
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA MAY 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob fagaare ah kaga jawaabay Su’aalaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed "SAWIRRO”
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob faga are ah kaga jawaabay Su’aalaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed "SAWIRRO”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xa san Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Doo d-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo weydiinayeen su’aalahooda la xiriira do wladnimada iyo waxqab adkiisa sannadkii tagay ayaa soo bandhigay si da ay uga go’an tahay in dalkeennu uu ka xoro obo argagixisada gaarana horumar muuqda.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabad da ugu weyn ee dib dhigtay dalkeenna ay tahay argagixisada galaafatay nolasha kumannaan kun oo dadkeenna ah, caqabaddana ku noqo tay nolasha, horumarka iyo wax-wadaqabsiga Soomaaliyeed.
"Sannadkii 2012-kii markii aan xilka nimid waxaan xoreynay deegaanno badan oo Al-Sha baab gacantooda ku jiray, caqabado badan baa jiray, casharradii iyo khibraddii aan kaas ka bar annay ayaa maanta saldhig u ah holwgallada aan wadno. Dadka Soomaaliyeed in ay dagaal ka qeyb-galaan ayaa udub-dhexaad u ah qor shaheenna maanta iyo guusha aan joogno.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aa bogaadiyey nafhurnimada Ciidamada Soo maaliyeed iyo dadka deegaannada la xoreeyey, waxa uuna xusay mustaqbalka wanaagsan ee dalkeennu uu leeyahay, markii laga xoreeyo arg agixisada iyo rajada aadka u sarreysa ee uu ku qabo in degdeg loo cirib-tiro khawaarijtaas.
"Al-Shabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhan kii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirsh abeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Ma anta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la’aan ku imaanaya Muqdisho.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharc iga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshi isiinta iyo xiriirka caalamiga ah.
Baarlamaanka; "Taariikhda waa markii ugu horreysay oo Baarlamaanka Soomaaliyeed ay hal fadhi ku saxiixaan sharciyo gaaraya 11 sha rci oo badankood aas-aas u ah deyn cafinta, maalgashiga iyo dowladnimada. Tani waxay ca ddeyn u tahay shaqada adag ee socota.”
Arrinta Laascaanood; "Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda soc ota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto oo la wada xaajoodo. Dadka La ascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama ay calankii buluugga ah ku adkey sanayaan, midnimadana u ololeynayaan.
Wax aysan raali ka ahayn cidna kuma khas bi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda aysan dhiig badan u daadan.” Puntland; "Mad asha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka dhammaant ood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey ee Ba yd habo. Hadda saddex Madaxweyne oo dow lad-goboleed ayaan u xilsaarnay in ay soo dheg aystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan anna gu ilaa haatan ognahay, ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin.”
Maqaamkii gaarka ahaa ee Caasimadda "Wali laguma guuleysan, sababtuna waa qabyo –tirka dastuurka oo aan wali lagu guuleysan. Ca qabadaha kale oo jira waxaa ugu weyn amniga, iyadoo aan xoogga saareyno sidii aan u joojin lahayn dhibaatada ay argagixisadu ay ku hayso Caasimadda, taas kaddib waxaan ka shaqeyn doonaa bilicda iyo maamul dhiska.”
Xiriirka caalamiga ah, "Dalalka is diiddan ee gobolka iyo guud ahaan caalamka mid kasta wa xaan la nahay saaxiib, mana jirto mid ay colaad nagala dhexayso, waxaanna diyaar u nahay xitaa dalalka is-diiddan in aan ka qeyb-qaada nno isfahankooda.”
Kala saaridda awoodaha dowladda; "Awoo daha Ra’iisul Wasaaraha waxay ku qeexan yi hiin dastuurka dalka, shaqada ugu badan ee deyn cafinta iyo xoreynta dalka waxaa hogg aaminaya Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaa shaandhigga, labaduna waxay ka tirsan yihiin Golaha Xukuumadda, waana shaqada ugu ball aaran ee hadda socota. Xafiiska Madaxweyna ha waxa ka socda waa talo-bixin iyo jiheyn, sha qadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda.”
Doorashooyinka; "Waxaa iga go’an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Ma anta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka. Xigasho:-radiomuqdisho.net
Ra’iilsal wasaare Xamse oo u hambalye eyey shaqaale weynaha Soomaaliyeed
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay munaasabadda maalinta shaqaalaha Ad duunka ee 1-da Maajo awgeed, waxaa uu ha mbalyo ah u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.
Rwasaare Xamse ayaa xu say doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo ku bog aadiyey dadaalka ay geliyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka.
Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumadda Dan-qaran ay dadaal xooggan gelisay dejinta iyo ansixinta siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo xaqiijinaya xuquuqda shaqaalaha Soomaaliy eed,waxaana uu Alle uga baryay iyaga iyo qo ysaskooda horumar iyo baraare.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo difaacay ciida mada shisheeye ee ka caawinaya waj iga labaad ee dagaalka Alshabaab
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xas an Sheikh Maxamuud oo Habeen hore ka qeyb galayay dood furan oo su’aalo lagu weydiinay ay, ayaa ka hadlay ciidamada shisheeye ee Do wladda ka caawinaya wajiga labaad ee howlgal ka dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la weydiiy ay cawaaqib xumada ka dhalan karta cidamada shisheye ee aan ka tirsanayn howl galka ATMIS.
Madaxweynuhu wuxuu caddee yay in dowlad da Soomaaliya ay leedahay jihaynta ciid amadan, islamarkaana wuxuu sheegay inay ka howlgalayaan meel walba oo ay dowladda ka codsato, si ay Alshab aab uga saaraan.
Xasan Sheikh wuxuu sheegay in dowladaha kala qeyb galaya dagaalkaan, ay laftooda muh iimad weyn u leeyahay inay gudaha Soomaal iya kula dagaalamaan, kuna ciribtiraan kooxda Alshabaab, maadaama ay dalalkooda Alshaba ab ku hayso Qatar amni oo weyn.
"Annaga iyo iyaga waxaan ku tashanay, Sha baab in Soomaaliya gudaheeda lagu baabi’iyo. Iyagana uusan u gudbin, annagana dhexdeena aanu joogin, waa qodob. Qodobadka labaad, Operation-ka naga dhaxeeya annaga iyo dowl adahaas waxaa 90 maalmood. Ma heli karno inaan dhahdo Amisom hala soo badiyo. Waxa an rabnaa ciidamo aan dhihi karno waddadan mara,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.
Marka uu madaxweynuhu ka hadlayay cidda bixinaysa dhaqaalaha ay ku howlgalayaan ciida madan, wuxuu sheegay in dowlad kaste ay iya du dhaqaalaheeda la baxayso, ayna tahay arrin ay ku caawinayaan Soomaaliya oo ka codsatay.
MADAALE oo shaaciyay arrin uga qor sheysan dhagxaanta jidadka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xu seen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay kul an su’aalo lagu weydiinayay isaga iyo mas’uul iyiinta gobolka Banaadir ayaa shaaciyay arrin uga qorsheysan dhagxaanta jidadka Muqdisho qaarkood lagu jaray.
Guddoomiye Madaale oo ka garaabay dhiba atada ay waddooyinka xiran kala kulmaan shacabka reer Muqdisho ayaa waxa uu sheeg ay inay qorshe ynayaan in la furo waddooyin ka xiran oo la qaado dhagaxya da ku go’an, isaga oo tusaale usoo qaatay kalkiisi hore ee 2016-ka.
"Annaga 2016-kii marka tallada joognay, qaa satan anigu aan ahaa Duqa Magaalada xillig aas jid dhagax yaallo ma jiri jirin, Cabdi-bilaya asha ayay ciidanka marmar ku xiri jireen oo inta ka degno oo dhirbaaxno ayaa ka qaadi jirnay. Dhagax jid yaalo wax jiri-jiray maahan”ayuu yir.
"Dhawaan go’aan ayaa laga qaadan doono oo waa socota howshiisa qaadista dhagxaanta ha ddii Ilaahay yiraahdo,” ayuu hadalkiisa sii raac iyay guddoomiye Madaale.
Sidoo kale waxa uu sheegay in marka ay u su urta-gasho inay isku furaan waddooyinka M/Mu qdisho ay u qorsheyn doonaan dadka baahiya ha gaarka ah qaba waddooyin gaar ah oo ay maraan, kuwaasi oo hadda dhibaato weyn ku qaba adeegsiga jidadkaasi.
"Magaalada Muqdisho waddooyinka caadiga ah ayaa dhib lagu qaba, markay inoo suurta-ga sho isku furida waddooyinka magaalada oo la ami laga dhigo ayaa u qorsheyn doona meelo ay maraan.”
Maamulka gobolka Banaadir oo muddooyinkii dambe u muuqda mid shaqadiisa dardar xoog an ku wada, ayaa waxa uu xilligaan qeyb ka ya hay qorshaha lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho & howl-gallada ka socda caasimada.
Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ciidama da ammaanka dowladda, gaar ahaan kuwa Bo oliska iyo ciidamada cusub Boolis Militari ayaa isku fidiyay Muqdisho, taasi oo keentay inay na fis weyn dareemaan shacabka ku dhaqan caasimada oo horay u wajahayay xaalado amni darro.
DF oo maamullada ku wareejisay gawaari nooc cusub ah
DFS ayaa Shalay waxay gawaari u sameys an sida xarumaha caafimaadka, kuwaasi oo loo yaqaano nooca guur-guura ku wareejisay qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Wasiirka W/Caafimaadka & daryeelka Bulshada XFS Dr.Cali Xaaji Aadan oo gaw aaridan ku wareejiyay wasa aradaha caafimaadka ee DG/yada,ka dib muna asibad ka dhacday Muqdisho.
Munaasabdda lagu wareejinayey gawaaridan u samaysan, una qalabaysan sida xarumaha ca afimaad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiira da caafimaadka maamullada Jubbaland, K/ Gal beed, HirShabelle iyo G/Banaadir, madax ka so cotey hay’adda UNFPA iyo marti sharaf kale.
Gawaaridan loogu tala-galay hanaanka cusu b ee caafimaadka guur-guura oo gaaraya ilaa shan gaari ayaa wax badan ka geysan doona yareynta xaaladaha dhimasho ee dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada.
Sidoo kale waxay qeyb ka noqon doonaan wax ka qabashada xilliyada ay dhacaan taca diyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed, taasi oo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegey in gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka.
Wasiirka ayaa shaaciyay in gawaaridan la geyn doono goobaha sida; magaalooyinka Ba ydhabo, Kismaayo, Doolow, Beledweyne iyo weliba gobolka Banaadir.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka go’an wax ka qabashada ba ahiyaha caafimaad ee ka jira dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta caafimaadka ee dowladda.
Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ruushka
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS Md.Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) ayaa Sha lay Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka dow ladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya danjire Mikhail Golovanov.
Kulanka ayaa looga had lay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tartanka ay Soomaaliya ugu jirto kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaan ka ee QM in Ruushku Soomaaliya ku taageero, cunaqabataynta hubka ee waqtiga dheer Soom aaliya saaran iyo dayn cafinta maadaama Ruush ku ka mid yahay dalalka daynta ku leh Soomaaliya.
Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay xoojin ta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacy ada Diblumaasiyadda caalamiga ah, ammaan ka iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee arday da Soomaaliyeed ka helaan dalka Ruushka.
DF iyo QM oo wada-hadal xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Md.C/dir Maxamed Nuur ayaa Shalay M/ Muq disho kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki. 2da ma’suul ayaa ka wada-hadlay ar rimo dhowr ah oo ah kamid yihiin; taageerada
DFS uga baahan tahay dhanka saadka ee ciida mada Soomaaliya, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray baahida de g-degga ah ee loo qabo in cuna-qabateynta hub ka laga qaado Soomaaliya, si loo qalabeeyo cii damada qalabka sida ee Soomaaliya.
2-da mas’uul ayaa kulankooda waxay uga wa da-hadleen oo kale sidii Loo xoojin lahaa taag eerada howl-galada socda iyo kuwa la qorshe ynayo ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay kulankaan.
Wada-hadalkan ay Muqdisho ku yeesheen DFS & Q/Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka si hordhac ah uga billowday wejiga 2ad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxaha argagixisada ah ayaa waxay marar badan caalamka u caddeysay in dagaal ka aysan sii wadi karin oo xagjiriinta aysan ka adkaa karin, hadii aan laga qaadin cuna-qabate ynta saaran.
"Cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaal iya waxay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciida mada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada,” ayuu kal hore yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.
DFS ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sh.ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan gal ineysa sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran. Golaha Ammaanka ee QM ay aa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Sooma aliya cuna-qabateyn aan dhamaad lahayn ka hor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febr aayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hub ka ee ciidamada dowladda federaalka Soo maaliya.
Wasiir dowlaha wasaaradda deegaanka XFS oo gaaray Geneva
Wasiiru Dawlaha W/Deegaanka &Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xi rsi iyo wefti khubaro ah oo uu hoggaaminayo ay aa gaarey M/Geneva ee dalka Swit ze rland.
Wasiirka iyo weftigiisa ayaa ka qayb-geli do ona Shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyin ka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeela ta caafimaadka aadamiga iyo deegaanka.
Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya Shirw eynaha Sixiixayaasha 11aad ee Axdiga Rotterd am (RC COP 11.) oo berri magaalada Geneva ka furmi doona.
Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hann aanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cay ayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’ uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaansha ha dalalka wax loo iib-geeyo iyo shuruucda caa lamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kii mikadaa soo saara iyo shIrkadaha ka gana csada. Axdigan ayaa Soomaaliya & dalalka la ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido & kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin.
Macallin Mahdi oo shaaca ka qaaday 4 arrin oo keentay amniga XAMAR
Taliyaha qaybta guud ee booliska G/Ba naa dir, G/ Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Ma hdi) oo ka qayb-galay kulan su’aallo lagu weydi inayay isaga iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaa dir ayaa ka hadlay amniga Muqdisho.
Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday in isbeddal weyn oo amni haatan laga dareemayo caa simada, kadib dadaallo ay samee yeen wixii ka dambeeyay bishii Ramadaan.
Taliyaha ayaa xusay inay yaraadeen dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray caasimada, wuxu una sheegay inay ku timid how lgallada ay wa daan iyo isbeddal lada
socda. Sidoo kale waxa uu sheegay in afar arri mood ay keentay amniga iyo xasiloonida haa tan ka jirta magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka la ah: Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeey ay ciidamada amniga lana dagaalay Shabaab, dagaalka lagu beegsaday dhaqaalaha Shaba ab, wada shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale xakameynta hubka waa weyn.
"Shacabka Soomaaliyeed oo ku kacay oo dhibaateynaya ayaa naafo ku ah ebel waa iska jiifan jireen canshuur ayay ka qaadan jireen dha qaale ayay ka heli jireen, runtii door muhiim ayay ka qaadatay xasiloonida magaalada” ayuu yiri taliye Macallin Mahdi.
Waxa kale oo uu ku daray "La dagaalanka dhaqaalaha door fiican ayay xukuumadda iyo dowladda qaadeen sida aad la socotaan inta qo fka dhaqaale uu haysto waa inta uu sii jiri karo”.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaq-dhaqaaqyadooda iyo howlgallada ay sii wadi doonaan, ayna ka hortagi doonaan wax ka sta liddi ku ah amniga caasimada.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaan ka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo ciid amada cusub Boolis Militari ayaa isku fidiyay Muqdisho, taas oo keentay inay nafis weyn dar eemaan shacabka ku dhaqan caasimada oo ho ray u wajahayay xaalado amni darro.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajahey sa culeys xoogan, waxaana sidoo kale lagu jabi yay inta badand dagaallada kas socda koonfur ta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dukaan Dahab oo dharaar cad dhac looggu geystay dalka Faransiiska.
Booliiska ayaa baaraya, ka dib markii dukaan dahab ah oo heerkiisu sarreeyo oo ku yaalla mag aalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, lagu dhacay dharaar cad Shalaynima dii sabtida. Waxaa jira muuqaal muujinayaa xiligii uu falku dhaca yay, iyo muuqaalka dadka la tuh unsan yahay, kuwaasoo kasoo baxaya dukaanka oo ku yaalla dhismaha Place
Vendôme. Dukaanka Bulgari, ayaa waxaa horay u beegsaday tuugo hubeysan iyadoo alaabaha la isku qurxiyo oo qiimahoodu dhan yahay €10 milyan (£8. 77m), ay qaateen muddo haatan laga joogo ku dhaw aad laba sano ka hor. Dhacdadaas, ayey booliisku waxey ka toogteen mid kamid ah dembiilayaashii
lugta, iyagoo markii danbe la xukumay dambiilihii.
Wasaaradda ganacsiga oo soo bandhigt ay hindise sharciyeedka tartanka xorta ah
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo War shadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa Shalay guddoomiyey shirkii 7adlaha ahaa Wasaaradda, waxaa na uu warbixi no la xiriira ha wlaha waxqabad ee Wasaa radda uu ka dhag eystay Ag aasime Waaxe edyada iya da oo si gaar ah halkaas looggu ban dhiggay Hi ndise Sharciyeedka Tartanka Xorta ah (Fair Co mpetition Act)
Sharcigan, ayaa ahmiyad weyn u leh in shirkad aha ganacsigu ay si xor ah ugu tartama an su uqa, waxaana uu kala xadaynayaa xad-gudub ka shirkadaha ama shaqsiyaadka gancs iga, taa s oo ugu dambeyn kor u qaadeysa hal-abuurka islamarkaana dhowraya macaamilka.
Hindise Sharciyeedkan, ayaa ujeedkiisu yah ay in uu dhiirigeliyo jawi tartan oo ku dhisan gan acsi xor iyo xalaal ah, kana hor tagayo falalka guracan ee suuqyada/ganacsiga si loo kordhiyo waxtarka wax-soosaarka, qeybinta iyo daabulaa da badeecadaha iyo adeegyada, dhiirigelinta ha la-buurka iyo weli ba Abuurista jawi ku haboon malgeshiga dalka
Ciidan ka mid noqonaya Danab oo tababar looga furay Ballidoogle
Cutubyo ka mid noqonaya Ciidanka Kuma andooska Soomaaliyeed ee Danab ayaa taba bar looga furay Xerada Tababarka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Xeradan ayaa dhawaan loogu magac-daray G/le Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure), Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Kumaando oska Danab, kaas oo 20-kii bishii January lagu dilay weerar ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Degmada Galcad ee Gobolka Gal gaduud.
Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Bee ryare) ayaa ciidamadan tababarka uga furay Dugsiga Tababarka ee G/le Xasan Tuure.
Ciidamadan ayaa waxaa tababaraya Saraak iisha Ciidamada Mareykanka ee saldhigga milit ari ku leh Garoonka Ballidoogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn, iyagoona noqonaya duf caddii 9aad ee Danab yeelato.
Xoogagan cusub ayaa loo tababaraya, sidii ay kaga qayb qaadan lahaayeen hawlgalada mi litari ee dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixi sada, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda.
DFS iyo Mareykanka ayaa 16-kii bishii March M/ Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku aadd an dhismaha iyo xoojinta Ciidanka Kumaando oska Danab ee Xoogga Dalka, iyadoo markaasi la ballaarinayo tababarkooda, qalabeyna loo sa meynayo.
Danab waa ciidan lugta ah oo si gaara loo tab abaro, waxayna fuliyaan hawlgalada qorsheys an ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, iyagoona la hawlgala Militariga Mareykanka ee DFS ka taageera weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo malee shiyada Shabaabka.
Xogta kulan dhex-maray MADAALE iyo ganacsatada goobihii la xiray
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Du qa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimc aale (Madaale) ayaa Shalay xarunta Aqalka D. H.xamar ku qaabilay ganac satadii laheyd xaru mihii dhawaan uu xiray maamulka G/Ba naadir.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa Dorraad si deg deg ugu yeeray ganacsatadan, waxaana Shalay si gaar ah u qaabilay Guddoomiye Mada ale, iyada oo oo hay’add aha dowladda ay fasax yih iin.
Ganacsatadan ayaa gu ddoomiyaha G/Banaadir la wadaagay Shatiga ay hore uga qaateen D.H Xamar, kaasi oo ay ku furnaa yeen goobaho. oda ganacsi, kahor inta uusan soo xiran maa mulka gobolka.
Gud.Madaale ayaa waxa uu ganac satada la wadaagay in mabnuuc ay tahay isti c maalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuu ga, Qamri ga, Calaqa iyo Xashiishka, sidaas dar te ed ay tahay in markale aan waxyaabahaasi la gu ar kin goobahooda ganacsi.
Sidoo kale waxa uu amray guddoomiyaha gobolka Banaadir in xilliga habeenka wixii ka da mbeeyay 12:00 habeenimo aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo.
Kulankan uu guddoomiye Madaale la qaatay ganacsatadan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Md. Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).
Maamulka G/Bdir ayaa hore shatigii kala la abatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha Maandooriya oo ku yaalla M/Muqdisho ee caasimada dalka.
Hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen ayaa wa xa uu maamulka gobolka xilligaasi sheegay in laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xu mo, dilal iyo dhac dadweyne.
Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaya xilli ay ca asimada ka socdaan howl-galo lagula daga al amayo maandooriyaha, islamarkaana uu maa mulka gobolka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaal aha lidiga ku ah anshaxa.
Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda ka taagan…
Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo dar yeelka bulshada xukuumadda DFS Md. Dr Cali Xaaji Aadam ayaa Shalay ka qeyb-galay shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda dalka Su dan.
Shirkan oo ku qabsoomay habka fogaan ara gga ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Golaha was iirada caafimaadka ee dalalka Carabta, waxay na dhinacyada uga wada-hadleen arrimaha ka soo cusboonaaday xaaladda Sudan, oo uu ka socdo dagaal galay 7aadkii 3aad. Wasiirka Caafimaadka Sudan Dr Haytham Cawad ayaa ka warbixiyey xaaladda qeybta caafimaadka ee dal ka Sudan iyo dhibaatooyinka ka soo gaaray dag aalada ka qarxay wadankaasi.
Warbixintan ayaa waxa uu wasiirku ku cods aday in lala soo gaaro gurmad caafimaad oo deg deg ah, sida dawooyin iyo agab caafimaad, maadaama Isbitaallo badan ay soo gaareen bur bur baaxad leh.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo dary eelka bulshada dowladda federaalka Soomaali ya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Sudan dhibaatada ka soo gaartay shaqaaqooyinka ka socda caasimadda iyo gobo llada kale ee wadanka Suudaan.
Sidoo kale waxa uuna Alle uga baryey inuu ugu deeqo nabad waarta dalka Sudan, sida la gu sheegay qoraal ay wasaaradda kasoo saar tay kulankaan deg deg ah ee yeesheen golaha wasiirada caafimaadka ee dalalka Carabta
Golaha ayaa u muujiyey garab istaag walaa lnimo walaalahood Sudan, waxayna go’aamiy een in goobaha colaaduhu saameeyeen la gaa rsiiyo gurmad deg deg ah oo dhanka caafim aadka ah, kaasi oo iskugu jira dawooyin iyo agab caafimaad.
Yey yihiin xildhibaannada wada moo shinka Xamza?
Xildhibaan Cali Xaaji oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa xog cusub ka bixiyay mooshinka ka dhanka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Ba rre ee haatan socdo.
Xidlhibaanka ayaa sha aca shaaca ka qaaday in mooshinkaasi lagu deg-degay, isla-markaana xildhibaanada wada ay caqabad ku yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shab aab.
Mudane Cali Xaaji oo deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland ayaa si weyn u difaacay xukuu madda DanQaran, wuxuuna tilmaamay in mudd ada ay jirtay ay qabatay wax badan.
"Dadka wax dhaliilaya waxaan u arkaa inay ta hay dhaliil deg-deg ah, waxaayo waxaan oran karnaa ra’iisul wasaaruhu waa nin shaqo bad an,” ayuu yiri xildhibaanku.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray xildhib aanada wada mooshinkaasi ay yihiin kuwo iska dhex-waayay golaha wasiirada, sidaas daraad eedna ay u mucaaradayaan xukuumadda.
Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay mooshinkan ay damacsan yihiin inay ku fushad aan dano gaar ah, si au dowladda wax uga hel aan, sida uu hadalka u dhigay.
"Haddii ay noqoto dhaliishaada inay iska dhex weysay wasiirada ama dowladda oo qayl inaya, isla-markaana ayu ku saabsan tahay wax u gaar ah, taana dowladnimo kuma dhisanto,” ayuu mar kale uiri Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tir san Golaha Shacabka Somalia.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo moo shinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xamza la gu diyaarinayo magaalada Nairobi oo ay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano dhowr ah oo raba in ay ridaan xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran.
Sida ay ogaatay Caasimada Online abaabul ka mooshinkan ayaa haatan si xawli ah u soc da, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qo rshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda. Si kastaba, XFS R/W. Xamza ayaa muddo oyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igm aday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xil.C/C/ Warsame.
XUSKA 1-DA MAY EE MAALINTA SHAQAA LAHA DUNIDA
Shucuuubta dalalka dunida ee ku mideysan hey’adda Q/Midoobay ayaa Shalay u dabbaal degaya munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguur ada 104-aad ee ka soo wa reegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee sha qaalaha dunida ILO (International labour Organi sation) .
1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameys tiran oo lagu wadago shqada
1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciy addii qarumaha ka dhaxeys ay,ayaa ku dhawaa qay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala dan ta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaa laha iyo milkilayaasha warsh adaha & beraha.
Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaat ay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxana ka mid ahaa:-
1-in si wadajir ah looga hortago shaqada kha sabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xa gga shaqada iyo shaqaalaha a.
2- kor uqaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heer arka caalamiga ah ee shaqada.
3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriya dda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharaf ta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.
4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo sha qeeyaha, iyo shaqaalaha.
5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaa laha. Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee Shalay u dabb aalde gaya xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunid a,iyo muunaasabadda 68-aad ee aasaa ska urur ka shaqaalaha Soomaaliya.
waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhi san dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaata an kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horu marka dadka iyo dalka .
Ujeedkuwaa in maamulka Ururka Shaqaala ha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .
Shalay waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaari taanka hor umar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dad ka iyo dalka. Gabagabadii ,waxaan halkaan ha mba lyo uga direynaa shaqaalaha dun ida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u
rajeyneynaa guul iyo horumar.
XIGASHO:-SONNA.SO
Afhayeen Buuni: Dadka reer Laasca anood dookh malaha
Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa sheegay in dadka reer Laasca anood ay yihiin reer Somaliland isla markaana anay jirin dookh kale oo ay ha ystaan.
Cabdinaasir Muxumed Xas an Buuni, oo waraysi kooban siiyay Horyaal TV, ayaa ka ja waabay hadal uu siyaasi C/C/shakuur ku shee gay in dadka reer Laascaan ood aan lagu khas bi karin midnimada Somalil and.
"Hadii aduu markii aad wasiirka ahayd aad ku iibisay badii Soomaaliya dookh aad leedah ay, shacbiga Somaliland, doc ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh, waxay qaateen rabitaan 1991" ayuu yidhi Buuni.
Waxa uu sheegay in Shakuur aanu hadalki isa dowlada Soomaaliya ku matalayn, oo uu ah aa hadal uu si shakhsi ah u yidhi, wuxuuna ku ti lmaamay shakhsi baal madow kaga jira taari ikhda Soomaalida.
Buuni waxa uu dowlada Soomaaliya uga ma had celiya in anay Shakuur xil wasiir siinin, isa ga oo sheegay in uu bada Soomaaliya iibiyay mar uu wasiir noqday.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu dhawaan ku baahiyay bartiisa Faceb ook ku dhaliilay habka ay Somaliland u wajah day colaada Laascaanood, isaga oo sheegay in reer Laascaanood aan lagu qasbi karin midni mada Somaliland.
Howlgalada la dagaalanka Maandooriya ha oo si xowli ah uga socda Muqdisho
Ciidanka Booliska Somalia ayaa xoojiyey olo laha la dagaalanka noocyada kala duwan ee M/doriyahaee 7/yadan ka socday M/ Muqdisho.
Ololahan oo uu hormuud ka yahay maamulka G/Banaadir ayaa saacadihii ugu dambeeyey la gu soo qabtay xashiish badan iyo qaar ka mid ah dadkii ka ganacsanayey.
War Habeen hore ka soo baxay taliska Booli ska G/Banaadir ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay nin dhalinyaro ah oo mooto bajaaj uu watay ku soo qariyey baco uu ka buuxo xa shiish.
"01/05/2023 Abaaro 06:47pm Taliska Qeyb ta Guud Boliiska G/Banaadir gaar ahaan ciidan ka saldhigga boliiska degmada Waaberi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Cabdinasir Cilmi Axmed ina Saciido Cabdi Nuur Wehliye 20 jir ah ku dhashay Xamar Deggan Hodan, ka asoo ku eedeysan inuu mooto bajaaj xashiish ku watay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska G/banaadir.
"Eedeysanaha oo si dhuumaaleysa mootada ugu qariyay xashiish ka kooban sadaxda bac ayey ciidanku qabteen, waxaana la waafajin do onaa sharciga hadduu alle idmo” ayaa sidoo ka le lagu yiri qoraalka.
Habeen hore ayey aheyd markii Booliska D/Dharkeynley ay soo bandhigeen khamri fara badan oo macmal ah, xashiish fara badan, qori Ak-47 ah iyo labo nin oo ka ganacsanayey maa ndooriyahaas
Hargaysa: Ugu yaraan 2 qof ayaa la rum ay san yahay in ay dhinteen kadib markii baabu ur ay wateen uu daad qaaday
Uguyaraan 2 qof ayaa la ramaysanyahay in ay dhinteen ka dib markii uu dooxa Huluuq oo dhaca galbeedka Hargaysa qaaday baabuur ay wateen. Sida goobjoogayaal warbaahinta u she egeen baabuurka daadku qaaday oo ahaa Lan kurusar, ayaa isku qaaday dooxa oo biyo ba da ni marayaan, halkaasi oo la rumaysan yahay in ay ku naf waayeen ugu yara an 2 qof oo baa buurka sa arnaa.
"Walahi geeri foolxun ayaa ka dhacday gaa dhi laankurusar ah oo madow oo na daba joog ay ayaa dhaqaaqay waar ha dhaqaaqin ayaanu nidhi, isaguna wuu dhaga adaygay kadib mar kuu dooxa badhtankiisa marayo ayuu dooxu qal ibay" goobjooge ayaa sida yidhi.
Waxa uu sheegay in ay isku dayeen in ay ba dbaadiyaan lakiin biyaha dooxa oo awood bad naa darteed ay u suuragali wayday, isla marka ana ilaa iyo hada aan raq iyo ruux la hayn dad kii baabuurka saarnaa.
Dooxyada mara magaalada Hargaysa iyo hareeraheeda ayaa sannadkasta xili roobaadka galaafta nafo badan, waxaana ugu danbaysay haweenay lagu magacaabi jiray Najax oo geeriy ootay kadib markii uu dooxa Hargaysa la tagay baabuur ay la socotay 31 March.
Itoobiya oo ciidamo cusub usoo tababar tay Soomaaliya
Dowladda Itoobiya ay markii ugu horreysay tababar siisay ciidamo cusub oo ka mid noqo naya kuwa Xoogga dalka, kuwaas oo haatan soo dhameystay tababarkoo da, kuna soo laabtay Sooma aliya.
Warbaahinta gudaha ee dal ka Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadan uu todobaadkii hore u dhammaad ay tababarkooda, isla-markaana ay ka qayb qa adanayaan dagaalka Al-Shabaab.
Ma shaacin warbaahinta tirada askartan loo soo tababaray Soomaaliya, balse waxa ay sii daysay sawirradooda, ayaga oo ku sugan xe rada. Waa qaybtii ugu horreysay ciidamo ay Ito obiya usoo tababartay Soomaaliya, tan iyo mar kii ay iskaashi amni oo saddex geesood ah kala saxiixdeen dowladaha Itoobiya, Eritrea iyo So omaaliya.
Ciidamada qalabka sida ee haatan tababarka kusoo qaatay dalka Itoobiya ayaa ka qayb qa adan doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shab aab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
DFS oo horkaceyso duulaanka ka dhanka ah Shabaab ayaa horay u sheegtay in dagaal kan a y ku soo biiri doonaan waddamada daris ka oo la’isku yiraahdo dalalka safka hore.
Itoobiya ayaa qayb ka ah dagaalka kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo badan ka joog aan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku jira how lgalka ATMIS.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad da gaal, kaas oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh oo 7a adkii hore Kampala uga qaybgalay shir ay yee sheen waddamada ay ciidamada ka joogaan gu daha Soomaaliya, kaas oo looga hadlay dagaal ka Al-Shabaab iyo qorshaha kala guurka ee howlgalka Midowga Afrika, ATMIS.
Biriq hal qof ku dishay degaan katirsan gobolka Sool
Hal qof ayaa ay biriqi ku dishay degmada Xudun ee Gobolka Sool, laba qof oo kalana way saamays ay, kuwaas ka wada tirsanaa hal qoys, isla markaana hal uri ku wada noolaa.
Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Sool uu ka curteen roobabka gu’ga.
Mid ka mid ah dadka dee gaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Biri qda ay dishay Jaamac Ismaa ciil Maxamed Faarax oo ka tegay lix Carruur ah, kadib markii ay gurigooda ku dhacday.
Wuxuu sheegay in qoyska Biriqda ku dhacday ay ahaayeen Xoolo dhaqato, isla markaana ay ku su gnaayeen duleedka degmada Xudun ee Gobolka Sool, isla markaana dadkii dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada.
Willian Ruto: Sidee 54 Waddan Afrikaan ah ugu Fashilmi karaan u ururinta $80m Soomaaliya?
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay Midowga Afrika in aanu xamili karin la tacaalidda arrimaha Afrika kaddib muddo ka badan 60 sano oo uu jiray.
Willian, Ruto, oo xilka madaxti nimada qabtay Sebtembar 2022, ayaa ka xumaaday in Mi dowga Afrika uusan awoodin xi taa lacag dhan 85 milyan oo dol lar oo loo uruurinayey dib u dhiska Soomaaliya.
Ruto wuxuu sheegay dalalka Afrika ee saboolka ah sida Soomaaliya inay sugaan taageerada dhina cyada kale sida Midowga Yurub.
"Waxaan si dhab ah ugu baahannahay su’aalo we ydiinta maamulka AU. Shalay xitaa ma taageeri ka rno Soomaaliya. Waxaan sugeynaa in Midowga Yu rub na siiyo $85M. Waa waalli. Ma waxaad ii shee gaysaa 54 dal, 60 sano ka dib xornimadooda, ma maamuli karaan $85M oo lagu taageero Soomaa liya? ayuu yiri Ruto.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku ba qay isbedel qaab dhismeedka Midowga Afrika si ay si madax banaan ula tacaalaan caqabadaha qaa rada.
"Hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya wa xay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deyma ha ay ka helaan dalalka horumaray,” ayuu hadalkiisa ku daray Willian Ruto.
Hogaamiyeyaasha gobolka ayaa horraantii 7aad kan ku kulmay Kampala, halkaas oo ay ku adkeeye en baahida loo qabo in guddiga Midowga Afrika uu ka fiirsado ka faa’iideysiga sanduuqa nabadda ee M/Afrika, si uu u taageero kor u qaadida awoodda amniga ee Somaliya ee mustaqbalka fog.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoo bey oo Mar tin Griffiths u diraya dalka Suudaan
Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa Kaaliyihiisa Arrimaha Bani’aadanimada ku wargeli yay in uu u socdaalo dalka Suudaan, si wax lagaga qabto xaaladda bani’aadanimada ee ka sii dareysa, kana jirta dalkaasi.
Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Xoghayuhu uu ka walaacsan yahay xaaladda Suudaan, sidaa sina uu ugu dirayo Martin Griffiths. "Miisaanka iyo xa waaraha waxa ka socda Su udaan, waa wax aan horey loo arag, oo uga dhicin, marka la eego dhibaatada bani’aadanimo ee sida xo wliga ah uga sii dareysa.” Ayuu yiri Stephane Duja rric oo intaa ku daray "Waana sababta uu António Guterres ugu dirayo gobolka.”Martin Griffiths, Mad axa Gargaarka Bani’aadanimada ee QM ayaa xaal adda Suudaan ku qeexay mid faraha ka sii baxeysa.
"Tan iyo markii ay iska horimaadyadu ka qarxeen Magaalada Khartoum iyo meelo ka mid ah dalka, xaaladda bani’aadanimada ayaa gaartay meel xun.” Ayuu yiri Martin Griffiths.
Waxa kaloo uu yiri "Agabyada laga ma maarman ka u ah badbaadada dadka ayaa ku sii yaraanaya xa rumaha ugu daran ee magaalooyinka, gaar ahaan Khartoum, qoysaskuna waxay la halgamayaan, sidii ay u heli lahaayeen biyo, cunto, shidaal iyo badeec ooyin kale oo muhiim ah. Qiimaha gaadiidka ee ka baxaya meelaha ay dhibaatadu ka jirto ayaa aad kor ugu kacay, taas oo ka dhi geysa kuwa ugu nugul in ay helaan goobo ammaan ah.”
Warsaxaafaeed uu goor dambe oo Habeen hore ahayd soo saaray ayuu ku sheegay "Helitaanka daryeel caafimaad oo degdeg ah, oo ay u baahan yihiin kuwa ku dhaawacmay rabshadaha ayaa si aad ah u xadidan, taasoo kor u qaadeysa khatarta dhimashada laga hortagi karo. Waxyeelada caafimaadka maskaxeed ee carruurta iyo dhallinyarada, waa mid aan la qiyaasi karin.”
Martin Griffiths ayaa sheegay in dhaca xoogan ee lagu hayo sahayda gargaarka ay caqabad ku noqotay dadaalada lagu caawinayo dadka rayidka ah, ee ay ka sii dhammaanayaan biyaha, cuntada iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah nolosha.
"Bililiqo baaxad leh oo loo gaystay xafiisyadii iyo bakhaarradii hay’adaha samafalka ayaa inta badan curyaamiyay sahaydeenna, waxaana raadinaynaa habab kale oo degdeg ah oo sahayda lagu keeni karo, si aan u bixino kaalmo dheeri ah. Qaramada Midoobey iyo la hawlgalayaasheena ayaa ku dadaalaya, sidii aan dib ugu bilaabi lahayn wax ka qabashada xaaladda bani’aadanimo ee dalka.” Ayuu yiri Griffiths.
Griffiths ayaa yiri "Codsiga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxaan u socdaa gobolka si aan u soo indha-indheeyo, sidii aan gurmad degdeg ah ugu samayn lahayn mallaayiinta qof ee noloshooda ga’doontay hal habeen.”
Griffiths ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya "Si kastaba ha ahaatee, xalka muuqda ee dhibaatadan looga gudbi karo ayaa ah in dagaalka la joojiyo.”
Griffiths ayaa intaa raaciyay "Fariintayda ku socota dhinacyada waa mid aan mugdi ku jirin, waa in la ilaaliyo shacabka iyo kaabeyaasha rayidka. Hubi dadka rayidka ah ee ka cararaya goobaha colaadaha inay maraan marin nabdoon, xushmee shaqaalaha iyo hantida bani’aadanimada, aadna fududeysaan howlaha gargaarka, waana in la ixtiraamo shaqaalaha caafimaadka, gaadiidka iyo tasiilaadka kale, oo jooji isticmaalka aad u adeegsaneyso sida gaashaanka.”
Booliska Jabuuti oo fuliyey howlgal lagu xiray 3,000 qof
Dowladda Jabuuti ayaa Axaddii ku dhowaaqday howlgallo ka dhan ah tahriibka, ayada oo taleefishinka dowladda uu weriyey in booliska ay xireen 3,000 oo qof oo la masaafurin doono.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Nuux Xasan ayaa sheegay in dalkan ku yaalla Geeska Afrika "ay buuxiyeen” qulqulka dad ka imanaya dalalka deriska ah, ayada oo 220,000 ay "si sharci darro ah” u yimaadeen sanadkii 2022 oo kaliya.
Jabuuti, oo dadkeeda lagu qiyaaso hal milyan, ayaa ku taalla marin tahriib oo ay maraan muhaajiriinta kasoo cararaya dagaallada iyo musiibooyinka isbeddelka cimilada ee raadinaya nolol wanaagsan.
Nuux ayaa khudbad uu ka jeediyey taleefishinka ku sheegay in Jabuuti ay go’aansatay inay qaado tallaabo lagu ilaalinayo "badqabka iyo nabad-galyada shacabkeeda” iyo inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta dalka imanaya.
"Ciidamada waxaa lagu qasbay Axaddii… inay fuliyaan howlgal deg deg ag oo lagula dagaalamayo dambiyada iyo ka ganacsiga badeecadaha sharci darrada ee qeybo ka mid ah magaalada Jabuuti,” ayuu yiri.
Taleefishinka dowladda ee RTD ayaa sheegay in qiyaastii 3,000 qof lagu xiray howlgalka, loona qaadayo xarumo masaafurin, si baabuur xamuuli ah dib loogu celiyo dalkooda. Lama shaacin dalka ama dalalka ay kasoo jeedaan dadkaas.
"Howlgalalda waa ay kasii socon doonaan dhulka Jabuuti,” ayuu yiri Nuux.
Waxa uu sheegay in muhaajiriinta sharci-darrada ah ee ka shaqeeya qeybaha aan rasmiga ahayn, la diiwaan-gelin doono, lana siin doono
"sharci dhaq-dhaqaaq,” balse shuruud da ay tahay in shirkadaha ay u shaqeeyaan ay kusoo wargeliyaan dowladda.
Kuwa aan shaqada haysan, "waxaan ku casuumeynaa inay deg deg si iskood ah dalkooda ugu laabtaan,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay inuu jiray waqti 30 maalmood ahaa oo loo qabtay muhaaji riinta sharci-darrada inay u hoggaansa maan."Muhaajiriinta sharci-darrada ah, waa bam ku qarxi raba Jabuuti, aad ayey u badan yihiin,” waxaa sidaas yiri Bilan, oo ah 45 jir shaqo la’aan ah oo u dhashay Jabuuti oo la hadlay AFP, isaga oo diiday inuu sheego magaciisa oo buuxa.AFP, VOA
Madaxweyne ERDOGAN oo ku dhowaa qay WAR culus
Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Axaddii sheegay in ciidamada sirdoonka Turkiga ay Suuriya ku dileen hoggaamiyihii Daacish Abuu Xus een Al-Qurashi.
"Hawlgal ay hay
’adda Sirdoonku Dorraad ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk.
Erdogan ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba jireen Qurashi.
Waxa kaloo uu yiri "Tani waa markii ugu horreysay oo aan halkan ka sheego, qofkan waxaa lagu soo geba-gabeeyay hawlgal ay MIT fulisay.”
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha uu Turkigu taageero, waxayna ka mid tahay meelaha ugu badan ee uu saameeyay dhulgariirkii 6-dii February ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.
Daacish ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiye bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee Daacish lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya.
Daacish ayaa la wareegtay dhul ballaaran oo Ciraaq iyo Suuriya ah sanadkii 2014-kii, waxaana madaxii xilligaas Abu Bakar al-Baghdadi uu kaga dhawaaqay khilaafaad Islaami ah dhulalka ay ku nool yihiin malaayiin.
Balse Daacish ayaa lumiyay awooddii ay ku haysay dhulkaas, kadib hawlgallo ay sameeyeen ciidamada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq, iyo sidoo kale ciidamada Suuriya oo ay taageerayaan Iran, Ruushka iyo ciidamo kala duwan.


0 


HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA MAY 2023-KA
...