HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSW PEPAPR EE MAANTA OO AH SABTI 13-KA MAY 2023-KA

0
Saturday May 13, 2023 - 08:28:19 in Wararka by
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSW PEPAPR EE MAANTA OO AH SABTI 13-KA MAY 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqihii aqon siga ka guddoomay safiirka cusub ee Ingiriiska

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka gudd oomay Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska usoo magacaabatay Soomaaliya, danjire Michael Nithavrianakis.

Madaxweynaha iyo safiirkaasi, waxa ay qaabilaadda kadib isla soo qaadeen qodobbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka lab ada dal iyo sii wadidda iskaashiga labada dhinac ee horumara socda,gaar ahaan taageeridda dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta adeeg yada bulshada iyo xasilinta dalka.

Kulanka qaabilaadaasi oo ku dhacay jewi is-afgarad oo wanaagsan,waxaa ka qeybgalay mas’uuli yiin ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo safaa radda Ingiriiska.

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasi irada

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa Shalay oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yee shay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa gud doomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, wax aana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha.

Ugu horreyn golaha wasiir ada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliy adda Dalka oo ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliya dda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka &Maaraynta Shaqaala ha.

R/Wasaare Xamza oo ka hadlay qaraarkan ayaa tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hant ida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-ma asuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Sidoo kale shirka maantra ee golaha wasiirada ay aa waxaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka&Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad da iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaa laha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajiba adka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaarad da Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Waxaa sidoo kale isla Shalay shirka golaha lagu ansixiyey heshiis is-afgarad dhinacyada caafimaadka iyo shaqo abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo siyaasadda qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaa raha.dhammaan sharciyadaan ayaa waxaa toos loo gu sii gudbin doonaan Baarlam aanka Soomaaliya si uu ugu doodo, kadibna waxaa saxiixi doono madaxw eyn aha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo dhoweeyay Qaraar golaha wasiirradu meel mariyeen

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxam uud ayaa soo dhaweeyay qaraarka ay ansixiyeen gol aha wasiirrada, kaas oo ku saleysan adkeynta talla abooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maa liyadda iyo tayo-soorka shaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheikh a yaa sheegay qaraarkan inuu ka hortagayo musuqa loona taabo galiyo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.

"Qaraarka Golaha Wasiirra du waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hant ida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hir galinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tay o-soorka,” ayuu yiri Md.Xasan Sheikh. Madaxwey ne Xasan Sheikh wuxuu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay dhisto hanaan daah-furan, oo u adeega shacabka Soomaaliyeed.

Qaraarka dowladda kasoo baxay, ayaa kusoo bee gmay, iyadoo hay’adda Dowladda lagu eedeeynayo inuu musuqu aad uga dhex jira, islamarkaana aanay jirin wax isla xisaabtan ah oo ay dowladda kula daga alamayso dadka ku lugta musuqa.

Sanadkii hore ee 2022, dhaqaale badan oo caal amku ugu deeqay Soomaaliya ayaa la waayay meel ay mareen, sida lagu sheegay warbixin kasoo bax day hanti dhowrka guud ee dalka. Arrintaas oo dha awac ku noqotay barnaamijka dayn cafinta Sooma aliya.

Sanadkii hore dhaqaale badan oo caalamku ugu deeqay Soomaaliya ayaa la waayay meel ay mare en, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hanti dhowrka guud ee dalka. Arrintaas oo dhaawac ku ah barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Ammar dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka

Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa Magaala da Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ay aa guddo ominayey Shirka todobaadlaha ee Degmoo yinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, kaasi oo to dobaadkaan loogu hadlay dar-dar gelinta Barnaamij ka Dariseynta Caasimadda, sare u qaadida Dakhliga Dowladda Ho ose ee Xamar, Amniga iyo Bilic soo celinta Caasimadda. Shir ka an oo ay goobjoog ka ahaaye en G/Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud, ayaa ugu horeyn lagu amaanay isbadalka dhinaca Amniga ee ka jira Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in dar-dargelinta Barnaamijka Dariseynta Caasimadda oo wax weyn ka taraya Amniga iyo ka war-qabka Bulshada.

Sidoo kale sare u qaadida dakhliga Dowladda Hoo se ee Xamar si adeegyada aasaasiga ee bulshada wax loogu qabto. Iyadoo la dar-dar gelinaayo Barn aamijka (MARKALE IFI MAGAALADAADA) ee uu dhawaan daah-furay Duqa Magaalada iyo in sare loo qaado Howlaha Nadaafada iyo bilic soo celinta Caasimadda.

Ugu danbeynta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho, Md.Yuusuf Xuseen Jimca ale (Madaale) ayaa faray Guddoomiyeyaasha Deg mooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in la xo ojiyo wada-shaqeynta laamaha Amaanka,La-dagaal anka Maand ooriyaha iyo in la gar-gaaro bulshada kuwooda nugul

Wasiiro ka tirsan DF oo tegay Bakaaro xilli uu soo hagaagayo amniga Muqdisho

Waxaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Wasiiru-dowlaha amniga gudaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, xilli uu amniga caasimada soo hagaagayo bilihii ugu dambeeyay.

Maxamed Cali Xagaa iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa waxa u kuur-galeen xaaladda suuqa weyn ee Bakaaraha, ayaga u kuur-galay amniga suuqa, iyaga oo kormeer ku maray qeybaha suuqa, oo markii hore ay canshuur ka qaadi jireen kooxda Al-Shabaab, taasi oo inta badan meesha laga saaray xilligaan.

Wasiiraddan ayaa waxay kasoo dukaameysteen dukaamada kala duwan ee ganacsi ee ku yaalla suuqa Bakaaraha, iyaga oo intaas kadib usii gudbay dhanka isgoyska Balaksi, halkaasi oo ay kula kulmeen dhalinyaro waqti ku qaadanayay hoteel ku yaall halkaasi,

Bulshada caasimada ayaa dowladda iyo ciidamada qeybahooda kala duwan ku bogaadiyay isbeddelka amniga ee magaalada Muqdisho, kaasi oo horseeday in xubno wasiiro ah ay kormeer ku tagaan suuqa Bakaaro, oo markii hore ay adkeyd inay tagaan halkaasi.

Wasiiradan oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka qaranka ayaa usii jiheystay warshada weyn ee warshadaha ayaga oo socdaal ku tegay deegaanka Daaru-salaam iyo beerta deegaankaas oo boqolaal dad ah u dalxiis tageen.

Amniga caasimada ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagayay, ayada oo ciidan cusub lagu biiriyay kuwii hore ugu sugna, illaa saddex kun oo askari oo lagu soo tababaray waddanka Uganda ayaa la geeyay degmooyin ku yaalla daafaha magaalada, si ay banaanka uga ilaaliyaan caasimadda.

Dadweynuhu waxay sheegayaan in ciidanka cu sub ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waa jibkooda. Daafaha magaalada Muqdisho ayaa loo xil-saaray in aanay argagixisada kasoo tallaabin.

Sidoo kale ciidanka dharcadka ah ee hay’adda Na bad-sugida & Sirdoonka Qaranka ayaa aad loo kor dhiyay sida aan xogta ku helnay, kuwaasi oo toos u dhex galay shacabka, iyada oo masuul looga dhigay amniga qeybta loo bixiyay aagga koowaad ee caas imadda.

Booliska ayaa sidoo kale muujinaya fir-fircooni intii hore ka badan. Waxaa muuqata inay laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo am aanka caasimadda wax badan ka bedeshay.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud waxa uu kal hore sheegay inay xoog badan gali nayaan amaanka magaalada Muqdisho, isaga oo shacabka weydiistay inay dulqaad muujiyaan intay socda howl-gallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda.

Ergeyga Madaxweynaha ee arrimaha Soo galootiga iyo xuquuqda Caruurta oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Sweden

Ergeyga Gaarka ah ee Ma daxweeynaha u qaa bilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta Ambaash atoor Maryan Yaas iin Xaaji Yuusuf ayaa M/Stoc kho lm ee Caasimadda Dalka Sweden uga qeeyb ga shay shir looga hadlayey tagri ibka oo ay sooqaba nqaabi yeen Midowga Yurub.

Shirka ayaa waxaa lagu fal anqeeyey sida saame eynta isbedelka Cimiladu saa meyn ugu yeelatay qaa babka tahriibka ee meelo kala duwan ee addunka ah

Kasoo qeeybgalayasha Shirka ayaa hoosta ka xar iiqay sida aay muhiim u tahay in dib u eegis lagu sa meeyo siyaasadda Socdaalka iyadoo weliba lagu cabbirayo aragti fog.

”Waxaa sharaf ii ah inaan aragtida Soomaaliya ee ku aadan Hijrada ama Tahriibka kusoo bandhigo shir kaan oo looga hadlayo xiriirka ka dhexeeya Masiibo oyinka Cimilada & Xaalufka Deegaanka oo M/ Yurub soo qabanqaabiyey laguna qabtay Stockholm Swe den” ayeey tiri Maryan Yaasiin Xaaji .

Ambaashatoor Maryan Yaasiin ayaa shirka u gu dbisay sida loogu baahanyahay hab-doowladeed loo dhanyahay kaasoo lagu hormariyo qaab-dhismeedka Sharciyada Qaran ee Hijrada iyo weliba Siyaasadaha ilaalinaya xuquuqda Caruurta iyo Soogalootiga iya doo lala kaashanayo Heyadaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha Socdaalka.

Saciid DENI waxa uu DF u mucaaradsan yahay kadib markii uu waayay…

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda So omaaliya Cabdiqafar Xasan Xaange oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee DFS iyo maamulka Puntla nd ayaa sheegay in Saciid Deni uu ka carooday wa ayitaanka damaciisa dowladda dhexe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxwey naha Puntland u mucaaradsan yah ay dowladda federaalka ay tahay ka dib markii uu waayay jagaada ra’iisul wasaaraha, oo uu hadda ku fadhiyo Md. Xamza Cabdi Barre.

"Siciid Deni wixii ka dambeeyay doorashadii Afisy ooni wuxuu olole u galay kursiga ra’iisul wasaaraha. Hankaas iyo rabitaankaas waad la socotaan oo way hubgoobeen,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaarad da maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khilaafka siyaasa deed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntl and uu yahay mid uu gacantiisa u sameeyay Deni, kadib markii uu waayay wixii uu rabay, sida uu hadal ka u dhigay.

"Maalinta uu kursigaas waayay ayuu Siciid C/hi Deni dhexda u xirtay inuu khilaaf ka dhex abuuro ma amulka Puntland iyo dowladda dhexe oo ah in uusan la shaqayn,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay W/ Xaange.

Wasiir Xaange oo kamid ah xildhiba anada laga soo doortay Puntland ayaa waxa kale oo uu sheegay in Saciid Deni uu beesha caalamka iyo hay’addaha deyn cafinta Soomaaliya uu ka gaday in aysan dowl adda dhexe wada-shaqeyn la laheyn, taasi oo uu ku wiiqayo hanaanka deyn cafinta oo maraya meel wanaagsan, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in ma daxweynaha Puntland uu kaligii ku yahay khilaafka DFS islamarkaana ay reer Puntland aysan ku raacsa neyn, isaga oo tilmaamay in xiisad abuurka Deni uu ku saleysan yahay danihiisa gaarka ah uu ka dhex wayay. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli uu sii xo ogey stay xiisad siyaasadeed ee u dhaxeysa DFSiyo maamulka Puntland, iya da oo hadal kulul ay hawada isku mariyeen madaxda sare ee DFS & maamulka

Puntland.


Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo Ka qeybgalay shirweynaha caalamiga ah ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa mag aalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb galay shirweynaha caalamiga ah ee ” Daraas aadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.

Shirweynahan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Akade emiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax iyo aqoonyahano ka kala socda Dalalka Shiinaha iyo Afrika.

furitaanka shirka, waxaa khubad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Cawaale Kullane, isa goo shirka ku soo bandhigay xiriirka taariikhda guud ee shiinaha iyo Afrika intaba.

Danjiraha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb: Cawaale Kullane, ayaa ku dheeraaday taariikhda iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo shiinaha gaar ahaan arri maha xagga dhaqanka iyo xiriirka walaaltinimo ee la bada Dal ka dhaxeeyo.

” Xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo shiinaha wuxuu bilowday qarnigii 15-aad ee Admiral Zheng Ha, soo booqday magaalada Muqdisho, waxaana ma rkaas ka dib, aas-aasmay wada shaqeyn ku saleys an ganacsiga, siyaasad nabad ah iyo iskaashi u-dub-dhexaad ilaa iyo hadda u ah xiriirka labada Dal,” ay uu ku yiri safiirka khudbadda uu ka jeediyay shirka.

Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Kullane ayaa soo dhoweeyay howsha wanaagsan ee Machadka Shii naha-Afrika "China-Africa Institute”, ( CAI) iyo Akad eemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha ” Chine se Academy of History ( CAH), sida hufnaanta iyo wadajirka leh ay u maamuleen shirweynaha caalami ga ah ee ” Daraasaadka caalamka ah ee Qowmiya daha Shiinaha iyo Afrika.

DF iyo dalalka safka hore oo kulan xas aasi ah ka yeeshay wejiga 2aad ee dagaalka

DFS iyo dalalka safka hore ayaa kulan xasaasi ah Shalay ku yeeshay xarunta ciidanka howl-galka wa da-jirka ah ee dowladdaha safka hore oo ay kamid yi hiin Soomaaliya Ethiopia, Kenya iyo Djibouti

Kualanka ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha ciidan ka howl-galka wada-jirka ah ee dowladaha safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bar iise, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare, safiirka dowlada Kenya u fadhiya So omaaliya Amb. Thomas Chepkuto iyo saraakiil kati rsan ciidanka XDS iyo ciidanka Kenya.

Kulanan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo dar dar-gelin lahaa dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo wej igiisa labaad uu bilaabanayo dhawaan, kaasi oo dhin acyadan ay iskaashanayaan sidii loo wiiqi lahaa awo odda gudaha Soomaaliya ee kooxda.

Kulankan ayaa waxa uu daba socda kulamo dho wr ah oo muddooyinkii dambe ay magaalada Muqdi sho ku yeelanayeen Soomaaliya iyo dalalka safka ho re,kuwaasi oo qeyb ka ahaayeen saraakiil militari oo ka socotay dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.

Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla gorfeeye en sida uu noqon doono howl-galka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, oo garab siinaya kuwa xoogga dalka, sida ay mada xdu horay ugu heshiiyeen.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-gal ay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey ma daxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wa dajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howl gal "oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shaba ab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Sha baab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dal ka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamad an soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay "inay si wadajir ah u qorsheeya an uguna howl-galaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la-dagaalami doonaan koox da Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowla dda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee daga alkan kaashanayay dadka deeg aanka.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaab ilsan Abaaraha oo qeyb gal ay shir la xariira xal u helidda abaaraha

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qa abilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhi baan Cabdiraxmaan Cabdish akuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.

Shirkaan oo ay soo qab an qaabisay Xarunta La socodka Barakacayaasha Gudaha (IDMC) oo ah ha y’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva, ayaa lagu soo bandhigay in tirada dadka gudaha ku baro kacay (IDPs) ay gaartay 71.1 milyan adduunka dha mmaadki sanadkii hore, sababo la xiriira iska-hor-imaadyada iyo masiibo oyinka cimilada.

Ergeyga ayaa madasha ka jeediyay aragtida dawl adda Soomaaliya ee ku aaddan mushkilada iyo xal ka arrimaha barakaca, isagoo diiradda saaray sida ay lagama maarmaan u tahay in wax laga qabto asal ka mushkilada cunta yarida oo ah la’aanta maalge linta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, uguna horrayso maalgelinta beeraha iyo kaabaya asha dhaqaalaha.

Dalkeenna, barakacayaal gaaraya 3.6 milyan ay ay colaadaha, abaaraha, fatahaadaha iyo cunto ya ridu ku qasbeen in ay magaalooyinka buux dhaafiy aan, taas oo Soomaaliya ka dhigtay dalka ugu horree ya ee dadkiisu magaalooyinka iskugu soo ururayaan.

Ku dhowaad 46% dadka Soomaaliyeed waxay Shalay ku nool yihiin magaalo, waxaana hoos u sii dhacaysa noloshii miyaga ee xoolo dhaqashada iyo beer ashada.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulm ay wak iilo ka socday hay’adaha ka howl gala Soomaali ya

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ay aa kulan xasaasi ah la qaatay wakiillo ka socday Hay’adaha kala duw an ee Qaramada Midoobay ee ka ho wlgala Soomaal iya, si wax looga qabto fatahaada Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay magaalada Baladweyne iyo deegaanada hoos yimaada.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Baladweyne ay aa ujeedkiisu ahaa sidii la isaga kaashan lahaa gu rmadka loo fidinayo qoysaska barakacayaasha ah iyo kuwa dhibaateysan.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen wufuud ka kala socotay hay’adaha UN-OCHA, WFP, FOA, UNSOS, iyo UNSOM, ayaa madaxweynuhu wuxuu ergada uga warbixiyay xaaladda magaalada Beledweyne oo uu webiga Shabeelle qarka u jabsaday, taasoo keen tay fatahaad ballaaran.

Fatahaada ayaa sababtay in qoysas badan ay bar akiciyeen, halka Kuwo kalena ay weli ku go’doonsan meelaha daadadku ku fatahay waxayna aad ugu ba ahan yihiin daadgureyn degdeg ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa khudbadiisa u ga codsaday Hay’adaha Qaramada Midoobay in ay ka qeyb qaataan gurmadka, isla markaana ay la soo gaaraan gurmad muhiim ah.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in shacabka Baladw eyne ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah oo isugu jira cunto, biyo nadiif ah, iyo hoy.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka duulaya xaa ladda degdegga ah ee jirta ayaa ugu baaqay hay’ad aha Qaramada Midoobay in ay gargaar isku dubarid an, waqti ku habboon, oo wax ku ool ahna u fidiyaan shacabka reer Baladweyne.

xa uu sheegay in xaaladdu ay u baahan tahay gur mad bini’aadantinimo oo adag, taas oo wax ka tari do onta dhibaatada qoysaska dhibaatadu soo gaartay.

Kulanka ayaa ahaa loogu gogol xaarayay gurmad isku xiran, kaasoo gacan ka geysan doona sidii garg aar nafo lagu badbaadin ah loo gaarsiin lahaa bulsho oyinka ay dhibaatadu saameysey.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ballanqaad ay inay taageerayaan, iyadoo hay’ad walba ay soo bandhigtay qorshaheeda ku aaddan gurmadka.

Xasan Macalin: Qofna ku baxsan maayo inuu yahay sarkaale sare haddii uu…

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Md. Xasan Macalin ayaa shaaciyay in dagaalka musuq-maasuqa ka dhanka ah ee ay bilaabeyso DFS aan loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamark aana uusan masuul ku baxsan doon in xilka uu ka hayo dowladda.

Wasiir Xasan Ma calin ayaa si doo kale waxa uu she eg ay in mus uq-ma asuqa uu yahay caqabadda ugu weyn ee horseedi karta burbur ka ku yimaada horumarka dadka iyo dalka.

"Qofna laguma dulminayo in uu yahay sarkaal hoose, qofna kuma baxsanayo in uu yahay sarkaal sare marka howshu joogto musuq-ma asuq,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha gar soorka XFS Mudane Xasan Macalin

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu xusay in musuq-maasuqa ay u arkaan caqabad dhaqaale "oo wiiqi ka ra horumarka dadka iyo dalka,” sidaas darteed ay do wladda ka go’an tahay in la si dhab ah loola dagaal amo.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay DFS qor sheynayso inay qaado tallaabooyin waaweyn oo la gula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo Dorraad Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.

Qaraarkan ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo sal dhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dal ka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta shaqaalaha.

Sidoo kale waa mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasu qa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ay aa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horge eyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo cii damada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee M/Muqd isho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowl adeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dag aalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku ra adjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowlad da,kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaalada.


Alle ha u naxariistee fanaaniinta kala ah Saciid Khaliif Cali iyo Khadra Cumar Dhuule oo lagu aasay Shalay Magaalada Muqdisho

Allaha u naxaristee waxaa Habeen hore magaal ada Muqdisho ku geeriyootay Fannaanad Khadra Cu mar Dhuule oo uu dhalay Allaha u naxariistee fanna ankii weynaa ee Cumar Dhuule Cali. Fannanada ay aa la sheegay

in dhowaanah an ay ku xanuuns an eysay magaala da Muqdisho hal kaa oo ugu danbe yn ay ku geeriyoo tay. Allaha u naxariistee Khadra Cumar Dhuule oo is la Shalay lagu aasay qabuuraha iskool buluusiya ee ee Magaalda Muqdisho .

Dhanka kale Alle ha u naxariistee Fannaankii Qar ana Saciid Khaliif Cali oo dhawaan ku geeriyood ay dalka Germany ayaa isna isla Shalay lagu Aasay Ma gaalada Muqdisho. Aaska labada marxuum wax aa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan DFS ah ee Soo maaliya, abwaaniin, fannaaniin iyo qaybaha kala du wan ee bulshada. Maareeyaha golaha murtida iyo wacyi gelinta qaranka Abwaan Cismaan Cabdulle Gu ure oo ka tacsiiyay ayaa yiri, ”bashar waliba waa dhi man ballan weeye geeridu, qofna baaqan maayee all ow buddooda u nuuri, Allaha u naxariisto, anagana gadaashood ilaahay nama fidneeyo.”

Maareeye kuxigeenka golaha murtida iyo wacyi gelinta qaranka, abwaan Maki Xaaji Banaadir, oo aas ka kadib la hadlay warbaahinta ayaa isugan ka tacsi iyey geerida labada marxuum isagoo ugu duceeyay jannatul firdowsa.

Guudlaawe oo qaaday tallaabo la xiriirta xaaladda adag ee ka taagan Beledweyne

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabee lle Cali C/hi Xuseen Guudl aawe ayaa guddi gaar ah u magacaa bay fatahaadda Wab iga Shabeelle uu ka geystay magaal ada Beledweyne ee xaru nta gobolka Hiiraan.

Guddigan oo madaxweyne Guudlaawe u xilsaar ay gurmad deg deg ah in la gaarsiiyo qoysaska uu sa ameynta xooggan ku yeeshay Wabiga Shabeelle ee karkaarada ku jabsaday xaafadaha M/Balad weyne & sidii loo gacan qaban lahaa qoysaska barakacay.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musi ibooyinka Caasho Khaliif Maxamed, halka Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo ah wasiirka wasaaradda amniga gudaha maamulka looga dhigay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Xubnaha guddigan ayaa waxa uu madaxweyne Guudlaawe kusoo daray guddoomiyaha G/Sh/Dhexe Axmed Mayre Makaraan, maadaama gobolkaas uu maro Webiga Shabeelle, uuna dhowr jeer fatahaad ka sameeyay deegaano ka tirsan.

Guddigan oo u badan wasiiro ka tirsanXFS D/G/ HirShabeelle ayaa waxaa sidoo kale xubin ka ah G/G/Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, si gargaar loogu raa diyo xaaladda adag ee ka taagan M/Beledweyne ka dib markii ay guryahooda isaga barakaceen dadkii deganaa. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Arbac adii kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo uu ku fata hay Wabiga Shabeelle, iyada oo madaxweynaha iyo masuuliyiin uu horkacayay ay socod ku mareen buu ndada nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada.

Halkaasi oo barakac baahsan uu ka socday maalm ihii dame, iyada oo wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee M/B/Weyne ee G/Hiiraan. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha booqday deegaanka Ceelj aale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid ah dadkii deganaa magaalada oo ay saameeyeen fatahadaha.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in M,Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii u gu darneyd iyada oo Magaalada badankeed laga ba rakacay, dadka qaarna ay ku go’doo nsan yihiin Xaa fadaha

Wuxuu ugu baaqay dowladda federa alka, shacab ka Soomaaliyeed iyo hay’a daha samafalka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledwey ne oo ay saameeyeen musiibada fatahaadaha Wabi ga Shabeelle.

Axmed Karaash oo jawaab ka bixiyey hadalki Xamza ee DAGAALKA Laascaanood

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka jawaabay hadalkii ku saabs anaa xaalka Laascaanood ee habeen kahor uu yiri R/Wasaare Xamze ayaa hadalkaas ku shee gay in arrimaha ka taagan Laascaanood iyo Boora ma aysan u baahnayn colaad iyo dhibaato hor leh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xaliyo wada-hadal &wadajir bulsho, islamarka ana ay Somaliland ka sa aran tahay masuuliyad gaar ah xal u helidda dhibaat ada taagan.

Madaxweyne Karaash ayaa sheegay in R/wasaare Xam za ays an marnaba ka fileyn inuu garab ist aag u muujiyo shacabka G/ SSC.

"Xamza awalba garab istaag kama aysan filayn shacabka reer SSC ee loo xasuuqayo midnimada u mmada Soomaaliy eed, inuu hadalo noocaas ah oo ka fiirsasho la’aan ah warbaahinta usoo mariyo wax ba ka ma bedeli doonto mawqifkooda iyo halganka ay ku jiraan toona,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey "Isagana waxay dani ugu jirtaa inuu iskaga aamusnaado sidii looga bartay”.

Hadalka Xamza iyo mid maalmo kahor uu jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsanaa doo rasooyinka Puntland ayaa sare usii qaaday xiisadda ka dhax eysa dowladda federaalka iyo Puntland, aya da oo madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu aflag aado ugu jawaabay Xamza.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr 7aad ka hor u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed erg eyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland, taasi oo Puntland ay kasoo horjeesatay kuna tilmaamtay mid lagula saftay Somaliland.

Sidee ayuu ku yimid isbedalka amni ee Kaaraan?

Guddoo miye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo warbaahinta kula hadlay M/Muq disho ayaa faahfaahin ka bixiyay isbeddalka amni ee laga dareemayo degmada Kaaraan oo mar ka mid aheyd degmooyinkii ay ugu badna ayeen ciyaal-wee rada.

Yabooh oo ka qayb-galay kulan ka dhacay /Kaa raan ayaa sheegay in haatan uu aad u wanaagsan yahay amniga degmada, isla-mark aana laga qabtay sha qo ba dan.

Sidoo kale waxa uu tilmaam ayin isbedda lka amni ee de gmada Kaaraan uu ku yimid wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka ammaanka ee DFS.

"Ilaahbaa mahad-leh si fiican ayaa loo wada sha qeeyay Shalay Kaaraan, wax badan ayay ka bedda lan tahay sidiii hore, amaba waxaa dhihi karaa hadda kama jiraan ciyaal-weero”

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa u mahad-celiyay ciidma da ammaanka ee ka shaqeeyay inay amni ku naalo odaan reer Kaaraan.

"Waxaan uga mahad-celineynaa Ilaahey SWT, wa xaan uga mahad-celineynaa ciidamada ammaanka oo shaqo badan qabtay oo is kaashanaayo ciid ma da boolis milataaro iyo kuwa booliska iyo nabad sug idda iyo maamulka gobolka Banaadir,” ayuu hadalki isa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ku celiyay mar kale baaqiisa ku aadan wada shaqeynta shacabka iyo laamaha am niga, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dha cay gudaha caasimada. "Haddii aan la wada sha qeyn dhibkaa lagu jiraayaa, bulsho mideysan tuug ma ka dhex shaqeyn karo, khawaarijna kama dhex shaqeyn karto,” ayuu mar kale yiri Yabooh.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga dareemayaa deganaa sho amni, kadib markii qayb ahaan lagu wareejiyay am niga ciidamo boolis milataaro ah oo dhowaan lag soo tababaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda.

Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya oo billaabay Ma shruuc lagu adkaynayo amniga xuduudaha

D/Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ayaa daah-fur ay mashruuca xuduudaha oo looga gol leeyahay in la gu adkeeyo ammaanka xuduudka 3-da waddan, si loo xoojiyo nabadaynta iyo xasilloonida gobolka.

Daah-furka mashruucan oo ka dhacay magaalada Mandheera, ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, Rigathi Gachagua waxa uu carrabka ku adk eeyay sida ay Kenya uga go’an tahay hindisaha ma shruucaan.

Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS Dr Maxamed Axmed Doodishe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dadaallada wadajirka ah ee lagu sugayo amniga ee laga sameynayo xuduudaha &hareeraha webiyada

"Dadaalladani waxay xaqiijinayaan xasilloonida waxayna noo ogolaanayaan inaan sii wadno kobcinta xasilloonida dalalkeenna," ayuu yiri Doodishe.

Wakiilka Sare ee Ingiriiska Jane Marriott ayaa xaq iiisay sida ay uga go'an tahay Britain inay taag eerto Mashruuca Xuduudaha iyo barnaamijyada diir rada lagu saarayo nabadda iyo horumarka waarta ee go bolka.

Jane Marriott waxay iftiimisay taariikhda, aayaha, iyo caqabadaha ay wadaagaan bulshooyinka sadd exda waddan waxayna xustay in mashruucan uu gac an ka geysan doono ballaarinta dhinacyada wanaags an ee ay wadaagaan bulshooyinkan.

Dad ku dhintay fatahaado ka dhacay dhulka dowlad degaanka Soomaalida

Inta la xaqiijiyay 7 Ruux ayaa ku geeriyootay Sadd ex kalena waa ay ku dhaawacmeen halka ay ku barakaceen dad gaaraya ilaa 17,299 qof kadib fatahaad uu Wa biga Shabeelle ka geystay dega ano katirsan dhulka dowlad dega anka Sooma alida.

G/G/Shabeelle ee DFS Aadan Ax med Sooyaan oo Warbaahinta la hadlay ay aa sheegay in fataha adahani ay saameeye en dad gaaraya ilaa 37,632 qof, kuwaas oo hadda xaalad nolo xumo ay ku heysa to degaannadii ay u barakaceen.

Wuxuu sheegay in fatahaadaha ugu daran inay ka dhaceen degaannada Cadaa dle, Mustaxiil iyo Ii mey berry, sidoo kalena dadka dhaawacmayna uu Yaxaas dhibaato u geystay, kuwaas oo hadda xaala dooda caafimaad lala tacaalayo.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee DFS wuxuu hadalkiisa u intaasi kudaray in dhul bee reed dhan ilaa 67,226 Hektar ah ay baabi’iyeen fata haadahan, dalaggan ayaa ahaa mid la gooyay iyo mid geedka saaran, dhammaantoodna waxaa xaaq ay fatahaadan uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

Wabiga Shabeelle oo mara qaybo ka mid ah dow lad degaanka Soomaalida iyo Soomaaliya ayaa ke enay fatahaado waaweyn oo ay ku barakaceen dad aad u badan, iyadoo fatahaadahani ay sidoo kale sa ameeyeen guryo badan iyo dhul beereedyo ay dadku tabcadeen.

Xasan Shire Abgaal : Waxaan ka digayn aa cawaa qib xumada ka dhalata inuu ma daxweyne Deni dastuurka furo

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa uga digay ma dxweyne Deni inuu furo dastuur ka ama uu dib u dhigo doorasha da mad ax weynaha ee 2024.

Xasan Shire Abgaal oo Shalay shir jaraa’id ku qab tay /Garowe, ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu qaadi doono cawaaqib xumada ka dhalata haddii is ku dayo inuu qaado tallaabooyin mu gdi galin kara doorashada siddeeda Ja nuary, 2024.

Xasan Shire wuxuu sheegay siyaa siyiinta mucaa radku inaysan kasoo horjeedin doorashada dowlad aha hoose ee dhawaan Puntland ka qabsoomaysa, hase ahaatee wuxuu sheegay inay diidan yihiin in da stuur ka la furo ama muddo kororsi uu sam eysto Deni.

"Cid kaste oo wax garanaysa wax aan ka codsanaynaa inay Siciid Deni miiska wada hadalka keenaan, lag ana wada hadlo labada qodob ee la isku hayo, labad aas qodob oo ah, dastuurka iyo 8-january. Haddii lab adaas qodob laga wada hadlo, cid Council haysataa ma jirayso,” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

Ugu dabayn wasiirkii hore ee maaliy adda waxa uu sheegay inay Puntland u baahan tahay badba ado, isagoo sheegay in dhammaan hay’adihii caalam iga ahaa inay joojiyeen mashaariicda ay ka wadeen Puntland.


Howlgal lagu dilay dagaalamayaal ka tir san Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Gumeysidiid oo ku yaala duule edka degmada Aw dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 5 xubnood oo ka mid ah dagaalyanahada Al-shabaab, islamarkaana lagu dhaawacay tiro kale sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Tali yaha Guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka Gaa shaanle Sare Nuur Maxamed Gaaboow.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay heleen xogta koox ka mid ah Al-shabaab oo isku aru ursanaayay deeg aanka Gumeysidiid oo uu sheegay iney qor sheynayeen iney geystaan weeraro.

Wuxuu sidoo kale xusay in ciidamada ay sii wad ayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku bee gsanayaan kooxda al-shabaab ee ku sugan deegaan ada gobolka Shabeellaha Hoose.

Guutada 14-ka Oktoobar ee xoogga dalka Sooma aliyeed ayaa gobolka Shabeelaha Hoose inta badan ka fuliya howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolkaas.

Xog: Arrinta ka dambeysa weerarkii uu M/Weyne Saylici ku qaaday xukuumaddiisa

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdira xmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa Arbacadii wee rar culus ku qaaday xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay hagratay dadka reer Awdal.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa xilligaas waxa uu ku eedeeyay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi inay indhaha ka qarsatay xaqiiqada ka jirta gobolka, islamarkaa na uu tabashada la qabo dadka reer Awdal, xilli ay dadweynaha reer Boo rama ay rabshado horleh ka dhigeen magaalada.

"Aniga ayaa qirsan in reer Awdal ay wax ka maq an yihiin oo ay Somaliland hagratay anaa qirsan. Xis biga aan madaxweyne ku-xigeenka ka ahay ee Kul miye waa xisbiga horumarka ugu badan dalka galiya lakiin howshaa reer Awdal way ka qatan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxm aan Saylici.

Saylici ayaa waxa kale oo ka dhawaajiyay in ma gaalada colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood ay heli jirtay in ka badan miisaaniyadii loogu talo-gal ay mid ka badan oo ay garan waayeen, "inta badan Boorama waxaa lagu haleeyay hay ’addaha uun, maadama ay nabad tahay.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Isma aciil Saylici ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu khil aaf xooggan soo kala dhex-galay Madaxweyne Mu use Biixi Cabdi oo isagu la sheegay inuu isku soo koobay maamulka.

Saylici iyo Biixi oo khilaaf huursan uu ka dhaxe eyay ayaa waxa uu sii kululaaday kadib markii ay isku qabteen cidda buuxin eysa jagada wasiirka maa lgashiga oo ban aanatay kadib markii Aamina Cilmi Fariid ay kamid noqotaya Golaha Wakiiladda.

Muuse Biixi ayaa Dorraad buuxiyay ja gada wasiir ka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wa rshadaha Somaliland, taasi oo imaneysa maalin un ka dib hadalka kasoo yeeray madaxweyne ku-xigeen ka, oo isagu ku sugan magaalada Boorama.

Labada nin ayaa sidoo kale isku fahmi waayay ma areynta tabashada reer Awdal ee saami-qeybsiga, taasi oo taagnay illaa xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye, ayada oo waxba kasoo qaad uu ka dhi gay Muuse Biixi soo jeedino dhowr ah oo arrintaas uu ka sameeyay Cabdiraxmaan Saylici.

Saylici ayaa sanadihii dambe waxay isa-seegeen bulshada uu metelo, oo ayagu tabashooyin isbiirsa day ka qaba xukuumadda uu madaxweyne ku-xigeen ka ka yahay, waxaana loo arkayay mid aan saameyn ku laheyn xukuumadda iyo waxa ka socda, kahor inta uusan Arbacadii u xaal waramin reer Awdal.

Weerarka Saylici ayaa waxa uu si shaacsan ban aanka usoo saaray khilaafka mudada huursana ee kala dhaxeeya Muuse Biixi, kaasi oo meel sare ga aray, ayna xukuumadda uu hoggaamiyo Biixi isku da yayso inay hoos u dhigto, xilli ay xiisadda xoogan uga furan tahay gobolka Sool, uuna dagaal ka socdo magaalada Laascaanood. Si kastaba, Qirashada Saylici ee tabashada siyaasaddeed ee muddo soo jirtay ee qabaan reer Awdal iyo gobollada Galbeed ayaa waxay imaneysa xilli ay maa lmo kahor ay rab shado horleh ka dhaceen magaalada Boorama, taasi oo looga soo horjeeday dilka taliye ku-xigeenkii cii dam ada badda ee xeebta gobolka Awdal .Xigasho:-caasimadda.net

Madaxweynaha Somaliland oo isku shaa ndhayn ku sameeyay qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumadiisa

Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ay aa wasiir u magacaabay wasaraada maalgashiga, ba dhasaabkii gobolka Sool ayuu Gabil ay u badalay, So ol na guddoom iye cusub ayuu u magacaabaay, si doo kale badhasaabkii Gabilay ayuu xilkii ka qaaday.

Wasiirka Cusub ee maalgashiga ayaa loo magac aabay Cabdi Cismaan Dhaga-weyne,goddoomiya ha cusub ee gobolka Sool ayaa loo magacaabay Ca bdikariim Siciid Aw Cabdi, guddoomiyihii gobolka So ol Cabdikariin Aadan Xaaji ayaa isna loo badalay Gal ibay, waxaana xilkiisii waayay gud doomiyii hore ee Gabilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Hoos ka akhriso wareegtada madaxwey naha oo faah faahsan:-

Saraakiil ka goostay Ciidamada Somal iland oo ku biiray xoogaga SSC

Saraakiil hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland ayaa saaka lagu soo dhaweeyay magaalada Laasc aanood kadib markii ay ku biireen xoogaga SSC-Khaatumo. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ugu mudnaa dadka soo dhaweeyay saraakii sha, ayaa sheegay in uu ku faraxsa nyahay in saraakiishu gart aan dulmiga lagu hayo dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

"Aad baan ugu faraxsanahay saraakiisha halkan maraysa, ragaan ogahay oo shiraban, oo Shalay dulmiga lagu hayo dadkooda, dilka lagu hayo iyo colaada lagu hayo gartay" ayuu yidhi Garaad Ismaaciil.

Garaadka ayaa sheegay in saraakiishu ay ka yimaadeen deegaanka Sama-kaab, isaga oo sheegay in ay yihiin saraakiil lafdh abar ah, wuxuuna ugu baaqay in saraaki isha kale ee deegaanka ee wali ku jira ciidanka Somaliland inay kasoo baxaan.

Waxa uu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu ciidankiisa kala baxo Laascaanood inta anay colaadu faafin ee aanay dhibaatadu sii balaadhan sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay in iyaga iyo Somaliland kala dhamaadeen.

Dhamaan saraakiisha kale ee dhaqdhaqaaqa SSC iyo masuuliyiinta goob ta ku sugnaa ayaa iyaguna soo dhawe eyay saraakiisha goostay oo aan tiradooda la sheegin.Guddoomiyihii waxbarashada ee Som aliland u qaabilsanaa gobolka Sool ayaa isagana Dorraad lagu soo dhaweeyay Laas caanood isaga oo ku biiray xoogaga SSC.

AABIHII DHALAY WIILKA 3 SANO JIRKA AHAA EE XUBINTA TARANKA LAGA JARAY OO LA HADLAY BBC

Maxamed Cabdullaahi Xaydh oo wiilkiisa dul taagan

XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA WIILKA DHIBAAT ADU GAARTAY Booliska dowlad deegaanka Soom aalida ayaa xiray nin la sheegay in uu ku eedeysan yahay dhaawac loo geystay wiil yar oo carruur ah. Ninkan oo magaciisa iyo tilmaamihiisa gaarka ah la qariyay ayaa la qabtay kadib markii la weeraray wiil yar, kaas oo si xoog ah xubinta taranka lagaga jaray. Falkan ayaa ka dhacay degmada Danood ee gobo lka Doolo.

Aabbaha dhalay wiilka oo la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Xaydh wuxuu BBC u sheegay in ninka falka gaystay uu yimid guriga xilli ay isaga iyo xaas kiisaba maqnaayeen.

"Guriga oo cidlo ah, oo aan aniga iyo wiilka hoo yadii maqannahay ayuu qofkaas guriga yimid. Gabar yar oo 5 jir ah oo wiilka u qubaynaysay ayuu weydi iyey in aan joogo, markii ay u sheegtay in aan maqa nahayna middi afweyn ayuu cunugga oo loo qubay nayey kaga jaray xiniinyaha" ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Xaydh.

"Mar labaad ayuu middida ka geliyey kellida. Xiid mihii iyo calooshii ayaa isa soo shubay. Anigu suuqa ayaan ka soo maqlay qaylo ka baxaysa guriga iyo dumar barooranaya" ayuu sii raaciyey.

Booliiska UK oo shaaciyay xog ku saabsan wiil Soomaali ah oo toorrey lagu dilay

1 Maarso 2023

"Cabsida aan ka qabo ragga si weyn ayay ii saam eysay, aniga oo 24 jir ah waligeey wiil ima uusan shukaansanin"

21 Juunyo 2022 Sidee dareemi lahayd haddii carruu rtaada lagaa qaato?

Ninka weerarka gaystay oo iminka gacanta lagu hayo ayaa wiilka ka weeraray xiniinyaha iyo kellida. "Caloosha hadda waa lagu celiyey" sida uu sheegay aabaha wiilka Maxamed C/laahi Xaydh, wuxuuse sheegay in xaaladda wiilka oo saaka la soo gaarsi iyey magaalada Jigjiga ay hadda sii darsanayso.

"Habeen hore intii la so waday caafimaadkiisa wax baa iska beddelay sababo la xiriira safarka waddada, haddalka hadalkiisu wuu yara naaqusay, bidhaantiis una way yara noqotay" ayuu yiri Xaydh. Wiilka oo isbitaalka yaalla

XIGASHADA SAWIRKA,QOYS KA WIILKA DHIBAATADU GA ARTAY Qof la tuhmay oo laga soo xiray tuulada Laandheer ay aa lagu hayaa saldhiga booliska ee degmada Danood. Boolisku saldhiga Danood ee koonfur berri ka xiga waxay sheegeen in wareysiyo iyo baari taano hordhac ah oo la la yeeshay eedeysanaha in uu qirtay in uu geystay weerarka lagu waxyeeleeyay ilmaha yar. Qofka la tuhmay ee xiran ma leh qareen, ma na jiraan illo booliska ka madaxbanaan oo laga hubin karo xogta booliska.

Saraakiisha boolisku waxay sheegeen in weli ay wadaan baaritaan dheeraad ah, iyada oo kiiska iyo eedeysanahaba loo wareejinayo saldhiga booliska degmada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.

Aabaha wiilka

XIGASHADA SAWIRKA,QOYSKA WIILKA DHIBAATU GAARTAY

Saraakiil boolis iyo dad si dhow ula socda kiiska waxay BBC u sheegeen in qofka la xiray uu sheegay in uu wiilka yar u weeraray si uu uga aarguto dhaawac hore oo wiilka aabehii u geystay ninka hadda wax dhaawacay. Xogtu waxay intaa ku dartay in aabeha wiilka dhaawaca ah uu horey xaniinyaha uga laaday ninka weerarka geystay, taas oo ninku sheegay in ay saameysay tarankiisa. Booliska degmada ma leh awood iyo farsamo lagu hubiyo fayoobida maskaxda ee dadka falalka noocan ah loo xiro. Maxamed C/laahi Xaydh wuxuu dalabaday in ninkaas ciqaab sharciga waafaqsan la mariyo

.XIGASHO:BBC


WASIIR AADAN DUCAALE: "QAABKII XILKA LA IIGA QAADAY 22 DAQIIQO GUDAHOOD”

AADAN DUCAALE

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK/ ADEN DUALE

Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa buug cusub oo Shalay la soo band higay kaasoo uu ka qoray dhacdooyinkii ugu waawe ynaa ee ka soo maray siyaasadda, waxa uu uga warr amay qaabkii looga qaaday xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlama anka.

Kulan ay 22-kii June 2020 Nairobi ku yeesheen xildhibaannadii xisbigii talada hayay ee Jubilee oo uu shir guddoomina yay Uhuru Kenyatta, ayaa lagu go’ aamiyay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlama anka laga qaado Aadan Ducaale oo kamid ahaa saa xiibbada ugu dhaw ee William Ruto, madaxweynaha hadda xilka haya ee Kenya.

Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisii xilligaas William Ruto ayaa waxaa u dhexeeyay khilaaf salka ku hay ay heshiiskii uu March 2018 madaxweynaha la gaa ray Raila Odinga oo diiddanaa natiijada doorashadii dhacday 2017.

"Uhuru Kenyatta ayaa xildhibaannada Jubilee la hadlayay muddo 22 daqiiqo ah, kadibna waxaa la iga qaaday xilka hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaan ka oo aan ahaa mas’uulkii ugu horreeyay ee loo door to kaasoo aan ku shaqeynayay ku dhawaad 8 sano,” ayuu buuggiisa For the Record ku sheegay wasiir Aadan Ducaale.

Waxa uu si weyn u dhaliilay Madaxweynihii hore oo ku tilmaamay nin doonayay in uu ku diro saaxiibkii ay muddo dheer soo wada shaqeynayeen haatanna ah Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

"Muddo 45 daqiiqo ayuu Uhuru Kenyatta ila had layay oo uu rabay in uu igu qanciyo in aan ka haro William Ruto oo uu ku tilmaamay nin xun. Uhuru waxa uu xilalka xisbiga talada haya ee Aqalka Sare ka qaaday dhammaan siyaasiyiintii taabacsanaa Ru to,” ayuu Ducaale ku sheegay buugga. Waxa uu in taa raaciyay in uu ka diiday dalabkaas Madaxweyni hii hore, isagoo ku dooday in Ruto uu soo gacan qab tay isla markaana uu sabab u ahaa inuu noqdo hoga amiyaha aqlabiyadda ee baarlaman ka.

"Waxaan u sheegay in aan diyaar u ahay in aan xil ka ka tago halkii aan khiyaani lahaa saaxiibkay Ruto. Waxaa muhiim ah in aad garab istaagto saaxiibkaa marka uu u baahan yahay taageeradaada,” ayuu Du caale u sheegay telefishinka Citizen oo uu warramay.

Buugga uu qoray wasiir Aadan Barre Ducaale

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK/ ADEN DUALE

Qoraalka sawirka,

Buugga uu qoray wasiir Aadan Barre Ducaale

Markii uu ka codeeyay Ruto

Wasiir Aadan Ducaale ayaa buuggiisa ku sheegay in ay jirtay mar uu ka xarig furtay saaxiibkii William Ru to. Waxa ay ahayd 4-tii August 2010 oo ay shacabka Kenya u codeynayeen aftida dastuur cusub.

"Saaxiibkay William Ruto waxa uu xilligaa diidanaa in la meelmariyo dastuurka. Anigu waxa aan u arkayay mid u wa naagsan Soomaalida, Musl mi inta iyo xoolo dhaqatada dal ka, gaar ahaan dhinaca maa mul daadejinta. Waxa aan [Ruto] u sheegay in aan taageeri doono ansixinta dastuurka cusub ee uu dii ddanaa xilligaas, waana isku fahannay arrinkaa,” ay uu Ducaale u sheegay telefishinka Citizen.

Shacabka Kenya ayaa aftidaas ku ansixiyay das tuurka oo ah kan haatan uu ku dhaqmo dalka, waxa ana sidaa looga guulaystay garabkii uu ka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip