Indha fiiqa Siyaasadda Somalida=Faallo= Sheeko Carbeed ayaa aheyd

0
Monday May 01, 2023 - 09:48:33 in Wararka by
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Indha fiiqa Siyaasadda Somalida=Faallo= Sheeko Carbeed ayaa aheyd

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Tuulo ay joogeen 8 Nin oo indhoolayaal ah iyo 2 Aragga indha leh, ayaa waxaa la keenay Maroodi.

 

Indhoolayaashii ayaa u tagay Maroodigii si ay u taabtaan jirkiisa una fahmaan.

 

Midba meel ayuu ka taabtay.

A.Ninkii ugu 1aad oo taabtay Lugta Maroodiga ayaa yiri: Maroodigu waa Tiir.

B.Kii 2aad oo taabtay Seeynta Dabada ayaa yiri: Beentaa Maroodigu waa sida Xarig.

C.Kii 3aad oo Taabtay Faantiisa ayaa yiri: Beentiin waa Sida Jiridda Geed adag.

D.Kii 4aad oo taabatay Dhagta Maroodiga ayaa yiri: beentiin Maroodigu waa sida Babis weeyn.

E.Kii 5aad oo Dusha ka taabtay ayaa yiri: kuligiin wax ma ogodiin Maroodigu waa sida Darbi weyn.

F.Kii 6aad oo Gacanta Maroodigu Biyaha ku cabo taabtay ayaa yiri: Maroodigu waa sida Tubo weyn.

G.Kii 7aad oo Xaartada ka taabay ayaa yiri: wax ma ogidiin, Maroodigu waa sida Weel Cajiin lagu qasay.

H.   Kii 8 aad oo ka taabtay Xininyaha ayaa yiri: Maroodigu waa sidda Kubbadda.

Yaa saxan? yaa khaldan.

 

Ninba wixii Gacantiisa uu ku taabtay ayuu wax ku cabiray.

Shanta Maamul Gobaleed, Somali land, Mucaaradka Dowladda ku dhax jiro iyo Maamulka Gobalka Banadir, 8aad ayaa Midba Dowladda meel ka taabtay, Haddii aad fiiriso Aragtidooda Siyaasadeed waxa ay ku tarjumee midba meesha uu ka taabtay Dowladda.


Noo sheeg.

 

Yaa taabtay Faanta, Gacanta, Duudka, Lugta, xaartada, Seynta Dabada, Xiniinyaha iyo Lugta oo mid waliba Siyaasadiisa iyo Hab dhaqankiisu u egtahay meesha uu taabatay.

Somalidu waxa ay fahmee Dowladnimada marka 8daa iyo Dowladda lafteeda indhaha loo fiiqo oo ey isku wada raacaan Maroodigu siduu u egyahay iyo Qaranku waxa uu yahay.

Qore:-Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip