oo aan wajiyadooda loo joodin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya hooyada iyo aabaha qoyska oo u muuqda kuwa da' ah.
Hadaba maxaa lagu haystaa qoyskan?
Isla muuqaalka ayaa arrintaas wax badan ka bidhaaminaya. Mid kamid ah kooxda qoyska weer artay ayaa waydiinaya hooyada, "Soo gabadhaada maahan 'Sir iyo Caad' "? Hooyada ayaa leh "Haa". Kadibna hanjabaad ayaa bilaabaneysa.
'Sir iyo Caad' waa maga ca ay baraha bulshada ku isticmaasho gabar gabar dhallinyaro ah oo ay dhal een qoyska, oo ku nool Jarmalka. Waxay kamid tahay dhalinyarada isticm aa sha aaladda ku xiran Tiktok, iyada oo raacaan in ka badan 100 kun oo ruux. Kooxda soo weerartay qos keeda ayaa ku eedeyay, in ay hadalo gaf ah u gaysatay hogaamiye beeleed oo ay isku dhawyihiin.
Waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Turkiga ee uu Erdogan ugu yeero "furaha sirtiisa”?
Taliyaha booliska Boosaaso
XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK
Qoraalka sawirka,
Taliyaha Booliska Boosaaso, Cabdulqaadir Dirir.
Talaabada ay qaaday Puntland
Ciidamada maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee Soomaaliya, ayaa soo xiray afar nin, oo ahaa kooxdii hubeysnayd ee ku xad gudbay qoyska.
Cabdiqaadir Jaamac Dirir, oo ah taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in dhibaatadan ay asalkeeda ka timid hadalo aflagaado ah oo la isku weydaarsaday barta ay bulshada ku kulanto ee Tiktok, taasoo markii danbe keentay in reer aan waxba Shalaysan ay arrintaasi dhibbanayaal u noqdaan.
"Falka lagu soo qabtay dhalinyaradan, waa kaad aragteen oo la wareejinayey Baraha Bulshada, reer habeen gurigiisa ku jira loo dhacayo, oo qof hurda dhabanka cag laga saarayo, jawaabta iyo waxyaa baha ay kula kaceen, iyaga oo ah dhalinyada unbaa ka fal celin doona, mar haddii lasoo xiray dadkii dhib aatada geystay” ayuu yiri taliye Cabdulqaadir Dirir.
Taliyaha ayaa wuxuu intaa raaciyey in eedeysan ayaasha maxkamad lasoo hor istaajin doono, lana marindoono ciqaabtooda.
Ragga la qabtay
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA
Qoraalka sawirka, Afrtaan nin ayaa la sheegay in ayihiin kuwii reerka weeraray.
Taliyaha ayaa carabka ku dhutay in raggii dhibaa tada geystay mid kamid ah inuu ka bax saday maga alada Boosaaso, halka intii kalana la qabtay gelinkii hore ee Shalay. Sidoo kale, ruuxii ka baxsaday magaalada Boos aasana lagu qab tay deegaanka Waaciye
"Markii ay taga yeen guriga dhali nyaradani shanta gaareysa, si toos ah ayey u tageen, codadkooda markii la daba galayna oo la ogaaday lana qabtay, waxba may qarsan, oo way isa sheegeen”, ayuu yiri taliye Cabdulqaadir.
Warbixinta hordhaca ah oo ee laga diiwaan gali yay eedeysanayaasha, ayay ku sheegeen ragga la qabtay in ay ka aargoosanayeen muuqaal lagu cay nayo oday dhaqmeedkooda. Muuqaal afarta nin ayaa lagu baahiyay warbaahinta, inkasta oo aan wajiyadooda la muujin.
"Dhanka kale waxaa jiri karaya waxyaabo kale, oo keeni karaya in fal noocan oo kale ah ay ku kacaan dhalinyaro, isagoo ku gaab sadey in baaritaanka ay ka war dhawrayaan maxsuulka kasoo baxa, ” ayuu intaa raaciyey taliye Cabdulqaadir Jaamac Dirir.
Taliya ayaa sheegay in reerka lagu xad gudbay ay yihiin reer kasoo jeeda deegaanka, oo aanay ahayn qoys kusoo barakacay magaalada Boosaaso. XIGASHO:-BBC
BUULO MAREER: WAA KUMA KORNE ELKII UGANDA EE RIYADIISII AY SOO AFJAREEN AL-SHABAAB?
UgandaXIGASHADA SAWIRKA,AFP
Qoraalka sawirka, Ciidamada Uganda oo walxaha qarxa ka baaraya deegaanka Ceeljaale, bishii September 19, 2019
Article information Author ,Fatuma Maalim Abukar
Role,BBC News Somali Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Sabtidii sheegay in ugu yar aan 54 meydadka saraakiil ka tirsanaa ciidamada Uganda laga soo saaray xerada milatari ee toddobaad kahor ay weerarka ku soo qaadeen al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa xildhibaannada xisbiga talada haya ka hor sheegay in ciidamada Uganda ay dib ula wareegen deegaanka Buulo Mareer.
Museveni ayaa sheegay in taliyaha saldhiggaas, Gaashaanle Dhexe Korneel Edward Nyororo, uu ka mid ahaa saraakiishii ku dhintay weerarka.
Toddobaadkii la soo dhaafayna, madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiishiisa aysan waajibaadko oda u gudan sidii laga filayay isla markaana qalqal ku yimid uu al-Shabaab u suurtogeliyay inay la war eegaan xerada ayna burburiyaan qaar ka mid ah qalabka ciidamada Uganda.
Baaritaan ku aaddan dhacdadaas oo ay wadaan saraakiisha ciidamada ayaa labilaabay.
Laakiin kooxda al-Shabaab oo lagu yaqaan inay kordhiyaan oo ay wax ku daraan tirada waxyeelada ay ku geystaan weeraradooda waxay sheegatay inay dishay tiro ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta, islamarkaasna gubtay gawaari dagaal. Ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijin jira sheekada kooxda.
Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si xooggan u cam baareeyay weerar kaas.
Muxuu ka dhigan yahay hadalka Museveni?
Museveni Qoraalka sawirka,
Yoweri Museveni, madaxweyn aha Uganda Axmed Kaboole oo ka faallooda arrimaha amn iga Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in hadal ka madaxweynaha ay ka muuqatay qirasho ah in ciid amo badan ay ku waayeen guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna weerarkii ugu dambeeyay ee Buulo Mareer.
"Madaxweynaha waxaa kale oo ka muuqatay inuu san ku qanacsaneyn qaabka howlgallada ay uga soc daan Soomaaliya. Wuxuu ka dhawaajiyay in la musu qmaasuqay oo shaqaalihii u shaqeynayay madaxda Uganda ee dhanka militariga in la askareeyay oo So omaaliya loo diray, annaga marka meesha ay naga quseyso waxay tahay in ciidamada Midowga Afrika ay ka dhigteen il dhaqaale," ayuu yiri.
Kaboole ayaa sheegay in badanaa aan la qarin cii danka ka dhinta Midowga Afrika, maaddaama dhaq aalahooda ay bixiso beesha caalamka.
Wuxuu dhanka kale sheegay in tiradan ay al-Shab aab sheegteen ee 100-ka ah ay ka badbadiyeen.
"Waana qaab dacaayad ah oo ay rabaan inay ku ku niyad jebiyaan oo ay ku tusaan inay weerarro kha tar ah ka geysteen, taageerayaashooda ayayna arrin taas u sheegayaan," ayuu intaa raaciyay.
Wuxuu sheegay in hadalka ka soo baxay Uganda uu yahay kan ugu dhow dhanka sax ahaanshaha.
Muxuu saldhigga muhiim ku yahay?
Shabaab
XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Waa mid ka mid ah saldhigyada ugu waa weyn ee howlgalka Midowga Afrika ku leeyahay gobolka Shabeelada Hoose. Waxaa Al-Shabaab laga la wareegay 2014kii.
Waxa uu muhiim u yahay isu-socodka iyo saadka ciidamada Uganda ee gobo lkaas jooga, kuwaas oo saldhigyo kale oo waa weyn ku leh Marka, Janaale, Bar aawe, Qoryooley, Golweyn iyo Balidoogle.
Horey Kooxda al-Shabaab ayaa u weerartay saldhiga degmada Janaale 2015 kii markaas ay kooxdu sheegatay inay askar nool oo Atmis ka tirsan ay weer arkaas ku qabteen.
Al-Shabaab gacanta kuma hayaan degmooyinka waa weyn ee gobolkaas, marka laga reebo Sablaale, laakiin waxaa la sheegaa in lagu arko dhulka miyiga iyo beeraha ba.
Kumuu ahaa korneel Edward Nyororo?
Edward
XIGASHADA SAWIRKA,LT COL EDWARD NYORORO
Gaashaanle Dhexe Edward Nyororo, markii uu we erarku dhacayay wuxuu ahaa taliyihii saldhigga, isa goo sarkaalkii uu ku xigeenka u ahaa ee Sarreeye Guuto Gaetano Peter Omola uu ku maqnaa Muqdisho.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Uganda, Kor neel Nyororo oo da'diisa lagu sheegay 46, wuxuu ahaa nin na badda jecel.
Wuxuu qorsheynayay inuu bisha August ee sanad ka howlgab ka noqdo ciidanka, isla markaana uu hooyadiis guri uga dhiso Uganda.
Balse riyadiisa waxaa soo afjaray al-Shabaab. Wa xaa weerarkan lagu tilmaamay kii ugu ba'naa ee soo gaara ciidankan.
"Wiilkeyga wuxuu u oggolaaday inuu aado Sooma aliya, inuu ahaa nin nabadda jecel, wuxuuna doonay ay in dadku ay nabad u noolaadaan," ayaa laga soo xigtay hooyadiis.
Waxay intaas ku dartay inuu ahaa nin geesi ah mar walbana war ka maqli jiray madaxdiisa.
Bishii Febraayo ee sanadkan ayuu ku laabtay Uganda, sida ay qoyskiisu sheegeen, isagoo halka asi loogu sameeyay duco, kaddibna shaqadiisii Soo maaliya ayuu dib ugu laabtay.
Wuxuu ciidamada ku biiray isagoo carrur ah, ka dibna wuxuu usii gudbay darajooyin sare.
Dadka yaqaanna sarkaalkan, ayaa sidoo kale ku sheegay inuu ahaa nin aan cabsan. Ciidamada Ug anda, ayaa ka howl galayay Soo maaliya muddo 20 sano ku dhow, iyagoo qeyb ka ah ciidamada Midow ga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 7-DA JUUN 2023-KA
..