
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 9-KA MAY 2023-KA
RW Barre oo abaalmarino guddoonsi iyay muwaadiniin ka qayb qaatay xasil linta amniga Muqdisho
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Raysal Was aare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac iyo xubno ka mida Golihiisa Wasiirada ay aa Habeen hore munaaasabad kaga qaybgalay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Muna asabaddan ayaa ahayd mid kor loogu qaadayay kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidamada amniga, laguna dhiirigelinayay ciidamada iyo mu waadiniin kale oo gacan ka gaystay in laga hortag go, lana soo qabto xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo sida la sheegay weeraro qorsheynayay.
R/Wasaaraha ayaa abaalmarino guddoonsiiyay muwaadiniintaasi, oo uu ku ammaanay in ay ka qayb qaateen xasillinta amniga Muqdisho. R/Wa saaraha ayaa tilmaamay in amniga ka soo reyn aya ee caasimadda ay sabab u tahay wada shaq eynta shacabka iyo dowladda.
Raysal Wasaare Barre ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka iyo Dowladda Soom aaliyeed ay Shalay haystaan fursad taarii khi ah, oo ay dalko oda sida uu yiri ku xoreeyaan, haddii ay xukuum addu qaadday tallaabooyin sida uu sheegay isu soo dhaweynaya shacabka iyo laamaha amniga.
Dhanka kale RW. Barre ayaa ciidamada ugu deeqay 50 neef oo geela, oo ay jeebkooda ka iibi yeen Xubnaha Golaha Wasiirada.X FS DanQa ran ayay muhiima deeda 1aad tahay wax ka qab ashada xaaladda amni ee dalka.
Hanti-dhawraha Qaranka oo shir caalami ah uga qaybgalaya Ghana
Hanti-dhawraha guud ee Qaranka mudane Axm ed Ciise Guutaale ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka ururka hay’adaha hanti-dhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo Shalay ka furmay magaalada Accra ee dalka Ghana.
Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa lagu lafaguri doonaa qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin yagleelidda hannaan isla-xi saabtan oo sahlaya xaqiijinta filashada bah-wad aagta, qorshaynta sannadlaha iyo qiimaynta kha taraha iyo dabagalka talabixinta lagu soo saaro warbixinnada baarista ee hay’adaha hantidhawr ada Guud.
Shirka oo ay sanadkan mart igalinayso hay’adda hanti-dhaw rka guud ee Ghana ayaa wax aa qayb ka ah hanti-dhawray aasha guud ee 26 dal oo ku midoobay ururka han ti-dhawrada guud ee Afrika ee ku hadla luuqadda Ingiriisiga iyo hay’ado kale oo ka mid ah bahwad aagta horumarinta caalamiga.
Md. Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale kul an-doceedyo la yeelan doon qaar ka mid ah hanti-dhawrayaasha guud iyo hay’adaha horumarinta ee shirka goobjoogga ka ah.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war gelin u jeediyay shacabka reer Muqdisho
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa laamaha amniga iyo shacabka ku dhaqan Magaalada Muqd isho ku war geliyay in Talaadada berrito ay ciidam adu dabrid ka samayn doonaan Xerada General Gord an ee Degmada Hodan.
"Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliye ed, waxa uu hay’adaha amniga gudaha iyo sha cabka Magaalada Muqdisho ogeysiinayaa in berri oo taariikhdu tahay 09/05/2023, ay Ciidanka Xoo gga Dalka dabrid ka samayn doon aan Dugsiga Tababarka ee General Gordan.” Ay aa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Warka ayaa lagu sheegay in hay’adaha amma anka iyo shacabkuba ay ogaadaan dabridkaasi, isla-markaana aanay qalqal ku abuurin dhawaqa rasaasta kala duwan ee ay maqli doonaan.
"Haddaba, hay’adaha amniga gudaha iyo sha cabka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafad aha iyo degmooyinka u dhow Dugsiga Tababarka ee General Gordan, waxaan ogeysiinaynaa in du gsiga berri subax lagu fulin doono tababar, sidaas darteed aysan wax qalqal ah ku abuurin dhawa aqa rasaasta kala duwan ee ay maqli doonaan.” Ayaa lagu yiri warka.
Madaxweynaha Puntland oo u jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ololihiisa doorashada ka wada degaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa si dadban ugu jawaabay Mad axweynaha
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta diidan habka uu Deni u wado arrimaha doorashooyinka. Madaxweyne Saciid Deni wuxuu sheegay in hab ka doorashooyinka qofka iyo codka ah ee Puntl and ay noqoneyso xukuumaddii ugu horreysay ee billaawda, balse ay jiraan dad waxmagarato ah oo isku dayaya inay dadka marin habaabiyaan. Wux uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Madaxweynaha Puntland in marnaba aysan jirin cid hor-istaagi karta doorashooyinka qofka iyo codka ah, isla markaana go'aanka uu dambeeya uu kujiro gac anta dadweynaha.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la fashili yay weerar Alshabaab u maleega yeen beerta nabadda
Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda qaranka ee NISA ayaa la sheegay inay fashiliyeen shabak ad ka tirsanayd Alshabaab oo doonayay inay wee raraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda war faafinta ayaa lagu sheegay inay ciidamadu gacan ta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaab aha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Bee rta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qor shaha weerarka Beerta Nabadda.
Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay sida dowladdu sheegtay, shabakada loo diyaarin ayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxya da waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorsha hoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabad da. NISA waxay sheegtay inay la socotay dha qdhaaqa Alshabaab ee diyaarinta weerarkaan, ta as oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka uu fa shiliyo weerarka ay Alshabaab ay damacsanayen.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay waxa ka jira in qaar kamid ah xubnaha jirkiisa lagala baxay askari tababar loogu qaaday Uganda
Dowladda federalka Soomaaliya ayaa beenisay in qaar kamid ah xubnaha jirkiisa lagala baxay askari katirsanaa ciidan tababar loogu qaaday dalka Uganda oo halkaas ku geeriyooday.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Max amed Nuur, ayaa sheegay in qa lliin lagu sameeyay jirka askariga geeriyooday uu ahaa qalliin lagu baarayay sababa uu u geeri yooday.
Wasiirka waxa uu sheegay in askarigaan uu xa nuusansaday isagoo tababarka ku jira, kaddibna la dhigay isbitaal kuyaala Kampala, halkaas oo uu ku geeriyooday.
Wuxuu sheegay wasiirku iyadoo laga tixraacayo nidaamka caalamiga ah, in ay Dowladdu dalbatay in baaritaan lagu sameeyo maydka askariga ka hor inta dalka lagu celin oo la aasin, si loo ogaado waxa sababay geeridiisa.
"Qofka waxaa lagu qasban yahay in jirkiisa la jeexo si loo xaqiijiyo waxa geeridiisa sababay. Re port-kiisii iyo faysalkiisii oo ay ku jiraan asb aabta uu u geeriyooday iyo maydkiisa ayaa la diy aar iyay, kadibna dalka ayaa loosoo qaaday. Wa xaan u malaynayaa in qalliinkii si qaldan loo fasi ray oo koleyba faamilkiisa loo war xumo tashiili yay,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.”
Wasiirka wuxuu sheegay in dowladda Soomaa liya aysan marnaba ka suurtoobin in qof ay mas uul ka tahay ka suurto gasho waxaas. Wuxuu she egay in Soomaaliya ay horey ciidamo ugu dirtay Uganda iyo dalal kale islamarkaana aysan ka dhic in waxyaabahaas oo kale.
Tirada Dadka Ku Dhintay Weerarada Shabaab Ee 2021 Ilaa 2022 Oo La Soo Bandhigay
Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afri ka ayaa soo bandhigtay tirakoobka dadka ku dhin tay weerarada Shabaab ay ka geysteen Soomaal iya sanadihii 2021 iyo 2022.
Africa Center for Strategic Studies waxa ay sheegtay in sanadkii hore ee 2022 ay Shabaab weeraro ay geysteen ay ku naf waayeen 2,606 qof, walow ay ka badneyd tirada dadka kooxdaasi ay nolosha dhaafisay sanadkii kasii horeeyay ee 2021 oo eheyd 6,225 qof.
Africa Center for Strategic Studies waa waax cilmi-baaris oo ka tirsan Wasaaradda Gaasha andhiga Mareykanka, waxaana ay sameysaa tiro koob guud oo ku saabsan weerarada argagixi sadda.
Sanadkan 2023 ee loo dhaw yahay bartamihi isa aad bey u yar yihiin weerarada kooxda marka loo eego sanadihii hore, waxaana taasi ugu wacan culeyska koxoda la saaray, maadaama duulaan culus oo kooxdan lagu qaaday looga qabsaday dhul balaaran oo ku yaala Hirshabelle iyo Galmu dug.
Dhawaan waxaa bilaabanaya wjaiga labaad ee dagaalka Shabaab oo ay qeyb ka yihiin ciid amo ka socda dalalka safka hore, gulufkan cusub wuxuu ku jiheysan yahay deeganada Jubaland iyo Koofur Galbeed.XIGASHO:-JOWHAR.COM
Ololaha Doorashooyinka Qof Iyo Codka Ah Golayaasha Degmooyinka Puntland Oo Shalay Bilaabanayo
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ay aa sheegaya in Shalay uu deegaanada Puntland si rasmi ah uga bilaabanayo ololaha doorasho oyinka qof iyo codka ah ee golayaasha degmoo yinka Puntland, iya doo loolan adag uu dhex mari doono urur ada Kaah iyo Mide eye.
Ololahan waxaa Shalay laga daah furayaa ma gaalada Gaalkacyo, waxaana bandhig weyn Sha lay sameysanaya ururka Mideeye oo dibadda u soo saari doono awoodooda ku aadan doorasho oyinka oo aad isha loogu wada hayo.
Jen. Asad Cismaan Diyaano oo 2019-kii ahaa Musharaxii laga guuleystay ayaa ku sugan maga alada Gaalkacyo, isagoo dadka kula hadli doono fagaare oo uu soo bandhigi doono damaciisa la xiriira doorashooyinkan.
Urur Siyaasadeedka Kaah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Sicid Deni ayaa isaguna 9-ka bishan bilaabi doono ololihiisa doorashada, Deni oo khu dubad madashaasi ka jeedin doono ayaa lagu wa daa inuu ka hadlo weerarkii todobaadkii hore uu ku qaaday madaxweyne Xasan S. Maxamuud.
Sida khuburada ku xeel dheer arrimahan ay ku waramayaan, KAAH & MIDEEYE: ayaa markale loolan xoogan ku dhexmari doonaa Fagaaraha Gaalkacyo.
Xisaabiyaha guud ee dowladda oo xilka la wareegay
Munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda Maaliyadda ee DF ayuu xilka ugala wareegay xis aabiyaha guud ee dowladda mudane Cabdiraxm aan Maxamed Anas xisaabiyiihii guud ee hore mar wo Faadumo Cusmaan Faarax.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay wasiiro, mas’uuli yiin kala ka socda hay’adaha dowladda iyo bulshada.
Cabdirasaaq Maxamed Abuukar ku xigeenka xisaabiyaha guud oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta ayaa u mahad celiy ey xisaabihii hore shaqadii ay ka qabatay xafiiska, isaga soo dhoweeyey xisaabiyaha guud ee cusub.
Dr Raaxo Jinaqoow wasiiru dowlaha wasaarad da maaliyadda Soomaaliya, wasiir ku xigeenka wasaarassa qorsheynta Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe Cabdiraxm aan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyey xisaabiyaha cusub, iyaga bogaadiyey xisaabiyihii hore shaqadii ay u qabatay Qaranka muddadii ay xilka haysay.
Marwo Faadumo Cusmaan Faarax xisaabiyiihii guud ee hore oo xilka ku wareejisay xisaabiyaha cusub ee dowladda mudane Cabdiraxmaan Maxa med Anas ayaa sheegtay in wax badan u qabs oomeen xafiiska sida hagaajinta habka xisaabaad ka dowladda, horumarinta xiriirka hay’adaha iyo dib habaynta maaliyadda loona baahan yahay in xisaabiyaha cusub uu sii hormariyo, waxna ku kordhiyo.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas Xisa abiyaha guud ee cusub ee dowladda ayaa sheeg ay in uu xoogga saari doono xoojinta hufnaanta, xaqiijinta dib u habaynta maaliyadfa iyo la dag aalanka musuq maasuqa.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Dr.Cilmi Maxamuud Nuur oo xilka u kala wareeji yay xisaabiyiihii guud ee hore iyo kan cusub ayaa sheegay in xafiiskan muhiim u yahay dib u habeyn ta Maaliyadda, shaqo wanaagsan laga qabtay intii ay joogtay Marwo Faadumo Cusmaan, isaga kula dardaarmay xisaabiyaha guud Cabdiraxmaan Anab kor u qaadista hufnaanta shaqada.
Xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda oo ud ub dhexaad u hay’adaha maaliyadda, waxaa ay golaha wasiirada XFS u magacaabeen Cabdirax maan Maxamed Anas 27-kii bishii la soo dhaafay ee April, waxaana uu beddelay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax oo xilkani haysay tan bishii Oct ober 2017-kii oo Shalayna si rasmi ah ugu ware ejisay.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Macdanta iyo biy aha XFS oo ka qeybgalay shirka wasiirada biyaha ee dalalka carabta
Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Kheyraadka biyaha XFS ayaa dalka Ciraaq uga qeybgalaya Shirka caalamiga ee biyaha oo Baqdaad ka qabsoomay.
Shirkaan oo uu furay Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada biyaha dalalka carabta iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo biyaha.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray hor umarada laga sameeyay qorshayaashii kasoo bax ay shirkii hore gaar ahaan dhanka horumarada iyo caqabadaha ka heysta dalalka Carabta biyaha iyo isbadalka cimilada.
Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa inta uu shirka socday kulamo doceedyo la yeeshay wasii rka Kheyraadka biyaha Ciraaq Eng. Aoun Dhiab iyo sido kale Wasiirka biyaha Suuriya Eng. Dr. Ta maam Ra,ad isagoo sidoo kale la kulmay xoghaya guud ee wasaaradda biyaha Cumaan, oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogaha iyo khibrad wadaaga labada dhinac.
Halka ay mareyso deyn cafinta Somalia, xilli uu socdo qorshe ay diiday Puntland
Waxaa Shalay magaalada Muqdisho ka qabs oomay shir looga hadlayay arrimaha dhaqaalaha, kaasi oo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu la yeeshay Saf iirka Midowga Yurub Amb. Tiina Intelmann.
Kulanka Wasiirka Maaliyadda Soomaa liya iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa wax aa diiradda la gu saaray arrimaha dhaq aa laha iyo sidii dib u hab ayn loogu sameyn la haa maaliyadda dalka, xilli Soo maaliya lagu leeyahay dey mo badan.
Kulankaan oo qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka ee barnaamijka deyn cafinta Soomaali ya ayaa ahaa mid miro-dhal ah, sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda oo qoraal kooban kasoo saaray kulankaan.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu xilligaan yahay saaxiib muhiim ah oo ka alin wanaagsan ku leh dadaalada DFS ee ku aad an dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeya hay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dha waan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.
Haweeney ‘nin xanuunsan ku afduubatay’ ma gaalada Muqdisho oo lasoo qabtay
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shi rkii March ee Baydhabo isla qaatay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deynta asi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland.
"Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoonde eyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, is la markaasna aan culeys deymo saari doonin jiil alka Soomaaliyeed ee mustaqbalka,” ayaa xilliga as lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Baydhabo ee DF iyo dowlad-goboleedyada.
Si kastaba, Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayna ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.
Wasiir Xagaa oo kormeeray Xarunta cusub ee Golaha Wasiirada (SAWIRRO)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Max amed Cali Xagaa oo ay wehliyaan masuuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaa liyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa Shalay ko rmeer ku tegay Dhismaha cusub ee Golaha Wasii rada (Ex Xaruntii Xisbiga) ee Magaalada Muqd isho.
Xarunta Xisbiga oo ku taala Degmada Warta Na badda ayaa ka mid ah goo baha danta guud, iyadoona horaan laga saaray dadkii shacabka ahaa ee deganaa.
Xaruntan oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameey ay ayaa lagu wadaa in ay ku shaqeeyaan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka.
Wasiir Xagaa iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa soo indha-indheeyay qaybaha ay ka kooban tahay xaruntan.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa mar sii horreysay Dowladda Qatar kaga mahadceliyay mashruuca lagu dhisay xarunta cusub ee Golaha Wasiirada, isagoona sheegay in xukuumaddiisu ay ku shaqayn doonto.
Dhismahan ayaa ka kooban xafiiska & hoyga Raysal Wasaaraha, hoolka shirarka ee Golaha Wasiirada, guriga martida iyo Masjid.
Dhismahan ayaa dacalka ku haya Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho (Mogadishu Stadium).
Xildhibaan ka tirsan BF oo digniin ka soo saaray waxa ka socda Boorama
Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa digniin culus kasoo saaray rabshadaha Sha lay ka billowday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Xildhibaan Ayuub ayaa wuxuu uga digay madax weyn aha Somaliland Mu use Biixi in uu isku dayo inuu xoog iyo xabad ku muquniyo dadka reer Awd al iyo guud ahaan gobollada galbeedka.
"Ma dhici karto in 2023 la isugu arrimiyo xoog iyo qori caaradii. Taliska Muuse Biixi waa in uu og aadaa in aan laga oggolaan doonin dilka iyo cab udhinta dadkayaga,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub oo qoraal kasoo saaray waxa ka socda magaala da Boorama. Waxa uu intaas sii raaciyay "Bulsh ada waxaan leeyahay idinka ayaa yeelanaya guu sha, ee yaanay idin cabsi gelin maleeshiyaadka gabbalkoodu dhacay ee Muuse Biixi.”
Xildhibaanka oo saacadihii la soo dhaafay si dhow ula socday waxyaalaha ka dhacayey gobola da Galbeedka gaar ahaan Awdal, ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay ku timi kadib markii ay Somaliland si hufan u maareyn weyday kiiska sarkaal Khadar Xabeeb.
"Arrintan waxa ay timi markii si arxan daran loo toogtay sarkaal Khadar Xabeeb oo sida la shee gay madax ka ahaa ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland, gaar ahaan qaybta gobolada galbeed. Somaliland si hufan uma maarayn kiiskan, wax ana dadka deegaanka oo caraysan ay samee yeen muddaharaad. Dilka dadka haldoorka ah ee gobolada galbeedku waa mid soo noqnoqtay marar badan oo aan waxba laga qaban,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka gobol ada galbeedku muddo dheer lagu hayey cabudh in, dil, barakicin, wiiqid dhaqaale iyo hor-istaag la gu sameeyey horumarka deegaanka, isaga oo ku booriyay dadweynaha reer Awdal in aysan ka tana asulin xaqa ay kaga tashanayaan aayahaooda, sida uu hadalka u dhigay.
"Xilligan, dadku waxa ay yidhaahdeen maya ku ma sii jiri karno sidan. Waxa ay doonayaan isbed del iyo in ay iyagu ka tashadaan aayahooda, oo go’aamiyaan mustaqbalkooda.”
"Guud ahaan bulshaweynta gobolada galbeed ku waa in ay aanay ka tanaasulin xaqa ay kaga ta shanayaan aayahooda. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan hoggaamiyayaasha dhaqanka, oday aasha, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo guudi ahaan qaybaha bulshada iyo waxgaradka gobolada galbeedka in ay si deg deg ah u yee shaan wada tashi looga arrinsanayo arrimaha taa gan iyo tubta mustaqbalka.”
Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay DFS iy beesha caalamka in aanay indhaha ka qarsan tac addiyada ka dhacaya magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolada galbeedka, "Waajib masuuli yad akhlaaqeed ayaa ka saaran ilaalinta badqab ka dadka rayidka ah.”
DF oo shaacisay horjooge sare oo Al-Shabaab ‘ku sameysay shaqo joojin’
DFS ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay shaqo joojin ku sameeysay horjooge Macallin Ey man oo kooxda u qaabilsanaa weerarada ay ka ge ysato xudduuda iyo gudaha dalka Kenya. Horjoogahan ayaa waxa uu maamulayay ciidan ay u gu magaca dareen "Jeyshu Eym an, kuwaasi oo weeraro dha bo-gal ah ka geystay gudaha dalka Kenya, Macallin Eyman ayaa hoggaanka maleeshiyaad kaas loo xil saaray sanadkii 2009-kii, isaga oo ma amu layay tan iyo markaas.
Macallin Eyman ayaa waxay saaxiibo dhow yih iin Salmaan Muhaajir oo ajaaniibta Al-Shabaab madax u ahaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, ka dib markii dhawaan khilaaf soo kala dhex-galay madaxda sare ee kooxda lagu Jacfar Suudaani, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Horjoogahan ayaa waxaa la sheegay in looga shakiyay inuu rabay ku biiritaanka maleeshiyadda kooxda Daacish, maadama ay saaxiibo dhow aha ayeen Salmaan Muhaajir-kii dhawaan xilka laga qaaday.
Warbixinta ay baahisay dowladda ayaa intaas kusii dareysa in ciidanka loo yaqaano ”Jeyshu Eyman” loo dhiibay nin lagu magacaabo Cabdisa mad Nasta oo kasoo jeedo gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Cabdisamad ayaa waxa uu saaxiib dhowr la yahay horjooge Maxamed Aamiin oo la rumeysan inay qaraabo dhow yihiin Mahad Karatee, oo isa gu kamid ah madaxda sare ee kooxda Al-Shab aab.
Tallaabada ay qaaday Al-Shabaab ayaa waxaa lagu tilmaamay mid u horseedaysa kooxda inay soo dhamaato awooddii ay ku laheyd gudaha Ke nya, maadaama ay shaqo fariisin ku sameeysay nin si weyn u yaqaanay kooxdii uu hoggaaminay ay iyo dhulkii ay dhibaatooyinka ka geysanayeen.
Marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineys ay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajahe yso culeys dhaqaale oo baahsan.
Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Beledw eyne + Ujeedka
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabe lle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo Shalay soo gaa ray magaalada Beledweyne, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoon diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koob naa wasiiro iyo masuuliy iin kale ayaa waxaa ga roonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dho we eyay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, iyo ku-xigeennadiisa, maamulada degmooyinka Beledweyne, Maxaas, Farlibaax, Feerfeer iyo Ma tabaan.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa, saraakiisha hay’adaha amniga, saaraakiisha ciidamada Hiil-walaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahad-celiyay masuuliyiinta iyo bulshadii kusoo dhowee ysay magaalada Beledweyne, isaga oo ku bog adiyay guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi.
Guudlaawe ayaa sidoo kale waxa uu adkeeyay in la dardar-galin doono wejiga 2aad ee howl-ga lada, kaasi oo si hordhac ah uga billowday deegaa nada maamulkaasi, ayada oo lagu burburiyay goo bo ay ku dhuumaaleysanayeen Shabaab-ka.
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hir Shab elle ayaa magaalada Beledweyne u tegay dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Sha baab iyo khilaafkii dhawaan soo dhex-galay maam ulkiisa iyo kan gobolka. Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.
Si kastaba, Waxaa socda diyaar-garo wgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Sha baab ka dhanka ah, iyada oo qeyb ka noqon aya an ciidamo ka socda dalalka ciidamadu ka joog aan dalka, kuwaasi oo la howl-gali doona ciidama da dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee guula ha wax ku oolka ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka.
Jubbaland oo billaawday diyaar garow gawaji ga labaad ee howlgalka ka dhan ka ah Al-Shabaab
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xa aji Maxamuud (lugadheere) iyo wafdi uu hogaami nayay ayaa kormeeray Jiidaha hore ee ay howlga llada ka wadaan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee degaannada Janaa Cabdalle iyo Baar-Sanguunni.
Ujeedka Wafdiga ayaa wax aa lagu sheegay u kuur gel ida xaaladaha ay ku sugan yi hiin Ciidamada howlgallada kujira iho diyaar garowga wa jiga labaad ee howlg allada ka dhanka ah Al-Sha baab ee ka bilaaban aya degaannada Maamulka Jubbaland.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xa aji Maxamuud (lugadheere) ayaa uga mahad ce liyay Ciidamada sida ay ugu dhabar adeegeen ho wlgallada socda iyo sida ay isaga difaaceen ugan a xorreeyeen degaannada Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in muhiimadiisa koowaad ay yihiin Ciidamada iyo ka warqabkooda, isaga oo sheegaybin Ciidamada ay mar walba noqon doon aan kuwa guuleysta.
Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland ayaa ugu baaqay Saraakiisha Ciid amada dowladda qeybta 43aad iyo kuwa Jubbala nd inay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee howl gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka billaaba naya guud ahaan dalka. Degaannada dowlad Go boleedka Jubbaland ayaa waxaa ay kamid yihiin degaannada loogu di yaar garoobayo wajiga 2aad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Dowladda Fedaraalka oo dalka dib ugu soo celisay 93 muwaadin oo kasoo cararay dalka Suudaan
DFS ayaa Habeen hore markale dalka keentay 93 ruux oo ka mid muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaalada ka socda dalka Suu daan. Wasiirka Wasaaradda arrim aha Dibadda XFS Abshir Cu mar Jaamac Huruuse oo ay we hli naye en masuuliyiin kale oo ka mid ahaa Was iir adda Wasaaradda Gaadiidka, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dib edda, Xoghayaha Joogtada Wasaara dda Arrimaha Dibed da iyo Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa muwaadiniintan ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee ma gaalada Muqdisho.
Diyaarad qaas ah ayaa la sheegay in muwaad iniintan ay kasoo qaaday dalka Koonfurta Suuda an, taasoo Habeen hore si toos ah uga soo daji say magaalada Muqdisho ee Caasimadda Sooma aliya.
Dorraad Shalaytii ayay aheyd markii muwaadin iin la mid ah kuwaan ay dowladda dalka dib ugu soo celisay, kuwaas oo tiradoodu gaareysay 137 ruux oo 73 ka mid ah Muqdisho la keenay, halka 64-ta kalana la geeyay magaalada Garoowe, taa soo tirada guud ee muwaadiniinta Habeen hore iyo Dorraad Shalay dalka dib loogu soo celiyay ka dhigeysa 230 qof oo isugu jira haween, carruur iyo dhalinyaro ah, kuwaasi oo ka soo barakacay Col aada ka taagan dalka Suudaan.
Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Bale dweyne oo ka hadlay cabsida laga qabo inuu fataho Wabiga Shabeelle
Waxaa sii kordhaya cabsida iyo walalka ay ka qabaan shacabka reer Baledweyne inuu ku fataho Wabiga shabeelle ee dhexmara gudaha M/ Baled weyne ee xarunta G/Hiiraan oo ay ka bad qabeen afartii sano ee lasoo dha afay inuu fataho.
Cabsida iyo walalka dadka reer Baledweyne ayaa timid kadib markii si aad ah ay u kordheen qulqulka biyaha wabiga ee ka imaanaya dhanka dalka Itoobiya iyo roobabka gu’ga ee xilligan ka da’aya dalka Itoobiya oo lasoo warinaayo inuusan kala go' laheyn.
Heerka cabirka biyaha wabiga Shabeelle ee dhexmara Baledweyne ayaa gaaray halkii ugu sa reysay ee lagu yaqaanay biyabaxada iyo inuu kar kaarada jabsado wabiga, hayeeshee waxaa taasi looga badbaaday dadaalo biyo xireeno ah oo ay hi rgaliyeen guddiga ka hortaga fatahaadaha Baledw eyne sanadahii lasoo dhaafay.
Gudoomiyaha guddiga gurmadka Fatahaadaha magaalada Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow Haruur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in biyo xoog lihi ay xilligan ka imaanayaan dhanka dalka Itoobiya oo uu tilmaamay in tahay waxa ke enay cabsida ugu weyn.
"Biyaha waa biyo aad u badan, M/Baledweyne 3 sano illaa 4 sano dadku waa deganaayeen, biy ahaasi biyahaan oo kale ma dhameen. Biyahaan hadda la sheegayo ee xagga Ito obiya ka soo soc do ama na soo gaaray, waa biyo aad u farabadan, illaa Ramad nkii biyo aad u farabadan ayaa ma gaalada yimid, wayna gudbeen, magaaladuna ma barakacin" ayuu yiri gudoomiyaha guddiga gurm adka fatahaadaha Baledweyne Xaajis Dhagaxow.
Wuxuu sidoo kale xusay gudoomiyaha in cab sida ugu weyn ee dadku qabaan ay tahay in wabi ga uu ka fataho dhanka biyo xireennada Hoodley, Bilisdiid iyo Raadeerka guddigana ay u diyaarsan yihiin meel walba oo culeyska biyaha laga soo sheego iney wax ka qabtaan.
"Cabsida keliya ee dadku muujinayo waxaa we eye, waa dhinacaan Hilakelyo ka sokeeyo ee Hoo dley, laabka Bilisdiid iyo meesha Raadeerka hoost iisa. Biyo badan oo xad dhaaf ah ayaa ku xiran oo maraya, waxaana dhici karta si kedis ah xoogaa yar inay hal meel ka soo go’aan biyuhu. Dadku ca bsidaas ayay qabaan maahee, dhinacyada kale cabsi weyn kama qabno" ayuu yiri gudoomiye Xa aji Cismaan Dhagaxoow.
Gabagabadii guddoomiyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay iney jirto rajo ah 64 biyo xireen oo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada iney hoos u dhigi karto cabsida laga qabo inuu wabiga ku fataho Beledweyne.
BIIXI OO SHAACIYAY ARRIN AY PUNTLAND KA DAMA CSAN TAHAY DAGAALKA LAASCAANOOD
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Shalay khudbad sanadeed u jeediyay labada gole ee baarlamaanka maamulka asi ayaa mar kale ka hadlay colaaladda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Muuse Bixii ayaa mar kale ku celiyay eedeyntii ay horay ugu jeediyeen Puntland, wuxuuna tilmaa may in dagaalkaas ay ka dambeyso, sida uu hadalka u dhihay.Madaxweyna ha Somaliland ayaa sidoo kale tilm aamay in Saciid Deni oo ku socdo magac beeleed uu qayb ka yahay dagaalkaas, kuna doonayo inuu ku sameeyo xuduud beeleed, balse aysan suuragale yn."Dagaalka waxa abu uray maamulka Puntland oo aan ka gambanin in uu dagaalka soo qaado to dobbaadkii hore isaga oo waliba hab qabiil u dhaa danaya, waxa uu sheegay in ciidankiisu ka dagaal amayo kana dagaalami doono Laascaanood” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.
Waxa kale uu intaasi ku sii daray in ujeedka Puntland uu yahay inay qaybsato qayb kamid ah dhulka Somaliland, balse ay ku fashilantay.
Sidoo kale wuxuu isla xiriiriyay colaadda Laas caanood iyo khilaafka Puntland kala dhexeeya DFS. Haweeney ‘nin xanuunsan ku afduuba tay’ M/Muqdisho oo lasoo qabtay
"Waxa ay Puntland ku taameysay inay hesho qayb kamid ah Somaliland oo ay uga cad goosato Villa Soomaaliya” ayuu sii raaciyay.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu ka xunyahay colaadda weli ka taagan gudaha ma gaalada Laascaanood, isaga oo mar kale farriin u diray odayaasha dhaqanka ee SSC.
"Waxa ka socda hadda Laascaanood, aad iyo aad ayaanu uga xunahay, wax la eegan karona maaha, waxaanu leenahay dadka reer Laascaano od nabad wax dhaama magaranayo, waxay dadk aasi qoxooti u ahaadana garan maayo,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Somaliland.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mar kale ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ay Habeen hore ku dagaalameen bariga magaala da Laascaanood, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan magaaladaasi.
Maamulka Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhi gay Xubin katirsan Al-Shabaab
Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka K/ Galbeed ayaa Gacanta kusoo dhigey Xubin ka katirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen innuu doonayey in uu si dhuumaalaysi ah kaga safro Garoonka Diyaarada ha Ee Baydhabo si uu falal amni daro ah uga soo fuliyo Magaalada Gaalkacyo.
Xubintan katirs an Al-Shabaab oo magaciisa lagu she egay Ibraa him Cabdullaahi Jaam ac oo gu daha Al-Shab aab looga ya qaan ay Fahad ay aa she egay in Aabi hiis uu ku tashkiiliyay ku biirista Al-Shabaab, isaga oo ku sugan Magaalada Gaalka cyo, isla marka ana uu tababar kusoo qaatay deg mada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Wuxuu sheegay in markii laga qabanayay Ga roonka diyaaradaha Baydhabo madaxdanka sar reysa ay ku amreen in uu tago Magaalada Gaal kacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro ka geysto. Saraakiisha Ciidanka Hay’adda NISA ee Koonf ur Galbeed ayaa sheegay in Ninkaan ay xogtiisa hayeen mudana ay ku raadjoogeen, isla markaa na hataan ay ku wareejin doonaan laamaha amn iga Soomaaliya.
Bannaanbaxyada oo sii Xoogaystay iyo Calan ka Buluugga oo ka Babanaya Boorama
Bannaanbaxyada Shalay ka billawday M/ Boo rama ayaa sii xoogaystay, iya doo qaybo badan oo muhiim ah ay dad caraysani la wareegeen, waxa ana la arka yaa dadwey ne farabadan oo xiray Wa dd ooyinka waa weyn M. Xaruun tii Gobolka iyo Go obo kale ayay dadweyna ha Caraysani la waree geen, waxaana maga al ada lagu arkayaa Boqol aal sha cab ah, kuwaasi oo gubaya Ta ayeero sid oo kalena ku qaylin aya Erayo ka dhan ah Maamulka Gobolka.
Dadka shacbka ah ayaa maamulka waxaa ay ka qabaan tabashooyin waa weyn,kuwaasi oo dha waanahaan soo jiitamayay, waxaana arrintu ay cir ka isku sii shareertay kadib markii Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka uu Lawyacado ku dilay Nin Taliye ahaa oo lagu magacaabi jiray Khadar Maxamed Caynaanshe.
Calanka Buluugga oo mamnuuc ka ah degaan ada Somaliland ayaa Shalay la suray waddooyin ka waa weyn, taasi oo muujinaysa awoodda Bann aanbaxa, waxaana Xaaladda Boorama lagu sifayn karaa kacdoonkii Laascaanood oo kale.
Ciidamada ayaa Rasaas oodda kaga qaaday dad dibadbaxaya,w axaana la sheegay inuu jiro khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.
TACSITIIRAANYO LEH
Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Direysa Ehelka Iyo Axsaabta Uu Ka Geeriyooday Qoraa Sare Ciise Faarax Maxamed,Maalinta Axad7-da MAY 2023-KA
Maamulka iyo howladeennada Wargeyska Moga dishu Times Daily NewsPaper iyo guud ahaan Bahda Saxaafadda Soomaal iyeed ee ku kala sugan dalka iyo dibadda oo kala ah :-Xab iibo Axmed Jimca ale,{Biibto} Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr.Jimmy}, Yuusuf Cismaan ciil Axmed {Carrabeey},Muuse Maxamed Cismaan {M.Kimiko},Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe} Maxamed Cali Maxamuud {Madka} Prof..Yexye Sheekh Caamir, Maxamed Shiil Xasan{Shiil} C/laahi Maxamed Cumar{ Mucjis,} Xasan Cali Geeseey C/fitaax Maxamed Salaad {Diyeeshe}, Al-Fnnaan Bashiir Cali Xuseen, C/hi Maxamd Salaad {Dallle} Madiino nAxmed Jimcaale, Faarax Cumar Nuur,Xil. Maxamed Ibraahin Nuur {Maca llimuu} Maxa med Ibraahin Isaaq {Bakistaan} Cali Max amed Cismaan C.Ameeriko} Aadan C/laahi Maxamed {Aadaamo} ,C/haai Xas an Axmed {She ekhaaloow},Nuurto Cali Cumar, Farxiyo Cali Qa ajo, Falas tiin Axmed Xaaji{PLO}Xaashi Cabduule Abiikar, Cumar Diini Geeddi, Cali Dini Geeddi, Cali Maxamed Maxamuud {C.Jaombe, Cilmi Nuurre Wehliye,C/laahi Maxamed Xasan {Black} Amiin Yuusuf Qasaaro, C/ raxmaan MaxamedXasan {Dhgagaweyne},Aaamino Muuse wehliye, Cabdi Aadan Guuleed, C/raxm aan Cumar Madoobe {Dalmar}Cismaaciil Cumar Madoobe {Aaqil ya re},Axmed Maxamuud dhicisoow} {Yaa nyo} Cismaan Niino, Maxamuud Maxamed Aadan {Ku urdo}Aamiin Caamir Maxam uud, {Ami ina rts}, C/kariin Axmed Absuge,Caasho Ibraahin Cali {C.Cuud, Qamar salaad Cumar, Xaawo kiin Max amed Cali, Leylo Cadceed Cismaan, C/raxmaan Cali Xasan, C/Risaaq Axmed Absege {Waay eel}, Qaasin Neero,Xasan Maxamuud Axmed {X.Fan ax} Xamdi Maxamed Kdiye, Malyuun Sh. Xey dar ,Maryan Cali Dhibleewe, Ing. C/raxmaan Maxmu ud Cilmi, C/qaadir Maxmuud Juun,Shariif Macllin Maxamed {Shikshigow}, Cimaan Xuseen Axmed {Waryeel, Nuur Maxamed Cali {Nuurqamadi}, Ma callin Xasan, C/qaadir Cabdulle {Banga} Cabdi ja maal xaaji Maki, Mukhtaqar Nuur {Lovy} C/qaadir Cabdulle Nuur {Qalbi dahab} Naasir Cali Cumar, iyo asaxaab badan oo kale ayaa waxaay ka tacs iyadeyne ysaa Geeridii ku timid qoraa sare ruug cadaa saxaafadeed Marxuum Ciise Faarax Max amed waxayn a alle ugu baryayaan inuu naxriistii janno ugu bishaareeyo marxuumka samir iyo iimaan sada ahna ka siiyo qoyska iyo qaraabadii uu ka baxay ma dhinte waa Aamiin aamiin. INNAALILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN
HOOYOOYIN SUMEEYA CARUURTOODA SI AY UGA BADBAADAAN MACLUUSHA SOOMAALIYA
Hal milyan oo qof oo Soomaaliyeed ayaa waxay la dagaallamayaan wax kasta oo suurtagal ah si ay uga gudbaan macluusha sii kordhaysa. Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa taga xerooyinka barakaca ah ee camiran iyo meelaha sharci darada ah ee ku yaala caasimadda Muqd isho.
Dadkaas waxaa ka mid ah Tabeellaha Sheekh Ibr aahim oo ku yaalla duleed ka magaalada Muqdisho, halkaasoo ay u soo qax een 600 oo qoys oo isku dayay inay ka baxsadaan abaaraha iyo dagaallada sokeeye ee Koonfurta iyo Bartamaha ee dalka.
Qaar ka mid ah dadkan ayaa si bareer ah xanuun ugu rida carruurtooda si ay u geeyaan xarumaha caafimaadka ee dowladda ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay suuragal tahay in ay ka helaan cunto bilaash ah.
"Carruurteyda waan sumeeyaa si ay u noolaa daan," Maceey Shute oo ah hawe eney barakac ah ayaa sheegtay sidaas. "Waxaan leeyahay lix carruur ah, waana sida kaliya ee aan cunto ku heli karo.
Haweenaydan ayaa carruurteeda bukoota geysa cisbitaalka gobolka Banaa dir, iyadoo rajeynaysa inay hesho buskud iyo boorash nafaqo leh, ka dibna inta soo hartay way kaydsataa si ay ugu quudiso qoyskeeda ama u iibiso.
Habka kale ee ay dadkani u nool yihiin ayaa ah in ay carruurtooda yaryar ku tuugsadaan. Aamino Iikar Hilowle waa hooyo haysata siddeed carruur ah oo ka soo qaxday beer ay ku lahayd tuulada Buulo-mareer, ee gobolka Shabeellaha Hoose (Koonfurta dalka). Markii ugu horeysay ee ay timid Muqdisho, waxa ay lacag ka heli jirtay nadiifinta guryaha iyo dhar dhaq ida ah, balse waxay ogaatay in tuugsiga uu ka faa ’iido badan yahay shaqadeeda.
Waxay ku wareegtaa waddooyinka Muqdisho iy adoo ilmo 18 bilood jir ah dhabarka ku saaran yahay, iyadoo lacag ka tuugsanaysa xarumaha ganacsiga, hoteellada, maqaayadaha iyo bangiyada.
"Marka aan ilmahan dhabarka ku dawarsanayo, dadku way ii naxaan. "Marka aan qaato, waxaan ku helaa qiyaastii $12 maalintii celcelis ahaan."ayay tidhi Maceey Shute.
Kiraynta carruurta.
Waa dhaqan caadi ka ah Tabeellaha Sheekh Ibra ahim. Shumey Abuukar oo isaga iyo afar caruur ah oo uu dhalay ka yimid degmada Qoryooley (Shabeel aha Hoose) ayaa labo ka mid ah carruurtiisa ka kir eeyay haween iska dhigaysay hooyooyinkood. Wax ay sharraxday in iyada iyo ninkeeda midkoodna uu san shaqo haysan. Oo iyadu ma raadsan karto sha qo sababtoo ah waxaa ku dhacay dhiigbax aad u dar an markii ay umushay, mararka qaarkoodna aad bay u daciif tahay.
Abuukar waxa uu sheegay in maalintii uu caruurti isa ku kireeyo lacag dhan 5 Dollar, isla markaana aa nu aad uga werwerin ammaankooda, sababtoo ah waxa uu garanayaa oo uu ku kalsoon yahay gaba dha kaxaysa. "Mararka qaar waxaan dareemaa da mbi. Laakiin ma haysto wax doorasho ah sababtoo ah waa inaan quudiyaa iyaga, mana haysto wax sha haadooyin ah oo iga caawiya inaan shaqo helo," ay uu yidhi.
Qaabka kale ee qoysaska quusta ahi ay ku hel aan lacag ay cunto ku iibsadaan waa in ay gabdhaho oda da'da yar u guuriyaan rag waaweyn. Gabadha Shute oo 15 jir ah, Maryan, ayaa lagu qasbay inay gu ursato ninka maamula xerada wax yar ka dib markii qoyskeeda oo ka kooban 11 ay u guureen halkaas. "Aabahay waxa uu ii sheegay in aan guursado oda ygan, "Wuxuu ii sheegay inay nolosha u wanaajin do onto qoyskayaga sababtoo ah waxaan ku joogi karnaa xerada bilaash, oo aan heli karno gargaar dheeraad ah." Maryan ayaa sheegtay in markii hore ay diiday in ay guursato, balse ugu dambeyntii ay is dhiibtay sababtoo ah waxay aad uga walaacsaneyd xaaladda dhaqaale xumo ee qoyskeeda. "Waxaan isqabay muddo laba bilood ah, laakiin nolosheennu wax yar ayay ka roonaatay," ayay tiri.
Muuse Biixi oo ku adkeystay go’aan cu lus oo uga sii daraya xiisadda LAASCA ANOOD
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay in marnaba dhankooda laga sugeyn in ciidamadooda kala soo baxaan gobolka Sool, oo uu sheegay inay qeyb ka tahay Somaliland.
Go’aankan oo madaxweyne Mu use Biixi uu ka she egay khudbad sanadeed uu ujeediyay labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa uga sii dareysa xii sadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xilli ay Hargeysa ku sugan yihiin od ayaal dhaqan oo waan-waan ka dhex waday xukuu madda Somaliland iyo SSC.
Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in mar kii hore ay magaalada Laascaanood u ogolaadeen in ay ku shiraan Isimida hadda ku sugan, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay hurinayaan colaadda ka taagan halkaasi. "Garaadkii qura ee joogay Laascaanood ayaa yiri waxa aan Laascaanood ku qabaneynaa shir, si loo helo nabad, waan ku raacnay, dad badan way nagu cannaanteen, Garaadadii way yimaadeen, afar maalin markii la joogay ayey ku baaqeen in dag aalka la galo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.
Waxa uu sheegay in shacabka reer Sool ay kala mid ahaayeen ummadda Somaliland nabad-gelyada iyo horumarka adeegyada bulshada ee kala duwan, balse qorshaha kooxo uu ku sheegay argagixiso uu saamayn taban ku yeeshay caadifadda dhalinyarada Laascaanood.
Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxaha argagix isada ay sanadihii dambe ay Laascaanood ku dilaye en madaxda iyo haldoorka magaalada, "Argagixisadu waxay muddo 10-sanno ah ku laynayeen madaxda la amaha dawladda iyo muwaadiniinta Somaliland ee deegaanka Laascaanood ee ka shaqaynayey nabad da iyo horumarka Gobolka Sool. Hor-joogayaasha Argagixisada ee qorshahaa ku hawlani waxay ku milmeen Shacabka Deegaanka Laascaanood.”
Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in dadkii laay ay bulshada ku dhaqnaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku jiraan xabsiyada Somaliland, islamarkaana ay gacanta ku hayso Somaliland.
"Waxaan leeyahay Argagixisada waynu is-huran-nahay. Shacabka Reer Laascaanood waxaan ugu ba aqayaa in ay nabadda ka qayb-qaataan si magaala dii loogu soo noqdo oo noloshii jirtay dagaalka hor dib loogu soo celiyo; sida amnigii, maamulkii, adeeg gii caafimaadka iyo waxbarashadii.”
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu golaha ka hor sheegay in muddadii xukuumaddiisu xilka haysay ay gobolka Sool ka dhistay dhismayaal dowladeed oo kala duwan, kuwaasi oo gaaray 31 dhisme oo ku jiraan xarunta maamulka gobolka, mad axtooyada Laascaanood, mashruuca naqshadeynta magaalada, dhameystirka iyo dayactirka garoonka Cabdi Bile Cabdi.
Si kastaba, Go’aankan uu qaatay madaxweynaha Somaliland ee ah inaysan ciidamadiisu ka bixi doonin gobolka Sool, ayaa uga sii daraya xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood, ayada oo Isimida SSC ay dhowr jeer dalbadeen in ciidanka la saaro si dagaa lka xal looga gaaro miiska wada-hadalka, wallow ays an ka tanaasulin mab’da ay isku seegeen Somaliland ee Midnimada.
Ilhaan Cumar Oo Walaac Weyn Ka Muuji Say Hanjabaado Dil Ah Oo Ay La Kumayso
Xildhibaan Ilhaan Cumar, ayaa wareysi ay bixi say waxay ku sheegtay in ay inta badan kala hada sho caruurteeda hanjabaadaha ay kala kulanto nin loo soo xirayo inuu burburiyay xafiiskeeda. "Waa inaan si joogto ah ula sheekeysto carruurtayda: 'Ma xaa dhacaya haddii la i dilo?" Ilhan Cumar ayaa sida as ku tiri wareysi ay siisay warge yska Star Tribun.
Ilhan Cumar ayaa sidoo kale u sheegtay wargeyska Tribune in aa nay kalsooni ku qabin in afhayeen ka aqalka Koongareeska Kevin McCarthy (R-Calif.) uu wax ka qaban doono arrinta ku saabsan in ay u baahan tahay ammaan iyo ilaalin dheeraad ah, sababo la xiriira hanjabaadaha ay la kulantay, iyadoo xustay sida guddoomiyihii hore ee Aqalka Hoose. Xildhibaan Nancy Pelosi (D-Calif.) wax kaga qaban jirtay welwelka badbaadada naftee da.
"Ma garanayo sida aan ugu kalsoonahay afhaye enka hadda jira si uu u qaato go'aanka badbaadaday da iyo badbaadada qaar ka mid ah asxaabteydii kale ee nugul ayay Ilhan Omar u sheegtay wargeyska Star Tribune. War qoraal ah oo uu siiyay Tribune, af hayeen u hadlay xafiiska McCarthy ayaa sheegay in afhayeenka uu caddeeyay rajada uu ka qabo in siyaasadda laga saaro amniga. Hadalka Ilhan Cumar ayaa imaanaya iyadoo maamulka Minnesota ay xire en oo ay dacwad kusoo oogeen nin todobaadkii ho re, iyagoo ku eedeeyay inuu dab qabadsiiyay laba masaajid oo ku yaalla Minneapolis iyo inuu burburiy ay xafiiska Cumar.
Sullivan oo la kulmay bin Salman xilli xiisad ay u dhaxeyso Mareykanka & Sacuudiga
La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Mare ykanka Joe Biden ayaa la kulmay dhaxal-sugaha boqortooy ada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, xilli ay xiisad u dhaxeyso Aqalka Cad iyo Boqortooy ada.
Wakaaladda Wararka Dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in kulanka Jake Sullivan iyo Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan uu ka dhacay magaalada Jeddah.
Warbixinta SPA ayaa lagu sheegay kaliya in labada nin ay dib u eegis ku sameeyeen "xiriira da istaraatiijigga ah” iyada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo Mareykan ah.
Goor dambe, Sullivan ayaa ka qeyb-galay kulan dhex-maray dhaxal-sugaha, la-taliyaha amniga qar anka India Ajit Doval iyo la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Sheikh Tahnoon bin Zayed Al Nahyan.
Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu xaqii jiyey kulanka, ayada oo lagu sheegay in ujeedka uu ahaa sare u qaadidda "aragtida ay wadaagaan ee Bariga Dhexe oo noqda gobol barwaaqo iyo ammaan ah kuna xiran India iyo dunida inteed kale.”
Warbaahinta dowladda Sacuudiga ma baahin wax muuqaallo ama sawirro ah oo la xiriira kulamada.
Biden ayaa ololaha doorashada ku galay inuu cid leyn doono Sacuudi Carabiya kadib markii 2018-kii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dilay suxufi wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, Jam aal Khaashuqji.
Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in dilka uu ku dhacay amarka dhaxal-sugaha, inkasta oo Riyadh ay beenisay.
Suudaan: Sacuudi Carabiya oo rajeyney sa xabbad joojin wax ku ool ah
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay rajaynaya in wada-hadallada ka furmay magaalada Jeddah ee u dhexeeya dhinacyada ku dagaall amaya Suudaan ay keenaan xabb ad joojin waxtar leh.
Sacuudiga ayaa sheegtay in labada dhinacba ay garwaaqsadeen baahida loo qa bo in la yareeyo dhibaatada lagu hayo shacabka , in la xaqiijiyo gaarsiinta sah ayda gargaarka ee dadwey naha iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinacyada Suudaan oo markii ugu horeysay ku kulmay magaa lada Jiddah tan iyo markii uu dagaalku qarxay in ka badan saddex todobaad ka hor.
Dhinaca kale,madaxa bini’aadantinimada ee Qar amada Midoobay Martin Griffiths ayaa Axadii gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya si xabad joojin loo dhex dhigo dhinacyada isku haya Suudaan.
Dhowr xabad joojin ayaa burburtay tan iyo markii uu dagaalku billowday,waxaana dagaalada socda ku dhintay Boqolaal qof,halka ku dhawaad 450,000 oo rayid ah ay ku barakaceen dalkaasi.
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 9-KA MAY 2023-KA
...