HALKAAN KA AKHRISO WARGEYSKA M.TIMES DAILYN NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA MAY 2023

0
Monday May 29, 2023 - 08:21:10 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARGEYSKA M.TIMES DAILYN NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA MAY 2023

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

WARMURTIYEEDKA KA SOOBAXAY SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARAN

GWQ ayaa baahiyey heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.

Golaha aya wuxuu ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorash ooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Repres entation – Closed List).

Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tarta mayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loonavdardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, waxaa dalka uuvqaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa hal warqad ku doo ranaya shacabka Soomaaliyeed ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan.

Degmooyinka G/Banaadir waxa ay yeelanayaan goleyaal deegaan oo ay soo dooranayaan dadka deegaanka si toos ah, waxayna dhacaysaa 30 June 2024.

Doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer DXDF waa qof iyo cod

oo shantii sanaba hal mar ah. Si loo mide eyo muddada doorashooyinka heer DXDF, waxay doorashooyinku ku qabsoomi doon aan sida soo socota:

I- Dowladaha Hoose waxay doorashad ooda dhici doontaa 30 June 2024.

II. Golaha Wakiilada DXDF waxay doora shooda dhici doontaa 30 November 2024.

III. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xig eenka DXDF waxay doorashad ooda dhici doontaa 30 November 2024.

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAR-MURTIYEED 24-27MAAJO ,2023 MUQDISHO-SOOMAALIYA.

HORDHAC.



ShirkaGolaha Wadatashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey madaxweyna ha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Muqdisho 24-25 Maajo 2023. Shirka waxaa ka qaybga lay Mudane Xamza Cabdi Bare Ra 'iisul-Wasaaraha Xukuumadda XFS Ra'ii sul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxw eynaha Jubbalandmud ane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koon fur Galbe ed Mudane Ca bdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madax weynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxw eynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdu llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doo dey ajandeyaal muhim ah oo ay ka mid yi hiin:

hannaanka dooras hooyinka dalka, xaaladda amniga dalka gaar ahaan diyaa rgarowga wajiga labaad ee ciribtir ka khawaarijta, dhameystirka deyn cafinta, fulinta heshiis yadii hor ey ay goluhu u gaareen, fatahaadaha webi yada Shabeelle & Jubb a iyo qodobo kale.


QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY.

Iyada oo la tixraacayo heshiisyadii iyo warmurtiyeedyadii ka soo baxay shi rar kii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda:

1.ARRIMAHAAMNIGA

Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu bogaadinayaa guulaha laga gaaray istar aatiijyadda qaran ce la dagaallanka argagixisada ee ku aaddan howl gallada dha nka militariga oo ay horseed ka yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee heer federaal iyo heer DXDF oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo horseeday xasilloonida guud ee dalka gaar ahaan amniga caasimadda Muqdisho


Sidoo kale, goluhu wuxuu bogaadinayaa habsami-u-socodka diyaargarow ga wajiga labaad ee howlgallada lagu soo afjarayo kooxaha khawaarijta. Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan deegaannada weli
khawaarijtu ku harsan tahay ku adkeynayaa inay si buuxda uga qaybqaa taan dagaalka ka dhanka ah argagixisada


2.DOORASHOOYINKA IYO DIMUQRAADIYAYNTA



Goluhu wuxuu ka heshiiyay hannaanka doorashooyinka dalka. Qodobada laga heshiiyay sida ku cad lifaaqa Heshiiska Hannaanka Doorashooyinka waxaa ka mid ah: nooca doorashada, deegaan doorashada, nidaamka mad axtinimada, nidaamka xisbiyada, mideynta xilliga doorashooyinka, maamulka doorashooyinka iyo qodobo kale.

3.DEYN CAFINTA


Goluhu wuxuu bogaadinayaa horumarka laga gaaray hannaanka deyn ca finta oo gebo gebo maraya, wuxuuna isla gartay in dhamaystirka hannaan ka deyn cafinta dalka uu yahay mudnaan qaran. Iyadoo laga ambaqaadayo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Watashadiga Qaran ee Bay dhabo 17 Maarso 2023, goluhu wuxuu isla gart ay in la dejiyo qorshe lagu dardar gelinayo maareynta marxaladda ka dambe ysa deyn cafinta dalka iyadoo la xoojinayo wada shaqeyntahay'adaha maaliy adda iyo adkaynta hufnaantooda.

Si loo gaaro Soomaal iya xasilloon oo barwaaqo ah, goluhu wuxuu taage erayaa dadaallada dalka loogu sa meynayo Hiigsiga Qarni-jirsiga Soomaali ya ce2060


4.DHAQAN-GELINTAHESHIISYADA GWQ


Golohu wuxuu ku adkeynayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dardargeliso fulinta go'aamada iyo heshiisyadii ay horey u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.


Sidoo kale, goluhu wuxuu farayaa guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka in ay luuqad dastuuri ah u bedelaan heshiisyadii ay goluhu gaar een.

5. QODOBO KALE

Midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed waa waa jib dast uuri ah. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Somaliland iyo sha cabka reer Sool xa bbad joojin deg-deg ah oo shuruud la'aan ah iyo in ay isugu yimaad aan wa dahadal nabadeed. Sidoo kale, go luhu wuxuu ku baaqayaa in hay 'ada ha dowliga iyo kuwa aan dowl iga ahayn ee gargaarka ay dadweynaha deeg aannadaas gaarsii yaan gargaarka ay u baahan yihiin si deg-deg ah.


