
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH Isniin 8-DA MAY 2023-KA
Madaxweyne Xasan Oo Xiisada Sudan Kala Hadlay Wafdi Ka Socday Dalkaasi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee dalka Sudan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali.
Ayaa la wadaagay sida Do wladda Federaalka Soomaali ya ay uga walaacsan tahay is ka-horimaadka hubaysan ee ka socda dalkaas.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaalt inimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal, waxa uuna ku celiyey baaqii Dowladda Fede raalka Soomaaliya ee ku wajahnaa dhammaan wa laalaha Sudan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada-xaajoodyada iyo xalka nabadda.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandh igay sida dowladda iyo shacabka Soomaali yeed ay u garab taagan yi hiin nabadda, midnimada iyo hay’adaha dastuuri ga ah ee dalka Sudan.
waxa uuna xaqiijiyey in codka Jamhuuriyadda FS ee IGAD, M/Afrika iyo Hay’adaha Q/Midoobey ay ku garab istaagayso dowlad nimada iyo xasill oonida dalka Sudan.
DFS iyo FINLAND oo ka wada hadlay dib u bil laabidda Wadahadallada Somaliland
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Abdikarim Huss ein Guled ayaa Shalay kullan muhiim ah la qaat ay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Was aaradda Arrimaha Debadda FINLAND, MR Jukka Pajrarinen, iyo Safaaradda FINLAND ee Soomaa liya. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dib u billaabi dda Wadahadallada DFS iyo Maamulka Soom aalil and, Cabdikariin Guuleed ayaa Warbixino siiyay Aga asimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND. Ergayga ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha iyo Safaaradda doorka dowladda FINLAND ay ka qaadatay Dowladd dhi ska Soomaaliya, Waxaana uu warbixin ka siiyay si da ay uga go'an tahay ka guul gaarista wadahada llada Somaliland, iyo in DFS ay diyaar u tahay waxkasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somal iland. Dhankiisa Mr Jukka Pajrarinen ayaa u muuj iyay Ergeyga sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soo maaliya kaga Habeeen horeiyaan dedaalada lagu xoojin ayo midnimada Umadda Soomaaliyee, sidoo kal ana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallin ta Wadahadallada Somaliland.
Duqa Muqdisho Oo Qaramada Midoobe Kala Hadlay Amniga Iyo Barakacayaasha
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mada ale) ayaa Aqalka D/ Ho ose ee Xamar kulan ku la qaatay Kusimaha Wa kiilka Gaarka ah ee Q/Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, iyo xubno ka tirs an xafiiska UNSOM.
Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ay aa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin xaala daha Amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guu laha laga gaaray sugida Amniga Caasimadda, ta asi oo xafiiska QM u Amaanay Guddoomiyaha Go bolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida Amniga Muqdisho. Sidoo kale kulankan ayaa loogu hadlay xal u he lida Arrimaha barakacayaasha maadaama M/Muqdisho ay marti-geliso kumanaan Barakaca yaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid Go bolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhiba atooyinka Abaareed iyo dagaalada lagula jiro kooxaha Khawaarijta.
Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dhaw Maamulka Gobolka Banaadir kala shaq eyn doonnaan Arrimaha Horumarka Caasimadda & Dib-u-dhiska, iyagoo soo dhaweeyay Qorsha ha Duqa M/Muqdisho ee dib ugu dhawa aqista Barna amijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso 1$.
Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Q/M. u qaabi lsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, ayaa sheeg tay in isku tashiga bulsho uu yahay mid wax weyn ka badali kara ku tiirsanaashiyaha gacmo kale, waxa ayna Shalay ka qeyb qaadatay Barnaamijka dalkaaga ku dhiso 1$, iyadoona balan qaaday in ay xoojin doonto wada-shaqe ynta Xafiisyada QM iyo kan Maamulka Gobolka Banaadir.
CIISE Faarax Maxamed oo geeriyooday iyo DF oo war kasoo saartay
Allaha unaxariiste qoraa sare Marxuum Ciise Fa arax Maxamed oo kamid ahaa shaqaalaha aw asaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiskaXFS ayaa Shalay ku geeriyooday M/Mu qdisho ee caasimada dalka
Marxuumka ayaa dhawaanaha an ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho,wuxuunamarkii ugu damb eysay ka howl-galayay wargeyska dalka, oo uu ka ahaan jiray tifaftire, sidoo kale waxa uu kamid ahaa rug-cadaayaasha saxaafadeed ee Soomaal iya, wuxuuna muddo fog ka shaqeeynaayay Warg eyskii Xiddigta Oktoobar, oo hadda loo yaqaan wargeyska dalka.
Marxuumka ayaa markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee dalka 1991-kii ayna burburtay xukuum addii dhexe, waxa uu sii watay howshiisa Suxufini mo, waxa uuna wax ku qori jiray Wargeysyadii xilli gaasi ka soo bixi jiray magaalada Muqdisho, gaar ahaanWargeysyada Qaran,Xog-ogaal&Ayaamaha
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Md.Da’uud Aweys Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ciise Faarax, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa khabiir dhinaca saxaafadda oo kaalin weyn kasoo qaatey horumarinta saxaafadda dalka.
"Aniga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca ha wlwadeennada kala duwan ee wasaaradda waxa an tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, eheladii, bahda saxaafadda iyo dhammaan ummadda Soo maaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Ciise Faarax Maxamed oo ahaa khabiir dhinaca saxaaf adda oo muddo dheer wasaaradda ka soo hawl-galey,” ayuu yiri wasiir Da’uud.
Waxa uu intaas kusii daray wasiirka "Ciise Faar ax waxa uu ka mid ahaa tiirarkii wargeyska afka dowladda ku hadla iyo Wakaaladda Wararka ee SONNA, wuxuuna kaalin weyn ka soo qaatey hor umarinta saxaafadda dalka.”
Wasiirka ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehaladii iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan Ilaahay ka siiyo.
Allaha unaxariiste Marxuum Ciise Faarax ayaa waxa uu shaqaynayay illaa sanadkii 2017, isaga oo qori jiray maqaallo badan, kuwaasi oo si gaar ah uga hadli jiray arrimaha bulshada iyo siyaasad da, illaa markii dambe uu sidaa ku noqday howl-gab u soo adeegay qarankiisa.
Villa Somalia oo shaacisay tirada ciida mo la keenayo dalka iyo dowladda bixinaysa kharashka La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweyna ha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa shaaciyay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay afar dal, oo qaar kamid ah yihiin waddamada der iska. Ciidankan cusub ee la keenayo dalka ayaa waxay tababar kusoo qaateen dalalka Ethiopia, Eritrea, Uganda iyo Masar, waxaana qarashaadka ku baxaya bixineysa dowladda Imaaraadka Cara bta.
La-taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu sheegay in dhawaan cii dankan tababarka soo dhameys tay lagu soo celinayo M/ Muqdi sho ee caasimada dalka.
Xuseen ayaa shaaciyay in ciidankaan tababark ooda, saanadooda iyo mushaarkooda ay bixiney so dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kal hore heshiis dhanka militariga la saxiixatay DFS.
"Isbuucyada soo socda waxaa soo dhameyst irmaya 10,000 Askari oo qarashaadka ku baxaya ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta,” ay uu yiri La-taliyaha AmnigaQaranka X.Sh. Cali.
La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ciidankaan Mushaarkooda bixiney so, si kumeel-gaar ah illaa inta ay DFS ay kasoo afjarmayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Sha baab ee ay ka wado dalka.
"Waxaa lagu soo tababaray dalal kala duwan, qoladii u horeysay ee Uganda lagu soo tababaray ee Muqdisho la keenay qoladii ay ku diirsatay caa simadda ayay noqotay. Faa’iidadeedii waa arkeen dadka Soomaaliyeed, inay qeyb ka noqdeen soon kii ugu horreeyay.” Si kastaba, Ciidankan ayaa qe yb ka ah qorshaha ay dowladda federaalka ku rab to inay kula wareegto amniga guud ee dalka, iya da oo ciidanka ATMIS ay qorshuhu yahay inay ka baxaan dalkeenna daba-yaaqada sanadka 2024-ka.Xigasho:-Caasimadda.Net
Maamulka Hir-Shabeelle oo ka shiray wajiga 2-aad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabe elle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaas oo la gu qabtay Magaalada Jow har. Shirka Golaha Wasiira da ayaa looga hadlay Amn iga, Howlgallada ka dhan ka ah Al-Shabaab, Maare ynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Bar na amijka xasilinta iyo heerar ka ay marayaan, Barn aamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafima adka ee Hirshabeelle gaar ahaan Isbitaalka Jo whar. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray how lgallada Al-Shabaab iyo diyaar garowga loogu jiro wajiga 2aad ee Howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Wasiirka Arrimaha Gud aha iyo Dowlada ha Hoose ayaa Golaha Wasiir ada la wadaa gay halka uu marayo Barnaamij-ka xasilinta oo laga fulinayo deegaanada la xoreeyay si bulshada u he sho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarasha da ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan shaqaa leysiinta Macalimiin isagoo xusay inay gabo-gabo marayso Imtixaanaadka lagu qaadanayo 400 boq ol oo macalimiin ah.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Golaha la wadaagay xaalada Isbitaal Goboleedka Jowhar. Madaxweynaha ayaa u Mah ad celiyay Golaha isagoo faray inay dardargaliy aan shaqooyinka adag ee horyaala.
Lafta-gareen oo Madaxtooyada iskugu yee ray hay’addaha amniga .
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shir gudd oomiyay kulan ka dhacay Madaxtooyada maamul kaasi, kaasi oo ahaa shirka Golaha Amniga Koo nfur Galbeed, ayna ka qeyb-galeen madaxda kala duwan ee hay’addaha amniga.
Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda am ni ee deegaanada maam ulkaasi, iyada oo lagu gorfeeyay xoojinta wada shaqeynta hay’addaha amniga iyo dardar-gelinta howl-galada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.
Sidoo kale waxaa kulankaan looga arrinsaday bilowga wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhank ah, kaasi oo ka bilaaban doona deegaanad a maamulkaasi oo qeybo kamid ah ay weli ku hars an yihiin kooxda.
"Shaqooyinka hadda socda iyo awaamiir la xiri irta amaanka ayay dhinacyadu isku dhaafsadeen kulankaan, iyada oo madaxweyne Lafta-gareen uu ku amray in loo diyaar garoobo wejiga labaad ee dagaalka oo dhawaan ka bilaaban doona deegaan ada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaan koo ban oo kasoo baxay Madaxtooyada maamulka.
Kulanka uu shir-guddoominayay ayaa kusoo dhamaaday guul, sida lagu sheegay bayaanka Ma daxtooyada, waxayna dhinacyadan ka dalbadeen bulshada reer Koonfur Galbeed inay si dhow ula shaqeeyaan hay’addaha amniga, si loo sii xoojiyo amniga deegaanadaasi.
Duulaanka cusub ee ka bilaabay maamulka K/ Galbeed ayaa waxaa ka qayb qaadan doona dad ka deegaanka, oo maamulka uu abaabulay, kuw aasi oo qeyb ka ah dagaalka ka socda dalka, ee guulaha wax ku oolka ah laga gaaray.
Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa ka socda guud ahaan gobollada dalka, ka asi oo wejigiisa labaad uu ka socda Gobollo ka ti rsan dowlad-gobaleedyada HirShabelle iyo Galmu dug, iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa de egaanka ay deegaano dhawr ah kala wareegeen dagalaamayaasha kooxda.
Dowladda Soomaaliya soo dhaweysay wada-hadallada u bilowday dhinacyada isku haya Suudaan
Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay wada-hadallada nabadeed ee u dhaxeeya dhina cyada isku haya dalka Suudaan, wada hadallad aas oo uu martigelinayo Sacuudi ga, waxayna ku baaqday in la dhaqan galiyo xabbad joojinta.
War saxaafadeed ka soo bax ay wasaaradda arrimaha dibad da Soomaaliya, ayaa lagu xusay in dowladdu ay bogaadisay qabsoomidda wadahadallada oo ay si wadajir ah u fududeeyeen Mareykanka iyo Sacu udiga. "Waxaan ku ammaaneynaa Boqortooyada Sacuudiga iyo Mareykanka fududeynta wadahadal ladan, waxaanan si buuxda u taageernay baya ankooda wadajirka ah ee ku boorrinaya labada dhi nac inay tixgeliyaan danaha qaranka Suudaan ay na galaan wadahadallo ku aaddan xabbad-joojin," ayaa lagu yiri bayaanka.
Dowladda Soomaaliya oo xustay in dagaalladu ay yihiin kuwo si fudud ku billowda balse ay adag tahay in la dhammeeyo, ayaa waxay ku boorrisay labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso inay ku heshi iyaan in si dhaqso ah loo joojiyo dagaalka."Sidaa darteed, waxaanu ku boorinaynaa dhin acyada Sudan inay si degdeg ah u joojiyaan adee gsiga hubka oo ay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed. Tani waa xalka ugu fiican uguna dha khsaha badan si loo hubiyo in xaaladda Suudaan aysan sii xumaanin.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad mar kale ku baaqay in la joojiyo dagaalka, isagoo ka hadlayay kulan uu la qaatay ergayga Suudaan, Amb. Dafallah Alhaj Ali, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku nuuxnuuxsaday taagee rada Soomaaliya ay siinayso dadka reer Suudaan.
Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qab tay nin gaarigiisa ku waday meydka wiil yar
Ciidamada Booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa Saldhiga degmada Hodan ee mag aalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin gaarigiisa ku waday meydka canug yar oo 6 sano jir ah.
Ninka eedeysanaha ee gaarigiisa ku waday me ydka Wiil yar ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdir axmaan Muuse Cali, kaasoo gaarigiisa laga dhex helay meydka wiil yar oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Yuusuf Cabdullahi.
War qoraal ah oo kasoo Booliiska ayaa lagu sheegay in Booliiska lagu soo war galiyay gaarig an uu ku dhax jiray wiilka yar oo ku baakinaa aga gaarka Isbitaalka Digfeer, markii ay goobta tage ena ay ugu tageen wiilka yar oo dhintay kuna dhax jira gaariga.
"6/5/2023 abaare 16:45 Shalaynimo, ayaa muwa adiniin ku sugan Degmada Hodan gaar ahaan wa axda Octobar, agaagarka Isbilaatka Rayib Racep Ordogan (ex-digfeer) la soo wadaageen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir, la soo wadaagay gaari baakin ku jira oo ilmo yar korlooga xiray, halkaas oo gurmad ay ciidanku ku tageen ayaa goobta kula kulmay ilmaha yar oo meyd ah, kuna dhex jira gaariga" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir.
Ciidanka Boliiska ayaa xabsiga u taxaabay eedaysanaha watay gaariga laga dhex heley meydka wiilka yar, waxaana saraakiisha Booliiska ay sheegeen in baaritaan ku hayaan kiiskan, islamarkaana u gudbin doonaan maxkamada ku shaqada leh kiiskaan.
Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo gacanta lagu soo dhigay + Magacyada
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaci say in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galg aduud ay gacanta ku soo dhigeen horjoogayaal ka tirs an kooxda Al-Shabaab.
Horjoogayaasha ay shee gtay dowladda in gaca nta lagu sheegay ayaa dhan saddex horjooge, oo ciida mada huwanta ay ku daba jireen dhowrkii ma almood ee lasoo dhaafay, sida lagu shaaciyay qo raal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaa finta dowladda federaalka Soomaaliya.
"Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayey cii danku ku raad-joogeen sedaxdooda kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Hul-caduur,” ay aa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda.
Howl-galkan lagu soo qabtay horjoogayaasha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa laga fuli yay deegaanada Hul-caduur iyo Xalaneey.
Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyay magacyada horjoogayaasha sadd exda ah ee ciidamada huwanta gacanta kusoo dhi geen, kuwaasi oo kala ah; Shire Cabdi Maxamed, Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow.
Saddexdan horjooge ayaa waxay dowladdu sheegtay inay lacago baad ah kooxda Al-Shabaab uga qaadi jireen gaadiidka safarka ah, kuwaasi oo in muddo ahna ka tirsanaa kooxda.
Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dalka si hor dhac ah uga bilowday wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo wejigiisa labaad ee rasmiga ay qeyb ka noqonay aan ciidamo ka socda dalalka ay ciidamada ka joo gaan Soomaaliya.
Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ayaa wax aa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobol ka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabee llada Dhexe, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda.
Dowladda Soomaaliya oo Shalay dalka dib ugu soo celisay Muwaadiniin kasoo carartay Colaada Suudaan
Waxaa Shalay dalka dib loogu soo celiyay 137 Muwaadin oo kasoo cararay colaada
kajirtamagaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan. Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arr imaha dibadda iyo iskaashiga Caa lam iga ah ee Xukuum adda Somaaliya iyo Xafiiska Madax we ynaha u qaabilsan soo galootiga ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 73 qof, halka 64 qof oo kalana ay diy aarada ku dajisay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibdda Soomaaliya Xamsa Aadan Xaadoow ayaa soo dhoweynta Muwaadiniinta kadib sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii laba jibaareyso dadaa lada dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniinta ka carartay dagaalada ka socda dalka Suudaan.
Ayaan Maxamuud Sheekh oo ah ku simaha Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dal ka Itobiya ayaa Shalay warbaahinta u sheegtay in Muwaadiniin gaaraya 1250 ruux ay safaaraddu ka soo gudbisay xadka ay wadaagaan dalalka Suud an iyo Itoobiya.Dowladda Soomaaliya waxay hor ay sidaan oo kale dalka dib uga soo celisay muwa adiniin Soom aaliyeed oo kasoo cararay dagaala da ka socda dalka Suudaan, kuwaas oo ay ka daji say magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho.
Maamulka gobolka Hiiraan oo xayiraad kusoo rogay deegaanada Al-shabaab kaga sugan yihiin Koonfurta Baled weyne
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhaw aaqay go'aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya magaalo oyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiir aan. Guddoomiye Jeyte ayaa amar ku bixiy ay in Shalay kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shid aal sida oo u safraya deegaanada ku yaala hareer aha wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte.
Wuxuu sheegay guddoo miyaha gobolka Hiira an in ga arigii lagu arko ama la qabto isagoo dee gaanadaas u raran in si buuxda ay ula wareegi doonaan gaariga iyo wixii saaran ciidanka dow ladda oo uu ka mid noqonayo hantida dowladda.
"Ciidamada waxay amar ku qabaan iney si buuxdo ula wareegaan gaarigii ay qabtaan isagoo u raran deegaanada shab aab ku sugan yihiin ee ku yaala hareraha jiinka wabiga Shabeelle ee khawaarijta Saadka u geeya, qof walba haatan gaari giisa ha ilaalaado" ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.
Talaabadaan uu ku dhawaaqay guddoo miyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo kooxda Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaano ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle oo ay ka mid tahay deegaanka Booco oo qiyaas ahaan Baledweyne u jirta 44 KM.
Lama oga sida uu ku dhaqan gali karo amarkaan kasoo baxay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, kaasoo saameyn baaxad leh ku yeelan kara haduu hirgalo dadka shacabka ee xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah ee degan hareeraha wabiga Shabeelle oo uu ku tilmaamay guddoomiyaha Shabaab kalkaal.
"Aniga beer ayaan ku leeyahay degmada Halgan mana tacban karo marka dadka shabaab dhexdiisa beeraha ku tacbana sow shabaab kalkaaal mahan" ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Cali Jeyte.
Somaliland oo toogasho ku xukuntay askari dilay taliyihiisii
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa Shalay qaaday tallaabo la xiriirta dilkii Arba cadii loo gaystay allaha u nax ariistii taliye ku-xige enkii cii damada badda ee xeebta gob olka Awdal, marxuum Khadar Maxamed Ca ynaanshe, kaas oo ca ro xoo gan ka dhaliyay deegaanada maamulk aas.
Maxkamadda ayaa waxaa kasoo muuqday Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo isna ka tirsan ciidamadda Badda ee Somaliland, isla-markaana loo haystay dilka taliyihiisii.
Dhageysiga dheer kadib ayaa waxaa eedeysan aha Shalay lagu xukumay dil toogasho oo ah qasaasta marxuumka uu horay u dilay oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka xeebaha.
Dilkaan oo si weyn u qabsaday baraha bul shada ayaa si gaar ah uga dhacay magaalada Lawyocaddo, waxaana xukunka Shalay aad usoo dhoweeyay ehellada taliyihii la dilay.
Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa si doo kale si weyn looga dareemay guud ahaan So maliland, maadaama shacab badan ay ka ka ceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalb adan ay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.
Ehellada ayaa dhankood dalbanayay in la isla aaso labada ruux, waa marxuumka iyo asakriga dilka geystay oo ugu dambeyn Shalay lagu helay dilka, laguna riday toogasho.
Tallaabada deg degga ah ee ay qaaday maxk amadda ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale qaboojineyso carada iyo xiisadda ka dhalatay dhacdadaasi.
Ma’aha markii u horreysay ee ay dil isu gayst aan askarta Somaliland dhexdooda, waxaana marar badan maamulkaas ka dhacay dilal ay soo fara-gelisay maxkama dda ciidamada.
Mudaaharaad rabshado wata oo ka dhac ay Magaalada Xuddur.
Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ee Sooma aliya, ayaa waxaa Shalay ka dhacay mudaahar aad, kaasoo geystay waxyeello. Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Xuddur, Cumar Cabdul laa hi Maxamuud, mudaaharaadka, ayaa waxaa ka danbeeyey ka gadaal markii askari laga qaa dey Xudur, oo loo geeyey Uganda tababar, uu dal kaasi ku dhintay.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in geerida askariga ka dib, ay meydkiisa marka maga alada Muqdisho lagu soo cel iyey, lagu arkay calaamad jeexdin ah, taasoo siy aabo kala duwan loo fas irtay. Guddoomiye Cum ar, ayaa carabka ku dhu ftay in dadweynaha ay ka gadoodeen markii war suuqa soo galay, kaasoo sheegayey in lagala ba xay marxuumka uurku jirta. Cumar ayaa beeniyey arrinkaasi, isagoo sheegay inuu la xiriiray guddo omiyaha baarlamaanka Soo maaliya, oo uu u cad deeyey inaanu waxba ka jirin wararka kasoo bax ay Baraha Bulshada ee Intern et-ka. Cumar, ayaa ku nuux nuux sadey in mudaa haraadkii Shalay uu geystay khasaare, sida inuu dhaawac xun uu soo gaarey wiil yar, iyo inay wax yeello soo ga artey hanti fara badan, oo isugu jirta goobo ganac si iyo guryo. Ugu danbeyntii guddo omiyaha, ayaa sheegay in rabshadihii ay xakamee yeen, oo ay haatan xaaladdu dagan tahay.
Somaliland oo bilaabaysa qodista ceel kii shidaalka ee ugu horeeyay
Xukuumada Somaliland ayaa si rasmi ah Shalay u sheegtay in ay gobolka Togdheer ka bil aabayaso qodista ceelkii shidaalka ee ugu hor eeyay. Wasiirka Was aarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi, oo ka hadlay xaflad lagu daahfuray ay qo dista ceelka shi daal ka oo ay fulinayso shirkada Genel Ene rgy, ayaa sheegay in ay tani tahay talaa badii ugu danbaysay ee sahaminta shidaalka.
"Waxaanu sheegayna in talaabadii ugu dan baysay oo ah qodista shidaalku ay bilaabantay, ceelka waxa la yidhaahdaa Toosan 1, waxa uu ku yaalaa gotaan wayn oo uu batroolku galo oo la yidhaa Xood oo gobolka Togdheer ah" ayuu yidhi Wasiir Faarax.
Waxa uu sheegay in aan hada la hubin in uu baatrool kasoo bixi doono, lakiin ay tahay talaabadii ugu danbaysay baadhista shidaalka, lag una rajo wayn yahay in laga gun gaadho, oo baa trool kasoo baxo.
Waxa uu sheegay in ceelkani uu bilow u noqon doono qodista ilaa 16 goobood oo shidaal lagu tuh mayo, isla markaana Toosan 1 uu yahay ceelka shidaal ee ugu wayn ee la ogaaday sahimin mudo socotay kadib.
Waxa kale oo uu inta ku daray in xaflado waa wayn oo wacyigalin ah, oo bulshada loogu shar axayo shidaalka iyo sida looga howlgalayo la qaban doono, iyadoo ta ugu wayna lagu qaban doono Burco.
Dhamaan madaxdii iyo marti sharaftii kasoo qaybgashay ayaa soo dhaweeyay talaabadan la gu bilaabayo qodista ceelkii ugu horeeyay oo shidaal ah.
Badhasaabkii Somaliland ee Buuhoodle oo ciidan iyo gaadiid dagaal la goostay
Badhasaabkii Somaliland u qaabilsanaa Buuho odle Nasteex Maxamed Cabdile (Nasteex Tuur) oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalo ma daxda gobolka Togdheer ee Burco, dagaalka socd ana kala fikir ahaa maamulka uu hore uga tirsanaa, ayaa Shalay ka goostay Somaliland.
Guddoomiye Tuur oo wata ci idamo iyo gaadiid dagaal ayaa u galay SSC, isaga oo ku biiray da gaalka ka dhanka ah ee Jabhadda SSC ay kula jirto ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.
Gaadiidka dagaalka ee uu kala goostay Soma liland ayaa gaaraya illaa afar, kuwaasi oo guddo omiye Tuur uu ku wareejiyay SSC-Khaatumo, isa ga oo si rasmi ahna u shaaciyay inuu ku biiray xooggaga deegaanka ee SSC.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu dadkiisa la dareen noqonayo intaa ka badana uu adkaysan kari waayey duulaanka Somaliland oo uu ku tilm aamay "xasuuq isir sifeyn ah” oo lagu hayo shac abka gobolka Sool.
Ninkan ayaa markii hore si weyn ugu ololeyn ji ray rabitaanka Somaliland ee ah in magaalada Laascaanood ay qeyb ka tahay Somaliland, wux uuna ugu magacownaa Badhasaabka Buuhoodle, isaga oo kamid ahaa masuuliyiinta ka mushaar qa ata xukuumadda Somaliland.
Dhawaan unbey aheyd markii sarkaal iyo ciidan uu wato oo kasoo goostay Somaliland ay ku biireen ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dagaalka looga soo horjeedo xukuumadda Somal iland ee ka socda xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood.
Saraakiil kale oo ka hadlay munaasabadda la gu soo dhaweynayay ciidankaas kasoo goostay Somaliland yaa dhankooda sheegay inay rabaan in ay weeraraan magaalada Caynaba, ayna wixii ka dambeeya ay xabad isticmaalayaan.
SSC ayaa sidoo kale waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland.
Si kastaba, Dagaalka ka socda xarunta gobo lka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, waxaana gebi ahaanba fashilmay waan iyo dhex-dhexaadin lagu qaboojinayay xiisa dda dagaal, oo iyadu barakicisay boqollaal kun oo qof, ayna ku waayeen boqollaal kale, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata in dhinacyadu xabada ku joojinayaan.
SHIRQOOLKII MADAXWEYNE CALI MAHDI LOO DHIGAY (BSL AQRI SI AAD U OGAATO).
Wada akhri si aad u ogaato, Xaqiiq aadan ogeyn. Shalay Aniga oo ba arayo Buugeyga Xusuus qorka ee "History in action” iyo waraaqadaha "Day to Day” oo aad iyo aad u farabadnaa ee aan ku qori jiray Dhac dooyinka horaantii 90-maadkii. Waxaa ka mid ahaa. Md.Xassan Konte oo u dhashay Galbeedka Afrika-Ghana, oo Wakiilka UN ee Somaliya uu u wakiishay Waqooyiga Mogdishu ayaa Shalay iigu yeeray Xafiiskiisii Deg.Cabdicasiis.Waxaan ahaa Madaxii Xafiiska Md.Cali Mahdi.
Waxaan u tagay isaga oo kaligii ku nasanayo Geed Guriga Xafiiskiisa ku yiil hoostiisa. Mar kasta oo Qof Somali ah uu la kulmayo waxaa khasab aheyd in uu la joogo Nin Faransiisa oo u ahaa La taliye Siyaasadeed iyo Nin Dalka Senigal u dhashay oo ilaalo gaara u ahaa.Shalaya Ninkii Faransiisku waxa uu jiray Xarunta UN ee Siliga Mar eykanka. Md.Xassan Konte, Waxa uu igu yiri: Anigu waxaan ahay Nin Mu slim ah, shaqadaan mar dhaw waan ka tagayaa, waxaan ku noolaan doo naa Dalkeyga Beeraan leeyahay oo Qasabka Sokorta lagu beero.
Intii aan Cali Mahdi la shaqeynayay waxaan arkay in uu yahay Nin wanaagsan mana rabo in aan qeyb ka noqdo Shirqoolka loo diyaariyay. Shir ka dhacay Xarunta UN ee Siligga, Si arintaan Somaliya aan uga nas ano danaheynana aan u gaarno, waxaa la go’aamiyay in Cali Mahdi lagu casuumo shir Laba Maalin lagu qabanayo Kampala – Uganda.Inta uu ku maqan yahayna in Jan.Ceydiid loo sheego in uu Garoonka dayaaradaha weerar ku soo qaado, kadibna iyada oo taa marmarsiiyo laga dhiganaa Garoonka Dayaardaha la Xiro 3 Usbuuc, mudadaa dhaxdeeda in waq ooyiga Magaalada uu Jan.Cayddid Dagaal ku qaado uuna qabsado, ta ana ay u fuddeeyso UNOSOM iyada oo ay ka qeyb qaadanayaan ku xig eenada Cali Mahdi qaar ka mid ah iyo Kaaliyayaashiisa kale.Dadkana loo sheego in Md.Cali Mahdi uu iska dhiibay Dalka Uganda oo la siiyay Mag angalyo Siyaasadeed. Waqooyigana sidaa lagu qabto oo Magaaladu ay hal Hogaamiye hoos tagto, waxaan filayaa in arintaan ay ku soo heshiiy een Talyaaniga oo Cali Mahdi ay saaxiibo yihiin iyo Ethiopia oo ay Cay diid saaxibo yihiin, kadibna ay arrintaa ka dhaadhacsiiyeen wadamada kale.
Mr.Konte ayaa yiri: Shirkaa oo aan ka qeyb galay, waxaa laga soo saa ray waqadaan Martiqaadka ah oo la rabo in uu Cali mahdi uu ka soo jaw aabo kadibna la qaado.
Warqadii waa tan u geey Cali Mahdi una sheeg yuuna Shirkaa Uganda aadin. ( F.S: 1aad) Waxaan ku iri Md.Xassan konte, Haddii aan u geeyo warqadaan martiqaadka oo aan u dhiibo waxaa suura gal ah in uuna iga aaminin, oo saaxiibadiisa wasiirada u ah iyo kuwa USC/SSA ayaa ku qancinayo in uu aado, Aniguna kuma jito Golayaasha Siyaasada, ee Adi gu u sheeg. warqadii waan ka qaaday, waxaana iska dhigtay Guriga Sh. Cali Tuure oo uu Qol iga dajiyay markii aan xaafadda Barmuuda ka imid ee aan soo degay kaaraan. Maalin kasta marka aan xafiiska tago waxaa Warqadaa i weeydii jiray Siyaasiyiinta kale, kadibna Cali Mahdi oo xiise ynayo warqada.
Maalmihii dambe xafiiska ma tagi jirin, Markastana Xarunta Siliga ayaa soo waceysay Cali Mahdi oo leheyd warqdda maad ka soo jawaabtid.
Markii uu igu batay Culeysku ayaan u tagay Md.Xassan konte oo aan ku iri: Shalay ayaan Cali Mahdi u tagaa oo aan kuu keenaa ee Adigu u sheeg.
Waxa uu yiri: uma sheegi karo, mar kasta oo uu ila fadhiyo Cali Mahdi waa in uu ila fadhiyo Ninkaan Faransiiska ah, Aniga ayaana noqonaa da mbiile haddii aan kaligeey la shiro. Waxaan ku iri: Aniga ayaa xal kee naa.
Waxaan kuu keenaa Shalay 5:30 pm.Waxaan ku kulmeynaa fadhiga hoose ee Xafiiskaaga, Marka Makhribka la gaaro ayaan leeyahay Salaad ayaa kor ku soo Tukaneynaa.Faransiisku noo raaci maayo Salaadda ee marka aan qolkaaga tagno ee aan salaada u istaagno u sheeg.
Waxaan u tagay Cali Mahdi oo igu canaantay Maalmahaan xageed ka baxday, Warqaddii UN-ku kuu soo dhiibay maxaad iigu keeni weyday aan ka jawaabee.Waxaan ku iri: wax ka daran ayaa jiro, deg deg ayaa lagaa ga rabaa Xafiiska UN-ka waana isa soo raacnay.Waxaan u nimid Md. Xassan konte iyo Ninkii faransiiska.Sidii Balantu aheyd ayaa yeelnay, Makhribkii ayaa ku iri: Fadhigaan kabaha ayaa lala soo galaa, ee nasii Qolaan ku tukano, waxa uu yiri: Meel nadiif ah Qolkeyga jiifka ayaa ka jiro oo dabaqa sare ah.
Waxaan tagnay Qolkiisii, Farnsiiskiina hoos ayuu nooga haray.Markii aan Salaada u istaagnay ayuu Xassan Konte u sheegay Cali Mahdi qor shaha loo dagay.Salaadii kadib waxaan u nimid Faransiiskii oo aan naga shakin.Kadibna waan ka soo tagnay.
Subaxdii kale ayaan Cali Mahdi u diyaariyay warqad uu uga cudur daara nayo Shirka.Sidaa ayuuna uga baaqday.
Siyaasiyiin la joogay qaarkood ayaa aad uga carooday Go’aankaa. (F.S: 2aad) Siyaasiyiintii kale ayaa Cali Mahdi ka dhaadhacsiiyay in uuna Documentiga iga aaminin, waxa ayna keeneen Laba Xogheeyn oo Cusub oo shaqada qaar iyaga lagu aamino, kuwaa oo xogta iyaga u dusiyo, wax aan iska yareeyay shaqadii xafiiska si haddii siro baxdo ayna siyaasiy iinta qaar ayna iigu nabin in aan Anigu bixiay. laakin qaar ka mid ahaa sa axiibaderydii Xafiiska ayaa dhacda walba ii soo gudbi jiray. Muddo dheer ka dib Muddo dheer kadib Mrkii uu Xilka ka degay ayaan Cali Mahdi u sheegay wax badan oo ay ka mid aheyd sababta aan u diiday in aan ka qeyb galo Shirkii Jabuuti ee Md.Cabdi qaasim lagu doortay.Waxa uu igu yiri: Markii aan Xafiiska joogay, waxaas oo dhan, maxaad iigu sheegi wee yday.Waxaan ku iri: Anigaa xaliyay kuumana sheegin, laakin Adigu haddii aan wakhtigaa kuu sheegi lahaa ma iga aamini laheeyd.Waxa uu igu yiri: Maya.
Waxaan ku iri: ka waran Cashadii khartuun-Sudan uu Madaxweyne Xassan Al Bashiir uu gurigiisa noogu sameeyay, iyo Jabuuti Maalintii Madaweyne Xassan Guuled Abtidoon uu nagu casuumay Gurigiisa.Waxa uu yiri: Markaa Jabuuti waa wanaagsaneyd, laakin Hadda waxaan Go’aa nsaday in aanan Jabuuti tagin nolosheeyda inta ka dhiman, xattaa Daya arad Transit ku ah Jabuuti ma raacayo weligeey.Laakin Sababta iima she egin anna ma weydiin, waanse qiyaasi karay ( F.S:3aad) FG: Shalay intii aan baarayay Warqadaha keydka ee weli aan hayo oo ku kala jiro, Boorsooyin hore, kartoono iyo Jawaan, waxaan ka qaaday Sanboor.Mar kale ayaan idinla wadaagi doonaa qeyba kooban oo ka mid ah Qoraaladeydii Xasuus dhowrkeyga ee 90 maadkii, Haddii Alla idmo.
Qore:- Yahya Amir
ASKARI KASOO SHAQEEYAY HOWLGALKA AMISOM OO DILAY WASIIR KATIRSAN DOWL ADDA UGANDA
Pte Wilson Sabiti oo ah askari katirsan ciidamada Uganda ayaa toog asho ku dilay wasiiru dowlihii wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo xir iirka warshadaha ee Uganda, Charles Okello Engola.
Warbaahinta dalka Uganda ayaa qoraysa in Pte Wilson uu Soo maaliya ka soo shaqe eyay muddo sanad dhan ah, sida ay ka soo xigteen saraakiil katirsan ciidamada difa aca Uganda (UPDF).
Toogashadan ayaa ka dhacday guriga wasiirka oo ku yaala dee gaanka Kyanja, ee duleedka magaalada Kampala, waxaana looga shaki san yahay in ay la xiriirto xaalad maskaxeed.
Kaaliyaha wasiirka, Ronald Otim, ayaa isna ku dhaawacmay tooga shada. askariga ayaa markii dambe isna isku toogtay meel ku dhowayd goobta uu falku ka dhacay, sida ay booliisku sheegeen.
Col Deo Akiiki, ku xigeenka afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in Sabiiti oo ka soo jeeda tuulada Mubali ee degmada Kab arole la geeyay Soomaaliya intii u dhaxeysay 2020 iyo 2021 isagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Kumeel gaarka ah.
Sabiti waxa uu haystay darajada ugu hoosaysa ee ciidanka milatariga, balse waxaa doortay madaxdiisa si uu u qaato koorsada saraakiisha dhe xe ee shaqaalaha militariga.
Markii uu koorsada dhameystay bishii February ee sanadkan, waxa uu ku laabtay Guutada Ilaalada ee degaanla Bombo, ka hor inta aan la geynin Kyanja si uu u ilaaliyo wasiirkii geeriyooday bishii hore. Akiiki waxa uu qiray baahida loo qabo baaritaanno caafimaad oo maskaxeed oo badan oo askarta ah si looga fogaado dhacdooyinka la midka ah mus taqbalka. "Waxaan leenahay waax hoos timaada Maamulka Sare ee Ade egyada Caafimaadka, taas oo bixisa la-talin iyo hagitaan. Laakiin haa waa inaan dadaal dheeri ah gelinaa si aan u hubinno caafimaadka askar teenna kasoo laabta meelaha dagaaladu ka socdaan, si aan uga fogaa nno falalkaas laga shallayn karo,” ayuu yidhi.
Meydka Sabiti ayaa hadda yaala halka Bombo, walina lama shaacin qabanqaa bada aaskiisa.
SOOMAALIDU MIYEY QARIYAAN DA'DOODA?
Dadka qaarkiis da'da kuma hayso walaac, laak iin ma ogaan kartid cidda aad la macaamilayso, iyo waxa uu dareenkoodu yahay.
Waayadan danbe ragga iyo dumarka been ayay ka sheegaan da'dooda, si ay ugu muuqdaan kuwo da' yar.
Haddii qof u muuqdo inuu doonaayo inuu ka hadlo da'da, markaas waxaa laga yaabaa in taasi ay tahay wax wanaagsan.
Waxyaabaha kale ee maskaxda lagu hayo, ayaa ah in haddii aad qof si fiican u garanayso, da'du waxay noqon kartaa mawduuc la aqbali karo oo laga wada hadli karo.
Waxaa laga yaabaa inay si dabiici ah ugu soo baxdo wada sheekeysiga, haddii aad is taqaannay in muddo ah, taasina waa caadi.
Si kastaba ha noqotee, iska ilaali inaad ku deg degto weydiinta su'aasha ah da'da, markaad shakiso.
Ha weydiin su'aashan qofna, illaa aad si dhab ah ugu qanacsan tahay inuu raalli yahay mooy aane.
Haddii aadan hubin, markaa ha weydiin ruux wax ku saabsan da'da.
In kasta oo ay tahay su'aal ku filan oo aan wax ba dhibaato geysanayn, waxaa laga yaabaa in qof ka xumaad, iyada oo aan macne lahayn.
Ka fakar waxa ay ka dhigan tahay, oo hubso haddii aad wax ka weydiinayso da'da, si aad uga fogaato falcelin xun.
Da'da qaan-gaarnimada
Weligaa ma laguu sheegay inaad "korriin u baah an tahay" marka aad jirto da'da 20-ka?
Hagaag, haatan waxaa laga yaabaa inaad hesh ay sabab rasmi ah, oo ah inaadan u dhaqmin sidii qof weyn oo qaangaar ah.
Dadku si buuxda uma noqdaan "qof weyn" illaa ay ka gaaraan da'da 30-ka, sida ay qabaan sayni syahannada maskaxda.
Hadda sharciga UK, ayaa wuxuu dhigayaa inuu qofku noqonayo qaangaar marka uu gaaro da'da 18 sano.
Saynis yahannada daraaseeya maskaxda iyo habdhiska dareenka, ayaa sheegay in da'da aad qaan gaarka noqonayso ay u kala duwan tahay qof walba.
Cilmi-baaristu ayaa waxay soo jeedinaysaa in dadka da'doodu tahay 18 sano, ay weli ku socoto isbeddello maskax eed, kuwaasoo saameyn kara dabeecadda, oo ka dhigi kara inay u badan tahay inay yeeshaan cilladaha caafimaadka mask axda.
Soomaalida iyo sababaha ay u qariyaan da'dooda
Dumarka Soomaaliya ayaa la sheegaa inaysan jecleyn in la weydiiyo da'dooda. Ragga ayaa wa ayadii dambe iyana bilaa bay iney da'dooda qar iyaan.
Sababaha ragga iyana u qariyaan da'dooda, ayuu wiil dhalinyaro ah oo aynu wareysannay wux uu inoo sheegay iney jiraan asbaabo badan.
"Marka koowaad dhanka guurka, oo ah wax muhiim ka dhex ah bulshada, iyadoo marba marka ka dambeysa oo da'du kororto, in haweenka aan ay guurka ka aqbalayn ninka ragga ah, ama ay ku adkaan karto helitaanka lammaane nafta uu la wadaago,” ayuu yiri Saciid Qarafaan, oo ah wariye madax bannaan.
Waayaha iyo duruufaha, ayaa isbeddel ku kee na habka ay u fikiraan bulshada, taasoo ay ugu wacan tahay in jiilba jiilka ka dambeeya uu la yaab ka muujiyo dhaqanka kuwa ka dambeeya.
"Dhanka bulshada, raggu in qiimaha ragga da' deedu marka ay weynaato ay hoos u dhacdo, iya doo la eegayo dhanka firfircoonida dhanka shaq ada, dagaalka iyo caafimaadka jirka,” ayuu intaa raaciyey Saciid.
Dhanka kale dumarka, iyana dhankooda wax aa jira asbaabo keenay iney da'dooda qariyaan, si lamid ah ragga.
Marka aan hor dhignay haweeney su’aal la xir iirta haddii da’da la yareeyo, maxaa laga faa'ii dayaa? waxay ku jawaabtay:
"Sababaha ay u sameeyaanwaxaa ka mid ah in aysan nicin ragga, maaddaama raggu aysan jecleyn dumarku marka da’doodu weynaato” ayey tiri Fartuun Maxamed Cusmaan, oo ah macallimad iyo daaciyad, sidoo kalana u ololeysa arrimaha haweenka iyo bulshada.
"Dumarku sida qaalibka ah waxay jecel yihiin dhallinyaradanimada, iyadoo dumarku ay been ka sheegaan mararka qaar ilmaha ay dhaleen, si kolka dambe aan looga didin, marka ay timaaddo muhiimadda dhalmada,” ayey hadalkeeda raaci say Fartuun.
Gabagabada, inkastoo bani’aadamku ay kala dhaqamo iyo aragtiyo kala duwan aaminsan yihiin, haddana da'da oo la qariyo waxay noqotey mid ku dhex baahday bulshada Soomaalida.
Article information Author,Said Hassan Anteno
Role,BBC News Somali Reporting from Nairbo, Kenya
TOOGASHO WADAREEDYADA KA DHACA MAREYK ANKA OO AAD USII KORDHAY
Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay siddeed qof oo ka dukaameysanayay suuq ganacsi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka Deg-dega ah.
Boqolaal qof ayaa laga daad gureeyay suuqa weyn ee magaalada Allen, sida goob joogayaal ay sheegeen kadib markii si aan kala sooc lahayn nin uu u rasaaseeyay dad dukaameysanayay.
Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii hubaysnaa ayna rumeysan yihiin in uu kaligiis falka geystay.
Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu soo waramayaa inay caruur yihiin. Ugu yaraan to ddobo qof ayaa lagu daweynayaa isbitaallada, ku waas oo saddex ka mid ah ay dhaawacyo halis ah soo gareen.
Madaxa dab damiska Allen Jonathan Boyd ayaa sheegay in toddobo qof oo uu ku jiro ninkii hubaysnaa ay ku dhinteen goobta halka labada kalana ay ku geeriyoodeen isbitaalka markii loola cararay kadib.
Dhibanayaasha da'doodu waxay u dhaxaysaa 5 ilaa 51, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka. Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa toogashada ku tilmaamay musiibo aan la soo koobi karin waxa uuna sheegay in gobolku uu diyaar u yahay inuu wax kasta oo caawimaad ah u fidiyo dad uu weerarku saameeyay. Booliska Mareykanka ayaa ka codsaday dad weynihii muuqaallada duubay ee goobta ku sug naa inay la xiriiraan FBI-da, maadaama ay uruuri nayaan caddeymaha.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha ayaa ku til maamay ninka hubeysan inuu xirnaa dhammaan dhar madow ah isla markaana uu watay qalabka dagaalka.
"Waxaan maqlay in ku dhow 10 xabbadood, ka dib toban ilaa shan iyo toban xabbadood oo kale hadana, waxaan aragnay ninkan oo ku labisan dhar madow, iyo isagoo dadka tooganaya," ayuu yiri mid ka mid ah goob joogayaasha, isagoo raa ciyay "markaa kadibna waxaan galnay dukaanka gadaashiisa".
Toogasho Wadareed
XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS
Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muuj inayay dad u ordayay meel gees ah oo baabuurta la dhigto iyadoo rasaas is daba joog ah ay dhacaysay.
Suuqa Allen waxa uu 20 mayl (32km) waq ooyi ka xigaa bartamaha Dallas.
Inta badan dadka qaangaarka ah ee da'doodu tahay 21 ama ka weyn isla gudaha Texas waa loo oggol yahay inay qaataan bastoolad diiwaan gelin la'aan, haddii aysan gelin dambiyo hore.
waxaa Intaa dheer, in ay jirto xaddidaadyo aan badneyn oo ku saabsan haysashada qoryaha iyo iyo qaar kamida hubka fudud.
Dalka Mareykanka ilaa iyo hadda sanadkan gudihiisa waxaa ka dhacay ugu yaraan 198 too gasho wadareed oo afar ama in ka badan lagu dil ay ama lagu dhaawacay, sida uu qabo Kaydka Rabshadaha.
Taasi waa tii ugu badnayd ee xilligan la joogo marka loo eego illaa sanadkii 2016-kii.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha ku sugan suu qaas oo lagu magacaabo Fontayne Payton, ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in uu ma qlay dhawaqa rasaasta inkastoo dhagaha ay ugu jireen kuwa wax lagu dhageysto.
Markii dadka loo oggolaaday inay ka baxaan suuqa, wuxuu ka sheekeeyay meydadka banna anka lagu arkay.
"Waxaan ku duceysanayay in aanay carruur ahayn, laakiin waxa ay u muuqdeen in ay carruur ku jireen," ayuu yiri. "waan ka naxay markii aan soo baxay oo aan arkayo."
Duqa magaalada Allen Ken Fulk ayaa ku tilma amay "maalin naxdin leh" oo ay u tahay magaa lada. "Allen waa magaalo lagu faano oo ammaan ah, taasoo ka dhigaysa fal-dambiyeedka micnaha la'aanta ah ee Shalay mid aad u naxdin badan," ayuu ku yiri warbaahinta magaalada. "Si kastaba ha ahaatee, waxaan rabaa in aan ku ammaano booliiska iyo waaxyaha dab-damiska sida degde gga ah ee ay uga jawaabeen.
Horaantii todobaadkan booliiska Texas ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu toogasho ku dilay shan qof oo deris ah, oo uu ku jiro wiil sagaal jir ah.
Francisco Oropesa ayaa la helay isagoo ku dhex dhuumanaya armaajo kadib afar maalmood oo baadi goob kiisa lagu jiray.


0 


HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH Isniin 8-DA MAY 2023-KA
.