
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 31-KA MAY 2023-KA
RW Xamse oo Isimada Dhaqanka Gobolka Sool kala hadlay xaaladda Laas-Caanood
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Ra’Iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadl ay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobo lka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aq bali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaq an ka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhib aatada, isagoo kula dardaarmay in ay doork ooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.
Garaadada Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wa saa raha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaw eynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhib aatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.
Habeen ka hor ayay aheyd markii Gar aada da Dhaqanka SSC ay Muqdisho kula kul meen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud, iyaga oo kala hadlay xaaladda Mag aalada Laas-Caanood.
Guddoomiyaha golaha shacabka oo dhagax dhigay Dekadda Baraawe
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlama anka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galb eed ayaa dhagax dhigay Dekadda caasimadda KGS ee Baraawe.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay maal gashtaan deegaannadooda gaar ka ah aan dadka ka soo jeeda Gobolka Shabee llaha Hoose, isagoo xusay hadii dadka degaan ka ay dib ugu soo noqdaan Baraawe maal gashtaan ayna ka shaqeeyaan amniga waxay wax badan ka tari doonta kobaca dhaqaalaha ee dalka.
Isu soo bax lagu taageerayay Madaxweyna ha Turkiga Erdogan oo ka dhacay Muqdisho
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa Shalay ka qeyb galay dibadbax nab adeed oo ay Bulshada magaalada Muqdisho ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweynaha Jamhu uriyadda aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Re cep Tayyip Erdogan. Dibadbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa wa xaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir,
Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka, Gudd oomiyeyaha asha Degmooyinka iyo boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Du qa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuse en Jimcaale (Madaale) ayaa goobta ka jeed iyay qudbad la xariirta doorka uu Madax weyne Erdogan ku leeyahay dib usoo kabashada Dal ka iyo xoojinta dhismaha Qaranka Soomaali yeed, asigoo sheegay in Madaxweyne Erdogan Imaashiyahiisa Muqd isho ay wax weyn ka ba dashay aragtidii caa lamka ee ka qabeen Soo maaliya.
Sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaannadii isu soo baxa ka hadashay ayaa si wadajir ah u xusay in dib u doorashada Madaxweynaha Tu rkiga Erdogan ay tahay talaabo taariikhi ah, ayna ugu hambalyeeynayaan guushaas.
Wasiirka gaashaandhigga dalka oo la kul may safiirka cusub ee UK
Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku lan la qaatay safiirka cusub ee UK u qaabi lsan Soomaaliya Mr. Michael Nithavria nakis, iyagoo is dhaafsaday arrimo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Ingiriska.
Wasiirka ayaa si diiran u soo dhaweeyay Safiirka oo Soomaaliya ka bilaabay shaqadiisa diblomaasiyadeed, isagoo xusay in uu rajeyn ayo danjiraha cusub inuu sii wado calaaq aad ka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska, islamarkaana la iska kaashado ciribr irka argagixisada iyo tababarka ciidanka Soomaaliyeed.
Danjire Michael Nithavrianakis ayaa xusay in UK ay sii wadayso taageerada ay siiso ciid anka xoogga dalka oo isugu jirta tababar iyo taageero farso, si loo wiiqo awoodda kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab Isgoona shee gay in talaabadaasi ay ka turjumeyso xariirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Ba naadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md., Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Danjire, Ibrahim Mete Yaglim ayaa ka wada hadlay xoo jinta xariirka Dowladda Turkiga iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dar-dargelinta Mataaneynta Muqdisho iyo Magaalooyinka dalka Turkiga iyo iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga iyo is-dhaafsiga aqoonta.
Hantidhawraha Qaranka oo qaabbilay sii hayaha Saafaradda Norway ee Soomaaliya
Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane, Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa Shalay qaabbilay sii hayaha Saafaradda Norway ee Soomaaliya Mudane, Haakon Svane iyo Mad axa Iskaashiga Saafaradda ee Kenya iyo Soo maaliya Mudane, Erling Hess Masuuliyiinta ay aa waxay isla soo qaadeen xiriirka iskaashi ee ku aaddan kobcinta awoo dda iyo xirfadda haw lwadeennada Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo dardargalinta dedaa llada lagu xoojinayo nidaa myada isla-xisaab tanka iyo daahfurnaanta ee ka jira heer fede raal iyo maamul goboleed.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ay aa dhawaan waxa uu la saxiixday heshiis aqo on-iswaydaarsi saddex-geesood ah Hay’adaha IDI iyo AFROSAI-E, kaasi oo ay taabbagel intiisa taageerayso Safaaradda Boqortooyada Norway.
Ra’iisulwasaare Xamse:” Shalaya waxaan isugu nimid in aan ganacsiga Soomaliya ku xirno midka Caalamka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warsha daha iyo Tamarta.
Ra’iisul Wasaaraha oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku nuux nu uxsaday kaalinta ganacsiyada gaarka loo lee yahay ay uga jiraan kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuq geeyo khayr aadka dihan ee Soomaaliya.
Ra’isul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey si da lagu gaari karo himilooyinka ku qotoma hor umarinta dhaqaalaha, ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso abuuridda jawi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami. Waxuuna u xaq iijiyey cid walba oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha dalka in uu suuqa Sooma aliya u furan yahay, isla markaana la meel-mar iyey shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shishe eye.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u xus ay dalka Talyaaniga oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Sooma aliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qal abka beeraha, iyo daawada halka Soomaa liya ay u diri jirtay kaluun, muus, iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, waxuuna ku boorriyey gana csatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan furs adaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soo maaliya.
Shariif Xaaji oo ka mid noqday Baarlamaan ka gobolka Alberta ee dalka Canada
Shariif Xaaji oo ah Somali ka tirsan Xisbiga NDP ayaa noqday Xildhibaankii ugu hor eeyay ee Somali ah oo ku gu uleystay si aqlabiyad leh do orasho ka dhacdaygobolka Alberta maalinimadii Dorrad oo Isniin aheyd.
Xildhibaan Shariif Xaaji oo galay tartan doo rasho oo aad u adag ayaa ku guuleystay codad gaaraya boqolkiiba 52.5.
Sayid Ahmed oo ah Somali ka tirsan xisbiga UCP ayaa ahaa shaqsi sida aadka ah ula tartamay Xildhibaan Shariif Xaaji, wuxuuna helay Sayid Ahmed codad gaaraya boqolkiiba 41.4.
Doorashada Xildhibaan Shariif Xaaji ayaa ka dhigan in markii ugu horreysay ay Somalida yeesheen Xildhibaan heer gobol ku matala Baarlamanka gobolka Alberta, kaasoo guul la taaban karo kasoo hooyey magaalada Edmo nton ee Caasimadda gobolka Alberta ee dalka Canada.
Dhanka dolwadda Federaalka Canada waxaa markii sadaxaad Xildhibaan ka noqday Axmed Xuseen oo haatan ah Wasiirka Gury eenta iyo Jinsiyadaha ee dowladda Canada, waxaana sidoo kale xusid mudan in doorashoo yin horay uga dhacay gobolada Ontario iyo British Columbia iney kusoo baxeen Somali.
Madaxweyne Deni oo arrin khatar ah ku til maamay heshiiska ay Muqdisho ku gaareen golaha wadatashiga qaran
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa sheegay in aysan waxba ka qusaynin heshiiskiigolaha wadatashiga qaranka ay ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasoo wax looga bedd elay qaab dhismeedka dowladda Soomaaliya
Madaxweyne Deni ayaa arrin khatar ah ku tilmaa may qaab dhismeedka la gu heshiiyay, isagoo ka digay in wax aan lagu heshiisinin oo bulshada laga talo galin, lagu dhaqaaqo.
Deni waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu ku xadgudbayo awood qeybsiga siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay tan iyo markii uu madaxweynuhu xilka la wareegay inuu ku tagri falayay awoodihii xaf iiska raysal wasaaraha dalka.
"Xafiiska la leeyahay waala baabi’iyay, suuragal ma aha, cid aan dadkeeda ahayn iya doo lagala tashan in la iska baabi’in karo, waa na ka xumahay kuwa qeybta wax kaleh ee me esha fadhiyay sida ay u aqbaleen ama ula qaateen,” ayuu yiri madaxweyne Siciid Deni.
"Soomaaliya sida ay hadda wax ku socoto waxaad moodaa inay ka leexatay waddadii qa anuuniga ahayd. Puntland na way cadde ysay mowqifkeeda ah, iyadoo raacaysa dastuu rke eda iyo kan Dowladda federalka, inay si gaar ah u dhaqmayso inta laga helayo miyir qab iyo wax heshiis lagu yahay,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inuu guddi u saaray mowqifka Puntland uga de gsan heshiiskii doorasho ee Muqdisho lagu galay, isagoo sheegay in bulshada iyo axsaabta mucaaradka laga qeyb galindoono taladeeda.
Duqa Muqdisho oo qaabbilay Danjiraha Dow ladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xu seen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowl adda hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mud ane, İbrahim Mete Yağlı, uguna hambalye eyay guusha taariikhiga ah ee dib u doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi karin kaalinta ay Madaxwe yne Erdogan iyo shacabkiisa ku leeyihiin Dawlad-dhiska iyo horumarinta Dalka Soo maaliya, isla mar ahaantaasna u rajeeyay shac abka iyo Dawladda Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda.
Danjie İbrahim Mete Yağlı, ayaa ugu mah adceliyay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir dareenka walaaltanimo oo ay ku muujiyeen farxadda guusha dib-u-doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan,
Ururrada Bulshada Rayidka oo war kasoo saaray warmurtiyeedkii kasoo baxay GWQ
NCC
Ka dib markii ay tooddobaadkan Golaha Wa datashiga Qaran soo saareen warm urtiyeed ku saabsan han na anka doora sho ee ay So omaaliya yeelan doonta, ayey iskasoo daba dhac ayeen ka falcelinta ku aaddan qodobada ka hadlaya doorashada, wa xaana ugu dambee yay hadda ururka bulshada rayidka ah oo soo saaray "talooyin iyo aragtiyo xambaarsan dar eenka shacabka".
Waxay bogaadiyeen in doorashooyinka dalka loo raro heer qof iyo cod ah, balse waxay dhali ileen go'aamada GWQ oo ay ku tilmaameen kuwa aan "ku dhis nayn xog uruurin dhab ah", iyaga oo sidoo kale sheegay in aan lala tashan hay'adaha dawladda heer federaal iyo heer dawlad goboleed midna.
Waxay soo saareen qodobbo ay ka mid yihi in in marka hore la sameeyo sharci doorasho iyo in la dhamaystiro dastuurka qabyadaha iyo sidoo kale in baarlamaanku "aysan kuu deg degin" ansixinta heshiiskan.
Shirkii ay dhawaan yeesheen Golaha Wadat ashiga Qaran ayey kasoo bexeen qodobbo la sheegay in ay ka baxsan yihiin dastuurka dalka, kuwaas oo ay siyaabo iska ag dhow uga hadleen dad ay ka mid yihiin siyaasiyiin u badan madaxdii hore ee Soomaaliya
Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay koox Qarax fulisay
Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa Shalay gacanta kusoo dhigay nin weerar ka geystay qeybo kamid ah degmada Hodan, kaa soo la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in nink an uu Bam gacmeed ku tuuray fariisin ay cii damadda amaanka ku leeyihiin xaafadda Jaam acadaha, waxaana qaraxa kadib ciidamada ay eryadeen ninka falkaasi geystay, kaasoo ay gacanta kusoo dhigeen.
Saraakiil qeyb ka ah howlgalkan ayaa warb aahinta gudaha u sheegay in sidoo kale gacan ta lagu soo dhigay laba haween ah oo ninkan weerar kala shaqeeyay, haweenkan waxaa la ga soo qabtay xaafada Hanata-dheer ee deg mada Deyniile, waxaana xogtooda bixiyay nin ka la soo qabta
Saraakiisha waxa ay hadalkooda sii raaciy een iney wadaan baaritaano dheeraad ah, sad dexdan danbiilayaasha ahna la horgeyn doono sharciga, si talaabo looga qaado.
Si kastaba, amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xaafad aha magaalada lagu daadiyay ciidamo dharcad ah oo NISA ak tirsan, sidoo kale meelaha laga soo galo magaalada waxaa la dhigay ciidamo NISA ah, iyadoo si aad ah loo hubiyo gaadiidka soo galo caasimadda
ATMIS oo shaacisay iney ka jawaabtay wee rarkii Al-shabaab ee Saldhiga degmada Buula mareer
Taliska guud ee ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS, ayaa shaaciyay iney weerar ka dabatag ah ay kaga soo aar gut een dagaalamayaashii shabaab ee Jimcihii la soo dhaafay weerarka geystay Saldhiga ciid anka ATMIS ee degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciid anka ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidanka ATMIS iyo kuwa xoogga dalka ay weerarka ka dabataga ah ay ku dileen xubno badan oo tirs an kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay dib u ga soo furteen hub kala duwan oo ay kooxda ka qaadatay Jimcihii lasoo dhaafay Saldhiga ATMIS ee degmada Buula mareer.
”Ciidamada ATMIS iyo Cii damada Xoogga Dalka So omaaliyeed ayaa ku guula ystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah. Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xe rada Buulo Mareer” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka ATMIS.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda Sooma aliya ay sii xoojinayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Warkaan kasoo baxay Taliska ATMIS ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaaf ay kooxda Al-shabaab ay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ay ku lahaayeen degmada Buulo mar eer, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay sheegatay in weerarkaasi ay ku dileen 200 oo askari.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la fashiliyay weerar Alshabaab Shalay ku qaadeen degaanka Masagawaa
Ururka Alshabaab ayaa Shalay hiirtii waa beri weerar culus ku qaaday degaanka Mas ag awaay ee gobolka Galgaduud, halkaas oo far iisin u ahayd ciidamada xoogga dalka Soomaal iya. Kooxda Alshabaab ayaa sheeganaysa inay la wareegeen deegaanka Masagaawaa.
Balse, ciidanka Xoogga Dalka Soomaal iy eed ayaa sheegay inay ka hortageen wee rarka Alshabaab ay kusoo qaadaan Magaalada Mas agawaay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Alsh abaab halkaasi looga dilay tiro oo malee shi yaad ah.
Dowladdu waxay sheegtay in ciidanka xoog ga dalku ay ka warqabeen weerarka Al shab aab.
Waxay sheegtay in cidanku haatan ay sii baa csanayaan firxadka kooxda Alshabaab.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Alshabaa b ay cagta mariyeen saldhiggii ciidanka ATMIS ee degaanka Buulo Mareer.
HAL SANO KADIB MAXAA ISKA BEDDELAY CIIDANKII DOWLADDA EE WEERARI JIRAY SIYAASIYIINTA?
Soomaaliya, ciidanka ayaa mar haystay xuk unka muddo 21 sano ah. Laakiin dib u cura shada Jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaa liya waxaa aad looga foojigna in askartu siy aasadda ku dhex-milanto.
Nidaamkii dhawaan awoodda laga wareejiy ay ee madaxweyne Farmaajo ayaase u muuq day inuu dib u qaabe ynayay inay ciidanku mar kale xeyndaabka siyaasadda kusoo laabtan.
Intii uu xukunka hayay madaxweyne Far maajo, ciidanku waxay fuliyeen weeraro siyaa sadeed oo dhimasho sababay, madax maamul-goboleed ayay xukuno u boobeen, xildhibaano ayay soo noqdeen, sidoo kalena hanti xooggan ayay si musuq lagu sheegay ku heleen oo ay qaarkood dabaqyo kaga jeexdeen caasimadda.
Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda hogg aaminaya Soomaaliya wuxuu dhowr jeer isaga oo mucaarad ah ku baaqay inay ciidanka ka dhex baxaan loolanka siyaasadda, oo ay diira da saaran amaanka dalka iyo dagaalka Al-Sha baab, laakiin lagama qaadan talladaas.
Sanad kadib markii uu xukunka qabsaday madaxweyne Xasan Sheekh ciidanku waxay Shalay intooda badan joogaan furimaha daga alka, qaarna caasimadda ayay ku guuleysteen inay ka dhigaan mid amni ah oo ka wanaagsan sidii hore. kama hadli karaan siyaasad, mud dadaasi sanadka ahna ciidanku kama geysan wax duulaan siyaasadeed ah maamul-gobole edyada iyo federaalka intaba.
Inkasta oo xilliyada ay ciidanka badi siya asadda ku milmaan ay tahay waqtiyada doora shooyinka, haddana madaxweyne Xasan She ekh waxa uu sheegay in dib u habeynta ay cii danka ku sameeyeen iyo inay siyaasadda ka saareen ay dhaxal-siisay guullo waaweyn oo dhanka amniga ah.
"Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxa ana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda, oo sanadka aan joognay aysan dhicin. Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hana shada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
"Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiy aalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soom aaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo mu ddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Kha waarijta Al-Shabaab. Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2-aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii ALLE idmo.”
"Khawaarijta Al-Shabaab waa cudur daawa diisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu ho ggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-Shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalk oodu yahay waajib Diini ah oo saaran qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah.”
By:-Abdullahi Osman Farah
Xigasho:caasimadda.net
Shir u dhaxeeya Mas’uuliyiin katirsan DFS & Dowlad Goboleedyada oo ka furmaya Muqdisho
Waxaa lagu wadaa in Shalaya Magalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Wasiirada Cadd aaladda dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.
Kulankaan oo ay qabaneyso Wasaaradda Cadaaladda dowladda Soomaaliya ayaa daba socda kulamadi farsamo ee hore u qabsoomay 21-24 may 2023 oo lagusoo gorfeeyay hawl-gel inta hannaanka garsoorka iyo Asluubta, shur uucda, habraacyada, iyo hababkii loo hirgelin lahaa.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Das tuurka Xasan Macalin iyo Wasiiradda Cada aladda Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in kulanka ay khudbado ka jeediy aan, iyaga oo kaga hadli doona sida Sooma aliya ay u yeelan karto garsoor cadaalad ah. Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa wadamada aan ka jirin cadaaladda dhinaca Garsoorka ah, waxaana jira cabasho ka imaaneysa Sha cabka Soomaaliyeed, balse Madaxda Sare ee dowladda ay sheegeen in wax laga qaban doono.
Muxuu yahay Howlgalka Cusub ee Dowlad du ku dhawaaqday (Warbixin).
Abaabul xooggan oo ay sameysay Dowla dda Soomaaliya, ciidamada Xoogga iyo shac abk aba waxay ku guuleysteen in ay soo gabag abeeyaan wejiga koowaad ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-shabaab oo meelo badan lo oga xoreeyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soo maa liya ayaa ku dhawaaqay in ay diyaariyeen we jiga labaad ee howlgalka lagu ciribtirayo Khawa arijta.Howlgalkan ayuu madaxweynuhu ku sheegay inuu ka awood badan yahay midkii ho re, muhiimadiisuna wuxuu ku tilmaamay inuu yahay kii ugu dambeeyay oo lagu afjarayo ar gagixisada.
” Waxaa dib u bilaabanaya wejiga labaad ee howlgallada,kaas oo noqonaya midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab ha ddii Alle idmo, Khawaarijta Al-shabaab waa cu dur daawadiisu ay tahay in la dabar-gooyo kal iya, Dowladda aan anigu hoggaamiyo madaxw eynahana aan ka ahay oo aad adinku ii doora teen waxaa go’aan iga ah in la ciribtiro Al-shab aab, loogu galo goob iyo god kasta oo ay ku jiraan, ” ayuu yiri madaxweynaha JFS Xasan sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa labada gole ee Baar lamaanka, wuxuu ka hor sheegay in wax siyaa sad ah aysan ka lahayn dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta,dagaalkana uu yahay mid cibaado ah. ” Inaan labada gole ee Baarlamaanka hortii sa hoosta uga xariiqo in dagaalka Khawaa rijta Al-shabaab uusan ahayn mid dano siyaa sad la ga leeyahay ama Ajende siyaasadeed mid dhow iyo mid laga leeyahay inuusan ahayn, dhiigga iyo amniga shacabka Soomaa liyeed ma ahan mid siyaasad iyo gor gortan ka furan yahay,sidaasi daraateed, waxaan aami nsan na hay in laga fogaado is qab-qabsi kasta oo siya asadeed oo fursad looga mashquulo ku abuuri kara Khawaarijta haddii Alle yiraahdo,”.
Howlgalka lagu doonayo in Soomaaliya looga dhigo mid ka caaggan Khawaarijta, wax aa bar bar socda sidii ciidanka qaranka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.
” Hadda waxaa la joogaa waqtigii aan amn igeenna iyo talladiisa dalkeenna aan ka war eegi lahayn oo ah iyadana markii ugu horeysay dowladnimadeennu halkii ay ka hana qaadi lah ayd, Dal gobnimadeennuna maalintaas un bey dhab tahay haddii Alle yiraahdo,”.
Wejigii koowaad ee dagaalka ayaa mira dha lay, waxaanna suurta gashay in Al-shabaab la ga xoreeyo deegaanno iyo degmooyin badan oo ay muddo 15-sanno ku dhow dadka ku dhib aateyn jiraan, kuwaas oo hadda shacabka si nabad ah ugu nool yihiin.
XIGASHO:-SONNASO.SO
TACSI TIIRAANYO LEH
Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr.Jimmy}, Mux uddiin Axmed Jimcaale {Tusbax} Salaado Axm ed Jimcaale,Madiino Axmed Jimcaale, Xab iibo Axmed Jimcaale {Biibto},Maryan Axmed Jimc aale, Safiyo Axmed Jimcaale, Ilmo Maxamed Axmed Jimcaale, ay ka mid yihiin:- Cabdi Max amed Axmed, Axmed Maxamed Axmed, Farx iyo Maxamed Axmed, Faadumo Maxamed Axm ed, Ilmo Maxamuud Axmed Jimcaale {Shataar, kala ah:- Maxamed shataar, daa’uud shataar, Daahir Shtaar,Axmed Nuur Shataar, Salaad shataar, ayuub shataar Fowsiyo Shataar, ilmo Sayid Cismaan Axmed Jimcaale {Siidoow} C/hi Siidoow, Zakariye Siidoow, Xaliimo Siidoow, Ilmo Xaalwo Axmed Jimcaale :- Qadro C/laahi Cali Hagarreey,Maxamed Xasan Xuseen {An naa leh} Xamdi Cumar Xasan, Raxmo Maxa med Maxmuud{Lajecel} Farxiyo C/casiis C/la ahi{ f.Caddeey} Nuurto Cali Cu mar, Naasir Cali Cumar, Najiib Cali Cumar, Nu uradiin Cali Cum ar, Nasro Cali Cumar, Nimco Cali Cumar, Muu se Maxamed Cismaan {M/ki imiko},Cabdi Saal ax Siyaad, Cabdiwahaab Maxamed Cismaan, Maxamed Macaallin Ibaraa hin Cabdulle, Max amuud Axmed Xasan {Xuurshe} Maxamed Shiil Xasan {Shiil} ,Bashiir Cali Xuseen {Barbaariye} Aadan Cabdulle Mah di Qeyloow, Maxamuud Maxamed Cilmi {Maa lyo} Cismaan Xuseen Ax med {Waryeel} C/hi Cali Xasan Kuus oow,Nuur Maxamed Cali{N. Qamadi}, Sh.Xas an,C/fitaax Maxamed Salaad {Diyeeshe} C/hi Maxamed Sa laad {Dalle}, Sheekh Daa’uud Maxamed Sa a ad,Xaawo Yuusuf Ovary}C/laahi Xasan Cali Kuusoow, ,Zuuki Cali Xasan Kuusoow, Taliye Nuur Gaabaay,Salaad Muxumed Dheere, Luul eey Muxumed Dheere, Axmeddeey maxamuud Axmed yusuuf, Maxamuud Qaliif Cali Geeddi, Xaliimo Khamiif Cali Geeddi,Aamino Maxamed Cismaan, Xaliimo Bashiir, Maxaaddeey Bashiir, Madiino Axmed Yuusuf{Saareey}, iyo kuwo ka le dadkaasoo ku kala sugan dalka iyo dibbada waxaay Dhammaan ugu Tacsiyadeynayaan Qoyskii iyo qarabadii ay ka geeriyoodaty MARX UUMAD CIMRA DAAHIR DHUXUL oo kala ah:- Maxamed Axmed Deeq Cali Ibaraahin Ax med Deeq Cali {Shaash}, Aadan Axmed Deeq Cali {Aanneey},C/hi Axmed Deeq Cali {Cadda ay} Xaliimo Axmed Deeq Cali iyo Dhammaan Carruurtoda waxayna leeyihiinAlle ha idin ka Samir siiyo Hooyo CIMRA DAAHIR DHUXUL Shalay30/5/2023 ku Geeriyootay Magaalada Muqdisho Samir iyo immaan saadaq ah alle ha idinka siiyo iyadana Jannadii Fardozo haka war aabiyo
Aamiin Aamiin Aamiin.
INNAALILAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN
Sisi In Safiirada Dalalkooda Dib Loo Soo Cel iyo Iyo Erdogan Oo Ku Heshiiyey
War ka soo baxay Madaxtooyada Masar ay aa lagu sheegay in Madaxw eynaha Masar Abde l Fatt ah El-Sisi iyo Madaxweyna ha Tur kiga Recep Tayyip Erdogan ay isku raaceen in si deg-deg ah loo hagaajiyo xiriirka dibluma asi yadeed ee labada dal ayna is dhaafs adaan sa fiiro. l-Sisi ayaa kula hadlay taleefoonka Erdog an si uu ugu hambalyeeyo guushiisa madaxwe yn enimo.Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry ayaa booqday Turkiga bishii Abriil, wuxuuna la kulmay dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu, labada dhinac ayaa mark aas ku heshiiyay in kor loogu qaado heerka xiriirka diblomaasiyadeed iyo in loo diyaar garoobo shir madaxeedka labada madaxwey ne, si loo afjaro toban sano oo xiisad u dhex eysay labada dal.
Shoukry ayaa goor sii horeysay sheegay in isaga iyo dhiggiisa Turkiga ay ka wada shaq eynayaan sidii loo qabanqaabin lahaa kulan suurtagal ah oo dhexmara Madaxweyne Al Sisi iyo Madaxweynaha Turkiga Erdogan.
Axadii, Erdogan ayaa ku guuleystey doo rashadii ku celiska ahayd, waxaana uu xaqiiji yey in markii saddexaad inuu noqdo mada xw eynaha Turkiga.
Dad ku geeriyooday dab ka kacay Isbitaal
Saddex qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhin teen Dab ka kacay Isbitaal ku yaalla Koonfurta Caasimadda dalka Austria ee Vienna.
Afhayeenad u hadashay Hay’adda Caafim aadka Go balka ayaa sheegtay inuu da bkaasi Saqdii Dhexe ee Habeen hore ka kacay Isbitaal ku yaalla Deeg aanka Modling oo 14 KM u jirta Caasimadda dalkaasi ee Vienna.Maamulayaasha waxay sheeg een inay 170 Gaadiidka Dab-damiska, 33 gaadiid kale iyo Ko ox ka socotay Hay’adda Bisha Cas ee dalk aasi ka qeyb qaateen Dami nta Dabkaasi oo qaada tay muddo 2 saacadod.
Dhanka kale, Bukaanada aan dhaawacmin waxaa loo daad-gureeyey Xarumo kale oo Caa fimaad, waxaana bilowday Baaritaanka waxa sababay Dabkaasi dhimashada iyo Khasaara ha Hantiyeed geystay.
Niger oo sheegtay inay dishay 55 xubnood oo ka tirsan urur xiriir la leh Daacish
Ciidamada dalka Niger ayaa Isniintii sheegay inay dileen 55 xubnood oo ka tirsan kooxaha Isl aamiyiinta ee xidhiidhka la leh ururka Daa cish, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.
Hawlgalkan oo socd ay muddo 22 maalmod ah, ayaa la soo gebag ebee yey maalinimadii Axaddii, iyada oo la bar tilmaameedsaday goob aha ay ka degan yihiin kooxaha Islaamiyiintu gobolka ku yaalla dhina ca woqooyi bari oo ay xuduud kala wadaagaan dalka Nigeria.
Tirada xubnaha ay ka dileen kooxaha Isla amiyiinta, ayay ciidamada milaterigu ku faafiye en majalad ay leeyihiin ciidamada milat erigu, kaas oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP Isniintii. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa culays dhinaca amniga ah ku haya dalal ka Chad, Nig eria,Niger iyo Cameroon. 40 dal ayaa heshiiska dhan ah kooxaha Islaamiyiinta waxa ay gaadhe en sannadkii 2015, kaas oo ay ku yagle eleen ciidamo heegan ah oo la dagaalama.
Biden oo qadka taleefanka kula xiriiray Erdogan kaddib guushiisi
Afhayeenka Madaxtooyada Ibrahim Kalın ayaa ku dhawaaqay in MadaxweyneRecep Ta yyip Erdoğan uu Xalay waday inuu wahadal la yeelayey Madaxweyna haMareykankaJoe Bid en. Isagoo la hadlayay A Haber, Kalın ayaa yiri, "Waxaa jira taleefoon uu la yeeshay Biden fiidnimadii, waxaa jiri do ona kulan aan kaliya la yeelan doonin Biden, la akiin sidoo kale waxaa la yeelan doona hoggaa miyeyaasha Faransiis ka, Spain iyo dalal ba dan.”
Isagoo xasuusiyay in Erdogan lagu doortay 52.56 boqolkiiba codadka 2018, Kalin ayaa yiri, "Waxay u muuqataa inuu ku dhawaad 10 cod ku helay doorashadan Markaad eegto natiijoo y inkan, tirada guud ee codadka uu helay waa ku dhawaad 27 Milyan 645 kun.
Marka la eego taariikhda siyaasadeed ee Turkiga, "Waa wax u baahan in laga baaro cilm iga siyaasadda. Waxaa noo qabsoomay hann aan doorasho oo mar kale xaqiijinaysa in mad axweynaheenu yahay garaad siyaasadeed.”
Ka dib markii uu ku guuleystay doorashada, Biden waxa uu u hambalyeeyay Erdogan, wax aana dhambaalkiisa uu ku yiri, "Anigoo ah xula fada NATO, waxaan rajeynayaa inaan sii wad no iskaashiga ka dhexeeya arrimaha laba gees oodka ah iyo caqabadaha caalamiga ah ee guud.”
Diyaarado Aan Duuliyaha Lahayn Oo Duqeyn Ka Geystey Magaalada Moscow
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa duq eyn ka geystey dhismooyin ku yaal caasimada dalka Ruushka ee Moscow,iyadoo ay ku dha awacmeen labo ruux.
Ruushka ayaa Ukraine ku eedeeyay in ay ka dambeysay weerarka diyaaradaha aan duuliya ha lahayn ee magaalada Mosc ow,hase yee shee Ukraine ayaa beeni say inay si toos ah ugu lug lahayd weerarkan.
Madaxweynaha Ruush ka Vladimir Putin ay aa subaxnimadii hore ee Shalay aqalka Krem lin-ka looga warbixiyey weeraradii diyaara daha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday Moscow, sida uu sheegay afhayeen kiisu.
Weerarkan ayaa lala beegsaday qaar ka mid ah meelaha ugu qanisan Moscow oo ay ku jir aan aagga galbeed oo Putin iyo xubno ka tirsan madaxda Ruushka ay degaan ku leeyihiin, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reute rs. Putin ayaa sheegay in weerarka Drones-ka ay ku qaadeen Moscow uu ahaa mid loola dan lahaa bartilmaameedyada dadka rayidka ah iyo in la kordhin doono difaaca hawada caasim adda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay qaado tallaabooyinka adag ka dib markii ay diyaarad Drone ah ku qaadday Moscow.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Ukraine ay muraayad u tahay Ruushka oo ay argagixisay dadkeeda rayidka ah.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Duq eeyay Moscow ma aysan arag raadaarka ciid amada Ruushka, sababtoo ah waxay ku duul ayeen joog aad u hooseeya, ayuu yiri Jeneraal.
Kaaliyaha madaxweynaha Ukraine ayaa bee niyay in Kyiv ay si toos ah ugu lug lahayd wee rarkii Talaadadii ay diyaaradaha aan duuliy aha lahayn ee Moscow lagu qaaday balse waxa uu sheegay in Ukraine ay ku raaxaysanasay daaw ashada dhacdooyinka, wuxuuna saadaalisay in ay sii kordhayaan weerarada noocaan ah.
Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu hawada sare ka samayn doono sahan ballaaran.
Dalka Isu-tagga Imaaradka Carabta ayaa sh aciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dira yaan dayax-gacmeed sahan ku soo sam eeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cad ceedeedda (Solar System).
Dayax-gacme edkan cusub ayaa la filayaa in uu shaqadiisa bil aabo sannadka 2028, taa soo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkii su qaadan doonaa muddo toddoba sannadood ah, isaga oo sahamin doona illaa lix ka mida walxo-cireed oo kala duwan. Imaaraadka Car abta ay aa sannadkii 2020 waxay meeraha Ma rs u dir een dayax gacmeedkoodii ugu horre eyey
. Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii u gu horreeyey ee Carbeed ama dalkii labaad ee dunida ee si rasmi ah ugu guulaysta inuu tall aabadii koowaad ee uu qaado ku gaadho xayn daabka meeraha Mars, taasoo dhacday bishii February ee sannadkii 2021. Hay’adda sah an ka hawada sare ee dalka Imaaraadka Carab ta oo la dhisay sannadkii 2014, ayaa ku socota si xawli ah, waxaana hawlgalkan cusub ee ay ku dhawaaqeen uu toban jeer ka weyn yahay, haw lgalkii ay ku tageen meeraha Mars. Dayax-gac meedka la dirayo ayaa la filayaa inuu bisha October ee sannadka 2034 uu gaadho walxo-cireedka toddobaad ee ugu dambaysa. AP .
WAA KUMA HOGGAAMIYIHII DA’DA YARAA EE BOQOLLAAL SANO KA HOR SOO FURTAY ISTANBUL?
Taalada Maxamed Al-FaatixQoraalka sawirka,
Taalada Suldaan Maxamed Al-Faatix Turkiga ay aa u xusay 570 sano-guuradii ka soo ware egatay markii magaa lada Istanbul laga qab sad ay Boqortooyadii Byzantine ee haysatay ku dhawaad kun sano.
Ciidamo uu hoggaaminayay Maxamed Al-Faat ix ayaa Istanbul galay 29-kii May 1453, waxaana sidaa ku soo afjarantay Boqortooyada Byzantine ee Masiixiga ahayd.
Maxamed Al-Faatix oo markaa da’diisu ahayd 21 jir ayaa jab aan la fileyn gaarsiiyay ciidamadii Boqortooyada, waxaana uu halkaa ku dilay boq orkii xilligaas, Constantine XI.
Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa si gaar ah u xusay maalintaas taariikhiga ah iyo hog aamiyaha guusha soo hoyay.
"Waxaan xusayaa Suldaan Maxamed II [Max amed Al-Faatix] iyo ciidamadiisii geesiya sha ah aa, kuwaas oo ay u rumowday bishaaradii Neb igeenna (NNKH),” – ayuu yiri Madaxweynaha oo ula jeeda xadiiskii uu Nebiga NNKH Musli miinta ugu bishaareeyay in ay furan doonaan Istanbul oo waagaa la oran jiray Qisdhandhiiniya.
Hambalyada Erdogan
XIGASHADA SAWIRKA,RECEP TAYYIP ERDOĞANQoraalka sawirka,Xuska maalinta furashada Istanbul Waa kuma Maxam ed Al-Faatix?
Aabbihii Murad II oo xukumayay Boqortooyadii Cu smaaniyiinta ayaa sanadkii 1444 (Taariikhda Miil aadiga) xilka ku wareejiyay Maxamed oo 12 jir ah.
Wiilkaas da’da yar ayaa xukunka wadi waayay, waxaana aabihii uu mar kale hoggaanka ku soo noqday laba sano kadib, si uu ula tacaalo xiisado ka taagnaa dhulkii ay Cusmaaniyiintu qabsadeen ee qaaradda Yurub.
Markii uu xilka wareejiyay, Maxamed waxa uu ku noqday magaalada Manisa, halkaas oo uu ku guursaday, isla markaana u uku xoojiyay khib raddiisa milateri.
Sanadkii 1451 ayaa waxaa geeriyooday aabihii Murad II, waxaana uu sidaa kula wareegay taajka isagoo ka khibrad iyo fahan badan markii hore.
Waxa uu yoolkiisa ugu weyn ka dhigtay qab sashada Constantinople (Istanbul) oo markaa caa simad u ahayd Boqortooyadii Byzantine.
Inkastoo magaalada marar badana la hare ereeyay, haddana ma jirin cid gudaha u gashay, taas oo dhalisay in Suldan Maxamed II uu dejiyo qaabkii uu uga gudbi lahaa caqabadaas. Dag aalkii Istanbul Istanbul
Suldaanka ayaa diyaariyay ciidan tiradiisa lagu sheegay ilaa labaatan kun oo askari. Waxa uu magaalada ka go’doomiyay dhinac kasta – Bad iyo Berri ba.
Duulaanka ayaa socday in ka badan 50 ma almood, waxaana gidaarada magaalada lagu gar aacay hub culus ilaa inta ay ka dumayeen.
Ciidamada uu hogaaminayay Suldaan Maxa med II ayaa 29-kii May waxa ay gudaha u galeen oo ay qabsadeen magaalada, sidaana waxa uu ku kasbaday magaca Al-Faatix.
Waxa uu muddo kooban gudaheed ku qabsa day dhul ballaaran oo gacanta u galay Boqortoo yadii Cusmaaniyiinta, ilaa uu ka gaaray qeybo ka mid ah Talyaaniga Shalaya.
Ujeedkiisu waxa uu ahaa inuu qabsado Roma oo waagaas kamid ahayd caasimadaha ugu wa aweyn caalamka, hase yeeshee waxa uu Suldaan Maxamed Al-Faatix geeriyooday 3-dii May 1481.
Taariikhyahannada waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa nin aqoon badan leh, kuna hadli jiray luuqadaha Faarsi, Carabi, Giriig iyo Talyaaniga.
Maktabadiisa waxaa laga helay buugaag laga qoray maadooyinka injineernimada, xisaabta, cilm iga xidigaha iyo hawada sare, taariikhihii hore iyo falsafadaha. Waxa uu sidoo kale caan ku ahaa gabayada iyo farshaxanka.
Waxaa la rumaysan yahay in uu in badan akhr iyay taariikhda Boqorkii Giriigga ahaa ee Alexan der the Great, oo isagoo da’ yar xukumi jiray qeybo badan oo caalamka ah.
Suldan Maxamed Al-Faatix oo ku geeriyood ay da’da 49 ayaa taariikh muuqata uga tegay caala mka, gaar ahaan dunida Islaamka.
XIGASHO:-BBC
WERIYE BBC KA TIRSAN OO XANUUN DAR TII SHAQADA UGA TAGAYA
Xanuunka ParkinsonJeremy Paxman, Soo-jee diyihii hore ee barnaamijka Newsnight ee BBC, oo 73, ayaa soo gabagabeynaya shaqadii ugu dhee rayd ee uu u qabtay BBC taas oo ah daadihiinta barnaamijka Universi ty Challenge oo ah bar naamij ciyaar ay ku loollamaan dhallinyar ad a Jaamacadaha.
Barnaamijkiisa ayaa dhammaan doona habeenka Isniinta marka uu soo bandhigo qeybtiisii ugu dambaysay.
73-sano jir hore u ahaan jiray soo-jeediye barn aamijka Newsnight ayaa ka fariistay bandhigga ka dib markii uu shaaca ka qaaday in laga helay cudurka Parkinson ama asaasaqa ee sidoo kalana dila curuqyada.
Barnaamijkiisa ugu dambeeya ayuu qaban ayaa Isniinta, kaas oo u dhaxeeya Jaamaca daha Durham iyo Bristol, wuxuuna noqon doonaa bar naamijkii 967-aad iyo muuqaalkii ugu dambeeyay ee bandhigga.
Waxay sidoo kale soo gabagabeyn doontaa 51-kii sano ee xirfaddiisii BBC-da. Paxman, waxa uu sumacad ku kasbaday wareysiyadii adkaa ee uu la yeeshay siyaasiyiintii martida ku ahaa Ne wsnight, kaas oo uu bilaabay sannadkii 1994 ka dib markii ay dib u soo noolaysay BBC.
Waxa uu noqday daadihiyaha Newsnight san nadkii 1989, jagadaas oo uu hayay ilaa Juun 2014. Paxman waxa uu 1972-dii shaqadiisa ka bi laabay barnaamijka tababarka ee BBC-da, isaga oo ka shaqaynayay raadiyaha maxaliga ah kana soo tebinayay dhibaatooyinka Belfast.
Wax yar ka dib markii uu u soo guuray Lond on 1977, wuxuu u soo wareegay barnaa mijka ba aritaanka Panorama, ka hor inta uusan soo ban dhigin Wararka Lixda Saac iyo bar naamijka BBC One. Waxa uu noqday daadihiyaha Newsnight sannadkii 1989, jagadaas oo uu hayay ilaa Juun 2014. Bishii Maajo 2021 Paxman wuxuu ku dhawaaqay in laga daaweeyay cudurka Parkinson laa kiin wuxuu sheegay in astaamihiisa ay "hadda adag yihiin yihiin"
Muxuu yahay xanuunkan?
Xanuunka Parkinson waa cudur sababa isbadal dhanka maskada ah
Xanuunka Parkinson waa cudur sababa isbadal dhanka maskada ah kaas oo sababa isxak ameyn la’aan dhanka dhaq-dhaqaaqa ah sida gariir ama qarqar.
Calaamadihiisa ayaa caadiyan ku si tartiib ah ku bilowda kuwaas marba marka ka sii dambe ysa ka sii daro. Marka uu cudurkan faa fo, dad ka uu haleelo ayaa waxaa ku adka ato socodka iyo hadalka. Sidoo kale waxaa ku yimaada isbadalo dhanka maskaxda ah iyo dhaqanka. Dhibaato oyinka dhanka hurdada ah, isku buuq, xusuus la’aan iyo daal.
XIGASHO:-BBC.


0 



HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 31-KA MAY 2023-KA
..