HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 21-KA MAY 2023-KA

0
Sunday May 21, 2023 - 08:40:32 in Wararka by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 21-KA MAY 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Wasiiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Jedah kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya Amiir Max amed Bin Salmaan Bin C/casiis Aala-Sucuud iyo Wasiiro katirsan dalka as.
Kulanka labada dhinac ayaa waxaa ay uga wada hadleendib u eegista lagu sameeyay xirirka iskaashi ee labada dal, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan ee labadal dal iyo taageero Sacuudigu siiyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasi iradii ugu badnaa ee Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ka mid ahaa: Wasiirka Tamarta Amiir C/casiis Bin Salmaan Bin C/casiis, Amiir Turki Bin Muhammad bin Fahad bin Abdulaziz Was iiru Dowlaha iyo Xubin ka tirsan Golaha Wasiira da, Amiir C/casiis Bin Turki Bin Faysal Bin C/ casiis Wasiirka isboortiga; Amiir C/casis Bin Sa cuud Bin Nayef Bin C/casis Wasiirka Arrimaha Gudaha, Amiir Cabdalla Bin Bandar Bin C/cas iis Wasiirka llaalada Qaranka, Amiir Khaalid Bin Salmaan Bin C/casiis iyo Wasiiro kale.

Xasan Sheekh ayaa madaxda Carabta u she egay in horaanta sanadka 2024-ta ay Soomaal iya ku dhawaaqi doonto inay ka xorowday Al-Shabaab iyo cid kasta oo lidi ku ah amniga dalka.

Saacadaha soo socda ee Shalay ah ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdiga uu hoggaaminayo inay dib ugu soo laabtaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

RW Xamse ” Hadda waxaaynu jeexnay wado cusub oo si daahfuran loogu tartami doono boosaska shaqo ee dowladda”

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Md. Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaa cinta natiijada saddexdii kun ee macallin dow laddu qaadatay oo Shalay si toos ah u soo gab agabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hidd aha Iyo Tacliinta Sare.

Xukuumadda DanQaran oo xoojinaysa qor shaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qa adida waxbarashada ayaa imtixaan daah furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawa aqay intii guulaysatay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in had afka Xukuumadda DanQaran yahay horumarin ta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, si daas awgeed Dowladdu go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato kuwaasi oo ka hawl geli doona gobollada dalka, isagoo intaa ku da ray in xukuumadda ka go’an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbar asho u dareerta. Wasiirka Wasaaradda Waxb arashada, Hid daha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Cabdul Qaadir ayaa ka warbixiyey heerarkii qaadasho ee ay soo mareen sadd exda kun ee macallin ee ku guuleystay imtixa annaa dkii la qaaday.

Mudane Xamsa ayaa bogaadiyey wasaar adda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah furnaanta leh ee ay u maamuleen, taasi oo muujinaysa in had da aynu ka sii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qaybsansan jiray, balse hadda aynu furnay wado cusub.

NISA oo Dekada iyo Garoonka Muqdi sho mar kale ku qabatay Saanad Ciidan oo khawaarijta loo waday

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Su gida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qab tay Konteenar siday alaabo ay ciidamadu ade egsadaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwa as oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gu daha XFS Maxamed Cali Xaggaa ayaa sheeg ay in Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula soc deen Saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qari yay badeeco ganacsi ah aan dalka loo soo gali nayay, howlgal guuleyst ayna gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Gudaha Maxamed Cali Xaggaa iyo wa siir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdi raxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo si wadajir ah shir jiraa’id u qabtay ayaa tilmaamay in sirdoon ka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaqdhaqaaq walba oo khawaarijtu dooneyso inay ku dhagarto shacabka taasina ay saha shay in la helo xogtooda.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Si rdoonka Qaranka ayaa 18-kii bishaan Dekadda Muqdisho ku qabtay Konteenar lagu soo qari yey saanad ciidan oo loo waday khawaarijta Shabaab, kaas oo ku jireen alaabi Ciidan oo kala duwan.

Dekada iyo Airport waa labo il oo dalka u mu hiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ay aa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay ’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xuk uumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in Dowladda Sooma aliya ay ku dadaaleyso inay dardargaliso dagaal ka ka dhanka ah khawaarijta oo hadda ka soc da Gobollada dalka si amni looga dhigo caasi mada iyo gobolada dalka oo idil.

Dowladda Somalia waxaa ka go’an in talaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku haayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo ka mid ah bul shada.

Bankiga Dhexe ee Somalia oo 32 sanno ah ka dib ka qeyb galay Shir ka dhacay Moro cco

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii u gu horeysey mudo 32 sano ah kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 ( GPW) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Shirkaas ayaa waxaa qaban qaabiya Banki ga Aduunka, waxaana ka soo qeybgala Bankiy ada Dhexe ee Aduunka iyadoo lagu soo bandhi go teknologiyada cusub ee Hanaanka Lacag Bixinta aduunka.

Soomaaliya oo ku guuleysatay hirgelinta Ha naanka lacag Bixinta Qaran ayaa waxey sidoo kale halkaas ugu qeyb gashay dood ay qeyb kahaayeen Bankiga England, Bankiga Europe an Union, Mexico iyo Oman, waxaana lagu soo bandhigay doodaas Guulaha Soomaaliya ka gaartey hirgelinta mashruucan.

Shirkan ayaa waxaa Bankiga Dhexe ee Soo maaliya ku matalayey wafdi uu hor kacayo Aga asimaha Sare ee Lacagta iyo Howsha Bankiga Axmed Xundubey iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka.

Taliyaha Booliiska qaybta Gobolka Bana adir: "Waa mamnuuc in qof raba in dantiisa uu Dukaan wax uga iibsado uu waddada xirto”.

Taliska Booliiska qaybta Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in mas’uuliyiinta ilaalada wad ata ee katirsan Dowladda Federaalka Soomaa liya ay xirtaan waddooyinka caasimadda xilliya da ay ka dukaameysanayaan goobaha ganacsi ee hareeraha laamiga ku yaalla.

Macalin Mahdi oo ah Taliyaha qaybta Booliis ka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in arrintaan aa nay laga aqbali doonn in mas’uuliyiinta sida as samysa sidaas awge ed looga digayo tallaaba da an oo caqabad ku ah Sha cabka.

Mas’uuliyiinta ayuu til maamay in looga ba ahan yahay inay dukaameystaan iyaga oo aa nay xay irin Dadka Shacabka & Gaadiidka istic maalla waddooyinkaas gaar ahaan Makka Al-Mukarr ama oo saxmad dhalin tallaabaas dhal isa.

"Dadyowga Mas’uuliyiinta ah ee Magaalada Muqdisho iyaga oo dhexmaraya ee marka ay rabaan inay dukaameystaan xiranaya waddoo yinka, Waddada Maka Al-Mukarama ayaa mas ’uul ka dukaameysanaya xirinayaa, waa mam nuuc in qof raba in dantiisa uu dukaan wax uga iibsado uu waddo xirto” ayuu yiri Taliyaha Bool iiska Gobolka Banaadir.

Waddooyinka qaar ee Muqdisho waxaa xir ta Ciidamo ilaalo u ah mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xilliyada as ka dukaameysanaya Gooba ha Ganacsi ee hareeraha laamiga ku yaal la, gaadiidka wadd adaas marayay ayaa saxmad xooggan kala kul mya.


Deni oo sheegay in aysan jirin cid hor-is taa gi karta qabashada doorashooyinka qofka iyo codka

Iyada oo weli khilaaf uu ka taagan yahay arr imaha doorashooyinka ee qof iyo cod ee deg aannada dowlad Goboleedka Puntland ay aa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulla ahi Deni wuxuu sheegay in doorashooyinka wa qtigii loogu talo galay ay ku dhici doonaan.

Madaxweyne Saciid Deni oo booqasho ku maraya degaano katir san Gobolka Bari ay aa waxaa uu sheegay in Puntland ay xilli gaan ku tallaabsatay horumar ballaaraan, isla mark aana muddo 50 sano kadib ay qabsan doonto dooashooyin qof iyo cod ah.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Punt land Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu hadalkiisa u intaasi kudaray in Puntland ay qabsan doonto doorashooyinka qofka iyo codka ah, ayna jiri doonin cid hor-isstaagi karta.

Doorashooyinka qofka iyo codka ayaa loo ballansan yahay in 25-ka Bishaan ay ka billaaw daan degaannada Puntland, hayeeshee waxaa si weyn doorashooyinka uga soo horjeeda siyaa siyinta mucaaradka Puntland.

IMF oo ka hadashay Halka uu Marayo Hana anka Deyn cafinta Soomaaliya

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay aa warbixin ka soo saartay heerka qiimayntii ay ku sameysay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hada maraya merl gabo-gabo ah.

Guddiga Sare ee Hay’adda IMF oo shir gaar ah kalahaa arri maha maaliyad da So omaaliya ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay ka gudubtay Barnaamijka ECF ee ahaa Dib-u-eeg ista 5-aad ee ku saleysnaa sharuudaha Deyn cafinta taasoo hadda ay fulisay Dowladda Soo maaliya dhammaan shuruudihii ku xirnaa han naanka ECF-ka.

Hay’adda IMF

Ayaa ku boogadisay Dowladda Federaalka So omaaliya sida ay ugu go’an tahay dadaalada la gu xoojinayo qorshe-yaasha dib-u-habeynta Ma aliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa ku leh Soo maaliya.

Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xu say in loo baahan yahay in la labo laabo daada lada lagu dar-dar galinayo kordhinta Dakhliga gudaha, iyada oo mudnaan loo siiyo beeqaam Inta karashbixinta si loo yareeyo bixinta khara shaadka aan daruuriga ahayn.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay so cd aan dadaallo lagu xoojinayo, Maamulka Gu ud ee Maaliyadda dalka horumar laga sameey ay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbi xinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hay’ad da IMF. Wasiirka Elmi ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta. ” Warbixinta ka soo baxday IMF waa war u wanaagsan dhagaha bulshada oo misna dhiirigalin u ah hannaanka Horumarinta Maaliy adda Soomaaliya. Arrimaha dib-u-habeynta Ma aliyaddu waxa ay ku socdaan waddadii sax da ahayd, waxaana naga go’an in aan aragno gu ulo badan inkasta oo ay jiraan caqabado waa wyn” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Sooma aliya Dr. Cilmi.

IMF waxa ay sidoo kale Dowladda Federaa lka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maa liy adda Soomaaliya ku aShalayy in ay xoojisay Maamul wanaagga iyo hufnaanta iyadoo horu mar laga sameeyay hannaanka Iibka Qandaraa syada Qaranka iyo heshiisyada ay Dowladdu gasho.

Axmed Madoobe oo saddex arrin kala hadlay KENYA

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbal and, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoo be) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Shalay kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen. Thomas Chepkuto.

Axmed Madoobe ayaa danjire Maj. Gen. Thomas Chepkuto saddex arrimood oo ku saab san xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dib u fur ista xuduudaha labada waddan, arrimaha dhaq aalaha iyo sidoo kale dagaalka Shabaab.

Arrimaha muhiimka ee ay isla meel dhigeen labada mas’uul ayaa waxaa ka mid ah sidii loo kordhin lahaa howlgallada ka bilaabanaya go bol lada Jubbooyinka oo ay ka howlgalaan ciidam ada Kenya ee qaybta ka ah ATMIS.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubba land ayaa waxaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay kulan dhex-maray madaxweyne Axmed Madoobe iyo safiirka dowladda Kenya, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

"Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka Ken ya ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay furista xuduudaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ken ya oo ahmiyad wayn u leh Shacabka labada dal ee dhinacyada socdaalka, isdhaafsiga bad eeco oyinka iyo hormarinta dhaqaalaha labada wadan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madax tooya da Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray "Inta uu ku lan ku socday waxaa kale oo masuuliyiintu ay ka wada hadleen arimaha amniga iyo howlgala da ay Jubaland ka wado qeybo badan oo ka mid ah gobolada Jubaland kuwaas oo lagu cirib tir ayo kooxaha Argagixisada ah”.

Kenya ayaa xiriir wanaagsan laleh dowlad go boleedka Jubbaland oo ay si gaar ah u taageer to, waxaana la sheegaa in xittaa ay dhismahe eda ay gacan weyn ka geysatay, ayada oo taa geereyo Axmed Madoobe.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan qorshuhu yahay in wajiga labaad ee dag aalka Al-Shabaab uu ka billowdo koonfurta Soo maaliya, kaas oo ay ka wada qayb-qaa danaya an dalalka dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya.

Wafdi ka socda Xukuumadda RW Xamse oo markii ugu horreysay tegay Laas-Caanood

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa markii ugu horreeysay tegay M/Laascaan oodtan iyo markii uu dagaalka ka billaawday

Wasiirka ayaa kulan La qaatay Shacabka Reer Laascaanood, is aga oo kala hadlay dhi baat ooyinka ka dha shay da gaalkii xooganaa ee ka dhacay Magaa lada La as-Caanood iyo degaannada hoostaga.

Wasiirka ayaa waxaa lagu wadaa in uu booq do xarumaha muhimka ah ee Magaalada, kaas oo uu saameeyay dagaalka magaalada laas-ca anood.

Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobo lka Sool ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaa fay waxaa ka dhacayay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC.

Xiisad la xiriirta doorashooyinka Punt land oo ka taagan gobolka Mudug

Wararka ka Imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka Tirsan mucaaradka Pu ntland ay Fariisimo ka sameystay togga Wada da laamiga ah ee dhexeysa Laacdheer , Gaal kacyo iyo sidoo kale dhoodida Bixin ee laamiga waqooyi.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay wat aan Gaadidka dagaal kuwaas oo ka soo hor jeeda

in la qabto doorash ada Golayasha degaanka ee puntland

Sidoo kale, ciidamada Maamulka Puntland ee loo diyaariyay in ay qaadaan sanaadiiqda co d-bixinta ee degmooyinka Mudug iyo Nugaal ayaa ku sugan Garoowe welina lama qaadin sa naadiiqda.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee diiddan sida la sheegay doorashoo

yinka qof iyo cod ayaa sida la sheegayo dalba naya in marka hore Madaxweyne Deni uu cad deeyo mowqifkiisa doorashada madaxtooyada Puntland ee 2024.

Wadamada Safka hore oo sheegay in ay ka qayb qaadanayaan Hawlgallada ka dhan ka ah Alshabaab

Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah Al shabaab ayaa lagu qabtay magaalada Muqd isho, waxana shir gud doominay Taliy aha Ciid anka hawlg alka wada jir ka ah Jeneraal Maam ed Cali Bariise,iyadoo kulankan diirada lagu saa ray muhiimada haw lgalkan wada jirka ah iyo sidii bulshada qayb uga noqon lahayd.

Sidoo kale , Shirka ayaa waxa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dalalka Safka hore ee kala ah Jabuuti, Ethiopia, Kenya iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Maraykanka ee Muqd isho.

Dalalka Safka hore ayaa balan qaaaday in kaalin weyn ay ka qaadan doonaan dagaalka ka dhan aka Alshabaab.


Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaa tay Safiirka UK u Fadhiya Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hir shabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ay aa Shalay Magaalada Muqdisho kulan kula qa at ay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fa dhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha iyo Danjir aha ayaa iska wareystay xaaladaha Hirshabeelle si da guul aha muhiimka ah ee laga gaaray dagaaladii lala galay Khawaarijta, Howlgalada wali socdo iyo u diyaar garowga wajiga 2aad ee howlagala da lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee al shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadista mashaariicda Dowladda Ingiriiska ay ugu talagashay deegaanada Hirshabeelle iyo arrimaha xasilinta oo dowladda ay dadaal ugu jirto sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin la haa adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Siyaasiyiiinta mucaraadka Puntland oo beeniyay inay ka hor yimaadeen wada ha dalka doorashada

Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin ama aysan diidin wadahadallo looga hadlayo muranka doo rashada Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa jimcihii Dorraad sheegay in siyaasiyiinta doorashada kasoo horjeeda ay dii deen inay kasoo qeyb galaan kulan qado ah oo ay ku casuumeen, si loo wada hadlo.

Madasha mucaaradka ayaa hadalka wasiir Juxa ku tilmaamay inuu yahay fariin been abu ur ah iyo nooc wax isdaba marin ah oo la doo nayo in lagu khiyaamo madashada siyaasadda Puntland iyo ra'yiga bulshada.

"Madasha Siyaasadda Puntland kama warq abto shirar/wadahadallo horay loo sii qorshee yay oo looga hadlayo qalalaasaha doorashada Golayaasha degaanka Puntland balse waxaan u aragnaa arrintan inay tahay fariin been abuur ah iyo wax is daba mari.”ayaa lagu yiri qoraalka madasha.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka ka taagan arrimaha doorashada ayaa u muuqda mid saa mayn ku yeelan katra doorashada dowladaha hoose 25-ka bishaan la qanayao. Inkastoo Isi mada dhaqanka Puntland iyo kuwa SSC ay wa daan dadalo looga hortagayo qalalaase dhaca.

Inkabadan 10 Ruux Oo Ku Geeriyoot ay Dagaal Ka Dhacay Sh.Hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helay aa dagaal sababay khasaare dhimahso iyo dha awacba leh oo ka dhacay gobolka Sh.Hoose.

Ku dhowaad 10 qof ayaa lagu waramay in ay ku dhinteen tiro kale ku dha awacmeen dagaal beel eedkan ka soo cusboonaadey degaano hoosta ga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeel laha Hoose. Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay yihiin labada dhinac ee dirirta u dhaxeyso. Is ku-dhacan ayaa la wariyay in uu salka ku hayo muran dhuleed soo jiitamayey lixdii sano ee la soo dhaafay.

Illaa haatan, ma jirto cid mas’uul oo ku bax dey daminta colaaddan. Waxga radka ayaa ku baaqay xabad-joojin shuruud la’aan ah iyo in maamulka Koonfur Galbeed uu farageliyo iska-hor-imaayadan.

Guddoomiye ku xigeenkii ONLF oo is casilay

Daahir Maxamed Cali ( Daahir Baasto ) oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Ururka ONLF ayaa is casilay, kaddib markii uu Daahir baasto ku eedeeyay hoggaanka ONLF inuu ururka ka leexiyay wadadii loo aasaasay oo ahayd inay ka tarjumaan baahiyaha Shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

Daahir baasto ayaa Guddoo miyaha ONLF Abdirahman Maa dey ku eedeeyay inuu ururku ka la qaybsamay intuu xilka qabtay, isla markaana uu ku guul darr eystay inuu dib u mideeyo ururka ONLF, sidoo kale waxa uu Daahir baasto ku eedeeyay Maa dey inuu ururka dhexdiisa ka dhex wado qaby aaad, iyo kala gayn xubnaha ururka dhexdiisa waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiye ku xigeenka is casilay Daahir Baasto.

Qaar kamid ah dadka ka agdhow ONLF oo Warbaahinta Hiiraan Online lasoo xiriiray isla markaana codsaday inaan magacdooda la xu sin ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeyay Daa hir Baasto iyo Guddoomiye Maadey uu muddo soo jiitamayay, isla markaana uu salka ku ha yay khilaaf guud oo ka dhex jiray gudaha Uru rka ONLF, taas oo markii dambe keentay inuu Daahir Baasto oo ahaa ku xigeenka Guddoom iyaha ONLF inuu isaga baxo ururkii.

ONLF wali kamaysan hadlin is casilaadda Guddoomiye ku xigeenkii ururka Daahir Baa sto, balse marar kala duwan oo sidan oo kale xubno uga baxeen ONLF, waxa uu Guddoom iye Maadey sheegay in aan loo joojinayn hal ganka ONLF cid kasta oo ka baxda Ururka ONLF, isla markaana aysan saameyn ku yee lanayn gudaha ONLF.

Balse dadka falanqeeya siyaasadda ururka ONLF ayaa qaba in khilaafka ka dhex jira gu daha ONLF uu saameyn karo sii jiritaanka uru rka ONLF, iyadoo haatan uu ururku u kala qayb san yahay labo garab oo ay kala hoggaamiy aan labo Guddoomiye, xafiisyo kala duwana ku kala leh dhammaan dowlad degaanka Sooma alida. Khilaafka ka dhex jira gudaha ONLF ayaa noqday mid muddooyin badan soo socday, iy adoo Guddoomiyaha ONLF Abdirah man Maa dey oo qaar ka mid ah xubnaha ururk iisa ay ku eedaynayaan inuu qayb ka yahay kala qayb sanaanta ka dhex jirta ONLF, walina uusan u dhaqaaqin siduu u xallin lahaa khilaafka ka dhex jirta gudaha ONLF.

Maxay Aqalka Cad iyo Koongareeska uga heshiin la’yihiin kordhinta deynta?

Wadahadallo lagu doonayo in looga fogaado lacag la’aan baahsan oo uu wajaho Mareykan ka ayaa Sabtida Shalay ah ka soconaya Marey kanka, iyadoo Madaxweyne Joe Biden uu ka di gay in uusan aqbali doonin dalabaadka "xagji rka” ah ee ka imanaya Jamhu uriyiinta, laakin uu wali ka rajjo qabo in la is fahmo.

"Waxa aan wali aaminsanahay in aan ka fo gaan karno in ay lacag la’aan baahsani dha c do, wax wanaagsan ayaanna sameyn doo naa, ” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay isaga oo ka qeybgalaya shirka madaxda dalalka G-7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima, Japan.

Iyadoo Wasaaradda Maaliyadda Mareyk anka ay ka digayso in dowladda Mareykanka ay lacagtu ka dhammaan karto kowda bisha Ju ne ayay taasi kicineysaa dhaqaale xumo bal laaran oo ka dhacda dalkan ugu dhaqaalaha badan caalamka, iyadoo ay u badan tahay in ta asina ay saameyso dunida oo dhan.

Laakin dagaalka siyaasadeed ee ka socda Washington ayaa socda iyadoo aysan wali muuqan wax muujinaya in xal ay labada dhinac gaarayaan.

Xisbiga Jamhuuriga, oo maamulka aqalka Congress-ka, ayaa dalbanaya in si xooggan loo dhimo miisaaniyadda dowladda si ay iyana u oggolaadaan in ay kordhiyaan awoodda ay dowladdu lacag ku amaahan karto.

Aqalka Cad ayaa doonaya in uu hoos u dhigo dalabaadka Jamhuuriyiinta, waxaana ay saraakiisha Aqalka Cad ku doodayaan in kordhinta xaddiga deynta ee sanadlaha ah oo ahaan jirtay wax caadi ah hadda loo adeegsan ayo dano siyaasadeed.

Rajjada laga qabay in murankan xal laga ga aro ayaa Jimcihii caqabadi ku timid ka dib mar kii ay Jamhuuriyiintu ka bexeen wadaxaajood ka, iyagoo ku dhawaaqay in ay "hakiyeen.”

Laakin wadahadalka ayaa saacado ka dib dib u bilowday, iyadoo Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ay sheegtay in ay "rajja wanaagsan” ka qabaan.

Biden, oo ku sugan dacalka kale ee dunida halkaasi oo ay ku kulmayaan dalalka dimuqraa diga ee hodanka ah ayaa xaaladda lala socodsi iyay saacadihii hore ee Sabtida Shalay ah, sida uu Aqalka Cad sheegay.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta ee Biden, Ben LaBolt, ayaa yiri "Jamhuuriyiintu waxa ay afduub ku haystaan dhaqaalaha, iyagoo ku rii xaya in lacag la’aani ay dhacdo, taasi oo dhalin karta in malaayiin qof ay shaqada waayaan, dal kana u horseedi karta dhaqaale burbur ka dib laba sano oo shaqo la’aantu yaraaneysay iyo

mushaarkuna uu kobcayay. VOA + AFP


WAA AYO AFARTII NIN EE INGIRIISKA KALA HESHIISAY XORNIMADA SOMALILAND?


Axmed-Keyse Cali Rooble Role,Qoraa mada xban anLixdan iyo saddex sano kahor, madax ka socota Somaliland aya a u safray London, oo ahayd xar unta dhexe ee Wasaaradda Mus tacmaradaha. Wafdigaas waxaa hoggaamina yay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Wasiirkii Dawladaha Hoose iyo Hoggaamiyihii Hawlaha Dawladda.

Waxaa se wehliyay Axmed Xaaji Ducaale (Keyse) oo ahaa Wasiirkii Khayraadka Dabiic iga ah, Cali Garaad Jaamac oo ahaa Wasiirkii Hawla ha-guud iyo Isgaadhsiinta iyo Xaaji Ibr aahim Nuur oo ahaa Wasiirkii Adeegga Bulsh ada iyo xubno kale oo farsamo. Afartu waxay kala mate layeen labo xisbi oo isbaheysi ku jir ay, oo haddana ahaa kuwa ugu saa meynta weyn Somaliland.

Waa Xisbiga Ururka SNL loo soo gaabiyay ee Somali National Lea gue oo ay matelayeen Cigaal iyo Axmed Keyse iyo kan Xisbiga midn imada Soomaalida ee USP oo ay ka socdeen Cali Garaad Jaamac iy Xa aji Ibraahim Nuur. Waxay London kula yeesheen Wasaaradda Mu stacm aradaha ee Ingriiska shir socday 10 ma alin oo ay ku doonayeen xorni mada Somali land. Shirkaas waxaa lasoo gebogabeeyay 12 kii May, 1960 kii iyada oo lagu saxiixay in Som aliland xornimo qaadato 26 Juun 1960.

Waxa heshiiskaa qalinka ku duugay mud ane Maxam ed Xaaji Ibraahim Ci gaal iyo mud ane Iain Macl eod, Xoghayihii Xafiiska Mustac maradaha Biri tayn.

Waayo afartii nin ee Ingiriis kala heshiisay xornimada Somaliland?

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

Cigaal wuxu dhashay sannadkii 1929-kii, wu xuuna geeriyooday 2002-dii. Wuxu noqday xog hayihii guud ee xisbigii SNL iyo xubin ka tirsan go lihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Sooma aliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Cig aal waxa laga soo doortay degmada Berbera, isaga oo sidoo kale noqday Wasiirkii Dawlad aha Hoose iyo Hoggaamiyihii Ha wlaha Dawlad da xiligii kala guurka iyo shanti maalmood ee xorriyadda ee israaca ka horre eyey. Cigaal

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Markii israacu dhacay Cigaal wuxu noqday Wasiirkii ugu horreeyey ee Difaaca iyo Wasiirkii Waxbarashada ee maamulkii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid. Sannadkii 1964 ayuu Cigaal isbahaysi siyaaseed la galay siyaasiyiin kale oo uu hormood u ahaa Sheekh Cali Jimcaale, wax ayna ku midoobeen xisbi mucaarid ah oo loo yi qiin SNC. Muddo ayuu Cigaal mucaarid ahaa.

Ugu dambeyn, Cigaal wuxu galay xisbig ii xukuumadda ee SYL. Wuxu xulafo siyaa seed la sameeyey Cabdirashiid Cali Sharm aarke oo isna markaa mucaarid ahaa. Cabdirashiid iyo Cigaal waxay ku guulaysteen doorashadii, wu xuuna Cigaal noqday raysalwasaare 1967.

Waxaa la afgembiyay xuumaddii rayidka ah ayd ee Cigaal 7aad ka dib dilkii madaxweyne Cabdirashiid. Kadib waxa uu xirnaa ilaa 1975, isaga oo kadibna noqday Danjirihi Soomaaliya ee dalka Hindiya. Markale ayaa dib loo xiray sa nnadkii 1976. Cigaal wuxu ka mid noqday shir gudo onkii shirkii kowaad ee dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Jabuuti mar tigalisay 1991.

Ugu dambeyn, Cigaal wuxu noqday madaxw eynihii labaad ee Soomaaliland 1993. Mar kale ayaa xilkaa dib loogu doortay sann adkii 1997, wuxuuna geeriyooday isaga oo xilka haya san nadkii 2002.

Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmed-Keyse)

Axmed-Keyse wuxu dhashay sannadkii 1928, wuxuuna geeriyooday 2020. Axmed wuxu noqday kaaliyihii komishin eerka ee degmada Laascaanood 1952-1954. Si doo kale, Axmed wuxu ka mid ahaa xisbigii SNL, wuxuuna noqday xubin ka tirsan golihii ugu ho rreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la do ortay bishii Febarwari 1960. Axmed waxa laga soo doortay degmada Burco.

Xubnaha Wafdiga Somaliland

XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKAWaxa uu Axmed sidoo kale noqday Wasiirkii Khayraadka Dabiiciga ah ee maamulkii wakhtigii kala guu rka iyo shanti maalmood ee xorriyadda ee isra aca ka horreeyey.

Markii israacu dhacay Axm ed wuxu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha ee maamulkii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid. Ax med xilkaa wuxu hayey muddo yar, wuuna iska casilay. Muddo yar kaddib, Axmed wuxu iskaga baxay baarlamaankii, isaga oo saluugsanaa ha naanka shaqo iyo farsamo ee dowladdii cusb eed ee Soomaaliya.

Muddo kaddib, Axmed waxa loo magacaab ay danjire, wuxu ku soo shaqeeyey xilal dan jiranimo, wuxuuna Soomaaliya danjire uga noqd ay dalal ay ka mid yihiin Jarmalkii Galb eed iyo Masar. Todobaatanadii, markii uu Axm ed ka tagay shaqadii dawladda, wuxu ka shaqo bilaabay Baanka Islaamka ee xaruntiisu tahay Jidda, Sucuudiga. Kaddib, Axmed wuxu u ware egay dhanka dalka Maraykanka oo uu shaqoo yin kale ka qabtay ka hor intii aanu halkaa ku geeriyoon.

Maxaad ka taqaan afarta nin ee hoggaami naya dadka Laascaanood ee ka soo hor jeeda Somaliland? Cali Garaad Jaamac

Cali Garaad Jaamac wuxu ku dhashay gobo lka Sool, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho sannadkii 1986. Cali Garaad wuxu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigii Midnimada Soomaalida ee USP, wuxuuna noqday gudo omiyihii xisbiga. Cali Garaad wuxu noqday xub in ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960.

Cali Garaad Jaamac waxa laga soo door tay degmada Laascaanood. Waxa uu sidoo kale noqday Wasiirkii Hawlaha-guud iyo Isgaadhs iinta ee maamulkii wakhtigii kala guurka iyo sha nti maalmood ee xorriyadda.

Wakhtigii israaca ka hor, Cali Garaad oo ay Cigaal saaxiibo iskudhow ahaayeen ayaa taage eray fikirka ah in wakhti la siiyo midawga oo aan lagu degdegin. Wuxu dadka kala hadlay fa gaaraha Khayriyadda Hargeysa. Siyaasiyiintii israaca rabtay iyo dadka oo aad u jibaysnaa ay aa hadalka Cali Garaad kaga warceliyey odha ahda caanka noqotay ee "laa yaa Garaad.” Mar kii israacu dhacay, sannadihii 1960 ilaa 1964 Cali Garaad Jaamac wuxu wasiir ka noqday wa saaradaha waxbarashada iyo beeraha. Sanna dihii 1964 ilaa 1967 Cali Garaad wuxu ahaa xubin baarlamaan.

Cali Garaad wuxu qabtay xilkii garaadnimo ee beeshiisa, wuxuuna ahaa oday mucaarid ah oo ka soo horjeeda xukumaaddii Janaraal Max amed Siyaad hoggaaminayey. Waa aabbeha Garaad Jaamac Garaad Cali oo hadda ah garaadka guud ee beeshiisa islamarkaasna ka alin weyn oo hoggaamineyd ku leh colaada Laascaanood.

Wafdiga Somaliland

XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA

Xaaji Ibraahim Nuur Jaamac

Xaaji Ibraahim Nuur wuxu ku dhashay gobol ka Awdal. Xaaji Ibraahim wuxu ka mid ahaa aasaasayaashii iyo hoggaankii xisbigii USP, wuxuuna noqday xubin ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Xaaji Ibraahim waxa laga soo doortay degmada Boorama.

Dhanka kale, Xaaji Ibraahim wuxu noqday Wasiirkii Adeegga Bulshada ee maamulkii wa khtigii kala guurka iyo shanti maalmood ee xor riyadda ee israaca ka horreeyey.

Markii israacu dhacay, sannadihii 1960 ilaa 1964 Xaaji Ibraahim wuxu ahaa xubin baarla maan, mana uu qaban wax wasaarad ah.

Wakhtigii dambe, Xaaji Ibraahim wuu ka nas tay siyaasadda oo wuxu u wareegay hawlihiisii ganacsi. Xaaji Ibraahim wuxu ahaa maalqab een hanti badan leh.

Dhanka kale, Xaaji Ibraahim wuxu ahaa hal gamaa iyo oday wax badan ka soo qabtay haw lihii xorriyad-doonka Soomaalida. Sidoo kale, wuxu qayb libaax ka soo qaatay dhisidda aqo onta iyo dhaqaalaha bulshada ee degaanada galbeedka, gaar ahaan degaanada Saylac, Borama, Jaaraahorato iyo Dila.

XIGASHO:-BBC


RAASHIYA OO AMARTAY IN LA SOO XIRO DACWAD-OOGAHA GUUD EE MAXKAMADDA ICC


Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Raashiya ayaa soo saartay Waaran ama Amar Soo-qabasho oo lagu soo xirayo Kariim Asad Ahmed Khan oo haatan ah Dacwad-Oogaha Guud ee Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada (The Internat ional Criminal Court (ICC) ee ku taalla mag aalladda The Hauge ee dalka The Nether lands.

Dacwad-Oogaha Guud ee ICC oo ah Mu waadin British asalkiisu Pakistani yahay waxa uu bishii March ee la soo dhaafay soo saaray Amar Soo-qabasho oo lagu soo xirayo Mada xweynaha dalka Raashiya, Vladimir Putin iyo Haweeneyda lagu magacaabo Maria Lvova-Belova oo ah Madaxa Hay’adda Raashiya ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Carruurta (The children’s rights commissioner).

Madaxweyne Putin iyo Maria Lvova-Belova waxaa lagu soo oogay inay galeen Dembiyo Dagaal oo ah, iyagoo carruur u dhashay dalka Ukraine si aan Sharci ahayn uga masaafuriy een Deegaanada La-haysto ee Ukraine, iyagoo carruurtaasi u daad-gureeyey gudaha dalka Raashiya.

Si kastaba ma cadda Qaabka ay Dowladda Raashiya ugu suurto-geli doonto inay soo qabtaan Dacwad-Oogaha Guud Maxkamadda ICC, Karim Asad Ahmed Khan ee 53 jirka ah.


WARARKII UGU DAMBEEYAY DOORASHADA KU CELISKA AH EE TURKIGA


Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida Shalay ah bilaabay in ay cod kooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turk iga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxw eyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaam iyaha mucaaradka Ke mal Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxw eynaha ee labaatanka sano uu dalkaasi maamulayay.

Doorashada ku celiska ah ayaa Turkiga ka dhaceysa 28-da bishan oo ku beegan Axadda danbe, waxayna timid ka dib markii Erdogan uu waxyar uun ka hoos maray tiradii loo baahnaa oo ahayd in ka badan %50 (konnton boqolkiiba) taasi oo u saamixi lahayd in uu ku guuleysto tartankii ugu adkaa ee uu waligiis galo.

Ilaa 3.4 milyan oo qof oo Turki ah oo qurba-joog ah ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibt aan, iyagoo ka mid ah 64 milyan oo qof oo ka codeynaya guud ahaan doorashada dalkaasi. Qurba joogta ayay codeyntoodu socon doontaa 20-ka illaa 24-ka bishan.

Wakaaladda wararka ay dowladdu leedahay ee Anadolu ayaa warisay in codeyntu ay ka bilaabatay dalal badan oo ku yaalla Aasiya iyo Yurub. Jarmalka oo ah halka ay ku nool yihiin diyaasbarada ugu badan ee Turkiga ayay 1.5 milyan oo qof oo Turki ahi xaq u leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan.

Doorashadii Axaddii hore ayaa xisbiga Erdogan ee talada haya ee AK Party iyo xulufa diisu waxa ay ku guuleysteen aqlabiyadda baarlamaanka dalkaasi.

Kilicdaroglu, oo ah murashaxa isbahaysiga mucaaradka ah ee lixda xisbi, ayaa helay codad dhan 44.88%, isagoo ku soo xigay coda dka Erdogan oo gaarayay 49.52%, iyadoo Erdogan uu been ka dhigay ra’yi aruurinno soo baxay oo muujinayay in ninka ay is-hayaan uu ka badin doono.

Indhaha ayaa hadda lagu wada hayaa Sinan Ogan, oo ah musharraxa kaalinta sadde xaad galay oo helay 5.17% taageerada dadwe ynaha. Go’aan kasta oo uu ku taageerayo mid ka mid ah labada musharrax ee isku soo haray ayay suurtogal tahay in ay guusha siiso mushar raxaasi.

Khudbadihiisa ayuu hadda Kilicdaroglu xo ogga ku saaraa qaxootiga dalkaai jooga, isaga oo dowladda ku eedeeyey in toban milyan oo qaxooti ah ay u oggolaatay in ay dalka joogaan, waxaana uu sheegay in haddii uu guuleysto uu dhammaantood dib u celin doono.

Ma uusan bixin wax caddayn ah oo ku saab san tirada muhaajiriinta dalkaasi jooga.

Turkey ayaa ah dalka koowaad ee martige liya tirada ugu badan ee qaxooti ah oo dhan afar milyan sida ay sheegeyso tirada rasmiga ah ee ay dowladdu faafisay.

Ogan ayaa ku ololeeyey in uu dib u celin doono qaxootiga oo ay ku jiraan 3.6 milyan oo Suuriyaan ah oo ka soo qaxay dagaalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegaya in uu yahay kan kali ah ee badbaadin kara Turkey oo ah dal xubin ka ah gaashaanbuurta NATO, xilli qiima ha maciishaddu uu aad u kacay, sicir barar kuna uu aad u sarreeyo, uuna u dheer yahay saameynta dhul-gariirkii dalkaasi ku dhuftay bishii February.

ISHA WARARKA : VOA


FANAANADII NABADDA U HEESI JIR TAY EE DAGAALKA KU DHIMTAY


SAWIRKA SHADEN

Bartamihii bishii Maarso, wariyaha BBC da ee Sudan ayaa booqday guriga fanaanad Sha den Muhammad Al-Hassan oo ku yaalay ma gaalada Omdurman, si uu u wareysto, war bixinna uga qaro heesaheeda ka hadla nab adda, ee dhaleeceeya dagaalka iyo fawdada.

Sidii lagu yaqaanaba waxay ahayd qof soo dhaweyn badan oo furfuran, way aqbashay war eysigii iyada oo waliba xiiso gaar ah u qabta. Waxay u sheegtay wariyaha in waxyaabaha ay waligeed ku taami jirtay ay kamid ahaayeen in ay ka soo muuqato BBC da, maadama ay dad ka Sudan intooda badan ku xiran yihiin.

Waxay ka wada hadleen waqtiga ay kulmi do onaan, si ay isula meel dhigaan goobta iyo waq tiga ay barnaamijka duubi doonaan. Balse ma uusan ogayn wariyuhu in xilligaas uu ahaa mar kii ugu dambeeyay ee ay waligood is arki doonaan.

Madfac habow ah

Sabtidii, taariikhdu ahayd 13 ka May, Shaden waa ay geeriyootay, kadib markii uu madfac ku dul habsaday gurigeeda, intii uu socday mid kamid ah iska hor imaadyada Sudan ka socda ee u dhaxeeya ciidamada dawladda iyo kuwa RSF.

Iyadu waxay isku dayyasay in ay dagaalka kula dirirto heesaheeda iyo codkeeda, balse waxaa dilay dagaalka ka qarxay gudaha wadd ankeeda ee mugdiga galiyay iftiinkii dalkeeda.

Shaden iyo qoyskeedu waxay gabaad ka dhiganayeen hoygooda intii uu dagaalku socday oo dhan. Nolosha hammi wayn ayay ka leheed, waxay mar walba ka hadli jirtay in ay u geeriyoodoonto si Sharaf leh iyada oo ku qortay boggeeda Facebook: "24 maalmood ay aa xabsi guri ku jirnaa, inanga oo aan haysan biyo iyo cunto midna…bililiqada guryaha daris ka ee socota ayaan u jeednaa, kama cabsan eyno dhimashada meelwalba nooga hareer aysan, waan soo dhaweyneynaa…alle waxaan ka rajeyneynaa in dhibtaada dadka ka ilaaliyo”.

Murugo balaaran

Inta badan da’yarta reer Sudan way jeclaayeen Shaden, bogaga Facebook ga ee da’yarta ayaa isku badalay tacsi. Kuwa badan oo kamid ah ayaa sawirkeeda saartay wajiga hore ee ciwaa nadooda iyaga oo inkaaraya dagaalka la tagay ruuxdii ay jeclaayeen.

Shaden ma ahayn wax galkii ugu horeeyay ee dagaalka, fanaaniin waxgarad iyo oradya hano ayaa ku nafwaayay dagaalka. Atariisho Aasiya Cabdullaahi waxay la dilay maalinkii lab aad eed dagaalka. Tababarihii kooxda Al-hilaal, Fawzi Al-Mardi isaga iyo gabadhiisa ayaa ku dhibtay dagaalka. Sidoo kale gudaha magaa lada Omdurman xabad habow ah ayaa dhaqtar ku dishay gudaha gurigiisa.

Reer Sudan, si wayn ayaa uga naxeen ugana baroorteen geerida Shadan. Waxaa la duugay iyada oo gabar da’yar ah, nolosha u hanqal taageysa

.XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip