Waa tuma Fannaanad Aamina Cabdullahi Xirsi?

0
Saturday March 18, 2023 - 10:37:32 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa tuma Fannaanad Aamina Cabdullahi Xirsi?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Alle haunaxariistee waxaa maanta magaalada Boorame ee gobolka Awdal ku geeriyootay fannaanaddii caanka ahayd ee Aamino Cabdullahi Xirsi, oo aad loogu xasuusto kaalintii ay kasoo qaadatay fankii Soomaaliyeed iyo riwaayado.

Haddaba waxaan halkan waxaan kugula wadaageynnaa taariikhdeeda oo kooban.

Waa Tuma Aamina?

Aamina Cabdullahi Xirsi



Waxay ku dhalatay deegaanka kala baydh inta u dhaxaysa magaalooyinka woqooyi ee Wajaale iyo Boorama, waxaana iyada oo yar loo qaaday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti halkaas oo ay kusoo barbaartay, ahna meesha ay fanka Soomaaliyeed oo waqtiyadaas heer sare marayey kasoo bilowday.

Waxay marwo u noqotay carruurna u dhashay Abwaan Cabdi Aadan Xaad oo lahaa naanaysta Qays iyo sidoo kale Fannaan cabdiraxmaan Cusmaan Maxabbe oo asna loo yaqaan Cabdiraxmaan Dheere ahna aabaha dhalay Fannaanadda caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan.

Sannadku markuu ahaa 1966 waxay aamina billowday fankeeda iyada oo muddo dhowr iyo labaatan sano ah si toos ah ugu jirtay fanka kana qayb qaadatay riwaayado iyo heeso badan oo qaar ay kaligeed qaadday halka qaar kale ay la qaadday fannaaniin kale oo caan ka ah fanka Soomaaliyeed.

Taariikh faneedka Aamina oo kooban

Isla billowgii fankeedaba Aamina waxay timid magaalada Hargeysa waxaana halkaas kusoo dhaweeyay dad fanka Soomaaliyeed qiime weyn kulahaa oo Fannaanin iyo abwaanna isgu jiray waxaana ka mid ahaa, Maxamed Yuusuf Cabdi, Cismaan Maxamed Cabdi Kariim/Gacanlaw labadaba rabbi godka ha u nuuree Faadumo Cabdilaahi Maandeeq iyo Shamis Abuukar Guduudo Carwo.

Waxay ka mid noqotay hoballadii Radio Hargeysa ka hor inta aanay ku biirin kooxdii caanka ahayd ee Waaberi.

Ku dhawaad soddon sano oo ay Aamina fanka ku jirtay waxay qaadday heeso badan, oo aan qaar ka xusi karno sida; Heesta Sharacalee, Gari Makaa Baxdaa, Gar Ma Ku Gashaa Siyar, siyar ma uu shushubanaa oo uu allifay Axmed Saleebaan Bidde laxanka ama codkana waxa saaray heestan Axmed Gacayte Yuusuf iyo kuwa kale oo badan.

Heesta Caashaqu wadaad ma leh/waligeed adduunyada, oo uu Abwaan Xasan Ganay, iyaduna laxanka ay leedahay ayaa ka mid ah heesaheeda lagu xasuusto.

Heesaha oo kali ah ma ahee Aamina waxay sidoo kale qayb weynka qaadatay jilista riwaayado iyo barnaamijyo Soomaalidii xilligaas aad u xiiseyn jiraan waxaana ka mid ah riwaayaddii Dab Jacayl Kari Waa oo sannadkii 1973-kii uu qoray Abwaan Xasan-Ganey oo sannadkii xigay ee 1974 lagusoo bandhigay magaalada Hargeysa iyo riwaayaddii uu qoray abwaan Axmed Saleebaan Biddeh eeGarashaa Garab Weydayoo abwaanku uu ku tilmaamay inay ahayd riwayaddii ay ku soo baxday Aamino.

Amina xusuusteeda faneed ee xooggan waxaa ka mid ah barnaamij Soomalida dhexdooda caan ka ahaa oo la odhan jiray Dalmar oo uu hal abuuray Maxamed Cumar Huryo kaasi oo qaab masraxeedkiisa aad looga tacajubay.

Allaha u naxariistee Fannaanad Aamina Cabdullaahi Xirso oo maanta Boorama ku geeriyootay waxa adeer u ah Abwaan Saleebaan Bidde.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip