Guddiga doorashada Puntland oo hakiyay doorashada saddex degmo oo ay Garowe kamid tahay

0
Wednesday May 24, 2023 - 12:42:38 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga doorashada Puntland oo hakiyay doorashada saddex degmo oo ay Garowe kamid tahay

    Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ay kamid tahay Garowe, sababa la xiriira xaaladda amni iyo dhacdooyinkii lidiga ku ahaa doorashada ee ka dhacay Garowe. War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ay kamid tahay Garowe, sababa la xiriira xaaladda amni iyo dhacdooyinkii lidiga ku ahaa doorashada ee ka dhacay Garowe. War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in fursad la siinayo wada hadalada lagu xallinayo kala aragti duwanaanshaha ka jira doorashada. Saddexda degmo ee doorashadooda dib loo dhigay ayaa kala ah, Garowe, Dangarayo iyo Godob-jiraan, kuwaas oo hoos yimaada gobolka Nugaal. Ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta doorashada kasoo horjeeda ayaa hor istaagay in qalabka doorashada la geeyo degmooyinkan, sidoo kalena waxay ku hanjabeen inay carqaladeynayaan goobaha doorashadu ka dhacayso. Marka laga reebo saddexdan degmo, guddiga ayaa sheegay in degmooyinka kale ee Puntland ay berrito ka dhicidoonaan doorashooyinka dowladaha hoose. Guddiga doorashada waxay sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan taariikhda dib loo qaban doono doorashooyinka saddexda degmo ee doorashadooda la hakiyay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip