FAALLO:- Xoolaha Mogadishu dhibaatada ku hayo. .

1
Monday February 13, 2023 - 19:29:09 in Wararka by
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO:- Xoolaha Mogadishu dhibaatada ku hayo. .

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 

Waxa ey dhib ku qabeen jiifka iyo Cariiriga Qolka.

Saaxiibkii ayaa kula taliyay si aad dhibaatadaa uga baxdo Dameer soo iibso ee Qolka ku soo dhax xir.

 

Sidii ayuu yeelay.

 

Dhibaatadii Qolka iyo Ciriirigii ayaa sii batay.

 

Saaxiibkii ayaa Mar kale kula taliyay, Sac ku soo dar ee Isagana Guriga ku soo xir.

 

Sidii ayuu yeelay.

 

Xaaladii Guriga ayaa kasii dartay oo meel la istaago ayaa la waayay.

 

Saaxiibkii ayaa hadana kula taliyay Dooro soo iibso ee iyadana ku soo dar.

Ninkii ayaa yiri: Saaxiiboow arrintii farahey ka baxday waxa ey ku dhawdahay in Guriga laga guuro, Caruurtii iyo Xaaskii Qeeylo ayeey bilaabeen.


Saaxiibkii ayaa ku yiri: Dameerka ka saar Guriga.

 

Subaxdii ayuu u yimid waxa uu yiri: Xalay Dameerkii markii aan guriga ka saaray Cidii waa ka nasatay Haraatidiisii Dameerka.

 

Habeenkii Xigay ayuu yiri: Saca ka saar habeenka Xigana Doorada ka saar.
Subixii kale ayuu Ninkii yiri: Xalay si fiican ayaa loo seexday Sidii Guriga looga saaray, Dameerkii, Sicii iyo Dooradii, Alla mahadii, Cidii qeyla dambe lagama maqal. ” wax kale ma qaban ee Dhibkii hayay midkii loogu daray oo kaliya ayaa laga dhaafay”. ( F.S:1aad)

Mogadishu

Mogadishu waxaa ka jiray Dad u qeeylinayo Xuquuq ka maqan sida:

1.

 

In ey Sameeystaan Maamul u gaar ah sida Gobalada kale.
2.

 

In ey Horuumariyaan: Amniga, Waxbarashada iyo Caafimaadka Bulshada.

Waxaa la isticmaalay Siyaasado ey Berri hore Dowladuhu isticmaali jireen oo aheyd in Dadka loo abuuru dhibaato Cusub si ey u hilmaamaan dhibaatadii hore u heeysatay, kadibna laga qaado isla dhibaatadii, si ey u hilmaamaan Xuquuqdii hore uga maqneyd.
Xamar waxaa loo Alifay Mashruuca Lo’da la qalayo si laguu mashquuliyo oo ey u hilmaamaan Xuquuqdoodii asaasiga aheyd.

Xoolaha kugu dhibayo Magaaladu, ma ahan: Dameer, Sac iyo Dooro ee waa………

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip