{FAALLO}Ninba Dhagaxiisoow soo dhugo ku leeyahay!!!.

0
Wednesday March 29, 2023 - 11:33:22 in Wararka by
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    {FAALLO}Ninba Dhagaxiisoow soo dhugo ku leeyahay!!!.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 

Sariirtaan Abraham Lincoln ayaa ku seexa jiray iyo wax yaabo kale.

Dhamaantood waxaa laguugu xayeeysiina heer Sare si aad u soo booqato Lacagna aad u bixiso.

Yaa naga dhagxa badan?.

1. Maan dhagax dhigno Taleex, oo aan dhahno Siyidkaa ku fadhiisan jiray markii qalcadda Taleex la dhisayay.

2. Maan Buur Eylo dhagax Ag dhigno oo dhahno waxaa ku dul istaagi jiray Geedi Shaambo.

3. Maan Buur Heybo ‘Gudka Abooy Haawo ee la yiraa Nabi Adam iyo Abooto Xaawo ayaa Halkaan ku soo degay, Berigii hore Dhulku waa isku wada dhaganaa.

 

Yaa yiri: Yaman iyo Dal Carbeed ayuu ku soo degay Halkaan ayaaba leh Tixraac Taariikheed iney ku soo degeen, Dalxiisa yaasha Caalamka ayaa imaan lahaa.


4. Maan dhahno Sariirtaan Jannaale taal, Adan Cadaa ku seexan jiray.

5. Ceel Cowl waxaa weli yaal Kursigii uu ku fadhiisa jiray Boqorkii Ajuuraan oo ah dhaxalkiisa lagu qoray oo Saddax medeb leh iyo dhagxaan ku wareegsan oo Golihiisu Fadhiisan Jireen.

6.Maan Hal dhagax oo yar dhagaxtuur soo dhigno oo qarsho ku ridno oon dhahno waa Dhagaxii ugu horeyay ee la tuuray, kadibna kun dhagax ayaa la tuuray.
7.Maan Loox Dugsi la qoray ah meel dhigno oo aan dhahno waa Looxii Sh.

 

Yusuf Kowneyn wax ku dhigi kiray.
8.Maan Midi Qowlaaf ah meel dhigno oo dhahno waa tii Cara Weelo Ragga ku dhufaani jirtay.
9.Maan Xeebta Bari dhagax dhigno oo aan dhahno halkaan ayey Xeebta uga soo degtay Boqoradii Xatshabshuut.
10.Maan dhahno Boqoradii Balqiisa intii eynan Yaman qabsan halkaan ayeey joogi jirtay.
Intaa iyo ka badan ayaa wasaaradda dalxiisku diyaari kartaa sida Caalamka kale.

Anigaaba la i wareeriyay.

1.Norway, ku lahaa kaalay soo arag Dhagaxa Aduunka ugu waqooyeeyo ” the End of the world” ku dul istaag Gacmaha kor u taag.

 

Dhabarkaaga dhul kaama xigo ilaa Cirifka waqooyi waa biyo.

 

Hortaada waa ku aadan Beeriga Aduunka oo dhan. ( F.

 

S: 1&2aad))

2.Buurtaan waxaa la yiraa Buurta jaceeylka Aduunka ee Norway, dusheeda ku istaag.

 

Waaba goob cabsi. ( F.

 

S:3-7aad ) kaba sii Daran Buurtaan aadka u dheer Makhaayadda ku taal aan ka soo qadeeyno, Sabab Dhakhaatiirta Aduunka ayaa sanadkiiba Mar ku shiro.

3.

 

Koofur Afrika, Buurta Miiska ” Table Mountain” ee Cirifka ugu koofureeyo Africa hadaadan ku dul istaagin waad khasaartay. ( F.S: 8-10aad )

4.

 

Buuraha Cadan iyo Sanca hadaadan korin oo aadan Magaalada hoos u soo fikirin, yamanba ma aadan arag. ( F.S: 11&12aad )

5.

 

Darbiga ka mid ka ah 7da Cajaa’ib Hadaadan ku dul istaagin ma Adigaaba shiinaha tagay.( F.

 

S: 13aad )

6. Ruwanda ma Adigaaba tagay haadaan dhax galin Godka qabriga ah ee kumanyaal ee Madax meeyto lagu soo ururiyay Dagaalkii Hutu iyo Tuutsi. ( F.

 

S: 14aad )

7.Ugandha Halka wabiga Niil ka Bilaawdo ee Dhambastii Gandigii Hindiyanav lagu shubay. ( F.

 

S: 15 &16aad )

8. Sudan ku lahaa Halkaan Umdurmaan Haddii Biyaha wabiga Nile aad Mar gacantaada ku cabto waa la hubaa waa u soo noqee Mar kale.

 

Been Badanaa Dibba uguma noqon.( F.

 

S: 17aad)

9. Jasiiradda Fog ee LANKAWI Island ma tagin, Haddaadanba tagin Jasiiradda "Gabarteey Maanyada Uuruka leh” halkii ey Galab kasta timaha ku shanleeysan jirtay.

 

Been been Lee Baaso lagaaga qaadaa inteey ku arkeen Gabarteey Maanyo( F.S: 18aad )

10. Ameerikana Oday meel fadhiyaa Been lagaaga sheegaa. (F.S: 19aad )

11.

 

Ninba dhagaxiisoow soo dhugu ku leeyahay. (F.S: 20-35aad )

Yaana war kugu daalinine.

 

Aduunyada, Ninba Dhagaxiisoow goob Dalxiis ka dhigtay ee Aniga dhagxaheena iyo Buuraheena, maa wasaaradda dalxiisku iyo kuwa Gobaladu Magac iyo maamuus dhagaxnimo ka badan ey u sameeyaan sida Dunida kale.

Lagaama Dhagxa badnee, yaan lagu dhagrin, Dal waa leedahay ee Halaguu soo Dalxiiso.

Qore: Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip