HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHSABTI 25-KA FEBARAAYO 2023-KA

0
Saturday February 25, 2023 - 12:42:08 in Wararka by
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHSABTI 25-KA FEBARAAYO 2023-KA

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Aadan Madoobe oo ka degay Baghdad + Ujeedka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaan ka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaamin aayo ayaa Habeen hore gaaray magaalada Baghdad ee caasimada dalka Ciraaq.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa gar oonka diyaaradaha Baghdad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sh. Maxamuud (Maalinguur).

Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa intaas ka dib waxaa loo gudbiyey hoyga martida, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarla maanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlama anka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhigiisa dal ka Ciraaq Mudane Muhamed Al-Halbousi uga ma had-celiyay soo dhoweynta diiran ee loo samee yay isaga iyo wafdigiisa.

Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baghdad ee caasimada dalka Ciraaq uga qeyb-galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta, sida lagu sheegay qor aal kasoo baxay xafiiska guddoonka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale inta uu ku su gan yahay caasimada dalka Ciraaq ee Baghdad ayaa waxa uu kulamo doceedyo kala duwan la ye elan doona madaxda kala duwan ee ka qeyb-gal eysa shirweynaha Midowga Baarlamaannada Carabta.

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasii rada Soomaaliya?

Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Shalay kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yee shay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka dal ka iyo sidoo kale dagaalka Al-Shab aab.

Shirkan ayaa waxaa gu ddoomiyay ra’iisul wasaa re Xamza Cabdi Barre, wa xaana goobjoog ahaa ku xigeenkiisa, Saalax Axm ed Jaamac iyo inta badan xubnaha Golaha Wasi irada.

Ugu horreyn Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka sii yey howlgallada socdo iyo deegaanadii ugu dam beeyey ee laga qabsaday Al-Shabaab.

Golaha ayaa si weyn u boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay HirShabelle, Galmud ug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

"Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka aya gacantana ku dhigay hub iyo deegaanno cusub oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha

Xubnaha Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay amm aanka Muqdisho, waxayna cambaareeyeen weer arkii 21 bishan ay Al-Shabaab ku qaadeen guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dhaawacyo ka tirsan ciid amada Macawiisleyda.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuum adda Fdeeraalka ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkaas, ayaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Dhanka kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa Golaha Wasiirada Soo maaliya warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ugu dambeyn ra’iisul Wasaare ku-xigeenka da ka Md.Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka ha dlay ayaa Wasiirada la wadaagay barnaamijka xa silinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nid aamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalam iga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

Soomaaliya oo codkeeda ka dhiibatay qaraar ka Q/M.ee ku aadan in Ruush ka ciidamadiisa kala baxo dalka Ukraine

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa cod keeda ka dhiibatay afti laga qaadayay dalalka xub naha ka ah Golaha Qaramada oo ku aadaneyd in dowladda Ruushka ciidamadeeda kala baxdo dalka Ukraine.

Qaraarkaan ayaa dalalka xubnaha ka ah Golaha Qaramada Midoobay ayaa waxay ku kala codeynayeen Haa iyo Ma ya si loo ansixiyo, halka ku wa qaarna ay ka aamu seen.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay iney codkeeda ku biirisay 30 dal oo ka mid ah dalalka Afrika oo qaraarkaan Qaram ada Midoobay ugu codeeyay "Haa" taasoo ka dhi gan in Soomaaliya ay taageertay qorshaha ku aadan in dalka Ruushka uu kala baxo ciidamadi isa wadanka Ukraine oo ay Shalay u buuxsantay muddo hal sano ah.

Codeynta qaraarkaan waxaa isaga aamusay 15 wadan oo ka mid ah dalalka Afrika, iyadoo wad amada Eritrea iyo Mali oo keliya ay si toos ah uga soo horjeesteen qaraarka oo ku saleysan in Ruu shka lagu khasbo ka bixitaanka Ukraine, kuwaas oo ku codeeyay "Maya"

Wareysi:- Maxaa fududeeyey weerarkii Al-Shab aab ee guriga ku yaalla Mirinaayo?

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay weer arkii ay Talaadadii kooxda Al-Shabaab ku qaaday guri ay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqd isho uga ijaareen ciidankii ku soo dhaawacmay dagaallada ka socda gobolkaas.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hal guri la isugu geeyey ciidank aas, wuxuuna sheegay in ay guriga u geeyeen ciidanka dhaawaca ah in isbi taallada aysan ku dayacmin, maadaama ay yihiin dad reer miyi ah oo magaalada uusan ehel u joo gin.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed oo la weydiiy ey sababta fududeysay inay Al-Shabaab weerar aan gurigaas ayaa yiri "Raggaan waxay Al-Shaba ab uga soo adkaadeen furimaha dagaalka, waa rag ku guuleystay inay umadda Soomaaliyeed tus aan in Shabaab laga adkaa karo, marka Al-Shab aab sifa kasta oo ay ku aarguda kareen ayey sam eeyeen, sabab kale ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Wuxuu sheegay in qofkii dhaawaca kasoo bog sada ay diyaarad saari jireen oo gobolka Hiiraan loo celi jiray, islamarkaana aad looga war-qabay caafimaadka iyo soo kabashada ciidankaas, balse ay qadar ku dhacday.

"Guriga ilaalo fiican waa lahaa, meel amaana na waa ku yiilay, laakiin weerarka qarax is miidaa min ah ayaa lagu bilaabay oo irida hore ayuu nin Isku qarxiyey, kadibna sidii hoteellada loo geli jiray ayaa loo galay, waana lagu dadaalay in raggii dha awaca ahaa laga badbaadiyo cadowga oo badan kood waa la badbaadiyey,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weer arkaas ay 10 qof ku dhinteen, balse Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa ka gaabsaday inuu sheego tirada dadkii lagu dilay weerarkaas oo warar dib ka soo baxay ay sheegayeen in tiradu ay ka badan tahay intii ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

"Ragaas awalba waxay furimaha u tageen oo u soo dhaawacmeen inay ku shahiidaan cadowga, marka wixii naga dhintay waa Shuhado, gadaal ay aana ka soo sheegeynaa inta ay dhamaayeen, la akiin sidii cadowgu wax u rabay uma dhicin, Ilaah mahadiis,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhib aankaan.

Ugu dambeyntii xildhibaan Maxamed ayaa she egay in ka beel ahaan ay halganka sii wadayaan oo Shabaab in laga adkaado ay ka go’antahay, In ta gabar ay ka nooshahay beeshiisa, sida uu cad eeyey.

"Reerka aan Xildhibaanka u ahay ee Xawaa dle, waxaan taargad u wadanahay argagixisada, ayagana waa noo taargad, wado kale nooma fura oo dagaal ayaan isku dhaarsanay,” ayuu yiri Xildh ibaan Max amed Cabdulqaadir Maxamed.

Wasiirka waxbarashada DFS oo shaaciy ay qabshada shir weyne looga arinsan yo waxb arshada dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidda ha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Ca bdulkadir ayaa shaaciyey in dhawaan la qaban do ono Shirweyne Qaran oo dib loogu Eegi doono xa aladda waxbarashada dalka,shirweynahan ayaa la qaban doonaa inta u dhexeeysa 13 -17 bisha Maa rso 2023.

Wasiir Faarax Sheekh Ca bdulkadir ayaa sheegay in ay ka soo qeyb gali doonnaan ma daxda dowladda federaal ka,kuwa maamul goboleedayda,bahada waxbarsh ada qeybaheed kala duwaan,waaliidiinta,Culimo udiinka, Howeenka iyo hay’daha ka shaqeya wax barshada.

Ujeedooyinka shir weynaha ayuu ku sheegay wasiirku in ay tahay in la helo argtii waxbarsho oo lagu midaysan yahay kuna salgo’an baahida iyo danta Ummada Soomaalyeed,in la isla fahamo ca qabadaha hortagan horumarinta waxbarshada iyo soo bandhigida aragtiyo hal abuur leh oo looga gu dbo caqabadahaas,in la hindise argtiyo lagu baa hin karo waxbarshada dalka si ay fursad u helaan ardayda aan fursad horay u helin iyo in la isla gar to ama la isla dajiyo hanaan lagu maamulo waxba rashada laguna maal-galiyo.

Madaxda Hirshabeelle oo wada dadaal lagu dhisayo buundo ay yeelato Buulo-burde

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle,Cabdi Daahir guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Shalayy gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ay la socde en xubno ka tirsan maamul ka Hirshabeelle iyo Injine erro,waxaa degmadaa si ku soo dhoweeyay Gu ddoomiyaha Degmada Buulo-burde Xasan Maxa med Cabdi iyo qaar kamid ah qeynaha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle,Cabdi Daahir guurre ,ayaa ka dhawa ajiyay in ujeedka socdaalkooda uu yahay sidii dad ka degmadaasi loogu dhisi lahaa buundo cus ub,iyadoo sidoo kale la dayactirayo buundada haa tan ee uu ka muuqdo burburka.

Qaar kamid ah ururada bulshada oo iyaguna hadlay soo dhoweynta kadib ayaa u mahad celi yay wafdiga ka socda Hirshabeelle.


Wasiirka Kalluumaysiga XFS oo xafiiskii sa ku qaabilay wafdi ka socday Banka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dha qaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilaymas’uuliyiinta kala ah Jul ien Million iyo Miguel Angel Jorge oo ah wafdi ka soda Bangiga adduunka kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay u joogay Muqdisho in ay Wasaarada kala hadlaan mashaariicda uu Bangiga Adduunku maalgelin doono ee la xii ira kallumeysiga dalka.

Waftdigan ka socda Bangiga Adduunka ayaa wasiirka la wadaagay war bixin ku saabsan mashaariicda horumarineed gaar haan kawa la xiriira Kalluumeysiga ee Bangiga Adduunku uu qorsheynayo in ay ka fuliyaan dalka.

Waftdigan ayaa si gaar ah faahfaahin uga siiyey wasiirka qorsheyaasha sacda ee la xiriira mashar iicda Kalluumeyiga iyo dhaqaalah Buluugga ah la gu horumarinayo ee Bangiga Adduunka iyo was aaradda ay ka wadashaqeynayaan kuwaas oo la doonayo in lagu horumariyo Kalluumeysiga guda ha si loo agar isku filnaasho dhaqaale oo waara.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dha qaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa wafdigan uga mahadceliyey imaatinkooda iyo wa rbixinta ay la wadaageen, waxaana u ballan qaad ay in ay wasaaraddu si hufan ugala shaqeyn doo no hirgalinta mashaariicda ay qorsheynayaan in ay ka fuliyaan dalka gaar ahan kuwa la xiriira horu marinta Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa u sheegay in uu doonayo in uu mustaqbal wanaagsan u horseedo wasaaradda iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku foo gan Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaal aha Buluugga ah sidaa darteed ay muhiim tahay Bankiga Adduunku uu munaan siiyo qorsheyaa sha wax ku oolka ee khuseeya Kalluumeysiga.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Shikh Cabdullahi iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cali Ifiye Cali.

Danjiraha Somalia ee QM oo shaaciyay in dam bi dagaal laga geystay Laascaanood

Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle oo ka qayb-galay kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa si adag uga hadlay xaaladda magaalada La ascaanood, halkaas oo ay todobaadkii saddexaad ay ku dagalaamayaan ciidanka Somaliland & ku wa dadka deeganka.

Abuukar Baale oo warbixin siiyay Golaha ayaa sheegay in dambi dagaal uu ka dhacay Laascaanood, isaga ooo ca rabka ku dhuftay in weerar aan kala sooc laheyn lagu qaaday shacabka ku dhaqan gudaha magaal adaasi oo ku taalla waqooyiga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo jeedinayo in lala xisaab tamo kuwa lagu eedeyanayo dhibaatadaas oo loo fasiran karo dhanka Somaliland, maadaama ay weli dagaal ka wado halkaasi.

Danjiraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ay ka saaran tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba Shalaysan, kuw aas oo dhimasho, dhaawac iyo barakac kala kulm ay dagaalka weli ka socdo magaalada Laascaa nood.

Waxaa kale uu intaasi kusii daray in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in baaritaan madax ban naan lagu sameeyo waxa ka socda halkaasi.

Dhanka kale waxaa kale oo uu sii xoojiyay ba aqii madaxweynaha ee ku aadanaa in dagaalka la joojiyo, wax welibana lagu dhammeeyo miiska wadahadalka."Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda, lana sameeyo wada xaajood. Dowladda Soomaa liya waxay diyaar u tahay in la abuuro wada hadal loo dhan yahay, si loosoo celiyo xasiloonida iyo degenaanshaha,” ayuu yiri Danjiruhu.

Ugu dambeyn wuxuu fariin u diray xubnaha be esha caalamka iyo hay’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmadaan dadka ay waxyeela da gaartay iyo kuwa barakacay.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaad kii saddexaad, waxayna dhimashada ay ku dhowd ahay 150 qof, halka dhaawacuna uu sii cagacagey nayo in ka badan 500 kale.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in codsiga fiisaha Kenya loo xiray shirkad gaar ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa been abuur ku til maamtay warqad baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsanayd in dowladdu codsiga fiisaha dal ka ku galka Kenya u xirtay shirkad gaar ah.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in warqadaas oo gaartay do wladda Kenya ay tahay mid been abuur ah oo aan ka turjumayn mowqifka dowladda Soomaaliya.

"Waxaan rabnaa inaan carrabka ku adkeyno in dowladda Soomaaliya aysan taage ersaneyn hay’ado ama shaqsiyaad u fududeeya codsiyada fiisaha muwaa diniinta Soomaaliyeed,"ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay sheegtay inay dowladda Soomaaliya ka rajeyneyso dowlad da Kenya in ay fuliso heshiiska fiisaha dal ku ga lka dadka wata baasaboorka Soomaaliya, sida ku cad heshiiskii ku taariikhaysnaa July, 15. 2022 oo ay wada gaareen labada dal.

Wasaaradda waxay kula talisay cid kasta inay iska ilaaliso warqadaha ka imaanaya ilo aan sax ahayn.

Wasaaraddu waxa ay mar kale ku celisay in ay sii wadayso xiriirka ay la leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Si kastaba ha haateee, dhaleecayn adag ayay Dowladda Soomaaliya kala kulantay kadib markii warqad loo malaynayo inay kasoo baxday wasaar adda arrimaha dibadda lagu sheegay in shirkad gaar loo leeyahay loo xiray codsiga fiisaha dal ku galka Kenya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo digniin cusub soo saaray

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Sooma aliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada Xil dhibaan Cabdiraxmaan Cabdisha kuur Warsame oo ka qeyb-galay madasha caalamiga ah ee gar gaarka bani’aadannimada ee Riy ad, ayaa ka dig ay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa waxa uu ka hadlay muhiima da ay xilligaan leedahay in laga gu dbo gurmadka deg-dega ah ee loo jiheysto dhina ca mashaariicda wax-ku-oolka ah, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa soo kabashada dalkeena.

"Waa in loo jihaysto mashaariicda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka si looga gudbo ku tiirsanaanta gar-gaarka bani’aadanimo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas sii raaciyay "Waa in Soomaal iya loo maal-geliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, ugana guulay san lahayd argagixisada iyo is-beddel ka cimilada ayaan sidoo kale kaga hadlay Khudbaddeyda.”

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha oo mu ddooyinkii dambe waday olole wax looga bedel ayo qaabka ay deeq bixiyaasha Soomaaliya u bi xiyaan deeqaha ayaa sidoo kale waxa uu dhaw aan su’aal galiyay sababta ay weli Soomaaliya u wajaheyso halista abaarta, ayada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday.

"10 Sano kadib iyada oo in ka badan 7 bilyan oo dollar ay baxday, maxay Soomaaliya u wajah eysaa halista abaarta? Dadka iyo dowladda Soo maaliyeed waxa ay aaminsan yihiin in aan la rabin in ay isku filnaadaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ca bdishakuur.

Madashan caalamiga ah ee ka qabsoomtay magaalada Riyad, uuna ka qeyb-galay ergeyga gaar ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax aa diirada lagu saara arrimaha gargaarka bani’aa dannimada, waxaana soo qaban-qaabisay dowla dda Boqortooyada Sacuudiga.

Guddiga Maamulka Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed oo u digay Maareeyaha Hay’adda

Guddiga Maamulka Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa faray Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka inuu joojiyo isku dayada lagu bur burinayo jiritaanka Hay’adda iyo madax bannaani deeda, isla markaana lagu bedelayo shuruucda iyo qaab dhismeedka Hay ’adda.

Arrintaan ayaa timid, ka dib markii Wasiirka Gaad iidka iyo Duulista Rayidka ay u magacawday nin lagu magacaabo Zakariye Ah med Faarah Agaasimaha Maamulka Maaliyad da iyo Adeegyada Guud ee Hey’adda Duulista Rayid ka.

Guddiga ayaa tallaabadan u arkay mid ka hor imaaneysa shuruucda Hey’adda iyo qaab dhis meedkeeda in cid aan mas’uuliyad ku laheyn howl aha Hey’adda ay xil soo magacawdo.

Hey’adda Duulista Rayidka oo ah Hay’ad ka madax bannaan Wasaradda oo xilalkeeda uu ma gacaabi karo Mareeyaha guud oo kaliya arrintan ayaa waxa arkay iyo awoodda qaldan ee ay Wasi irada isticmaaleyso Guddiga Maamulka (Board of directors), waana mid ka mid ah arrimihii uu isku casilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Maamulka degmada Hobyo oo dhagax dhigay xarunta maamulka iyo tan saldhigga ee Xinbar waaqo

Gudoomiyaha degmada Hobyo Cismaan Acm ed C/lle iyo ku xigeenkiisa Muqtaar C/Laahi Max amed ayaa gaaray deegaanka Xinbarwaaqo iya goo dhagax dhigay xarumaha saldhigga Booliska iyo tan deegaanka.

Gudoomiyaha degmada oo ay la socdeen Taliy aha sal dhigga ,waxay warbixin la xiriirta xaaladda deegaabka asi iyo sida loo maareyn karo baahiyaha jira, hal kaasi uga dhageysteen qeynaha bulshada.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Cismaan Ac med C/lle iyo ku xigeenkiisa Muqtaar C/Laahi Max amed oo la hadlay xubnaha ka socday ururada bul shada ayaa sheegay in loo dhisi doono xarumaha ay ku howlgalaan maamulka iyo ciidanka boliska.

Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Sal dhig ku yaal degmada Afmadow

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Shalay waaberigii hore waxaa ay weerar madaa fiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin degmada Af madow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka la weeraray ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlay een jugta mada afiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Jubbaland & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay

Afhayeenka Ciidamada Jubbaland ayaa sheeg ay in weerarka madaaficda ah aysan ka dhalan wax khasaaro ah, balse ay ku dhaceen qaarkood guryo ay deganaayeen dad rayid ah.

Wararka Risaala ay ka heleyso degmada Af madow ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka degmadaas ay howlgallo ka wadaan Ciidamada daraawiishta jubbaland, iyaga oo baadi goobaya raggii weerarka hoobiyeyaasha ah kusoo qaaday .Xigasho:-Radiorisaala.Com

Saadaasha Cimilada IGAD oo sheegtay in dalal Soomaaliya ku jirto ay wajahay aan xaalad roob yaraan ah

Iyadoo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay sha cabka Soomaaliyeed ay la daalaan dhacayeen xa alado nololeed oo is biirsaday oo ka dhashay ro obabkii Guga iyo Deyrta aanan ka da'in gudaha Soomaaliya xiliyadii la filanaayay, ayaa hadana waxaa soo baxaya warar ay shaacisay saadaasha Cimilada IGAD in dalal ay Soomaaliya ku jirto ka dhici doonto roob yari baahsan.

Shir kusoo gabagaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlaayay afartii maalmo od ee lasoo arrimaha isbadalka Cimilada oo ay ka qeyb galeen quburo kala duwan oo ka kala timid inta badan dalalka Caalamka oo qeyb ka ahayd dowladda Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arima ha isbadalka cimilada iyo saameynta ka dhalan karta.

Shirka waxaa si gaar ah carabka loogu dhuft ay in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay ka dhici doonto xaalad roob yaraan ah, islamar kaana loo baahan yahay in laga sii taxadaro xaal adaha nololeed ee ka dhalan kara roob yaraanta la saadaalinayo. Bilaha Maarso, Abriil iyo May ee sanadkaan 2023-ka ayay saadaashu sheegtay in roobabka la filayo ay ka yaraan ka raan boqolkiiba lixdan, taasi oo masuuliyiinta ka socotay dowladda Soomaaliya ay sheegeen iney sii adkeyn karto abaaraha haat an ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa imaanaya, iyadoo abaarta ka jirta

Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu sareeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo saameynta ugu daran ee abaarta ay ku yeelatay dadka xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah oo qaarkood ay u dhintaan gaajo iyo haraad.

Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay gaadiid, hub, waxyaab aha qarxa iyo ragii watay

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Warbaah inta magaalada Muqdisho u soo bandhigay Sha bakad ay sheegeen iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab oo laga soo qabtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku howlana diyaarinta gaadiid qaraxyo ah oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacab Soomaaliyeed.

Kooxdaan Shabaab ka ah ee lasoo bandhigay ayaa tiro ahaan gaarayay sideed ruux oo dhamaantood rag ah, kuwaas oo Bool iiska uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay xili ay gaari Homey iyo Mooto sadax lugooleey ah ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa iyo hubka qeybahiisa kala duwan oo la doonayay in loo qaado degmada Saakoow.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka ragaan lagu soo qabtay ay iska kaashadeen Booliiska iyo Nab adsugida, islamarkaana ay fududeeyeen dadka shacab ah.

"Ciidamada Boliiska iyo Nabadsugida waxay ga canta kusoo dhigeen Shabakad Shabaab ah oo 8 ruux ah hub, rasaas, waxyqaabaha qarxa oo ay ku jiraan 100 xabo oo Mobeylo yar yar iyo batariyaa sha bajajata oo ah waxyabaha ugu badan ee qar axyada loo isticmaalo, gaari Homey ah oo ay ku rarayeen waxyaabaha Qarxa Mooto nooca sadax lugooleeyda ee xamuulka lagu qaado, kooxdan ayaa gaariga Homeyda ah ee qaraxyada u raraa yay degmada Saakoow" ayuu yiri Afhayeenka Bo oliiska Doodishe.

Afhayeenka Booliiska ayaa ayaa sidoo kale sheegay in kooxdaan gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono Maxkamadaha sharciga u leh, wuxuuna uga mahadceliyay shacabka Soomaaliy eed wadashaqeynta kala dhaxeysa laamaaha amaanka dowladda Soomaaliya.

Maamulka Galmudug oo sheegay in 30 ka mid ah Al-shabaab lagu dilay howgal ka dhacay gobolka Mudug

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraa wiishta maamulka Galmudug iyo dadka deegaan ka oo iskaashanaya howlgalo ay ka sameyeen deegaanka Faarax Aadan ee gobolka Mudug in lagu dilay 30 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-sha baab .Howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid qaatay saacado badan oo lagu jabiyay dagaalam ayaal ka mid ah Shabaab oo dhuumaaleysanaa yay godad uga qodnaa deegaanka Faarax Aadan ee gobolka Mudug.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug waxaa ka socday bilahii lasoo dhaafay howlgalo culus oo ka dhan ah Al-shabaab ka ku sugan dee gaanadaasi oo ay dowladdu sheegtay in hubkoodii ay ka furanayaan dagaalamayaasha kooxda dad ka shacabka ah oo ay horay u dhibaateyn jireen.

Al-shabaab ka ku sugan deegaanada Galmud ug, gaar ahaan gobolka Mudug ayay tilmaamtay Wasaaradda amniga gudaha maamulka Galmud ug iney wajahayaan maalmahoodii ugu adkaa, ka dib cunaqabateyn iyo dagaalo toos ah oo ay cii damada huwanta ah ku beegsanayaan Ururka Shabaab.

Mareykanka oo Somaliland ku billaabay cadaa dis la xiriira dagaalka Laascaanood

Mareykanka ayaa kordhiyay cadaadiska uu So maliland ku saarayo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay Somaliland ku cadaad ineysa in ay ka dhabeyso xabad joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal lo oga gaaro miiska wada-hadalka.

Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya oo booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu madaxtooy ada Somaliland kulan kula yeeshay madaxweyne Muuse Biixi.

Danjire Tim Trenkle iyo madaxweyne Muuse Bi ixi ayaa ka wada-hadlay xiisadda dagaal ee ka ta agan magaalada Laascaanood, taasi oo gashay toddobaadkii saddexaad.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Danjiraha warbixin ka siiyey xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, ayaga oo labada dhinac isla qaatay in gargaarka bini’aadannimo aan la carqaladeyn.

"Waxaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka wada-hadalnay khasaaraha nafeed ee naxdinta leh iyo qalalaasaha Laascaanood, Mareykanku wuxuu beesha caalamka kala mid yahay in la sameeyo xabad joojin bilaa shuruuda, iyo gargaar aadaminimo oo aan la carqaladayn,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Ma reykanka ee Muqdisho.

Somaliland oo iyaduna qoraal kasoo saartay kulanka Muuse Biixi iyo Amb. Tim Trenkle ayaa waxa lagu sheegay in kulankaasi uu ku dhammaa day is afgarad buuxa.

Kulankan ayaa waxaa madaxweyne Biixi ku we hlinaayey wasiirrada arrimaha dibadda iyo iskaa shiga caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Xukuumadda Somalinad ayaa hore u sheegtay dhankeeda inay diyaar u tahay in miiska wada-ha dalka xal looga gaaro xiisadda dagaal ee Laascaa nood, taasi oo timid kadib cadaadisyo horleh oo beesha caalamka ku saareen dagaalka socda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ergo dhaqameed u dirayo gobolka Sool, si ay ula soo fariistan Isimida ku sugan Laascaanood, wal low ay arrintaas ku gacan sayreen garaadada SSC oo ayagu sheegay in aysan jirin cid xiriir kala soo sameysay wada-hadal iyo waan-waan laga ga

layo xiisadda taagan.

Antonio Guterres "2022 Wuxuu Ahaa Kii Ugu Dhimashada Badnaa Somaliya Tan & 2017”

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ay aa sheegay in sanadkii 2022 uu ahaa kii ugu dhi mashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017, sababo la xiriira inay kordheen weerarada khasaraaha badan ee kooxda Al-Shabaab

Soomaaliya, oo sidoo kale waj aheysa abaaro darran, ayaa la kul antay koror weeraro ayada oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Macawiisl eyda ay qaadayaan dagaal "aan waxba loola ha rin” oo ka dhan ah Al-Shabaab.

"Weerarada sii socda ee Al-Shabaab, oo dhali yey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, rabshado galmo oo dagaalka la xiriira iyo kororka khasaaraha dhimasho ee shacabka, waa wax aad looga naxo,” ayuu Guterres ku yiri warbixin uu u gudbiyey Golaha Ammaanka QM.

Intii lagu guda jiray muddada dib u eegista la gu sameeyey, oo ah dabayaaqadii August 2022 ill aa horraanta February 2023, Guterres ayaa shee gay in xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM uu diiwaan-geliyey in khasaaraha shacabka uu sare u kacay 153 boqolkiiba oo uu gaaray 1,059, oo ay ku jiraan 382 dhimasho, kuwaas oo badankood lagu eedeeyey Al-Shabaab.

"Kororka khasaaraha ayaa 2022 ka dhigaya kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017,” ayuu yiri Guterres.

Bilihii dhowaa, ciidamada Soomaaliya iyo maleesh iyada Macawiisleyda ayaa deegaano badan kula wareegay howlgallo ay taageerayaan duqeymaha Mareykanka.

Hase yeeshee kooxda Al-shabaab, oo muddo 15 sano la dagaalameysay dowladda federaalka, ayaa weli maamusha qeybo ka mid ah baadiyaha dalka, waxayna sii wadaan inay qaadaan weeraro aargudasho.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo mar kii uu billowday howlgalka dowladda bartamihii sanadkii tegay, wuxuu ahaa mid ay kooxda ka ful isay aagga xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee Muqdisho bishii October, kaasi oo ay ku dhinteen 121 qof.

Hase yeeshee, Guterres ayaa ku booriyey mas ’uuliyiinta Soomaaliya inay xaqiijiyaan in tallaa booyinka "ka-hortagga argagixisanimada” aysan ku xadgudbin xoriyadda hadalka, wuxuuna sheeg ay "inuu aad uga walaacsan yahay” xariga sharci-darrada ah ee suxufiyiinta iyo shaqaalaha war baahinta.

Waxa uu sheegay in dagaalka socda iyo amni-darrada ay guryahooda ka qaxiyeen 600,000 oo qof sanadkii tegay "ayna weli caqabad ku yihiin ho wlgallada bani’aadaminimo.”

Qiyaastii 1.3 milyan oo qof oo kale, oo 80 boqol kiiba ah haween iyo caruur, ayaa ku barakacay gu daha Soomaaliya, sababo la xiriira abaarta ku dhufatay Bariga Afrika.

Inkasta oo heerka macluusha aan weli la ga arin, haddana Guterres wuxuu sheegay in 8.3 mil yan oo qof – oo ah kala bar shacabka Soomaaliya – ay sanadkan u baahnaan doonaan gargaar ban i’aadaminimo. Kadib shan sano oo roobabka aanay u da’in si dii loo baahnaa, abaarta ayaa noqotay tii ugu mu ddada dheereyd uguna darneyd ee taariikhda dhow ee Soomaaliya.

Guterres wuxuu sheegay in isu gaynta heerka dhimashada ay u badnaan karto si la mid ah mac luushii ugu dambeysay Soomaaliya oo dhacday 2011, markaasi oo 260,000 oo qof – oo kala bar ay ahaayeen caruur da’doodu ka yar tahay da’da lix jirka ay gaajo u dhinteen Doorasho maata ka socota dalka Jabu uti xilli la hadal-hayo cidda beddeleysa Geelle

Cod-bixiyayaasha Jabuuti ayaa Shalay dooran aya baarlaman cusub ayada oo ay dhaceyso doorasho ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka ee ugu weyn.

Xisbiga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee talada haya ee Union for Presidential Majority (UMP), ayaa ah mid ka mid ah kaliya laba xisbi oo ka qeyb-galaya doorashada, is lamarkaana ay huban tahay inuu ku guuleysan doono.

Qiyaastii 230,000, oo ah dad sharci u leh inay codeeyaan, ayaa dooranaya 65 xildhibaan oo baarlamanka fa dhin doona muddo shan sano ah, ayada oo sha rciga uu dhigayo in 25 boqolkiiba kuraasta ay hel aan haweenka.

Isu soo-baxa ayaa u muuqday mid aad u hoo seeya, sida ay werisay warbaahinta gudaha.

"Weligey ma codeyn, Shalayna ma codeyn do ono. Ma xiiseynayo doorashada. Qoyskeyga oo idil ma codeyn doonaan sidoo kale,” waxaa sidaas yiri Moktar Abdi oo ah Injineer 30 jir ah.

Souad Elmi Siyad oo ah 64 jir howlgab ah ayaa tiri "doorasho kasta waxaan u codeeyaa isla dowl addii.” Inkasta oo Jabuuti ay tahay dal aad u yar, hadd ana waxay ku taalla goob muhiim oo ah ma rinka Badda Cad, taasi oo ay u adeegsato inay ku soo jii dato maal-gashtayaasha iyo quwadaha mili tari ee shisheeye.

Codbixinta ayaa daba socota doorasho mad axweyne oo dhacday April 2021, taasi oo madaxw eyne Geelle uu helay 97 boqolkiiba codadka, si uu markii 5-aad madaxweye u noqdo.

Labada xisbi ee ugu weyn mucaaradka ee MRD iyo ARD ayaa qaadacay doorashada Shalay.

"Doorashada dalkeena weli ma ahan mid xor ah. Ma jirto daah-furnaan iyo dimoqraadiyad,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku yiri bishii Janaayo xisbiga MRD.

Doorashadii ugu dambeysay ee sharci-dejinta ee 2018, xisbiga UMP – oo ka dhashay xisbi Jab uuti xukumayey tan iyo xoriyaddii ay ka heshay Fa ransiiska 1977-kii – ayaa ku guuleystay 58 kursi.

Xisbiga UDJ, oo kuraas faro ku tiris ah ku guuley stay doorashadii 2018, ayaa ah midka kale ee ka qeyb-qaadanaya doorashada Shalay.

"Wax kasta waa la sameeyey si loo xaqiijiyo in doorashada ay ku dhacdo jawi wanaagsan,,” wa xaa sidaas Shalay yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Said Nouh Hassan.

Doorashada ayaa dhaceysa ayada oo ay jirto hadal hayn ku saabsan qofka ay suurtagal-ka tah ay inuu beddelo madaxweyne Ismaaciil Cumar Ge elle, oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukun ka dheer Afrika, kaasi oo dalka xukumayey tan iyo 1999-kii.

Benedikt Kamski, oo ah cilmi-baare ku takha susay Geeska Afrika, oo ka tirsan machadka Ar nold Bergstraesser ee Jarmalka, ayaa sheegay in xiisaha shacabka ee doorashada ay aad u yareyd.

Waxaa sidoo kale jirta hadal hayn ku saabsan cidda noqon doonta madaxweynaha xiga ee Jab uuti, oo ka iman kara labada qabiil ee Ciise iyo Ca far midkood, kuwaas oo ah labada qowmiyad ee ugu dadka badan.

"Dadka waxay is-weydiinayaan cidda beddely sa madaxweyne Ismaaciil Cumar,” ayuu yiri Kam ski, oo soo jeediyey inay suurta-gal tahay in la do orto kahor 2026. Geelle, oo ah kaliya madaxweyn ihii 2ad ee Jabuuti ee tan iyo xoriyaddii, ayaan ma rkale tart ami karin, sababtoo ah waxaa xaddidaya dast uurki 2010, oo dhigaya inaanu madaxweyne u tart ami karin qof ka weyn da’da 75 jirka.

Dhimashada dagaalka Laascaanood oo gaar tay 96 qof iyo wararkii ugu dambeeyey

Ugu yaraan 96 qof ayaa ku dhintay in ka badan laba toddobaad oo iska hor-imaadyo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ma gaalada Laascaanood, si da uu sheegay agaasima ha Isbitaalka L/caanood.

"Waxaan haynaa 96 dhi masho ah iyo 560 dhaaw ac ah,” ayuu Axmed Max amed Xasan, oo ah ma amulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laasca anood khadka telefoonka ugu sheegay wakaalad da wararka ee AFP.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah hoggaam iye beeleed caan ah, ayaa Arbacadii sheegay in 150 qof la dilay, 500 oo kalena lagu dhaawacay daga alka Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee, bilihii ugu dambeeyay waxaa cirka isku shareeray xiisado siyaasadeed oo sababay rabshado ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska QM ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aa dannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood.

Bayaan kasoo baxay xafiiska OCHA ee Soomaa liya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay.

"In ka badan 185,000 oo qof ayaa la barakici yey,” ayaa lagu yiri bayaanka, ayada oo shaqaala ha gargaarka ay la xarbinayaan inay ka jawaaba an xaaladda sababo la xiriira agabka oo aan ku fil neyn.

Sida ay sheegtay OCHA, haweenka iyo caruu rta ayaa ah 89 boqolkiiba shacabka la barakiciyey, ayada oo in badan ay gabbaad ka raadiyeen ge edaha iyo iskuullada u xirmay dagaalka dartiis.

Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakac een gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qo f ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas she egtay hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR.

IRAN: Maxaabiis Siyaasadeed oo la dilay

Warbaahinta Dowladda Iran waxay shaacisay in la dilay 2 Maxbuus oo lagu kala magacaabi jirey Sar kwat Ahmedi oo ka soo jeeda Qowmiyada Kur dishka iyo Hossein Abiat oo ka soo jeeda Qowmi yada Carabta ee looga tirada badan yahay dal kaasi.

Warbaahinta Dowladda Iran waxay sheegtay in Ee deysanaha hore ee Sarka wat Ahmedi oo horey uga ti rsanaa jirey Garabka hubeysan ee Kurdish ka KO MALA waxaa Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay M/Kurdishka ee Kermanshah.

Sarkawat Ahmedi waxay Ciiddanka Ilaalada Kac aanka Islaamiga ee Iran (the Islamic Revolution ary Guard Corps (IRGC) qabteen

bishii December ee sanadkii 2020-kii, xilli uu do onayey inuu si qarsoodi ah ugu dhoofinta Europe, isagoo ka sii gudbiyey Waqooyiga dalkaasi.

Maxbuus kale oo Siyaasadeed, laguna magacaabi jirey Hussein Abait oo muddo 11 sano xirnaa ayaa isagana lagu fuliyey Xukun Dil ah.

Maxbuus oo ka soo jeeda Qowmiyada Carab ta Carabta degan magaalladda Ahwaz ayaa la she egay in Isniintii la soo dhaafay lagu dhex dilay Xa bsiga Sepidar oo ku yaalla M/Ahwaz oo caasima da u ah Gobalka Khuzestan ee K/Galbed ee dalk aasi.Warbixin ay Hay’adda Xuquuqda Aad anaha Iran ee (Iran Human Rights) oo fadhi goo da Dhe xe ku yaallo Caasimadda dalka Norway ee Oslo waxay ku shaaciyeen inay D/Iran Sanadkan 2023-ka oo keliya ay Xukun Dil ah ku Fulisay 87 qof.


Xiisadda siyaasadeed ee Puntland oo gaartay meel sare iyo Golaha Amma anka oo…

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntlanda ayaa loo gudbiyay Golaha Amaanka Q/Midoobay, kadib markii uu sii xoogeystay khil aafka ka taagan doorashooyinka maamulkaasi.

Ku-xigeenka ergayga QM ee Soomaaliya ayaa warbixin la xiriirta xiisadda siyaasadeed ee Puntl and oo salka ku haysa arrimaha doorashada doorashooyinka u gudbis ay Golaha Amaanka QM.

Marwo Kiki Gbeho ayaa warbixintan ku sheegtay in khilaafka siyaasadeed uu hareeray diiwaan-gelinta maamulka Puntland, aya da oo xustay in mucaaridka ay ka biyo diideen nid aamka uu wax u wado maamulka Saciid Deni.

Waxay qirtay in khilaafka siyaasadeed uu xa taa saameeyay laamaha amaanka Puntland, islam arkaana ay ku kala qeybsameen barnaamijka do orashada qof iyo cod, gaar ahaan diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha.

"Puntland waxaa ka socday diyaar garow doo rashada golayaasha deegaanka, inkasta oo dib u dhac ku yimid iiwaan-gelinta cod-bixiyaasha. Dii waan-gelinta cod-bixiyaasha ee wejigeeda hore loo qorsheeyay in ay ku dhacdo bisha December 5-teedii ayaa la bilaabay 5-tii Janaayo si guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ay u xaliya an tabashada ururka siyaasadd ee ku aadan han aanka ay u socota,” ayay tiri.

"Gobolka Nugaal waxaa (diiwaan-gelinta cod-bi xiyayaasha) kasoo horjeestay odayaasha dhaqan ka iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada Kumaand ooska, kuwaasi oo ku dooday in hanaanka doora shada uusan ku dhisneyn is-afgarad.”

Ku-xigeenka ergayga QM ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay warbixinteeda ku sheegtay in na tiijo la’aan kusoo dhamaadeen wada-hadalo dhe xmaray xubno ka socda dowladda Puntland iyo mucaaridka kadib markii lagu kala kacay.

"Ciidamo hubeysan oo la safan mucaaridka ayaa u guuray Garoowe, waxayna rasaas is-weydaa rsadeen ciidamo daacad u ah dowladda Puntland 6-dii bishaan. Iska hor-imaadkaas ayaa dhamaad ay kadib markii odayaashu ay ku qanciyeen cii damada hubeysan ee taageersan mucaaridka inay ka baxaan magaalada.”

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysatay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland, taasi oo salka ku haysa khilaafka ka dha shay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan hana anka ay kooxda Saciid Deni u wado diiwaan-geli nta cod-bixiyeyaasha.

Koox hubeysan oo Shalay Muwaad in So omaali ah ku dhex dishay goobtiisa Ganacsi

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa Shalayeyd lagu dilay deegaan lagu magacaabo Gugulethu oo hoostagta magalada Cape town ee dalka koonfur Afrika.

Allah ha u naxariistee muwaadinka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Nuura Diin, waxaana la she egay in burcad hubeys an ay dukaanka ugu gale en, isagoo kaligiis ah kadi bne ay dhowr xabadood ku dhufteen

Ciidamada ka tirsan Bo oliska magalada Cape town oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa shee gaya in ay baarayan dhacdada dilka ah kooxdi burcada aheyd ee ka dambeeysay.

Waa muwaadinkii ugu horreeyay ee Soomaali yeed ee sanadkaan 2023 lagu dilay dalka Koonfur Afrika, waxaana dalkaas uu yahay mid inta badan Soomaalida dilalka loogu geysto iyo sidoo kale boobka iyo dhaca.

Dad uu ku jiro Wasiir Arrimaha Ciya araha oo ku dhintay Shil Diyaaradeed

Diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ee Helico pter ayaa ku burburtay magaaladda Baft ee dalka Iiraan.

Illo-dhanka caafimaadka oo ay Wakaallada Wararka Iran ee IRNA soo xig atay ayaa sheegay in La-Taliy aha Wasiirka Ciyaaraha ee dalka asi, Ismail Ahmadi iyo qof kale ay ku geeriyoodeen Shilkaasi, halka ay 16 qof oo ay ku jireen 4 Shaqaale dowladeed ku dhaawacmeen.

Mar sii horeysay, Wakaallada Wararka ayaa wa xaa ay soo tebisay in Diyaaradda Helikobtarka ee shilka gashay uu la socday Wasiirka Ciyaaraha dalkaasi, Sayid Hamid Sajadi Hazaveh.

Diyaaradda ayaa shilka gashay, xilli ay ku degi lahayd Garoon ciyaareed oo ku yaalla magaallad da Baft ee Bartamaha dalkaasi. Saraakiisha Ca afimaadka ayaa waxaa ay sheegeen inuu Wasi irka ka dhaawacmay Madaxa, lana xanuunsan yahay dhiig maskaxda kaga furmay.

Wasiirka waxaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla ma gaalada Sirjan ee Gobalka Kerman ee Koon furta dalkaasi.

SIRDOONKA KUURIYADA WAQOOYI OO ISKU DIYAARIN AYA IN AY QARXIYAAN BAMBO NUCLEAR AH.

Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa isku diyaarinayaan in ay fuliyaan tijaabadii toddobaad

ee bambooyinka nuclear-ka ah. Kuuriyada Waqo oyi ayaa ilaa hadda qarxisay lix bamboo oo nuc lear ah oo ay ku tijaabisay xarunteeda ku taalla dhulka hoostiisa. Kuuriyada Koonfureed ayaa baa ritaan la xiriira saameynta shucaaca kiimikada ku sameyneysa in ka badan 800 oo qof oo ka soo baxsaday dhinaca Kuuriyada Waqooyi. Dadkan ayaa la sheegay in ay ku lug la haayeen tijaabooyinkii hubka nuclear-ka ee ay Kuuriyada Wa qooyi ka sameysay xarumo ku yaalla dhulka hoostiisa. Dowl adda Kuuriyada Waqooyi ayaa oggolaatay in dad kan la baaro ka dib markii ay codsigaas soo gudbi say hay’ad u doodad xuquuqda aadanaha oo fadh igeedu yahay magaalada Seol, taasoo sheegtay in dadka ku nool agagaarka xarunta nuclear-ka ay suurtagal tahay inay soo gaartay saameynta qalab ka shucaaca halista ah bixiya oo kusoo dusi kara ilaha biyaha. Hay’adda ayaa aaminsan in dad ka badan nus malyan qof oo u dhashay Kuuriyada Waqooyi ay halistaas wajahayaan

Xukuumadda uu hoggaamiyo Kim Jon-un waxa ay sheegtay in ay tijaabooyinkaas u sameysay si nabad ah oo aysan cidna waxyeello kasoo gaarin, balse seynisyahannada ayaa in muddo ahba muu jinayay qeylo dhaan ku aaddan in shucaaha khat arta badan u uku faafi karo ciidda ku dhow xarunta nuclear-ka iyo ila biyaha eek u jira dhulka. Dadka kasoo cararay Kuuriyada Waqooyi oo mar ku noo laan jiray agagaarka xarunta lagu jiraajiyay hubka wax gumaada ayaa soo tebiyay in ay arkeen cud urro qeyrul-caadi ah oo ay ku arkeen bulshadoo da, hase ahaatee seynisyahannada uma suurtag eli in ay caddeymo helaan. Hadda dowladda ka arrimisa Seol ayaa ku yaboohday in baaritaanna da calaamadaha shucaaca ku sameyso dhamma an 881-da qof ee u dhashay Kuuriyada Waqooyi, oo kasoo baxsaday magaalooyinka u dhow xarunta nuclear-ka.

Dhul-gariir mar kale ka dhacay dalka Turkiga

Waxa uu Dhul-gariir kale oo Halbeegiisu ahaa 5.0 Richter Scale ka dhacay Gobalka Hatay ee dalka Turkiga, waxaana dhul-gariirka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka (AFAD) ayaa sheegtay inuu xuddunta Dhul-gariirka ahaa Degmadda De fne ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Hatay, Rahmi Doğan ayaa sheegay in dhowr Dhismo oo horey burbur uga soo gaaray Dhul-gariirkii hore inay ku hoobt een Dhul-gariirka Xalay dhacay.

Rahmi Doğan waxa uu xusay inaysan jirin wax dhaawacyo ama dad ku xanibmay burburka Dhis mayaasha, iyadoo inta badan dadka laga daad-gureeyey Deegaanka.

Talaadadii la soo dhaafay, 6 qof ayaa ku gee riyootay, kadib, markii ay 2 Dhul-gariir oo Halbee geedu kala ahaa 6.4 iyo 5.8 Richter Scale ka dha ceen Degmooyinka Defne iyo Samandağ ee Gobalka Hatay ee dalkaasi.

Bishan February 6-dii, Dhul-gariir ka dhacay 11 Gobal oo ka ku yaalla Koonfurta dalkaasi ayaa waxa ku dhintay in ka badan 43,500 oo qof sida ay baahisay Hay’adda Turkiye ugu qaabilsan Mas iibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka ee AFAD.

ISRAEL oo duqeyn culus ku garaacday marinka QAZA

Israa’iil ayaa Shalay duqeymo ka geysatay marinka Qaza kadib markii gantaallo laga soo tuuray dhulka ay Falastiiniyiinta maamuulaan.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen shan ka mid ah gantaallada halka kuw kalena ay ku dhaceen dhul bannaan.

Weerarradan ayaa daba socda howlgal dad badan lagu dilay oo Israa’iil ay ka fulisay dhulka la heysto ee Daanta galbeed Arbacadii.

Kow iyo toban falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Nablus waxa ana dadkaas kamid ahaa dhowr qof oo hube ysneyd.

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamu sha Gaza ayaa sheegtay in aysan innaba u dul qaadan karin weeraradan.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlayay mag aalada Nablus Arbacadii xilli ciidamada Israa’iil ay isku dayayeen inay xoog ku galaan magaalada, waxayna dagaal la galeen koox Falastiiniyiin ahaa oo hubeysnaa. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareyk an ka ayaa sheegtay in ay aad uga walaac san tahay khasaaraha faraha badan ee ka dhashay weerarada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip