Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xaflad ka dhacday Villa Somalia ku saxiixay 8 sharci

0
Tuesday March 21, 2023 - 09:14:07 in Wararka by
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xaflad ka dhacday Villa Somalia ku saxiixay 8 sharci

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1- Sharciga La-dagaallanka Argagixisada.
2- Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.
3- Sharciga Socdaalka.


4- Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha.
5- Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis.
6- Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha.
7- Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
8- Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Si kastaba, sharciyada qaar sidan kan la-dagaalanka argagixisada ayaa waxaa laga muujiyey walaacyo ah in si khaldan loo adeegsan karo, laguna beegsan karo ciddii la doono, gaar ahaan dadka siyaasad ahaan diidan dowladda, ayada oo lagu soo oogayo eedo argagixiso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip