
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA ABRIIL 2023-KA
Villa Somalia oo ka hadashay ‘waxa ka jira’ in muddo kordhin horleh u raadineyso ATMIS
Dowladda FS ee uu hoggaamiyo madax weyne Xasan Sh.Maxamuud ayaa beenisay warar sheegaya in madaxweynaha iyo dowl addiisu ay muddo kordhin horleh u raadinay aan howl-galka TMIS ee Soomaaliya.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyn aha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali oo arri ntaan ka hadlay ayaa sheegay in uusan jirin qorshe ay dowladda ku dooneyso in muddo kordhin loo sameeyo howl-galka ATMIS.
Xuseen oo qoraal soo dhigay bartiisa twitt er-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wa xba iska badalin qorshihii bixitaan ee kal hore kaasi oo ATMIS uga hayaamayaan Somaliya 31-ka bisha December ee sanadka 2014-ka.
"Dowladda FS waxaa ka go’an in mas’uliya da amniga Somaliya ay kala wareegto TMIS, marka la gaaro 31-ka December 2024, sida uu dhigayo qaraarka UNSC ee tirsigiisu yah ay 2628 iyo 2670,” ayuu yiri La-taliyaha Amni ga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.
"Tani waa warbixin been abuur ah,” ayuu yi ri Xuseen oo tweet-kiisa kusoo qaatay warbix inuu baahiyay warsidaha The East African, kaasi oo uu ku sheegay in DFS oo uu horka cayo madaxweyne Xasan Sh.ay muddo kor dhin 2 sano oo dheeraad ah u raadineyso howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibad da Somaliya ayaa beenisay wararka sheega ya in dowladda ay rabto in wax ka bedel ku ameyso qorshaha ay cutubyada shisheeye ay dalka kaga hayaami doonaan bisha Dece mber ee sanadka soo socda.
"Soomaaliya waxaa ka go’an fulinta go’aama dii UNSC ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670, marka la gaaro 31-ka December 2024. Waxa an diiradda saareynaa dhacdada ATMIS ka dib,”ayuu yiri Wasiiru-dowlaha wasaaradda ar rimaha dibadda Cali Maxamed Cumar oo isa gna beeniyay warbixinta uu baahiyay warsid aha The East African.
Wargeyskan ayaa warbixinta la beeniyay ku sheegay in ololahan uu madaxweyne Xas an Sh.uu si gaar ah gadaal uga riixayo isaga oo kaashanaya madaxda dalalka gobolka.
The East African ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay warbixintiisa in qorshaha muddo kordhinta ATMIS ee uu sheegay inuu wado xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh uu waaf aqsan yahay soo jeedin horey uga timid dalal ka ay kasoo jeedaan C/ taliska ATMIS.
Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Q/ Mi doobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay ho wl-galka cusub ee M/Afrika ee kumeel-gaarka ah ee Somaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidam adoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’ uliyada amniga dalka dhammaadka 2024-ka.
Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Yugaandha
Dalalka Ciidamadu ka joogaan dalkeenna a yaa kulan ay kaga arrinsanayeen dagaalka la gula jiro Khawaarijta iyo sidii looga xoreynayo gayiga Somaliyed ku yeeshay dalka Ugan da.
Shirkan ayaa horudhac u ah shir madax eed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Yugaandha ayaa lagu wado inay ka qe yb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tir san howlgalka ATMIS, kuwaas oo kala ah Ja buti,Yugaandha, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Dowladda Soomaaliya.
Shirka ayaa looga dooday sidii ay ciidam ada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dag aallada lagula jiro khawaarijta oo lagu wado in dhowaan laga sifeeyo dalka, kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa wa xay sheegeen in howlgallada ka socda Soo maaliya oo ay iska kaahsnayaan Ciidamada xoogga dalka iyo dadka shacabka ah laga ga aray horumar ballaaran oo mira dhal ah.
Wafdiga ka socda Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in guulo ballaaran laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaari jta iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo me el wanaagsan marayo si amniga dalka loogu wareejiyo Ciidanka xoogga dalka Somaliye ed dabayaaqada 2014-ka.
Madaxweynaha J/Soomaaliya,Xasan Sh. Ay aa horay ugu codsaday dhiggiisa dalka Yugaandha , Yoweri Museveni in shirka loo ga hadlayo arrimaha ATMIS uu marti geliyo.
Imaaraatka Carabta Oo Wado Qorshe Ka Dhan Ah Dowladda Uu Hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Imaaraatka Carabta ayaa wado dadaalo uu ku bixinayo sidii dib la isugu soo celin la haa xiriirkii xumaaday ee madaxweynaha ma amulka Jubaland iyo ra’iisul wasaaraha dalka itoobiya Abiye Axmed, xiriirkan ayaa ahaa mid hooseeya mudadii ay jirtay dowladii Farm aajo.
Arrintan waxey qeyb ka eheyd heshiiskii uu Axmed Madoobe ugu ogolaaday Imaaraatka Carabta iney ciidamo geysteen Kismaayo oo ay saldhig ka sameysteen, iyadoo dhawaan tobaneeyo gaadiid dagaal ah ay Imaaraatku ka dag sadeen dekeda Kismaayo.
Sida macluumaadka la hel ayo ay tilmaamay aan, Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa isu diyaarinaya safar maalmaha soo so cdo uu ku tagayo ma gaalada Adis-Ababa ee caasimadda dalka aan Badda leheyn ee Itoobiya.
Ka hor safarkiisa, Axmed Madoobe ayaa marka hore kulan la qadaanaya madaxweyna ha dalka Kenya William Ruto, wuxuuna kula nkan daaran yahay sii wadista cilaaqaadkii xo oganaa ee maamulkiisa iyo Kenya iyo inuu warbixin ka siiyo qorshaha dagaal ee maam ulkiisa si iskiis u doonayo inuu ugu qaado Shabaab.
Macluumaadka la helayo ayaa tilmaama ya in Axmed Madoobe uu doonayo inuu adke eyo cilaaqaadka Itoobiya si uu ugu diyaar gar oobo dagaal siyaasadeed oo dheer ee u dam acsanyahay inuu la galo Madaxwayne Xas san Sh Maxamuud.
Xukuumada Muqdisho ooiyaduna ilgaara ku heyso dhaq-dhaqaaqyadan ayaa damacs an iney hoos u dhigto miisaanka siyaasadeed ee madaxweynaha maamulka Jubaland Axm ed Madoobe.Xigasho:-Jowhar.Com
Maamulka gobolka Banaadir oo shatigii kala laabtay hotelo iyo maqaayado lagu iibiyo waxyaabaha anshaxa kasoo horjeeda
Maamulka gobolka Banaadir ayaa amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah an shaxa.
Go’aankaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kaddib markii maa mulka gobolka Ba naa dir uu sameey ay howlgal ka dhan ah goobahan, isa goo maamulku she egay in aanan loo dulqaadan karin wuxuu ugu yeeray dhaqan xumada sii kordhaysa ee ka jirta goobaha uu maamulku howlgalka ka sa meeyay.Afhayeenka gobolka Banaadir, Saa lax Dheere, ayaa sheegay in shatiga lagala la abtay dhammaan maqaayadaha iyo huteell ada ka ganacsada daroogada, kuwaas oo uu sheegay in laga diiwaan galiyay falal isugu jira dilal iyo dhac dadweyne.
Afhayeenku wuxuu sheegay in si qaldan loo turjumay muuqaallo lagu baahiyay intern etka oo uu sheegay in lagu marin habaabina yo howlgallada lagula dagaalamayo waxyaa laha lidka ku ah anshaxa suuban ee bul shada.
.Wuxuu sheegay afhayeenku howlgalladan inay ku yimaadeen cabashooyin badan oo ka yimid bulshada, kuwaas oo ka cabanaya xar umaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka doo riya.
Muxuu Sheekh Soomow ka yiri tallaa badii MADAALE?
Sheekh Cabduqaadir Soomow oo kamid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ay aa ka falceliyay tallaabadii uu qaaday guddoo miyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muq disho oo bilaabay howlgalo lagula dag aalamayo maandoo riyaha.
Sheekha oo u warramay Somali Cable TV ayaa mar ka hore soo dhaweeyay fic ilada guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mada ale), wuxuuna tilmaamay inuu qaaday talaa bo loo baahnaa, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in usha uu qaatay ay tahay mid lagula dagaal amayo munkarka, isla-markaana lagu canaa nanayo dhalinyarada isticmaasha maandoor iyaha.
"Usha uu qaatay ayaa nimco leh gudd oomiyaha gobolka Banaadir, waana ushii u wadan jirar Amiirul Mu’miniin, waxaan leena hay marka ushii Seyd Cumar ee munkarka uu uga hortagi jiray oo dadka uu ku canaan ji ray ayuu soo qaaray” ayuu yiri Sheekh So omow.
Sheekha ayaa sidoo kale xusay in waxa loo soo bandhigayo ay tahay inay ku tusaale qaataan dadka kale, si loo suuliyo waxyaaba ha macaasida ah iyo maandooriyaha.
"Waxaa ka rabaa dad kale in guddoomiya ha gobolka Banaadir ay runta gaartay oo ca naananaayo gaarto, waxaa ku xigi doono in lagu fuliyo xadka shareecada Islaamka oo ah 40 garbaash oo dadka hortooda ah” ayuu yiri.
Dhanka kale waxa uu shaaca ka qaaday in dowladda iyi culimada Soomaaliyeed ay mar ar badan u digeen dadka leh hoteelada iyo ku ea ganacsada maandooriyaha, isla-markaa na xukunkoodu yahay mid adag, sida ay qab to Shareecada Islaamka
"Dadka hoteeladaas iska leh mar horaa loo digay iyo kuwa daroogada keenaayo ee ka ganacsanayo, waxaan leenahay xukunkooda shareecada aad ayuu ugu adag yahay, wa ana in laga hotagaa” ayuu ku daray Sheekha.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo labadii habeen ee lasoo dhaafay uu Duqa Mu qdisho hoggaaminayay howlgallo laga same eyay xeebta Liido iyo qaar kamid ah degmoo yinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagula dagaalamayay maandooriyaha iyo goobaha lagu sameeyo dhaqan xumada ee caasi mada.
Xog: Madaxweyne Xasan oo sameynaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Saciid Deni
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheeg ay inay billowday abaabul ka isbaheysi cusub oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad-gobo leedka Puntland Saciid Ca bdullaahi Deni, ka asi oo muddooyinkii dambe ay xiisad xoogg an kala dha xeyso dowladda federaa lka Soo maaliya. Isbaheysi gan cusub ee Madaxtooyada ay sa meyna yso ayaa la xaqiijiyay inay ku abaabule yso si yaasiyiinta reer Puntland ee sida weyn u muc aaradsan madaxweyne Saci id Deni. Qorsha ha madaxtooyada ayaa la sheegay inay doon eyso in hal isbaheysi oo xooggan lagu midee yo dhamaan siyaasiyiinta Puntland ee muca aradsan Saciid Deni, xilli ay sii xoogeysatay mucaaridada gudaha ee Deni.
Xogaha arrintaan laga helayo ayaa intaas kusii daraya in Madaxtooyada Soomaaliya ay dhaqaale gaar ah u diyaarisay hirgelinta qor shahan cusub ee ku sameynayso isbaheysi ga siyaasadeed xooggan oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Ujeedka u weyn ee Villa Somalia ay qorsh ahaan ka leedahay ayaa lagu sheegay sidii culeys siyaasadeed u saarto hoggaanka Punt land oo isagu meel iska dhigay wada-shaqey ntii heer federaal, kana horyimid tallaabooy inkii u dambeeyay ee qaaday dowladda feder aalka Soomaaliya.
Qorshahan cusub ayaa imanaya ka gad aal markii ay maamulka Saciid Deni ay xirii rka u jartay dowladda federaalka, gaar ahaan Villa Somalia, sababa la xiriira khilaaf siyaa sadeed iyo rabitaanada madaxweynaha Pun tland.
Dowlad-goboleedka Puntland ayaa horra antii sanadkaan ku dhawaaqday inay u dhaq meyso sidii dawlad madax-banaan oo kale, in ta laga dhamaystirayo dastuurka kumeel-ga arka ah ee Soomaaliya.
Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay Villa Somalia iyo maamulka Saciid Deni ayaa si weyn usii kala fogaaday, ayada oo maamulka Puntland uusan kasoo qeyb-galin shirarka iyo heshiisyada muhiimka u ah dowlad-dhiska, kuwaasi oo ay soo xaadireen madaxda dowl adda federaalka iyo afarta maamul-goboleed ee kale.XIGASHO:-CAASIMADDA.NET
Guddoomiye Madaale oo digniin soo saaray
Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale guddo omiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdi sho oo kulan la qaatay maaamulada degmo oyinka iyo hay’adaha amniga ayaa ka hadlay xaalada amni ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay diirada saareen waqt iya dii ugu dambeeyay la dagaala nka ciyaal weerada, Kooxaha hubeysan ee dilalka iyo dhaca geysta iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka do oriya uuna xusay in ay guulo ka gaareen.
Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ay albaabada iskugu dhufteen kalaabyo lagu isticmaalo waxyaabaha mukhadaraadka ah ayna ku caweyn jireen dhalinyaro isugu jirto gabdho iyo wiilal, asigoona ku amray gooba ha kale ee aysan weli gaarin inay sida ugu dhaqsiyaha badan u xiraan hadii ay xeri waa yaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Sidoo kale gudoomiyaha gobalka Banaa dir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa til maamay in bishii ramadaan ee dhamaatay la gu guuleystay in la sugo amniga caasimada asigoona sidoo kale xusay in muhiim ay tah ay in hay’adaha amniga si wadajira looga wa dashaqeeyo amniga si loo sii xoojiyo nabad gelyada caasimada.
Geesta kale taliyaha ciidanka booliiska So omaaliya Sulub Axmed Firin oo dhankiisa ha dlay ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada am nigu uu u leeyahay bulshada, isaga oo tilmaa may in guulo waa weyn oo lataaban karo la ga gaaray kooxihii dhibka ku haayay shacab ka Muqdisho, waxa uuna carabka ku dhuftay in la sii dar dar geliyo howlgalada socda.
Maxaa Ka Run Ah Mooshinka Suuqa Soo Galay Ee Ra’iisul Wasaare Xamze?
Inkastoo aanu illaa hadda jirin mooshin si rasmi ah bannaanka u yaal, marka laga re ebo fadhi ku dirir si sahlan suuqa ku soo ga lay iyo warqad qaab receipt u qoran oo bar aha bulshada lagu faafiyay.
Haddana waxay u muuqataa in mooshin kii dhexdiisa boqol kaarto lagu dheelayo oo la abuurayo sida in dowladda dhexdeeda ay waddo.
Mooshin walba waxaa aas aas u ahaa saddex arrimood 1- cidda abaabuleysa , 2- ujeedka mooshinka 3- iyo saldhigga moo shinka, haddaanu saddexdaas arrimood lah eyn mooshinka awooddiisa ma dhameystirna, isla markaana Mooshin aanu Madaxweyne qeyb ka aheyn ma socon jirin.
Sheeko sameynta Mooshinka waxay ka soo bilaabatay Nairobi iyo siyaasiyiin Cumr ada isku wareystay, illaa iyo hadda ma jirto cid bannaanka la timid, Mooshinadi horay Xukuumadda looga keeni jiray ujeeddka wux uu ahaa dhowr siyaasabood oo lagu saleyn jiray sida in Amniga lagu fashilmay iyo in am ni darro ka jirto Muqdisho.
Balse intaas oo dhan xilligan ma jiraan, maxaa yeelay Xukuumaddu waajibaadkeeda koowaad waxay ka dhigtay xal u helida am niga, waxayna ka bilowday la dagaalanka Al-Shabaab oo laga qabsaday dhul ballaaran oo gaaraya illaa 500KM, aaggagii Muqdisho ka furnaa waxaa loo raray deegaano iyo goobo Al-Shabaab muddo 15 sano ay adkeyd iska daa in la gaaree amar la’aan shimbir aysan ka buubi karin.
Sababahaas oo la isku geeyay ayaa yare ynaya suurtogalnimada in xilligan mooshin Xukuumadda loo helo duruuf iyo dood lagu socodsiin karo.
Laakiin mucaaradka bannaanka jooga, oo arrintaas is tusay, ayaa laga yaabaa inay had al-haynta suuqa soo gashay uga dan leeyihiin inay tuhun kala dhex dhigaan xukuu madda iyo saaxiibo saami-wadaag siyaasade ed la ah balse hadda aanan xilal hayn, si kala shakigaas gudaha ah uu u abuuro xaalad ay mucaaradku ka faa’ideysan karaan.
Salaadiin u socda dhexdhexaadinta cola ada Laascaanood oo Hargaysa soo gaadhay
Madaxdhaqameed kasoo kicitimay mag aalada Muqdisho, oo u socda in ay dhexdhe xaadiyaan xukuumada Somaliland iyo garaad ada SSC ayaa yimid magaalada Hargaysa.
Salaadiinta oo hore safar ugu tagay maga alada Laascaanood isla markaana la kulmay madaxda dhaqanka SSC, ayaa la rajaynaya in ay kulamo la qaataan madaxweynaha Som aliland iyo madaxdhameedka Somaliland ee iyagu dhankooda ku howlan xal u helista colaada.
"Madax dhaqameedkii mudaba ku maqnaa magaalada Caynaba ee gobolka Sool ayaa halkan ku qaabilay is waraysigayaguna wuu noo danbeeyaa" Suldaan Xasan oo kamid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ee u xilsaa ran xalinta colaada Laascaanood ayaa sida warbaahinta u sheegay.
Salaadiinta oo uu hogaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa markii ugu hor aysay la kulmi doona bahda dhaqanka Soma liland ee uu madaxweyne Biixi u xilsaaray in ay la hadlaan garaadada.
Dhamaan dhexdhexaadinihii horay looga sameeyay dagaalka Laascaanood ayaan wax la taaban karo ka badalin xaalada, waxaana laga war sugayaa waxa kasoo baxa ergada cusub iyo hadii ay dhiiga joojin karaan.
Warbaahinta oo madaarka Hargaysa u ta gtay imaanshiyahaha odayaasha ayaa loo dii day in ay wax muuqaal ah ka qaataan ama la hadlaan, marka laga reebo muuqbaahiyaha xukuumadda.
Duqa Magaalada Muqdisho oo sharaxay qorshaha diiwaan gelinta Bajaajyada ka howlgala Muqdisho
Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Ji mcaale Madaale oo kormeer ku tagay goobta lagu buufinaayo bajaajyada ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay kala saarista bajaajta ka howlgasha magaalada Muqdisho ee lagu kala buufinayo nambarada A iyo B.
Guddoomiye Madaale oo ayaa ugu hor eyn beeniyay in warar laga faafiyay maamul ka oo sheegayay in bajaajyada la buufinaayo laga qaadayo lacag fara badan oo xujo looga dhigayo dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta"Waa been abuur wararka suuqa ku jira, warb aahinta horteeda ayey ka qireen dhalinyar ada Mooto Bajaaj-ta in 150 Dollar aan laga qaadeyn markii loo buufinayo moo tada, wax aana laga qaadaa 36 dollar, waana ogolyihiin inay dhiibaan" ayuu yiri guddoomi ye Madaale.
Wuxuu tilmaamay duqa Muqdisho in maa mulka uu ku dadaal badan ku bixiyay in la yareeyo qiimaha lacagta laga qaadayo dhali nyarada Bajaajleyda ah ee lagu horgalinayo in la kala xakameeyo shaqada kumanaanka Mooto ee ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho.
"Waxaan kormeeray goobihii aan u asteyn ay in mootooyinka lagu midabeeyo oo loo ka la saaro A iyo B, oo ah go’aan ka soo baxay golaha wasiirrada, waxaana fulintiisa leh ma amulka gobolka Banaadir, Dorraad fulinta awa amiirta dowladda ayey Bajaajley saf dheer ugu jiraan, wixii soo kordha waan isla joog naa, waxaana ku dadaali doonaa inaan fudu deyno wax kasta oo culeyska ka yareynaya, dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo sheegay inuu uga mahadcelinaayo dhalinyarada ku dhaqey sata Mooto Bajaajta, sida ay ugu hoggaansa meen go’aanka kasoo baxaydowladda ee la gu xakameynayo shaqada Mooto Bajaajta Muqdisho.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya, iyadoo aad ay u diida naayeen go'aankaan dhalinyarada ku shaqe ysata mooto Bajaajta, isla markaana ay ka ba naanbaxeen in mootooyinka loo kala saaro A iyo B, taasoo ka dhigan in kooxda loogu buu finayo A ay shaqeysan doonaan hal maalin, halka maalinta kalana ay magaalada ka shaq eysan doonaan kooxda kale ee B loogu buufiyo.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaa liya oo sheegtay in boqolaal Soomaali ah oo ka cararay colaadda Sudan ay gareen xadka Ethiopia
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaa liya ayaa sheegtay in dad gaaraya 200 qof oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed ay gaareen xadka ay wadaagaan Suudaan iyo
Ku simaha xoghayaha joogtada ee wasaa radda arrimaha dibadda, Cabdiraxmaan Diin aari ayaa sheegay in dadkaasi oo kasoo cara ray colaadaha Suudaan loo gudbindoono Ethiopia.
Xoghayuhu wuxuu sheegay dadkan iyo ku wa kaloo gaaraya ku dhawaad 150 mu wa adin in loo diyaarinayo hannaankii dalka dib loogu soo celin lahaa. Wuxuu sheegay in dib lumaasiyiinta Soomaaliyeed ay wadaan da daalo lagu samatabixinayo muwaadiinta Soo maaliyeed ee ku dhibaataysan Sudan.
Cabdiraxmaani Diinaari wuxuu tilmaamay in Dowladda Koonfurta Suudaan ay muwaadi niinta u furtay xadkeeda, halkaas oo uu she egay in saacadihii lasoo dhaafay dad badan ay gaareen, wuxuuna arrintaas ku ammaan ay safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suuda an Eng, Camey iyo qunsulka guud.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soom aaliya ayaa ugu baaqday Soomaalida ku har tay magaalada Khartoum inay isdaabulaan oo isku diyaariyaan sidii looga soo saari la haa dalka Suudaan. Waxay dowladdu sheeg tay in xaaladda Suudan ay u muuqato mid ka sii darayso, dagaaladuna ay sii xoogaysana yaan.
Somaliland oo soo saartay digniin ku waj ahan SOOL iyo laba gobol oo kale
Xukuumadda Somaliland ayaa soo saa rtay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobo llada Somaliland ay wajihi karaan khatar ka ga timaada halista daadadka roobka, oo saa meyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.
Qoraal kasoo bax ay Waax da Saad aasha Hawada ee Wasaar adda Hor umarin ta Beeraha Somalil and ayaa waxaa la gu sheeg ay in dee gaanada gobolada Sanaag, Sool iyo Togdheeray ka di’i doonaan roobab aad u badan, si da ay saadaashu muujinayso
"Saadaasha roobka Gu’ga ee toddobaad ka soo socda ka di’i doona Insha-Allaahu dha maadka bishan aynu ku jirno ee April 2023, roobab aad u badan ayaa ka di’i doona inta badan gobollada Barriga ee Somaliland, sida; Sanaag, Sool iyo Togdheer roobabkaas oo cabirkoodu gaadhayo 50mm — 150mm,” ay aa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horum arinta Beeraha Somaliland
Sidoo kale waxay sheegtay in qeybo ka mid ah gobollada galbeedka ee Awdal, Saa xil iyo Maroodi-Jeex ay ka di’i doonaan roob ab fiican oo lagu diirsan doono cabirki isuna meelaha qaarkood gaadhi doono ugu sarayn 30mm — 50mm.
Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaar ad da Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxay uga digtay bulsh ada ku nool gobolla da kor ku xusan in ay ka feejignadaan saam eyn ta roobku ku ye elan karo naft ooda iyo hanti dooda."”Waa in ay ka fogaa dan jeex-jeexya da, roobku aad buu u di’i doona ee ha la is ila aliyo oo xoolaha iyo maatida halaga fogeeyo,” ayaa lagu yiri digniinta ay soo sa artay wa saaradda beeraha Somaliland, gaar ahaan waaxdeeda saadaashada hawada.
Xafiiska Saadaasha Hawada ayaa si toddo baadle ah u soo saara saadaasha roobka iyo xadiga roobabaka Somaliland da’a, wuxuuna inta badan la wadaaga hay’addaha dowlad da, NGO-yada iyo dhamaan bulshada reer
Somaliland.
Arrin keentay guusha amniga Muqdisho oo la shaaciyey
Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gud aha Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo Dorraad ka qaybgalay kulan gaar ah oo ka dha cay xa runta gobolka Banaadir ayaa ka hadlayamniga Muqdisho iyo howlgalla da haatan ka socda.
Wasiir Xagaa ayaa ma ka hore boggaad iy ay shaqada iyo wana agga ay la yimaadeen ciidamada boolis milat aaro ee qayb ahaan lagu wareejiyay amniga gobolka Banaadir. Waxa uu tilmaamay inay ku guuleyst eeen shaqadii loo igmaday, isla-markaana ay mud an yihiin in loo hambalyeeyo, lana abaal-mar iyo.
"Qof haddii shaqo loo dhiibo ama waa ku guuleystaa ama waa ku guul darreystaa, runtii way ku guuleysteen iyaga iyo guddoo miyeyaa sha degmooyinka” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cali Xagaa.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in gu u shaan ay keentay wada shaqeynta mas’uul iyiin ta gobolka Banaadir iyo hay’adaha amni ga oo haatan si wadajir ah uga howlgala mag aalada caasimada ah ee Muqdisho.
"Horta halkan waxaa ku dhan maamulkii ma ga alada Muqdisho amni iyo civil hadda ka ho rna ma dhicin inay sidaan u wada shaqeeya an, ma rka wada shaqeynta guushaas ayay keentay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in lasii la ba jibaaro wada shaqeynta iyo howlgalla da ka so cda caasimada, si looga hortago weerar ada Al-Shabaab iyo falalka kale ee amni dar ada ah.
"Waxaa inoo dhimman inaan laba laabno shaq ada, inaan la’is dhigan cadowga nag ala daga alamaayo waa mid nala jira” ayuu yiri.
Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ay aa haatan soo hagaagayo,kadib qorshaha cus ub ee ay la timid dowladda federaal ka, waxaa na ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan weeraro iyo falal amni darro oo ka dhici lahaa gudaha caasimada Soomaaliya.
Muwaadin Soomaali ah oo u geeriyoo day dhaawac ay u geysteen Rag hube ysan
Muwaadin Soomaaliyeed ayaa dalka Koonf ur Afrika ugu geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray rasaas ay ku fureen dabley hub eysan oo weerar ku qaaday goob Ganacsi uu ku lahaa locationka Phatsima ee hoosyimada magaalada Rustenburg ee gobolka North We.
Allaha u naxariistee Marxu umka ayaa lagu magacaabi jiray Cawaale Salaad Ali, isla markaana waxa uu kamid ahaa dadka Soomaal iyeed ee goobaha ganacsi ku leh Koonfur Afr ika, isagoona la weeraray xilli saq dhexe ah oo ku sugnaa dukaan uu gadayay.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Go bolka North West and Northern Mostapha Shi rwac oo Dorraadeyd ayaa sheegay in Cawa ale uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray weerarkii ay ku qaadeen rag hubey san oo burcad ahaa.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu yahay dal dilal loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xil saartay sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatooyinka lagu haayo Soomaalida, waxa ana dalkaas horey loogu dilay Soomaali badan.
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dag aal aroornimadii hore ee Dorraad ka dhacay Tuu lada Dacaarow oo ka mid tuulooyinka hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kasoo dhexmaray ciidamada dib u xureynta deeg aan ka iyo kuwa Al-shab aab.
Dagaalka ayaa yi mid kadib markii da gaalamayaal ka tirs an Ururka al-shaba ab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Maca wiisleeyda ay ku lahayeen Tuulada Dacaarow oo dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan degm ada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Weeraraka ayaa la sheegay inuu ahaa mid socday ku dhawaad 30 daqiiqo, kaasoo ay isku adeegsadeen labada dhinac hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay meelo ka bax san halka uu dagaalka ka dhacay.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala ga aray labada dhinac, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalka uu dhexma ray oo ku aadan khasaaraha kala gaaray.
Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga saarayin ta badan deegaanada ku yaala Bariga gobol ka Hiiraan, waxay weeraro oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa gaadmo ah ka geysanayeen goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dib u xureynta dee gaanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Xulka Qaranka kubadda gacanta ee gab dha ha da’doodu ka hoosayso U17 iyo U19 oo gaaray Tanzania
Xulka Qaranka kubadda gacanta ee gabdha ha da’doodu ka hoosayso U17 iyo U19 ayaa ga aray Caasimadda Tanzania ee Daarusalaam halkaas oo ay ka furmayaan tartanka Zone 5 ee ciyaaraha kubadda gacanta gabdhaha.
Xulka Qaranka gabdhaha U17 iyo U19 ayaa haddii ay ka soo gudbaan tartanka waddamada Zona 5 waxay u gudbi doonaan tartanka heerka qaaradda ee wadamada Afrika.
Agaasimaha ciyaaraha ee wasaaradda dhallin yarada iyo cayaaraha XFS Saciid Maxamed Xa san (Saacid) oo intii aysan ka dhoofin magaala da Muqdisho la dardaarmay ciyaaryahannada iyo macalimiinta ayaa sheegay inay ka rajayna yaan matalaad qaran oo xirfad ciyaar iyo an shax labada wadata isagoo intaas ku daray in dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ay garab taaganyihiin oo ay guul.u rajaynaynayaan.
Agaasime, Saacid Maxamed Xasan ayaa ca ddeeyay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isbo ort iga JFS ay xoogga saartay horumarinta ciya araha kala duwan ee wiilal iyo gabdho leh isa goo ku ammaanay wasiir Maxamed Barre Maxa muud kaalinta uu ka gaystay horumarinta ciyaar aha dalka intii uu xafiiska joogay, isagoo si go oni ah u xusay tartanka dugsiyada waxbarasha da oo qorshuhu yahay in mustaqbalka xulka Qa ranka laga soo xulo.
Kenya oo arday u dhashay dalkeeda iyo kuwa Soomaali ah kasoo daad guraysay Suudaan
Dowladda Kenya ayaa muwaaadiniin dalke eda u dhashay iyo kuwa kasoo jeeda Soomaa liya waxay kasoo daad guraysay dalka ay cola aduhu aafeeyeen ee Suudaan.
Dadkan oo ahaa ardayda wax ka baranaysay jaamacadaha kuyaala dalka Suudaan, ayaa Dorraad diyaarad milatari waxay ka dajisay maga alada Nayroobi ee caasimadda Kenya.
Tirada lasoo daad gureeyay oo ahaa 39 qof ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaasha andhigga Kenya, Aadan Ducaale.
39-ka qof ee lagasoo qaaday Suudaan wa xay ahaayeen, 19 Kenyan ah, 19 Soomaali ah iyo hal qof oo u dhashay dalka Sacuudi Carab iya.
Ardaydan ayaa safar dhanka dhulka ah ku aaday dalka Koonfurta Suudaan, halkaasi oo ay ka raaceen diyaaradii milateri ee ka soo duu shay Nairobi si ay u soo qaado.
Wasiirka gaashaandhigga dowladda Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in ardayd an ay wax ka baranayeen jaamacad caalami ah oo ku taalla dalka Suudaan.
Si kaste ha ahaatee, dowladaha adduunka ay aa dadkooda ka daad guraynaya dalka Suud aan, halkaas oo uu dagaal culus ka dhex mar ayo milatariga Suudaan.
Soomaalida dalkaas ku sugnayd ayaa badi u cararay dhinaca xuduudka Ethiopia, halkaas oo safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia ay ku qaab ilaysay, iyadoo la geeyay Addis Ababa.
JOE BIDEN OO KU DHAWAAQAY IN UU MAR KALE U TARTAMAYO DOORASHADA 2024
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah u bilaabay ololihiisa dib u door ashada ee sanadka 2024, isagoo noqday mush araxa ugu cad xisbiga Dimuqraadiga ee haatan haya talada Dalka Mareykanka.
Inta badan Dimuqraadi yi inta ayaa sheegay inay taage erayaan Biden, oo 80 jir ah, kana soo horjeeda mushar axa Jamhu uriga ee doorash ada sanad ka soo socda.
Laakiin madaxweynaha ayaa wajahaya caqa bado dhi naca qiimeynta ah ee xagga shaqada iyo iyo da’diisa – Biden hadda waa qof ka ugu da’da weyn ee qabta xa fiiska ugu sarre eya Mar eykanka – wuxuu kic iyay su’aalo ku saabsan rajada dib-u-doorasha diisa.Biden,waxaa markii ugu horeysay la doortay sanadkii 2019,waxaana suurtagal ah in uu loolan adag la galo murashaxa xisbiga Jamhu uriga ee Donald Trump, sida ku cad muuqaalkiisa ololaha doorashada.
WAA MAXAY CUNTOOYINKA U WANAAG SAN DADKA GAASKA QABA?
Waxaa jiro cuntooyinka qaar Haddii aad ist icmaasho gaaska kugu kicin karo, sidaas si la mid ah waxaa jiro cuntooyin kuu wanaagsan inaad isticma asho haddaad ka cabaneyso xanuunka gaaska kuwaasoo u dhigmo daawoyinka gaaska
Cuntooyinka dadka qaar ku kicin karo gaaska waxaa kamid ah
1: Cuntooyinka shiilan.
2: Cuntooyinka basbaaska leh.
3: cabitaanada iyo cuntooyinka ay aashitada ku badan tahay.
4: Cuntooyinka dufanka ku badan yahay.
Si taas lamid ah waxaa jiro cuntooyin kaa ca awinaayo dhibaatada gaaska una wanaagsan qofkaste oo gaas ka cabanaayo. Cuntooyinkaas waxaa kamid ah
1: Cuntooyinka qolofta leh { fiber} hadhuudhka oo dhan, miraha macaan qudaarta, iyo digirta.
2:Cuntooyinka dufanka ku yaryahay sida kallu unka, hilibka qafiifka ah, iyo qudaarta.
3: Cuntooyinka & cabitaannada ay aashitada ku yartahay waxaa kamid ah qudaarta iyo digirta
4:Cabitaanada aan warshadaha lagu sameen.
5: Cabitaanada ay ku jirto maadada caffeinta.
W/Q:Dr Cabaas Tuuryare
Xabbad-joojin looga dhawaaqay dalka Suudaan
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka
Antony Blinken ayaa sheegay in dhinacyada is ku haya Suudaan ay ku heshiiyeen
xabbad jo ojin 72 saacadood ah laga bilaabo saqdii dhexe ee Dorraad.
Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma ay san dhaqan gelin.
Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadaha dallo socday 48 saacadood.
Ugu yaraan 400 oo qof ayaa la dilay tan iyo mar kii uu dagaalku qarxay 15-kii bishan April.
Labada dhinac ayaa si madax banaan ugu dha waaqay inay ku lug leeyihiin xabbad-joojinta.
Xoghayaha guud ee Qarama da Midoobay Ant ónio Guterr es ayaa isna ka digay rab shadaha ka socda Suudaan in ay sababi karaan is kudhac masiibo ah kaas oo harayn kara gob olka oo dhan iyo meelo kale.
Tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen, dadka ku nool caasimadda uu dagaalku ka qarx ay ee Khartoum ayaa loo sheegay inay guryaha ku jiraan, iyadoo ay gabaabsi ka noqdeen saadka cunnada iyo biyaha.
Duqeymaha ayaa lala beegsaday kaabayaa sha muhiimka ah, sida dhuumaha biyaha, taa soo la micno ah in dadka qaar lagu qasbay inay ka cabbaan wabiga Nile.
Waxaa jiri doona rajo ah in xabbad-joojinta ay u oggolaato dadka rayidka ah inay ka baxa an magaalada.
Dawladaha ajinabiga ah waxay sidoo kale rajeynayaan inay ogolaadaan sii daadgureynta dalka. howlgalka ciidamada ATMIS.
Trump oo loo heysto kiis kale oo kufsi ah
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa wajahaya maxkamad madani ah,
oo ku saabsan eedeymo la xiriira inuu kufsaday wariye ku dhawaad soddon sano ka hor.
Xulista xeerbeegtida, ayaa lagu wadaa inay ka bilaabato talaadada maxkamadda feder aalka ee magaalada New York.
Mr Trump ayaa beeniyay eed eymaha E Jean Carroll, ee ah inuu ku weeraray dukaan ku yaalla Manhattan. Waxa uu sheegay inay samaysay sheegashadani si ay caan u noqoto.
In kasta oo kani aanu ahayn kiis dambi ah, had dana cawaaqibka ka dhalan kara ee Mr Trump, ayaa si kastaba ha ahaatee noqon kara mid halis ah.
Haddii Ms Carroll ay ku guulaysato dacwadda, ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee madaxwaynihii hore – oo loo haystay in ka badan labaatan eedaymood – lagu heli doono sharci ahaan inuu masuul ka yahay geysashada xadgudub galmo.
Sii kululaanshaha badda oo laga soo saaray digniin.
Sii kululaanshaha degdega ah ee badaha adduunka, ayaa ka walaaciyay saynisyahann ada, iyadoo taasi ay sii ku kordhisay kulaylka caalamiga ah.
Bishan, oogada badda caalamiga ah, ayaa gaartay heerkul sare oo cusub. Weligeed sidan uma kululaan, waliba iyadoo ay xawaare degd eg ah ku noqotay sidani.
Saynis yahanadu si buuxda uma garan sab abta ay tani u dhacday.
Laakiin waxay ka walaacsan yihiin, marka la gu daro dhacdooyinka kale ee cimilada, heer kulka adduunku, ayaa wuxuu gaari karaa heer cusub dhamaadka sanadka soo socda. Khubar adu ayaa waxay rumaysan yihiin in dhacdo cim ilo oo xooggan oo lamid ah El Niño – taasoo ah hannaan cimilo oo kululeeya badda – ay sidoo kale dhici doonto bilaha soo socda.
Diirimaadka Badweynta, ayaa waxay dili kar aan noolaha ku dhex jira badda, waxay u horse edi kartaa cimilo aad u qalafsan.
Waxay sare u qaadi kartaa heer ka badda. Waxay sidoo kale aad ugu fiican yihiin inay nuu gaan gaaska, gaar ahaan kuwo sida macmalka lagu koriyo ee kululeeya meeraha.
OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA
OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadaha ganacsiga ee kor ku xusan ay yihiin hantida JAPAN TOBACCO INC of 1-1 Toranomon, 4 – Chome, Minato-ku, Tokyo, Japan iyo in calaamado ganacsi oo isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:
fasalka 34: tubaakada, ha ahaato mid la warshadeeyey ama mid aan la warshadayn; tubaakada sigaarka, tubaakada tubaakada, tubaakada gacanta lagu duubo, tubaakada calalinta, tubaakada snuska; sigaarka, sigaarka, sigaarka; Walxaha sigaarka lagu cabbo si gaar ah ayaa loo iibiyaa ama lagu qasay tubaakada, midna uma aha dawooyin ama dawooyin; buuriga;Qodobbada sigaarka cabba ee lagu daray fasalka 34; warqadaha sigaarka, tuubooyinka sigaarka iyo taraqyada
Ogaysiis sidoo kale waxaa la siinayaa in JAPAN TOBACCO INC ay sheegato dhammaan xuquuqaha laxiriira calaamadaha ganacsiga ee kor lagu soo sheegay ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inay u isticmaalayaan calaamadaha ganacsiga ee aan kor ku soo sheegnay ama calaamado ganacsi oo kale haddii kale ay ku xad gudubto xuquuqdeed


0 


HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA ABRIIL 2023-KA
.