
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 4-TA MAY 2023-KA
Xasan oo shaaciyay arrin yaab leh oo lo ogu tagay deeganadii laga saaray Al-Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay shaaciyay in dhulkii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab loogu tagay Beero ay ku beerayeen Xashiish, kaasi oo kooxda ay ka sameyn jirtay dhaqaale badan.
Madaxweynaha ayaa shee gay in kooxda ay xashiishkaasi u beeraysay si ay dadka ugu duleeyaan, xilli ay dowladda ku jirto dagaal kale oo ka dhan ah wax yaabaha maanka-dooriya, kaasi oo ka socda mag aalada Muqdisho iyo gobollada dalka.
"Beero Xashiish loogu beero ayaa loogu tegay oo waxay usoo diri jireen in dadka ku duleeyaan, oo waxay usoo diri jireen ciidamada iyo suuqyada, lacag adag ayay ka heli jireen. Soddan jawaab oo xashiish waatii dhawaan la qabtay ee la gubayay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxa uu bogaadiyay tallaabadii u dambeysay ee guddoomiye Madaale ka sameey ay magaalada Muqdisho, wuxuuna shaaciyay in dowladda ay wado shuruuc lagu xakameynayo no oc kasta oo waxyaabaha maanka dooriya ah.
"Waxay u baahan yihiin in qaanuun laga dejiyo oo waxay dowladda xoog ku leedahay waa qaan uun, marka qaanuunkii mukhaadaraadka waa na ga duugoobay, waxaa soo socda shuruuc ay xuku umadda ay keeni karto oo lagu xakameynayo arri maha maandooriyaha.”
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday sidii ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa caasimada looga nadiifin lahaa waxyaabaha maandooriyaha ah, xilli ay caasimada ka yaraad een dilalkii ay mararka qaar ciidamadu ka geysan jireen.
Si kastaba, Dagaalka Maandooriyaha ka dhan ka ah ee ka socda caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, ayada oo toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ho ggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, kaasi oo albaabada la isku gu dhuftay goobo halkaasi ku yaalla oo lagu isticm aalayay maandooriyaha.
Wasiirka warfaafinta oo suxufiyiinta ugu hamb alyeeyey maalinta xoriyadda saxaafadda
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa hambalyo ku aadd an maalinta xorriyadda saxaafadda caalamka u di ray dhammaan suxufiyiinta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in suxuf iyiintu ay udub dhexaad u yihiin na badda iyo dowlad dhiska, sidaa da raadeedna ay dowladda Fede raa lka Soomaaliya ay ka go’an tah ay xoojinta xoriyadda saxaafadda, dho wrista bedqabka suxufiyiinta, daah-furnaanta, xori yatul qowlka iyo fududeynta qaabka ay saxaa faddu ku heli lahayd wararka.
"Si Soomaaliya ay horumar u gaarto, waxyaa baha aasaasiga ee aan u baahanahay inaan hirge lino ayaa waxaa ka mid ah in suxufiyiinta loo abu uro jawi ay si xor ah ugu shaqeyn karaan, bedqab kooda iyo inay tababaro xirfadahooda sare loogu qaado ay helaan” ayuu yiri Daa’uud Aways.
Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqqy in xuska maalinta xoriyadda Saxaafadda ee 3-da May, ayaa sanadkan ku soo beegmaya iyadoo dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay go’aans atay inay si daah-furnaan iyo isla xisaabtan ku dhe ehan ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed, tusaa laha nool ee go’aankaasina uu yahay kulankii dadweyne ee dhowaan madaxweynaha Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu uga jawaabey su’aalo ku saabsan siyaasadda iyo waxqabadka dowladda oo ay shacabku weydiinayeen.
Waxa uu ugu dambeyn wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, mudane Daa’uud Aweys uu ugu baaqey saxaafadda inay sii wadaan door ka wanaagsan ee ay ka cayaarayaan wacyigelinta bulshada, inay cod u noqdaan bulshada inteeda jili csan ee aan fursadda u helin in codkooda la maq lo, dhismaha dowladnimada, nabadda, daah-furn aanta iyo isla xisaabtanka, iyadoo la tixgelinayo danaha qaranka, iyo anshaxa saxaafadda.
Xogta kulan XASAN uu Habeen hore Villa Soma lia kula yeeshay Qoor-Qoor, Lafta-gar een iyo Guudlaawe
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo uu Habeen hore madaxwe ynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay madaxwe ynayaasha maamul goboleedy ada Galmud ug, Koonfur Gal beed iyo HirShabelle, kaas oo ka dhacay gudaha xarunta madaxto oyada Soomaaliya.
Shirkaan oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii uu madax weyne Xasan Sheekh u yeeray, Axmed Qoor Qo or, Cabdicasiis Laftagareen iyo Cali Guudlaawe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay u joogeen howlo shaqo oo kala duwan.
Ugu horreyyn madaxda ayaa iska xog warey stay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar aha an howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guu laha haatan laga gaaray.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay in sidA ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ku biiriyaan ciidamo ka so cda waddamada dariska oo la isku yiraahdo dalalka safka hore.
Intaas kadib ayaa madaxweyne Xasan She ekh & hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle wa xay guda galeen ujeedka kulankooda oo daarnaa xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Puntland, si xal waara looga gaaro.
Madaxweynaha dowladda dhexe ayaa sadde xda hoggaamiye kala hadlay sidii ay deg deg ugu bixi lahaayeen safarkkooda magaalada Garoowe, si ay wadahadallo ku saabsan tabashada Punt land ula soo yeeshaan madaxweyne Saciid Cab dullaahi Maxamed (Deni).
Sida ay ogaatay Caasimada Online ujeedada ugu weyn ayaa ah sidii Deni loogu qancin lahaa in uu kasoo qay-bgalo shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu wado in bartamaha bishaan May uu ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee caasi mada maamulka Galmudug, kaas oo qorshuhu yahay in diiradda lagu saaro dagaalka Shabaab iyo doorashada 2026-ka.
Ilo wareedyo ku dhow kulanka ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale innoo sheegay in madaxweynaha uu ka dalbaday Qoor Qoor, Laft agareen iyo Guudlaawe inay ka dhabeeyaan dad aalka, isla-markaana ay daacad ka noqdaan dhex-dhexaadinta ay wadaan.
Arrintaan ayaa kusoo aadayso, ayada oo haa tan ay sii laba kacleysay xiisadda u dhexeysa dow ladda dhexe iyo Puntland, kadib markii uu habeen hore madaxweyne Xasan Sheekh uu hoos u hig ay khilaafka kala dhexeeya maamulka Garo owe, isaga oo shaaciyay in uusan ogeyn tabashada ay abto Puntland, taas oo ka careys ay kooxda madaxweyne Saciid Deni
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Magacaabay Xubno Wasiiro ah
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah. Ra’iisul Wa saaruhu markuu arkay:
Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG. Qodobka 98aad faqr adiisa 2aad Xar. A&B ee Da stuurka KMG. Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KM G.Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuu mad da JFS.
Markuu tixgeliyay:
Talada Madaxweynaha JFS
Markuu garowsaday:
Baahida loo qabo maga caabidda Xubnah an Gol aha Wasiirrada JFS, wuxuu magac aabay:
1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Was iiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Ha wada R/Wasaaruhu wuxuu kula dardaa rmay in xil kooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, um mad da Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheeh an tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.
Md.Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.
Ujeedka kulan ay DF ku qabatay gudaha garoonka Aadan Cadde
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Shalay waxay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku qabatay shirka deg deg ah oo la xiriira xaaladda ka taagan dalka Sud an. Shirkan oo si gaar ah ugu saabsana taageer ada iyo joogteynta daad-gur eynta muwaadiniinta Soomaa liyeed ee Sudan ayaa waxaa ka soo qe yb-galay Was iirka Ar rim aha Dibadda, Xog haya ha Joogtada, QM, gaar ah aan wakiil ada hay’a daha IOM,UNHCR, WHO , UNFPA, UN,-OCHA iyo Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Soo-galootiga.
Shirkan oo Shalay ka qabsoomay dhismaha VIP-da garoonka Aadan Cadde ayaa waxay dhin acyadu uga wada-hadleen dadaalada daad-gurey nta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga samata -bixinayo dagaallada iyo dalalka deriska oo ay ku qaxeen.
Kulankan oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS Md.Abshir Cumar Haruuse, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Ergayga Madaxweynaha DFS u gu qaabilsan Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta danjire Maryan Yaasiin Xaaji.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muw aadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.
Si kastaba, 7kan ayay aheyd markii ay dowlad da soo daad-gureysay ku dhowaad 312 qof oo isa gu jira dhalinyaro, haween iyo caruur, kuwaasi oo billowgii dagaalka Sudan u cararay xuduudaha Koonfurta Sudan iyo Itoobiya. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan wax aa ajaanibtii ugu badneyd laga daad-gureeyay da lkaasi, gaar aha an magaalada Khartuum, dadka is aga tagaya dal kaas ee laga soo saarayo ayaa wa xaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ayjiraan qaar ku go’doonsan meelo ka la duwan
.
Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Cabdi Siciid Oo Xil Sare Looga Magaca abay Hay’ad Fadhigeedu Yahay Dalka Togo
Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya sidoo kalena soo noqday la taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa loo magacaabay Guddoo miyaha Madasha Nabadda iyo Amaanka Lome ee Dalka Togo.
Madashan ayaa qabata Shirarka iyo doodaha Dowlad wanaagga, dimuqraadiy ad da, hababka kala guurka Dowladaha Afrika.
Waxaa ay sameysaa madallo loo ga doodo amaanka,nabadda, isbeddelka Dow lad aha Afrika,habka awood wareejinta Dimuqraa diya deysan iyo ka doodista caqabad aha Afrika.
Sidoo kale waxaa ay ka shaqeysaa isku xirka Dowladaha ku jira marxaladaha gaarka ah iyo Be esha Caalamka iyada oo Dowlaha ka caawi sa ha bka looga gudbo shuruudaha xilliyada kala guurka ee la xiriira dowlad dhiska iyo doora shooyinka dimuqraadiyasaneysan .
wasiirkii hore ee arrimaha dibadda cabdi siciid oo xil sare looga magacaabay hay’ad fadhigeedu yahay dalka togo
SSC ‘OO FARRIIN KAMA DAMBEYS AH’ U DIRTAY SOMALILAND
Isimida SSC ee fadhigoodu yahay magaalada Laacaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa mar kale ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay cii damadeeda kala baxdo gobolka Sool iyo guud ah aan deegaanada SSC.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa waxa uu sheegay in Somal iland ay farriintan u dirayaan inta aanay dhibaato badani dhicin, oo aanaydagaalo kale oo lagu hoobto aysan dhicin.
Waxa uu ka dhawaajiyay inay ka go’an tahay difaaca dhulkooda iyo inay iska celiyaan ciidamada Somaliland uu sh eegay inay doolaan ku yihiin dadkooda iyo deega anadooda.
"Guryihiin idin tilmaami mayno waad garaney saa ee dhulkayaga nooga baxa farriinta u direyno waa taas. Kama dulqaadaneyno riyada ah Ingiriis ayaa dhulkaan idin siiyay oo mid aan deris ku aha aneyno ma ahan, waxaan ku wada deganaan kar naa dad Soomaaliyeed oo isgarab yaalla oo nin walba dhulkiisa iyo talladiisa leeyahay,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Xabaalaha du shooda intii laysku gac an qaadi lahaa, iyada oo ra gu nool yahay ha la is gacan qaado, intaan wiil asheenu isku dhiman, dhiigeenu isku bixin, gur yihiina ku noqda.”
Garaadka ayaa sidoo kale waxa uu xukuumad da Somaliland ugu baaqay in inta wiilashooda isku dhiman oo dhiigooda isku bixin, oo aysan dagaa lka ku dhiman in ka badan kuwii hore ugu dhintay, ay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dhulk ooda.
Hadalkan kasoo yeeray Garaadka Guud ee SSC oo u muuqda inuu yahay farriin kama damb eysa ah oo ay SSC u direyso Somaliland, ayaa la ogeyn sida ay ka yeeli doonto xukuumadda Soma liland. Somaliland ayaa oo hore dhagaha uga fureys atay baaqyo kuwan lamid ah oo xataa bee sha ca alamka u jeedisay, si xal looga gaaro cola adda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaa alada Laascaanood.
Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof, ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf wa ayeen, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata ay dhinacyadu xabada ku joojinayaan.
Si kastaba, Waxaa gebi ahaanba burburay waa n-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in labada dhinac ay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, kadib markii ay dhinacyada ku dagaalamaya Laas caanood ay ku xireen shuruudo horleh oo mid wa lba uu ka gows adeygay aqbalkeeda.
Booliska oo soo xiray Aabbe si arxan darro ah u dilay wiilkiisa
Qoraal kasoo baxay taliska qaybta guud ee Boo liska G/Banaadir ayaa waxaa looga hadlay howl gal ay ciidamada ammaanka Habeen hore ka sameeyeen D.C/casiis ee G/ Banaadir.
Howlgalka oo ahaa mid ba rtilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay Maxamad Cali Cilmi oo ku eedeysan in uu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6 sanno jir.
Aabahan oo 45 sano jir ah ayaa saacado badan la baadi goobay, wuxuuna ku eedeysan yahay dil ka wiilkiisa Maxamuud Maxamed Cali Cilmi.
"Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Cabdic asis ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir, ayaa gac anta ku soo dhigay edeysane Maxamad Cali Cilmi Ina Xaawo Cali Iimaan 45 jir ah, oo ku eedeysan inuu Degmada Heliwaa toorey ku dilay wiilkiisii Marxuum Saqiir Maxamuud Maxamed Cali Cilmi oo 6 sano jir ahaa” ayaa la gu yiri qoraalka taliska Bo oliska.
Sidoo kale taliska Bool iska Gobolka Banaadir ay aa shaaciyay in haatan uu socdo baaris ku aadan kiiskan xasaasiga ah, isla-markaana eedeysanaha loo gudbiyay hay’adaya ku shaqada leh. "Eedeysanaha, waxaa ku socota baaris, wuxuu wajihi doonaa Maxakamada Awoo da u leh si sharciga loo waafajiyo” ayaa mar kale lagu yiri.
Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Aab be Maxamed Cali Cilmi uu xanuunsan yahay, isla-markaana uu qabo xanuun dhimmirka ah.
Dhacdadaan xanuunka badan ayaa walwal ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si weyn loo baahiyay baraha bulshada, ayada oo dad badana ay ka falceliyeen falkaasi.
"Habaar qabe haddaa maqasho waaa kanaa 6 jir muxuu ogyahy? bal wakasaa hee” ayuu yiri Sa yid Cali oo kamid ay dadka ka hadlay.
"Subxaana allh wiilkan xogaa wa xanu unsan yahay ilaahey ku sababay wiilkiisa” ayay iyaduna tiri Amiiro Kooshin.
"Xasbunallah Illaheeyow na xifdi yaa rabbi” ay uu dhankiisa yiri Cabdullahi Muxu diin Maxamed.
PUNTLAND oo jawaab ka bixisay hadalkii Xasan Sheekh
Dowlad goboleedka Puntland oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa jawaab kulul ka bixisay ha dalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoos u dhigay khilaafka dowladdiisa kala dhexeeyo maamulka Garoowe, isaga oo sheegay in uusan ogeyn waxa ay ka tab aneyso Puntland.
Qoraalka ay soo saartay Puntland ayaa lagu soo ko obay 10 oo loogu jawaabay madaxwey naha, isla-markaana lagu cadde eyay tabashada ay Pun tland ka qabto dowladda federaalka.
Halkan hoose ka aqriso:-
Md. Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaa ga ma xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annag una waan ognahey, umadduna waa ogtahey.
Madaxwayne Puntland tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaab sankaro, dhiig iyo dhaqa aley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyad da 3aad ee Somalia oo ah tan Shalay jirta.
Dowladda Federaalka iyo Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay isku hayaan 10 arrrimood oo ah masiiri iyo dastuuri. Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay ku doodeysey in dowladda Federaalku ogolaato in dalku Federaal yahey, la gu dhaqmo dastuurka ku meel gaarka ah, lagana heshiiyo 10 kaan arrimood oo saldhig u ah dham aystirka Dastuurka iyo dowladnimo waarta oo ku dhisan hanaan Federaali ah.
1. Ilaalinta midnimada dalka, iyo in DFS difaac do oo caddayso mowqifkeeda ku aadan kala goyn ta dalka, waa arrin si gaar ah u taabaneysa Puntl and, waana tan Shalay ka taagan SSC.
2. Dhamaystirka Dastuurka dalka, ayadoo loo marayo hab ku dhisan wadatashi ah iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey.
3. In laga heshiiyo Hanaanka Amniga Qaran ka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciid amada qalabka sida ee dalka.
4. In laga heshiiyo sida loo maamulayo, iyo si da loo wadaagayo khayraadka dalka.
5. In laga heshiiyo, lana kala saaro awoodaha iyo siday u wadashaqeynayaan hayadaha Feder aaliga ah iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Fed eraalka.
6. In laga heshiiyo hanaanka caddaalad da iyo garsoorka dalka, iyo sida maxkama duhu u kala leeyihiin awoodaha iyo dacwad aha ay galayaan.
7. In laga heshiiyo hanaanka dhaqaalaha iyo si da maaliyadda dalku u noqon lahaa mid Federaali ah oo daah furan.
8. In laga heshiiyo nooca iyo siday noq oneyso doorashada hayadaha Federaalka ee dalka.
9. In laga heshiiyo maqaamkay yeelane yso ca asimadda dalka, mattalaadeeda iyo sharciga lagu maamulayo 10. In laga heshiiyo shuruucda iyo xeera rka dal ka intaan la horgeyn golayaasha hayadaha Fede raalka ah.”Puntland Government.
Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saar ay colaadda ka taagan LAASCAAN OOD
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood ka socda mud do ka badan saddex bilood.
Madaxweynaha ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood ee u dhax eeya ciidamada Somaliland iyo ku wa SSC, isla markaana la wa da-hadlo halkii xabbad wax lagu raadin lahaa.
Xasan Sheekh ayaa waxa uu nasiib darro ku ti lmaamay in dhiigga dadka Soomaaliyeed la daa di yo, iyada oo ugu dambeyn laga heshiin doono wa xa lagu isku hayo sida uu ka sheegay kulanka dad weyne ee ka qabsoomay magaalada Muqd isho.
"Waxaa ahmiyadda koowaad inoo ah in cola ad da ka socota Sool iyo Sanaag in la joojiyo, dhiigga daadanaya uu istaago kadibna la wada-hadlo,” ay uu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Dhinac walba xaajadu waan ka rogeynaa si loo helo midnimada Soomaaliya, in la heshiinayo waan hubaa balse waxa aan rabnaa in la joojiyo dhiigga baxaya.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in odayaal dhaqameed loo diray col aaddaasi, kuwaasi oo tegay magaalooyinka Ga ro owe, Laascaanood iyo Hargeysa, si ay u raadiy aan xal la isugu soo dhaweyn karo labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi, laguna soo afjaro colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
"Laascaanood iyo deegaankaas waa in la jo oji yo dhiigga daadanaya ka bacdina la wada-had lo. Gargaar haddii la sameynayay waa la sameyn ay welina waa socona, inta muuqata waa intaas, wad iiqooyin kale oo qarsoon oo shaqo nooga soc oto oo dhinac walba leh waa jiraan.”
Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyna yso in dadka reer Laascaanood aan lagu qasbi kar in wax aysan raali ka aheyn, "wax iyagu raali ka yi hiin ayaa soconaya, laakiin waxaa rabnaa in rabit aankaas laftigiisa uu si nabad ah ku yimaado oo si dhiig ku daadan ku imaan.”
DowlaFS oo mar kale 73 Muwaadiniin ah dalka dib ugu soo celisay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xuku umadda Fe der aalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaa mac ayaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dho weeyay 73 muwa adiniin Soomaaliyeed ah, ku waas oo dowladda So om aaliya ay diyaa rad gaar ah ka ga soo qaadday Dalka Ethiopia.
Muwaaddiniintan ayaa qeyb ka ah dadka Soo maaliyeed ee ka soo baxsa day colaadda dalka Suudaan, kuwaasi oo soo gaaaray dhanka Ethio pia, halkaas oo ay dowl adda Sooma aliya uga soo qaaday diyaarad qaas ah. Dhowaan ayay ahayd ma rkii in ka badan 100 muwaadiniin Soo maaliyeed laga soo daab ukay dalka Ethiopia, kuw aasi oo u badnaa Arday ku xan ibneyd colaadda dalka Suudaan
Wasiir Fiqi oo laba neef oo geela ku taageeray Ciidanka Xasillinta Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa laba neef oo geela ku deeqay Ciidanka Xasillinta Muqdisho, iyagoo markaasi ka wasaarad ahaan taageero u muujinaya ciidamada sugaya ammaanka Caasimadda Muqdisho.
Wasiirka ayaa gelinkii dambe ee Shalay deeq dan ku wareejiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Maxamed Cali Xagaa, kaas oo deeqda ku guddoomay Xarunta Gaadiidka Booliska ee De gmada Cabdicasiis.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in labadan neef lagu soo iibiyay lacago ay iska soo uruuriyeen masuul iyiinta iyo howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si ay ka wasaarad ahaan kaga jawaaba an baaqii xukuumadda.
"Waan ognahay ciidamadeena waxa ay mudan yihiin ma gudi karno, laakiin tani waxay calaamad u tahay in wasaaradaha iyo Dowladda Somaliya ay ka war hayso shaqada fiican ee ciidanku hayo, nafta ay hurrayaan, dadweyn ahe ena sida ay am nigiisa u su gayaan, Magaala da Muqdisho wixii ay ka samee yeen Ramadankii la soo dhaafay iyo isbuucii ka dambeeyay, runtii waxay mudan yihiin in la dhiiri geliyo, intaan iyo in ka badan.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhankooda is garabtaag u muujiyaan ciidamada, haddii ay wax badan ka qabteen xaa lad da amni ee magaalada.
"Shacabka Soomaaliyeed, ganacsatada iyo dha mmaan dadka qurbajoogta ahna waxaan ugu baa qaynaa inay maalmahoodu ayagu qaataan, wasaa rad walbana maalinkeeda ayay leedahay.” Ayuu yiri Fiqi.
Amniga Muqdisho ayaad mooddaa inuu ka soo reynayo, tan iyo markii ammaanka magaalada la gu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Ban aadir iyo Polizia Militare.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud ayaa dadaal badani ku bixineyso, sidii ay ga can bir ah ugu qaban laheyd amniga Caasimad da Muqdisho.
Hooyo dishay carruur ay dhashay oo lagu xiray Magaalada Qardho
Ciidanka Booliska ee Degmada Qardho ee Gob olka Karkaar, Puntland ayaa gacanta ku soo dhig ay hooyo lagu eedee yay in ay dishay laba wiil oo ay dha shay. Ubax Cabdi Cismaan ayaa hadda la gu haya Saldhigga Booliska Qardho, halkaas oo la gu baarayo. Carab Aadan Hayaan, Taliyaha Sal dhig ga Dhe xe ee Qardho ayaa sheegay in dhacd adaasi lagu soo wargeliyay fiidnimadii Habeen hore.
"Abaarihii 7-dii fiidnimo ee Habeen hore, iyadoo uu roob da’ayo baa kiiskaa helnay, laba wiil ay dhashay mi dna 6 bilood jiray, midna sanad iyo bar jiray, intee dishay bay ceel biyood ku tuurtay.” Ayuu yiri Tali yaha oo intaa raaciyay in hooyadaasi ay ceeji ku dishay ubadkeeda.
Taliyaha ayaa yiri "Waxaa nala soo xiriiray dad kii deriska ahaa, waana ka hawlgalnay, labadii ilm ood oo meyd ah oo markaa ceelka laga soo saa ray ayaan soo qaadnay, iyadiina waan soo qaban ay, iyadoo markaa ka maqan meesha, oo goob ka le ayaan ka soo qab anay, ciyaalkiina isbitaalkaa keenay, illaa iyo xilligaana ba aritaan baa socda, lamana aasin.”
Taliyaha ma sheegin sababta ay hooyadaasi u dishay carruurteeda, balse ay wax kasta kala ca ddaan doonaan, marka baaritaanada socda la soo geba-gabeeyo.
"Iyada laftigeedu ma weyna oo 21 sano bay jirtaa, waxaana lagu magacaabaa Ubax Cabdi Ci smaan.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray in aabaha dhalay carruurta uu ka maqnaa goobta uu falku ka dhacay.
Daba-yaaqadii bishii November ee sanadkii 2021 ayay ahayd, markii haween ey ay saygeeda ku dishay Magaalada Qardho.
Maxkamadda G/Banaadir oo iibisay kalluun si sharci darro ah looga kalluum eystay Somalia
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa iibisay kalluun si sharci darro ah looga kalluumeystay xe ebaha soomaaliya taas oo ay soo dalbadeen Sed ax shirkadood.
Maxkamadda ayaa sameysay sharuudo iyo han aan loo marayay iibinta kalluunkaan, waxaana shirk adaha kala ah Fatwo Fiish iyo Sardiin Fish ay buuxin waayeen sharuudaha sidaasi darteed Somali Seafood ayaa ku guuleystay in laga iibiyo kalluunka kadib markii ay buuxisay dhammaan ha nnaankii loo qabtay.
Sida waafaqsan sharuucda dalka ayey Maxka madda gobolka Banaadir, ku iibisay kalluunkaasi sida sharci daradda ah looga jilaabtay xeebaha dalkeena, halka 36 eedeysane oo watay iyo labba , ay sugayaan in ay wajahaan cadaaladda, ayada oo lacagta lagu iibiyay kalluunka ay ku jirto qasa nadda maxkamadda gobolka isla markaana lala sugayo xukunka.
In ka badan 40 ka mid ah Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib oo lagu dilay Shabeellaha Hoose
Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo la gu dilay dag aalamayaal ba dan oo ka tirsan kooxda Al-sha baab ka fuliyay Beerta Shariifka oo ku taala dee gaanka Nuungare oo 8 KM kaga beegan dhin aca Waqooyi deegaanka Bariire ee gobolka Shabeell aha Hoose.
Waraaxafadeed kasoo ba xay dowladda Soo maaliya ayaa lagu sheegay in ho wlgalka lagu di lay in ka badan 40 ka tirsan dagaalamay aa sha Ur urka Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo Ajaan iib isugu jirtay horjoogeyaal iyo Mal eeshiyaad, isl ama rkaana lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.
Howlgalkaan ayaa la sheegay in ciidamada is ka ashanaya ay fuliyeen habeenkii Talaadada oo taa riikhdu ahayd 2-dii bishaan May, kadib markii ciid anka Sirdoonka qaranka ay heleen xogta abaa bul ay kooxdu ka waday dhul beere edka Shariifka.
Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu shee g ay in tirada Ajaaniibta ee howlgalka lagu di lay ay tahay ku dhawaad 10 ruux, islamarkaana la gu sii daba jiro xubnaha kale ee goobta ka bax aaday.
Dorraad ayay aheyd markii ciidanka dowladda Soomaaliya howlgal qorsheysan oo ka dhacay de egaanka Ceel qaboobe ay ku dileen 60 ka mid ah Ururka Al-shabaab oo isugu jiray Sooma ali iyo Aj aaniib, islamarkaana nolosha lagu qa btay xubno isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib Shabaab ah.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo Faahfaahsan:-
XIGASHO:-HIIRAAN.COM
Somaliland iyo Ingiriiska oo ka wada ha dlay xaalada Laascaanood iyo doorasho oyinka
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowladda Ingiriiska u sheegtay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in colaada Laas caanood xal nabadeed lagu dhameeyo, iyo in doorashooyinka la qabto.
Madaxweynaha oo kulan fogaan arag ah la yeeshay Wasiiru-dowlaha Horumarinta iyo Ar rimaha Afrika ee Dowladda Ingiriiska Andrew Mi tchell, ayaa ku wargaliyay in Somaliland diyaar u tahay in xal nabadeed laga gaadho xaalada Laascaanood, lakiin laga saaro ciidamo bee leedka gurmadka u yimid.
Madaxweynaha ayaa sidookale Mitchell u shegay in xukuumadiisu ay diyaarisay kharash kii kaga bixi lahaa doorashada isla markaana ay diyaar u tahay in ay qabato doorashooyinka uru rada iyo madaxto oyada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday.
Hoos ka dheeho warsaxaafadeeda oo faah faahsan:-
Willian Ruto oo waqti u qabtay ka bixit aanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya
Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in Dowladiisu ay bilaabi doonto in Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay ka soo saarto Soomaaliya sanad ka 2024-ka, si dalka uu u xasilo.
Isagoo ka had layay munaas ab ad lagu soo ban dhigayay warbi xin ta xaaladda socda alka bariga iyo geeska Afrika, ayuu madaxw eynuhu xusay in la dhimi doono tirada ciidama da Kenya ee ka howlgala Soomaaliya.
"Waxaan la shaqeyneynaa walaalahee na Soomaaliya, xitaa iyadoo la filayo in la dhimo ciidamada sanadka soo socda, waxaan wadnaa qorshe la taaban karo oo ku saabsan sida Soomaaliya ay ugu socon karto dowlad ahaan” ayuu yiri Madaxwey naha.
Qorshahan ayuu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in ay qeyb ka tahay in dalal kala duwan ay la shaqeeyaan Soomaaliya ka hor inta aan si buuxda ciidamada looga saarin.
Ciidamada Kenya ayaa la geeyay Soomaaliya xilligii dowladdii madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki. Muddo bil ah kadib dowladda Kenya ayaa ogolaatay inay ka hoos shaqeyso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
Muwaadin Soomaali ah oo lagu helay falal Shabaabnimo ah oo laga soo tarxiilay Maraykanka
Hay’adda Dhaqangelinta iyo ka saarista Can shuuraha ee Maraykanka (ICE) ee magaalladda Seattle ayaa ku dhawaaqday in Omer Cabdi Maxamed oo 38-jir ah oo haysta dhalashadda Somalia laga tarxiilay Maraykanka.
Omer Cabdi Maxamed ayaa lagu helay inuu 2013 maleegay inuu taageero agab ah u fidiyo kooxda Alshabaab, waxaana lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyo 20 sano oo kormeer ay ku samaynayso maxkam adda Minnesota.
Xukunka Maxamed ayaa qeyb ka ahaa baaritaan ballaaran oo diiradda lagu saarayay qorista dhalinyarada Soomaaliye ed ee Mara ykanka ku sugan si ay ugu biiraan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa horseeday in dacwad lagu soo oogo ku dhawaad 18 qof, kuwaas oo sideed ka mid ah lagu helay dambiyada.
Shaqsiyaadkani kuma ekaan oo kaliya dag aalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee wa xay sidoo kale ku lug lahaayeen fududaynta saf arka, bixinta taageero dhaqaale, iyo qorista dhallinyarada.
Maraykanku wuxuu sheegay kooxihii ugu horreeyay ee Shabaabnimo loo qoro inay ka ta geen dalkaas dabayaaqadii 2007-dii, iyadoo ay baxeen dad badan 2008 iyo 2009. Waxaa la sheegay inay degeen guryo ku yaalla koonfurta Soomaaliya ka hor inta aysan ku biirin xero tab abar oo ay hoggaaminayaan xubno sare oo al-Shabaab ah iyo xubno al-Qaacida ah oo ka yimid Bariga Afrika.
Dowladda Maraykanka waxay sheegtay, sannadkii 2008 in qaar ka mid ah dhallinyarada ka tagay Minneapolis ay ka qaybqaateen wee rar gaadmo ah oo ay al-Shabaab ku qaadeen ciidamada Itoobiya. Dabayaaqadii sanadkaas, Shirwac Axmed oo ka yimid Minneapolis ayay Dowladda Maraykanka sheegtay inuu u noqday qofkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo isku qarxiya Soomaaliya.
Wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo Jabhadda OLA oo ku dhamm aaday natiijo la’aan
Wajigii koowaad ee wadahadallada nabadeed ee u dhexeeyay dawl adda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee kasoo jeedda gobolka Oromada ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, sida ay sheegeen labada dhin ac Arbacada Shalay ah, iyada oo ay jirto col aad ay boqolaal qof ku dhinteen,tobanaan kun oo kalena ay ku bara kaceen.
Koxda kacdo onka ka wadda gobol ka Or omiya oo ay deg an yihiin qoowmiyada ugu tirada badan Itoobniya ee Oromada ee OLA ay aa muddo tobannaan sano ah la dagaalamaysay dowladda Federaalka oo ay ku eedeeyeen takoor iyo dayacaad. "In kasta oo wadahadalladu ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, haddana suurtagal ma ahayn in heshiis laga gaaro arrimaha qaar intii lagu jiray wareeggii wa dahadallada,”
ayay dowladdu ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in la sii wado wadahadallada.
Wadahadall adan oo ay dhexdhexaadinayaan urur goboleedka IGAD ayaa toddobaadkii hore ka billowday jaziiradda Zanzibar ee Tanzania. Ra bshadaha ka socda Oromiya, oo ku hareeraysan caasimadda Addis Aba ba, ayaa madax-xanuun weyn oo dhanka ammaanka ah ku haya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kadib dagaal sokeeye oo laba sano socday oo ka dhacay gobolka waqooyiga ee Tigray, kaasoo dhammaaday markii laba da dhinac ay gaareen heshiis nabadeed bishii November ee sannadkii hore.
Ururka Oromada oo ah ee OLA oo urur la mamnuucay oo hore uga tirsanaa Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLF, ayaa bayaan ay soo saa reen ku xaqiijiyey inay doonayaan inay sii wadaan wadahadallada, wax aana sheegeen inaan wax heshiis ah laga gaariin "arrimaha muhiimka ah”. Reuters.
Mareykanka Oo Ciidamo Dheeraad Ah Geey ay Xadka Mexico, Si Loo Yareeyo Qulqulka Muhaajiriinta
Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico.
Go’aankan ayaa imanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sa re u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda marka ay 11-ka May dhammaadaan xayiraadaha socdaallka ee la xiriira COVID-19.
Qiyaastii 1,500 oo askari ayaa la gayn doonaa xuduudda, kuwaasi oo dheeri ku noqon doona 2,500 oo horey halkaas u joogay si ay u taag eeraan mas’uuliyiinta ilaalada xuduudda.
"Muddo 90 maalmood ah, shaqalaahan militari waxay buuxin doonaan firaaqyo xasaasi ah,” waxaa sidaas bayaan ku yiri afhayeen u hadlan Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder.
Marka la gaaro 11-ka May, maamulka madaxweyne Biden ayaa qaadi doona xeerka Title 42, oo ah xayiraad adag oo uu soo saaray madaxwe yne Donald Trump, si uu u diido soo gelitaanka muhaajiriinta, una eryo dadka magan-galyo doonka ah, ayada oo qiil laga dhiganayo COVID-19.
Ayada oo la fududeynayo xeerarkii Coronavirs — oo ay ku jirto go’ aankii Isniinta ee lagu soo afjaray tallaalka looga baahnaa dadka usoo safraya Mareykanka — maamulka Biden qiil kama dhigan karo xeerka Tit le 42, si loo xakameeyo muhaajiriinta.
Taa beddelkeeda, maamulka ay aa qors heynaya inuu Muhaajiriinta ku xakameeyo adeegsiga Xeerka Title 8, oo dambi ka dhigaya kasoo tall aabista sharci-darrada ah ee xuduudda, taasi oo qofka sidaas sam eeya u diideysa inuu sharci helo mustaqb alka. Washington ayaa sheegtay inay rajeyn eyso in muhaajiriinta iyo mag an-galyo doonka ay hadda isku diiwaan geliyaan war eysiga saraakiisha socdaalka ayaga oo jooga dalalkooda, ama dalalka ay soo ma raan ka hor inta aanay iman xuduudda.
Wareysiga waa in lagu soo diyaariyaa app-ka cusub ee CBP One.
Sidoo kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ku dhowaaq day toddobaadkii tegay inay diyaarineyso xarumo lagu eego kiisaksa mu haajiriinta oo laga sameynayo dalalka — ayada oo lagu billaabayo Col umbia iyo Guatemala.
Dalalka Canada iyo Spain ayaa sidoo kale ogolaaday inay qaataan qaar ka mid ah muhaajiriinta kiiskooda lagu soo cadde eyo dalalkaas, si da ay sheegeen saraak iisha Mareykanka.
Ruushka oo Ukraine ku eedeeyay in ay isku dayday khaarijinta Putin
Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen laba diyaaradood oo ah no oca aan duuliyaha lahayn kuwaas oo Habeen hore bartilmaameedsaday aqalka Kremlin-ka ee magaalada Moscow, waxayna ku eedeeyeen Ukraine inay isku dayday inay disho madaxweynaha Rushka Vladimir Putin.
Kremlin-ka ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la gu soo riday adeegyo gaar ah oo isticmaalaya nidamka raadaarka elektaroo nigga ah. Mr Putin ayaa xilligaas joogin xarunta Kremlin-ka, afhayeen kiisa Dmitry Peskov ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee dowl adda, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax burbur ah oo soo gaaray dhismayaasha.
Ukraine ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin. Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ee Ruushka ayaa muujinaya qiiq ka dul dhacay bartamaha Moscow saacadihii hore ee Arbacada. Bayaan uu soo saaray Kremlin-ku ayaa lagu yiri: "Habeen hore, taliska Kyiv wu xuu isku dayay inuu weerar la beegsado guriga Kremlin-ka ee uu degan yahay Madaxweynaha Federaalka Ruushka iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn.”
Waxa uu sheegay in ay arrintan u aro "fal argagixiso oo la qorsheeyay iyo isku day dil oo lagu beegsanayey madaxweynaha”, Ruushkuna waxa uu "xaq u leeyahay in uu qaado tillaabooyin aargoosi ah meel kasta iyo mar kasta oo loo arko in loo baahan yahay”.
BOGGA CIYAARAHA:-
LIISKA CIYAARTOYDA KUBADDA CAGTA EE UGU MUSHA ARKA BADAN SANADKAN OO LASOO SAARAY.
Liiskaciyaartoyda kubadda cagta ee ugu mushaarka badan sanadkan oo Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan adduunka ee sanadkan 2023-ka, ka dib markii uu horraan u dhaqaaqay kooxda kubadda cagta ee ka dhisan horyaalka Sacuudiga ee Al-Nassr.
Ku biiristiisa kooxda ayaa keentay in mushaarkiisa sanadlaha ah uu ku dhawaad laba jibbaarmo ilaa todobaatan iyo shan milyan oo doolar. Marka lagu daro lacagaha uu garoonku ka soo galo, xiddiga reer Portugal waxa uu bangiga dhigay lacag dhan boqol soddon iyo lix Milyan oo doo lar sanadkii la soo dhaafay. Liiska sannadlaha ah ee Forbes ayaa la gu arkay ciyaartoyda kale ee kubbadda cagta ciyaara sida xiddigaha Lionel Messi iyo Kylian Mbappe iyagoo galay kaalmaha labaad & 3aad. Waxaa kale oo liiska soo galay LeBron James oo kubbadda koley ga ah& ifeery ahan Canelo Alvarez waxa ayna kasoo muuqdeen shanta ugu sarreysa.
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 4-TA MAY 2023-KA
..