HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA MAY 2023-KA

0
Monday May 15, 2023 - 08:35:20 in Wararka by
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIYL NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA MAY 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

M/W. Xasan Sheekh oo guddoomiyay Shir heer sare ah oo markii ugu horeesay Qabsoomay

Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqaala ha Qaranka ayaa Shalay ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka iyada oo uu shir-guddo omiyay Madaxw eynaha Jamh uuriyadda Federa alka Soomaaliya Dr. Xa san Sheekh Maxamuud, ayna goobjoog ka ahaay een Ra’iisul Wasaaraha Xukuum adda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xuk uuada Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdull aahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Gol aha Wasiirrada.

1-Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqalaaha Qaranka oo markii ugu horay say qabsoomay ay aa looga hadlay arrima ha mudnaanta u leh siyaa sadda horuma rinta dalka iyo dardargelinta bar naamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qa ranka.

2- Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Mada xweyn aha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo shir-guddoominayay shirka ayaa si qotadheer u faahfaahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaysti rka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

3-Intaas kadib Golaha Dhaqaalaha Qara nka ayaa warbixinno kala duwan ka dhega ystay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaran ka oo ah laanta farsamo ee Golaha, iyaga oo soo bandhigay qo rshaha mudd ada fog ee diyaarinta Hiigsiga Qa rniga ee 2060, iyo qorshaha lagu maaraynayo mar xaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka.

4-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raac ay in dalka uu yeesho Hiigsiga 2060; iyaga oo me elmariyay talooyinkii ka soo baxay Wajiga 1-aad ee Geeddi-soc odka Diyaarinta Hiigsiga 2060.

5-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardargeli yaan wajiyada xiga ee diya arinta iyo dhammays tirka Hiigsiga, sida wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga.

6-Goluhu waxa uu sidoo kale u soo jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la ansix iyo diyaarinta Hiigsiga 2060, iyo meelmarinta talo oyinka ka soo baxay Heerka Farsamo ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

7-Goluhu waxa uu isla meel-dhigay in Hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhamma an qorshahayaasha horum arineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Sooma aliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

8-Ugu dambayntii, Goluhu waxa uu soo jeed iyay in mudnaan gaar ah la siiyo dede jinta dha mmaystirka Qorshaha Maar aynta Marxaladda Dayn Cafinta ka Damba ysa (Post-HIPC Plan).

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay ku simahaErgeyga Gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka waasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xaf iiskiisa ku qaabilay ku simahaErgeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabi lsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho.

Wasiirka iyo Ergeyga ayaa kulankooda kaga wadahadley horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaaliya ka sameyn eyso dhanka sugidda am niga, dagaalka lagula jiro Khawaarijta, diyaar garo wga wejiga labaad ee hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, maamul wanaagga, adee gyada bulshada, barnaamijyada xasilinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey dada alka ay dowladda u gashey sugidda amniga mag aalada Muqdisho, isagoo u mahad celiyay sha cabka Soomaaliyeed oo taageero iyo iskaashi u buuxa u muujiyay dowladda iyo ciidanka qaranka.

Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Warfa afinta Md.Daa’uud Aweys uu Ergeyga Qara mada Midoo bay faahfaahin ka siiyay qara arkii dhawaan ka soo baxay Golaha Wasiir ada ee khuseeyay maar eynta maaliyadda guud ee dalka iyo dagaalka lagula jiro mus uqmaasuqa.

Ku siimaha Ergeyga Qaramada Midoo bay ee Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho ayaa dhankeeda ku bogaadisay Dowladda Federaalka ee Soom aaliya dadaalka ay ugu jirto inay nabad, kala dam beyn iyo horumar ku soo dabbaasho dalka, iyadoo intaa ku dartey in Qaramada Midoobay ay ka go ’an tahay inay sii waddo iskaashiga iyo taage erada ay Soomaaliya u fidineyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Aga asinka Guud ee Madaxtooy ada Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Agaasinka Guud ee Madaxtooyada Qar anka, kuwaasi oo Madaxweynaha u soo bandhi gey waxqabadka halkii sano ee la soo dhaafay oo ka soo bilaabaneysa xiligii u Madaxweynaha xafi iska la wareegay May 2022. Warbixinta ayaa ku aadaneyd, guud ahaan Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kan xafiiska Madaxweynaha, qorshaha istaraatiijiyadda 2023-2026 iyo qorshaha horumarinta Madaxtooyada JFS.

DFS iyo Maamulka Hir-Shabeelle oo Hay’adaha samafalka kala hadlay u gurmashada Shacab ka Beledweyne

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Dowlad Gob oleedka Hirshabeelle ayaa Shalay kulan la qaatay Hay’addaha Sama falka ee ku sugan Magalaada Beledweyne.

Kulanka Gudiga Fat ahaadaha

iyo Hay’adaha Samafal ka waxaa sidoo kale Aalada fogaan aragga kala soo qeybgalay Hay’ad daha Caalami ga ah ee ka shaqeeya Samafalka iyo arrim aha bini’aad animada iyagoo ka arrinsaday xaalada fatahaaada ha ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo sidii loogu gur man lahaa dadka ay saame eyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ayaa tilmaam ay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto Magaalada Beledweyne waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay gurmad qaran si loo samata bixiyo dadka guryahooda ka soo barakacay iy adoo kulankaan uu goob joog ka ahaa Gudo omiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboo yinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Madaxweynaha dalka oo sagootiyay ciidamo ka qeybgalaya wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka saagootiyey Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan Guutada Gantaal ee Ilaalo Qaran oo ka qeyb-galaya daga alka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alsha baab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidam ada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiirri-galin iyo guubaabo ayaa u shee gay rajada dowlad da iyo shacabka Soomaali yeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halgankagabagab ada mar aya ee dalka lagaga xoreynayo argagixis ada, waxa uuna faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqa nka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoo nidda iyo hiilka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guu laha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Si da ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraaki isha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashoo da, iyagoo soo bandhigay nafhurnimada iyo gees inimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soo maaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo muwaadiniin Soom aaliyeed ka soo badbaadisay dag aalka ka soc da Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa 9 muwaa diniin ah oo laga soo badbaadiyay dagaala da ka socda dalka Suudan ka soo dejisay Muqdisho.

Muwaadiintaan ayaa ka soo duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay ka soo galeen xuduuda Sud an, muwaadiniintaan oo ah arday wax ka baranay say dalka Sudan oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa waxaa garoonka Aden Adde ku soo dha weeyay xafiiska ergayga gaarka ah madaxweyne ha u qaabilsan soo galoo tiga iyo xaquuqda car ruurta.Dowaladda federal ka Soomaaliya wax aa ka go’an inaysan waxba la harin inta mu waadinka ugu dambeeya laga soo badbaa dinaayo colaadda

ka taagan Suudaan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS oo si rasmi ah u daahfuray barnaamijka hann aanka hubinta tayada badeecadaha

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee Xuk uumadda Federaalka Soaamliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Shalay si rasmi ah u daah furay munaasibad loo sameeyey ku dhawaaqista iyo saxiixa Qandaraaska hubinta tayada shixna dda ka hor inta ayna badeecadahu soo galin dalka taas oo ay si daahfuran ugu guulaysatay shirkad da Bureau Veritas taas oo ka geyb-qaadan doonta fududeynta iyo habsami u socodka ganacsiga dalka.

Wasiira Jibriil, ayaa sheeg ay in talaabadani ay hagaajin doonto sidoo kalena hirgelin doonto hanaanka hubinta tay ada badeecadaha ee laga so dhoofiyo dalka diba ddiisa iyo horumarinta hufnaanta ganacsiga dalka, waxaana uu ku bogaad iyey maareeyaha hay’a dda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo guud ahaan shaqaalaha hay’a dda oo dadaal xoog ee ay ku bixiyeen guu sha Shalay la gaadhay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ay aa waxa carabka ku dhuftay in arrintani ay muhiim u tahay ilaalinta badq abka bulshada, kor u qa adista kalsoonida ee isticmaalka badeecadaha iyo weliba kobac dhaqaale oo waara, isaga oo xusay inay innoo suurto-gelin doonto xoojinta iyo horum arka ganacsiga aan la lee nahay wadamada caal amka.

Ugu dambayn, Wasiirku, wuxu guushan taari ikhiga ah ugu hambalyeeyey Ganacsa tada Soo maaliyeed, isaga oo u mahad celiyey madaxda hay’adda ivo saaxiibada caalamiga ah ee arrintan.

Qoor Qoor oo magacaabay wasiiro cusub + Magacyada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmud ug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor Qo or) oo wareegto cusub soo saaray ayaa maga caabay wasiiro cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Qoor Qoor ayaa soo saaray liiska lix xu bnood oo cusub, kuwaas oo isugu jiro was iiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowle yaal, sida lagu caddeeyay wareegtada.

XUBNAHA LAGA MAGACAABAY AYAA KALA AH:

1-C/qaadir Shire Warsame wasiirka wasa aradda tamarka iyo biyaha,

2-Cabdirisaaq Cali Jaamac wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada

3-Liibaan Cabdi Maxamed wasiiru dowlaha wasa aradda gaadiidka iyo duul ista hawada 4-C/kariin Macallin Axmed wasiiru dowlaha wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka

5-wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbara shada, hidaha iyo tacliinta sare 6-Maxamed Axmed Max amed wasiir ku xigeenka was aaradda ca afima adka iyo arrimaha bulsh ada.

Sidoo kale waxaa wareegtadan lagu far ay hay’adaha kale ee Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirada cusub ee Habeen hore uu magacaabay madaxweyne Qoor Qoor.

"Waxaa la farayaa dhammaan hay’ad aha kala duwan ee dowlad goboleedka Gal mudug inay la shaqeeyaan wasiirada cusub, si ay u gutaan waa jibaadkooda sha qo,” ayaa lagu yiri degreetada.

Waxaa kale lasii raaciyay qoraalka "Xee rkan wuxuu dhaqan galayaa markuu sax iixo madax weynaha dowlad goboleedka Galmudug”.

Magacaabistan ayaa ku soo aadeyso, xilli haa tan madaxweynaha Galmudug uu socdaal ku marayo deegaano ka tirsan gobollada dhexe oo uu kasocda howlgal ka dhan ah Shabaab.

Si kastaba, marar badan madaxweyne Qoor Qoor ayaa isbeddal ku sameeyay gol ihiisa wasiir ada, isaga oo sabab uga dhigay in la helo wasiiro karti leh oo shaqeyn kara

Hanti-dhowrka guud oo ku guuleystay dib usoo celinta 10 gaari, kuna wareej iyay…

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaran ka Ax med Ciise Guutaale ayaa ku guuley stay inuu dib u soo celiyo 10 gaari oo markii hore sifo sharci dar ro ah uga maqna hay’ad daha dowladda federa alka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay xafiiska.

Hanti-dhawrka Guud ayaa waxa uu gawaari dan ku wareejiyay Wasaaradda Waxbarasahda, Wasaar adda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

"Iyada oo la dardar-galin ayo dadaallada dib loogu soo celinayo gaadiidka ka maqan hay’addaha dowla dda federaalka Soo maaliya, ayaa xafiiska Hant idhawrka Guud ee Qaranku waxa uu ku guuleys tay inuu ku wareejiyo Wasaaradda Waxbaras ahda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biya ha iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Doora shoo yinka Qaranka toban (10) gaari oo horay gacan tooda uga maqnaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska hanti-dhawrka guud ee qaranka.

Tallaabadan ayaa imanaysa, xilli kal hore Han ti-dhawrka guud uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowla dda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta ama u haysan karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud.

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa waxa uu faray qaar ka mid ah masuuliyiintii hay’adaha dow ladda ee la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’ada haasi inay dib u soo celiyaan sida ugu dhaqsaha badan, "waa in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.”

Hanti-dhawrka Guud oo muddooyinkii dam be ka shaqeynayay in hantida guurta da iyo ma-guur tada ee dowladda uu dib ugu soo celiyo gacanta hay’addihii asalka u lahaa, ayaa waxa uu shaa ciyay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowlad du leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo "il gooni ah lagu hayo.”

Si kastaba, Hanti-dhowraha cusub ee Qaran ka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo 20-kii April ee sanadkaan la wareegay xilka ayaa waxa uu sheegay in muhiimaad gaar ah uu siin doono dha meystirka howlaha qabyada ka ah XHGQ sida dhammeystirka xeerka xafiiska Hanti-dhowrka Gu ud ee Qaranka iyo habraacyada baarista iyo korjo ogteynta.

Shirkadda Daallo oo ku dhawaaqday xilliga ay bilaabeyso Duulimaadka Xajka 1444H/2023

Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines ayaa soo saartay farriin wargelin ah oo ku socota Xuj eyda Soomaaliyeed ee sanad kan 1444H/2023 do onaya inay soo gutaan Acmaasha xajka.

Shirkadda Daallo Airlines ayaa Xujeysa Soom aaliyeed Ogeysiisay inay bilaabana yaanDuulim aadyadii xajka 25-ka Bi shaan May 25, isla marka ana shirkadda waqtiga as ay toos u bilaabeyso Daa bulida Xujeyda. Hadda ba wixii faahfaahin ah kala xiriir aan Xafi iska Daallo Airlines ee Muqd ishu ama wac Telef oon Nambar 0615220296. Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airli nes ayaa ku guuleysatay Duulimaady ada iyo Daa bulka Xujeyda Soomaaliyeed ee sa nadkan 1444 H/2023, sida ay ku dhaw aaqday Wa saaradda Arr imata Diinta iyo Awqaafta Xukuu madda Feder aalka Soom aaliya.

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay isimada Gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa isimada iyo waxgaradka gobolka Mud ug ka raali galiyay habkii uu u maamulay kuraasta aqalka hoose ee deegaan door ashadoodu tahay gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni oo ku sugan Gaalkacayo ayaa kulan gaar ah la qaatay Islaam Bashiir Isl aam Cabdulle iyo isimada kale, isagoo sheegay in maamulkiisu xaal iyo raali galin uu ka bixinayo in odayaasha dhaqanka aan loo ogolaan inay iyagu soo xush aan cidda u matalaya barl amaanka.

Warar aan helnay ayaa wa xay sheega yaan in kulanka intii lagu jiray uu mad axw eyne Deni ka codsaday isimada Mudug inay maamulk iisa kala shaqeeyaan hirgal inta doo rashada dowladaha hoose ee gobo lka Mudug, xilli gobolka Mudug uu kamid ya hay meelaha laga saluugsan yahay hab ka maamu lku uu u wado doorashada qof iyo cod.

Inkastoo isimada iyo odayaasha Mudug ay mad axweynaha ka qaateen raali galinta uu ka bixiyay ha bkii uu u maamulay doora shadii xulista barlamaan ka, haddana waxay madaxweynaha uga digeen inuu qabto doorasho qalalaase ka dhasho.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni ay aa lagu eedeeyaa inuu boob kula kacay doora shadii xildhibaanada Puntland ku matalayay lab ada aqal ee barlamaanka, arrintaan oo keentay in Deni iyo isimada Puntland ay kala fogaadaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada dallka Turkiga

Waxaa haatan meel geba-gebo ah maraysa tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee dalka Tur kiga, hase ahaatee natiijada hordhaca ah ee aan ras miga ahayn ayaa muujinaysa inaanay afarta musha rax ee doorashadan ka qayb galay aanu midkoodna haysan codad ku filan oo uu ku noqon karo mada xweyne. Iyada oo haatan la tiriyey 97.23% oo ka mida codadka la dhiibtay, ayaa natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayni waxay muujinaysaa in mad axweyne Recep Tayyip Erdogan, uu haysto 49.36%, halka musharaxa ay sida weyn ugu loollamayaan do orashadan ee Kemal Kilicdaroglu uu haysto 44.96% oo ka mida codadka la tiriyey.

Natiijadan hordhaca ah ee aan rasmiga ah ayn ay aa muujinay sa inay suurto gal tahay in dalka Turkigu uu mark ale aado wareeg labaad oo door asho mad axtinimo ah, maadaama aanay laba da mu sharax ee Erdogan iyo Kilicdaroglu aanu midk oodna helin aqlab iyadda codbixiyayaasha, sida sha rciga dalkaasi dhigayo. Sida kasta oo ay tah ayba, natiijadan hordh aca ah ayaa muujinaysa in Erdogan, oo loollan adag kala kulmay musharaxa mucaaradku, inuu doorasha da ka sameeyey horum ar ka wanaa gsan sidii laga filayey.

Guddida qaran ee maamulaya doorashada Turki ga ayaa sheegay inaanay weli ku dhawaaqi karin in dalka Turkigu uu aadayo wareeg labaad oo doorasho ah, maadaama aan weli la dhamaystirin, tirinta sana adiiqda ay ku codeeyeen muwaadiniinta Turkida ah ee ku nool dalalka debedda, kuwaas oo tiradoodu ay gaadhayso, illaa 3.4 milyan oo muwaadin.

In ka badan 64 milyan oo qof oo ka mida 85 mily an ee uu ka kooban yahay shacabka dalkaasi ayaa isu diiwaangeliyey inay codeeyaan doorashadii mada xtinimada ee ka dhacday dalka Turkiga Axaddii. 89% oo ka mida dadka is-diiwaangeliyey ayaa codeeyey, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

 

Guddoomiye Cali jeyte oo u jawaabay Yuusuf Dabageed digniina u diray Hay’a daha samafalka

Gudoomiyaha gobalka Ciiraan Cali Jeeyte Cismaan oo shir jiraa’id qabtay ayaa ka jawaabay hadalkii (08-dii may) oo uu sheegay inay dadka qaar sida khaldan u fasirteen ee ku saabsanaa sii wadida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo sidoo kale hay’addaha qaar ee ku fashilmay ar imaha biyo xireenka kuwaas oo uu sheegay inay wajahi do onaab isla xisaabtan.

Gudoomiye Cali Jeeyte Cis maan ayaa tibaaxay in Hadal kii ku saabsanaa sii wadida lad agaalanka Al-Shabaab dadka qaar aysan fahmin dulucda Hadalka, ee siyaabo kala duwan loo fas irtay, "Al-Shabaab waxaan kula dagaalanay 30 wiil marne 60, Marne 120, iyo kumanaan wiil, ma markaas ayaan daalnya mise hadda oo aan Sha baab ka Guuleeystay ayaan daali kareeyna waxaa waxa aad looga xumaado ah in dadka qaar aysan fahmi karin nuxurka erayga iyo marxalada hadalka Shalay oo aan ka xoog badanahnay ka waayo Ara gsanahay ka wiilal iyo hub badanahay miyaan daa lanahay mise Dorraad ayaan daalnaa waxaan u Cadeeynayaa shacabka in tabarusub aan sii yee lano mooye kama daaleyno dagaalka Al-Shabaab waana sii wadi doona ayuu yiri ” Guddoomiyaha

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cis maan ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in Era yada qaar ee la isticmaalayo in fasiraadiisa la Bar to iyo waxa uu yahay erayga (Apologize) ama Raaligelin ee laga bixinayo hadal-qofeed.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Md Cali Jeeyte Cismaan ayaa xusay in hay’adda ha qaar ay u Baahan’yahiin islaxisaabtan madaa mo aysan wajahin goobahii horey loogu cayimay ee Fatahaadaha kuwaas oo shirar horey u dhacay loo Cilaamiyey hay’addaha qaar.

"Hay’adda NIS FOUNDATION weey qabatay Shaqadii ugu habooneed lakin hay’addaha kale iyo kuwa soo maray wasaarada Maaliyadda Fadar aalka waa in hoos loo eego, anaga intii shaqada biyo xireenka bilaaw, geeda aheed Waxaan gal nay dagaal intii aan hoowsha ku jirnay In dib biy ahii shacabka ku dhibaateeyeen in kabadan 10 mil lion dollar (Toban milyan oo dollar) ay ku Baxdo meelo aan aheeyn meelahii aan cayinay ee uu soo jeediyey maamulka Gobolka wax suuragal ah mahanayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudomiyaha”

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa shacabka ugu baaqay in faham-kooda uu sareeyo asigoo carabka ku xoojiyey in xaaladaha adag sidii looga bixi lahaa leysku garab istaago.

Somaali dhimasho iyo dhaawac ku noqo tay Shil ka dhacay dalka Koonfur Afrika

Inta la xaqiijiyay lix Ruux ayaa ku geeriyootay halka 32 kale ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay wadada N2 gaar ahaan inta u dhexeeysa deegaanka Danabay iyo Deg mada Mosselbaai ee Garden Route.gobolka western Cape ee dalka Koonfr Afrika, waxa ana dadka ku dhintay kamid ah Hooyo Soomaaliyeed.

Shilka ayaa waxa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo ahaa kuwo siday rakaab aad u farabadan, waxaana Hooyada Soomaaliy eed oo Shilka ku geeriyootay oo lagu Magacaabi jiray Raxmo Cismaan Dhicisow ay ifka kaga tagtay gabar yar oo ay dhashay.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu shilka ka dhacay ayaa dadka u gurmaday, iyada oo dadka Shilkaasi ku dhaawacmay ay Soomaali kamid yihiin, waxaana ay u socdeen magaaloyin kale oo katirsan dalka Koonfur Afrika

Ciidanka dowladda oo weerar ku qaaday goo bo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Shalay weerar qorsheysan ku qaaday goobo ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Galgad uud iyo Shabeellaha Hoose oo la sheegay iney isku aruursanayeen dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlg alka xoogiisa ka samee yay deegaanka Saban sableey oo lasoo wariyay inuu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ku wa Al-shabaab, hayeeshee aanan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegeen in howlgalkaasi khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ay ugu geysteen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo isku arruursanayay deegaanka Sabansableey, hayeeshee maysan carabaabin khasaaraha intuu dhan yahay.

Waxay sidoo kale sheegeen saraakiisha iney ku daba jiraan firxadka xubnaha ka tirsan Shaba ab ee isku aruursanaayay deegaanka Sabansabl eey, islamarkaana ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa deega ano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka ka wa da howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka.

Ciidanka dowladda oo gacanta kusoo dhigay nin weerar qarax ah ka geystay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Shalay ciidam ada dowladda ka sameeyeen degmada Hodan ee magaalada Muqd isho.

Ciidamada ayaa howgalkooda kusoo qabtay nin la sheegay inuu qarax bambaa no ku weeraray go ob ay degmada Hodan kaga sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Ninkaan ciidamada ay gacan kusoo dhigeen ay aa la sheegay inuu bam ku weeraray fariisin Boo liiska ay ku leeyihiin xaafadaha Jaamacadaha ee degmada Hodan.

Ciidamada ayaa sidoo kale la tilmaamay iney ninkan la qabteen labo hawe en ah oo ninkan weerarka ka la shaqeeyay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Muqdisho oo la hadashay warbaahinta gudaha ayaa sheegeen in ninkan ciidamada ay ka soo qabteen Xaafada Haanta dheer ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ee Caasimad da Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada ka howlgala ciidamo cusub oo laga keenay dalka Uganda, kuwaas oo qeyb weyn ka qaatay xasilinta magaal ada caasimadda ah Muqdisho.

Howlgalka ATMIS oo billaabay qorsho lagu dhimaayo Ciidamada ka jooga Soomaaliya

Howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afr ika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in diy aar garowga dhimista 2000 oo askari marka la ga aro 30ka Juun 2023 uu marayo heer horudhac ah.

Tallaabadan ayaa waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tir sigiisu yahay 2628 iyo 2670 kaasoo faraya in ATM IS laga dhimo 2000 oo askari dhammaadka bisha June ee sanadkan, laguna wareejiyo am maanka goobihii lagu heshiiyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine, ayaa sheegay in guddi farsamo oo wadajir ah oo ay xubno ka yihiin daneeyayaasha ay ku jiraan Dowladda Federalka Sooma liya iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo ATMIS ay isla garteen kuna heshiiyeen, Xeryaha Furiimaha Hore ee ATMIS oo lagu wareejin doono Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ama gebi ahaanba la xiri doono.

Madaxa ATMIS oo booqasho rasmi ah ku tagay xarunta ATMIS ee qeybta 5-aad ee magaa lada Jowhar ayaa sheegay in iyadoo ATMIS ay dhimeyso tirada askarta ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya, ay ha dana Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya kordhin doonaan tiradooda si ay ula waree gaan goobaha ay ATMIS ku wareejineyso.

Ku-simaha Abaanduulaha Ciidamada ATMIS, Sareeye Guud Marius Ngendabanka, oo booqa shada shaqo ee magaalada Jowhar ku wehlinayay Madaxa ATMIS Danjire El-Amine, ayaa sheegay in awaamiirta hawlgalka la soo saaray, isla mar kaana Guddiga Farsamada ee isku dhafka ay u qorshaysatahay in ay kasoo baxaan hawshan ilaa waqtiga kama dambaysta ah ee 30ka Juun.

Ku-simahu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhi mista 2000 oo askari ee ATMIS aysan wax saa meyn ah ku yeelan doonin ammaanka xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo xarumaha waaweyn ee dadweynaha haddii ay ciidamada Soomaliya la wareegaan.

ATMIS waxay sii wadi doonta hawlgallada qor sheysan ee wadajirka ah iyo kuwa joogtada ah ee lagu wiiqayo awooda Al-Shabaab ee Muqdisho iyo gobolladuba, ATMIS waxay sugtaa amma anka xarumaha dadweynaha, marinnada muhiimka ah ee saadka, xarumaha muhiimka ah ee dowladda sida Baarlama anka, Madaxtooyada, dekedaha, garoom ada diyaaradaha, iyo garoomada hawlga llada ciidamada.

ATMIS waxa kale oo ay sugtaa amniga hawl-wadeenada Bani’aadamnimada marka ay ku hawl anyihiin in ay bulshada degaannada iyo tuulooyin ka gaarsiiyaan deeqaha cuntada iyo agabyada ka le ee hawlaha gargaarka degdeg ah.

Jarmalka ooTaangiyo iyo diyaarado u diraya Ukraine

Jarmalka ayaa ku dhawaaqay inuu siin doono Ukraine xirmo gargaar oo ku dhow $ 3 bilyan si loo xoojiyo difaaca dalka, taasoo calaamad u ah ballanqaadkii Berlin ee ugu weynaa ee gargaarka milatari tan iyo bilowgii dagaal ka.

Wasaaradda difaaca Jarm alka ayaa bayaan ay soo saa rtay ku sheegtay in xirmadan ay ka mid noqon karaan agabyo kala duwan oo milateri, oo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman, 30 taangi yada Leopard, diyaaradaha wax basaasa

iyo rasaas.

WARBIXIN 15 SANO KA DIB AMNIGA CAASIM ADDA



 MUQDISHO MAXAA ISKA BADALAY?

Ka hor 15 May, 2023 Amniga Magaalada Muq disho ayaa ahaa mid aad isugu qasan oo cabsi badan, kadib qalalaase siyaasad eed oo soo kala dhexgalay mada xeynaha Farmaajo iyo Reysalwa saare Rooble. Waxaana magaalada ka dhacayay falal aaney horey u aqoon sida ciyaal we ero iyo kala shaki xoogan oo soo kala dhex galay ilaalada madaxda ugu sarreysa dalka ee madaxweynaha iyo reysalwasaaraha.

Waxaa intaa dhee raa wada shaqeyn la’a anta laamaha amniga, qaraxyo, falal argagax leh iyo dilal qorsheysan. Waxaa amni xumo u xirmay qaar ka mid ah suuq yada iyo ilaha dhaqaalaha sida Dekedda Muqd isho. Ciidamada dowladda oo siyaasadda ku mil may ayaa dhexdooda iska horyimid, waxaana ka dhashay barakac iyo qalqal amni oo xoogan. Raj ada kaliya ee xilligaas u muuqatay Soomaalida ayaa ahayd doorashada.

Ka dib doorashadii 15 May 2022-ka Madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladdiisu la kowsatay imtaxaankii koowaad ee ahaa xal u helista Amniga Muqdisho, tiiyoo aan hal waji lah ayn ee ay ku lug lahaayeen darafyo kaladuwan oo aan shaqo isku lahayn isku sina aan loo wajihi karin.

Hddaba taas waxaa ka dhashay in madaxwey nuhu uu amniga siiyo muhii madda 1aad waxa u una markiiba abaab ulay ciidamadii u xil saarnaa amniga isla markaana waxaa tabobar waqti koo ban ah loo diray tiro badan oo ka mid ahayd isla ciidamadaas. Waxaana la geeyay dalka Uganda oo ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka So omaaliya Xassan Sheekh Maxa muud oo uu weh elinayo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa Maarso 19, 2023-ka tababbar u soo xiray cut ubyo ka mid noqonaya Ciidamada Amniga Muqd isho, kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidamada Qal abka Side.

10 bil kadib 15 May ayaa waxaa amaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyay ciidankaas lagu soo tabobaray dalka Uganda oo tabobar Boo lis iyo mid Milatariba qaba. Horraantii bishii Abriil ayaa si buuxda loogu wareejiyay amaanka maga alada Muqdisho. Ayaga oo wota gaadiid ka duwan midka ciidamada kale, waxaana la geeyay dham aan xaafadihii ay ka jirtay amni darrada Ciyaal we erada, dilalka qorsheysan iyo dhaca hantida dadweynaha.

Madaxweynaha oo booqasho ku tagay 7dii Ap ril, 2023-ka xerada Hiil-Weyne oo ay ku jireen cii dankani ayuu kula dardaarmay in ay la shaqeey aan Ciidamada kala duwan ee shaqo wadaagga ay yihiin sida Booliiska, Nabadsugidda & Militariga maadaama tababarkii la siiyay dhammaan qayba haas uu ka koobnaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Ciidankaan Amniga Caasimadda iyo sida uu muhii madda gaarka ah u siinayo shaqada cusub ee loo ikmaday.

Warbixintaayaa ku cad in waxbqab adka Cii danka lagu wareejiyay Amniga Caasimadda ayaa qaar ka mid ah bulshada Muqdisho weydiisay had dii amniga Muqd isho soo hagaagay iyo in kale, iyaga oo sheegay in Bishii ramadaan ay si nabad ah ku soomeen 15 sano kadib.

Isbedelka muuqda waxaa ugu weyn in horra antiiba la waayay hubkii waaweynaa ee magaala da lala dhexmari jiray taasoo ka damb eysay amarkii madaxweynaha iyo digreetadii golaha Wasiirrada ka soo baxday   .XIGASHO:-DAYNIILE.COM

 

Galmudug oo digniin culus kasoo saar tay qorshe la iskaga horkeenayo beelaha

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa digniin cu lus kasoo saaray qorshe uu sheegay in la iskaga horkeenayo beelaha, si ay u dagaalamaan male eshiyaadka hubeysan. Qorshahan ayuu maam ulka sheegay in looga dan leeyahay koradhka isku dhacyada beelaha iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, waxayna si gaar ah ugu digtay dad ay shee gtay inay ka shaqeyna yaan arrintaas, islamark aana ay ka waantooban.

La-taliyaha dhanka Amniga Madax weynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Jeneraal Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo arrintaas ka hadlay ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in xilliga an xoogga la saaro dagaalka beelaha, iyada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

"Waayahaan shaqaaqooyinka soo laabtay ee meelo badan laga soo sheegayo in aan iraahdo walaalayaal looma baahno dagaal aan ahayn midka argagixisada, Shalay dagaalka keliya furan waa midka khawaariijta balse midka beelaha waa maja-xaabin,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Qoor-Qoor.

Waxa uu intaas kusii daray "Dadkaan waa walaalo aan meelna ku kala tageen, dhulkaan waa mid aan qaadmeyn ee hala iska daayo riix-riixa.”

La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in marnaba uu maamulka Galmudug aqbali doonin isku dhacyada beelaha, islamark aana la xiri doono dadka ka dambeeya, "deegaanada dowlad-goboleedka Galmud ug waxaa ka dhici karo oo keliya dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.”

"In aad Dumarka kufsataan oo carru urta kala dishaan idinka qudhiina nafta is dhaafsataan wax dan ah idinkuma jiraan, waxa ay dantu idin kugu jirtaa walaaltin imada, ehelnimada iyo isa-soo jiidashada, meel weliba oo dagaal beeleed ka jira wa xaa ka faa’iideysanaya oo ku dhex dhuu manaya argagixisada,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo wada istaago sidii wax looga qaban lahaa qorshaha laga iskaga horkeenayo beelaha, si uusan u wiiqmin dagaalka Shab aab oo dardar xooggan ku socda, "wax ka qabashada dagaal beeleedyada ha loo istaago, si loo badbaadiyo dadka waxyee llada kusoo gaarta.”

Digniintan ayaa imaneysa xilli deegaa nno ka tirsan maamulka Galmudug ay marar kala duwan ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya maleeshiya ad Beeleed, halka dilal la xiriira aanooyin loo gey stay dad u badan haween iyo dhalinyaro.

Haweeney si arxan darro ah u dishay wiil uu dhalay Seygeeda oo lasoo qabtay

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaal iya, gaar ahaan kuwa booliska gobolka Banaadir oo howlgal ka sameeyay degmada Dharkenley ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney jirdil xoog an u geystay ilmo uu dhalay Seygeeda.

Ciidamada Booliska, qaybta Galbeed ay aa gacanta kusoo dhigay haweeneydan oo ku eed eysan in ay si arxan darro ah u di shay wiil ay eedo u aheyd oo uu dhalay ninkeeda.Booliska ayaa sheegay in dilka uu sababay jirdil iyo garaacis xoogan oo ay wiilka yar u geysatay haweeneyda oo haat an ku xiran saldhigga deg mada Dhar kenley. Sidoo kale waxa uu talisku in taasi kusii daray in ciidanka ammaanka ay soo bad baadiyeen gabar wiilka la dhalatay oo iyadana jirkeeda ay ku yaallaan dhaawacyo xoogan. "13/ 5/2023 Abaara 8:00 fiidnimo, Ciida nka Bol iiska Qeybta Galbeeed gaar ahaan Saldhiga Dhar keyn ley, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku ee deysan in ay si arxan daro ah u dishay wiil ay ee do u ah eyd halka gabadhii wiilka la dhalatay Boli isku ka badbaadiyay gabadhana ay dhaawac yo badan ku yalaan waxayna u aheyd eedo aabo qabo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo bax ay taliska booliska ee gobolka Banaadir.

Taliska qaybta booliska ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay in eedeysa naha la horgeyn doono maxkamad, si loo ga qaado tallaabo adag oo sharciga wa afaqsan.

Eedeysanaha ayaa booliisku gacanta ku hay aa, waxaana la waafajindoonaa Maxkamadda Aw ooda u leh si cadaalada loo mariyo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka taliska Booliska.

Dhinaca kale, booliska ayaa farriin u diray shac abka ku dhaqan caasimada, wu xuuna ka codsa day inay kala shaqeeyaan amniga, ayna usoo gud biyaan xogta ay hayaan.

"Muwaadin hadii aad aragto arimo lid ku ah Amniga caasimada waxaa naga soo waci kartaan numberka gaaban ee 991”. ayaa lagu soo gabaga beeyay qoraalka boo liska.

QM oo ka digtay halista fataahadaha ka dha shay roobabka gu’ga ee ka da’aya Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qar amada Midoobay u qaabilsan isku xidhka gargaarka bin i’aadanimo ayaa sheegtay in roobabkii gu’ga ee ka curtay Soomaaliya inay khasaare gaadhsiiyeen deegaano kala duwan, sida Beledweyne oo ka tir an maa mul goboleedka Hirshabelle iyo Baardhe ere oo ka tirsan Jubaland.

Fatahaadahan ayaa sababay inay xidhma an dugsiyadii iyo goobihii caafimaadka, isla markaa na ay meesha ka baxaan xoolo kala duwan oo dadku ay dhaqan jireen, iyada oo dhaawac weyni uu soo gaadhay waddooyin kala duwan. Warbix intan oo ay sii daayeen UNO CHA oo iskaashi la yeelatay dhinacya da kale ee ku hawl an hawlaha garga ar ka bini’aada nim o, ayaa lagu sheeg ay in dadka ay saamee ye en fatahaaduhu inay ku qiyaasayaan illaa 460,470 oo qof, taas oo 219,000 oo qof oo ka mid ahi ay guryahooda ka carareen, halka 22 qof ay ku dhin teen illaa 17 degmo oo dalka oo dhan ah, tan iyo badhtamihii bishii March ee sannadkan.

Haddii roobabka mahiigaanka ahi ay ka sii da’ aan Soomaaliya iyo buuralayda Ethi opia, dhinacy ada ku hawlan gargaarka bini ’aadanimo waxay ku qiyaaseen in fatahaa daha dooxyada iyo webiyadu inay saamayn karaan illaa 1.6 milyan oo qof, ayna ku barakici karaan in ka badan 600,000. Meel aha ugu badan ee ay fatahaadahani saam aynayaan ahaa ah, deegaanada ku teeds an webiyada Jub ba iyo Shabelle.Sidoo kale waxaa laga cabsi qa baa in fatahaadahani ay ka dhashaan cuduro kala duwani

. Dhinacyada ku hawlaha gargaarka bini’aadanimo ayaa sheegay inay diyaarin ayaan qorshe qaran oo isugu jira u diyaa rgarowga fatahaadaha iyo ka jawaabistiisa, iyaga oo kaalmo lacageed ga adhsiiyey illaa 111,000 oo qof oo ku kala nool gu ud ahaan dalka. Dhinacyada ku hawlan gargaa rka bini’aada nimo ayaa soo jeediyey baaq ay ku dalbanayaan kaalmo degdeg ah, si ay uga jawa

abi karaan xaaladda taagan.


"MADAXWEYNE ERDOGAN WUXUU MAR WAD DOOYINKA KU IIBIN JIRAY ROOTI"

XIGASHADA SAWIRKA,TCCB

Shalay waxaa loo dareerayaa doorashada guud ee dalka Turkiga, oo sanadkan aad isha loogu hayo, waana mid ka mid ah doorashooyinka ugu muhiimsan caalamka.

Haddaba aan milicsanno saameynta uu dalkan Muslimka ah ku leeyahay caalamka, iyo taariikhda madaxweynaha muddo dheer kaddib doonaya inuu xilka mar kale ku guuleysto.

Waxaa tobankii sano ee la soo dhaafay aad loo dareemay saameynta sii kordheysa ee dalka Turkiga uu ku yeelanayo caalamka.

Dalkan oo ku yaalla galbeedka qaaradaha Aasiya iyo qeyb ahaaan Yurub ayaa saameyntiisa milateri, midda dhaqaale iyo tan siyaasadeed aad loo dareemay sanadihii dambe.

Waxaa sidoo kale kobcay dhaqaalaha dalka Turkiga tobankii sano ee lasoo dhaafay sida ay sheegtay hey'adda lacagta adduunka ee IMF.

Dhanka saameynta milateri, Turkiga waxaa uu noqday dalka ugu awoodda badan dhanka milateriga ee dalalka bariga dhexe, waxaana muddooyinkii dambe uu hawlgallo milateri ka sameeyay dalalka Suuriya, Libya, dagaalka u dhaxeya Armenia iyo Azerbaijan, Qatar oo uu ka sameystay saldhig milateri iyo Soomaaliya oo uu ku leeyahay saldhigga milateri ee ugu weyn qaaradda Afrika.

Erdogan

XIGASHADA SAWIRKA,HURRIYAT ARCHIVE

Qoraalka sawirka, Erdogan, xilli hore

Haddaba waa kuma hoggaamiyahan 20 sano kadib doonaya inuu mar kale xilka qabto?

Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sanadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taariikhdiisa ay ku andacoonayaan in isagoo yar ay qoyskiisa usoo guureen Istanbul.

Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa sanadki, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hatib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Islaamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaamcadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaalaha sanadkii 1981.

Aabbihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya doom aha, waxaana wakaalad da wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madaxweyne Erdo gan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray waddooyinka xaafadda Kasim pasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxbarashada.

Dadka wali ku ganacsada wadadad Kasimp asa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan biibitooyinka ku yaalaa xaafadaas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xiran dharka kubadda cagta lagu ciyaaro.

"Aad ayaan ugu faanaa," ayay tiri Adnan Savas oo 47 sano jir, lana hadleysay wakaaladda wararka ee Reuters.

"Waxaad kasoo jeedi kartaa Kasimpasa, walina waxaad noqon kartaa ra'iisul wasaare ama madaxweyne, marka horumarka uu nolasha ka gaaray waxay dhiiragellin u tahay caruurta iyo in ay dedaali karaan".

Erdogan

XIGASHADA SAWIRKA,TCCB

Erdogan oo mashruuc xarigga ka jaraya

Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kulaksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda.

Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, wax aana hadda lagu tilmaama in uu yahay hogaamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiya dana ay ka jirto. Timothy Ash, oo ah khabiir arrimaha dhaqalaaha ayaa shegay in Turkiga uu yahay dal dhaqaale ahaan isku kalsoon.

"Turkiga dhaqaale ahaan waa uu isku kalsoon yahay oo kobac dhaqaale ayuu sameynayaa, gaar ahaan wax soo saraka gudaha oo aad u xoogan balse waxaa uu walaac ka taagan yahay dhanka awoodda iyo isku adkeynta," ayuu yiri Timothy Ash.

Yasar Ayhan, oo madaxweyne Erdogan timaha u jari jiray, aabahiisna ay saaxiibo ahaayeen Erdogan ayaa sheegay in 16 sano uu yaqiinay Rajab Erdo gan, waxbadanna uu ka badelay dhaqaalaha Tur kiga.

"Markii aan dalka Sacuudiga u aaday Xaj, sanadkii 1998, ma jirin cid qaadaneysay lacagta halka milyan ee Lira ee Turkiga oo waxaan isku dayay in aan sa rifto oo aan ku badesho lacagta Sacuudiga balse mar kii aan dalka sacuudiga dib ugu laabtay 2010-kii, boq olkii Lira waxaan ku badeshay 250 lacagta Sacuu diga, markaa ayaan ogaaday in hadda ay nolal ka jir to dalka Turkiga," ayuu yiri Ayhan.

Erdogan

XIGASHADA SAWIRKA,TRT HABER

Qoraalka sawirka,

Erdogan oo da'yar

Inkastoo dadka dhaliila ay ku tilmaamaan "kelligii taliyaha dunida dimuqraadiga ah", haddana waxaa Erdogan lagu tilmaamaa in uu waxbadan ka badelay muuqaalka dunida ka heysatay dalkiisa.

Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xabsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta maba ad'ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xillgaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dadweyne oo ah in uu dalka isbadel ka dhaco.

Waxaa uu marar badan soo noqday ra'iisul wasa are, haddana waxaa uu markii labaad yahay madaxw eynaha Turkiga, isagoona baddelay dastuurka dal kaas. Sidoo kale Erdogan waxaa uu horay usoo noqday duqa magaalada Istanbul.

Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa in uu yah ay ra'iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga kasoo baxay ku guuleystay dooras ho, sarena u qaada halka dalka Turkiga uu ka taag naa dunida.XIGASHO:-BBC


XUSKA MAALINTA DHALLINYARADA SOOMAAL IYEED EE


 15-KA MAY

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horuma rkiisa waa dhallinyarada oo aan looga maarmin dif aaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda ka dhigan ama keeni karta gaabis ama dib u dhac kale ooku yimaada dhanka ilbaxnimada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qar nigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana, waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaq yo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii.

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen kacdoonno siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro oo wax bartay,kuna mideysnaa Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka Umadda iyo baadigo obkaxornimo dhameystiran oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Gobolada Woqooyi,waxaa xilliya dasi ka jiray dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay horka cayeen Ururka SNL(Somali National Leag ue),kuwaas oo u howlgalay dadaallo lagu raad ina ayey midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Sooma aliyeed) SYL oo baddalay mag acii Naadiga Dhallinyarada, wuxuuna kulmi yay dadkii Soomaaliyeed ee doonaayey in la helo xor iyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu baaahiyoguud ahaa gobolada dalka iyo deegaan ada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida Ken ya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay ku guuley steen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qar amada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladn imo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii,Ururka SYL ,waxaa ay hogg aamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha mur uq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiili gaasi suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woq ooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaa liyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Waxaa dhab ah in dad badan oo ka mid ah qey baha Bulshada ay naftooda ku waayey taageeridda dhaqdhaqaaqyadii Ururka SYL iyo ka qeybgalkii kac doonkii xoriyad doonka ee Soomaaliya,halka dhinaca kale la tilmaamay in ay jireen dad yar oo diidanaa in laga hoos-baxo gumeysiga oo la qaato xoriyad, kuw aasina waxay ahaayeen qaar taabacsanaa maa mulkii gumeysiga ee soo maray Dalka.

Haddaba,15-ka May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan kaalinta ay ku leeyihiin geeddi socodka barnaamijyada horumarineed ee Dadka iyo Dalka, iyadoo sidoo kale ay waajib tahay inay ka qeybqaataan badbaadinta Umadda iyo raadinta qaran dhameystiran oo wax la qeybsada shucuubta caalamka.

Dhallinta ama jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan doorkii looga bartay Ururka Dhallinyarada SYL ,isla markaana ay la socdaan tabaha iyo xeelad kasta oo ay la iman karaan kuwa doonaya in dadku aysan ku tallaabsan barwaaqo iyo horumar.

Maadaama lagu jiro xilli adag ,cidda kaliya ee dalka gaarsin karta nabad iyo horumar waa dhallinyarada oo u baahan in la siiyo tallooyin wax ku biirin kara horumarka dalka,difaaca iyo soo celinta amniga.

Haddaba,xuska sanadguurada 80-aad ee ka soo wareegay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaal iyeed,aawadeed,waxaan halkaan ka direynaa dhambaal hambalyo ah oo ku socda Dhallinyarada meel kasta oo ay joogaan iyo xaalad kasta oo ay ku nool yihiin.

Ugu dambeyntii Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan u rajeyneynaa horumar iyo mustaqbal wana agsan oo ifiya noloshooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip