HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 23-KA MAY 2023-KA

0
Tuesday May 23, 2023 - 08:36:29 in Wararka by
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 23-KA MAY 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xoghayeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sarre oo kormeeray Hoolka fadhiga Golaha BJFS

Xoghayeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sarre oo kormeeray Hoolka fadhiga Gol aha BJFS Xoghayaha Guud ee Golaha Shac abka Baa rlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Ca bdulle (Jaabiri) oo uu wehliyo Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibrahim Guuleed, ayaa kormeeray hoolka fadhiga Gol aha, kaas oo 29-ka loo madlan yahay furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS.

Xoghayeyaasha ayaa kormeeray shaqada ka socoto hoolka iyo sida loogu diyaar garoobayo furitaanka kalfadhiga 3aad ee BJFS, waxayna boggaadiyeen dayactirka Hoolka weyn ee fadhiga Golaha in lagu sameeyay isbedel muuqda.

R/ Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay u ambabaxay Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Sha lay u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo uu kaga qaybgalayo shir mada xeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga ga arka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaall ada wax looga qaban ayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bang iga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dalka Masar kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dalka Masar kula kulmay Madaxweynaha Ban giga Horuma rinta Afrika "SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumari nta Afrika, Qaar ka mid ah Wasiirada Maa liyadda ee Dalalka Geeska Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo dadaal dheeri ah ugu jira horumarinta hann aanka Maaliy adda Soomaaliya ayaa shee gay in uu kala had lay madaxdii uu la kulmay arrimaha muhiimadda u leh nidaa mka casriga ah ee Maaliyadda Soomaaliya iyo Barnaamijka Deyn-Cafinta Soom aaliya Waasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Nuur ayaa sheegay kula nkii ay yeeshe en Wasiirada Maaliyadda ay kaga wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqa alaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha Afrika iyo kan Sooma aliya, Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.

Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmi doona Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar Shir ka sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay askartii ka dambeysay shaqaaqadii isgoyska Siinaay

Cabdulqaadir Xasan Cabdulle (Sheelare) oo ahaa askari dowladda katirsan, kaasoo lix qof oo shacab ah ku dilay qori Dhashiike ah intii lagu gu do jiray shaqaaqo ka dhacday isgoyska Siinaay ee degmada Yaaqshiid, ayaa Shalay lagu xuk umay dil toogasho.

Askarigaan ayaa sidoo kale dhaawacay afar qof oo kale, kuwaas oo haatan ku jira xaalado ad ag.

Sheelare wuxuu qeyb ka yahay askar Shalay xukunno dil ah lagu riday, kuwaas oo ay ku cad daatay in ay masuul ka ahaayeen dadkii ku dhi ntay shaqaaqadaas.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale Axmed Cismaan Mire Fiidow (Dhegaweyne), Ma xamuud Cabdi Maxamuud Nuur (Abooto Koris) iyo Cabdullaahi Isxaaq Ibraahim (Boorow) oo kat irsanaa ciidanka Dowladda waxay ku ridday xukun dil ah.

Askartan ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen shaqaaqadii dhawaan ka dhacday isgoyska Siina ay, iyagoo dilay labo askari oo katirsanaa ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Saleebaan Maxamuud Fargax oo laftiisu ku dhaawacmay shaqaaqadaas.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukunno xabsiyo ah ku ridday askar kale oo kiiskaan ku eedeysan, kuwaas oo lagu kala xukumay shan illaa saddex sano oo xabsi ah.

Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka oo kormeeray Xabsiga dhexe ee Xamar

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Sha cabka oo kormeeray Xabsiga dhexe ee Xamar

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haween ka iyo Arrimaha Beni’aadannimada, ayaa kormeer sha qo ku tagay xabsiga dhaxe ee Xamar, waxaana halkaas ku soo dhaw eeyay, taliyaha xabsiga dha xe Daahir Cabdulle Raage.

Guddiga ayaa soo kormeerey dhamm aan qe ybaha kala duwan ee xabsiga, waxeyna maxaab iista ka dhageysteen cabashooyinkooda la xiriira xuquuqdooda Aasaasiga ah oo ay xaqa u lah aayeen in ay helaan,.Intaas kadib, taliyaha xabs iga dhaxe ayaa warbixin ku saabsan xaaladda xa bsiga iyo maxaabiista la wadaagay guddiga xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Beni’ aadannimadaGabagabadii Xubnaha Gudd iga ayaa balan qaaday in ay si dhaw u la shaqe eyn doonaan warbixintoodana lawadaagi doon aan Guddiga Joogtada ee Golaha shac abka BJFS

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuud iga oo iscasilay, dhaqan xume uu ka la kulmay wafdigii Madaxweynaha

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sac uudi Arabia danjire Saalim Macow Xaaji ayaa iscasilay sababo la xar iira dhaqan xume ay kula kaceen wafdigii madaxwey naha ee shirka Jaamacadda kaga qayb-galay magaalada Jidda ee dalka Sac uudiga.

Danjire Saalim Macow oo qoraal ku soo saa ray iscasilaadiisa ayaa wuxuu ku sheegay dhowr qodobo ay ka mid yahiin, in laga reebey ka qey bgalka shirka 32aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19ka May, 2023. Arrintaas ka baxsan nimdaamka diblomaa siyadda caalamka.

Sidoo kale Danjire Saalim Macow ayaa qoraa lkiisa ku sheegay in madaxa brotokoolka Madax weynaha Hinda Culosow ay si anshax xume ah ula dhaqantay. Cabashadiisna u gudbiyey Wasi irka Arrimaha Dibadda oo isgana ka gaabsaday in uu wax qabto.

"Madaxa brotokoolka Madaxweyna Hinda Culosow ayaa iga hor-istaagtay in aan la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh" ayuu qoraalkiisa ku sheega Danjire Saalim.

DF Soomaaliya oo shaacisay in la duqeeyay JILIB

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaac isay in la duqeeyay magaalada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Jilib oo ah xarunta u weyn ee

Kooxda Al-Shabaab, ayaa waxaa weerarkan ka fuliy ay ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxii bada caalamiga ah.

Warbaahinta dowladda ay aa shaacisay in weerarkan oo lagu beegsaday bartilm aameedyo gaar ah uu ge estay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la bu rburiyay.

Wakaaladda wararka dawladda Sooma aliya ee SONNA ayaa intaas kusii dartay in duqaynta lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, islamarkaan uu jiro khasaare xooggan.

Majirto faah-faahin intaas ka badan, bal se waxaa la filayaa in saacadaha soo aad an ay soo saarto dowladda faah-faahinta howl-galkan gaar ka ah ee ka dhacay Jilib.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhaw aan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto ihaadka ka socda Bari ga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shaba ab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.


Wasaaradda isgaarsiinta oo ku wargali say dadka dagan dhulkeeda Siinka-dheer inay ka guuraan

War rasmi ah oo ka soo baxay wasaa radda isgaarsi inta iyo Tiknolojiyadda dowla dda FS ayaa wargalin lagu siiyey dadka da gan dhulka wasaaradda ee ku yaal Siinka-dheer, kaas oo saaran wadada Afgooye, inay ka guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wasaaradda ayaa ku wargalisay dadka Soom aaliyeed ee daggan gobolka Banaa dir iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in dhulkaas uu yahay hanti Qaran, uusana beec ahayn, sidoo kale aysana jirin cid loo wakiishay inay iibiso, kira yso ama ay ku manaafacaadsato.

Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye wa siir dowlaha wasaaradda dowlaha wasaar adda isga arsiinta iyo Tiknoljiyadda dow ladda FS oo warg alintan ay xafiiskiisa ka soo baxday ayaa cadd eeyey in dhulkaas wasaaraddu ku leedahay Siin-kadheer aysan jirin wax cadayn ah oo muujnaya in laga maarmay, sidaa darteed wasaaraddu wa xay u jeedisay hay’adaha amniga dow ladda inay dhulkaas hantida Qaran ah ilaa liyaan, kana shaqeeyaan in fulinta sharc iyada dalka.

Horay wasaaraddu xaaladda dhulkan u ga soo saartay digniin, taas oo soo baxday 12/03/2023.

La-taliyaha madaxweynaha Maxkamadd a ICC oo baaq u diray dowladda Xasan Sheekh

La-taliyaha Madaxweynaha Golaha ee Maxk amadda Dambiyadda Caalimiga (ICC) Md.Mahad Axmed Xaaji ayaa war qoraal ah oo uu soo sa aray waxa uu kaga hadlay muh iimadda ay Soomaaliya u leed ahay inay ku biirto ICC.

Qoraal uu soo dhigay Twit ter-ka ayaa waxa uu la-taliyaha ugu baaqay dowladda uu hog aamiyo Madaxweyne Xasan Sh. in miiska la soo saaro islamarkaana la ans ixiyo kamid noqosha da ICC.

Waxa uu Mahad Xaaji xusay in xildhib aano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka inay doo nayaan arrintan si loo helo cad aalad iyo isla xisaabtan lagana hortago danbiyada dagaal (War Crimes) ee aan xal loo helin ee ka dhaca Soo maaliya.

Waxa uu sidoo kale Dowladda ugu baaqay in ay horgeyso Xeerka dambiyada dagaal ee la yiraa hdo Rome Statute, loona baahan yahey in la hor keeno Baarlamaa nka inta aan la furin 29 May si loogu daro ajendaha.

Mudane Mahad Axmad Xaaji wuxuu ugu baaqey in xukumadda uu hogaamiyo ra’Iisul was aare Xamza Cabdi Barre iyo Villa Somalia in lasoo dedajiyo xeerarkan, waxaana uu uga digey dib u dhac in aan lagu sameyn kuna bogaadiyey.

Ansixinta Xeerka waa shaqo Baarlam aan sida ku xusan marka dal uu doonayo inuu ka mid noqdo ICC. Waxa uu tilmaam ay in dowlada ays an ansixi karin Xeerka danbi dagaal ilaa laga soo bilaabey 2002, dowlada doorkeeda waa gudbiy aha nat ij ada iyo horgeynta Baarlamaanka oo kaliya.

Soomaaliya waxaa saaran cunaqaba teynta hubka taas oo ay Golaha Amaanka ay saareen, waxaana haddii ay ku biirto maxkamadda ay suuragal tahay in laga qaado.

DF oo saraakiil dowladeed u xirtay mus uq-maasuq

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda maal iyadda ayaa Shalayeyd lasoo xiray, sida uu shaaciyay xafiiska Xeer Ilaali yaha Guud ee Qar anka.

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maal iyadda, gaar ah aan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eede eyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dok umentiyo dow ladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qar anka ay aa shaaciyay waaxaha ay ka howl-galayeen sar aakiishan, kuwaasi oo kala ahaa; khasnajiga xa fiiska canshuuraha beriga ee degmada Warta-nab adda iyo madaxii hore xafiiska canshuuraha be riga ee degmadaasi, haddana ah madaxa canshu uraha berriga ee degmada Xamar-Jajab iyo sar kaal kale oo uusan shaacisan.

"Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qa ranka wa xa uu ugudbin doonaa eedeysa nayaasha maxka madda awoodda u leh marka ay soo dhamaato baarista kiiska loo haysto si loo horkeenno cad aaladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Shalay eyd kasoo baxay Xafiiska.

Xafiiska ayaa sidoo kale waxa uu dign iin cul us u diray cid walba oo ku hawlan fal dembiyee dyada sare ku xusan, ee ah damaaciga hantida dadweynaha iyo sameynta dokumentiyada been abuurk ah.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay howl-gallada lagula dagaalamayo xatooyada xo olaha dadwey naha iyo sameynta waraa qaha been abuurka ee ay wadaan hay’ adaha amniga.

"Xafiiska waxa uu uga digayaa saraa kiisha dowladda, shirkadaha iyo hay’ad aha la-macaa mila hay’addaha dowladda in ay qeyb ka noqdaan dembiyada la xiriira musuq.”

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay dhaw aan dowladda federaalka Soomaaliya xir tay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobo lka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sa nadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hor dhac u yihiin sha bakad ballaaran oo ku ee deysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xari gooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabaka daan ay qeybta ka ahaay een saraakiishan u xir an dowladda, kuw aasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Wasaaradda Warfaafinta oo Muqdisho ka furtay wadatashi ku aadan istiraatiji yadda Qaran ee warbaahinta dalka

Agaasime guud ee wasaaradda Warfa afinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Md. Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa Muqdisho ka furay shir looga hadla yo diyaarinta istira atiijiyadda Qaran ee warbaah inta dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’u uliyiin ka kala socday warbaahinta do wladda, xafiisyada warfaafinta ee hay’ad aha dowladda, gobolka Banaadir iyo warba ahinta madaxa banaan.

Ka qaybgalayaasha ayaa ka doodi doona mud ada uu shirku socdo oo sadex cisho ah sidii loo abuuri lahaa istiraatiijiyad lagu hago warfaafinta dalka, taas oo ku salaysan baahida bulshada Soo maaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayi Ducaale ayaa xusay inay wasaaraddu hore u samaysay xafiis mideeya farriimaha dowladda, kaas oo wax wayn ka qabtay in la helo akhbaar sax oo mida ah, kana tarjumaysa xogta rasmiga ah ee dowladdu shacabka u gudbinayso.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho kula kulmay safiirka Kenya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirsha beelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Sh alay Magaalada Muq disho kulan kula qaatay saf iirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Dan jire Thomas K. Chepkuto.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadaha dlay xaaladaha amni ee dalka gaar ahaan howlga lada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, kaas oo ka socda deegaanada Hirsh abeelle, guulaha muhiimka ee laga gaaray daga alada cad owga iyo u diyaar garowga wajiga 2-aad ee hawlgalka.

Madaxweynaha oo kulankan ay ku weh liyeen wasiirada maaliyada iyo haweenka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo caawin la haa dadka ay saama ysay fatahaadaha ba ahsan ee uu wabiga Shabe elle ka geystay magaalada Beledweyne, taas oo sababay barakaca bulshada magaalada.

Kenya oo ka mid ah dalalka ay ciidam adu ka joogaan Soomaaliya ayaa kaalin fir fircoon uga jirta la dagaalanka kooxda Kha waarijta ah ee Al-shabaab.


Booliska Soomaaliya iyo Atmis oo isku raacay in sare loo qaado amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle

Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo ku wa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado amniga dowlad goboleedka Hirsh abeelle kadib wada ha dalo magaalada Jowhar ku dhex maray tal iyeyaasha labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliya ha Booliska Dowlad Gobo leedka Hirshabeelle Col. Xasan Dhicisow, Madaxa Xafiiska Q/M M/Jowhar, Gagan Banjara, iyo Madaxa ATMIS ee Booliska Hirshabeelle Marafa Manu.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray Atmis, Saraakiisha Sare ee Mill ateriga iyo Booliska ayaa ka wada hadlay sidii loo dardarge lin lahaa wada shaqeynta lagu sugayo ammaanka Jowhar. "Waxaan yeelanay is-dhaafsi wanaags an, wadahadallo wanaagsan oo ku saabs an sidii aan u wada shaqeyn lahayn, qor sheynta how lgallada si hufan loogula daga alamo argagixisada Al-Shabaab. Waxaan ku heshiinay in aan sii wa dno shirarka noo caan oo kale ah si aan xogta is ku weydaar sano, isla markaana loo qorsheeyo how lgallada,” ayuu yiri Taliyaha ATMIS B urundi, Brig. Gen. Jean Claude Niyiburana.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ay aa noqday mudnaanta koowaad ee ATMIS iyo DFS iyadoo dhimista ciidamada uu galay marxal ad xasaasi ah.

Brig. Gen. Niyiburana ayaa sheegay in wada shaqeynta ATMIS iyo Booliska Soo maaliyeed ee dowlad goboleedka Hirs habeelle, ay dhabaha u xaari doonto howlg allada ka dhanka ah Al-Sha baab. Col. Xasan ayaa kulanka ku tilmaamay tall aabo wanaagsan oo loo qaaday sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

"Waxaan ka wada hadalnay sidii loola dagaala mi lahaa Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada ay gacanta ku hayaan. Sida aad la socotaan waxaa socda howlgalo ka dhan ah Shabaabka ku sugan Hirshabe elle. Deegaannada bariga webiga Sha beelle waa la xasiliyay, waana la xoreeyay, ujeed kuna wuxuu ahaa in la qorsheeyo si dii loo xoreyn lahaa deegaannada ka har san galbeedka webiga Shabeelle,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Howlgal laga sameeyay Muqdisho oo la gu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo waxyaabaha maanka dooriya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlg alo qorsheysan oo ay Habeen hore ciidanka dowl adda ka sameeyeen degmada Howlw adaag ee M/ Muqdisho, kaasoo la gu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo waxyabaaha maanka dooriya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Boolis ka qeybta guud ee G/ban aadir ayaa lagu sheegay in howlgalka loogu magac daray Ciiltire ay ciidan ka kusoo qab teen laba nin oo lala xariiriyay iney ka tir san yihiin kooxda Al-shabaab.

"Howlgal ka dhacay degmada Howlwa daag ayaa lagu soo qabtay 2 eedeysane oo la rumeys anyahay iney Khawaarij yihiin” ayaa lagu yiri qor aalka kasoo baxay Boo liiska gobolka Banaadir.

Qoraalka Booliiska gobolka Banaadir ay aa sidoo kale lagu sheegay in cidamada ay howlgal kaasi ay kusoo qabteen maan doo riye isugu jira Qamri, Calaq iyo qof ku eede ysan inuu waday maan dooriyaha. "Ciidanka Amaanka ayaa Xalay fiidkii howlgal ka Ciiltire ku soo qabtay Maandoor iyaha (Qamri iyo Calaq) Dagmada Holwa daag, gaar ahaan Wa axda 2-aad ee Saqa wadiin. Howlgalka Ciiltire ee Ciidanka Bol iiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa ujeed kiisu yahay Xaqiijinta Amniga, Ciribtirka Kha waarijta, Burcadda Iyo Maandooriyaha. Sidoo kale, waxaa lala soo qabtay eede ysanihii waday maan dooriyaha" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.

Ciidamada Boliiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa bilahii lasoo dhaafay degmo oyinka M/Muqd isho ka waday ho wlgalo culus oo wax badan ka badalay am aanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wabiga Shabeelle oo naq bilaaw ah ka sameeyay xaafadaha Magaalada Baledweyne

Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha M/ Bal edweyne ee xarunta gob olka Hiiraan oo sagaalkii bishaan ku fat ahay xaafadaha Baledweyne oo sa babatay barakaca kumanaan qoys ayaa saaca dahii la soo dhaafay bilaabay inuu ka naqo xaa fadaha qaar.

Wabiga Shabeelle ayaa meelo badan oo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn, Koo shin, Howlwada ag iyo Xaawa taako ka sa meeyay naq bilaaw ah oo farxad galiyay dadkii ka barakacay gurya hooda.

Rajo badan ayay ka qabaan shacabka reer Ba ledweyne naqa bilaawga ah ee laga dareemay saacadahii lasoo dhaafay xaafa daha Baledweyne in guud ahaan biyaha ka soo baxay wabiga dib ugu laabtaan maalm aha ka dhi man bishaan May.

Deegaanada dhulka is maamulka dow lad deega anka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale laga soo wariyay in biyahii ka baxay wabiga Shabeelle ay dib ugu xar oodeen wabiga, islamarkaana ays an jirin biyo kale oo kasoo socda dhanka dowlad deegaanka oo uu ka yimaado wabiga Shab eelle.

Si kastaba ha ahaatee fatahada ku dhu fatay Baledweyne ayaa sababtay barakac baahsan, burburka guryo fara badan oo ay biyaha qaadeen iyo wadooyinka oo sidoo kale burbur lixaad leh ka soo gaareen biy aha oo ahaa kuwa si xoowli ah ku socday in ka badan 10 maalmood oo xiriir ah.

Al-Shabaab oo bayaankii ugu cusla kasoo saa rtay gulufka dagaal ee DF Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay war-murti yeed laga soo saaray shirweynihii labaad ee wad a-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afr ika, kaasi oo ka qabsoomay gobolka Jub bada Dhexe.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen in ka bad an 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shaba ab, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Amiirka kooxda, Axmed Cumar Abuu Cub eyda, wax aana laga soo saa ray baya ankii ugu cus laa ee kooxda kaga jaw aabeyso gulufka dagaal ee uga socda qeybo badan oo dalka.

Kooxda ayaa waxay sheegtay in dowl addaha shisheeya oo gacan ka helaya tan Soomaaliya ay soo qaadeen duullaan ball aaran oo ay ku sheeg tay in lagu beegsan ayo caqiidada, dhaqaalaha iyo deegaana da Muslimiinta, "waa lama huraan in dhexda u xirtaan difaaca dhulkooda.”

Bayaanka kasoo baxay shirweynaha Al-Shab aab oo u muuqda mid ay taageero ugu raadsana yaan dagaalka ku socda ayaa waxay ku sheegtay in maleeshiya adkeeda iyo guud ahaan dadka So omaaliyeed ay si wada-jir ah uga qeyb qaataan ka hortagga iyo fashilinta wejiga labaad ee gulufka dagaal, sida lagu yiri bayaanka.Sidoo kale waxay ku sheegeen in ka qeyb ah aanshaha ciidamada Itoobiya ee wejiga labaad ee dagaalka uu ku saleysan yahay damac dhul balla arsi oo soo jireen ah oo daba socda sheegashado oda lahaan shaha Zeylac, Muqdisho iyo Balcad, sida la gu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirwe ynaha Al-Shabaab ayaa waxa kale oo lagu weeraray dowladda Imaaraadka Carabta, oo xilligaan kaalin mug leh ku leh dagaalka socda, dowladda feder aalka ka taageeray sa tababarka iyo kharashaad ka ku baxaya ciidamada cusub ee qeybta ka noqoneysa qorshaha dowladda ee dagaalka iyo xasi llinta caasimadda

"Imaaraadku waa dubbaha Yahuudda iyo Mare ykanka u adeegsadaan gumeynta iyo gumeysa shada umadda, fara-gelinta ay Soomaaliya ku hay sana ay tahay mid ay ku abuureyso maleeshiyaad lamid ah kuwii ay ka sameysay Yemen, Liibiya iyo Suur iya, kuwaas oo markii ay burburisay ay gac anta u gelisay cadowgoodii soo jireen ah aa,” ayaa lagu yiri qoraalka kooxda Al-Sha baab.

Kooxda ayaa waxa kale oo si weyn uga gil-gilatay dagaalka dhaqaale ee ka waj aheyso DFSkaasi oo laga gaaray guul wax ku ool, sida ay kal hore sheegtay dowladda federaalka Soomaa liya.

Shabaab ayaa ku tilmaamtay dagaalka dhaqa ale ee ka dhanka ah mid lagu be egsanayo dhaq aalaha iyo ganacsiga dad ka Soomaaliyeed iyo qorshe ay gacmo ka le ku doonayaan inay ku bililiqeystaan hant ida umadda, sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, Shirweynaha laga soo saa ray war-murtiyeedkan oo ahaa mid qarso odi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dha cay deegaan kam id ah Jubbada Dhexe, waxaana ka dhex muuqday sawirada laga baahiyay dhamaan culimada koox da Al-Shabaab ka tirsan.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

10 qof oo daacuun ugu dhimatay Koonfur Afrika.

Gobolka Gauteng ee ugu dadka badan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dilaacay cudurka daacuun caloolaha, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Ugu yaraan 95 qof ayaa tan iyo Isni intii la soo dhaafay booqday cisbitaall kuyaallaa magalada Hammanskraal, oo

kutaalla waqooyi caasimadda Pretoria ayaa muujinaya calaamado daacuun caloolaha ah. Sida ay sheegeen waaxda caafimaadka ee Gaut eng tijaabada shaybaarka ee Axadii la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay ugu yaraan 19 xaaladood oo daacuun ah. Waxay intaa ku dareen in 37 qof la dhigay xaalad halis ah.Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray ilmo saddex jir ah iyo sagaal qof oo waaweyn. ilaa 10 qof ayaa u dhimatay cudurka.

Suudaan oo markale dagaal ka qarxay

ciidamada Sudan ayaa ka hortagaya isku dayo ay maleegayeen kooxo dabley ah oo doonaya in ay u dhaqaaqaan saldhigooda ugu weyn ee ku dhow caa simada Khartoum, sida ay sheegeen dadka dee gaanka.

Garoonkan ayaa ah mid ay ciidamadu u adeegsadaan wee rarad a dhanka cirka ah ee lagu qaado ciidamada RSF-ta, wax aana sidoo kale ay adeegsan jireen dowlado shish eeye si ay muwaadiniintooda uga soo daad guree yaan dadkooda. Dagaalkaan ayaa kusoo aadayaa xilli dhawaan dhinacyada ay gaareen heshiis xabad-joojin ah oo garwadeen ay ka ahaayeen dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga oo sheegay ina isha ku hayaan ciddajebisa xabad-joojinta.


Shirweynaha Qaran Ee Dhallinyarada Oo Lagu Soo Gabagabeeyay M/ Muqd isho oo War-MurtiyeedLaga Soo Saaray

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Shirweynihii sagaalaad Qaran ee Dhal linyarada Soomaaliyeed. Waxaana ka soo qeybg alay ergooyin matalaaya dhallinyarada Soomaali yeed ee ka kala yimid dhammaan Gobolada Dalka iyo Waddanka dibadiisa (Ergada Dhalinyar ada Puntlad, Koonfurgalbeed, Jubaland, Hirsha beelle, Galmudug, Gobolka Ben aadir, Ergada Dhallinyarada Qurbajoogta.

Ergada Dhallinyarada Baahiyaha gaarka ah qaba iyo Qaar ka mid ah Ergada Ururada iyo Dall adaha Madaxa bannaan, shirka waxaana si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamsa Cabdi Barre, waxaana soo xiray Raisal wa rsaare ku xigeenka xukuumada federalka som aliya mudane Salah jamac.

Shirweynaha oo muddo seddex maal mood ah ka socday Magaalada Muqdi sho20-21-22 Bisha May 2023waxaa soo qaban-qaabisay Wasaarad da Dhallinyar ada iyo Cayaaraha XFS oo u xilsaa ran jih eynta, abaabulka, iyo ka faa’iideysiga aw oodda Dihan ee hindisaha iyo hal-abuurka dhalli nyarada Soomaaliyeed.

Wasaaradda dhallinyarada iyo Cayaar aha XF S oo ka duulleysa halkudhigii Madaxweynaha JFSMd. Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa ahmiyada in la siin doono shaqo abuurka dhallinyarada wa xay abaabushay Shirweynahii 9AAD Qaran ee dhalinyarada somaaliyeed. si ay u helaan goobo ay ku soo bandhigan karaan hal- abuurka ka dhex guuxaya, iyo sidoo kale side ay u muujin lahaay een doorkooda Nabadda, amniga & ka mid noqoshada jaan-goynta siyaasadda, si dhallin yarada Soomaaliyeed u noqdaan kuwa ka mira dhaliya hiigsiga nolosha, taasoo qeyb ka ah mas’uuliyaadha ay u xilsaarantahay Xukuumadda Dan-Qaran, iyadoona la fulinaayo Ballanqaadkii Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre.

Shirweynaha 9-aad ee 2023 waxa uu diiradda saaray.

Doorka Nabadda iyo Amniga Horumarinta iyo kobaca Dhaqaalaha Bandhigidda hal-abuurka dhallinyarada iyo Horumarinta dhallinyarada leh hibooyinka.

Daahfurka siyaasadda qaran ee dhal linyarada Somaliyeed.Ujeedooyinka laga leeyahay Shriwe ynaha Shirweynahaan waxa ugu waaweyn oo la raba waa in xal looga gaaro arrim ahaan:-

Waan in ay helaan dhallinyarada Soo maali yeed madal isku xiri karto laamaha amniga, si nabad-galyada dalka oo wadajir loogu shaqeeyo

Waa in dhallinyaradu helaan goob ay ku soo bandhigi karaan hibadooda iyo hal-abu urka ka dhex buuxa

Waa in Shirkadaha gudaha, kuwa dibadda, Hey’adaha, iyo Ganacsatadaba iney maal-gashi ku sameeystaan fikradaha tayada leh ee dhalin yaradu soo bandhiga yaan Waa in dhallinyarada Shalay heysata fursadaha sida madaxda siyaas adda, ciid amada, Guddoomiyayaasha degmooyin ka, maamulayaasha shirkadaha gaarka loo leeya hay, kuwa iskood u ganacsada, dhamaantood waa iney helaan dhiira-gelin iyo in lagu abaal-ma riyo dadaalkooda si ku wa kale ugu daysadaan

In dhallinyaradu intooda badan shaqa la’aantu heysato loo sameeyo fursado ee shaqo ku same ystaan si maareynta nabad galayada qeyb ugu noqdaan.

Shirweynaha inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay Dood-cilmiyeed ka had laayo kaalinta Dhalinyarada, Hal-abuurka, Dhalinyarada iyo Dhaqaalaha, Amniga iyo Dhallinyarada, waxaana laga soo jeediyey Cilmi baaris ku aadan Doorka Hoggaam inta Dhalinyarada, Dhibaatooyinka Ciyaal weerada, waxaana xusid mudan in

Sanadkaan Dhallinyarada Baahiyaha gaarka qaba in la siiyey qeyb u gaar ah, waxaana loo qabtay dood ay ka qeybg aleen oo su’aalo lagu weediiyey.

MAHADNAQA SHIRWEYNAHA

Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa Madax waynaha Dowlada jamhuuriyadda Federaalka

Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxa mud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuri yadda

Federaalka Soomaaliya Mudane Hamsa Cabdi Barre oo mudnaan siiyey kaalinta Dhallinyarada ee ka qeybgalka Hoggaaminta Dalka.

Shirweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahad celin ayaa Wasiirka Wasaaradda Dhalliny arada iyo Cayaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud kaalintiisa hoggaamin eed ee isku dubaridida iyo isku xirka

barnaamijyada horumarinta Dhallinyarada iyo horumarinta Isboortiga.

Shirweynuhu wuxuu u mahadcelinayaa Xildhib aanadii, Wasaaradihii, Culumaa’ud iinkii iyo Marti Sharaftii kulankaan kasoo jeedisay hadalo iyo tal ooyin muhiim u ah mustaqbalka iyo aayaha

dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirweynaha wuxuu u mahadcelinayaa hey ’adihii Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga garab istaaga ay u muujiyaan Dhallinyarada Soo maaliyeed oo ka soo kabanaya dhibaatiiyinka Dalka,

hiigsanaayana in ay gaaraan Horumar waara.

BAAQA SHIRWEYNAHA

Shirku waxa uu bogaadinayaa dagaalka lagu ciribtiraayo kooxaha Khawaarijta, wa xa uuna soo dhaweenayaa guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro codowga uma dda somaaliyeed.

Shirweynuhu Wuxuu soo jeediyay si dowladdu uga dhabayso muhiimadda ay dhallinyarada siin ayso in miisaaniyadda guud ee dalka laga siiyo qoondo cayiman( ugu yaraan 1%)

Shirweynuhu wuxuu bogaadiyay doorka ay Wasaaraddu siisay dhallinyar ada baahiyaha ga arka ah qaba haday noq on lahayd taageero, dhiir igelin, iyo inay qay b ka noqdaan hawlaha Wasa aradda.

Shirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa in Wasaar addu kaalin hagid iyo jihayn ah ku yeelato

mashaariicda horumarinta dhallinyar ada ee dalka ka socda si loo nidaamiyo, wuxuuna ugu ba aqayaa cid walba oo ma shaariic dhallinyaro fulin aysa inay Wasaar adda ka talo geliyaan intaan lagu

dhaqaaqin, maadaama ay iyadu ugu xog-ogaal santahay baahiyaha dhallinyara da.

Shirweynuhu wuxuu soo jeedinayaa in dhalliny arada kaalin muuqata laga siiyo qabyo tirka dast uurka si loogu muujiyo kaa linta dhallinyarada meeshana looga saaro qodobada caqabadda ku ah ka qaybgalkooda siyaasadda.

Shirweynuhu waxa uu ku baaqayaa in Saam ileyda arrimaha Dhallinyarada ay ka qeybqaataan Dhaqangalinta Siyaasadda Qaran ee Dhalli nyarada. Shirweynuhu waxa uu ku baaqayaa in la sameeyo Golaha Qaran ee Dhallinya rada Soomaaliyeed. Shirku waxa uu Hey’addaha Caalami ga ah ugu baaqayaa in ay kaalinta Dha llinyarada ay horumariyaan si dhowna ula shaq eeyaan Wasaaradda.

Hal kudhigga sanadka 2023-da "Dhalinyaro Heshiish Ah, Hishiishna Ku Ah Danta Qaranka Iyo Dib-U- Dhiska Dalka”

Taliye ku xigeenkii hore ee garoonka diyaaadaha Garowe oo lagu dilay Garowe

Sarkaal ciidan oo horey usoo noqday taliye ku xigeenkii ciidanka ilaalada ee gar oonka diyaa radaha ee magaalada Garo weayaa Shalay lagu dilay M/ Garowe Warar aan si dhab ah looxaqiijin waxay sheegaya an inuu u geeriyooday tacshiirad ay ku fure en maleyshiyaad ka amar qaata siyaasiyiinta diidan doo rashada Puntland.

Xiddige Xayle Carabay Xiireey ayaa la sheegay xil liga uu falka uu dhacay inuu ku sug naa aagga gar oonka diyaaradaha, mana jirto wax faahfaahin oo laga helayo dilkiisa.

Maydkiisa ayaa hadda yaala isbitaalka guud ee Garowe, halkaas oo sidoo kale maalmihii tagay ay talaagad ku jireen labo askari oo ku dhintay iska hor imaad doorashada la xiriiray oo ka dhacay isla magaalada Garowe.

Dilka sarkalkaan ayaa yimid xilli ay socotay dadaalo lagusoo afjarayo khilaafka arrimaha door ashada, iyadoo la filayay in Shalay siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada lagu qanciyo inay joojiyaan is hor istaagga ay ku sameynayaan doo ra shada golaha deegaanka.

Ciidamo maleyshiyaad ah oo ka amarqaata mucaaradka, ayaa ku sugan duleedka bari ee magaalada Garowe, iyagoo isbaaro u dhigtay in sanaadiiqda doorashada laga gudbiyo magaalada Garowe, si loo gaarsiiyo degmooyinka kale ee gobolka Nugaal.

Waxay dalbanayaan in aan mugdi la galin doo rashada madaxtinimada ee 2024, iyagoo kasoo horjeeda in ururada siyaasadu wax go’aan ah ku yeeshaan doorashada 2024.

Shacabka Lamu oo soo dhaweeyay in dib loo furo xadka Kenya iyo Soomaaliya

Dadka ku nool tuulooyinka xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee ismaamulka Lamu ayaa aad ugu farxay kadib markii lagu dhawaaqay in 90 maalmood gudah ood la furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Mamnuucidda dhaq-dhaqaaqa xuduu daha ee labada dal ayaa soo jirtay 12-kii sano ee la soo dhaafay. Waxaa la soo rogay sanadkii 2011 mar kii Kenya ay billowday howlgalka Linda Nchi ee lagula dagaallamayo qulqulka da gaalamaayasha Al-Shabaab ee gudaha dalka.

Isniintii, shir heer sare ah oo wadatashi ah oo magaalada Nairobi ku dhex maray xoghayaha arrimaha gudaha Kithure Ki ndiki iyo dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh ayaa la isku afgartay in 90-ka maalmood ee soo socda si rasmi ah loo furo xadka Soomaaliya ay la wadaagto Ma ndera, Lamu iyo Gaarisa.

"Waxaan go’aansanay in xuduudka Ke nya iyo Soomaaliya u dhexeeya dib loo furo. Waxaa ugu horreeya degmada Buula Xaawo ee Mandheera muddo 30 maalm ood ah. Waxaa ku xiga Liboi (Mandera) 60 maalmood gudahood, iyo Ras Kamboni (Lamu) 90 maalmood gudahood,” ayuu yiri Prof Kindiki.

Dadka ku nool tuulooyinka xadka Lamu, oo ay ku jiraan Kiunga, Ishakani, Ras Ka mboni, Madina, Kiwayu, iyo Mkokoni, oo la hadlay Nation.Africa ayaa muujiyay farxad.

BEESHA CAALAMKA oo taageertay qorshaha DENI

Wakiiladda beesha caalamka ayaa bayaan cusub kasoo saaray doorashooyinka Puntland ee ka taagan yihiin muranka xoog gan, ayada oo u muuqata inay taageertay isku dayga uu Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Bayaanka ayey xubnaha beesha caa lamka ku dalbade en in dhinacyada siyaa sadda ay ka shaqeeyaan sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon.

Beesha caalamka ayaa waxay ku wargelisay madaxweyne Saciid Deni iyo mucaaradkiisa in miiska wada-hadalka la gu xaliyo khilaafka jira, iy ada oo loo mara yo hanaan sharci ah.

"Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaan ka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, saaxii bada Soomaaliya ee beesha caalamka, waxay shacabka Dowlad Gobo leedka Puntland ee Xub inta ka ah DFS ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.”

Wakiiladda caalamiga ah ayaa waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixi yay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doora shooyinka Puntland (TPEC), si looga gu dbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariik higa ah ee doorashada tooska ah.

Sidoo kale waxaa bayaankan lagu she egay inay ku dhiiri-gelinayaan dhammaan daneeyayaa sha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doora shada loogu qaban lahaa jawi nabdoon iyo in wax laga qabto su’aalaha ama khilaafaadka iman kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hana anka sharciga.

Wakiiladda caalamiga ah ayaa waxa kale oo ay sheegtay inay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay door ashooyinka tooska ah ay wax bari kar to oo ay dhiiri-gelin karto fidinta dimoq raa diy adda Soomaaliya oo dhan, ee heer kas ta oo dowladeed.

"Saaxiibda waxaa weli ka go’an inay taageer aan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.”

Bayaankan ayaa waxa uu imanaya ma almo kadib markii dalal ay kamid yihiin, Mareykanka, UK, Switzerland, Sweden, Danmark, Norway, Germany iyo weliba Midowga Yurub ay walaac ka muujiyeen xiisadda ka dhalatay khilaafka doo rashada Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii Madasha Siyaa sadda Puntland oo ay ku mideysan yiihiin xubnahaha mucaraadka ay hortimid doorashooyin ka golaha deegaanka ee Puntland, kadib shirwe yne xasaasi ah oo ay ku yeesheen Garoowe, ka as oo ay ka soo saareen bayaan culus.

Byaaankan ayaa waxa si wada-jir ah u soo sa aray: Hawlgalka Kalaguurka Midow ga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belg ium, Denmark, Jabu uti, Itoobiya, Wafd iga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jar malka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Cara biya, Holand, Norway, Ururka Iskaa shiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Iswiidh an, Turkiga, Bo qortooy ada Midow day ee Britain, Dowladda Mar aykanka, iyo Qara mada Midoobay.

Itoobiya oo sheegtay in dagaalkii gobol ka Tigray ay kaga khasaartay lacag dhan 22 bilyan oo Dollar

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaad ay khasaar aha dhabta ah ee ka dha shay dagaalkii mudada lab ada sano ah ka socday gob olka Tig ray, kaas oo dhinacyadii uu dagaalku ka dhaxe eyay ay dhawaan heshiiyeen.

Haddaba Wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya Axmed Shide Maxamed oo warbixinta 9ka biilood ka horjeediyay Gudida qorsheynta miisaaniyadda ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay dagaalkii gobolka Tigray ku khasaa rtay lacag dhan 1.5 Tiriliyar oo Birr una dhiganta 22 bilyan oo Dollar, taas oo u dhiganta 20.4 boq olkiiba wax soosaarka guud ee dalka Itoobiya.

Wasiirku waxa uu xusay in khasaarahaas ay ka baxsan tahay lacagaha toos loogu shubay dag aalka, iyo qiyaastii dadkii ku geeriyooday dagaal kaas kuwaas oo aan wali tiro sugan lagu ogaan, balse dadka ku nool goobaha ay dagaalladu ka dhaceen ayaa waxaa soo gaartay saamayn dhin acyo kala duwan ah, dadkaas saamayntu soo gaa dhay waxaa la ogaaday inay gaarayaan ilaa 3 mil yan oo qof.

Dhinaca kale Wasiir Axmed Shide waxa uu sheegay inay ku talo jiraan sidii khasaarahaas lo oga soo kaban lahaa, isla markaana dib u dhis lo ogu samayn lahaa gobolka Tigray, oo si ba'an u gu burburay dagaalladii degaankaas ka socday mudada dheer.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo hagaagaya xilli laga dayrinayo dhaqaalaha dalka Itoobiya oo la sheegay inuu hoos u dhacay, sababo la xiriira dag aalladii uu dalku ku jiray labadii sano ee lasoo dhaafay, waxa kale oo jirtay in sicir barar baahsan uu saameeyay guud ahaan dalka Itoobiya, kaas oo ka qayb qaatay dhaqaalo burbur ku yimaadda dalka Itoobiya, iyadoo lacagtii birta ee dalka Ito obiyana ay marba marka xigta hoos u dhacayso.

Xeryaha Qaxootiga Ee Dhadhaab Iyo Kaakuma Oo Laga Dhigayo Degmooyin

Kenya ayaa degmooyin rasmi ah u bed delaysa labada xero ee ugu weyn qaxo otiga ee Dhadha ab iyo Kaakumo, isbeddel kan oo la filayo inuu dhaqangalo muddo shan sanno gudahood ayaa la sheegay in dhamaan qaxootiga hadda lagu hayo Dhadhaab iyo Kaakuma aan lagu qasbi doonin ama aan la siin doonin dhalasho balse waxaa la siin doonaa aqoonsiyo gaar ah oo ay si xor ah uga dhex socon karaan ,

ganacsiga ku sameyn kar aan gudaha Ken ya, halkii ay deegaannada aha an lahaay een magaalooyin teendhooyin ah, sida uu baahiyay wargeyska The EastAfrican.

Guddoomiyaha Gaarisa, Nathif Jamac Aadam ayaa la xaqiijiyay usbuucan inuu saxiixi doono ax di kor u qaadaya Dha dhaab oo laga dhigayo de gmo. Si la mid ah Kakuma ayaa loo ansixin doo naa de gmo.

Qorshaha loogu magacdaray Nashiriki, Swahili ee "Waan wadashaqeynayaa” uje edadiisu waxay tahay in la hubiyo in qaxo otiga iyo magangalyo-doonka la taageero si ay uga gudbaan ku-tiirsana anta gargaar ka bini’aadantinimo una gudbaan isku-tiir sanaan iyo in awood loo siiyo inay ka adkeystaan ​​dhibaatooyinka soo noqnoqda.

Guddoomiyaha arrimaha qaxootiga ee Kenya John Burugu ayaa u sheegay The EastAfrican in habka isku dhafan uu u ekaan doono dhismaha miyi iyo magaalo ee Kenya, iyadoo amniga ay ilaa linayso dowladda.Kenya waxa ay sheegtay in ay doonayso in Dhadhaab iyo Kaakuma ay u furna adaan ganacsi, waxayna ka codsana ysaa maal geliyayaasha inay gacan ka geystaan ​​dhisidda ad eegyada bulshada taasoo sahlaysa in la booqdo xarumaha.

Cirbixiyeenadii Ugu Horeeyay Ee Sucu udiga Ah Ayaa Gaartay Saldhigga Hawada Sare.

Cirbixiyeenadii ugu Horeeyay ee Sucu udiga ah ayaa Hawada Sare ka Bilaabay Diyaarada SpaceX Iyaga oo Safar Gaar ah ku tagaya Saldh igga Hawada Sare. Saldhigga caalamiga ah ee hawada sare ayaa la arkay hawl-galkeedii labaad ee khaaska ah oo la bilaabay Axaddii, isa goo siday nin iyo naag Sucuudiyaan ah, ku waas oo ka wakiil ah muwaadiniintii ugu horreysay ee dalk ooda u safra.

Hawlgalka, oo ay soo qabanqaabisay shir kadda Axiom Space, ayaa arkay ga ntaalka Spa ceX Falcon 9 oo ka soo kacay xarunta Kennedy Space Center ee xeebta bari ee Florida.

Shaqaalihii Axiom Mission 2 (Ax-2) ee saarnaa gantaalka SpaceX Falcon 9 wa xaa ka mid ah cirbixiyeentii hore ee NASA Peggy Whitson iyo ganacsade Mareykan ah John Shoffner, oo la socday cirb ixiyeennada Sacuudiga ee Rayyanah Barnawi iyo Ali Al-Qarni.

Kooxda ayaa lagu wadaa inay ku dhaw aad 10 maalmood ku qaataan markabka ISS, iyadoo la qorsheeyay 20 tijaabo, oo ay ku jiraan barashada hab-dhaqanka un ugyada asliga ah ee cuf-jiid adka eber.

Hawlgalkan ayaa noqonaya tallaabadii ugu dambeysay ee Sacuudi Carabiya uu ku doonayo inuu dib u habeyn ugu sa meeyo muuqaalkiisa ult raconservative, wa xaana uu qeyb ka yahay bar naamijkiisa uu cirbixiyeennada ugu dirayo haw ada sare. Axiom Space waxay u adeegsanaysaa haw lgalladan sidii tillaabadii ugu horreysay ee ku wajahan xarunteeda bannaan, iyada oo qaybta ugu horreysa la filayo in la bila abo 2025.

Muwaadiniin Falastiiniyiin oo la dilay iyo kuwo la dhaawacay

Askarta Yuhuuda waxay Waaberigii hore Shal ayto oo Isniin ah Hawlgal ballaaran ku qaadeen Xerada Qaxootiga Balatiya oo u dhow magaalada Nablus ee Daanta Galbeed ee Dhulalka La-hay sto ee Reer Falastiin.

Tiro badan oo Askar ah oo adeeg sanayo Cagcagafyo ayaa ka qeyb galay Hawlgalka asi, waxayna dadka Deegaan ka kala kulmeen Iska caabin ah, taasi oo ay dhowr Falastiin iyiin ah ku shahii deen.

Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Fala stiin waxay sheegtay in 3 Falastiini ah la dilay, halka 6 kalena la dhaawacay.

Marxuumiinta lagu dilay Weerarkaasi waxaa la gu kala magacaabi jirey:

1-Maxamed Bilaal Maxamed Zaytuun oo 32 jir ahaa,

2- Fatxi Jihaad C/Salaam Risaaq oo 30 jir ah aa,

3- C/llaahi Yuusuf Maxamed Abu Xamdaan oo 24 jir ahaa.

Goobjoogayaal la hadlay Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA waxay sheegeen in Tacshiirad iyo qaraxyo waa weyn rideen Xerada Qaxootiga, iyadoo Ciiddanka Shiish-yahanka Saqafka Gurya ha ka tooganayee dadka, iyagoo ka hor joogsado Ambalaasta iyo Shaqaalaha Caafimaadka inay soo galaan Xerada, si ay ugu gurmadaan dadka ay Askarta Yuhuuda dhaawaceen.

Askarta Yuhuuda waxay Qarax ku burburiyeen Guri ay lahaayeen Qoyska Shalal, waxaana uu bu rburka soo gaaray Guriga la beegsaday iyo kuwa deriska la ahaa,iyadoo ay Gabar yar ku dhaaw acantay Qaraxaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip