HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH sabti 29-ABRIIL 2023-KA

0
Saturday April 29, 2023 - 08:37:46 in Wararka by
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH sabti 29-ABRIIL 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan oo hal arrin ka dalbaday madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa si weyn u bogaadiyay go’aankii ay mad axda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay ku garab istaageen dalkeena, kadib bayaankii kasoo baxay shir-madaxeedkii ka socday magaalada Kamp ala ee dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sh. Ayaa waxa uu ka dalbaday madaxda dalalka ay ciidam adu ka joogaan Soomaaliya taageeradooda joogtada ah illaa inta ay Soomaaliya si iskeed ah u istaageyso, kana gaareyso inay la wareegto masuuliyadda amni geeda gudaha.

"Soomaaliya waxay ka mahadcelinaysaa doorka hiilka iyo nafhurnimada ah ee dalalka ciidamaadoodu ka mid yihiin Hawlgalka ATMIS ay gaysteen dallkeen na ku dhowaad 16-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waxay weli Soomaaliya dhameystiraysa howlaha horyaalla collaadii dalka ka dhacday kadib, balse caa wimaadiina awgeed taageeradiina joogtada ah ee 15-kii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya dib ayay ca gaheeda ugu istaageysa, waxayna haatan go’aansat ay inay la wareegto waajibaadkeeda iyo masuuliyada amnigeeda, hase yeeshe waxaa weli codsaneyna taageeradiina joogtada inta ay Soomaaliya si iskeed ah u istaageyso.”

Waxa uu ku bogaadiyay dalalkan taageeradooda ay sanadihii u dambeeyay siinayeen Soomaaliya, ga ar ahaan dhanka amniga, isaga oo sheegay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya gaarto hiigsiga ah inay cagaheeda ku istaagto, "Dantiinu waxay aheyd inaad Soomaaliya ka caawisaan sidii ay usoo kaban lahey deen, mudaneyaal hiigsigan ayaa ah mid dhawaan dhici doona, waana tallaabo aan si weyn idinkaga mahad-celinayno.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheeg ay in ka rejo weyn yahay marka loo eego kolkii ho re,islamarkaana ay dowladda iyo bulshada Soomaal iyeed ay ka dhabeyn doonaan qorshaha ay saaxii badeeda Afrikaanka ay ku garab taagan yihiin, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.

"Waxaa jeclaan lahaan in aad idin mahad-celin ayo anigoo metalaya dowladda iyo dadka Soomaali yeed, waxaa la laaban doona ka go’naanshaha aan Shalay ka muujiseen halkan mudada ka harsan ho wl-galka. Waxaa xaqiijinaya in kalsoonida noo muuji seen in hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka dhabeyn doonaan sida ugu dhaqsaha badan.”

Si kastaba, Shir madaxeedkii dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee ka qabsoomay Kampala ayaa muhiim u ahaa xasilinta iyo nabadeynta Soom aaliya ayaa waxaa marti-galinayay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, waxaana ka qeyb-galay madax ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joog aan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.Xigasho:Caasimadda.Net

Shirka wadamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo laga soo saaray Warmurtiyeed

Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soom aaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay ka soo saa reen war-murtiteed ka kooban dhawr qodob oo ay ku taagee rayaan dib u kabashada amni ee Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay aa madaxda shirka ka qaybgashay la wadaagay gu ulaha waawayn ee ciidanka xoogga iyo shacabka So omaaliyeed oo iskaashanaya ka gaareen la dagaal anka xagjirka, taas oo u baahan in wadamada gobol ku taageeraan. Madaxda ka socotay dadalka Kenya, Ethiopia, Djibouti, Uganda, Burundi iyo midowga Afri ka ayaa qodobada ay shirkooda ka soo saareen wax aa ka mid ah. 1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMI S oo Soomaaliya ka baxaya dham aadka sanadka 2024. 2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero sa adka ah oo la siiyo Ciidamada Xo ogga Dalka Sooma aliya, si ay si buuxda ula wareeg aan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaq an geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

4- Waxaa la bogadiyay guulaha ciidanka xoogga dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Ma dax-bannaanida Siyasaded & Midnimada Somaliya

Golaha wasiiradda Soomaaliya oo meel mariyay xisaabiyaha guud ee dalka

Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxay Shalay ku meel mariyeen Cabdi raxmaan Maxamed Anas oo loo magacaabay xisaab iyaha guud ee Soomaaliya. Golaha wasiiradda ayaa ku ammaanay xisaabiyaha guud inuu leeyahay khi brad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa soo jeedisay magacaabidda xisaabiyaha guud. Dhawaan ayay ahayd markii golaha was iiraddu ay meel mari yeen hanti dhowaraha guud ee dalka, Ab uukaate Ax med Ciise Guuta ale kaasoo magacaabiddiisa ay soo jeedi say wasaar adda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. Dhinaca kale, golaha wasiiradda ayaa meel mariyay heshiis iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaal iya iyo Qatar.

Sidoo kale golaha wasiiradda ayaa me el mariyay soo jeedin ku saabsan ku biirista Soomaa liya ee aag ga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshi iska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaala dda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Daad ka dhashay Roobkii ka da’ay Muqdisho oo la tegay 6 Mooto Bajaaj

Roob aad u culus ayaa Shalay ka da’ay magaal ada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay qoysa ska, guryaha iyo wadooyinka nugul ee magaalada.

Degmooyin ay ugu horeyso War anabadda ayaa laga soo weriyey khasaare baaxad leh oo ka dhashay roobkii Shalay ka da’ay caasimadda Muqdi sho. Warbaahinta maxaliga ah ayaa tebisay in ugu yaraan lix xabo oo Mooto Bajaaj ah ay biyuhu qaad een, kuwaas oo ku dhacay tog-weyn oo biyuhu fariist aan oo ku yaalla degmadaas.

"Markii mootooyinka ay biyuhu naga qaadeen, wa xaan aadnay saldhigga degmada, cid wax noo qa ba ta waan weynay, maadaama aan nahay canshuur bix iyaashii, waxaan dowladda ka rabnaa inay wax noo qabato,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii la hada shay warbaahinta.

Wiilkaas wuxuu sheegay in si dirqi ah uu naftiisa u ga badbaadsaday markii ay mootadiisa biyuhu qaade en, isla markaana uusan helin wax caawin ah markii ay soo wajahday xaaladdaan.

Xaafadaha qaar ee isla degmadaas Wartanabadda waxaa laga soo weriyey guryo dumay iyo carruur ay biyuhu qaadeen, inkastoo aysan jirin cid si dhameysti ran uga warbixisay dhacdooyinkaas. Roobka Shalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa aad u biya dhi gay magaalada, meelaha qaar waxaa laga quustay in la maro, waxaana ilaa Xalay socda qulqulka biya ha ee wadooyinka Muqdisho.

Inta badan magaalada uma diyaarsana maareynta biyaha roobka, waxayna xilli roobaad kasta daadad ku saameyn ku yeeshaan magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka. Dadka ugu daran ee sanad kasta uu roobku Muqdi sho ku saameeyo waa qoysaska danyarta ah ee ku nool guryaha cooshadaha ah iyo kuwa qadiimiga ah, inta badana mamulka gobolku iskuma howlo hagaaj inta biyo mareenada magaalada.

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Madaxda Hindiya oo isku afgartay horumarinta adeegyada caafimaad ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeel ka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md.Cali xaaji Aadan Abuukar iyo Danjiraha Sooma aliya u jooga dalka Hindiya, Mudane Axmed Cali Da ahir ayaa kulan casho ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabi lsan Galbeed Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika Dr. Pradeep Rajpurohit.

Kulankaasi,waxaa ka eybga lay Qunsulka ahna Ku-xigeen ka Safiirka Md.Abdifafah Abdull ahi Nur iyo Mudane Axmed Aadan Maxamed oo ah lataliye sarre ee nidaamka caafimaadka.

Casho sharaftaasi kadib,waxaa dhinacyadasi ay ka wadahadleen sidii dadka Soomaaliyeed loogu fud udeyn lahaa fiisooyinka (visa)caafimaadka gaar aha an dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan. Kulankaasi,waxaa la isku afg artay In dowladda Hindiya Soomaaliya ka fuliso ade eg caafimaad oo dib u kabasho loogu sameynayo dadka addimahooda ku waayay dagaalada ka dhaca Soomaaliya,waxaana la filayaa in dhowaan tiro gaareysa shan boqol oo bukaan in looga faa’iideeyo helida lugo macmal ah.

Dhanka kale,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada wafdigiisa iyo Danjiraha So omaaliya u jooga dalka Hindiya ayaa booqasho ku ta gay cisbitaalka APPOLA ,isagoo maamulka cisbitaal ka ka dalbay in dadka Soomaaliyeed la siiyo adeeg yo hufan, waxaana maamulka cisbitaalka ay ballan qaadeen in ay si deg deg ah uga jawaabi doonaan codsiyada wasiirka.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku guda jir een booqashadooda rasmiga ah ee dalka Hindiya wa xay kulamo kala duwan la qaateen hey’addaha caaf imaadka dalka Hindiya. Dowaladda Hindiya ayaa she egtay in Soomaaliya ay uu deeqi doonto shixnado daawo ah iyo qalab kale oo caafimaad,taasoo lagu caawini doono dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ku wa jooga goobaha ay ka jiraan dagaalada .

Gudoomiye Madaale oo sii wada daga alkiisa ka dhanka ah Maand ooriyaha

Gobolka BenaadirCopyright: Gobolka Benaadir

Habeen hore saqdii dhexe duqa caasimadda Muqdisho Yuu suf Xuseen Jimcaale Madaale iyo ciidamada amam anku waxay galeen, guryo ku yaala deegaanka Gu badley ee woqooyiga Muqdisho, halkaas oo la shee gay in lagu sameyn jiray khamrada macmalka ah ee loo yaqaano calaqa.

Duqa Caasimaddu waxa uu sheegay inay halkaas ugu tageen warshad lagu sameeyo calaqa, iyo jaw aanno ay ka buuxaan maa ndooriyaha loo yaqaano xashiishka.

"Hadda waxa gacanta lagu hayaa labo baabuur, iyo kuwii calaqa karinayay, dadkii iska lahaana waa naloo sheegay magacyadooda, iyagana waan daba gali doonaa waana la soo qabanayaa, laga bilaabo saacadan, waxay ciidamada ammaanku amar u qab aan inay baadi goobbbaan gacantana ku soo dhiga an gabadha iyo wiilka hadda magacyadooda naloo sheegay.” Ayuu yiri gudoomiye Madaale.

Dadka la qabtay iyo waxyaabaha ay farasamey nayeen ayaa lagu wadaa in la geeyo maxkamad, iy adoo dacwad lagu soo oogi doono sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jim caale. "Calaqa meeshan yaalo, qaar kamid ah halkan ayaan ku daadin doonaa, kamana tagi doono, innag oon ku hubbsan godka, qaarkoodna waa la qaada yaa, maxkamad baa lagu saarayaa dadkii gacanta ku

hayay, qaabka sharciga ayaana la marsiinayaa.”


shirka Isgaarsiinta Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay kenya

Maamulada shirkadaha Isgaarsiinta Bariga Afrika ayaa Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya ku soo gab agabeeyay shir sanadle ah oo ay ka qeyb-galeen xubno matalayey Dalka Soomaaliyeed.

Shirkaan oo ah kii labaad ee la qabto laga soo bila abo 2015-kii,waxaa ka qe ybgalay shirkado ka socday dalka Soomaaliya sida Somtel iyo kuwo kale oo ay kamid ahaayeen safari com Airtell,MTM, Chine mobile iyo kuwo kale.

Shirka ayaa mudadii uu socday looga hadlay iska ashiga heyadaha isgaasrsiinta iyo sidii la isu dhaafs an lahaa adeegyada lagama maarmaanka u ah dad weynaha.

Maamulaha Shirkadda Somtel ee Soomaaliya Aa dan Xaaji Yuusuf Ibraahim,ayaa kamid ahaa mas’uli yiintii ka socday shirkadaha isgaarsiinta ee Somaliya.

Madaxweyne Deni Oo Dowladda Federa alka Ku Dhaliilay Dagaalka Laascaanood

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/hi De ni ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaa liya qaabka ay u wajahday colaadda ka oogan M/L/caanood ee xarunta G/Sool.

Waxa uu sheegay in DFS ay dad ka reer SSC ay kala safatay Somali land, isagoo si cad u sheegay in So maliland ay tahay gardaro garab og, sida uu yiri.

"Somaliland xoog kuma xukumayso SSC, waqtiga yaan layska lumin- wali si ehelnimo baan idiinla hadl aynaa- Dawladda Faderaalka masuuliyadii ka saarn ayd Laascaanood wey gabtay- gardarro garab ayay kusiinaysaa Somaliland” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo Habeen hore ka hadlayay Waxa uu sidoo kale weeraray ergeyga madaxweyne Xasan uu u magacaabay wad ahadalada Somaliland ee C/kariin Xuseen Guulees.

"Dowladda Federaalka wey gabtay Laascaanood ma ahayn xilli Ergey la magacaabo, SSC maaha So maliland, waxa aan ammanayaa Raxma-yar, Fahiima Quuje…Dadku waa Soomaali se ninkii edeb daran waa in layska celiyo.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Deni ayaa dhinaca kale meesha ka saaray in Somaliland ay si awood leh ku xukunto SSC, maad aama dadka deegaanadaas ay iska diideen nidaamk a wax maamul ee madaxweyne Muuae Biixi Cabdi, waxa uu xoojiyay in la taageero rabitaanka shacab kaasi.

Si kastaba, Laascaanood ayaa waxaa tan iyo bi shii February ka dhacayey dagaallo soo noqnoqday oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deeg aanka, dad kudhow 500 qof ayaa geeriyootay, halka inkabadan kun kalena ay dhaawacmeen, Dorraad oo u dambeysau madaafiic ayey isweydaarsadeen labada garab ee diriraya.

Ciidanka Amniga oo gacanta kusoo dhigay Nin dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Ciidanka qeybta guud ee Booliska Gobolka Ban aadir ayaa howlgal ay Habeen hore fiidkii ka sameeyeen xa afaddo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee M/Muqdisho waxay kusoo qabtay Nin lagu eedeeyay in uu dil bare er ah u geystay qof shacab ah.

Taliska Booliska Gobolka oo Qoraal kusoo qoray bartooda ga arka ah ee Facebook ayaa waxa ay ku sheegeen in gacanta lagu soo dhigay nin lagu maga ca abo Yuusuf Axmed Maxamuud oo dilay Nin kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Daahir Cabdulle.

Taliska ayaa tilmaamay inay baaritaano ku wada an Yuusuf Axmed oo ku doonayaan inay ku ogaadan sababta keentay in Yuusuf dil u geysto marxuum Maxamed daa hir, iyagoona intaas kusii faray in shar ciga la horgeyn doono eed eysanaha. "27/4/2023 Abaaro 9:30 pm fii dnimo Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Yaa qshiid waxeey gac anta ku soodhigeen eedeysane Yuusuf Axmed Maxamuud oo dilay Marxuum Maxamed Daahir Cab dulle, axaana la horgeyndoonaa cadaalada” ayaa lagu yiri Qoraalka

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wax aa mararka qaarkood ka dhaca dilal ay geystaan dad hubeysan, dilka marxuum Maxamed Daahir Cabdulle ayaana waxa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay Muqdisho.

DF oo diyaarisay sharci lagu xakamey nayo arrin kusoo badatay Muqdisho

Senator Cisman Xaaji Maxamuud Dufle ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay labada Gole ee Baarlamaanka XFS usoo gudbisay sharci ku saab san nidaaminta daawooyinka aas-aasiga ah ee gana csi ahaan loo keeno karo gudaha dalka. Senator Duf le ayaa waxa uu sheegay in sharcigan oo lagu xak ameynayo daawooyinka ay dhalinyaradu u isticma asho sida qaldan ee kusoo batay gudaha caasimada, isla markaana uu wax badan ka tari doono la-dagaal anka madooriyaha ee dowladda ay ka waddo maga alada Muqdisho.

"Sidii dowladdii u burburtay majiro sharci xakamey naya arrimaha daawada. Hadda waxaa socda sharci la yidhaahdo sharciga daawada oo soo gudbisay wasaaradda caafimaadka oo yaalla golaha shacabka oo hadda marka la ga noqdo fasaxa la guda-galayo oo la rabo in laga doodo oo marka uu Gola ha Shacabka kasoo gudbo uu Aqalka Sare imaan doono.”

Senator-ka oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta dowladda ayaa xusay in sharcigaan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradda caafimaadka XFS uu ujeedku yahay "in si wada-jir ah looga hortago daa wooyinka ganacsiga ,gaar ahaan kuwa loo isticmaalo sida qaldan.”

"Wixii la hubin jiray inay faro ka bax noqdeen, oo farmashiyaashii yaallan sidii nac-nacii oo kale. Tramdol-ka wiilka dhalinyarada ah waxa uu kala far mashiyiha iyada oo dhakhtar usoo qorin oo waxyaa baha dhibaatooyinka ah ayay kamid tahay,” ayuu yiri Senator Cismaan Xaaji Dufle.

Dufle ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in sharcig aan dhawaan soo bixi doona, uu wax badan ka tari doono daawooyinka sida qaldan loo isticmaalo, taasi oo dhibaato horleh ku haysa caasimada, loona isti cmaalo sida maandooriyaha oo kale.

"Sidii burburka u dhacay wasaaradda caafimaad ka wax hubin ah kuma lahan, ganacsato ayaa iska wadata oo soo dagsaneysa daawooyinkaas oo su uqa Bakaaraha ayay geynayaan oo farmashiyihii ka qaadanayaan, taas waaye dhibaatada meesha ka imaaneyso oo dhalinyaradana ka helayaan.”

Madaxweynaha Jubbaland oo 5 Sano ka dib la he shiiyay Itobiya lana kulmay Madax katirsan dalkaas

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Isla am ( Madoobe) ayaa socdaalkii u horreeyay ku tag ay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dam bee yay oo khi laaf xooggan soo kala dhex gal ay, kaddib isku daygii Ciidamada Kumaandooska Itoobiya ku doonayeen inay ku soo qabtana Agosto 2019.

Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay in ay ka shaqeeyeen isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya, waxaa uu Shalay la kulmay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shidde, Madaxweynaha dowlad Deegaanka Mustafa Cagjar iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale waxaa uu la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka Itoobiya, oo uu kala hadlay arr imaha ciidamada Itoobiya iyo howl galada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee bi laabanaya deegaanada Jubbaland oo horay maa mul ahaan ka saluugsanaayeen qaabka howlgaladaas loo bilaabayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaa ( Madoobe) ayaa 5-tii sano ee la soo dhaa fay aad u dhaliilsanaa dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo diidi jiray tallaabo ka sta oo qaada taas oo keentay in ay is khilaafaan dow ladda Itoobiya oo saaxiib la aheyd Maxamed Cabd ullaahi Farmaajo.

Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wana agsan xulka qaranka Soomaaliya oo la ga reebay tartanka U17

Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa la she egay in laga reebay tartanka kubadda Cagta ee U17 oo berito ka bilaabandoona magaalada Algeris, ee dalka Algeria.. Ciyaar yahan kaan laga reebay 17 jirada qaranka Sooma aliya oo lagu magacaabo Cabdixaaf id ayaa la ma rsiiyayb aaritaanka MR Iga oo lagu ogaan ayo da'da qofka.

Natiijadii ka soo bax day ayaa lagu sheegay inuu Cabdixaafid ka weyn yahay 17 sano. War qoraal ah oo lasoo dhigay barta rasmiga ah Facebook ee Xiri irka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa lagu she egay in nasiib daro ay tahay inuu dhacay ciyaarya han Cabdixaafid.

"Waxaa Shalay soo baxday na tiijada MRI la mar siiyay cayaartoyda qaranka oo lagu ogaanayay in ay yihiin da'da saxda ah ee tartanka ka qeyb geli karta. Nasiib darro Soomaaliya waxaa na loo soo sheegay in uu dhacay cayaar yahayn Cabdix aafid Maxamed" ayaa lagu yiri qoraalka lagu daaba cay barta rasmiga Facebook ee Somali Football Fed eration.

Xiririka kub badda cagta Soomaaliyeed ayaa dal baday cadeymo dheeraad ah oo la xariira natiijada Cabdixaafid, maadaama baaritaanada qeybtii hore ee Addis Ababa iyo Muqdisho ay SCANADU sheege en in Cabdixaafid uu gudbay kuna gudbay 5+ oo aha yd marxaladda ugu dambeysa inta aan la gaarin mar xaladda 6 oo ah marxaladda dhicitaanka.

Xiriirka kub adda Cagta Soomaaliya ayaa sidoo ka le dalbaday Muqaalada scanka MRI ee lagu baaray ciyaar yahan Cabdixaafid. Ciyaarhayan Cabdixaafid ayaa ka mid ahaa ciyaar yahanada 17 jirada ee sida weyn ugu dhex muuqday xulka qaranka 17 jirada So omaaliya, waxaana talaabada looga reebay xulka qar anka ay noqoneysa mid dhabar jab ku ah xulka qar anka ee 17 jirada Soomaaliya.

Rakaab Soomaali ah oo sakhraansanaa oo weeraray shaqaalaha Turkish Airline

Rakaab Soomaali ah oo la socday diyaaradda Turkish Airlines oo ku jirtay duullimaad Istanbul iyo Muqdisho ah, ayaa waxaa la sheegay inuu weeraray shaqaale ka tirsan diyaarada xilli ay hawada ku jirtay.

Ka dib markii ay diyaarada gashay hawada dalka Ma sar ayaa la sheegay in Rakaabka Soomaaliga oo la sheegay in uu sakhraansanaa uu billaabay in uu dhibsado rakaabkii kale ee la socday Diyaaradda. Intaa ka dib, shaqaalihii diyaar adda ayaa u digay rakaabka Soomaaliga ah, iyagoo ku eedeeyay inuu sakhraansan yahay.

Rakaabkii Soomaaliga ahaa ayaa markaas weer aray shaqaalihii diyaaradda. Katiinad caag ah ayaa lagu xiray rakaabkii falka sameeyay. Duuliyaha diya aradda Turkish ayaa go’aansaday inuu si degdeg ah ugu soo deggo garoonka diyaaradaha ee Antalya. Markii ay diyaaraddu soo caga dhigatay garoonka Antalya 06:00 subaxnimo ayaa la xiray rakaabkii falk an geystay.

Maamulka Joe Biden oo ka fakaraya codsi xasaasi ah oo uga yimid SOOMAALIYA

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa qiimey naya codsi ka yimid Soomaaliya oo ah in Marey kanka uu dabciyo xayiraadaha duqeymaha militari ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times.

Codsiga ayaa yimid ayada oo dowladda Soomaal iya ay billowday weerar ka dhan ah kooxda Al-Shab aab oo ay iska kaashanayaan ciidamada qaranka iyo shacab hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in howlwa deenada militari ee Mareykanka ay awood u yeesha an inay weeraraan kooxda Al-Shabaab – xitaa haddii aanay markaa ku lug laheyn weerar toos ah oo ka dhan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee xulufada la ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa tallaabadaas u arka inay xoojin karto ku lug lahaanshaha Mareykanka ee la-dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa kadib dib u doorashadiisa bishii May, wuxuu dib u billaabay dagaalka Al-Shabaab, isaga oo hub iyo dhiiri-gelin ku xoojinaya ciidamada shacab ka hubeysan.

Sida uu qoray New York Times, saraakiisha Marey kanka qaarkood ayaa rumeysan in Soomaaliya ay ugu dambeyn sameyneyso isbeddel, halka kuwa kale ay qabaan shaki ah in Xasan Sheekh aanu sii joo gteyn doonin wax ay ugu yeereyn "bisha malabka” marka la eego taariikhda waxqabad xumo ee dowl adda Soomaaliya.

Madaxweyne Biden ayaa dhowaan saxiixay siyaas ad cusub oo ku saabsan duqeymaha diyaaradaha drone-ka ee aagga dagaalka, waxaana qasab laga dhigay in ansixin madaxweyne la helo kahor inta aan la beegsan mintidiinta, marka laga reebo haddii weerarada ay yihiin kuwo is-difaac ah.

Codsiga dowladda Soomaaliya, ayaa saraakiil Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin, wa xay ku qeexeen mid ay dowladda Mareykanka ku we ydiisatay inay si baaxad leh u qeexdo waxa loo arko is-difaac.

Waxaa lagu qeexay mid Soomaaliya ay ku dooney so in goobaha Soomaaliya qaarkood lagu arko aag dagaal, taasi oo ogolaaneys in lagu beegsado cadow ga, xitaa haddii aanay markaas halis toos ku aheyn ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida. Tani waxay ogolaaneysa in duqeymo lala beegsado Sha baabka fursadaha lagu helo ayada oo aan loo baa han ansixinta Aqalka Cad.

Codsiga Soomaaliya ayaa weli la qiimaynayaa, si da ay saraakiisha sheegeen, welina Wasaaradda Ga ashaandhigga si rasmi ah uma hordhigin Aqalka Cad. Saraakiil dhowr ah ayaa sheegay inay u badan tahay in codsigan uu wajihi doono baaritaan adag iyo hanaan dib u eegis oo ay ku lug leeyihiin hay’ado badan.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa horey militariga awood ugu siisay inay fuliyaan duqeymaha ayaga oo aan ansixin u baahan, go’aan kana ay ka gaaraan taliyayaashooda, taasi oo kordhi say weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxa ha kale ee caalamka, balse sidoo kale kordhisay khs aaraha shacabka.

Mucaaradka Somaliland oo diiday qor shaha oda yaasha Hawiye ee Hargeysa tegay

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaysan ku kalsoonayn odayaasha dhaqanka ee ka socda koonfurta Soomaaliya oo dhawaan Hargeysa u tegay xal raadinta. "Qiimaheena ma garanayaan qol adaani, waan dhageysanay waxa ay wadaan, qolo Garowe ka soo de gtay oo hadana Hargeysa tim id ku ma kalsoonin ee hana noqdaan ceeb u geysan meyno, laakiin kuma kalsoonin,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Odayaashaas ayaa maalmo ka hor Hargeysa u tegay dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaallam aya Laascaanood oo kala ah Somaliland iyo SSC.

"Kooxdaan waxay wadataa dan gaar ah, Puntland ayey ku hor mareen, in lasoo daayo oo dalka ay soo galaana ma ahayn, looma baahna, arrintaan waxay u taallaa Somaliland, waxaana xilisa doonaa, insha alla ah,” ayuu yiri Fe ysal Waraabe oo BBC la hadlay.

Gudoomiye Faysal ayaa ku eed eeyay odayaasha ka baxay koon furta Soomaaliya inay dhinac yihiin oo aan lagu aamini karin dhex-dhexaadinta la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Laascaanood.

"Waa siyaasiyiin odayaal iska dhigaya, hadii ay xal wadaan Garowe ma aysan tageen ee Hargeysa ayey toos u imaan lahaayeen, hanaga noqdaan, karaam ada ayagaa iska qaaday markii ay Garowe ka dege ene,” ayuu hadalkiisa ku sii Daray gudomiye Feysal.

Cuqaasha Hargeysa ku sugan ayaan ka jawaabin eedeynta loo jeediyay, waxaana la sheegay in marar badan ay ka cudur-daarteen inay wareysi bixiyaan, maadaama ay xog uruurin ka dhex wadaan dhinac yada dagaalamaya. Beesha caalamka ayaa taageer san dedaallada dhex-dhexaadinta ah oo ay wadaan odayaasha ka tegay Muqdisho oo sii maray Puntl and, tegay Laascaanood, kadibna u gudbay Somali land. Odayaashaas waxaa hoggaaminaya Ugaaska guud ee beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana markii ay tageen si wanaagsan loo gu soo dhaweeyey Hargeysa oo weli ay ku sugan yihiin.

Maxaa ka jira in Taliska Xabsiga Dhexe uu qoraxda ka iibiyo maxaabiista?

Taliyaha ciidnaka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Taliye Shub) ay u yaqaanaan ayaa Shalay soo bandhigay n atiijada baaritaan maalmahaan ka socday xabsiga dhexe ee Xamar oo ah xabsiga ugu weyn magaalada Muqdisho.

Waxaa dhawaan soo baxay eedeymo sheegayey in maxaabiista loo diido qoraxda inay arkaan oo mararka qaar lacag lagu xujeeyo si banaanka loogu soo bixiyo oo qoraxda loo tuso.

Sidoo kale eedeymaha loo jeediyey maamulka Xabsiga waxaa ka mid aheyd in lacag lagu xukeeyo dadka booqashada ugu imaanaya xubnaha ehelkooda ah ee ka xiran.

Taliye Mahad oo Shalay qabtay xaflad uu ku soo bandhigay natiijada baaritaan uu sheegay in lagu sameeyey eedeymahaas wax aka jira ayaa beeniyey tuhunkaas.

"Markii warkaani soo baxay waxaan deg deg u magacaabay guddi uu nin janan ah hoggaaminayo, waxaa la bilaabay baaritaan culus, si bulshada na heysata aan ula wadaagno natiijo sax ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay sabab keentay in la faafiyo been abuurkaas, sida uu hadalka u dhigay, taas oo ah in xabsiga laga joojiyey booqashadii dadweynaha.

"Natiijada noo soo baxday waxay sheegeysaa in qoraxdaa nalaga gadaa ay been noqotay, raashinkii ayaa la xumeeyey sidoo kale waa been, waxaana soo ogaanay sababta sidaas lo yiri, muhiimadda been abuurkaas loo faafiyey waa booqashadii aan joojinay, si taas loogu fasaxo ayaa naloo jaa’ifeeyey,” ayuu yiri Taliye Mahad.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in subax kasta muddo hal saac ah maxaabiista la keeno banaanka, si ay u qoraxeystaan, "Hal saac ayaan uga dhignay, iyadoo sharcigu u ogolaanayo nus saac,” ayuu yiri.

Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa hadda fasaxay arrintii ay cabashadaan ka bilaabatay oo ah booqashada ehellada dadkoodu uga xiran yihiin Xabsiga Dhexe ee Xamar.

"Hadda waxaan u ogolaanay booqashadii, Talaa do, Arbaco iyo Khamiis waxaa la ogolyahay in ehe lladu soo booqdaan maxaabiista laga hayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal mahad Cabdirax maan Aadan.

Soomaali horleh oo laga daad gureeyay colaada Magaalada Laas-Caanood

Dagaal culus ayaa Habeen hore mar kale ka bilowday qeybo kamid ah caasimadda dalka Sudan ee Magaalada Khartoum, waxaana dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad joojin cusub, xilli tii hore ay ku ekayd Habeen hore saqdii dhexe.

Dhanka kale, ku dhawaad 80 Soomaali ah oo ka baxsaday colaadda Khartuum ayaa diyaarad lagu geeyay caasimadda Koonf urta Sudan ee Juba, waxaa na gurmadkaas u fidiyay jaaliyadda Soomaal ida ah ee ku dhaqan Juba.

Cabdullahi Xasan Cali, oo ah agaasimaha guud ee jaaliyadda ganacsatada Soomaalida Koonfurta Sudan oo uga warramay BBC-da ayaa yiri "dad fara badan oo kasoo qaxay Suudaan una badan arday ayaan u gurmannay, anaga jaaliyad ahaan iyo ganacsatada ayaa ka shirnay sida aan usoo samata bixin lahayn, waxaan diyaarad u kireynay 73 qof waxa ku jira hal nin oo naafo ah iyo hooyo wadata labo carruur ah intakale waa arday”

Cabdullaahi oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri " maadama dagaallo culus ay ka socdaan Suudaan, dowladda Suudaanta koonfureed waxa ay qaxootiga u furtay xudduudaha anagana taas ayaa inoo fududeysay in aan soo daad gureyno soomaalidaas, lacag 25,000 oo dollar ayaa ku baxday kireynta diyaaradda lagusoo qaaday, waxaana iska aruurinay lacago ay inta badan bixiyeen ganacsatada”

Somaliland oo xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da

ukuumada Somaliland ayaa shaacisay in ay xayiraadii ka qaaday idaacada BBC-da, kadib markii ay joojisay wadashaqayntii idaacada 19, July, 2022.

Kulan dhexmaray madaxda Wasaarada Warfaafinta Somalil and iyo madax ka socotay idaacada BBC-da ayaa horseeday in xukuumadu ay ogolaato in dib loo sii daayo idaacada oo muddo sannad ku dhow ay xayiraadi ka saarnayd deeggaanad da Somaliland. "Wadahadal iyo kulamo dheer oo aanu wada yee lanay BBC qayteeda Afka-Soomaa liga, kulamadaas oo aanu ku qaad anay xarunta wasaarada warfaaf inta dhaqanka iyo wacyigalinta ... waxaanu isla meel dhignay khilaafkii soo taxnaa" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda ay wasaarada warfaafintu soo saart ay.

Somaliland ayaa BBC-da ku eedaysay dhexdhe xaadnimo la'aan iyo in ay faafiso kali ah dhaliilaha So maliland isla markaana ay hoos u dhigto wanaagyad eeda, iyo in anay shaqaalaysiin dhallinyarada reer Somaliland. Cabashada kadib Somaliland ayaa alba abada isugu dhufatay dhamaan xafiisyadii BBC-da ee magaalada Hargaysa, waxaana hawada ka baxay dhagaysiga guud ahaan BBC World Service iyo laanta Afka-Soomaaliga ee deeggaanadda Somali land.

BBC-da ayaa kamid ah idaacadaha loogu dha gaysiga badanyahay Somaliland iyo guud ahaanba gayiga ay Soomaalidu dagto, iyadoo bulshada Soo maaliyeed ay idaacadan muddo dheer warka ka heli jireen, aadna ugu kaloonaayeen.

Golaha Wakiillada Maraykanka oo diiday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya

Golaha Wakiiladda dalka Maraykanka ayaa diiday qaraar lagu dalbanayay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya lagasoo saaro sanad gudihiis, marka laga reebo kuwa ilaa lada safaaradda. Cod ay u qaadeen golaha wakiiladdu, ayaa waxay 321 kamid ah ka soo horjeesteen ka bixi taanka ciidama da Mareykanka ee Soomaaliya. Halka ay taageereen 101 xubnood.

Matt Gaetz oo xildhibaanka golaha horkeenay qar aarkan, ayay ujeedadiisu ahayd in laga saaro Sooma aliya, ilaa 900 oo askari oo Maraykan ah, balse xildhi baannada ka soo horjeeda qaraarkan ayaa waxay ku doodayaan in go’aankan uu wax u dhimayo amniga qaranka Maraykanka.

Tani ma ahayn isku daygii ugu horreeyay ee Gaetz uu ku doonayay in ciidamada Mareykanka laga saaro aaggaga colaadeed.

Golaha labada aqal ayaa bishii hore u codeeyay qaraarkiisa ah in la soo saaro ku dhawaad 900 oo askari oo ku haray Suuriya. Codbixintaas ayuu ku gu uldareysatay tiro la mid ah 103 ilaa 321.

Madaxweyne Biden ayaa oggolaaday in 500 oo askari oo Maraykan ah dib loogu celiyo Soomaaliya sannadkii hore ka dib markii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump uu amray in 700 oo ka mid ah laga saaro Soomaaliya intii uu xilka hayay.

Joe Biden ayaa ku adkeysanaya in loo baahan yahay si loola dagaallamo Ururka Al-Shabaab.

INDIA oo DF u sameysay ballan-qaad cusub oo la xiriira goobaha dagaalka

Dowladda Hindiya ayaa Shalay ballan-qaad cusub u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo la xiriira dagaalka ka socda dalka, gaar ah aan ahaan dhanka caafimaadka ee deegaanada ay how-gallada ka wadaan ciidamada dowladda.

Hindiya ayaa Soomaaliya ugu deeqi doonta shix nado daawo iyo qalab caafimaad ah oo lagu caawin doono dadka Soomaaliyeed, ee ku nool goobaha dagaallada xooggan ay ka wadaan ciidamada huw anta, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya kadib kulan uu wasiirka wasaaradda oo ku sugan Hindiya la yeeshay Xoghayaha Guud ee Galbeedka Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika u qa abilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda India Dr. Pradeep Rajpurohit.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Qunsulka ahna ku-xigeenka safiirka Cabdifataax Cabdullaahi Nuur iyo La-taliye sare Axmed Aadan Maxamed, iy ada oo kulankaas looga hadlay in dowladda Hindiya fududeyso fiisooyinka caafimaadka, gaar ahaan dad ka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan.

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ee ku yaalla Magaalada New Delhi, isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa kala hadlay maamul ka cisbitaalkaasi in dadka Soomaaliyeed ee caafi maadka usoo doonta laga ilaaliyo ka faa’iidaysiga, islamarkaana la siiyo adeegyo hufan.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday in loo sameeyo bukaannada Soomaalida macaamil gaar ah oo dhina cyada dhaqaalaha ah, iyada oo dowladdana ka dalb aday fududeynta fiisooyinka caafimaadka ee bulsh ada Soomaaliyeed. Si kastaba, Soomaali badan ayaa caafimaad u aada dalka Hindiya, waxayna arri ntaan ka caawin doonta bukaannada Soomaalida ah ee halkaasi adeeg caafimaad u doonta inay ka yar eyso culeyso badan oo ay hore u wajahi jireen, had dey tahay helista fiisaha iyo arrimaha kale ee la xir iira safarkooda.

Qorshaha mareykanka uu kusoo celinayo soo galootiga qaar iyo xarumo uu ka furanayo dalal kamida deriska

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheyn ayo inuu xarumo cusub oo ka furo dalal ka tirsan latin America Xarumaha oo loo qorsheeyay dadka soog alootiga ayaa laga furayaa Colombia iyo Guatemala taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu dhimayo soogalo otiga aan sharciga lahayn.

Tirada masaafurinta kuwa aan u loo oggoleyn inay ku sugnaadaan Mareykanka ayaa sidoo kale lagu wadaa in la labo jibbaaro.

Xarumaha habaynta wax ay u ogolaan doonaan codsadayaasha guulaysta in ay si sharci ah ku soo galaan Maraykanka oo ay wan aajiyaan helitaankooda gargaar sida habaynta dib u dejinta qaxootiga iyo dib u midaynta qoyska.

Inta u dhaxaysa 5,000 illaa 6,000 oo qof ayaa la filayaa in laga baaraandego bishii laakiin tani waa la kordhin doonaa.

Spain iyo Canada ayaa sidoo kale ku heshiiyey in ay qaataan tiro ka mid ah kuwa codsanaya.

Saraakiisha Mareykanka ayaa khamiistii sidoo ka le shaaca ka qaaday qorshayaasha lagu laba jibaar ayo tirada duullimaadyada masaafurinta ee dalalka qaar.

Kuwa isku daya in ay si sharci darro ah dhinaca badda uga gaaaraan America ayaan sido kale loo og golaan doonin sii daynta sharafeed, taasoo u oggola anaysa inay si ku-meel-gaar ah ugu noolaadaan oo uga shaqeeyaan Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa cadaadis xooggan la gu saaray inuu wax ka qabto tirada badan ee muh aajiriinta aan sharciga lahayn ee lagu qabto iyagoo ka gudbaya xadka Mareykanka iyo Mexico.

Ilaa 200,000 oo muhaajiriin ah oo aan sharciyeys nayn ayaa isku dayaya inay galaan Maraykanka bi shiiba, sida ay muujinayaan xogtii ugu dambaysay ee dawladda.

Sarkaal ka tirsan xisbiga talada haya ee Axmaa rada oo toogasho lagu dilay

Madaxii xisbiga Prosperity Party ee haya talada gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa toogasho lagu dilay,, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Girma Yeshitla ayaa ka soo laabtay safar rasmi ah markii weerar gaadmo ah lagu qaaday meel 250km waqooyi ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta ee gobolka.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dilkan ku tilma amay mid laga xumaado oo laga naxo, wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeeyaan kooxaha xagjirka ah oo aan la magacaabin, kuwaasoo uu sheegay inay doorteen inay hub ku xalliyaan khilaafkooda halkii ay wada hadal ku dhamayn lahaayeen.

Dilkan ayaa yimid todobaadyo kadib markii ay dowlada federaalku ku dhawaaqday in ay kala dirtay ciidamo gurmad ah kuwaas oo kacdo ono iyo rab shado baahsan ka abuuray Axmaar ada.

Mr Girma ayaa dhal eecayn xoog an kala kulmay dadka kasoo horje eda kala dirista ciidamada, kuwaas oo u arkayay mid ka mid ah wajiyada ka dambeeya tallaabadan.Dilka si yaasiyiinta sarsare maaha mid ku cusub Axmaara da. 2019-kii, hogaamiyihii gobolka iyo masuuliyiin ka le oo sarsare ayaa la dilay iyadoo lagu tilmaamay is ku daygii afgambi ee gobolka ee fashilmay.

Xabbad-joojinta dagaalka SUDAN oo la kordhiyay iyo wararkii ugu dambeeyay

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa ma rkale isku afgartay inay kordhiyaan heshiiskii hore ee xabbad-joojinta ahaa ee ku ekaa 72-ka saacadood.

Ciidanka Militariga ayaa sheegay inay aqbaleen in wakhtiga xabbad-joojinta oo dhacayey fiidnimadii Khamii sta, in lagu daro saddex maal mood oo kale, lana gaadhsiiyo illaa Axadda toddobaadka soo socda.

Ciidamada RSF ee la dagaala maya ciidamada dowladda Su dan ayaa iyaguna markii ugu horraysay Khamiistii aqbalay in wakhtiga loo kordhi yo heshiiska xabbad-joojinta, laguna daro 72 saaca dood oo kale oo ka bilaabmaysa maalinta Jimcaha. Isla Khamiistii waxaa markale ay ciidamada Militarigu ay markale ku celiyeen inay dhinacooda wakhtiga u kordhinayaan heshiiska xabbad-joojinta ah.

Hase yeeshe waxaa weli lasoo warinaya inay jira an rabshado ka dhacaya caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo gobolka Darfur, iyada oo dhinacy ada ku dagaalamaya ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabad-joojintii dagaalka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan ya hay xad-gudubyada ka dhanka ah heshiiska xabbad-joojinta, xilli ay si weyn isku soo tarayaan walaaca laga muujinayo dagaalka Sudan.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaalada ka socda dalka Sudan, halka ay ku barakaceen kumana an qof, ka dib dagaalladii adkaa ee dhexmaray ciid amada Sudan iyo xoogagga sida gaarka ah u taba baran ee RSF.

Si kastaba, Go’aanka cusub ee ka soo baxay lab ada dhinac ayaa waxaa soo dhoweeyey Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD iyo dalalka ka odayaynaya xaaladda Sudan ee kala ah Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Sacuudiga.

55 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Liibiya

Dooni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub ayaa ku degtay xeeb aha dalka Liibiya, waxaana wararku sheegayaan in ay goobtaas ku qaraqmeen ugu yaraan 55 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween, sida ay sheegtay hay'ad da Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socda alka. Masiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda, marinkan halista badan, halkaas oo kumanaan qaxooti ahi ay sannad walba ma raan, iyaga oo isku dayaya inay gaadhaan dalalka Yurub.

Hay'adda Socdaalka Dunida ee loosoo gaabiyo IOM ayaa sheegtay in masiibadani ay dhacday maali nimadii Salaasada. Doonta qaraqantay ayaa sidday illaa 60 tahriibe, waxayna ka shiraacatay xeebta ma gaalada Garabouli oo dhinaca bari ka xigta caasimad da Tripoli. Hay'adda Socdaalka ayaa sheegtay in shan qof ay ka badbaadeen masiibadan, kuwaas oo ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay keen een dhinaca berriga.

Illaa hadda xog badan lagama hayo sababta ke entay inay doontani degto. Safa Ms ehli oo ah afha yeen u hadashay IOM ayaa sheegtay in doontani ay degtay waxyar ka dib markii ay xee baha ka shi raacatay. Waxay intaas ku dartay in illaa haatan ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay soo saa reen meydka sagaal nin iyo cunug yar. Shanta qof ee la soo badbaadiyey ayaa saddex ka mid ahi ay u dha sheen dalka Pakistan, iyo laba qof oo u kala dhashay Masar iyo Syria, sida ay Safa u sheegtay wakaala dda wararka ee AP. IOM ayaa sheegtay in sannadk an oo keliya ay badda ku dhinteen illaa 537 muhaajiriin ah, halka la badbaadiyey ama safarkooda tahriibka laga joojiyey in ka badan 4,300 oo muhaaji

riin ah kuwaas oo dib looga celiyey badda.


Trump oo ka digay ‘fowdo’ haddii aan dib loo dooran

Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono "fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.

Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Dorraad, gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

"Ikhtiyaarka doorashada waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.

"Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa.”

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka Iowa.

Ukrine:Ruushka oo gantaallo ku garaac ay Kyiv iyo magaalooyin kale

Magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda Kyiv ee Ukrine, ayaa waxaa lagu garaacay mowjado gantaallo ah oo ay fuliyeen ciidamada Ruushka. Magaalada Kyiv, 11 gantaal iyo laba diyaaradood oo weerar ah ayaa lagu soo riday nidaamka difaaca hawada, sida ay saraakiishu sheegeen.

Madaxa maamulka militariga ee magaalada Kyiv ayaa sheegay in tani ay tahay weerarkii ugu horeeyay ee gantaalada Ruushka lagu qaado caasimadda muddo 51 maalmood ah.

Sidoo kale qaraxyo ayaa ka dhacay magaalooyinka Kremenchuk iyo Poltava, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Interfax.

Haweeney iyo ilmo saddex caruur ah ayaa lagu dilay magaalada Dnipro, sida uu sheegay duqa deegaanka,halka la sheegay in shan qof loo qaaday isbitaal.Sawirro laga soo qaaday magaalada Uman ayaa muujinaya dhismo ka kooban sagaal dabaq oo aad u burburay

Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo dhex-dhex aadi naya labada janaraal ee isku haya Suudaan.

Iyadoo ay weli dagaallo ka socdaan Suudaan ayaa waxa isasoo taraya baaqyada nabad ilaalineed ee loo jeedinayo dhinacyada isku haya dalkaasi. Koonfurta Suudaan, UN iyo hadda oo Ethiopia ay kusoo biirtay ayaa reysal wasaaraha dalkaasi door dhexdhexaadin ah

ka ciyaaraya qalalaasaha ka taagan Suudaan. Isagoo xaqiijinaya ku lug lahaanshaha Addis Ababa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in uu wada-hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay labada Jeneraal ee dagaallamaya si uu ugu dhiirrigeliyo inay joojiyaan colaadda. Xabbad-joojintii hore ayaa u suurtogelisay kumannaan qof inay isaga baxaan dalkaas, halka dhowr dalna ay isku dayeen inay la baxaan muwaadiniintooda. Muddo kordhin 72 saacadood oo kale ah ayaa daba socota dadaallo diblomaasiyadeed oo adag oo ay sameeyeen dalalka deriska ah, iyo sidoo kale Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay. Balse waxaa jira warar sheegaya inuu dagaal culus ka socdo magaalada caasimadda ah ee Khartuum.


WAA TUMA GABADHA DOORKA WEYN KA QAA DANEYSA FILIMKA HADAL-HAYNTA BADAN DHALIYAY?


Shukri

XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

Qoraalka sawirka,

ShukriCabdulqaadir Article information Author,Fatuma Maalim Abukar Role,BBC Somali Waa la cusboo neysiiyay 28 Abriil 2023

Waxaa Habeen hore magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay filimka Arday, oo ka sheekeynaya nolosha qeybo ka mid ah oo ay maraan dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho.

Filimkan oo ay jilayaan dhalinyaro da'yar ah ayaa waxaa dadka ka qeyb qaadanaya isla ma rkaana doorka muhiimka ah ku leh waxaa ka mid ah gabadhan: "Aniga waxaan ku jiri jiray ba raha bulshada, sidaas darteed, waalidkeyga way igu garab istaageen wax jilista"

Waa Shukri Cabdulqaadir Cabdi, oo ka mid ah jilaayaasha filimkan Arday, oo ah filim dhina cyo badan taabanaya kana sheekeynaya nolo sha dhalinyarada, gaar ahaanna ardaynimada.

Waxay Shukri filimka ku jileysaa magaca Say nab, waxayna mataleysaa gabar iska dhiciney sa dadka dhibaatooyinka u geysanaya, gaar ah aanna dhalinta. Waa markii ugu horreysay oo ay Shurki oo 21 jir ah jisho filim. "Waxaan ku do ortay wax jilista waa hiwaayad aan jeclaa yar aanteydii. Waxay ku dhalatay dalka Sacuudiga kuna ba rbaartay, magaalada Muqdisho oo ay keliya af ar sano joogto, wax jilista kalama ku lmin caqa bado badan, marka laga reebo caqa badaha ay ka siman yihiin gabdhaha Soomaali da. "Waxaa ka mid ah in gabdhaha loo diido in ay ka soo muuqdaan fanka," ayay tiri Shukri. Sidoo kale qoyskeeda kalama aysan kulmin diidmo ah inay wax jisho, balse qaar ka mid ah qaraabadeeda ayaa kula taliyay inay fiicnaan lahayd inaysan ka soo muuqan shaashadaha.

Arday

XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

Maxaa diiradda lagu saarayaa Arday?

Filinkan oo ka mid ah kuwii ugu horreeyay noociisa ee lagu jilo magaalada Muqdisho tobn aan sano kaddib, waxaa inta badan ka qeyb qaad anaya dhalinyaro ku koray magaalada Muqd isho, oo ay dagaallo iyo qaraxyo saam eeyeen.

Waxaa filimka maalgeliyay Bile Media, oo xar untoodu tahay magaalada Muqdisho. "Waxaan rabay inaan dareemaha dhalinyarada qaab uun aan u sheego. Sida ugu fudud waxay ila noqotay ardayda fasalka fadhiya. Arday walba wu xuu leeyahay sheeko u gaar ah,"

Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Axmed Faarax oo ah hagaha filimka Arday oo dhowaan lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho. Fili mkan oo ka kooban 10 xalqadood, ayuu shee gay inuu taabanayo dhinacyo badan oo ka mid ah nolosha dhalinyarada. "Waxaan xoogga saa rnay ilaa shan qeyb ood, oo qeybta ay Shukri jil eyso ka mid tahay. Waxaa kale oo aan xoogga saarnay kufsiga, gabdhaha muuqaallada qaawan laga duubo ee lagu rikaateeyo, duruufta ardayda, ragga dibad da ka imaanaya ee gabdhaha yaryar guursan aya, qaraxyada iyo amni-darrada Muqdisho, iyo qeybo kale," ayuu yiri Axmed.

In Muqdisho lagu duubo filim, wuxuu Axmed leeyahay waxaa ku xeeran caqabado.

"Caqabadaha ugu badan ee ina heysta waa magaalada oo aan u diyaarsaneyn in wax lagu duubo. Buuqa iyo sawaxanka, aadaanka Salaa dda oo masaajiddu aysan isku waqtiyo ahayn, iyo dadkii oo aan fahansaneyn ujeedka filimka,"

Shukri

XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

Filinkan oo duub istiisa ay qaadat ay ilaa sadex bil ood iyo bar, Axm ed oo filimkan uusan ahayn kii ugu horreeyay ee uu hago, wuxuu leeyahay, "waa filimkii ugu horreeyay noociisa ee Muq disho lagu soo bandhigo muddo 30 sano ah, sababtoo ah wuxuu la mid yahay musalsallada dhalinyarada ee caalamka,"



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip