HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN6-DA MAARSO 2023-KA-KA

0
Monday March 06, 2023 - 08:25:43 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN6-DA MAARSO 2023-KA-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koraya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Md.Xasan Sh.Maxamuud ayaa khud bad ka jeediyay Shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koroya oo sannadkan halku dhigiisa ahaa "Ka faa’iidaysiga khayraadka la haysto si loo gaaro barwaaqo”

Hoos ka akhriso Khudbadda Ma daxweynaha oo dhamm eystiran.

Madaxda sharafta leh, Mu danay aal iyo Marwooyin, sharaf ayay ii tahay in aan id in kala hadlayo shirkan sha naad ee muhiimka ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan Dalal ka Hor umarkoodu Hooseeyo, kaas oo ka dhacay dalka quruxda badan ee Qatar.

Xaqiiqdii, waa in aan xaqiijinnaa sidii aan fursa ddan ugu adeegsan lahayn in aan si dhab ah uga baaraandegno isla markaasna si wadajir ah u hir gelinno qorshe-dejinnada iyo istaraatijiyooyinka dardargelin kara horumar waara oo ka hirgala goo baha kaalmada caalamiga ah loogu baahida bad an yahay – iyo inaan ka faa’iidaysanno khayraad ka iyo fursadaha badan ee ka jira Dalalka Dhaqaa le ahaan hooseeya si aan dhabbaha ugu xaarno horumar iyo barwaaqo ay gaaraan dadkeenna.

Waxa aan uga mahadcelinayaa Qaramada M/& dhammaan hay’adaheeda iyo dowladda Qatar si da ay dadaalkooda u mideeyeen sidii ay u qaban lahaayeen wada-tashigan caalamiga ah isla mar kaasna muhiimka ah yimidna xiligii loogu talagalay ee ku saabsan sidii loo soo saari lahaa baaq hawl fulineed si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo Dalalka Dhaqaale Ahaan Hooseeyo u gaaraan ho rumar waara. Sidaas awgeed, xilligan oo adduun ka isku tiirsan yahay lana wadaago caqabado iyo fursado isku mid ah, waa in aynaan cidina ka tegin haddii ay dhab naga tahay horumar waara iyo ba rwaaqo ay gaaraan dadka ugu nugul ee caalamka ku nool.

Dalalka Horumarkoodu Hooseeyo sida Sooma aliya oo kale waxaa ka jira fursado iyo khayraad qani ah oo aan laga faa’iidaysan, hase ahaatee ca qabaddu waxa ay tahay sidii fursadahan loogu ba ddali lahaa horumar iyo barwaaqo ay gaaraan dad kan oo ka mid ah kuwa adduunka ugu saboolsan.

Madaxda sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwo oyin, Caqadaha taariikhiga ah iyo kuwa casriga ah ee saameynaya horumarka Soomaaliya Inkasta oo Alle ku mannaystay fursado waa wayn iyo kha yraad horumar horseedi kara, haddana mid ka mid ah sababaha ay Soomaaliya ula harjadayso sidii ay ku gaari lahayd horumar waara ayaa ah dhaxal ka colaad daba dheeraatay iyo xasillooni darro siy aasadeed. Balse waxaan hadda si guul leh u xalli naynaa labadooda annagoo u marayna wadaha dalyo& geeddi-socod dowlad dhis loo dhan yahay.

Waxaan sidoo kale si wadajir ah oo saamayn leh ula dagaallamaynaa haraaga ugu dambeeya ee argagaxisada caalamiga ah ee joogta Soomaa liya, annagoo la kaashanayna shacabkeenna iyo bahwa aagta caalamiga ah.

Hase yeeshee, waxaa caqabadaha nahaysta sii adkeeyey saamaynta isbaddalka cimillada oo ka sii daray xaaladaha abaarta iyo cunto yarida. Wa xa ay mushkiladdani u baahan tahay jawaab caala mi ah oo degdeg ah la isuguna dubbarriday si ka fi ican sidii hore, si loo dhimo isla markaasna loola qabsado saamaynta isbaddalka cimilada isla mar kaana loo xaqiijiyo in la badbaadiyo nolosha iyo hab nololeedka dadka kuwooda ugu nugul ee ku nool dalkeenna. Safmarkii COVID-19 si culus ay uu u sameeyay Soomaaliya, waxaana noo soo ba xday muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam lagu badbaadin karo bulshada si loola tacaalo sa amynta mushkiladaha caalamiga ah ee mustaqbal ka. Sidaas awgeed, waxa aan si aan daal lahayn uga shaqeyneynaa sidii aan ku kobcin lahayn dha qaalaha, ku abuuri lahayn shaqooyin, sidoo kale na ku uruuri lahayn dakhliga gudaha, balse wali ma haysanno barnaamiyada badbaadada maaliya deed ee bulshada ee dalalka kale ee horumaray ay haystaan.

Balse, waxaa jiri jiray haatanna jira dareen xo oggan oo bulsheed, adkaysi iyo wadaagga culays ka oo ka jira Soomaaliya si la mid ah in badan oo ka mid ah Dalalka Horumarkoodu Liito, kaas oo na ga caawiyay sidii aan ula tacaali lahayn safmarkii COVID-19.

Waa in dareenkan iyo isku danqashadan bul sheed loo aqoonsadaa quwad isla markaasna la gu xusaa naqshadda dhammaan mashaariicda ho rumarineed ee caalamiga ah iyada oo ahmiyadda la siinayo baahiyaha maxalliga ah, khibradda iyo shaqo abuurka sida ku xusan Qorshaha Horuma rinta Qaran ee Soomaaliya. Run ahaantii, habkani ayaa noqon kara kan ugu saamaynta og si loo xaq iijiyo saamayn horumarineed isla markaasna loo xoojiyo badbaadada bulsheed ee bulshooyinka nu gul ee dalalka Horumarkoodu hooseeyo.

Badbaadada bulsheed ma ahan waana in ays an noqon wax siin oo kali ah: waa in ay noqontaa fursado abuuris si loo gaaro is-sharfid, karaamo iyo isku filnaansho kuwaas oo sii dhisaya khayr aadkii bulsheed ee horey u jiray iyo adkaysiga.

Soomaaliya waa dal qani ku ah khayraadka

Ka Soomaaliya ahaan, waxaa naga go’an sidii aan u soo saaran lahayn khayraadkeenna una ga ari lahayn barwaaqo annagoo u marayna wadiiqo u wada faa’iidaynaysa dadkeenna iyo awoodda qa rankeenna. Waxa aan durba si firfircoon uga shaq eyneynaa barnaamijka dib u habaynta dhaqaalahe enna qaranka si aan u gaarno dayn cafinta, marka aan yoolkan gaarnana, waxa aan doonaynaa in aan ku tiirsanaanno cududdeenna si aan qaran ah aan ganacsi u samayno si aan barwaaqo u gaar no.

Soomaaliya waa dal qani ku ah khayraadka, wa xa uuna leeyahay mid ka mid ah xeebaha ugu dhe er adduunka, dhul carrasan ah oo beerista ku hab boon oo looga faa’iidaysan karo beeraha iyo xoola ha, iyo sidoo kale dhaqan xooggan oo ganacsi oo dadka Soomaaliyeed ganacsi alaab iyo adeegba ay isaga kala gooshaan gobolka iyo adduunka. Si doo kale bulshada Soomaaliyeed waxa ay leedah ay xiriir dijitaal ah oo xooggan iyo Jaaliyado diba deed oo cuddudooda lagu qiyaaso 2 milyan kuwa as oo doorkooda ka cayaaraya dib u dhiska qaran kooda iyaga oo u maraya soo diris lacag iyo maa lgashi.

Waxaa jirta fursad wayn oo si hal-abuurnimo leh oo waxbarasho iyo fursad abuuris lagu siin ka ro dadka oo dhan oo ay ku jiraan dhallinyarada, gabdhaha iyo haweenka haddii aan majaraha u qa ban karno fursadaha uu leeyahay dalkeenna iyo ta marta hal-abuurnimo ee dadkeenna annagoo sii kordhinayna abaabulka khayraadka gudaha, maa raynta maaliyadda dadweynaha& D/wanaagan.

Sidoo kale, tiknolojiyadda waxa ay bixisaa fur sado qarash ahaan la goyn karo isla markaasna la heli karo si aan u horumarinno nidaam maaliyade ed oo loo dhan yahay, bixinta adeegyada muhiim ka ah ee dadweynaha, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka dadweynaha kuwaas oo muhiim u ah horumarinta karaanka dadweynaha ee Soo maaliya Madaxda sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Iskaashiga Soomaaliya Shalay waa mid samaynaysa horumar la taaban karo, waxaa na sabab u ah dadkeeda firfircoon ee adkaysiga og iyo bahwadaagta caalamiga ah oo sii wada in ay na sii garab taagnaadaan xilli aan annagana ku dadaalaynno sidii aan ku gaari lahayn mustaqbal ka fiican kan Shalay.

Sababahan awgood, waxaan ku baaqayaa in la sii xoojiyo iskaashiyada wax ku oolka ah ee looga gol leeyahay in lagu gaaro natiijooyin wax ku ool ah.

Waa in aan dhammaanteen kala barannaa guu laha hayaanka horumarka ee mid kasta oo naga mid ah uu samaynayo, sidoo kale caqadaha iyo fursadaha. Waa in aan ka fogaannaa hab fikirka gooni goonida ah iyo isku dayada aan mira-dhalka ahayn ee mashaariicda ku salaysan si aan u gaa rno himilooyinka horumarineed ee hammiga wayn leh ee Dalalka Dhaqaalahoodu Hooseeyo, kuwaas oo si qayaxan ugu cad Qorshe Hawleedka Barnaa mijka Doha ee 2022-2031

Gunaanad

Gabagabadii, Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhowaynaysaa Qorshe Hawleedka Barnaamijka Doha ee Dalalka Dhaqaalahoodu Hooseeyo, waxaana si dhow ula shaqeyn doonnaa dadkee nna iyo bahwadaagteenna si aan u xaqiijinno ful inta ballanqaadyada iyada oo yoolku yahay sidii aan u horumarin lahayn dadkeenna.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub

Ra’ii’ul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Md. Hamza Abdi Barre ayaa Shalay qaabilay wa fdi ka socday Midowga Yurub oo ay hoggaamin ey say sarkaalka ugu sarreeya Afrika, Danjire Rita La ranjinha oo booqasho ku timid magaalada Muq disho.

Kulanka ayaa waxaa loo ga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya labada dhinac ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Wasiir kii hore ee maaliyada Soomaaliya oo kasoo dagay madaarka Cigaal ee Hargaysa

Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Cab diaraxmaan Du’caale Bayle, ayaa Shalay ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa kadib markii madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyay.

Bayle oo ahaa wasiirka maaliya da xiligii dowladii Farmaajo, ayaa la sheegay in uu cafis kasoo dal baday madaxwe ynaha Somalil and Muuse Biixi Cabdi, sida dart eedna loo ogola aday in uu kusoo la abto Somali land oo uu kasoo jeedo.

Wasiir Bayle ayaa kamid noqonaya madax iyo masuuliyiin Somaliland kasoo jeeda oo hore xilal uga soo qabtay xukuumada Soomaaliya, kuwaasi oo markii danbe isku soo dhiibay xukuumada So maliland, kadib markii ay cafis soo dalbadeen.

Maasuuliyiinta Somaliland dib ugu soo noqday waxa ugu danbeeyay ra'iisal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Mustafe Qodax oo ka tirsanaan jiray Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa la sheegaa in uu hanti ku leeyahay magaalada Hargaysa, waraysi uu bixiy ay kadib markii uu ka dhamaaday xilka wasiirka maaliyada, ayuu ku sheegay in uu rabo in uu So maliland kusoo laabto.


Dowladda Soomaaliya oo safaaradda Turkiga ku wareejisay shan million oo dollar oo ah gurmadka dhul gariirka Turkiga

Dowladda Soomaaliya ayaa $5 milyan oo dollar ugu deeqday Turkiga, taasoo ah gurmadka dhul gariirka ku dhuftay dalkaas, kaasoo geystay khasa are weyn.

Kaalmadan oo ka ti mid dowladda iyo sh acab ka Soomaaliyeed labadaba, ayay xuk uumadda So omaaliya sheegtay inay muujineyso garab istaag ga Ankara iyo shacabkeeda waxyeel adu kasoo ga ar tay dhulgariirka musiibada ahaa.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa guddiga KMG ah ee uu ra’iisul wasaaruhu u xil saaray inay gacanta ku hayaan deeqdaasi, wax ay safaaradda Turk iga ku wareejiyeen lacag dhan sagaashan milyan iyo todobo boqol iyo afar iyo toban kun oo Liira ah.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay ra’ii sulwasaare Xamze Cabdi Barre, guddoonka baar lamaanka iyo wasiirro iyo xildhibaanno kale.

R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in musiibadii ka dhacday Turkiga ay ka barteen in dadka Soomaaliyeed ay wax walba qabsan karaan haddii ay midoobaan.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli, ayaa yiri: Turkiye wuxuu hadda wajahayaa masiibo xun, waxaad na tusteen taageero dhaqa ale oo aad u qiimo badan iyo dareen walaaltinimo.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii balaadhnaa ee 6-dii Febraayo ayaa kor u dhaafaya 45,000, si da ay sheegtay hay’adda maaraynta masiibooyin ka ee Turkiga, taasoo ka dhigaysa musiibadii ugu xumayd ee Turkiga ka dhacda qarnigii la soo dhaa fay. Ilaa 214,000 oo dhismo ah oo ka koobnaa 608,000 oo guri ayaa dumay ama soo gaadhay burbur xooggan, ayuu yidhi Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahad al la yeeshay Amiirka Qatar

Madaxweynaha DFS, M. Xasan Sheekh Max amuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ayaa wahadal la yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, ayagoo ka wadahadl ay arrimo dhowr ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka labada waddan iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida & hor umarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya dowlada ha Soomaaliya & Qatar

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-ge linta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya, kuwaas oo lagu tageerayo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulanka ka ha dlay ayaa sidoo kale adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa.

Dhankiisa amiirka daka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya wuxuuna xusay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab ista agga dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qayb-galay furitaanka sirweynihii 5-aad ee Q/Midoobay, kaas oo looga hadlayo caqabadaha haysta dalalka soo koraya iyo sidii loo caawin lah aa, waxaana shirka furay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamin Bin Xamad.

Sidoo kale waxaa mdasha ku sugan madaxa kala duwan oo ka socda dalalka soo koraya, oo aty kamid tahay Soomaaliya

Si kastaba madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu hhudbad ka jeediyo shirkam isaga diiradda saari doona waxyaabaha ugu muhiimsan ee mudnaanta u leh dowladdiisa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa : Dib u daabicid da Shillin Soomaaligu waxa uu qeyb ka qaadana yaa kobcinta dhaqaalaha dalka

R/Wasaaraha Somaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulankii koowaad ee Gudd iga Heer Qaran ee Hagista Mashruuca Dib-U-Daa bicista Shillin Soomaaliga.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa lacagta Shillin Soomaaliga oo kasii baxday suuqyada dal ka, kadib markii ay aad u duugowday islamarkaa na meelo badan oo dalka ah laga diiday in wax la gu kala iibsado.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaa raha waxyaabihii u qabsoomay intii guddigu shaqa ynayay, iyadoo laga ambaqaadayo siyaasadda Xu kuumadda ee soo celinta Shillin Somaliga, taa soo uu guddigu sheegay inay wax badan ka beddeli doonto dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalka.

R/Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay guddiga sha qada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruuc an dib u daabicidda Shillin Soomaaligu wax wayn ka badali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqa ale ee dalka, isla markaana uu qayb wayn ka qaa danayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo sabo olnimada dadka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa u baahan dhaqaale malaayiin dollar ah si ay usoo daabacato lacag cusub. Hay’ adda lacagta adduunka ee IMF ayaa Soomaaliya ka taageeraysa qeyb kamid ah dhaqaalaha ku ba xaya dib u daabicidda lacagta cusub ee uu dalku yeelanayo sanadaha soo socda.

Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saar tay maraakiibta Shisheeye ee sida sharci dara da ah uga kaluumaysta xeebaha Soomaaliya.

Wasaaradda Kalluumeysiga & Dhaqaalaha Bul uugga ah ee XFS ayaa War saxaa fa deedka soo saartay maraakiibta si da sharci darrida ah uga kal luumey sta Badda Soomaaliya.Warsaxaafadeed ayaa la gu sheegay in Wasaaradda Kallumeysiga iyo dha qaalaha buluugga ah ee Xukuumadda So omaaliya ay caddaynayso in muddooyinkii la soo dhaafay ay urrurinaysay xogo ku saabsan maraak iib kall uumeysi oo laga leeya hay wadamo shishee ye ay xadgudub kalluumeysi ku hayeen Biyaha ba daha Soomaaliya. Maraakibt aas oo ilaa bishil jana ayo ku jiray biyaha dalka iya goo sifo sharci darro ah uga kalluumeysanayey biyaha Soomaaliya.

"Hadaba Wasaaradda kalluunmeysiga iyo Dhaq aalaha buluugga ah ee DFS waxay caddeynaysaa in dhammaan maraakiibtaasu ay sharci darro ku soo galeen biyaha Soomaaliya kuna kalluumaysa nayeen isla markaana aysan jirin wax ruqsad kall uumeysi ah oo ay ka haystaan DFS ayaa lagu yiri” Qoraalka. Sid ku cad, qodobbada 11aad, 12aad, 13aad ee Sharciga Kallu umeysiga Somaliya, Bix inta ruqsadaha kalluumeysiga maraakiiibta qalaa ad waa awood dastuuri ah oo heer Federal ah, wa xana bixin kara oo kaliya Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Federalka.Wasaaraddu waxay leedahay habraacyo iyo xeerar qeexaya shuruudaha, heshiiyada iyo hanaanka sharciga ah ee bixinta ruqsadaha kalluumeysiga qalaad. Waxa an sidoo kale caddeynaynaa in aanay sharci aha yn waxa loogu yeero endorsement letter laguna xa laaleysan karin in biyaha badaha dalkeena looga kalluumeysto.Waxaan u sheegeynaa dhammaan dalalka ay maraakiibtoodu ku jiraan biyaha Soo maaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga ba xaan badahadalka isla markaana ay soo celiyaan hantida ay sida sharci darada uga qaateen dalka haddii kale waxaan la la tiigsan doonaa sharciga.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga DFS & Hay’adda Socda alka oo su’aalo laga weydii yay sharci

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Ba arlamaanka FS ayaa Shalay ugu yeeray xafiisko oda Aqalka Sare, mas’uuliyiinta Wasaaradda Am niga Gudaha XFS & Hay’ad da Socdaalka & Jinsi yaddaSo omaaliyeed.

Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Amn iga iyo hay’adda Socdaalka su’ aalo dheeraad ah & turxaan bixin ay uga baahde en ka weydiiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jin siyadda Soomaaliyeed oo ay ga canta ku hayaan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa oo hoggaaminayay xub naha Wasaaradda iyo mas’uuliyiinta Hay’adda So cdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa ka jaw aabay su’aalihii guddiga amniga ay uga baahde en sharciga.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga & Difaaca Aqalka Sa re ee BFS Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa kulanka soo xiray, waxaana lagu ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac.

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sh. Maxamu ud ay aa kulan doceed la qaat ay Madaxweynaha Ja mhuu riyadda aan walaalaha nah ay ee Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada qeyb-galayeen Madasha 5-aad ee Qarama da Midoobey ee dalalka soo koraya oo ku qabsoo may M/ Doo xa ee dalka Qatar.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaymi deynta mawaaqifta 2ada dal ee fagaareya shan, si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah ee ay wadaag aan Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo mudnaanta la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Hoobiyeyaal ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho & faahfaahino ka soo baxa

Labo madfac oo ah nooca Mortar-ka ee hoobiy aha Soomaalidu u taqaano ayaa Xalay ku habsa day qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Iskuul u dhow isgoyska Sanca ee Magaalada Mu qdisho ayaa mka mid ah goobaha uu ku dhacay mid ka mid ah madaafiicdan.

Kan labaad ayaa ku dhacay dugsi Qur’aan ku yaalla degma da Kaaraan ee gobolka Bana adir si da ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareed yo kala duwan.

hoobiyeyaasha Xalay ku soo dha cay Muqdisho, weli si rasmi ah loo ma khasaaraha ay geysteen.

Al-Shabaab ayaa ku garaacda hoobiyeyaal aan mararka qaarkood laheyn bartilm aameed la garan karo, waxayna dhiibaato si joo gto ah uga soo gaartaa dadka rayidka ah.

Guddoomiye Madaale "Ma aqbali karno inaan mar iska ilaalino cadaw Khawaariij ah oo qarax yadiisa wata' marna iska ilaalino mid naloogu talagalay inuu na ilaaliyo"

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaa le Madaale oo ka hadlaa yay kulan ka dhacay xa runta degmada Cabdicasi is oo loo ga hadlaayay dardargalin ta barna amijka Garanwaa oo uu dhawaan Iclaamiyay madaxweyne Xasan Sh.ayaa ka codsaday shacabka Rer Muqdisho iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab, maan dooriyaha &C/ weerada.

Md.Madaale ayaa si adag u sheegay inaan la aqb ali karin in gudaha M/Muqdi sho lagu dhex arko Al -shabaab, kuwa iibiyo maandooriyaha &Ciyaal we erada oo uu tilmaamay in ey dhibaato ay ku yihiin amaanka guud ee mag aalada Muqdisho.

Duqa M/Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in ololaha ay kula dagalaamayaan Al-shabaab, wax yaabaha maanka dooriya & ciyaal weerada uu sii socan doono, islamarkana qof walba oo Muqdisho ku nool looga baahan yahay inuu ka qeyb qaato xasilinta M/Caasimadda ah ee Muqdisho.

"Kuwa daroogada kariya, kuwa keena iyo kuwa iibiya iyagaas ayay lamid yihiin maxaa yeelay uma deena waxaa baabiiyay oo maalin weliba xabad da ku ridaaya waa daroogiiste aan ogaal lahayn in uu dad dilaayo iyo inuu dagaal galaayo aanan ka la ogeyn, ma aqbali karno inaan mar iska ilaalino cadaw Khawariij ah oo qaraxyadiisa iyo xabadiisa wata marna iska ilaalino mid naloogu talagalay in uu na ilaaliyo, waxaa taasi uga hortagi karnaa waa inaan daroogada la dagaalanno oo aan uga tagno albaab weliba oo lagu iibinayo” ayuu yiri Gud.Mad dale. Hadalkaan kasoo yeeray gudoomiyaha G/Ba naadir ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maal ma hii la soo dhaafay amaan daro xoogan laga dare ema yay gudaha M/Muqdisho oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan & iska hor imaadyo ciidan oo sababay dhimashada & dhaawaca dad badan oo shacabah

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday nin ka dambeeyay weerarkii

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidama da Qalabka Sida ee dowladda federaalka Sooma aliya ayaa Shalay xukun adag ku ridday Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq oo lagu helay kamid ahaanshiyaha kooxda Al-Shabaab.

Ayuub Cismaan 24 sanno jiray ku dhashay ee deegaanka Jana ale ee Sh/Hoose ayaa Al-Shab aab u q aabilsanaa qaraxyada, gaar ahaan bamb ada, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Ayuub uu ku soo bartay bamba tuurista tuulada Siigaale ee Janaale, shaqadii ugu horeysayna waxay ah eyd bambo F1 oo uu ku tuuray ciidan roondo ku ji ray Janaale, balse aan geysan wax khasaare ah, kadibna lasoo qabtay.

Sidoo kale ninkan dhalinyarada oo xabsi dheer lagu xukumay ayaa horay isugu soo dhiibay dow ladda Soomaaliya isaga oo soo maray xarunta dhaqan celinta Kuwa ka haray fikirka kooxda, bal se markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta laga fasaxay xarunta oo uu sanad ku jiray.

Waxaase uu ninkan markale dib ugu laabtay

kooxda Al-Shabaab bishii November 2022-kii, is aga oo mushaar ahaaan u qaadan jiray 30$, si da ay sheegtay xeer ilaalinta.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Cii damada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiska Ayuub Cismaan Sheekh Aadan, waxaana laga ogolaaday 28-February-2023.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn Shalay go’aan ka soo saartay kiiska Ayuub Cism aan, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciid an ah, sida uu warbaahinta u sheegay G/le Maxa med Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale uu ku dalban karo rafcaan, muddo ku siman 30 cisho, haddii uusan ku qanacsaneyy go’aanka Maxkama dda Ciidamada.

Si kastaba, Maxkamadda C/Q/Sida ayaa maal mihii u dambeeyay kordhisay xu kunada ka dhan ka ah Al-Shabaab ee ku jira gacanta DFS.

Horjooge iyo xubno ka tirsana Khawaarij ta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka

Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Ja bal) iyo labo maleeshiyo ah oo la socota ayaa isku dhiibay Ciidamada deegaanka ee ka dagaalam aya bariga G/Galguduud sida uu warbaah inta Qaranka u xaqiijiyay gudoomi yaha degmada Baxdo Maxed Cabdulaahi.

Horjoogahaan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka u ahaa Kooxda ka dagaalamaysa Galmudug waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo ka codsatay dowlad da Ingiriiska in laga fududeeyo cunaqa bateyn ta hubka

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soom aaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiri iska, Ed Barnett.

kulankaas ayaa looga hadlay sidii Dowladda In giriiska ay Soomaaliya uga taageeri laheyd howl-gallada lagu ciribtirayo Alsha baab ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirka gaashaandhigga ay aa Danjiraha kala hadlay inay dowlaadda Soomaa liya ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqa bateynta hubka muddada fog saaran, arrinkaas oo uu wasiirku sheegay inay laf-dhabar u tahay dada alka loogu jiro ciribtirka Alshabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdul qaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadato dhisidda ciidan hanta guud ahaan amniga dalka.

Sii hayaha Safaaradda Ingiriiska ee Soomaali ya Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Dab Khasaaro hantiyadeed geystay oo ka ka cay Mall ku yaalla Magaalada Muqdisho

Dab khasaaro hantiyadeed geystay ayaa wax aa Habeen hore fiidkii uu ka kacay Mall ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana dab kaas uu ahaa mid xoogg an lagu guuleystay demi ntiisa saacado xiriir ah oo uu socday kadib.

Dabka ayaa baabi’iyay goobo Ganacsi oo ku dhex yaallay Mall-ka, oo ay lahaayeen dad Ganacsato oo ku hanti waayay dabka, iyadoona deminta dabka ay iska kaashad een Waaxda dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkaddaha leh gaadiidka dab dem iska. Qaar kamid ah Ganacsatada ku hanti weyday da bka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu dabka uu geystay khasaaro hantiyadeed oo fa rabadan, isla markaana uu baabi’iyay goobo Ganacsi oo ku yaalay gudaha Mall-ka gubtay.

Dabka ayaa si gaar ah u sameeyay qeybo ay ku yaaleen Carwooyin lagu iibinayey dharka iyo qeybo kale, waxaana la sheegay in dabka uu mar kii hore ka bilowday Haamo, kadibna uu kusii faa fay qeybo kale, sidaasina uu dabka ku xoog eystay.

Ma jirto wax khasaaro nafeed ah oo ka dha shay dabkaasi, Dhowr jeer oo hore ayaa wa xaa si daan oo kale Suuqyo waaweyn oo ku yaalla ma gaalada caasimadda ah ee Muqdisho uga kacay dabab xooggan oo khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan geystay.

Xog ku saabsan arrimaha ay isku raace en isima da SSC iyo madaxda Puntland

Isimida SSC ee muddooyinkii dambe ku sugna Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo Dorraad gaa ray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa faah-faahin ka bixiyey kulamadii ay halkaas ku yeesheen.

Isimida ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay mada xweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi, kaasi oo looga wa da-hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaan ood.Kulankan ka dhacay Garoowe ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii uu saameeyay dagaalka socda, oo ay labada dhinac ku sheegeen inuu yahay xasuuq ba’an oo Somaliland ka wado halkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Kara ash oo qoraal kooban kasoo saaray kulankan ayaa waxa uu yiri "Waxaan kulan la qaatay Isimada dhaq anka SSC oo aan ka wada hadalnay xaalada guud ee deegaanada, si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soo maaliland ka wado magaalada Laascaanood.”

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka ay Isimida SSC ku tageen Garoowe uu qeyb ka yahay abaabul ciidan oo xooggan, kaasi oo ay u wadaan hab beele ed, iyada oo magaalada Laascaanood ay gaareen cii damo gurmad ah oo ka yimid deegaannada Punt land. Ciidamadaan oo watay gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan ayaa waxaa la sheegay inay tegi do onaan furimaha dagaalka ee duleedka magaalada, halkaasi oo ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado Somal iland.

Isimida SSC ayaa inta ay joogaan caasimada maamulka Puntla nd ee Garoowe booqan doona dad kii kusoo dhaawacmay dagaalka Laascaanood ee la gu dabiibayo isbitaallada magaaladaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer ku ee deysay maamulka Puntland in uu qeyb ka yahay xii sadda ka taagan magaalada Laascaanood, wallow uu maamulka Garoowe waxba kama jiraan ku shee go eedeymahaasi.

M/Laascaanood ee gobolka Sool oo toddobadya dii u dambeeyay uu ka socday dagaal culus oo u dha xeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa waxaa lasoo sheegaya in xaaladda maga alada ay degan tahay.

Waxaa furan ganacsiyada qaar ee magaalada, sida; bakhaarada, maqaaxiyaha iyo hotellada, oo iy agu muddooyinkii dambe xirna, sidoo kale waxa fur an dhawr kaalimood oo shidaal ah, sida ay Caasi mada Online u sheegeen dad deegaanka ah.

Ciidamada ayaa waxay isku hor fadhiyaan dhinaca waqooyiga ee magaalada Laascaanood, oo ka bax san dhulka deegaanka, mana jirto waan-waan qeyb

ka ah in uu qaboobo dagaalka.


Wejiga 2-aad Hawlgallada ka dhanka ah Alsha baab oo ka bilaabanaya Hirshabeelle.

Wararka ka imaanaya degaano ka Tirsan gobol ka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in uu socdo diyaargarowga Wejiga labaad Hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Ciidamada Dawlada Feded eraalka Soomaaliya oo kaa shanaya kuwa degaanka ee Macaswileey ayaa ku jira diy aar garow ku aadan bilaabida Wej iga labaad Ha wlgallada looga soo horjeedo Alshabaab oo ay do onayaan ciidamada in ay ka sameeyeen degaana da ku yaala galbeed gobolka shabeelaha Dhexe

Saraakiil ka tirsan Ci idanka Militariga dawlada Federaalka oo ku su gan gobolka shabeelada Dhexe ayaa Warbaahinta Risaala u xaqiijiyay in ay socdaan dhaq dhaqa aqyo la xiriira sidii Ciid amada Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka Hawlgallo ka dhan ah Alsh abaab uga bilaabi lah aayeen degaanada Galbee dka Hirshabeelle oo maamulaan Alshabaab.

Dhaqdhaaqyadaan Ciidan ee ka jira galbeed ka gobo lka Shabeelada Dhexe ayaa ku soo aad aya xilli Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay wejiga labaad Hawlgallada ka dhan ka ah Alshabaab oo ka laga bilaabayo degaano ka Tirsan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Weerar geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Habeen hore koox hubeysan ay ku qaaday Maqaayad ku taala deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa la sheegay iney geysteen rag hubeysana oo weerarkooda ku bilaabay bam gacmeed ay ku tureen dad fadhiyay maqaayada oo isugu jiray Odayaal iyo dhalinyaro, waxaana Bam gacmeedka kadib lasoo wariyay in dableyda hubeysned ay toogasho ku dileen qaar ka mid ah dadkii maqaayada fadhiyay.

Ilaa shan ruux ayaa la sheegay iney ku dhinteen weerarkaasi tiro kalana ay ku dhawaacmeen, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii hubeysned ee weerarkaasi geysatay, lamana oga ilaa hada cida ay ka tirsan yihiin dableyda weerarkaan fulisay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib gaaray halka wax ka dhaceen, kuwaas oo ka sameeyay goobta iyo nawaaxigeeda baaritaano natiijadooda aan la shaacin.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laa maha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaan khasaaraha geystay ee Habeen hore ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaan Habeen hore lagu dilay dadka shacabka ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dh aafay amaanka magaalada Muqdisho uu sii xumaa nayay

Puntland oo ka hortimid sharciga maareynta iyo horumarinta Kalluumeys iga Soomaaliya

Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ayaa ku eedeysay wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya, inay doonayso inay meel mariso sharci kalluumaysi oo ay sheegtay inuu ka hor imaanayo dastuurka dal ka.

Wasaaradda kalluumaysiga Puntland waxay sheegtay shar cigan inuu ka hor imaanayo qodobka 44-aad ee dastuurka Soomaaliya, kaasoo qeexaya qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidoo kale, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayra adka Badda ee Puntland waxay sheegtay in aysan aqoonsanayn kuna dhaqmi doonin sharci kasta oo baalmarsan dastuurka Puntland iyo kan Dowladda federalka.Dhammaadkii Bishii February ee sannadk an ayay ahayd markii wasiirka kalluumays iga Soo maaliya, Axmed Xassan Aadan, uu sharcigan horge eyay golaha shacabka si ay u meelmariyaan. Balse weli lama meel marin.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay sharcigan oo isbed del lagu sameeyay qodobadiisa qeybtood, inuu dabo olayo baahi weyn oo loo qabo sharci kalluumeysi oo dhamaystiran kana jawaabaya baahida sharci ee khayraadka kalluunka dalka.

Itoobiya oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood

Dowladda fedferaalka Itoobi ya ayaa faragelisay dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee weli ka socda magaalada Laascaa nood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Som aliland iyo kuwa dadka deeg aanka.

Wararka ayaa she egaya in dowladda Itoobiya ay wafdi u soo dirtay arrinta maga alada Laasc aanood, si ay u waan waan uga dhex bilaabaan 2ada dhin ac.

Sida aysheegtay in ay ogaatay Caasimada Onli ne, wadigan Itoo biyaanka ah ayaa ku hormaray mag aalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay wadahadallo gaar ah kula soo yeesheen mad axweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaga oo kala hadlay dagaalka weli ka socda Laascanood.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la dhaqan-ge liyo xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday Som aliland iyo ciidanka milatariga laga fogeeya aagga Laascaanood, taas oo uu aqbalay madaxweyne Muuse Biixi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Intaas kadib wafdiga ka socda xukuumadda Addis Ababa ayaa gaaray magaalada Garoowe oo ay ha atan ku sugan yihiin waxgaradka SSC, waxaana hal kaas kusoo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). Wafdiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ismida ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxa yna kala hadleen xal u helidda arrinta Laascaanood, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in od ayaasha dhaqanka ee SSC ee la kulmay saraakiisha Itoobiyaanka ah ay la wadeegeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, ayaga oo beeniyay in Somaliland ay hirgelisay xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday.

Waxa sidoo kale labada dhinac ay ku ballameen in lasii wado dadaallada lagu raadinayo nabadda, dhankoodana ay adkeeyaan, sidii loo hirgelin lahaa xabad joojinta.

Dagaalka Laascaanood ayaa noqday arrin weyn oo taagan, waxaana horay isku-day u saameysay dowladda Jabuuti, balse ma jirto wax kasoo naasa cadaaday dagaal keeda.Xigasho:c-aasimadda.net

Dowladda UK oo taageerada kala laaba tay SOMALILAND kadib dagaalka Laasc aanood

Dowladda Boqortooyada UK ayaa ku dhawaaqday go’aan lama filaan ah oo saameynaya ciidamada Somaliland oo haatan wajahayo xiisad xoogan oo ka dhalatay kacdoonka ka socda magaalada Laascaan ood ee gobolka Sool.

Uk ayaa ku dhowaaqday inay hakisay lacagihii ay ku taakuleyn jirtay ciidamada Somaliland, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiis ay Britain ku leed ahay magaalada Hargeysa.

Warkan qoraalka ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in go’aanka dhaqaalaha looga jarayo So maliland uu dhaqangeli doono 31-ka Bishan March lagu gaaray London.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale xustay inay qii meyn ku sameyn doonto maal-gelinta amniga iyo garsoorka, iyadoo la eegayo waxa u qabsoomay So maliland muddadii la caawinayay.

Waxaa sidoo kale warbixintan lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay muhiimad gaar ah siin doonto arrimaha bini’aadanimada, ayna taageeradooda u weeci doonto dhankaasi.

Dhinaca kae Boqortooyada UK ayaa si adag uga hadashay xaaladda adag ee Laascanood oo maal mihii lasoo dhaafay ay dagaallo ku dhex-marayeen Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in talla abooyinka noocaas oo kale ah ay wiiqeyso kalsooni da ay shacabka ku qabaan hoggaanka sare ee ma amulka Somaliland.

Tallaabada ay qaaday Uk ee saameyneysa ciida mada Somaliland ayaa kusoo aadayo, xilli adag, isla-markaana xukuumadda Hargeysa ay wajaheyso xaalado is-biirsaday.

Si kastaba, Somaliland oo caan ku aheyd nabada 30-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa haatan cambaar eyn xoogan iyo dhaleeceen kala kulantay caalamka, kadib dagaalka Laascaanood


Faysal Cali Waraabe: Dagaalka Laasca anood waa qorshe la doonayo in Somali land khariid ada lagaga saaro

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ku eedeeyay in uu ka danbe eyo colaada Laas ca ano od.Faysal waxa uu ku an dacooday in madaxweyne Farmaajo, uu dhigay qorshe la doonayo in Somliland lagu burburiyo 5 tii sano ee uu talada Somliya hyay.

"Qorshahani waa qorshe la doonayo in Somaliland lagaga saaro khariidada, qorshahan waxa ka shaqee yay Ina Farmaajo shantii sanno ee uu Xamar ku am ar ku taaglaynayay, qorshani wuxuu leeyahay guddi sare oo isir ku salaysan, oo 21 ah oo G21 la yidhaa" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in guddidan ay ku jiraan madax hore oo soo martay dalka Soomaaliya, sida Cumar Cabdirashiid, Cabdiwali Gaas, Farmaajo, iyo waliba siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin iyo qaar kale, sida uu hadalkiisa u dhigay. Waxa kale oo uu Faysal ku andacooday in ciidanka dowlada Soomaali ya tababarka ugu dirtay Eriteriya loogu talo galay in Somaliland lagu waxyeeleeyo, waxaanu ku baaqay in la garab istaago ciidamada Somaliland, isaga oo sheegay in ay iyagu guulaysan doonaan.

Faysal dhinaca kale, xukuumada madaxweyne Bii xi ayuu ku eedeeyay in ay ka danbaysay oo ay saba b u ahayd colaadaL/caanood, isaga oo ku andacoo day in madaxweynaha uu kursigiisu kala waynyahay jiritaanka Somaliland.

Garaadada ku sugan L/Caanood, ayuu shee gay in kooxo kale ay lugoynayaan, isla markaana wuxuu ugu baaqay in ay ka taxadar ciidamada usoo gurman ayaee maalmihii ugu danbeyay imanayay L/Caanod.

Yaa kusoo baxay doorashada guddoon ka baa rlamanka ee…

Baarlamaanka Jabuuti, ayaa guddoomiye cusub Shalay u doortay Dileyta Maxamed Dileyta. Dileyta, ayaa wuxuu xubin ka yahay xisbiga ugu aqlabiyadda badan ee baarlamaanka Jabuuti.

Dileyta, ayaa wuxuu dhashay bishii Maarso 12, 1958, isagoo ku dhashay gobolka Tadjoura ee dalka Jabuuti. Wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka.

Guddoomiyaha ayaa madax ka noqonaya Golaha Shacabka Jabuuti, kaasoo Shalay yeeshay Kalfadhi ga 1-aad ee golaha. J/Jabuuti, ayaa Shalay waxaa ka furmay kulankii ugu horeeyey ee kalfadhiga Golaha Shacabka.

Dileyta, ayaa wuxuu kal hore noqday R/wasaar aha Jabuuti, xili ku began 7-dii bishii Maarso, ee san adkii 2001-kii, illaa iyo bishii Maarso 31, ee snaadkii 2013-kii.

Dhanka waxbarashada, wuxuu wax kusoo bartay magaalooyinka Qaahira iyo Reims, ka dibna Xarunta tababarada xirfadaha, ee dalka Algeria, oo uu qalin jabiyay sanadkii 1981-kii.

Markaa kadib, Dileyta, ayaa waxa uu ka soo sha qeeyay aggaasinka guud ee habmaamuuska madax tooyada dalka Jabuuti.

Waxa uu diblumaasi ka ahaa safaaradda Jabuuti ee dalka Faransiiska bilowgii sannadkii 1990-kii, ka dibna waxa uu safiir ka ahaa dalka Itoobiya sanadkii 1997-kii, isagoo sidoo kale wakiil uga ahaa Jabuuti ururka Midowga Afrika.

Waxa uu qeyb ka ahaa wada hadaladii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalkii 1998-2000 ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea. Bishii Disember sanadkii 1999-kii, Dileyta, ayaa waxaa loo wakiishay wada xaajood lala yeeshay garab ka mid ah Jabhadda (FRUD), kaa soo uu ka dhashay heshiiskii bishii Febraayo ee sa nadkii 2000. Sanadkii 2000, ayaa Dileyta waxaa loo magacaabay danjiraha Jabuuti u fadhiya dalka Uganda. R/ Wasaare, Barkat Gurad Xamadu, ayaa is casilay bishii Febraayo ee sanadkii 2001-kii. M/W Geelle, ayaa wuxuu u magacaabay Dileyta inuu noqdo R/wasaare bishii March 4, 2001-kii. BBC

Haweeney Soomaali ah oo dhacdo aad looga naxay ka gaysatay dalka Jarmalka

Maxkamad ku taalla koonfurta dalka Jarmalka ay aa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay haweeney So omaali ah oo lagu helay in ilmo yar oo ay dhashay ay ku dishay mindi. Dilka ilmahaas oo saddex bilood jir ahaa ayaa ka dhacay gudaha xarun loogu tala ga lay qaxootiga, waxayna aad uga nixisay magaalada oo idil. Xerad aas waxaa la dejiyaa dadka magangal yo doonka ah.

Maxkamad la hor geeyey ha weeneyda cunugeeda dishay, oo magaceeda aan la shaacin, ayaa ku riday xukun xabsi daa’ In ah, xerada uu dilkaasi ka dhacay waxay ku taallaa gobolka Bavaria, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maxkamadda. "Maxkamadda gobolka ee Schweinfurt ayaa haweeneyda ku soo oogtay in ay gabadheeda oo saddex bilood jir ah sideed jeer mindi ku dhufatay bishii Agoosto ee la soo dhaafay, iyada oo ku sugn ayd hoy qaxooti oo ku yaalla xaafadda Geldersheim ee gobolka Bavaria, oo u dhow Schweinfurt,” ayuu yiri afhayeenka.

Illaa hadda lama cadeyn sababta haweeneydaan Soomaalida ah ku kaliftay inay disho cunugeeda, wakaaladda wararka ee Jarmalka ee DPA ayaa weri say dhacdadaan. Haweeneyda cunugeeda dishay oo Soomaaliya ka soo jeeda waxaa da’deeda lagu shee gay 28-sano jir.

Aabbaha dhalay cunuga oo goobta aan ka dhee reyn ayaa dhowr boqol oo mitir u jiray xilliga la dilay ay ilmagiisa, sida lagu shaaciyey warbixin ay qortay wakaaladda DPA.

Xukunka lagu riday haweeneydaan ayaa soo mar ay marxalado kala duwan waxaana kiiskeeda ka dhal atay dood xoog leh, qareenadii difaacayey ayaa dalb aday in la dhimo xukunka xabsiga ah ee lagu riday, halka Xeer Ilaalinta dalka Jarmalka ay codsaday in la gu xukumo sagaal sano oo xarig ah, iyadoo loo cus kanayo dil bareer ah.

Ugu dambeyntii qaadiga Maxkamadda ayaa cade eyey in la raacay dacwadda asalka ah oo haweene yda lagu helay dembi ah inay ilmaheeda u geysatay dhaawac halis ah oo sababay geeri.

Sida laga soo xigtay dhakhtarka maskaxda oo ha weeneydaan loo geeyey wuxuu cadeeyey inay caaf imaad qabto, balse uu jiray calaamado muujinaya khalkhal shakhsi ah oo heystay haweeneyda.

Sacuudiga oo xukun dil ah ku fuliyay laba Rag ah

Labo Nin ayaa lagu dilay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, kadib, markii lagu helay Falal-de mbiyeed culus, sida ay baahis ay Wakaallada Wararka ee Sau di Press Agency.

Dembiilaha Koowaad ayaa la sheegay inuu weera ray Xarun Shidaal, isla markaana uu toogasho ku dil ay Askari ka tirsan Ciiddanka Ammaanka ee dal kaasi. Waka allada Wararka ee SPA ma aysan sheegin xilliga uu Ninkaasi geystay weerarka uu ku dilay Askariga, lag una gubay Xarunta Shidaalka.

Dembiilaha Labaad ayaa ku eedeysnaa inuu Fal aad-xumo u geystay wiilal da’ yar. Wakaallada Warar ka ee SPA si cad uma aysan kala sheegin Qaabkii loo adeegsaday dilka labada Eedeysane in la toogtay la daldalay ama Surka laga jaray.Dilka labadaasi Dembiile ayaa dhacay saddex maalin kadib, markii 4 Eedeysane oo kale lagu fuliyey Xukun Dil Wadareed ka dhacay Gobalka Baha ee K/Galbeed ee dalkaasi.

Eedeysanayaashaasi ayaa la sheegay inay horey u geysteen Fal Afduub iyo inay Nin kale dileen.

Warbaahinta Dowladda Sacuudiga waxay sheeg tay in Tirada Guud ee Xukunada Dilka ee la fuliyey sanadkan ay gaarayaan ilaa 6 Eedeysane. Sanadkii hore, 81 Eedeysane ayaa hal maalin oo keliya lagu fuliyey Xukun Daldalaad ah bishii March ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Si kastaba, in ka badan 1,000 qof ayaa lagu fuliyey Xukun Dil ah tan iyo markii uu Boqor Salman Bin C/C asiis Ala-Sacuud la wareegay Talada dalkaasi sana dkii 2015-kii, sida lagu sheegay Warbixin ay soo saareen Ururka Xuquuqda Aadanaha ee The European-Saudi Organisation for Human Rights.


GARSOORE AAN MUSLIM AHAYN OO NIN KU XUKU MAY IN UU SI JOOGTA AH SALAADDA U TUKADO


Maxkamad ku taal magaalada Malegaon ee go bolka Maharashtra ee dalka Hindiya ayaa eedaysane ku amartay in uu si joogto ah u tukado shan jeer maalintii muddo 21-ka maalmood ee soo socda si loogu ciqaabo garaacis iyo dagaal uu sameeyay.

Xukunka garsoore Tejwant Si ngh Sindhu ayaa sidoo kale ku amray 30-jirkan eedaysan aha Rauf Umar Khan inuu la bo geed ku beero masaajid u dhow si looga dhaafo dembigi isa isla markaana uu daryeelo labada geed.

Qaadiga maxkamada ay aa ninkan ku helay dembi ah inuu nin ku dhaawacay dag aal gacan ka hadal ah oo waddada ka dhacay.

Garsooraha maxkamadda ayaa amar ku bixiyay in sarkaal beeralayda degmada ah uu la socdo u ho ggaansanaanta amarka maxkamadda wuxuuna u oggolaaday inay adeegsadaan ciidan boolis haddii loo baahdo si ay u fuliyaan amarka. Eedeysanaha ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu yahay nin danyar ah, isla markaana uu mas’uul ka yahay nolosha qoyskiisa.

'Sharciga tijaabinta dambiilayaasha' ayaa u oggolaan aya maxkamadda in ay sii deyso dambiilaha ka dib di gniin ku filan si uusan eedaysanuhu mar kale dembi u gelin.

Haddaba kiiskan wuxuu garsooruhu arkay 'sida ay aniga ila tahay, bixinta digniin ku filan waa inuu qofku fahmo in uu dembiga galay, oo eedaysanaha dembi ga galay xasuusto iyanu dib u sameyn dembigan oo kale. Maxkamadda oo sii hadlaysa ayaa sheegtay in eedeysanaha uu qirtay in uu yahay nin cibaado ba dan, ayna waajib ku tahay inuu tukado salaadda, bal se waqti la’aan awgeed uu awodi waayay inu tukado.

Saas darteed, qaadigu wuxuu yiri 'waxaa nala hab oonaatay in la sii daayo isaga oo shardi looga dhi gayo in uu tukado shanta salaadood sida, Fajar, du hu, Casar, Maghrib iyo Cisha si xirrir ah 21 maalmo od oo berri ka bilaabanay sa.' Qof dib u xiran

Dagaalka iyo garaacista ayaa dha cday bishii April 2010 markii Rauf Khan autorickshaw uu ku jiiray mooto meel taalay, ka dib markii uu muran dhex maray ninkii mootada lahaa. Bo oliska ayaa ku eedeeyay Rauf Khan in uu caayay oo garaacay qofka cabanayay, isaga oo dhaawac u gey stay.

Kiiska ayaa laga diiwaan galiyay Rauf Khan oo degan Malegaon, sida hoos timaada qaybaha sharc iga ee 323 (ciqaabta dhaawaca), 325 (sababta dhaa wac aad u daran), 504 (aflagaado ula kac ah) iyo 506 (cabsigelin dembi) ee Xeerka Ciqaabta Hindiya. Balse waxaa lagu waayay dhammaan eedeymaha marka laga reebo qeybta 323 ee ah dhaawac.

Dacwad oogaha guud ee maxkamadda Nasreen Memon ayaa sheegay in ra'yigiisa, garsooruhu uu go 'aankan siiyay aragtida dhaqan celinta eedaysanaha. Waxa uu yidhi "Waxay ila tahay in garsoorayaashu ay eegaan xaaladda (dhaqaale) ee eedaysanaha, ga rsooruhu waxa uu qabay aragti ah in haddii loo xidho dembi yar oo intaa le’eg, ay u badan tahay in uu noq on doono dambiile weyn.

Waxay sheegtay in laga yaabo in go'aankan la siiyay rajo ah 'in uusan sameyn doonin tallaabo qald an tan ka dib (go'aanka dhaqan celinta) oo uu fiicn aan doono. Sida aan qabo, xukunkan waxaa loogu dhawaaqay sixiddiisa. XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip