
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 16-KA MAARSO 2023-KA-
Madaxweyne Xasan Oo Baydhabo U Tagay Ka Qeyb Galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So maaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka fura mayo Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garo onka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaala da Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Ma daxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin heer Federaal, heer Dowlad Gobo leed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydha bo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka feder aaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Fed eraal iyo heer dowlad-goboleed.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah ge eddi socodka dowladnimada & horumarka dalka
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan mahad cel in ah u sameeyay Guddoonka Golaha Shac abka iyo Guddiga Joogtada ah
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Ca bdi Barre ayaa Xalay hoygiisa kulan mahad celin ah ugu sameeyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Shac abka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shur uucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada.
Kulanka casha sharafta ah waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, xubanaha Guddiga Golaha Shacabka BJFS iyo xubno ka socday Xukuumadda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya ku ammaanay in kaalin muhi im ah ay ka qaateen golaha sharci dejinta hab sami u socodka shaqada Xukuumadda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Md., Sheekh Aadan Madoobe ayaa xukuumadda ku la dardaarmay in shuruucda la ansixiyay ay muhiim u tahay in hore loo sii amba qaado shaq ada golaha fulinta, si loo dardar geliyo howlaha baaxada leh ee horyaala, isagoona tilmaamay in la dhaqan geliyo looguna dhaqmo sida saxda ah ee loo ansixiyay
Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo la kulmay dhiggiisa Kenya
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa waxaa uu la kulmay dh iggiisa dalkaas.
Generaal Odawaa ayaa salaan sharaf ka qatay cutubyo ka tirsan ciid anka Ken ya.
Intaas ka dib, Taliyaha oo ku lan gaar ah la qaatay dhiggii sa Kenya Iyo saraakiisha sar sare ee ciidanka ayaa ka wadahadlay wada shaqaynta iyo la dagaallanka argagixisada
Ra’iisul Wasaare Xamse & mas’uuliyiin kale oo gaaray Baydhabo
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdica siis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoon ka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaala da Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaa minayey Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Abdi Bare oo ay qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Gobolka Bana adir.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdi giisa ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shir ka Madasha Wadatashiga qaran oo lagu wada in maalinta beri ah ka Furmo Magaalada Bay dhabo ee Gobolka Baay.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Magaalada Ba ydhabo ay tagaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada.
Dowladda Imaaraatka Carabta oo Muqdi sho geysay 800tan oo mucaawino ah
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa Shalay Muqdisho ka dajisay gargaar mucaawino ah oo gaaraya 800 tan.
Dowladda Imaaraatka ayaa gargaarkan ugu talo gashay in la gaarsiiyo qoysaska Soom aaliyeed ee tabaalaysan ee ku nool gobolada dalka, si ay bisha Ramadaan u helaan raashin ay quutaan.
Safiirka Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi, ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed la qeyb sanayaan dhib aatada ay wajahaan xilligan.
Agaasimaha hay’adda maaraynta masiibo oyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallin, ayaa mucaawinadan ka guddoomay safiirka, isagoo ballanqaaday in la gaar siindoono guud ahaan gobolada dalka oo aan ka ahayn degaanada ay haystaan Alshabaab.
Imaaraatka Carabta ayaa kamid ah dowladaha safka hore uga jiray taakulada Soomaaliya. Ga ar ahaan intii dowladdan jirto waxay dhowr jeer Soomaaliya geeyeen mucaawino.
Bishii August ee sanadkii hore, Imaaraatka ayaa Soomaaliya keenay mucaawino ka koob nayd 40 konteenar oo ay ku jiraan raashin kala duwan oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, taasoo gaartay heer aad u xun oo ay ku barakaceen in ka badan 1 milyan oo qof.
Kaddib markii uu dib usoo noqday xiriirka lab ada dal, Dowladda dalkaas ayaa sheegtay inay xoojinayso gurmadka biniaadinimo ee Somaliya
DFS oo shaacisay 3 qodob oo ugu muhiimsan ajendaha shirka Baydhaba
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Awe ys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay ajendaha shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee berri ka furmaya magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.
Wasiir Daa’uud ayaa dul istaagay qodobada ugu muhiimsan ee loo ga hadlayo shirka Bay dhaba, kuwaas oo ka la ah:
1 – Arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab, iya doo la cadeynayo doorka ay dowlad gobole edyadu ku leeyihiin.
2 – Arrimaha maaliyadda dalka, gaar ahaan sidii loo mideyn lahaa nidaamka dhaqaale ee dalka, iyadoo la gorfeyn doono qaabka ay dhin aca dhaqaalaha uga wadashaqeynayaan DF iyo dowlad goboleedyada dalka.
3 – Iyo Arrimaha doorashooyinka dalka, iya doo laga tashanayo nooca doorasho ee Sooma aliya loo jiheynayo, markii la gaaro sanadka 20 26-ka, xiligaas oo muddo xileedka Xasan Sh. uu ku egyahay.
"Soomaaliya waxay ka soo kabaneysaa bu rbur iyo dowlad la’aan ay muddo ku soo jirtay, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh shirkaan waa kii 5-aad oo wadatashi ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaal ka iyo dowlad goboleedyada dalka,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ajend ayaasha shirarka madaxda dalka ay tixane yih iin, taas oo muhiim ka dhigeysa inay isku yima adaan mar kasta oo xaalado ay soo kordhaan, si wadajir loogu xaliyo, iyadoo la daweynayo ka la shakiga iyo kala qoqobka ay Soomaalidu ku soo jirtay mudada dheer.
Wasiirka Daa’uud oo la weydiiyey in la xaliy ey tabashadii ay Puntland uga baxday shirkii ho re ayaa sheegay in weli ay wadatashiyadu so cdaan oo madaxdu ay xaq u leeyihiin inay la-ta shiyo ka soo yeeshaan waxyaabaha ay go’aan ada ka gaari waayaan.
Khamiista berri ayaa lagu wadaa in M/ Bay dhaba uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaranka, halkaas oo Shalay ay gaareen Mada xweynaha, Ra’iisul Wasaaraha dalka, ku xigeen kiisa, duqa Muqdisho iyo Madaxweynaha Galm udug, horayna waxaa Baydhaba u joogay mada xweyne Qoor Qoor. Madaxweyne Xasan Sh.oo Shalay Bay dhaba gaaray ayaa lagu wadaa in berri gelinka hore uu furo shirka, waxaa halkaas horay ugu sugnaa guddiyo farsamo oo fudude ynaya ajendayaasha shirka madaxda.
Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare oo Xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Kalluumeysiga
Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaa sha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, ay aa Shalay xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Md. Axmed Xasan iyo xubno kale oo la socday.
Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoo miyaha Guddiga Khayraad Qaranka Aqalka Sa re, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa u jeedadiisu ahayd turxaan bixin iyo ka jawaabis ta su’aalo dheeraad ah oo xubnaha guddigu ay uga baahdeen Hindise Sharciyeedka Horumarin ta Iyo Maareynta Kaluumaysiga dalka,
Wasiir Alcadaala "Dowladda waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal ah"
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa mar kale shaaca ka qaaday in ciqaab adag la ma rs iin doono cid walba oo lagu helo iney ka mid ta hay kooxda Al-shabaab ama garab u noqota.
Wasiir ku xigeenka Was aaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdirax maan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in dowlad da Fedaraalka ay ka go'an tahay la dagaalanka Urur uka Al-shabaab iyo cid wa lba oo la shaqe ysa.
"Dowladda, waxaa ka go’ an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kal kaal ah, sidaas awgeed waa in aan dhamaante en ka feejignaano Dhagartoo da kana dheeraa no nooc kasta oo xiriirkooda ah, alle ayaa mah adsan" ayuu yiri Wasiir Alca daala.
Hadalkaan kasoo yeeray wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay dil toogasho ah lagu fuliyay sad ax nin oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab oo uu ku jiray sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka xo ogga dalka Soomaaliya.
Abkow, Jeego iyo Dhakhtar Fanax oo tooga sho lagu fuliyay
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay aa Shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay sa ddex nin oo labo kamid ah lagu helay la shaqe ynta Al-Shabaab iyo Dhakhtarkii dilaaga ahaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax).
Saddexda nin ee la too gtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqa dle Ayaanle (Jeego) iyo Dr. Fanax. Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Sha baab, waxaana horay xukun dil ah ugu ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo ugu dambeyn lagu fuliyay.
Ninkan ayaa si gaar ah loogu helay in uu 23 kii March ee sanadkan 2023-ka ku geliyay gaarigiisa garoonka Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay gudaha Xerada Xalane, ka as oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale Shariif Maxamed Barkhadle (Aya anle) oo isna ka tirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda ayaa lagu helay in uu si hoose ula shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab.
Ayaanle ayaa waxaa lagu helay dambi ah in gawaarida qaraxyada uu Al-Shabaab usoo gelin jiray Muqdisho, isaga oo baabuurtaas dhigay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar, Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne Fe bruary 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagawe yne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xe ebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019, sida ay sheegtay maxkama dda.
Weeraradaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen illaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tira kale oo intaas kasii badan.
Ninka saddexaad ee la dilay waxaa Maxa med Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), kaas oo ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-ga li jiray isbitaallada magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah.
Dhakhtar Fanax oo lagu helay inuu geystay dilal iyo qaraxyo khasaare geystay ayaa laga soo xiray magaalada Beledweynem waxaana u gu dambey la horgeeyay Maxkamadda Daraja da Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo Shalay ku fulisay dil toogasho ah.
Muddooyinkii u dambeeyay Maxkamadda Cii damada ayaa kordhisay fulinta dilalka tooga shada ah, waxaana maalin kahor tiirka la geey ay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa Booliska Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.
Wareysi: Dad loo soo qabtay qaraxii is-miida aminta ahaa ee ka dhacay Baardheere
Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay dagmadaasi ka billaab een howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka dag mada, kadib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Dorraad ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Baar dheere.
Maamulka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad ku eedeysan in ay ka dambeeyeen weerarkaas, wuxuuna qaraxii Dorraad dhaliyey khasaare aad u baaxad weyn, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Baardheere.
Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa dhima sho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas oo lagu dhuftay guriga Martida ee degmada Baardhe ere, waxaana burburay isbitaalkii degmada iyo guryo badan.
Sidoo kale weerar kale oo Al-shabaab ay u adeegsadeen qoriga Hoobiyaha ayaa lagu gar aacay degmada qaraxaas kadib, waxaana ka dhashay khasaare ka badan kii uu qaraxu gey stay.
Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxa med-Weli Yuusuf Qorrax oo la hadlay Idaac adda VOA ayaa ka warbixiyey saameynta uu qaraxaasi ku yeeshay dadka reer Baardheere.
"Qaraxa kadib waxaan sameynay howlgallo culus, dad badan ayaa la soo qabtay, waxaana ku socda baaritaan, dadkaan eedeysanayaasha ah waa badan yihiin, qofkii aan dembi laheyna waan siidey doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baardheere.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay weerarkii Dorraad ka dhacay Baar dheere ay badankood Muqdisho u soo qaad een, maadaama uu burburay isbitaalkii degm ada.
Sidoo kale Guddoomiye Qorrax wuxuu shee gay in ninka is qarxiyey uu ka yimid banaanka magaalada, isla markaana la arkay oo goobta uu ku qarxay uu gaaray iyadoo la rasaseynayo.
"Ninkaas wuxuu magaalada ka soo galay wa dooyin xaafado badan soo dhexmaray oo dad shacab ah ay degan yihiin, meel fog ayuu ciidan ku ka arkay, waa la isku deyey in laga hor-tago oo ciidanku waa dadaalay, balse waxaa u suur ta gashay inuu gaaro bartilmaameedkii uu ku qarxi lahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray gudd oomiyaha degmada Baardheere.
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeen ka Safiirka Britain ee Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiis ka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md. Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Ed Barnett.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadahadley xaaladaha amniga, siyaasadda, dib-u-heshiisi inta, adeegyada bulshada iyo dhinacyada kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.
Wasiirka ayaa Ku-Xigeenka Safiirka uga warbi xiyay horumarka laga sameeyay hawlgall ada Militari ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Sha baab, barnaamijyada xasilinta iyo dib-u-heshiis iinta, iyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya magaalada Baydhabo.
Ku-Xigeenka Danjiraha Britain ee Soomaal iya Mr Ed Barnett ayaa sheegay in UK ay si bu uxda u taageersan tahay barnaamijyada siyaas adda, amniga iyo xasilinta ee Dowladda Federa alka Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tah ay inay arkaan Soomaaliya oo dib cagaheeda isu taagta.
HAMBALYO AQALKA FARXAD LEH
Abbe Dr.Cismaan Axmed jimcaale {Dr.Jimmy}, Hooyo Safiyo Xuseen Maxamuud, Abti MaxaddI in Jabbaan , Qaalid Cismaan Axmed Ji mcaale {Karaama} iyo Xa askiisa Naciimo C/dir Cabdu lle{Naciimo-Nalka} iyo Gabadhooda, Xanna an, Cismaan Axmed iyo Wiilkeeda, Wado Cisma an Axmed iyo sey geeda iyo gabdheeda ,Muna sar Cismaan Ax med,Maahir Cismaan,Muuno Cis maan, Cabbiir Cismaan Ayaan Cismaan, iyo Ayuub Cismaan Axmed Jimcaale sidoo kale ,Ad eer Muxuddiin Axmed Jimcaale {Tusbax}, Ilmo Maxmed Ax med Jimcaale, Ilmo Maxamuud Ax med {Shat aar}, Eeddayaasha kalaah:- Sala ado Axmed Ji mcaale iyo Caruurteeda, Madiino Ax med Jimca ale, Xabiibo Axmed Jimcaale {Biib to},Abti Yuus uf Ismaaciil Axmed {Carrabeey}, Ilmo Ruqiyo Ax med Jimcaale ,Maryan Axmed Jimcaale iyo Car uurteeda ,Safiyo Axmed Jimc aale iyo Caruurte eda Ilmo Muslimo Axmed Ji mcaale,Ilmo Sayid Cisman Axmed Jimcaale oo kala C/laahi Sayid Cismaan Axmed Jimcaale, Sakariye Saydi Cis maan, Xaliimo Sayid Cisma an, iyo hooya doo da batuulo Nuur hadaafoow, Cabdi Axmed Jim caaleoo kala ah Maxamed Cabdi Axmed iyo Axmed Cabdi Axmed ,Ilmo Fa adumo Axmed , Jimcaale , Yuusuf Axmed Max amed Jimcaale, Cismaan Maxamed Axmed Jim caale, Cacasiis Cali Ilikb ayle, Ilmo Xaliimo Axm ed Jimcaale, C/qaadir Maamuud hadaafoow, Hindiyo Maam uud Hadaafoow, Muuse Maxa med Cismaan
Iyo asxaabka kala ah :- Abshir Cumar Xagaley, Axmed Naasir Cumar Xagaleey, {M.Kimik o}, Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe}, Max am ed Xuseen Axmed {Su ufi} Ismaan Xuseen Ax med {Waryeel}, Maxamed Cumar Mucjis, Ma xa med Maxamuud Nuureey {Jimcaale} Maxa muud Cali Maxamed {Madka},Maxamuud Xas an Cumar {Adduunyo},Cabdullaahi Maxamed Salaad {Dalle}, C/fitaax Maxamed Salaad, {Di yeeshe}, Daa;uud Maxamed Salaad, {Deva} Xa awo Macallin Cabdi Ibraahin, Qadero C/hi Cali Hagareey,Maxamed Xasan Xuseen {Anaa leh}, Caasho Axmed Maxamed Karaani ,Xamdi Cu mar Xasan,Raxmo Maxamed Maxamuud {Laj ecl},Nuurto Cali Cumar,Naasir Cali Cumar, Fow lsiyo Sh. Xasan, Nimco Cali Cumar, Najiib Cali Cumar,Nasro Cali Cumar,Nuuradiin Cali Cumar ,shukri Xaaji Xuseen Culusoow, Salaado Maxa med Axmed Seef,maxamed cabdi maxa muud, C/raxmaan Cabdi Maxamuud Nuur Max amed Nuur {N.Qamadi}, Sheekh Xasan, sidoo Cabdi Cali Xasan {Yuubane}, Shiino Axmed Rooble, Faadumo Cabdi Cali Xasan, Caasho Cabdi Cali Xasan, Ceyni Cabdi Cali Xasan, Axmed Ca bdi Cali Xasan,Maa’iddo Cabdi Cali Xasan, Ru we yda Cabdi Cali Xasan, Cali Cabdi Cali Xas an, Maxamed Cabdi Cali Xasan, Anfac Cabdi Cali Xasan iyo Nimco Sh.Maxamuud Nimca {Ne yru us,Casho C/laahi Culusoow {Caasha Cuud}, Yaaquub C/laahi Guure, Sacdio Maxamed Mac allin,C/casiis C/laahi Cululusoow {Fufuule}, Dha mmaan dadkaasi waxay Hambalyo Aqalgal Far xad leh oo Aqal ah u dirayaan
MAXAMED CIS MAAN AXMED JIMCAALE IYO YURUB CA LI AXMED oo 12-ka Maarso 2023-ka ku Aqal galay degmada Shibbis ee M/Muqdisho waxay na Alle ugu Bar-yayaan inuu Guurkooda ka dhi go kii lagu Baraaro laguna barakoobo oo Ubad Qeyr Qabana kala hela
.. Aamiin … Aamiin …. Aamiin
HABALYO AQAL GAL FARXAD LEH
Waxaa sidoo kale u hamablyeynaya
Arooska Waalidka iyo Walaalaha Gabadha Aro osadda ah oo kala ah:-
Aabbe Cali Axmed Cismaaciil,Hooyo Sahro Warsame Jaamac, Aboowe,Sakariye Saciid Yuu suf,iyo Abbaayo Ikaraan Saciid Yuusuf waxaay na keeyihiin Maxamed Cismaan Axmed Jimc aale iyo Yurub Cali Axmed noqda kuwaa Aqal kooda ka hela farxad iyo Ubad loo Aayo
Aamiin …. Aamiin …. Aamiin
War-murtiyeed laga soo saaray shir ay yee sheen DF iyo dowlad-goboleedyada oo
Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ee caa simada dowlad-goboleedka Galmudug lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhaxeeyay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda fede raalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-gobo leedyada.
Shirka oo socday muddo afar maalmood ay aa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ay ka mid yihiin; xoojinta, dardar-gelinta iyo wada-sha qeynta wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha DFS iyo kuwa dowlad-goboleedyada.
Shirkan ayaa waxaa soo xaadiray wasiirka wasaaradda ganacsiga XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Cabdulqaadi Cabdullaahi Warsa me (Galmudug), Cabdi wahaab Axmed Cusma an (Jubbaland), Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Koonfur Galbeed), Faysal Axmed-weli Xasan (HirShabelle) iyo Agaasimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Cabdi Calasow. Puntland ayaa ka maq neyd shirkaan.
War-murtiyeed laga soo saaray shirkaan ay aa waxaa lagu sheegay in wasaaradda Ganacs iga ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleed yada ay isku raaceen in 30 maalmood gudah ood lagu dhiso guddi ka kooban sagaal xubno od oo ka kala imanaya dhinacyada ka qeyb-gal ay shirkaan.
"Guddigaas oo ay shaqadiisu noqon doonto diyaarinta xeer lagu maamulo xallinta khilaafa adka ku saleysan shirkadaha isku magaca ah ee ka diiwaan-gashan maamuladda kala duwan ee dalka, guddigaas oo qorsha howleedkiisa soo dhameystiraya kahor daadejinta hanaanka diiwaan-gelinta Ganacsiyada Soomaaliya.
Qoddobada kasoo baxay shirkaan ayaa si doo kale waxaa kamid ah in wasaaradda gan acsiga iyo warshadaha ee heer federaal iyo ku wa dowlad-goboleedyada ay diyaariyaan xeer-nidaamiyaasha sharciga shirkadaha iyo hanaan ka loo maraayo diiwaan-gelinta ganacsiyada dal ka.
"Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Wasaar adaha Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad-go boleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay dib-u-eegis ku sameeyaan sharciga shirkadaha oo horay loo ansixiyay 2019-kii si loogu daro qeybaha muhiimka u ah hanaanka diiwaan-gelinta ganacsiyada dalka.”
Sidoo kale waxay isku raaceen in la bilaabo daadejinta hanaanka diiwaan-gelinta ganacsi yada Soomaaliya saddex bilood gudahood, laguna bilaabo dowlad-goboleedka Jubbaland.
"In ay ka qeyb qaataan dib-u-eegista iyo hor umarinta sharciga shatiyada Qaranka oo ay dha waan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda federaalka kasoo celisay golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.”
Dowladda Itoobiya Oo Ku Guul Dareys atay Wadahadal Ay Ka Dhex Waday Somaliland Iyo SSC
Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu guul dareystay dadaalo ay waday Itoobiya, kaasoo xal loogu raadinayay colaada ka socota M/Laa scaanood ee xarunta gobolka Sool.
Wararka ayaa sheegaya in 2da dhinac ee ku dagaala maa xarunta gobolka Sool ay shuruudo adag ku xiran xal ka gaarista dagaalka iyo bilowga wadahadal fool ka fool ah oo xukuumada Addis-ababa ay garwadeen ka tahay.
Isimadda dhaqanka SSC ayaa diiday in ay wada hadal nooc kasta uu yahay ay lagalaan Somaliland, iyadoo ciidamadeedu joogaan dul eedka M/Laascaanood, waxayna dawladda Ito obiya ku wargaliyeen in duqeyn iyo dagaal joo gta ah ay mar kasta ka shaqeynayso Somalilan , sidaas waxay ku sheegeen qoraal rasmi ah oo ay u direen Xukuumadda Itoobiya.
Isimadda ayaa ka jawaabay qoraal uga yimi Addis Ababa, oo ahaa in Madaxweyne Biixi lab ixida ciidamadiisa ku xiray in wada hadalo fur maan, deegaankana uu yahay mid Somaliland leedahay oo xalinta qadiyada laga soo qaado mid gudaha Somaliland ah.
Isnida dhaqanka ee SSC ayaa sheegay in ay san aheyn Somaliland oo aan cidna deegaanad ooda la laheyn. Si kastaba, mudo kudhow 40 ci sho ayuu galay dagaalka Laascaanood kaasoo ay ku dhinteen kudhowaad 300 ruux, halka dha awaca ka badan yahay 600 qofood, waxaana wali xaalada ay tahay mid kacsan, maadaama dhinacyada wali is hor-fadhiyaan.
Taageerayaasha Imran Khan oo si cajiib ah booliska uga hor-istaagay inay soo xiraan
Booliska Pakistan ayaa u muuqday Shalay inay ka tanaasuleen isku day ay kusoo xiri lah aayeen ra’iisul wasaare hore Imran Khan, kadib markii ay hor-istaageen taageerayaashiisa
Booliska ayaa soo af jaray go’doomin ay ku ha yeen guriga Khan kadib markii ay isku dhaceen boqolaal taageerayaashi isa ah oo difacaaya.
Weriye ka tirsan AFP iyo goobjoogeyaal ku dhow guriga Khan ee xaafadda Zaman Park ee duleedka Lahore ayaa sheegay in booliska iyo ciidamada u tababaran sida militariga ay dib u ga gurteen aagga, ayaga oo cidleeyeey jid goo yooyin dhowr ah iyo baro kontorool.
"Booliska iyo ciidamada ranjariska ee loo soo diray inay waxyeeleeyeen Khan waxaa dib u riixay shacabka,” waxaa sidaas twitter-ka ku soo qoray xisbiga PTI ee Khan, oo sidoo kale soo bandhigay muuqaalo muujinaya shacab ku dabaal-degaya banaanka guriga.
"Dad hor leh ayaa imanaya Zaman Park, ma na ogolaan doonaan marnaba inay guuleystaan hadafyada xun ee dowladdan dibedda laga ke enay, Insha’Allah.”
Iska hor-imaadka booliska iyo taageerayaa sha Khan Booliska iyo taageerayaasha Khan ayaa waxaa Habeen hore oo dhan dhex-marayey dag aal, ayaga oo ridaya gaaska dadka ka ilmeysi iya, halka shacabka ay tuurayeen dhagxaan. Koox boolis ah ayaa la arkayey ayaga oo Shalay ka cararaya aagga guriga Khan.
Khan ayaa waxaa xukunka looga qaaday co dka kalsoonida baarlamanka sanadkii tegay, wa xaana lagu soo oogay daraasiin kiisas musuq-maasuq ah, xilli uu u ololenayo doorashooyin waqtigooda kasoo hormara si uu xukunka ugu so laabto.
Bogagga rasmiga ah ee PTI ee baraha bul shada ayaa muujiyey muuqaalka Khan oo sha cab ku salaamaya beerta gudaha gurigiisa, hal ka taageerayaal faraxsanna ay ku dabaal-deg ayeen banaanka.
Doodda sharci ee labada dhinac
Booliska ayaa ku adkeystay inay haystaan amar ay kusoo xiraan Khan sababo la xiriira in uu ku guul-darreystay inuu horyimaado maxka maddaIslamabad una wajaho dacwado musuq-maasuq.
Hase yeeshee, ra’iisul wasaarihii hore iyo qar eenadiisa ayaa sheegay in la siiyey damaanad.
"Hoggaamiyaha PTI ma haysto damaanad ka ilaalisa kiiskan,” waxaa sidaas AFP u shee gay afhayeenka booliska Islamabad Muhamm ad Taqi Jawad.
Waxa uu sheegay in amarka soo xiris uu weli taagan yahay, wuxuuna beeniyey in booliska ay dib u gurteen gurigiisa.
Afhayeenka booliska ayaa intaas ku daray "Ficilladeena waxay u hoggaansami doonaan sharciga, waxaana naga go’an inaan fulino waaj ibaadkeena.
Goor sii horreysay Imran Khan ayaa baahiy ey muuqaal uu ku yiri "Shacabka ayey gaaska dadka ka ilmeysiiya ku furayaan iyo walxo kale, balse ogaada qiil uma haystaan. AFP, VOA
Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay inuu ka buburiyay diyaarad drone ah
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diy aarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay Talaada dii Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah di yaaradahooda wax basaasa ee nooca drones-ka,, waana markii ugu horreysay oo ay si toos ah u iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo duullaanka Ruushkaha ee Ukraine san nad kahor. Wasaaradda difaa ca Ruushka ayaa se beenisay hadal ka Mareykanka, iyada oo safiirka Mosc ow ee Wash ington uu sheegay in dalkiisu uu u arkayay ha dalka Mareykanka mid da andaansi ah.
Laba diyaaradood oo noocoodu yahay Su-27 oo Ruushku leeyahay ayaa fuliyay waxa ay mil atariga Maraykanku ku tilmaameen fal-dambiye ed aan ka fiirsasho lahayn oo ay u geysteen diy aarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeya hay, xilli ay ku duuleysay hawada caalamiga ah.
Mareykanku waxa uu sheegtay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay shidaalka ku daadiyeen diyaaradda MQ-9 – lagana yaabo in ay isku dayeen inay ka dhigaan mid aan waxb arki karin ama ay waxyeeleeyaan.
Mareykanka ayaa si joogto ah gobolka uga sameeya duullimaadyo ilaalo ah, waxaana uu Ukraine ku taageeray balaayiin doolar oo gargaar milatari ah, inkasta oo Mareykanku aanu si toos ah uga qeyb qaadan dagaalka.
Muhaajiriin ku geeriyootay Xeebaha Turkiga
Ilaalada Xeebaha ee dalka Turkiga ayaa she egay inay ugu yaraan 4 qof ku geeriyootay meel ka baxsan Xeebaha Badda Aegean ee dalka asi, kadib, markii ay Ilaalada Xeebaha ee dalka Giriiga dib u soo celiyeen 2 Dooni oo ay la so cdeen ugu yaraan 42 qof oo Magangelyo-doon ahaa (at least 42 asylum-seekers).
Kooxaha ka tirsan Ciiddanka Ilaalada Xeeba ha ee dalka Türkiye ayaa soo badbaad iyey 38 Muhaajiriin Shisheeye ah oo la socday labadii doon ee ay Giriiga soo celiyeen.
Muhaajiriinta la socday labada Dooni waxaa laga helay meel ku dhow Gacan-biyoodka The Dilek Peninsula ee Degmadda Kuşadası ee Gobalka Aydin ee Galbeedka dalka Türkiye.
Dhanka kale, Afarta Muhaajiriinta geeriyoo tay ayaa kala ahaa 3 Nin iyo Haweeney.
Dalalka ay u dhasheen muhaajiriinta la soo ba dbaadiyey ayaan weli la shaacinin, balse, nin ka badbaaday Shilkaasi oo u dhashay dalka Libe ria ayaa sheegay inay Ciiddanka Boliska ilaal ada Xuduudaha ee dalka Giriiga ay khasab ku soo celiyeen, iyagoo garaacay Muhaajiriinta, ka na jejebiyeen Mobayladii ay wateen.
Ibrahim Camara oo ka badbaaday Shilkaasi ayaa waxa uu haatan la joogaa xaaskiisa oo la gu daaweynayo Isbitaalka The Söke Fehime Fa ik Kocagöz State Hospit
Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaan ood ku sugan oo ka warbixiyay xabad joojin ta iyo wadahadalada
Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaan ood ku sugan, ayaa sheegay in anay hirgalin xa bad joojintii xukuumada Somaliland ku dhawaq day, iyo in anay wadahadal aqbalayn ilaa ciid amada Somaliland Oog tagaan.
Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Fallaalug, waxa uu sheeg ay in anay dhanka Somaliland ka hirgalin xabad joojintu oo ay marar kala duwan magaalada sheeda kasoo duqeeyeen ciidanka Somaliland.
"Xabad joojin ka hirgashay Sool ma jirto, Laa scaanood gudaheeda xabad joojin ka hirgashay ma jirto, maalin walbana waxa socda dagaal, Shalay oo u danbaysay hoobiyayaashii lasoori day waa kuwa halkan yaala" ayuu yidhi Falla alug.
Waxa uu sheegay in anay galaynin wahadal ku salaysan tabashada dadka deegaanka, ee ay rabaan in ay Somaliland kala dhamaadaan gobolada uu kasoo jeedo, wuxuuna in la wad ahadlo shuruud uga dhigay in ciidamada Somali land ka baxaan deegaanadaas.
Waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ku hareeraysanyihiin magaalada, isla markaana ay gacanta ku hayaan dhamaan wadooyinka so ogala, dadkii reer Laascaanood na ay ku dayac anyihiin deegaanadii ay u qaxeen.
Waxa uu beeniyay hadalkii madaxweynaha Somaliland ee ahaa in uu jiro jawi wadahadal, waxaanu sheegay in anay suuragal ahayn in ay wax wadahadal ah la furaan xukuumada ilaa oo ciidamadu baxaan.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhankiisa Dorraad sheegay in uu jiro jawi wadahadal, isaga oo sheegay in arrinta Sool ay tahay mid Somali land gudaheeda ah, loona baahanyahay in sid aas loo wajaho
SU'AALAHA KU GADAAMAN CUDURKA BAABASIIRKA IYO SIDA LOO DAWEYN KARO
Baabasiirka waa cudur ku dhaca dad badan oo Soomaali ah, sababaha ugu weyn ee ka dha sha cudurkan waa isbaddallada dhanka cunta da iyo qaab nololeedka qofka.
Cudurkan oo saameyn ku haya dunida oo dhan, tusaale ahaan boqolkiiba 50 shacabka Hi ndiya waxay la daalaa dhacayaan baabasiirka, sida laga soo xigtay waaxda qaran ee diiwaan ka arrimaha dawoooyinka.
Dr. Vani Vijay oo ah khabiir ku takhasustay cudurka babaasiirka ayaa BBC-da uga jawaabt ay su'aalaha ku gadaaman cudurkan.
Maxaa sababaa baabasiirka?
Marka ay bararaan xiddidada dhiigga ee u dhaw qofka halka uu ka saxaroodo, markaa wa xaa cadaadis xad-dhaaf ah la saaraa qulqulka dhiigga ee xiddidadaas, bararka ayaa ku bila ab maya halkaas, waxaana jira sababo badan oo keena bararka xididdada dhiigga.
Xiddiddadan ayaa ah kuwa aad mashquul badan marka uu qofka saxaroonayo, waxaa la ga yaabaa in qofka uu musqusha ku daaho, cal ool-istaag ayaa ka dhashaa arrintani, sidoo kale dadka qaar waxay isku arki karaan shuban joog to ah, miisaanka qofka oo korodho, qofka in uu iska yareeyo cabidda biyaha badan.
Waa waxyaabo si xoojiyo baabasiirka, Dum arka waxay aad ugu nugul yihiin calool-istaagga iyo baabasiirka xilliga ay uurka leeyihiin.
Qeybaha kala duwan ee baabasiirka
Cudurka baabasirka wuxuu ku dhacaa gudaha iyo dibaddahalka laga saxaroodo, qofka ay si daran u saameyso walaac xoogan ayuu kala kul maa.
Mararka qaar waxaa dhacda in dibadda uu u soo baxo, wuxuuna qofka dareemayaa cuncun iyo dhiig-bax.
Dadka qaar uu ku dhaca cudurkan xiddida da dhiiga qaado ee goobta laga saxaroodo aya a barara, waxaana laga yabaa in uu ku samey so xijirowga dhiigga.
Dadka uu ku dhaco Baabasiirka
Cudurkaan wuxuu ku dhici karaa qof kasta. La akiin wuxuu ku badan yahay dadka da'doodu u dhexeyso 20 ilaa 50.
Dadka ay da'doodu u dhaxayso 40's iyo 70's ee la kulma calool-istaagga ayaa qarka u saar an in uu ku dhaco baabasiirka.
Cudurkaan aad uguma badna caruurta, waa na mid ka dhasha hab-nololeedka qofka gaar ahaan isbaddalka dhanka cunto cunista.
Talooyinka dhanka cuntada dadka qaba Baabasiirka Dadka uu ku dhacay baabasiirka waa inay isbaddal ku sameeyaan cuntooyinka gaar ahaan marka uu cudurka ku hor leeyahay.
Qofka waa in uu iska ilaaliyaa burka iyo cunto oyinka lasoo warshadeeyay, waa in qofka uu ra aca talooyinka caafimaad si xaaladdiisa uu uga war qabo.
Ma la daweyn karaa baabasiirka?
Qofka isaga ayaa iska daweyn kara baabasiirka gaar ahaan marka uu ku hor leeyahay, wuxuu na cuni karaa khudaarta iyo caleenta cagaaran.
Qofka goormaa ayuu qalliin isku sameyn karaa?
Haddii ay kasii da rto xaaladda qof uu ku dhacay cudurka baabasiirka xitaa ka dib marka uu wax ka baddalo cuntooyinka iyo qaadashada daa wooyinka uu dhakhtarka qoray, waa in la same eyaa qaliin.
Sidee loo daweyn karaa?
Marka uu qofka ku hor leeyahay cudurka, wa xaa qofka la siin karaa dawooyin iyo qofka uu isbaddal ku sameeyo cuntooyinka uu qaato.
Laakiin mararka qaarkood, qalliin ayaa ah xalka kaliya ee lagu daweyn karo qof uu ku weynaado baabasiirka, Haddii baabasiirka aad qabto mu ddo dheer, way adkaanaysaa inaad saxaroto is la markaana aad kursi ku fadhiiso maalin kasta.
Dhiigbaxa iyo sidoo kale buro hilib leh ee qaybta saxara mareenka ka sameysanto waa saameynta ka dhalata cudurkan, Xaaladdan oo kale, qofka waa in la marsiiyaa qalliin, markaa ka dib waa in qofka uu la socdo cuntooyinka uu qaadanayo iyo hab nololeedkiisa.
XIGASHO:-BBC
XILDHIBAAN XUBINIMADIISII BAARLA MA ANKA KA DOOR-BIDEY INUU YOUTUBER NOQDO
YOSHIKAZU HIGASHITANI,
XIGASHADA SAWIRKA, GAASYY/YOUTUBE
Xildhibaan u dhashay dalka Japan ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee laga ceyriyo aqalka Senet-ka ee da lkiisa isaga oo aan waligiis soo xaadirin baarlamaanka.
Yoshikazu Higashitani, oo si doo kale ah YouTuber ka faa llooda wararka xanta dadka caanka ah, ayaa Talaadadii ay xubnaha Sen ate-ka ceyriyeen isaga oo la sheegay in waligiis uusan soo xaadirin kal-fadhiyada.
Higashitani ma uusan soo xaadirin hal kalfa dhi tan &markii la doortay todoba bilood ka hor.
Guddigii Anshaxa ee Baarlamaanka ayaa xilk iisa kala noqday, maadaama uu ka maqan yah ay kalfadhiyada baarlamaanka.
Higashitan ayaa bishii July loo doortay in uu buuxiyo kursi ka mid ah golaha aqalka sare.
Xildhibaanka ayaa Youtube-ka looga yaqaanaa Gaasy waxaa uuna caan ku yahay muuqaa llada maaweelada.
In qofka lag ceyriyo baarlamaanka waa ciqaab ta ugu adag ee uu xildhibaanku muteysto. Wax ay dhacday laba jeer oo keliya tan iyo 1950-kii, balse waa markii ugu horreysay ee qof baarla maanka Japan looga ceyriyo in uu soo xaadiri waayay kalfadhiyada .
Golaha ayaa la gu wadaa inay si rasmi ah u soo gabagabeeyaan go'aankooda toddobaad kan. Higashitani ayaa la rumeysan yahay in uusan ku noolayn Japan balse uu ku nool ya hay dalka Imaaraadka Carabta .Cod aqlabiyad ah Warbaahinta Japan ayaa ku warameysa in Higashitani uu ilaa hadda diiday in uu tago baa rlamaanka sababtoo ah waxa uu ka baqayaa in loo xiro eedeymaha musuqmaasuqa iyo sumc ad-dilista dadka caanka ah.
Waa mid ka mid ah laba xubnood oo lagu soo doortay xisbiga mucaaradka Seijika-joshi-48 . Xisbiga, oo ajandihiisa diiradda lagu saaray hal arrin, lona soo gaabiyo NHK, ayaa ku baaq aya in dib-u-habeyn lagu sameeyo warbaahinta dadweynaha ee Japan.
Wargeyska Asahi Shimbun waxa uu xusay, in si uu caan u noqdo , uu xisbigu si joogto ah u beddelo magaciisa. Baarlamaanka ayaa todob aadkii hore dalbaday in Higashitani uu yimaado Tokyo si uu shaqsi ahaan raali galin uga bixiyo ka maqnaanshihiisa kalfadhiyada.
Xildhibaanada ayaa ka dhawaajiyay in tani ay noqon doonto fursadii ugu dambeysay oo uu ku soo xaadirayo, balse Higashitani ma uusan soo xaadirin fadhiga guud.
Taas beddelkeeda, waxa uu YouTube-kiisa kaga dhawaaqay inuu u safri doono dalka Turk iga, isla markaana uu qorshaynayo inuu mush aharkiisa ugu deeqo dadka uu saameeyay dhul-gariirrada ka dhuftay.
Maqnaanshihiisa waxa ay ka caraysiisay gol aha aqalka sare oo xubnahooda u codeeyeen todobaadkan in la ceyriyo.
Saaxiibkiisa kaliya ee xisbiga, Hamada Sato shi, ayaa ku dooday inay sharci-darro tahay in Higashitani loo eryo oo kali ah inuu ku guul-darraystay inuu ka soo qayb galo kal-fadhiyada. Si kastaba ha ahaatee, guddiga ayaa cod aql abiyad ah ugu codeeyay in la ceyriyo. XIGASHO:-BBC
Puntland oo ka hortimid in hay'adaha caalamiga ah ay deyn siiyaan dowladda Soomaaliya
Puntland ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay deymo uga hesho hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka deeqaha bixiya.
"Puntland ma taageereyso hindisaha lagu amaahina yo hay’adaha kala duwan ee magaca Soomaaliya. Hindisahani waxa uu ka dhigi doonaa in carruu rta Soomaaliyeed ay deymo badan ku yeesha an deyn-bixiyayaasha” ayuu yiri wasiirka qorsh aynta Puntland.
Maxamed Siciid Faroole, wuxuu sheegay, Puntland inay warqad u diri doonto deyn bixiya yaasha caalamka si ay uga hortagaan, wuxuu ku sheegay qorshaha lagu doonayo in lagu istic maalo sharcinimada hay’adaha taagta daran ee dowladda Soomaaliya.
Hadalka Puntland ayaa yimid, iyadoo dawl d da Faderaalka ee Soomaaliya ay qorshaynayso iyadoo adeegsanaysa nidaamkan cusub ee in dhaha Beesha Caalamka , ay doonayso in ay la cago ka soo amaahdaan dalalka deeqaha bixi ya iyo hay’adaha Bretton Woods, inkasta oo uu hakad ku jiro qorshaha deyn cafinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aa todobaadkii hore sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii ay uga faa’ideysan lahayd hantida qaranka.
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 16-KA MAARSO 2023-KA-
...