
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 5-TA JUUN 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay caleemo saarka madaxeynaha Turkiga
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxwe ynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo dhawaan dib loo doortay.
Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa kamid ahaa wafuuda 78 waddan oo lagu casu umay caleemo saarka madaxw eyne Erdogan.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ugu hambaly eeyey Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan guusha ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsad een intii uu hoggaami nayey Madaxweyne Ordo gan. Xasan Sheikh wuxuu u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horu marineed ee heer Qaran iyo garab ista agga xasilloonida iyo horumarka dalalka ay saaxiibada yihiin.
Soomaaliya ayaa ka mid ah waddama da xiriirka ugu wanaagsan la leh Turkiga, halka ay ku taallo caasimadda Muqdisho safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu caalamka ku leeyahay.
Sidoo kale, Turkiga ayaa gudaha Soo maaliya ku leh mid kamid ah xarumaha ugu weyn adduun ka ee bixiya adeegga tab abarka ciidanka.
Sheekh Aadan Madoobe Oo Riyaadh Kulan Ku la Leh Gudoomiyaha Baarlam aanka Sucuud iga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baar lama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sh. Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaa minaayo ayaa Habeen hore gaaray ma gaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sac uudi Carabiya.
Mas’uuliyiintan waxaa garoonka diyaa radaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baa rlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soo maaliya ee Sacu udiga iyo saraakiil ka tirsan saf aarada.
Guddoomiye Sh. Aadan oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqort ooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Md.Dr C/hi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh. Sida xogaha la helayo ay sheegayaan, kulamadooda waxey diirada ku saari do ona xooj inta wadashaqeynta labada Baar lamaan ee Soo maaliya iyo Sacuudiga.
Wasiir ka socda Jarmalka oo balanqaad cusub oo gaarsiiyey Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Shalay xafi iskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha horumarinta iyo iskaashiga dhaq aalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Fla sbarth.
R/Wasaaraha iyo wasiiru dowlaha ayaa ka wa da-hadlay xoojinta xiriirka iyo is kaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Jarmalka. R/Wasaaraha ay aa sheegay in do wladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoo jinta xiriirka kala dhaxeeya dowladda Jarmalka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ay aa uga mahad celiyey taageerada dhinac yada badan oo ay siiyaan Soomaaliya, sida horumarinta dhaqaa laha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyad da, xasil linta deegaanada la xoreeyey iyo tabab arka ciidanka booliska. wasiiru dowlaha horumar inta iyo iskaa shiga dhaqaalaha ee dalka Jarmal ka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loogu sameeyey Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowl adda Ja rmalka ay si dhaw ula shaqayso dowladda Soom aaliya, isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaag an labada dow ladood.
wasiiru dowlaha horumarinta iyo iska ashiga dhaqaalaha ee dalka Jar malka ay aa balan qaaday in Jarmalku uu sii wadi do ono tageerada ay gacanta uga geysan aya an dib u dhiska iyo kobcinta kaab aya asha dhaqaalaha Soomaaliya.
Jarmalka ayaa ka mid ah dowladaha ta ageera Soomaaliya, markii laga soot ago deeqaha iyo kabka miisaaniyadda dowla dda, Jarmalku wuxuu ka qeyb qaataa tab abarrada la siiyo ciidamada booliska Soom aaliya.
Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Wad do loogu magac-daray MW hore ee Somalia
Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/ Muq disho Yuusuf Xuse en Jimcaale (Madaale) ayaa degmada Cabdicasiis ee Muqdisho ka dhagax-dhigay Waddo Laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Sooma aliya Cali Mahdi Maxamed.
Wadadaan oo isku xerta Laamiga weyn ee Ga adiidka iyo Laamiga Liido, ayaa wa xa ay dhex marta Suuq-yaraha Degmada Cabdicasiis.
Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa wazaa go objoog ka ahaa Guddoomiyaha Degm ada Cab dicasiis Marwo Ubax Roda, qaar ka mid ah Agaa simeyaasha Guud iyo Aga asime waaxeedyada Gobolka Banaadir, Odayaasha deegaanka iyo Bul shada qeybahooda kala duwan.
Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo RodaCabdi Cali (Ubax Roda) ayaa sheegtay in dhismaha wadadaan ay baahi weyn u qabeen bul shada Soomaaliyeed, maadaama Degmada Cab dicasiis ay tahay Degmo dalxiis oo ay isugu yim aadaan dhamaan bulshada qeybahooda kala gedi san, waxa ayna wadadaan hal-bowlo u tah ay is ku socodka bulshadana iyo isku xerka Xeebta Lii do iyo Magaalada inteeda kale.
Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/Muq disho Mudane Yuu suf Xuseen Jimcaale (Madaa le) ayaa ku amaanay Bulshada iyo Maamulka Degmada Cabdicasiis sida ay isaga kaashanay aan dhismaha wadadaan, asigoona dhin aca kale ugu digay shirkada gacanta ku heysa dhismaha wadadaan in lagula xisa abtami doonno tayada wadadaan, si loo helo Laami tayadisu ay sareyso.
DF oo war cusub ka soo saartay khilaaf ka Puntland
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee DFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale ka had lay xiisadda siy aasadeed ee u dhexeyso dowlad da dhexe iyo Puntland, kaaso oo kasii daray, ka dib heshiiskii dhowaan laga gaaray doorasho oyin ka ee kasoo baxay shirkii ay yeesheen Golaha Wadata shiga Qaranka.
Fiqi ayaa shaaca ka qaad ay in Pun tland ay san jirin meel fog, isla-markaana ay qa yb ka tahay maamulka dowladda federaalka Soom aaliya. "Puntland waxay ka tirsan tahay dowladda federaalka mana foga, doorash ooyin ka ay qabteen ayaana lagu heshiiyay” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jiri karin sabab ay Puntland ku diido doora sho qof iyo cod ah, maadaama ay iyagu haatan qabsadeen.
"Ma u maleynaayo inay caqli tahay ani ga doorasho ayaan qabsanaa, inta kalena doorasho uma ogoli, uma maleynayo inuu qofn ku talinayo” ayuu hadalkiisa sii raa ciyay.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda fede raalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in doorashada lagu heshii yay ay tahay middii uu Saciid Deni ugu baa qay dowladda fed eraalka iyo dowlad gobol eedyada, kadib markii guul ka sheegtay doorashadii Puntland.
"Madaxweynaha Puntland marka ay doorashada u dhammaatay wuu hadlay wuxuu yiri dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa inay doora shadaan oo kale ay qabtaan intiibaa la gaaray” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada ay Puntl and ay iska diiday go’aanaddii kasoo baxay shirkii u dambeeyay Golaha Wadata shiga oo go’aan looga gaaray doorasho oyinka dalka.
Si kastaba, khilaafka u dhexeeyo dowl adda federaalka iyo Puntland ayaa sii xoog eysanaya marba marka ka dambeysa oo soo billowday, ka dib magacaabidii ra’iisul wasaare Xamza.
Md. Laftagareen oo kulan looga arrins anayo wajiga 2-aad ee dagaalka khawa arijta la yee shay saraakiil ka tirsan XCD
Madaxweynaha DGK/Galbeed Soomaa liya Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa qaabilay saraakiisha guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay u diyaar garowga bilaabashada wajiga 2-aad ee dagaalla Dalka lagaga xoreynayo Khaw aarijta.
Kulanka ayaa ka dhacay degmada Xud dur ee gobolka Bakool oo uu labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Md.Laftag areen.
diyaar garow dagaalka looga xorreynayo deega anada ay ku harsan yihiin kooxda khawaarijta ayaa ka socda dowlad gobole edyada, iyadoo go’aanaddii lagu gaaray madasha wadatashiga Qaran ay kamid ahayd dardargalinta dagaalka dalka looga saarayo kooxda cadowga ah ee khaw aarijta Shabaab. DFS& Dowlad goboleed yada ayaana guda galay wajiga 2aad ee dagaalka, iyadoo wajiga 1ad ee dagaalka kooxda argagixi sada looga saaray magaal ooyiin ay ku sugnaa yeen in ka badan 10 sano
Reer Muqdisho oo u abaal guday ciidan ka sugay amnigooda
Shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay u abaal guday ciidanka boolis-miltaar ee loo xil saaray sugidda amniga caasimadda Muqdisho. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa saraakiisha ciidankaas lagu wareejiyey dhowr gaari oo sida agab kala duwan oo shac abka iyo maamullada degmooyinka gobolka Ban aadir ay iska soo uruuriy een.
Tan iyo markii ciidanka as lagu wareejiyey sugi dda amniga Muqdisho oo la dareemay ififaalaha na badda laga dareemay magaalada waxaa bilowday uruurinta deeq nooc walba leh oo ciidankaas ay u uruurinayaan shacabka iyo maamullada degmoo yinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Mad aale iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siy aasadda Maxamed Yabooh iyo guddoomiyaha degmada Shibis oo aheyd halkii saldhigga u ah eyd agabkaan laga soo uruuriyey shacabka Mu qdisho ayaa saraakiisha ciidanka ku wareejiyey deeqdaan.
Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Soomaali oo u xil-saaraa isku uruurinta abaal-marinta shac abka Muqdisho ay u garteen ciidankaan sugaya ammaankooda ayaa ugu horeyn goobtii lagu wareejiyey deeqdaan warbaahinta kula hadlay.
"Waxaan Shalay wareejineynaa agab kala duw an oo dhamaadii bishii Ramadaan aan uruurintiisa soo bilownay, kaas oo la isugu keenay xarunta degmadaan Shibis, ciidanka oo baahi u qabay agabkaan ayaa horay nooga dalbaday,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Shibis.
Sarkaal ka tirsan ciidanka boolis-militaar oo agabkaan lagu wareejiyey ayaa ka mahad celiyey sida ay shacabka Muqdisho iyo maamulladoodu uga jawaabeen baahida ciidanka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa faahfa ahiyey oo mid mid u tilmaamay alaabaha ay ku wareejiyeen saraakiisha ciidanka xasilinta caasim adda, isagoo sheegay in dalabka lagu soo uruur iyey deeqdaan uu markii hore ka yimid ciidanka.
Madaxweynaha Galmudug oo kulan mu hiim ah la qaatay qaybo ka mid ah hay’ adaha dowladda.
Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmu dug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan muhiim ah oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudugu mudane Cali Daahir Ciid la qaatay wasaaradaha Arrimaha Gud aha, Amniga iyo Caddaa ladda.
Waxaa goobjoog ka ah aa kulanka wasiirka arrimaha gudaha Dowladda goboleedka Galmu dug, wasiirka amniga, hay’adda, saraakiisha iyo taliyayaasha ciidanka iyo guddoomiyayaasha gobollada iyo degmooyinka Dowladda Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta wajiga labaad dagaalka ka dhanka argagaxisada, amniga iyo garsoorka, sidoo kale waxaa kulanka aad loogu lafaguray arrimaha doorashaooyinka ee kusoo fool leh deegaannada Dowladda gob oleedka Galmudug.
Qorshaha billowga ah ee dib u soo celin ta xiriirkii Soomaaliya iyo Ruushka
Dowladda Ruushka ayaa gadaal ka riix eysa dadaalo dib loogu soo celinayo xiriirkii Sooma aliya, taas oo aad mooddo in Dowladda Federa alka ay la dhacsan tahay.
Ruushka ayaa sheegay inuu doonayo in uu Soomaaliya ka taageeo la dagaalanka kooxaha argagixisada, si dib loogu soo celiyo xasilloonidii iyo amnigii dalka.Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay in dowlad diisu ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caaw iso la dagaalanka kooxaha argagix isada iyo weliba dhanka saadka ee ciid amada.
Wasiirka oo socdaal ku maraya Afri kada Bari ayaa sheegay in ay Muqdisho ka taageeri doona an, sidii ay dalka uga ciribtiri laheyd kooxaha argagixisada.
Wasiir Lavrov ayaa toddobaadkii hore Caasi madda Moscow ku qaabilay wafdi uu hoggaami nayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huru use), kaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin xir iirka labada dal iyo sidii dib loogu hagaajin lahaa.
Lavrov ayaa sheegay in labada dal ay leeyihiin xiriir taariikhi ah, isla-markaana ay muhiim tahay in dib loo soo celiyo xiriirko odii ku aaddanaa iskaashiga labada dhinac.
Illaa iyo hadda Dowladda Federaalka kama aa nay hadlin soo jeedinta Ruushka, ee ah in uu diyaar u yahay in Soomaaliya ku garab-siiyo, sidii ay u soo afjari laheyd kooxaha hubeysan ee ka bi yo diidan jiritaanka Dowladnimada Soomaaliyeed.
Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo laabtay xafiiska, dowl addiisa ayaa wadday dadaalo ay taageero ugu raadineyso dagaalkan ay kula jirto kooxaha dag aalka kala soo horjeeda.
Xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Was aara ha Xukuumadda iyo kan Wasiirka Arr imaha Dib adda ayaa waxaa yaala doku mentiyo muujinaya in Villa Somalia ay dan eynayso in dib loo soo cel iyo xiriirkii Ruushka, inkastoo dowladda aysan w eli si rasmi ah u caddeyn falcelinteeda ku aad dan soo jeedinta Ruushka, waxayse su’aal ka taagan tahay, sida Villa Somalia isugu wadi karto Ruush ka iyo Mareykanka, oo siyaasad ahaan ku sii kala fogaaday cola adda Ukraine.
Mid ka mid ah Diblomaasiyiinta Soom aaliyeed oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in Ruushka uu daba-yaaqadii bishii May u soo jeediyay Soomaaliya in uu ka taageero qalabka ciidamada iyo dagaalka ay qorshe ysay in ay xididada ugu siibto kooxaha Islaamiyiinta.
Sidoo kale waxa uu sheegay wafdiga Wasiir Huruuse ee Moscow kula kulmay Wasiir Lavrov ay ka codsadeen in Ruushku uu codkiisu siiyo, marka xigta ee Golaha Ammaanka uu codka u qa adayo soo jeedinta Soomaaliya, ee ah in cunaqa bat eynta hubka ee saaran laga qaado.
Dalal ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shi inaha ay aa bishii November ka aamusay codbixintii Gola ha Ammaanka ee la xiri irtay, haddii xayiraadda hubka laga qaad ayo Soomaaliya iyo haddii kal eba, marka as oo Dowladda Federaalka ay dal baneys ay inay galaangal u yeelato in ay dibadda ka soo iibsan karto hub casri ah, si loogu dardar geliyo dagaalka ay damacsan tahay inay kaga adkaato kooxaha argagixisada. Mareykanka, Ingi riiska iyo dowlado kale ayaa xilligaasi taageeray in cunaqabateyn ta hubka ay sii saarnaato Sooma sliya, iyagoona muujiyay inaa nan la gaarin xilligii xayiraddaasi laga qaadi lahaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Mid oobay ayaa cunaqabateyntaasi ku soo ro gay Soomaal iya sanadkii 1992-kii, xilligaas oo dalku uu ka soc day dagaal sokeeye, in kastoo xayiraadda hubka la dabciyay san adkii 2013, si Ciidamada Qaranka looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah malee shiy ada Shabaabka, oo loo arkay khatarta ugu weyn ee ka jirta Qaaradda Afrika.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soo maaliya iyo Ruushka ayaa la filayaa inay daba-yaaqada bisha July ku kulmaan Magaalada St. Petersburg, oo lagu wado in uu ka furmo shirka Ruushka iyo Afrika. Shirka ayaana socon doono inta u dhaxe yso 26–29 bishaasi.
Ruushka ayaa mar ahaa saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya, walow ay labada dal kala fog aadeen, intii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee qarxay sanadkii 1977-kii, markaas oo Midowgii Soofiyeet ee Ruushka ugu tunka we ynaa uu dhanka kale la soo saftay, taasna waxay keentay in Soomaaliya ay Ruushka ka ceyriso dalka.Xigasho:-Caasimadda.Net
Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka MUDUG
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kh asaaraha ka dhashay dagaal beeleed Sabtidii ka dhacay duleedka deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.
Dagaalkan oo lagu hoobtay ayaa dhex-maray maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug oo ah kuwa daris ah.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib markii maleeshiyaad hubey san ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaq ato ah oo ku sugnaaa agagaarka Afb arwaaqo.
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo labada dhin ac ah, sida aysheegtay in ay Caasi mada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay ka yimaadeen dhanka maamulka Pun tland, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaal culus oo foolka fool ah uu ka qar xay goobta, isla-markaana si weyn looga dareemay halkaasi
"Run ahaantii marka la fiiriyo waxay lab ada maleeshiyo kasoo lala jeedaan Punt land iyo Gal mudug, kuwa duulaanka soo qaaday waa reer Pu ntland” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kac san, wax aana lagu soo warramayaa inay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka socdaan qaybo ka mid ah gobolka Mudug.
Gobolkan ayaa waxaa kusoo noq noq day, dagaal beeleedyo u dhexeeyo male eshiyaad ku wada sugan Mudug oo ay ka wada arrimayaan labada maamul ee Pun tland iyo Galmudug.
Wariye Bushaaro Baanday oo Shalay mar kale loo jaray 7 maalmood oo rummaan ah
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa Shalay 7 maalmood oo rumm aan ah (xabsi ku sii hayn ) u jar tay wariye Busha aro Baanday.
Wariye Bushaaro Cali Baan day oo in muddo ah ku xidhan Hargeysa ay ay marar dhawr max kamadu u jirtay rumaan xabsi ku hayn ah, iyada dhawr jeer laga soo dayr iyay xaaladeeda caaf imaad islamarkaana loola car aray cisbitaalka
Ciidamada Booliiska Boosaaso oo gac anta ku dhigay koox tacaddi u geysatay qoys danyar ah
Ciidamada booliiska Puntland ee ma gaal ada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo qeyb ka ahaa koox hubaysan oo habeen ho re qoys danyar ah hoygooda ku weeraray, iyagoo u geyst ay jirdil iyo handadaad.
Kooxdan ayaa baraha soo dhigay muuqaal ay duubeen iyagoo tacaddi gurigo oda ugu geysanaya qoy saskan, waxaana muuqaalka kasoo muuqana yay Aabbaha, hooyada iyo qaar kamid ah carr uurtooda.
Muuqaalka ayaa aad u qabsaday bara ha bulshada, iyagoo dadku aad uga caro odeen, kuna tilmaameen fal fool xun oo xad gudub ku ah diinta islaamka, dhaq anka suubban ee So omaaliyeed iyo xaquuqul insaanka.
Booliiska magaalada Boosaaso ayaa ka dib u suurto gashay inay gacanta kusoo dhigaan 4 kamid ah kooxdaan, halka mid kalena ciidama du ay baadi goob ugu jiraan.
Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Bari, Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa she egay falk aan inuu salka ku hayo aflagaado ay dad isugu geysteen barta TIKTOK, taa soo sabab u no qotay in qoys aan waxba Shalaysan ay dhibban ayaal u noqdaan arrin taas.
Taliyaha wuxuu sheegay in eedeysan ayaa sha sharciga la horkeeni doono, lana marind oono ciqaabtooda
Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda iyo D/Goboleedyada
Madaxweynaha Jubaland Axmed Max amed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xar unta madaxt ooyada ku qaabilay Guddoo miyaha Hay’ada Maareeynta Musiibooyin ka Qaranka Maxam uud Macalin Cabdulle iyo Wasiirada Wasaarad aha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubanaha ka ah JFS.
Mas’uuliyiintan kale duwan waxaa ay Madax weynaha Jubaland warb ixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay in ta ay joogeen Mag aalada Kismaayo ee Xa runta Gobolka Jubba da Hoose, ahna caasim adda KMG ah ee Maa mulka.
Kismaayo ayaa laga daah furi doonaa Shir ka Madasha arimaha gargaarka oo ay ka qeyb galayaan Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xuban aha ka ah dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Hay’ ada Maareeynta Musii booyinka Qaranka.
Shirka Madasha arimaha gargaarka ay aa waxaa lagaga hadli doono jihaynta gar gaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah ga ar ahaan fata haadaha iyo abaaraha.
Taliyayaal ka tirsan howlgalka ATMIS oo loo xiray weerarkii Alshabaab ee Buulo Mareer
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa shaaca ka qaaday in labo taliye oo katir san ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlg alka ATMIS la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Labadan taliye oo magacyadooda lagu she egay Maj Oluka iyo Maj Obbo, ayuu madaxw eynaha Uganda sheegay, inay ku amreen ask arta inay dib u gurtaan weerarkii 26-kii May ay Alshabaab ku qaadeen sal dhigga howlgalka ATMIS ee degaanka Bu ulo Mareer ee Shabeel laha Hoose.
"Waa la soo qabtay, waxayna wajihi doona an eedeymaha maxkamadda ciidamada qalab ka sida. Askarteenu waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah, dib ayayna isu abaabuleen, taasoo ke entay in dib loo qabsado saldhiga,” ayuu Mr Mu seveni ku yiri hadal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Uganda ayaa ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay we erarka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga cii damada ATMIS ay ku lahaayeen degaanka Bu ulo Mareer.
Madaxweyne Musaveni ayaa todobaadkii ho re sheegay inay jiraan khasaarooyin kasoo gaa ray ciidamada Uganda weerarkaas, balse ma uusan bixin faah faahin dheeri ah oo ku saab san tirada askarta weerarka lagu dilay.
Museveni ayaa hadal uu horay u jee diyay ku sheegay in ciidamada Uganda aysan sidii la rabay u soo bandhigin awo oddooda ciidan, taa soo keentay inay Al-shabaab qabsadaan saldhi gga, halkaa sna ay askar badan ku laayeen.
Al Shabaab ayaa horey u sheegtay inay dile en 137 askari oo Uganda u dhashay, isla mark aana ay qabsadeen gaadiid, hub iyo saanad ka le oo ku yaalay saldhigga.
Culimo qaaday tallaabo la xariirta daga alka Laascaanood
Culumada Soomaaliyeed ee ku nool magaal ada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isugu timid shir ay ka soo saareen bayaan ay ku dalbadeen in la joojiyo dagaalka ka socda M/Laascaanood ee gobol ka Sool.
Culimada ka hadashay colaada Laasca an ood waxaa ka mid ah, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Maxamuud Shibli, Sheekh Maxa med Sheekh Cusmaan, Sheekh Cismaan Cala sow iyo Dr. Maxa muud Abuu Sheyba.
Culimadaas oo mid mid ula hadashay warb aahinta ayaa ugu baaqday dhinacy ada ku dag aalamaya Laascaanood inay joojiyaan daadinta dhiigga dadka muslim iinta ah.
Sheekh Maxamuud Shibli ayaa warba ahin ta u akhriyey bayaanka ay culimada magaalada Nairobi ka soo saareen daga alka ka socda Laascaanood iyo dhibaato oyinka ka dhashay.
"Waxaa Laascaanood ka dhacday dhib aato aan la soo koobi karin, waxay culi madu si nax ariis iyo islaanimo leh uga codsaneysaa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay ka qeyb-qaataan gurmadka qoysaska ay saam eysay cola ada Laascaanood,” ayaa lagu yiri bay aanka culimada.
Sidoo kale bayaankaan ayaa farriin loo gu di ray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedy ada dalka, iyadoo laga codsaday inay kaalin ka qaataan gurmadka dadkaas iyo joojinta colaad a ka taagan Laasca anood.
Culimada ayaa guddi seddax Sheekh ka ko oban u xil-saartay inay uruuriyaan taakulada lo ogu gurmanayo dadka ay saa meysay colaad ka magaalada Laas caanood.
Dhowr bilood waxaa magaaladaas iyo haree reheeda ku dagaalamaya ciidamada Somalil and iyo kuwo is abaabulay oo loogu yeero SS C, waxaana culaadaas ku dhima tay tobanaan qof oo labada dhinac ah.
Dadka ku nool gobollada Sool iyo San aag ayaa ka soo hor jeestay inay maa musho Som aliland, waxaana go’aankii bul shada deegaan ka ka dhashay dagaal weli socda oo Somalil and looga faro-maroojiyey maamulkii magaal ada muhiimka ah ee Laascanood.
Maydadka lix ruux oo Dorraad ku dhintay dagaal Beeleed oo Shalay Mudug lagu aasay.
Maydadka lix qof oo ku dhintay dagaal beel eed Dorraad ka dhacay Gobolka Mudug ayaa Shalay lagu aasay deegaa nno hoos taga magaalada Afbarwaaqo.
Dagaalka dadkan ay ku dhinteen oo ka dhacay miy iga tuulada Qoryo Weyn oo qiyaastii 10 km galbeed ka xigta Afbar waaqo ayaa dhexm aray xoolo dhaqato aag gaasi ku wada nool, sida ay BBC-du u shee geen dad go objoog ah.
Dagaalka waxa kaloo ku dhaa wacmay dad kor u dhaafaya toban qof. Dirirta dhex martay xoolo dhaqatada ayaa loo tiriniyaa aano hore oo dhexmartay ree rraha halk aasi wada dagan oo dhawr jeer oo hore dad isaga laayay.
Ciidamada isku dhafka ah ee amniga Gaal kacyo ayaa la geeyay meelaha ay rab shaduhu ka dhaceen, waxana lagu soo waramayaa in ha dda xaaladdu dagan tahay.
.Taliye kuxigeenkii Ciidanka Somaliland oo u goostay dhinaca xoogagga SSC
Taliye kuxigeenkii Ciidanka Somaliland oo u goostay dhinaca xoogagga SSC
Waxaa Shalay Magaal ada Laas-Caan ood ee Xarunta Gobolka Sool la gu soo dhaweeyay taliye kuxigeenkii Ciidanka Som aliland Janeraal Sale emaan Barre Geesood, kaas oo u soo goostay dhinaca Ciidamada xoogagga degaanka ee SSC. Sarkaalkan iyo Ciidamo uu wato ayaa waxaa Magaalada Laas-Caanood kusoo dhawe eyay saraakiil katirsan xoogaga SSC, kuwaas oo qeyb ka ah dagaallada ka socda duleedka Magaalada Laas-Caanood
Janeraal Saleebaan Barre Geesood, ku-xig eenkii Taliyaha Malliteriga Somali land ayaa sheegay dhankiisa inay ku biiri doonaan, isaga iyo Ciidamada uu wato dagaalka looga soo horj eedo Somaliland. Tan iyo markii uu billaawday dagaalka Laas-Caanood ayaa waxaa Ciidama da Somaliland kasoo goostay oo dhimaca xoo gagga SSC u wareegay Saraakiil iyo Ciid amo farabadan oo ka tirsanaa kuwa Som aliland
Museveni oo shaaciyay tirada askarta looga dilay weerarkii Buulo-Mareer
Madaxweynaha dowladda Uganda Yow eri Museveni ayaa mar kale ka hadlay wee rarkii xooganaa ee todobaad ka hor lagu qaaday sal dhig ay ciidankiisa ku leeyihiin magaalada Bu ulo-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Yoweri Museveni ayaa shaa ca ka qaa day xog cusub oo ku aadan weerarkaasi, isaga oo tirada askarta loogu dilay ku she egay illaa 54 askari.
Tiradan ayaa aad uga yar middii horay u shaa ciyeen Al-Shabaab oo sheegatay inay we erarkaas ku dishay ugu yaraan illaa 137 askari oo ka tirsa naa ciidamada Uganda.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidam ada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo mark aas ay saldhigga dib ugala waree geen Al-shab aab ee xiriirka la leh Al-Qaa cida Weerarkii Buu lo-Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa ka mid no qday mid kamid ah weeraradii ugu khasaar aha badnaa ee ay Al-Shabaab ka la kulm aan ciidamad ATMIS.
Madaxweynaha Uganda ayaa horay u she egay in weerarka ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhi gga ciidanka Uganda ee Buulo-Mareer.
Waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida la gu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheeg ay in ay arg agaxeen, taasina ay ka faa’iide ysteen xubnaha Al-Shabaab.
"Qaar kamid ah askartii halkaas sugn eyd ay aan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, ar ga gax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay in ay is habeeyaan, Al-Shab aab-na ay ka faa’iide ysteen,” ayuu qoraalki isa ku yiri madaxweyna ha dalka Uganda, Yoweri Museveni.
Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay "How lgala da Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howl gallo dagaal ee maaha howlo sa mafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM”.
Kenya oo shaacisay lacag badan oo ay ku bixineyso la dagaalanka Al-Shabaab
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ken ya ayaa shaacisay in malaayiin lacag ah ay ku bix ineyso la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, ka dib bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Shalay.
Waxaa kaloo ay wasaaraddu sheegtay in 1-da bisha soo socota ee July dib loo furi doono xarunta qaadashada baasaboorka Kenya ee ku taalla magaalada Gaarisa.
Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ka dha cay Gaarisa ayaa sheegay in la furi doono isku socodka shucuubta Soomaa liya iyo Kenya.
"Xadka ayaa la furayaa, seddax jeer ay aan la kulmay madaxweynaha Kenya waxa an kala hadlay in la furo isku socodka shac abka laba da dal, nabad geliyada Kenya waxaa la sugi karaa markii xuduuda la fu ro, sidoo kale was iirka difaaca Kenya Aad an Barre Ducaale ayaa iga balan qaaday in la furi doono xuduuda lab ada dal ee Soom aaliya iyo Kenya,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarl amaanka Kenya. Wasaaradda arrimaha guda ha Kenya ayaa sheegtay inay shacabka iyo ma amull ada gobollada waqooyiga dalka Kenya ay ku heshiiyeen iskaashi buuxa oo looga hor teg ayo weerarrada argagixiso ee Al-Shab aab ay ka geystaan gudaha dalkaas. "Dowladdu waxa y ku bixineysaa la dag aal anka Al-Shabaab 20 Milyan oo lacagta dalka Kenya ah, si ciidamadu ay u helaan adeegyada ka saamixi kara inay si buuxda u sugaan amn iga muwaadiniinta Ken yaan ka ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha guda ha Kenya.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay soo dhamaadeen waayihii ay Al-Sha baab dili jireen muwaadiniinta Kenyaanka ah oo ciid am ada qaranka Kenya ay beeg sa jireen, sida uu sheegay wasiirka arri maha gudaha Kenya.
Saraakiisha ugu sareysa dhinaca amn iga ee dalka Kenya waa Soomaaliya ka soo jeeda gobollada NFD ee Soomaalida Kenya, waxay na hadda masuuliyiinta Soo maalida ah ka shaqeynayaan in dib loo furo xuduuda Soomaa liya iyo Kenya.
Sidoo kale waxay siyaasiyiinta metesha Soomaalida Kenya ka shaqeynayaan in dib loo furo xaruntii bixinta baasaboorka dalka Kenya ee magaalada Gaarisa iyo xuduuda labada dal oo u go’an cabsida laga qabo weerarrada Al-Shabaab.
LIISKA HANTIDA MADAXWEYNE ERDO GAN OO LA SHAACIYEY
Hantida madaxweyne Recep Tayyip Erdo ğan iyo xaaskiisa Aamina Erdoğan ay soo ban dh igeen doorashada ku celi ska ah ka hor ayaa sidaan ahayd. La maanaha waxay leeyihiin dhul dhan 2 kun oo mitir oo laba jibbaaran oo 1988 ka gateen tuulada Dumankaya ee Güneysu, Rize, iyo guri ku yaal degmada Kısıklı ee Üsküdar. Ist anbul waxay ku leeyihiin laba saami oo midk iiba qiimihiisu dhan yahay 7 milyan iyo 695 kun oo Lira kaas oo ay gateen 2019.
Ku dhawaaqista hantida ayaa sidoo kale la gu sheegay in Erdogan iyo xaaskiisa ay heys taan 1 milyan 884 kun iyo 878 Lira, balse Must afa Erdogan lagu leeyahay 5 milyan 390 kun oo Lira.
Maxaad ka taqaanaa Erdogan, mada xeweynaha mar waddooyinka ku iibin jiray rooti?
Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sa nadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taari ikhdiisa ay ku an dacoonayaan in isagoo yar ay qoyskii sa usoo guureen Istanbul.
Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa sanadki, halka dugsiga sa rena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hat ib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Isl aamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaam cadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaa laha sanadkii 1981.
Aabbihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya do omaha, waxaana wakaaladda wararka ee Reu ters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madax weyne Erdogan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray wad dooyinka xaafadda Kas impasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxb arashada.
Dadka wali ku ganacsada wadadad Kas im pasa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan biibit ooyinka ku yaalaa xaafad aas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xiran dharka kubadda cagta lagu ciyaaro.Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kula ksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda.
Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, waxaana hadda lagu tilmaama in uu yahay hog aamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiyadana ay ka jirto.
Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xa bsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta mabaad’ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xill gaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dad weyne oo ah in uu dalka isba del ka dhaco.
Waxaa uu marar badan soo noqday ra’I isul wasaare, haddana waxaa uu markii labaad yah ay madaxweynaha Turkiga, isa goona badde lay dastuurka dalkaas. Sidoo kale Erdogan wax aa uu horay usoo noqd ay duqa magaalada Istanbul.Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa inuu yahay ra’iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga ka soo baxay ku guuleystay doorasho, sarena u qaada halka dal ka Turkiga uu ka taagnaa dunida.
Isha: BBC
Kim Yo Jong XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Haweeneyda saameynta weyn leh ee la dhalatay hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa mar kale Shalay wacad ku martay inay baritaar eyso isku day labaad oo lagu rido dayax gacmeedka basaas ka, iyadoo ka careys iisay xubnihii qeybta ka ahaa shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee ku saabsanaa ka munaaqishoodka ga ntaalkii hore ee guul darreystay ee dowladda Kuu riyadda Waqooyi.
Isku daygii Kuuriyada Waqooyi ay ku doonaysay inay ku xoojiso dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee basaaska milatariga arbacadii la soo dhaafay, ayaa guul daraystay, markii uu gantaalkiisu ku dhacay me el ka baxsan xeebaha galbeed ee gacanka Kuuriya.
Shir deg deg ah oo ay isugu imanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa la isugu yeeray, kaasoo ahaa codsi ka yimid Mareykanka, Ja pan iyo dalal kale, si loogga wada hadlo arrintan cu sub ee soo korortay, maadaama ay jebisay dowlad da Kuuriyadda Waqooyi go'aannada golaha, ee ka mamnuucaya Waqooyiga inay sameeyaan horum arin oo lagu kobcinayo oo loo isticmaalayo tiknoola jiyada ballistic.
Axaddii, Kim walaashii iyo sarkaal sare oo ka ti rsan xisbiga talada haya, Kim Yo Jong, ayaa ku tilShalayy Golaha Qaramada Midoobay "xarun si yaasadeed" oo uu Mareykanku leeyahay, isagoo she egay in shirkii ugu dambeeyay la qabtay, ka dib mar kii Mareykanka uu ka yimid "codsiga u eg mid bur caddeed".
Waxay ku eedaysay Golaha Ammaanka ee Qara mada Midoobay inay ku kacayaan "takoorka iyo akhlaaq darro" maadaama kaliya lagu falan qeynayo shirkani oo kaliya arrinta ku saabsan dayax-gacme edka Waqooyiga, halka kumannaan dayax-gacmeed oo ay direen dalal kale ay durba hawada sare ka shaqeynayaan. Waxay sheegtay in isku dayga dal keeda uu ku doonayo in uu ku helo dayax gacmeed ka basaaska ay tahay tallaabo sharci ah, oo loogga jawaabayo hanjabaadaha militari ee uga imaanaya Mareykanka iyo xulafadiisa.
"(Waqooyiga Kuuriya) waxay sii wadi doontaa inay qaaddo tillaabooyin lagu horumarinayo mashruuc eeda hawada sare, si ay u isticmaasho dhammaan xuquuqda sharciga ah ee waddan madaxbannaan, oo ay ku jirto midda dayax gacmeedka sahaminta militariga," Kim Yo Jong ayaa ku tiri hadal ay ku baahisay warbaahinta dowladda. Gantaal lagu soo bandhigayo dabaal dag
XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Hadalkeedii hore ee Jimcihii, Kim Yo Jong, ayaa waxay ku sheegtay in dayax ga cmeedka basaaska ee dowlada Kuuriyada Waqooyiga "si sax ah loo ge lin doono haw ada sare mustaqbalka dhow" laakiin ma ay san sheegin goorta isku daygeeda labaad ee hawada lagu tala jiro.
Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed, ayaa Arbacadii u sheegay sharci-dajiyayaasha inay u badan tahay inay ku qaadan doonto "in ka badan dhowr toddob aad" in Kuuri yada Waqooyiga ay ku qaaddo tallaabo kale, iyagoo marka hore ogaanaya sababta keentay inuu guul dareysto gantaalkii hore, laakiin waxaa laga yaabaa inay isku daydo in mar labaad ay gant aal rido dhawaan haddii cilladuhu aysan halis ahayn. Maamulada Washington, Seoul iyo kuwa kale, ayaa dhaleeceeyay mashruuca hawada sare ee dayax-gacmeedka Kuur iyada Waqooyiga, oo kor u qaaday xiis adaha caalamka, waxayna ku booriyeen inay ku soo laabtaan hannaankii wada hadallada.
Dayax gacmeedka qaabilsan ilaalinta militariga, ayaa ka mid ah liiska hababka hubka ee casriga ah, ee Kim Jong Un uu wacad ku maray inuu gaari doo no ka miro dhalinteeda, iyadoo ay sii daba dheera atay xiisadda amni ee kala dhexeysa Mareykan ka. Tan iyo bilowgii sanadkii 2022-kii, Kim, ayaa waxa uu sameeyay in ka badan 100 gantaal, taasoo uu ugu yeeray digniin ku socota dhoolatusyada milatari ee la ballaa riyay ee u dhaxeeya dalalka Mareykan ka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Khubarada ayaa sheegaya in Kim uu jeclaan lah aa in uu u isticmaalo hubkiisa la casriyeeyay, si uu uga helo tanaasul ka yimaada dhanka maamulka Washington, iyo arrimaha la xiriira diblomaasiyadda ee mustaqbalka soo socda.
Waqooyiga Kuuriya, ayaa lagu soo rogay cunaqa batayno kala duwan oo Qara mada Midoobay ah, sababo la xiriira tijaa booyinkii hore ee Nukliyeerka, gantaalaha iyo kuwa hawada sare ee dayax gacme edka. Laakiin Golaha Ammaanka ee Qar amada Mid oobay, ayaa ku guuldareystay inuu adkeeyo cuna qabateyntan la xiriirta dhaqdhaqaaqyadii tijaabada ahaa ee Kuuriyada Waqooyiga, maadaama Shii na ha iyo Ruushka, oo labaduba ah xubn aha joogtada ah ee golaha Qaramada Mid oobay, ay hor istaage en isku dayga Mar eykanka iyo kuwa kale, ee ay ku doonayeen inay tallaabo ceynkaas ah qaadaan.
Intii lagu guda jiray kalfadhigii ugu dam beeyay ee golaha Qaramada Midoobay Jimcihii, dalalka Shii naha iyo Ruushka, ayaa mar kale is maan dhaafeen Mareykan ka, iyadoo khilaafku uu ku saabsanaa ha wlaha socda ee Kuuriyada Waqooyi, gaar ahaan gantaalka guul daraystay.
Kim Jong Un iyo walaashiis Kim Yo Jong
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Ka dib guuldarrooyin is xig xigay, Kuuriyada Woqo oyi, ayaa waxay ku guuleysatay mashruuca dayax gacmeedyada ee kor joogteynta dhulka sanadkii 2012-kii illaa iyo 2016, laakiin khubarada ajnabiga ah, ayaa sheegaya in aysan jirin wax caddaynaya in dayax gacmeed ka asi uu soo gudbi yay sawirro ama xog kale.
Sidoo kale Axa dii, Kuuriyada Wa qooyi, ayaa waxay ku hanjabtay inaysan sii ogeysiin doonin hay’adda caalamiga ah ee badaha iyo dayax gacmeedka waxyaabaha ay qabaneyso mustaqbalka soo socda, si ay u muujiyaan iney ka xun yihiin cambaa reynta kooxda ee tijaabooyinka gantaal lada Kuuriyada Waqooyi.
Guddiga badqabka badda ee hey’adda IMO, ay aa Arbacadii ansixiyay qaraar naa dir ah, oo ku dha leeceeyay Kuuriyada Waq ooyi qaadista tall aabooyin, iyadoo aan oge ysiin sax ah aysan sam eynin, taasoo "si dhab ah u halis gelisay badqabka badmaa xiinta iyo maraakiibta caalamiga ah."
Kim Myong Chol, oo ah falanqeeye arr imaha caalamiga ah ee Kuuriyada Waq ooyi u dhashay, ayaa hadal uu soo saaray, oo ay soo gudbisay warb aahinta dowladda dalkaasi ku yiri: "Musta qbalka, hey’adda IMO waa inay ogaataa oo ay qaaddaa tilla abooyin taxadar leh iyada lafteeda, mudd ada uu socdo hawlgalka hawada sare, ee loo dirayo dayax gacmeedka (Kuuriyada Waqooyiga), iyo saameynta guracan ee uu yeelan karo, iyo iney usii diyaar garo wdaa inay si buuxda u qaado mas'uuliyadda dha mmaan cawaaqib xumida ka dhalan karta ridista gan taalka xambaarsan dayax gacm eedka."
Ka hor inta aan la dirin dayax gacmeed ka basaa ska ee dhawaan, ayaa Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in hey’adda IMO iyo dalka Japan in hawlg alkaasi la fulin doono, uuna dhici doono inta u dhax aysa May 31 iyo June 11-ka.
XIGASHO:BBC
Maleeshiyo Mucaarad Ku Ah Dowlada Moscow Oo Sheegtay Inay Qabteen
Askar Ruush Ah
Dagaalyahannada mucaaradka ku ah xuku umadda Moscow ayaa sheegay in ay qabteen qaar ka mid ah askarta Ruushka ee ku sugan Belgorod, oo u dhow xadka Ukraine.Maleeshiyaadkan ayaa sheegay in ay askartan u gacan gelin doonaan ciid am ada Ukraine.
Ruushka ayaa Ukraine ku eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay xuduuda ay wada agaan.Balse xukuumada Kyiv wuu diiday inuu si toos ah ugu lug leeyahay.
Ciidamada Ruushka ayaa sheegay in madaafiic ay ku garaaceen koox argagixiso ah meel u dhow tuu lada Novaya Tavolzh anka, iyaga oo intaa ku daray cadowgu wuu kala firdhiyey oo dib u gurtay.
Goor sii horreysay, koox dabley ah ayaa farriin ku soo saartay barnaamijka Telegram-ka, iyagoo ku soo bandhigey labo ruux oo ay qabteen, laakiin ay ku wareejin doonaan haddii guddoomiyaha Belgorod Vyacheslav Gladkov uu oggola ado wadahadal.
Fariinta waxaa soo dhejiyay Liberty of Russia Legion (FRL) waxaana lagu tilma amay inay tahay bayaan wadajir ah oo ay la leeyihiin kooxda is aba abushay ee Ruushka (RDK).
Mr Gladkov ayaa ku jawaabay muuqa alkiisa Telegram-ka, isagoo sheegay inuu aqbalay wadaha dallada haddii askarta la tuso inay weli nool yihiin – isagoo intaas ku daray inuu u malaynayo inay u badan tah ay in la dilay.
Kadib, RDK ayaa soo dhejiyay muuqaal dheeri ah markan u muuqda inuu muuji nayo maxaabiis badan, taas oo ay ku sheegeen in Mr Gladkov uu ku guul darey stay inuu soo xaadiro kulanka.
Waa kuwee dagaalyahannada ka soo gal aya Ruushka dalka Ukraine?
Labada kooxood ayaa doonaya inay xuk unka ka tuuraan madaxweyne Vladimir Putin, waxayna sidoo kale ka soo horjeed aan duulaanka buuxa ee Ukraine oo uu bil aabay bishii Febraayo ee sanadkii hore.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in labadan urur ee milatariga ah ay ka koob an yihiin muwaa diniin Ruush ah oo doona ya inay aag ammaan u sameeyaan dadka reer Ukraine.
RDK waxa ay caan ku noqdeen bishii March duula anka xuduudka ee gobolka Bryansk ee Ruushka. Hogaamiyeheedu waa wadani Ruush ah oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay neo-Nazis.
FRL waxaa loo arkaa nooc ka duwan ururo ka barbar dagaalama ciidamada Yukreeni yaan ee ka dhanka ah ciidamada Ruushka.
Waxaa ka dhacay weeraro is daba joog ah Belgorod dhawaan,waxaana ka mid ahaa duullaan weyn oo dhanka xuduuda ah dabayaaqadii bishii hore kaas oo Moscow ay sheegtay in lagu dilay 70 ka mid ah fallaagada.Kyiv ayaa beenisay in ay si toos ah ugu lug leedahay weeraradan.
Balse waxa ay ku tilShalayy rabshadaha sii kor dhaya ee ka socda dhulka Ruushka in ay yihiin cawaaqib xumadii ka dhalatay duulaankii Ruushka ee sanadkii hore.
XIGASHO;BBC


0 



HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 5-TA JUUN 2023-KA
..