Golaha ayaa hay'adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqee ya arrimaha samafalka ugu baaqay in ay gargaar deg deg ah la gaaraan dad ka ku waxyeelloobay fatahaadaha wabiya da dalka



Golaha wuxuu boorrinayaa xoojinta wadashaqaynta hay'adaha he erarka dowladda si loo horumariyo geedi-socodka federalaynta dalka oo ay ugu horreeyaan daadejinta awoodaha iyo adeegyada


Golohu wuxuu ku bogaadinayaa shacabka iyo maamulka Puntl and doora shadii golaha deegaanka ee ka qabsoontay degmooyin ka Puntland, wuxu una ugu baaqayaa in deegaannada aaney weli ka dhicin doorashada ay si nabad ah uga dhacdo.


Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay dardargelinta jadwal hawleedka golaha si loo dhamaystiro arrimaha muhiimka u ah geedi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

SAXIIXAYAASHA WAR-MURTIYEEDKA

Md.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha DFS

Md. Xamza Cabdi Barre Ra’iisulwasaarah JFS

Md.Salax Axmed Jaamac R/wasaare ku xigeenka DFS

Md.Saciid c/laahi daniMadaxweynaha D/Goboleedka Puntlnad-

Md.Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha D/Gooboleedka Jupaland

Md.C/casiis Xasan Maxamed {Lafta gareen}Madaxweynaha Dowlad G/ K/Galbeed

Md.Axmed Cabdi kaariye {Qoor-qoor}Madax weynaha Dowlad Gooboleedka Galmudug

Md.Cali Maxamed useen{Guudlaawe}

Madaxweynaha DGooboleedka Hirshabeelle

Md.Yuusuf Xuseen Jmcaale {Madale}

Guddoomiyaha gobolka Banaadir-

-DHAMMAAD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Turkiga Er dogan Doorashada ka dhacday dalkaas. Mad axweynaha Turkiga Md. Rajab Tayib Erdo gan ayaa ku guulaystay doorashadii dalalkaasi Shalay loo dareeray, isa goo haley 52.87%, halka musharaxa la tartama yay ee mucaaradka uu helay 47.13%, waxaana la tiryay 99% codadkii la dhiibtay.

Guddiga doorashooyinka dalka Turkiga ayaa la ga sugayaa inay ku dhawaaqaan natiijada rasmi ga ah ee doorashadda.

Madaxweyne Erdogan oo muddo 20 sano ah ka talinayay dalkaas ayaa sidaas ku noqday ho ggaamiyaha ugu muddada dheer Turkiga casriga ah, isagoo sii hoggaamin doona Turkiga 5 sano ee soo socota.

Kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay xarun ta BF ka hor furitaanka kalfadhigga Maanta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka JFS Md.Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Berri shir-guddoom iyay kulan aan caadi aheyn.

Kulankaan ayaa waxa ajandihiisu ahaa warb ixin soo jeedinta Guddoomiyaha iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala G/Shacabka BJFS kalfadhiga 3-aad.

G/ye Aadan Madoobe ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ah aa ee Golaha Shacabka usoo qabsoomay 2dii kal fadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, isla ma rkaana la gu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowl adnimad da dalka.

Sidoo kale waxa uu guddoo miye Aadan Ma doobe xusay in kalfadhigan berri furmaya Gol aha ay horyaalaan shaqooyin muhi im u ah hannaan ka geedi socodka dowladnimada dalka.

Guddoonka 2da Gole ee BFS ayaa dhowaan iclaamiyay waqtiga uu furmayo kalf adhiga 3-aad, kaasi oo qorshuhu yahay inuu daah-furo Mada xweynaha JFS Md.Xasan Sh Maxamuud.

"29-ka May ayuu si rasmi ah u furmaya Kal fa dhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JF/Soomaaliya”

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare BJFS wa xaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, halka sidoo kale shuruuc kala duwan oo ka soo gudubtay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka loo gudbin doonno labadaas Gole, si ay uga doodaan uguna codeeyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaq ay in dalku u guuray doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxa muud iyo Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa si wadajir ah u qabtay war-saxaafadeed ayfaahfaahin dheraad ah kaga bixiyeen qodoba da kasoo baxay war-murtiyeedka shirkii Goaha wa tashiga Qaran ee la soo gabagabeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muhiim tahay in laga gudbo doorasho oyinkii dalka dhaci jiray,islamarakana shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qa baan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si loog gu dbo caqabadaha dalka mudd ada dheer uu ku soo jiray. Madaxwenaha ayaa tilmaamay in mu ddada sanadka ah ee dowladda ay jirtay lagu gu uleeystay horumar dhinacyo badan taabanayo oo ay kamid tahay xoreynta degaanno badan oo arg agixisada laga saaray,arrimaha Deyn cafinta dalka oo u sheegay in heer gaba-gaba ah ay mar eyso,sidoo kalana dalka uu heli doonno fursado maalgashi iyo in dowladda ay qaadan karto lac ago deyn ah oo qeyb wey ka qaadan doono dib u dhiska iyo kaabayasha dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada dowladda ee ah in dadka Soom aaliy eed ee ayahooda ka tashtaan oo cida ay rabaan si doorasho qof iyo cod ah ay ku doortaan, dow laduna ay arintaa fududayn doonto,sidoo kale wa xa uu ka hadalay Madaxweynaha xoreynta deg aannada dhiman, iyo qorshaha dowladda oo uu sheegay in loo baahan yahay nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan laga hirgaliyo degaana daasi,si bulshada ay u hesho adeega dowladnimo ee ay u baahanyihiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qa aday arrimaha gar-gaar ee xiliyada abaaraha iyo fatahaadaha ee bulshda ay sameeynta ku ye shaan,waxa u sheegay in loo baahan yahay in dal keenno uu ka guuro caawinaad wadam ada shish eeye oo ay dadka soomaaliyeed isku filnaadaan Soomaaliya dadkeeda sababa ay u baahnaadaan ma jirto ayuu madaxweynu yiri

DF oo markii ugu horreysay ku guuleysatay diyaarinta ciidan qalabeysan oo gaaraya…

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha S oomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud oo Hab een hore marti ku ahaa barnaamijka dood qaran ee ka baxa warbaahinta dowladda ayaa ka waramay waxyaabaha u qabso omay mud adii sannadka ahayd ee xilka hayeen. La-taliyaha amn iga qar anka madaxweynaha Soo maaliya Xuseen Macallin Maxam uud ayaa shaaciyay in markii ugu horreysay dowladda ay ku guulaysatay inay diyaariso ciidan qalaba ysan oo tiradooda gaareyso 10,000 oo askari.

"Marka loo barbar dhigo diiwaanka waqtiga hal ka sano dhulka laga xoreeyay, weliba waa yadii marka koowaad aan taageero toos ah laga helin ciidamo ajnabi ah, in ay dowladda Soomaaliya, iyada iyo ciidankeeda, iyo shac abkeeda ay dhul aad u ballaaran ka xoreyso, ta as oo aad u dhiiri-galineyso dowladihii ajaan ibka ahaa ee daneyn ayay nabadda Soom aaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah uu banaanka usoo saa ray awooda ciidanka Soomaaliyeed, taasi oo ke entay in dowladdaha ajaanibka ah ay ku kal soo naadan ciidamada Soomaaliya, laguna gar absi iyo dagaalka socda.

"Istaraatijyada dagaalka waxay ka koobneyd lix tiir oo ugu caansan yihiin in lagala diriro dha qaa laha, dadka ay khaldeen lagaga nasexeeyo iyo da gaalka militari ee ciidanka dowladda iyo shacabka ku qaadeen.”

Dhinaca kale, La-taliyaha amniga qaranka aya a sheegay in horumar ballaaran laga gaaray daga alka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, lana dhamay stiray xeerarka la-dagaalanka kooxaha argagixi sadda ah.

Sidoo kale waxa uu xusay in badi qodobadii cu no-qabataynta hubka ee saarneyd Soomaaliya la dhamaystirayo dhamaadka sanadkaan, islamarka ana loo gudbin doono Golaha Ammaanka, si dowl adda Soomaliya hub ku filan u soo iibsato.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa rabta inay dham eystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Sooma aliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaaraadka ayaa ah dowladda u weyn ee qorshahan ka taageeraysa dowladda federa alka, ayaga oo dhawaan gaaray heshiis iska ashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iska ashig a militer iga, amniga iyo la-dagaalanka arg agaxisa da, ka asi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaand higa Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada am niga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideeda amn iga.Xigasho:-Caasimadda.Net

Xasan oo qaaday tallaabo la xiriirta arrinta Ge do, kuna dhowaaqay inuu…

Madaxweynaha Soomaaliya Md .Xasan Sh . ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaat ay madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo uu Ho gaaminayo Madaxwey naha maamulkaas md. Axmed Maxamed Isla am (Madoobe).

Waxaa lulanka ka qeyb-galay Madax weyne ku-xi geenka 1aad Md Maxamuud Sayid Aad an, Xildhibaa nada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubb aland ku matala gobolka Gedo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo sanadi hii la soo dhaafay khilaafaad ka taagnaa. Dhaw aan ayaa lagu wadaa in dowlad-gobol eedka Jub baland ay soo dhisi doonta maamul ka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban ya hay ka dib mar ka ay soo dhammaadan la-ta shiyada bulshada gobolka.

Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u cad eeyey inay ka go’an tahay inuu xaliyo xiisadda ka dhaxey sa Kismaayo iyo Garbahaarey, isagoo aad ula dardaarmay bulshada reer Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa ugu ba aqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deeg aanada Jubbaland inay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta, dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland.

"Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, waxaan dhex fariisanaa dad ka, tabashada ay qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada inaan heshiino waa muhiim walaalayaal reer Jubbalanow,” ayuu hore u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saar aya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siy aasadeed ee ka taagan maamulada dalka,si loo ga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, isla markaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhan ka ah kooxda Al-Shabaab.

Xaliimo Yarey oo shaacisay ‘sida kaliya ee dhaqa n-gal ku noqon karo’ heshiiska GWQ

Marwo. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim "Xaliimo Yar ey” oo ah Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Galmudug ayaa faah-faahin ka bixisay sida uu ku dhaqan-gali karo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran uu ka gaaray door ashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameey ey. Xaliimo Yarey oo sidoo kale horey u ahaan jirtay Gudd oomiyaha Guddigii Qaran ee Madaxa-bannaan ee doorashada dalka ayaa she egtay in heshiiskan uu dhaqan-gal ku noqon karo heshiis wada ogol ah, oo loo dhan yahay, xilli ay heshiiskan ka maqan yahay maamulka Puntland.

"Heshiiskaas waa inuu noqdo heshiis la wada ogol yahay oo loo wada dhan yahay uu noqda, si loo dhaqan-geliyo. Qoddobadii Habeen hore soo baxayna waxa uu qeyb dhan kala mid yahay 2018-kii hesh iiskii Baydhabo ay madaxda ku saxiixdeen, waxaa lagu saa’idiyay in nidaamka dhismaha oo meeshii madaxweyne iyo ra’iisul wasaare aheyd ayaa laga dhisay madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen,” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Sidoo kale waxay ka dhawaajisay in doorasho qof iyo cod ah laga qaban karo guud ahaan dalka, haddii dhexda loo xirto, ayada oo tusaale u soo qaadatay doorashadii taariikhida aheyd ee 25-kii bishaan ka dhacday Puntland, oo degmooyin kamid ah looga dareeray doorashada dowladaha hoose.

"Adduunka waa ka jirta in hal guddi isku qabto (doorashada heer federaal iyo heer maamul-gob oleed) iyo in kuwa kalena heerar kala gaar ah u qabtaan, labada waa jirta oo waxay ku xirnaaney sa waddankaas sida shuruucdiisa u degsan tahay ee ku heshiiyeen,” ayey tiri ayada oo ka hadashay in hal guddi doorasho uu maamulayo doorashada heer deegaan, heer degmo, heer gobol iyo heer Qaran.

Xaliimo Yarey ayaa waxay sheegtay in heshii syada kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ay meelo iska qaa danayaan Dastuurka dalka, halka qaarkood ay is qaadan karin, ayna lagama maarman tahay in Dastuuri laga dhigo, taasi oo muhiim u ah dha qan-galinta heshii skan.

"Heshiis la heshiiyay Dastuur ma buriyo, wax ay marwalba u laabanee in Dastuurkii loo noqdo, heshiisyada soo baxay iyo Dastuu rkeena sida uu qoran yahay meelo waa ka qaa dan kara, meela na kama qaadan karo. How shaas haddii lagu dha qaaqayo waa inay Dast uuri noqota oo shuruuc gaar ah leedahay, waa na qasab in Dastuurka loo laabto.”

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Habeen hore baahiy ey heshiiska laga gaaray doorashoo yinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.

Golaha aya wuxuu ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya. Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorasho oyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka mate laadda isu-dhe ellitiran ee Liiska Xiran

(Propo rtional Representation – Closed List).

Liisaska xisbi walba waa in aysan ka bad na an laba-laab kuraasta loo tartamayo, kana ya ra anin tirada guud ee kuraasta loo tarta mayo.

Si kastaba, Si loo mideeyo hannaanka doora sho ee hoggaanka JFS ayuu dhigaya heshi is kan in loo dardargeliyo habsami u socodka dowladni madeena, ayada oo dalka uu qaad anayo nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen. Ma daxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeen ka wax aa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaal iyeed, ayada oo lagu salaynayo nida amka xisbiy ada badan.

Raysal wasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kale oo heshiiska cusub ee doorashada Soomaal iya ku tilmaamay wax aan suurtagal ahayn

Golaha wadatashiga qaran ayaa Habeen hore gaaray heshiisyo doorasho oo taariikhi ah, iyadoo la isku raacay in sanadka soo socda dhici doonta doo rasho hal qof iyo hal cod ah, waxayna doorasha du dhacaysaa shantii sanaba hal mar.

Madaxda Soomaalida ayaa sidoo kale isku ra acay in meesha laga saaro xilka Ra’iisul Wasaar aha, iyada oo lagu beddelay nidaam madaxweyna ha iyo ku xigeenkiisa ay si toos ah shacabku u dooranayaan hal mar.

Haddaba, Raysal wasaarayaal hore iyo siya asiyiin kale ayaa wax aan suurtagal ahayn ku til maamay heshiiska cusub ee doorashada Soomaali ya.Qaarkood waxay sheeg een inuu uga sii darayo xa aladda siyaasadeed ee dalka. Raysal wasaarihii hore ee dalka iyo mad axweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas ay aa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay heshii skan doorasho oo ay Habeen hore wada gaareen golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya.

Cadiweli Gaas oo qoraal bartiisa Facebook soo dhigay, ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu ya hay mid aan u cuntami karin ummadda Soomaaliy eed iyo wacyiga Berri lagu jiro.

"Warka Habeen hore ka soo yeeray Villa Somalia maa ha wax la aqbali karo mana aha wax u cuntami ka ra Umadda Soomaaliyeed iyo wadciga Berri la gu jiro,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Geesta kale, raysal wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa isna heshiiska ku tilmaamay mid sun kusii daraya xaa ladda siyaasadeed ee dalka.

"Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore...nidaamkii xis biyada badanna oo la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay, waxa ay sun ku sii daraysaa xaala da siyaasadeed ee dalka." ayuu yiri Cumar Cabd irashiid

Dhinaca kale, agaasimaha mac-hadka cilmi ba arista ee Heritage Afyare Cilmi ayaa isna ka had lay heshiiska doorashada ee ay kala saxiixdeen golaha wadatashiga qaran.

"Ma sahlanaan doonto in la hirgeliyo Heshiiska NCC. Waa go’aamo waaweyn oo ay gaareen dho wr qof oo madax ah. Madaxda gaartay go’aamad an ayaa laga rabaa inay ku qanciyaan goleyaasha dowladda dhexe iyo golayaasha maamulka-gob oleedyada. Mucaaradka iyo bulshada rayadka ah oo aragti ka leh ayaguna waa joogaan". ayuu yiri Afyare Cilmi.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Fa arax Siciid Juxa ayaa sheegay go’aanada golaha wadatashigu inay yihiin kuwa lagu laalay dastuur kii Federaalka iyo kuwii Dawlad-oboleedyadaba iyo dhamaan wixii heshiis lagu ahaa burburkii ka dib."GOLIHII SARE EE KACAANKA 1969 OO AAN ILKO LAHAYN. Goluhu wuxuu Habeen hore laalay Dastuurkii Federaalka iyo kuwii Dawlad-Gobolee dyadaba iyo dhamaan wixii heshiis lagu ahaa burburkii kadib. "Hadday saas u fududahay maxaa 30 sano faraqa laysu haystey?”ayuu yiri wasiir Juxa.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday rag katirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybte eda 21-aad ee Galmudug ayaa Xukuno kala duwan ku riday rag lagu helay inay ka tir san yih iin Al-Shabaab oo dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka geystay Magaaladda Gaalkacyo.

Anas Cabduqaadir Cali oo magaciisa afgara shada uu yahay Salmaan iyo Aadan Mursal Max a med oo magaaladda Ga alkacyo ku dilay Cilmi Ca li Guuleed, Maxamed Ja amac Maxam ed "Ca ga-biyood”, Cabdi Aadan Si yaad Cabdi dheere ayey Maxkamadu ku xukuntay Dil too gasho ah oo ah qisaasta Marxuumiinta kor ku xusan.

Ibraahim Madeey Mac alin Cabdullaahi oo loo diyaarinayey inuu isku Qarxiyo Xerada Ciidan ka Danab ee M/G/kacyo ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Cabdi Yuusuf Hiraabe oo Al-Shaba ab u ahaa Keyd haye iyo Cabdi Jaliil Axmed Shire Raage oo isna qaabilsanaa Daabulidda iyo kala gudbinta xubnaha , ayaa labaduba waxaa lagu xu kumay min 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Maxamuud Maxamed " Beylood” ay ey Maxkamadda sii deysay kadib markii lagu waa yey eedii lagu soo oogay, waxaa sidaas waraahin ta u sheegay guddoomiyaha Maxka madda Darj ada 1aad qaybta 21aad G/le Dhexe C/hi Abuukar Xasan.

La-taliyihii Axmed Godane oo usoo gacan galay’ NISA

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran ka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gac anta dowladda uu soo galay garsoore beenaadkii kooxda Al-Shabaab ahna La-tal iyihii horjoogaha guud ee koo xda.

Ninkan ayaa ah xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa ko oxda, sida ay shaacisay NISA.

Horjoogahan sare oo lagu magacaabo Cabdira xmaan Macalin Axmed ayaa sidoo kale waxaa ko oxda Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaana Ab uu-Saacid ama Shariif.

Xilalka uu kooxda Al-Shabaab kasoo qabtay waxa kamid ahaa qaaddiga Maxkamad beenaad ka gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shaba ab iyo La-taliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Ax med Godane.

Sidoo kale waxa uu soo noqday madaxii Zak awaadka gobolka Shabeellaha Hoose iyo ku-xige enka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.

"Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ab uu Saacid ugu danbeyntii waxa uu soo galay gac anta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sida uu muujinayo qoraalka NISA, ninkaan oo ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab ah ayaa isu gu isku soo dhiibay hay’adda, inkasta oo ay hay ’adda NISA aysan qoraalkeeda ku sheegin faah-faahin dheeraad oo kale. Si kastaba, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Sooma ali yeed ee NISA oo door muhiim ku leh dagaalka Al-Shabaabka dhanka ah, ayaa sidoo kale waxay ho re u burburisay maxkamaddo beenaadkii Al-Sha baab, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay shacabka So maliyed, gaar aha an bulshada ku dhaqan Xamar

SOMALILAND oo go’aan ka gaartay arrin ka dhalatay DAGAALKA Laascaanood

Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horey say go’aan ka gaartay ardayda markii hore wax ka baran jirtay M/Laascaanood iyo degmooyinka hoosyimaada, kuwaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka dhowrka billood ka socda xaru nta gobolka Sool.

Somaliland ayaa go’ aamisay in ardaydaasi oo kor u dhaafaya 3-kun arday in lagu qiimaynayo dhibcihii imtixaankii sannadkii hore ee 2021-2022, islamarkaana loo fududeeyo qaabka ay ku heli la haayeen shahaadooyinkooda, si ay waxbarasha dooda u sii wataan.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo shir-guddoomiyay Ma daxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii golaha uu cod gacan taag ku meel-mariyay go’aankan, iyaga oo ka duulaya waajibaadka mu waadiniinta ka saaran iyo muhiimadda waxbara shada, sida lagu qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

"Golaha Wasiirrada JS/lnd ayaa wuxuu cod ga can tag ah ku go’aamiyey in ardayda wax ka bar ata L/caanood iyo degmooyinka hoos yimaada oo dhan, oo kala ah Dugsiga hoose dhexe 35,177, Dugsiga sare 5,465, oo wadartooda guud ay tah ay 40,642 Arday in lagu qiimaynayo dhibcihii Imti xaankii sannadkii hore ee 2021-2022, wixii gudb ay sannad dugsiyeedkaasi 2022 oo dhamaa mar ka loo eego Fasalada 8d degmooyinkaa oo dham aa 2,233 Arday iyo Fasalada 12aad oo dhamaa 1,045 Arday in loo fudaydinayo qaabka ay ku hela yaan shahaado oyinkooda si ay waxbarashado oda u sii wataan.”

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu cod gacan ta ag ah oo aanay cidna ka aamusin, cidna aanay dii din ku ansixiyeen xeerka gaadiidka iyo waddo-ma rista (Xeer Lr.56/2023) oo guddi ka koobnayd gol aha wasiirrada iyo garyaqaanka guud shirkii kan ka horeeyey loo xilsaaray soo dhamaystirkiisa, wax-ka bedelka iyo kaabist iisa.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha amniga Somal iland ka dhegeystay Wasiir ku-xigeenka Wasaara dda Arrimaha Gudaha, Waxa kale oo goluhu warb iximo ka dhegeystay xubno ka mida golaha wasii rrada oo isugu jira guddidii nabadaynta shaqaaqa dii gobolka Togdheer ee labada dhinac ee walaal aha ah ku dhexmartay oo Arbacadii la soo afjaray iyo guddidii xuska sannad guurada 32-aad ee 18-May oo golaha xogo ka siiyey guulihii ay ku soo dhamaadeen hawlihii loo xilsaaray.

"Gole ahaan waxaynu isku raacsannahay xaal addii lagu maray 18-kii ay ahayd mid ugub ah oo taariikhda geli doonta oo ah in maalintaa aynu dabbaaldegaynaya iyo 16-kii oo ka horr eeyey hu wanta cadowga ahi ee gobolka Sool dagaall ada gardarrada ah ka wadaa soo weer areen si ay u carqaladeeyaan dabbaaldegga Somaliland ee 32-aad,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay shirka golaha was iirrada.

Waxa uu intaas kusii daray "Waxa aan aad ugu mahad-naqayaa oo taariikhda baal dahab ah ku leh dhammaan ciidamada kala duwan ee qar anka, kuwa militeriga, Asluubta, badda, Boo liska, socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somal iland, kuwa amniga iyo nabadda ilaaliya, dha mmaanto od ciidamadaas iyo wasaaradahoodu waxay fuliy een in cadowgii ina soo weeraray ay jebiyaan oo cashar u dhigaan, dalka oo dhanna dabbaaldeggii iyo isu soo bixii uu noqday amni uu far lasoo geli kari waayey cadowgii. Dhamm aan shacbiga Somaliland miyi iyo magaalana waxan ku bogaa dinayaa inuu qof waliba halk iisa ka muujiyey wad daninnimadisii oo uu isu xilqaamay.”

Ugu dambayn waxa golaha wasiirrada loo qa ybiyey xeerka siyaasada isbedelka cimilada ee Qaranka, madaama isbedelka cimiladu ka mid ya hay caqabadaha ugu waaweyn ee hays ta Somal iland qarnigan 21-aad, xukuumadduna ay dedaal badan gelisay sidii loo yarayn lahaa u nuglaansha ha cimilada, loona xoojin lahaa ilaalinta qaybaha bulshada nuqul iyo deegaan ka dabiiciga ah iyo

Isimida SSC oo soo gaaray magaalada Muqdisho + Ujeedka

Isimida dhaqanka SSC qaar kamid ah ayaa Berri galinkii dambe soo gaaray M/ Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Isimida SSC ee Muqdisho soo gaaray ayaa kala ah; Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Ugaas Maxamuud Ugaas C/ahi, Garaad Cabrisaq Garaad Soofe, Garaad Cabdisalan Xasan Max amed iyo Suldaan Mus tafe Maxa muud Aw-seed.

Wafdiga Isimida ayaa waxaa gudaha garo onka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan DFS oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, guddoomiye ku-xigeenka Go laha Aqalka Sare /hi Timo-cade, Xildhibaano ka tir san 2da Aqal &qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ay sheegtay In ay ogaatay Caasimada Online, booqashada hoggaanka SSC ee Muqdi sho ayaa timid kadib casuumad rasmi ah oo u dir een madaxda sare ee DFS, taasi oo uu gaarsiiyay wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee XFS oo maalmo ku sugnaa M/Laascaanood.

Ujeedka safarka Muqdisho ee Isimada SSC ay aa waxa uu salka ku haya deeqaha beesha caala mka ay siiso Soomaaliya, sidii qaybtooda toos lo ogu wareejin lahaa guddiga 33-ka ah ee SSC ee la isku yiraahdo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, sida ay Caasimada Online ay sheegtay in ay u xaqiijiyeen illo wareedyo xilkas ah.

Hoggaanka SSC ayaa inta ay ku sugan yihiin M/Muqdisho waxay kulamo kala du wan la qaad an doonaan madaxda ugu sareys ay dalka, iyaga oo la wadaagi doona xaaladda ka jirta M/Laascaa nood, oo bilihii u dambeeyay uu ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deeg aanka ee SSC.

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee XFS ayaa dha waan tegay M/Laascaano od, taasi oo qeyb ka aheyd qorshaha Isimida SSC lagu kee nay magaalada Muqdisho.

Arrimaha ayaa imanaya xilli ay weli taagan tah ay xiisada dagaal ee xarunta G/Sool ee Laascaa nood, halkaasi oo ay isku horfad hiyaan ciidama da Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

QATAR IYO JAAMACADDA UPEACE OO KALA SAX IIXDAY HESHIIS LA XIRIIRA DEEQ WAXBARASHO OO HEERKA PHD AH

Wasiirka Waxbarashada XFS Md.Faarax Sh. C/dir ayaa Dorraad galinkii dambe goobjoog ka ahaa heshiis la xiriira deeq waxbarasho loogu fid inayo arday Soomaaliyeed , kaas oo ay ka saxiixd een hay’adda Qatar Charity iyo Jaamacadda Nab adda ee QM ee UPEACE. Deeqdan waxbarasho ayaa waxa loogu tala ga lay ardey la doonayo in qaataan shahaadada PhD, waxayna daba soco taa ballan-qaadkii uu sanadkii hore sameeyey Madaxweynaha JFS Dr.Hassan Sh Mohamud, oo sheegay in dowladdiisa ay boqol arday oo Soom aali ah u fidin doonto deeq waxbarasho oo heerka PhD. Hay’adda Qatar Charity oo laga leeyahay dalka Qadar ayaa iyadoo ka jawaabaysa baaqa Madax weynaha waxay M/ Muqdi sho kula saxiixatay Jaamac adda UPEACE heshiis ay ugu deeqeyso lacagtii lagu fulin lahaa wajiga hore deeqda waxbarasho oo la siin doono 40-ka arday ee ugu horeeya.

Xafladda saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goo bjoog ka ahaa Safiirka Qadar u fadhiya Soomaali ya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, madaxda sa re ee Jaamaca Upeace ee Qaarada Africa Prof Samuel Kale Ewusi iyo mada xa hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya Cabdifitah Adan Macalin.

Wasiirka Waxbarashada XFS Md.Faarax Sh. C/dir ayaa sheegay in loo saaray guddi maareeya qaabka loo bixinayo fursooyinka deeqdan waxba rasho. "Guddiga waxa uu ka koobanyahay xubno matalaya wasaarada waxbarashada, madaxtoo yada, hay’adda Qadar Charity iyo Jaamacadda UPEACE. Waxa la qaadi doonaa imtixaan lagu ka la saari doona cidda soo dalbata fursooyinkan waxbarasho” ayuu yiri wasiirka.

Madaxa hay’adda Qadar Charity ee Soomaali ya Cabdifitah Adan Macalin. oo sharaxaad ka bixi yey ujeedada laga leeyahay deeqdan waxbarasho waxa uu yiri "Waxa la doonayaa lagu xoojiyo tay eynta tacliinta sare ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya tahay wadan ka soo kabanaya bu rbur, waxbarasha dana u baahantahay tayeyn xoo ggan”

Madaxa barnaamijada Upeace ee Qaaradda Afrika, Prof Samuel ayaa waxa uu sheegay in talaabadan tahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo mushkiladaha haysta Soomaaliya.

"Waxaan doonaynaa in aan xallino dhibaa tada dhinaca waxbarashada oo aan kordhinno tayada aqoonyahanada Soomaali yeed, waana sababta aan bartilmaamayka uga dhiganay heerka waxba rashada sare” ayuu yiri Prof. Samuel.

Barnaamijada PhD-ga ee la qorsheynayo in la maal-geliyo waxa ka mid noqon doona:

1. PhD ee Nabadda, Maamulka, iyo Horum arinta

2. PhD ee Hogaaminta iyo Horumarinta Joogt ada ah

3. PhD ee xaalufinta dhulka iyo xaalufinta

4. Ph.D. ee dhaqaalaha buluuga ah, maamulka, iyo amniga badda.

Hindisahani waxa uu muujinayaa horumar la taaban karo oo lagu horumarinayo waxbarasha da iyo cilmi baarista Soomaaliya, gaar ahaan dhin acyada nabadda, dowladnimada, horum arka, hog gaaminta waarta, xaalufka dhulka, xaalufka, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Barnaamijkan deeqda waxbarasho waxa uu sha ki la’aan ka qayb qaadan doonaa garaadka iyo kobaca aqooneed ee dalka, isagoo kobcinaya jiil cusub oo aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal

ah oo u heellan horumarka Soomaaliya.

ERDOGAN OO SHAACIYAY INUU KU GUULEYSTEY DOORASHADA MADAXWEYNE EE TURKIGA

Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu markale ku guu leystey doorashada,loona doortay shanta sano ee soo socota inuu xukumo dalkiisa.

Qudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa ayuu ku sheegay inay soo dhamaatay wareegii labaad ee doorashada Turkiga.

"Waxaan soo gabagabeynay wareegii labaad ee doorashada madaxtinimo annagoo raali ka ah qarankeena,” ayuu yiri Erdogan.

"Waxaanu dalka maamuli doonnaa shanta sano ee soo socota,” ayuu u sheegay taageera yaashiisa oo aad u faraxsan iyagoo kor saaran baska degmada uu ka soo jeedo ee Istanbul.

Erdogan, oo taageerayaashiisa kula hadlayay Istanbul, ayaa u mahad cel iyey "xubin kasta oo qaranka ka tirsan oo mar kale na soo gaarsiiyey mas’ uuliyadda maamulidda Turkiga shanta sano ee soo socota.”ayuu yiri Erdogan. "Waxaan soo gabagabeynay wareegii labaad ee doorashada madaxti nimo annagoo raali ka ah dadkeena,” ayuu yiri Erdogan, isagoo u mahad celinaya qaranka.

"Insha allah waxaan noqon doonaa mid mudan kalsoonidaada sidii aan ku jirnay 21-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri madaxwe ynaha.

Waxa uu intaa ku daray in dhammaan 85-ka Milyan ee muwaadiniinta dal ka ay yihiin "guule ystayaashii” labada doorasho ee May 14 iyo 28.

Erdogan oo ka hadlayay degmada Uskudar ee magaalada Istanbul ayaa sheegay in Turkiga uu yahay kan kaliya ee ku guuleystay doorashada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga ugu weyn ee muca aradka ah ee Jamhuuriga (CHP) uu Kilicdaroglu kula xisaab tami doono natiijada xun ee soo baxday, isagoo intaa ku daray in tirada kuraasta CHP ee baar lamaanka ay hoos u dhacday marka loo eego doorashooyinkii hore.

Inkastoo uu ku dhawaaqay Erdogan guusha ayaan jirin illaa hadda war rasmi ah oo ay ka soo saareen guddiga doorashada natiijada rasmiga ah ee doorashadii wareegga labaad ee Berri ka dhacday dalka Turkiga


NATIIJADA DOORASHADA DALKA TURKEY OO SOO BAXDAY IYO MADAXWEYNE ERDOGAN OO KU GULEYSTAY

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii ku-celiska aheyd ee dalka Turkiga, sida ay muujinayaan natiijooyin ka hor u dhaca ah ee warbaahinta dowladda.

Ayada oo la tiriyey 97% codadka, Erdogan ay aa ku horreeya 52.2%, halka musharaxa isb ahey siga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 47.7%. Guddiga doorashada ayaan weli si rasmi ah ugu dhowaaqin natiijada.Guushan ayaa ka dhigan in madaxweyne Erd ogan uu sii dheereysan doono xukunkiisa 20-ka sano ah ee Turkey ee marna uu ahaa ra’iisul was aare, iminkana madaxweyne.Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ay aa isugu soo baxay hoygiisa magaalada Ist anbul, ay aga oo ku qeylinaya "Allahu Akbar, Allahu Akbar.” "Waxaa rajeynayaa in wax walba ay ka wan aags anaan doonaan sidii hore,” waxaa sid aas tiri Nisa oo ah gabar 28 jir ah oo ka mid ah ta ageer aya asha madaxweynaha.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalam ka ayaa durba billaabay inay u hambelyeeyaan ma daxweyne Erdogan, waxaana ugu horreey ey amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani. "Walaalkeyga qaaliga ah Recep Tayyip Erdogan, waxaan kugu hambalye ynayaa gu ushaada, wa xaana kuu rajeynayaa in aad ku gu uley sato xilk aaga cusub, oo aad ka gaarto wa xa ay dadka walaalaha ah ee Turkiga ku taama yaan ee ah hor u mar iyo barwaaqo, iyo xiriirka adag ee naga dha xeeya,” ayuu Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter. Doorashadan ayaa aheyd tii ugu adkeyd ee uu wajaho madaxweyne Erdogan, waxana ma daxda Reer Galbeedka ay aad u filayeen in loo ga ad kaan doono, ayada oo warbaahintooda ay dag aal xoo ggan oo dacaayad ku qaaday. Hase yeeshee, shacabka Turkey ayaa mar kale muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin hogg aanka madaxweynahooda

MUSEVENI OO SHAKI KA MUUJIYAY SIDA ALSHA BAAB KU QABSADEEN XERADA CIIDAMADA UGANDA EE BUULO MAREER

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa soo saaray dhambaal tacsi ah oo ku aaddan dhammaan qoysaskii ay ka geeri yoodeen askartii lagu dilay weera rkii Al-shab aab ay ku qaadeen sa ldhigga ciid amada Uga nda ee deg aanka Buu lo Mareer.

Madaxweyne Uga nda ayaa she egay inay sameeyeen gu ddi baadhis eed (BOI), isagoo sheegay in xaqiiqadu soo bixi doonto.

Madaxweynuhu waxa uu muujiyay shaki ku sa absan sida ay Alshabaab ugu suurto gashay inay qabsadaan xerada ciidanka Kumaand ooska Uga nda ee Buulo Mareer.

Museveni wuxuu tilmaamay in hub ay kamid yihiin labo Taangi iyo lidka diyaaradaha aysan as karta Uganda qaarkood sidii la rabay ugu daga al amin, taasoo uu sheegay inay keentay in ay kala cararaan, Al-shabaabna ay ka faa’id eystaan in ay jabiyaan ciidankooda.

"Waxaan tacsi u diraynaa dalka iyo qoysas ka dadkii ku dhintay. Dhacdadan nasiib darrada ah waa in loo adeegsado in lagu xasuusiyo dha mma an dadka ay khusayso, in hawlgallada Soo maa liya ay yihiin hawlgallo dagaal ee aanay ahayn ha wlo samafal oo aad ku heli karto gunn ooyinka Qa ramada Midoobay.”ayuu yiri Mus eveni. Maalintii Dorraad ayay ahayd markii Uganda ay Soomaaliya usoo dirtay taliyahooda ciidama da lu gta, si uu qiimayn ugu sameeyo khasaara ha ka dhashay weerarka, una dhiirri galiyo ciida mada Uganda.

Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarkii Alshabaab ay ku qaa deen degaanka Buulo Mareer. Waxaase Alsha baab ay sheegeen inay ku dileen in ka badan 137 askari oo katirsan ATMIS.

Mareykanka oo shaaciyay inuu duqeyn la beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaa day in weerar dhanka cirka ah ay la beegsatay da gaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo qeyb ka ahaa weerarkii maalin ka hor ka dha cay Saldhiga

Buula mareer ay ku leey ihiin cii dan ka ATMIS, gaar aha an kuwa dalka Uga nda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Tal iska Mar eykanka ee Afrika ayaa la gu sheegay in duq eyn ta lagu bur buriyay hub iyo agab kale oo ay koo xda Al-shabaab ka qabsade en Saldh iga ciidanka ATMIS ee deg mada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Taliska ayaa si doo kale qora alkiisa ku sheegay in duqeynta ay san wax khas aare ah kasoo ga arin dadka shacabka ah ee ku nool halka ay duqe ynta ka dhacday oo aan ka fo geyn deg mada Buula mar eer.Qoraalka Taliska Mareykanka ee Africom la gu ma cadeyn in duqeynta lagu dilay xubno ka mid ah dagaalyahanada Shabaab iyo in kale.

Dhawaan ayay aheyd markii Taliska Africom uu shaaciyay in hoggaamiye ka tirsan Ururka Al-shab aab lagu dhaawacay duqeyn ay ka fuliyeen degm ada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Muhaajiriin Doon ay kula qalibantay Jasiira da Sishilis oo la badbaadiyay

Markab ay maamusho hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF) ayaa ba dbaadiyay ku dhawaad 600 oo muhaajiriin ah oo ku safrayay doon buux dhaaftay taasoo ku qalib antay jasiiradda Sicily Sabtidii.

MSF yaa sida Twiterk ooda kusoo qoray "Ka dib howlgal qaatay saddex saacadood, 599 ayaa la soo badbaaday, oo ay ku jiraan haween iyo car ruur, hadda goob nabad ah ayay ku sugan yihiin.”

Sida ay lagu sheegay xog ka soo baxday was aaradda arrimaha gudaha Talyniga in ka badan 47,000 oo muhaajiriin ah ayaa laga diiwaan galiy ay Talyaaniga sanadkan, ilaa 18,000 isla mudd

adaas 2022,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip