HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA MAY 2023-KA

0
Wednesday May 17, 2023 - 08:59:46 in Wararka by
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA MAY 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Socdaal Laba Cisho Ah Ku Gaaray Dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo 2 maalmood ah.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xam ad ayaa la qaadan doona kulammo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dha mmeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsan aya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqa alaha, iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madax weynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doona an dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afga rad ku qotoma danaha dalkeenna.

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo xafiisk iisa ku qaabilay ergayga gaarka ee arrimaha Somaliland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Dorraad xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Soo maaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guul eed. Ergeyga oo marka hore warbixin ka siiyay halka ay mareeyso arrimaha wadahadallada So omaaliland iyo kullamada wadatashi ee uu la yeelanaayo madaxda sare ee dalka, ayaa wux uu Guddoomiyaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, isagoona muujiyay sida Jamhuuri yadda Federaalka gaar ahaan laanta sharci dej inta ay u garab taagan tahay nabadda iyo xasilo onida shacabka walaalaha ah ee Somaliyed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo haweeney u magaacabay Lataliyaha Xakameynta qulqul ka hubka sharci darada ah

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mag acaabay Mako Maxamuud Muuse iney noqoto Lataliyaha Madaxweynaha dhanka Xakameynta qulqulka hubka sharci darada ah ee Sooma aliya.

 

 

 

 

 


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in talaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha qaran ee Soomaaliya lagaga dulqaad ayo Cunaqabateynta hubka saaran, islamarkaa na ay muhiim tahay in la xaqiijiyo hubka inuu san galin gacan aanan aheyn tan dowladda "Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Xakameyn ta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah Marwo Mako Maxamuud Xuseen in uu u fududeeyo ma suuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna ku la dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegto Qaranka" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Magacaabistaan uu Dorraad sameeyay mad axweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhigan inuu magacaabay mudo hal sano gudah eed 12 la taliye oo uu u xushay iney u noqdaan lataliyaashiisa.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir looga hadlayo dib u dhiska magaalooyinka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabsoomay shir ay soo aggaasintay Dowladda Federaalka Somalia, Machadka Tokiyo ee Hor umarinta iyo Bankiga Adduunka, kaas oo looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta magaaloo yinka waa weyn ee dalka, sida Muqdisho, Ba ydhabo, Garowe, Dhuusamareeb, Baladweyne iyo Kismaayo.

Shirkan oo socon doono muda 4-cisho ah ay aa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xil dhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xig eenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobol ka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyada oo diiradda lagu saari doona arrimo ay kamid yihiin Maamul wanaagga , ade egga aas, aasiga ah ee bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, Buundooyinka iyo Bulaacadaha, waxaana fulin ta howshan mas’uuliyadeeda leh Mashruuca SURPII ( Nagaad) kaas oo wadajir ah uga soc do magaalooyinka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya gaar ay Jiddah, halkaas oo shir caalami ah ka fur mayo

Wasiirka arimaha dibadda dowladda FS Md. Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada Jeddah ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, hal kaasi oo uu kaga qaybgeli doono shirka wasiirra da arrimaha dibedda wadamada Jaamacadda Carabta, kaasi oo hordhac u ah shirka madaxda dalalka Jaamacadda Carabta.

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee da lalka Carabta ayaa looga hadli doonaa qadiy adaha ka taagan ee dunida Carabta iyo u sii gogol xaarka shirka Madaxda oo 19-bishan ka furmaya magaalada Jeddah ee dalka Sucuudi Carabiya.

Qodobo ay ka mid yihiin deyn cafinta, cun aqabataynta hubka ee waqtiga dheer saa ran dalka iyo tartanka Soomaaliya ugu jirto kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qar amada Midoobay 2025-2026 ayuu wasiirku kala hadli doonaa wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo shirguddoomiyey kulan ay wada qaateen laammaha garsoorka iyo Booliiska

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo shirg uddoomiyey kulan ay wada qaateen laammaha garsoorka iyo Booliiska

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Md.Baashe Yuusuf Axmed ayaa shir guddoo miyay kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta Garsoorka iyo Booliiska.

Kulankan oo uu sidoo kale qayb ka ahaa Xe er ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxa looga hadlay Xaalada Guud ee Cadaalada Dalka.

Shirkan ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa taliyaha Ciidanka Booliiska iyo taliyaha Ciid anka Booliiska qaybta guud ee gobolka Bana adir.

Hooyo Soomaaliyeed oo ku dhashay Isbitaal ka Banaadir Afar caruur oo mataano ah

Farxiyo Xuseen Cali oo ah Hooyo Sooma aliyeed ayaa Habeen hore 4 Caruur oo mata ano ah ku dhashay Isbitaalka Hooyada iyo Dhal aanka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Afarta caruur ay dhashay hooyadaan ayaa ah dhamaantood afar gabdhood oo ay dhashay iyadoo Caafimaad qabta, islamarkaana afarta gabdhood ay yihiin kuwa caafimaad qab ku dhashay.

Hooyada dhashay ilamahaan mataanaha ah ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Jal alaqsi ee gobolka Hiiraan.

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo dhalla anka Banaadir ee magaalada Muqdisho Fart uun Shariif Maxamed ayaa shacabka Soomaal iyeed ka codsatay in Hooyadaan iyo caruurt eeda garab istaagaan.

Bishii Maarso ee sanadkaan 2023 ayay ahe yd markii sidaan oo kale Hooyo lagu magac aabo Maryan Maxamed Xasan ay ku dhashay 4 carruur ah isla Isbitaalka Banaadir ee magaala da Muqdisho.


DF oo dalka ka ceyrisay laba qof oo ajaanib ah + Sababta

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaabi ah, sida ay sha acisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhu uriyadda Federaalka Soo maaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tallaabadan qaaday kadib m arkii uu ka codsaday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qar anka, oo isagu eedeyn culus u jeediyay labadaan ruux.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay aa labadaas ruux ku eedeeyay inay ku xad-gu dbeen sharuucda iyo xeerarka dalka, xilli uu dhawaanahan uu waday daba-gal uu ku hayo ajaanibta dalka ku sugan iyo shirkadahooda ka howl-gala caasimadda.

Labadaan ruux ayaa lagu kala magacaaba Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Pola nd iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka, sida ay shaacisay wasaaradda arri maha dibadda Soomaaliya.

Jacek iyo Ralf aya waxaa la sheegay inay ku xad-gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka, isla markaana ay ka dhex baxeen anshaxa iyo dha qanka diblumaasidadeed.

Si shaacsan ah looma sheegin waxa ay ku kaceen labadaan ruux ee dhalasho ahaan ka soo kala jeeda dalalka Poland iyo Jarmalka, marka laga imaado inay ku xad-gudbeen xeer arka iyo shuruucda dalka.

Dorraad unbey aheyd markii Xafiiska Xeer Ila aliyaha Guud ee Qaranka uu Maxkamadda gob olka Banaadir u gudbiyay shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Shirkadaasi oo lagu magacaaba Aumotaivte Managementa Service, ayaa waxa uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu baaris ku sameeyay shirkaddan iyo maareeyah eeda xafiiska Soomaaliya, kadib markii ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo ka le waxa uu Maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dac wadooda, si loo guda-galo maxkamadaynta.

Si kastaba, Xafiiska ayaa Dorraad waxa uu dig niin u diray dhamaan shirkaddaha ajaaniibta ah ee dalka ka howl-galaya, gaar ahaan kuwa aan u hogaansamin xeerarka iyo shuruucda dalka.

Puntland oo ku eedeeysay madaxweyne Xasan Sheikh inuu abaabulay weerar Habeen hore ka dhacay Garowe

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay ma daxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Max amuud inuu abaabu lay weerar Habeen hore ka dhacay Garo we oo lagu qaaday cii da mo galbi nayay sa naadiiqda doorash ada.

Wasiirka arrima ha gudaha Puntl and, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo la hadlay war baahinta ayaa sheegay in weerarkan uu Xasan Sheikh Maxamuud uga wakiil ahaa, Kha dar Ca bdiraxmaan Faroole oo ergaygiisa ah. "Ergeyga Xasan Sh. Maxamuud ee Arimaha Dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii Habeen hore lagu qaaday sa naaduuqda doo rashada, qiyaamihii Xasan Sh. Maxamuud she egayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabu layo.”ayuu yiri wasiir Juxa.

Wasiir Juxa wuxuu sheegay in labo askari oo ciidanka katirsan lagu dilay weerarkaas. Wu xuu sidoo kale sheegay in weerarka lagasoo abaabulay guriga Khadar Faroole.

Juxa wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in garoonka diyaaradaha Garowe uu Dorraad xiran yahay, islamarkaana maleyshiyaadkii soo weer aray ciidamada ay qoryo waawayn dul keeneen garoonka Garowe.

"Doorashada Puntland way dhacaysaa. Waa doorasho degaan. Afar boqol oo kun in ka bad an ayaa isu diiwaan galisay. Afar qof oo isku jifi ah oo magaalada Garowe joogta go’aankeeda ma gaari karto.” ayuu yiri Juxa.

Ugu dambayn, wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay la hadasho cid kaste oo tabasho ka qabto. Laakiin wuxuu caddeeyay in lala xisaabtami do ono kuwa ka dambeeyay qalalaasaha ka dha cay Garowe.

Somaliland oo sheegtay in ay qabatay 2 qof oo argagixiso looga shakisanyahay

Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 2 qof oo looga shakisa nyahay in ay yihiin argagixiso.

Taliyaha Booliiska Somaliland Maxamed Aad an Saqadhi Dabbagale, ayaa sheegay in ay soo qabteen 2 qof oo argagixisonimo loo hayo, ku waasi oo ay ku ogaadeen baadhitaan ay dadw aynaha la kaashadeen.

"Wiigan intii u danb aysay dadku waxyaabo badan ayay soo shee geen, waxaanu ku gu ulaysanay laba qof oo argagixiso ah, oo imika soo galay magaalada, ayaanu wixii dadku she egayeen aanu ka dhex helay, ayaa dhaq dhaqa aqi dadku ay sameeyeen ay ku soo saareen" ay uu yidhi Taliye Dabbagale.

Taliyaha ayaa dadwaynaha ugu baaqay in ay ciidanka la shaqeeyaan, oo wixii ay ka shakiy aan ay la socodsiiyaan saldhiga booliiska ee u gu dhaw, ama ay wacaan numberka gargaarka degdega ah ee booliiska.

Somaliland ayaa hada looga diyaar garooba yaa xuska munaasibada 18 May, isla markaana booliiska ayaa meelaha qaar kood ka samay naya baadhitaano.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Magaalada Garoowe

Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Magaalada garoowe Habeen hore waxaa uu ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirs an Maamulka Puntland, balse kala taabacsan Madaxweynaha Puntland Saiid Cabdullaai Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaar adka.

Dagaalka oo ka dhacay agagaarka Garoon ka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa yi mid kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada PMPF oo gelibanaya Sanaadiiqda loogu talo ga lay codeynta doorashada Golaha degaanka iyo kuwa diidan doorashada ee taabacsan Siya asiyiinta mucaaradka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dinteen ilaa Afar Ruux Saddex kalena ay ku dhaawacmay, kuwaas oo u badan dhinacyadii dagaalamay ee katirsan Ciidamada Puntland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Gudaha magaalada Garoowe ay dib ugu soo laabteen Ciidamada PMPF ee Gobolada kale ee Puntland u waday Sanaadiiqda codeynta ka dib markii ay diidmo kala horyimaadeen ciidam ada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

25-ka Bishan ayaa Xukuumadda Madaxwey ne Saciid Cabdullaahi Deni ay qorsheysay in la qabto doorashooyinka qofka iyo codka ah ee Gol aha degaana, balse Siyaasiyiinta mucaarad ka ay kasoo horjeesteen, waxaana sidoo kale dhawaan diiday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Seekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse, iya ga oo sheegay in la qabto doorashooyin la isku raacsan yahay.

SSC-Khaatumo oo sheegtay in ay guul ka gaadhay dagaalka Dorraad Sool ku dhexma ray ciidamada Somaliland

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falla alug oo ah afhayeenka guddida 33-ka SSC ay aa sheegay in xoogaga deegaanku ay guulo ka gaadheen dagaalo Dorraad dhexmaray ciidam ada Somaliland.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay ciidamo xoogleh gaysay deegaanka Samokaab, isla mar kaana ciidamo ka tirsan kuwa SSC ay dagaal kula galeen Samokaab iyo Dhabarsaar, kadib markii kuwa Soma liland soo weer areen.

"Dhabarsaar waa la ga saaray hada Sam akaab ayay maraya an, Laascaanood gud aheeda labada koone ayay kasoo galeen, la badiiba waa la celiyay, meelo ay hore u hayst eena waa lagala wareegay" ayuu yidhi Falla alug.

Waxa uu Somaliland ku eedeeyay in nabad loogu taagwaayay, isla markaana ay hada ka dib iska celin doonaan, waxa uu xusay in anay wali hubin khasaaraha dagaalka, lakiin ay ha yaan askar dhaawac iyo dhimasho ah oo ciida mada Somaliland ah.

Waxa uu sheegay in anay jirin wax waan wa an nabadeed ah oo colaada lagu joojinayo isa ga oo sheegay in Somaliland albaabada ka xi dhatay cidkasta oo doonaysay in ay dhe xdhexaa din ka gasho colaada.

Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Isma aciil Taani ayaa isna dhankiisa sheegay in ay guul ka gaadheen dagaalka, isla markaa na wa xa uu sheegay in ciidankiisa lasoo weeraray.

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay kiiska haweeney dil ku eedaysan

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa cadeeyey inuu gacanta ku hayo hawe eney ku eedeysan dil iyo dacwad ciqaabeedyo kale oo gal-dacwade edk eeda loo soo gudbiyey, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo bax ay xafiiska xeer ilaaliyaha Qaranka.

WARSAXAAFADEED HOOS KA AKHRISO:-

XAFIISKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

OFFICE OF THE ATTORNEY GENERAL

مكتب النائب العام الوطني

SUM:XXIG/009/2023 16/05/2023

WARSAXAAFADEED

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa gacanta ku haya baarista gal-dacwadeed la xiriira haweenay ku eedeysandil,dhaawac culus iyo jir dil, haweeneydaas oo la horgeeyey Maxkamadda Goboka Banaadir si wafaqsan Qodobka 39 ee XHCS.

Haweeneydan ayaa dil iyo jir dil ugu geysa tay magaalda Muqdisho wiil yar oo 3 jir ah, ha lka ay dhaawac halis ah u geystay gabar yar oo 7 sano jir ah.

Carruurta ayaa waxaa dhalay seyga eedey sana da ooka maqan dalka.

Fa-dembiyeedkaas oo baaristiisa uu gacanta ku hayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qar anka ayaa markaaay Natiijada baaristiissu soo dhammaato u gudbin doono Maxamadda awoodda u leh.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa uu had iyo goor u taagan yahay difaaca iyo dhowrista xuquuqda dadka nugul oo ay carr uurta ka mid yihiin si wafaqsan Qod.8aad ee XNG, sidoo kale xafiiskuwaxaa uu u digayaa waalidiintadayaca masuuliyadda ka saaran ca rruurtooda.

Ugu dambeyn, xafiisku waxaa uu ku boorina yaa dadweynahain ay la soo wadaagaan xad gudubyada ka dhan ka ah carruurta iyo guud ahaan dadka nugul iyaga oo soo wacaya lam barka gaaban ee 4949. Dhammaad

info@agogov.so,ag@ago.gov.soTel:-+252617747770,+2521866146

Imaaraadka oo noqotay Dawladdii ugu horey say ee Kaalin mug leh ka qaadata fatahaada ha Beledweyne

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta musiib ooyinka Qaranka Md.Maxamuud Macallin Ca bdulle ayaa kaga mahadceliyay safaarada ima araad-ka carabta oo gacan ka geysatay gaa rsiinta raashin loo daabulaayo dadka ay saameeyeen fataahada Beledweyne.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa noqon aysa dawladdii ugu horeysay ee Kaalin mug leh ka qaadata gaarsiinta gargaarka deg deg ah dadka ay saamaysay fataahadaha wabiga shabelle ee G/Hiiraan. Hay’adda SODMA ayaa gaargaarkii ugu badnaa u daabuleyso magaa lada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan. Fatahaadaha Beledweyne ayaa sababay bara kaca dad ka badan 2,45000

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo Eede eyay Deni baaqna diray (warsaxaafadeed)

Shir ay magaalada Garoowe ee Xarunta Go bolka Nugaal ku yeesheen Siyaasiinta mucaa radka Puntland ee ku midoobay madasha siy aasada Puntland, ayay ku sheegeen in doora shada golayaasha degaanka ee soo socota ay horseedayso xasilooni darro iyo amni xumo.

Siyaasiyiintan ayaa madaxweyne Deni waxay ku eedeeyeen inaan lagu aaminin karin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland, isla markana uu joojiyo xukunka kalitalisnimada ah.

Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale dowladda fe deralka Soomaaliya waxay ugu baaqeen inay fa ragalinta siyaasadeed iyo hadalada xanafta leh ka dayso Puntland, iyagoo sheegay inay Punt land isaga filan tahay xalka khilaafka dhexde eda yaal.

Bayaan kasoo baxay gabagabada shirkan ayaa madaxweyne Deni waxaa lagu baaqay in uu joojiyo doorashooyinka golayaasha deegaan ka ee aan heshiiska lagu ahayn sida ay sheege en, iyo in sidoo kale la joojiyo furista dastuurka.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay furitaanka xadka Somalia & Kenya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay dib u furista xuduudka Soo maaliya ay la wadaagto wadanka Kenya oo ay heshiis ku gaareen Dowladda Federaal ka ah ee Soomaaloya iyo Dowladda Kenya.

Furida Xuduudkan oo xiraa inta badan sanadahii lasoo dhaa fay ayaa muhiim u ah is ku socodka bulshada la bada dhinac gaar aha an dhinacyada hormar ka ganacsiga, is dhaafs iga badeecooyinka kala duwan iyo wadaaga himilooyinka labada shacab ee dariska ah.

Furitaanka xuduud ka Degmada Beledxa awo ee Gobolka Gedo iyo Degmada Mandh era ee mandheera Co unty ayaa la furi do onaa mudo 30 maalmood ah kadib.

Sidoo kale xuduudka Degmooyinka Dho obley ee Gobolka Jubada Hoose iyo Libo oyo oo katirsan Garissa County ayaa la furi doona 60 maalmood kadib.

Sidoo kale -xuduudka Deegaanka Ra askambooni ee Gobolka Jubbada Hoose iyo degaanka Kiunga ee Lamu County ay aa la furi doonaa 90 maalmood kadib.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulsha da ree Jubbaland ee ku nool deegaanada xuduudka ah inay ku gacansiiyaan hay’ adaha amniga ilaalinta nabadgalyada xud uudka iyadoo si wadajir ah looga faa’iiday sanayo furitaanka xuduudka oo ahmiyad weyn oo dhaqaale u leh labada shacab.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Dowlada Federaalka ah iyo Dowlada Kenya heshiiska miro dhalka ah ee ay ka gaareen furitaanka xuduudkan oo mudo dheer xiraa isla markaana ay dhibaato badan ku qabeen ganacsatada iyo Bulshada labada dhinac.

Madaxweynaha Kenya Oo Nin Soomaali Ah U Magacaabay Agaasimaha Sirdoonka Kenya

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa muw aadin Soomaaliyeed u magacaabay taliyaha gu ud ee Nabad Sugida dalkaasi Kenya.

Sida madaxtooyada wada nkaasi ay shaa cisay, Nauradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayuu u magacaabay Agaasimaha Guud Hey’adda Sird oonka Kenya ee NIS.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in mas’uulk an uu noqonayaa Soomaal igii u horreeyay ee xilka Sir doonka Kenya loo magac aabo.

Si uu xilka ula wareego, waxa uu sugayaa ansixin ta Baarlamaanka wadankaasi Kenya.

Mr. Nuuradiin oo ah shaqsi si weyn looga yaq aano wadankaasi ayaa hore xilal kala duwan uga soo qbatay dalkaasi Kenya.

madaxweynaha kenya oo nin soomaali ah u magacaabay agaasimaha sirdoonka kenya

CIA-da oo baaq u dirtay shacabka dalka Ruushka

Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ay aa xoojisay dadaalka ay dadka Ruushka uga dha adhicineyso inay dusiyaan sirta dalkooda, ayada oo muuqaalo qiiro leh soo dhigtay Teleg ram, kuwaasi oo loogu talo-galay dadka ka niyad jabsan xaaladda xukunka madaxweyne Vladimir Putin.

Muuqaalka gaaban ayaa waxa uu muujin ay aa shaqaale dowla deed iyo haweeney gurigeeda ku haysata ilmo, oo u muuqda kuwa dhibaato nololeed ay haysato, isna weydiinaya haddii tani ay tahay wixii ay ku riyoonayeen.

Wuxuu soo jeedinayaa in dadku ay tallaabo qaadi karaan si ay xaaladda u hagaajiyaan — ayaga oo akhbaar siinaya hay’adda sirdoonka Mareykanka — islamarkaana sii ahaanaya wa ddiniyiin.

Muuqaalka, oo uu wehliyey qoraal, ayaa bix inaya tilmaamo ku saabsan sida ay dadka akh baar kusoo gudbin karaan ayaga oo adeegsa naya webka qarsoodiga ah iyo agab ay CIA-du sheegtay inuu xaqiijin doono badqabkooda.

"CIA-da waxay dooneysaa inay ogaato runta ku saabsan Ruushka, waaana raadineynaa dad la isku halleyn karo oo noo sheegi kara runtan,” ayey qortay hay’adda.

Erdogan oo la sheegay in uu fure u yahay xiriirka Afrika iyo Turkiga.

Iyadoo lagu wado in dalka Turkiga uu aado doorasho wareeg labaad oo codbixin ah oo u dhaxeeya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo musharaxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu – maxay natiijada ka soo baxdaa Afrika uga dhigan tahay?.

Sami Hamdi, oo ah falanqeeye isla markaana tafatire ka ah Jaraaidka The International Inte rest current affairs, ayaa u sheegay barnaa mijka BBC’s Focus on Africa in Afrika ay hoos uga dhici karto liiska mudnaanta leh ee Turkiga, haddii Mr Erdogan uu ku guuleysan waayo.

Madaxweyne Koonfur Afrika oo sheegay in ey dhex dhexaad ka yihiin dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Afrika ee, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in cadaa dis aan caadi ahayn lagu hayo dalkaasi, si uu uga tanaasulo mowqifkiisa aan isbahaysiga ahayn ee dagaalka Ukraine.

Warsidaha toddobaadlaha ah, Ramaphosa, ayaa wuxuu ku she egay in Koonfur Afrika aysan dhi nacna u xaglin doonin waxa uu ku tilmaamay "halganka iyo tar tanka u dhexeeya Ruushka iyo reer galbeedka”.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya maalmo ka dib markii Safiirka Maraykanka u joogga dal ka Koonfur Afrika, Reuben Brigety, uu ku eede ey ay dalkaasi inuu si qarsoodi ah hub iyo ras aas u siiyo dowladda Ruushka, inkastoo uu she egay inuu dhexdhexaad ka yahay. Brigety ayaa sheegay in sirdoonka Mareykanka ay ku kalso on yihiin in bishii December ee sanadkii tagay la gu raray markab laga leeyahay dalka Ruushka oo ku sugnaa xiligaa saldhiga ciidamada badda ee magaalada Cape Town.Ramaphosa ayaa waxa uu aqbalay inuu baaro sheegashada, bal se waxa uu sheegay in aanay jirin cadaymo la taaban karo oo taageer aya eedaymaha.

LA KULAN CABDIKARIIM: WIILKA REER XAMARKA AH EE LAFAHA GEELA KA GANACSADA

Lafaha Geela

XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

Article information

Author,Abdishukri Haybe

Role,Wariye

Mudo toban sanno ah, Abdikarim Abukar, su bax walba waxuu 09:00 AM yimaadaa xar untiisa shaqo, oo ah qolyar oo cidhiidhi ah ayna yaalaan makiinnado qadiimi ah oo u ku sa meeyo agab kala duwan oo dalka naadir ku ah.

Waxuu bilaabaa kala hagaajinta qolkiisa, kadibna horey waxuu kasii galaa samaynta lafo u diyaarsan in uu ka sameeyo agab farshax aneed isticmaal gala. Isaga oo dhididsan ayu una u muuqdaa mid si dhiiran oo xirfad iyo waa yo-aragnimo leh u wata shaqadiisa. Jabaqda makiinadda iyo sida uu ugu fooganyahay haga ajinta shayga uu samaynaayo ayaana dhego-tirta, waxayna u badantahay in uusan ku maqlin inta uu shaqadaas ku jiro haddii aad la had asho.

Alaabo kala duwan ayayna ka sameeyaan lafahaan, sida tusbaxyada, ulaha xaragada, ag abka dumarku isku qurxiyaan iyo alaab farsh axan oo xafiisyada la dhigto.

"Annagu reer Banaadiri baan nahay geelana wax badan kama garanayno, balse maadaama geelu yahay wax Soomaalidu aad u jeceshahay dhaqan ahaan, annaga lafahiisan ayaa geel noo ah oo aan ka faa’iidaysanaa noloshadana ka soo saaranaa", ayuu si kaftan ah u yidhi Cabdikariim oo dhoolacadaynaya.

Lafta oo kuul laga sameynayo

XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

Cabdikarim 23 sano jir ku dhashay Muqdi sho xir fadaan Aabahii ayuu ka bartay isaga oo aan dhallanina ku shaqeynaayay isla xirfadaan, ubadka uu dhalay oo saddex ah ayuuna nol oshooda kasoo saara xirfad-gacmeeddan uu ka dhaxlay Aabahii waana isha keliya ee dhaqaale ee qoyskiisu ku tiirsanyahay.

"Illaa 2013-kii ayaana si toos ah ugu shaqa ysanayaa; waxii aanka bartay Aabbo, Alxamdul ilaah waxii laygusoo koriyay ayaan anniguna ha ddeer carruurtayda ku korinayaa.” Ayuu yidhi isaga oo taxaya tusbax annigoo arkaya uu ka sameeyay laf caadi ah.

Lafaha geela oo uu ka sameeyo alaabaha kala duwan waxuu ka doonaa meel magaalada Muqdisho u jirta 30km, mana aha wax fudud in maalin walba uu halkaas tago oo caqabado ba dan ayuuna kala kulmaa oo mararka qaar naft iisa iyo saaxiibadiisa la socdaba ay halis ku gal aan.

"Manoo dhibyara in aan halkaan imaano maalin walba, jidku sidiisaba wuu iska halis bad anyahay; meelo badan oo ayaa lagugu joojina yaa; markay u dhibyartahayna lafaha ayaa inta lagaa daadiyo lagu leeyahay haddana dib u xarayso”.

Laakiin Muuse Maxamuud 56 jir ah oo isna ay wada shaqeeyaan Cabdikariim mar ayay naf tiisu halis gashay, kadib markii la dhaawacay is aga oo lafo guraya. "Illaa hadda garabka ayaan naafo ka ahay, muddo toban sanno laga jooga anniga oo lafahaan guraya ayaana xabad laygu dhuftay; bil toos ah ayaana goob-daawo/Isbitaal jiifay; manta isla shaqadii ayaan ka shaqey nayaa sababtoo ah waa waxa keliya ee aan aq aanno nololna ka samayn karo,”ayuu cod hoose ku yidhi isaga oo neeftuuraya lafana jawaan ku guraya.

Muuse

XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

Waxaa kale oo caqabad weyn ku ah in lafaha halkan loo keenno in lagu gubo iyagu ayna si la cag la’aan ah ku qaadan Karin kuna qasbanyah iin in marwalba oo ay qaadanayaan ay lacag bix iyaan.

"Dookh kale malihin aanka ahayn in lacag bixinno waana ku qanacsanahay in aan sidaas samayno; noloshayadu maadaama ayku tiirsan tahay, waase wax laga qurxoonyahay wax la gubi lahaa in dadka halkaan masuulka ka ahi lacag la iiga qaadaan wax la gubi lahaa,” ayuu yidhi Cabdikarim.

Tusbaxyada laga sameeyo lafaha ayaa la gadaa qiimo u dhexeeya $10 illaa $15 lacagta doolarka ah. Halka tusbaxyada u taxan 100 ka xabo ay gadaan $50 illaa $60 doolar, alaabtan ay sameeyaan ma’aha mid si joogta ah macaa miil fiican u hesha; waxaase inta badan iibsata alaabahaan qurbajoogta iyo saraakiisha dowla dda.

Fu’aad Cabdi Cadoow, waa daljoog markiisii koobaad ayuuna imaaday dukaankan lagu gado alaabahan laga sameeyo lafaha geela; aad ay uuna uga helay isaga oo la ashqaraayay sida al aabtan dalka gudahiisa loogu sameeyay, waxu una kamid noqonayaa daljoogta halkaan sida dhifka ah imaaday.

"Labo shay baan ka iibsaday halkaan hadde erd; runtii aad baan u jeclaystay in shay dalke enna lagu sameeyay aan iibsanayo waliba isa ga oo ka qurux badan kuwo wadamada kale la ga keenno, waana in dadku iibsadaan alaabtan dalka hooyo lagu sameeyay,” ayuu yidhi isaga oo ku wardinaya tusbax uu meesha ka iibsaday.

In alaabada halkaan lagu sameeyo loo iibge eyo dibadda ma’aha wax sahlan, balse Cabdi kariim mustaqbal wanaagsan ayuu ka qabaa in shaqadani wanaajindoonto nolosha siisa, inkas too hadda baahidiisa maalinlaha ayna si joogta ah u daboolin.Geelu waxuu qeyb weyn ka yahay hantida ay leedahay Soomaalidu, balse lafahiisa ayaan ahayn wax si badan looga faa’iidaysto. Waxa yba u muuqataa in aan lagu baraarugs anayn .XIGASHO:-BBC


XUBIN JIRKAAGA KA MID AH MA UGU DEEQI LAHAYD QOF AADAN AQOON?

XIGASHADA SAWIRKA,CERI NELSON

Ceri Nelson, oo 63 jir ah, oo ka shaqeysa banki, ayaa sidaas sameysay. Waxay ka shaqeyneysay ganacsi u gaar ah waxayna ku jirtay nolol fiic an, iyadoo waqti yar uun u he ysay inay qabato shaqo mutadawacnimo ah.

Maxaa dhiirrigeliyay? "Waxaan ahaa qof aad u faraxsan. Ganacsigu si fiican ayuu u socday. Waxaan is lahaa, runtii waan fiicanahay, balse waxaa ka sii fiicnaan lahayd haddii aan qof caawin lahaa," ayay tiri.

"Waxaan ka dhegeysanayay Jeremy Vine [BBC Radio 2] maalin wuxuuna la hadlayay qof isla sidaas sameeyay, waxaana ku fekerayay, waa wax aan aniga sameyn karo."

Sanad walba, ilaa 1,000 qof oo ku nool UK ayaa doorta inay killidooda ku deeqaan, inta badan qof qoyskooda ka tirsan amaba saaxiib.

Inta badan ku deeqiddan ayaa noqota kaddib geerida, iyadoo in ka badan 2,800 oo dhammaa nba xubnaha lagu tallaalay dhalinyarta ku nool UK ay dhaceen sanadihii 2021-22.

Keliya 68 ka mid ah xubnahan la beeray ayaa ka yimid dad nool, iyadoo dadkan aysan ogeyn xitaa cidda loo gelin doono xubinta ay ku deeqeen.

Isla maalintii ay idaacadda dhegeysatay, Ceri, oo ka soo jeedda Porthcawl oo ka tirsan dee gaanka Bridgend, waxay wacday Isbitaalka Uni versity Hospital of Wales oo ku yaalla Cardiff, kaasoo ku xiriiriyay kooxdiisa xubno ku bee ridda.

Waxay sheegtay inay martay baaritaanno ba dan, kooxdu "aad, ayya u taxadarayeen", mana aysan dooneyn inay nolosheeda khatar gel iyaan.

Kaddib ilaa lix bilood oo baaritaanno jir aha an iyo maskaxiyan ahaan oo "aad u adag", Ceri waxay killideeda ku deeqday xagaagii 2017.

"Waxaan u maleynayaa inaan keliya shaqa da fasax ka heystay labo ama sadedx toddob aad. Waxaan sameeyay July waxaana u male ynayaa inaan jiimka dib ugu laabtay September. Wax saameyn muddo dheer ah iguma yeelan si nnaba.

Sanad walba waxaan sameyaa baari taan si aan u hubiyo in killida hartay ay shaqeyneyso, balse wax walba aad ayay u fiican yihiin."

'Farxad ayay i siisay inaan qof caawiyo'

Kaddib markii aan arkay in bukaannada killida labadaba kuwa aan weli loo gelin iyo kuwa marka loo geliyay kaddib, waxay sheegtay: "Wa xay i siisay farxad ah inaan awooday inaan caa wiyo qof oo aan siiyo nolol wanaagsan iyadoo saameyn yar uun ku yeelatay nolosheyda."

Waxay qiraneysaa in gabdhaheeda waa weyn aysan ku qanacsaneyn go’aankeeda ayna isku dayeen inay ka celiyaan. "Way murmeen, ka warran haddii ay killi u baahdaan? Waxaan iri, 'hagaag, adinkaa isku filan. Waxaad leedihiin aabbe. Haddii aad mid u baahan tihiin, waan hu baa inaad ka heli doontaan meel.'

"Weligey wax shallaay ah ma dareemin wax aana ku faanayaa inaan awooday inaan qof caa wiyo. Waxaan ahaa 57 jir markii aan sidan sam eynayay marka ma ahayn qof da’ yar marka laga reebo saameynta muddada gaabanna gebi ahaanba wax saameyn ah iguma yeelan." Waxay aaminsan tahay in dadka sida fiican u fekera ay u badan yihiin inay wax ku deeqaan, iyadoo intaa ku dartay: "Aniga waxaan ahayn qof aan la qiyaasi karin.

"Mar haddii aan go’aan gaaro, waxaan ahay qof aan laga celin karin mararka qaarna uma maleynayo inay arrimuhu si hagaagsan u socd aan, balse aniga ima heyn wax walwal ah saba btoo ah baaritaanku wuxuu ahaa mid adag."

Keliya waxa ay ka niyad jabsan tahay ayaa ah inaysan wax xiriir ah la lahayn qofkii ay killida ugu deeqday. Xogta dhan ee ay ka ogt ahayna waa magaciisa iyo inuu UK u dhashay.

"Marka waxaan rajeynayaa inuu meel uun joogo oo caafimaadkuna fiican yahay."

'Waxaan rajeynayaa inaan heysan lahaa mid kale oo aan ku deeqo' Killi

XIGASHADA SAWIRKA,JACQUI ROBINS

Qoraalka sawirka,

Jacqui Robins waxay markii hore dooneysay inay killideeda ugu deeqdo saaxiib

Jacqui Robins weligeed kuma fekerin wax ku deeqis kahor inta uusan saaxiibkeed aad ugu xanuunsan dhibaato dhanka dhagax kilayaha u ga jiray ah dhaqaatiirtana ay sheegeen inuu u baahnaan doono in killi lagu beero.

Si la mid ah Ceri, haw eeneydan 76-jirka howlgab ka ah kana soo jeedda mag aalada Cardiff waxay nfte eda ku tilmaameysaa inay tahay qof xoogaa xor ah, ayna go’aansatay inay ugu deeqi doono iy ada.

Si kastaba xaaladdiisa ayaa hagaagtay mana uusan u baahan in killi lagu beero. Balse mar kaas waxay warbixin ka heshay hannaanka, fek er ayaana ku soo dhacay.

"Markii aan arkay dhammaan, waxaan ku fekeray sababta aan hore ugu sii guda galin? Eeg haddii aan killi ugu deeqi karo qof. Waana sida ay ku bilaabatay," ayay tiri.

"Waxay u muuqatay wax fudud oo la sam eyn karo."

Kaddib markii loo sheegay inay killi ugu dee qeyso qof aysan aqoon, bishii May 2014 waxay gashay qalliinka.

Markii hore, dhammaanba xiriirka Jacqui iyo qofkii ay ugu deeqday killida si taxadar leh ayaa looga dhigay mid qarsoon, balse tan ayaa fud udaatay markii ay waqti ka soo wareegatay.

"Ka dib sanad ama labo waxaan awooday in aan u diro kaar oo aan ku saxiixo Jacqui, isa gana wuxuu ku soo saxiixay Wayne. Kaddibna waxaan ka sii wada hadalnay nolosha qoyska, kaddibna saddex sano kahor, waxay dheheen haddii aad daneyneyso, qofkaad ugu deeqday wuxuu jeclaan lahaa inuu kula hadlo, kula kul mo." Killi

XIGASHADA SAWIRKA,JACQUI ROBINS

Qoraalka sawirka,

Jacqui iyo Wayne ayaa ugu dambeyn kul may sanado ka dib markii ay killide eda ugu deeq day Wayne iyo xaaskiisa Linda ayaa u safray Cardiff waxayna Jacqui iyo seygeeda Roger u kaxee yeey casariye. "Waxay dhabtii ahayd sida kul anka saaxiib hore. Inkastoo xitaa aan weligey indhaha saarin isagana sidoo kale.

"Waxay ahayd laab is gelin iyo illin naga tim id, gaar ahaan isaga," ayay tiri Jacqui.

"Waxay siisay nolol. Wuxuu ku sugnaa xaa lad xun oo caafimaad wuxuuna ku sugnaa xaal ado niyad-jab ah isagoo sugaya aniga ayaana siiyay tan sagaalaad, 10 sano kadib waxaa loo sheegay inuu wax intaa ka badan u baahan yahay."

Iyadoo ku deeqday killideeda markii ay jirtay 67 sano, Jacqui waxay sheegtay in qalliinka iyo ku noolaanshaha hal killi aysan saameyn yar ku yeelan caafimaadkeeda.

"Weligey xanuun Makala kulmin qalliinka. Waxaan rajeynayaa inaan heysan lahaa mid ka le oo aan bixiyo, sababtoo ah sidaas ayay u fud uddahay." XIGASHO:-BBC

 

Muuse Biixi oo ku wajahan duleedka Laascaanood kadib markii uu si qarsoodi ah ku tegay…

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cab di ayaa safar aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdh eer, sida ay Sheegtay inay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Muuse Biixi ay aa waxa la sheeg ay inuu qor sheynayo in halkaasi uga sii gudbo gobolka Sool, gaar ah aan saldhiga Goojacadde ee ku yaalla duleedka magaala da Laascaanood iyo taliska ciidamada Somali land ee Oog, xilli uu gobolkaasi ka socdo dag aal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in madaxweynaha Somaliland inta uu ku sugan yahay Burco uu ka shaqeynayo xal u helida sha qaaqo beeleed ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Togdheer.

Socdaalka Muuse Biixi ayaa waxa uu kusoo beegmaya xilli uu Dorraad dagaal culus uu dib u ga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Ciidamada Somaliland ee saldhigooda ugu weyn uu yahay Goojacadde ayaa doonaya inay wadadda dheer ee marinka u ah ka dheereyso ciidanka SSC ee halkaas u dhowaaday, maad ama uu yahay jid muhiim ah oo ay u marto sah ayda iyo gurmadka, kuna xira magaalooyinka Somaliland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dagaalkan barbar socotay duqeyn xoogan, taasi oo uga sii dareysa xaaladda adag ee haatan ka taagan aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood.

Dagaalka Somaliland iyo SSC ayaa qaatay in ka badan afar bilood, ayada oo uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayada oo burbur horleh uu soo gaar ay magaalada, islamarkaana dadkii deganaa ay badankooda ka barakaceen magaalada.

Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Biixi ee ku wajahan magaalada Oog ee gobolka Sool oo ku dhow saldhiga Goojacadde, ayaa kusoo bee gmaya xilli ay Somaliland dhawaan xuseyso go oni isu-taageeda ay ku dooddo ee maalinta 18-ka May.

Xigasho:-caasimadda.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip